Warbaahinta Muqdisho iyo Wariyayaasha Xirfada yare e kahowgalla ayaa si aad ah uhadal haya Maqaal lagu Baahiyay The Guardian oo uu qoray Wariya Jamaal oo indhihiisa ku arkay Hab dhaqanka Wariyayaasha Muqdisho.
Jamaal Warbixintiisu waxa uu kusheegay Xaqiiq Jirta oo Aana Wariyayaasha Muqdisho Indhaha kaqabsan Karin Taasi oo ah inay Qaataan kuna shaqeeyaan Sharuurka yar ee Lagu Dabaro Daily Live-ka.
Maqaalka oo Aan Aqristay Marka Si dhab Loo hadlo waxa uu wariyuhu faafiyay Sifaadka Guracan oo Wariyayaasha Muqdisho ay kushaqeeyaan kuwaasi oo aanan Qaadan Lacag kufilan.
Jamaal Cismaan Maalin Maalmaha Kamid ah Aniga iyo Isaga oo Aan isla Joogno ayaa waxaa Shirjaraaid qabtay Masuul katirsan Dowladda.
Shirka Jaraaid Marka uu dhamaaday ayaa Masuulkii Waxaa uu Bixiyay Lacag Boqol Doolar ah oo xiligaasi oo uu dhexdhigay 16 Wariye.
Jamaal Maalintiisa Indhihiisa Waxa uu Saaray Masuulka oo Wariyayaasha ku Oranaya Warka Hala Qurxiyo Angalkaasina kaqaatay Hogaanka Warka.
Maalintaasi Waxyaabaha Dhacay oo Aan Iloobi Karin waxaa kamid ah in Warkii Duhur Idaacaduhu ay isku Mid Noqdeen Wakooda Marka Loo eego Lead-ka Warka oo Waxaa lawada Qaatay Warka uu Inoo Meeriyay Wasiirkii Katirsanaa Dowladda.
Mid kamid ah Idaacadaha Muqdisho oo Lagu Magacaabo Kulmiye ayaa Maalintaasi Warka Wasiirka Si uusan Kuqancin u Baahisay.
Wariyaha Warka kuqaatay Sharuurka idaacada Kulmiye ayaa Mar Danbe waxaa uu indhaha Saaray Wasiirka Isagoo Usheegay in Eeda Isaga Uusan Lahayn Laakin Maamulka Gaar ahaan Abwaan Guure uu Wariyaha kuyiri Lacagta Aad soo qaadatay Waa Taadii Laakin Wasiirka Tan Maamulka ayaa Laga Doonayaa.
Sharuurka uu Bixiyay Wasiirka oo Aad ugu Yaraa Wariyayaasha Maalintaasi Waxaa kudagaalamay Laba Wariye oo Isku Feeraray,Taasi oo Fadeexad Cad Nagu Ahayd Hadaannu Nahay Wariyayaasha Muqdisho.
Corruption is part and parcel of the Somali media. Journalists don’t normally ask themselves if a story is important or interesting. It is about how much money they can get from their sources to publish it. It’s known locally as sharuur, and it’s a form of bribery.
Musuqmaasuqa ayaa qayb ka ah Saxaafada Somaliya Maxaa Yeelay Wariyayaasha Muqdisho Maxiiseeyaan Muhiimada iyo Xiisaha ay Leedahay Sheekada Laakin Waxa ay Doorka Saareen Intee Lacag ah ayay Kuhelikaraan Warka.
Idaacadaha Muqdisho iyo Wariyaasha ushaqeeyaba waxa aysan Qiimayn Wararka ka imaanaya Dadka Danyarta Sida Barakacayaasha Kuwa Madaafiicda Amisom Lagu Garaacay,Kufsiga Lagula Kaco Haweenka Muqdisho oo Aad ubatay.
Marka Aad Ukuur Gasho Sababta ay Kaga Gaabiyeen Baahinta Wararkaasi waxaa Kuu soo Baxaya Dhowr Sabab oo Kala ah.
1-In Marka Hore Aanan Dadkaasi Laga Helin Lacagta Loo Yaqaan Sharuurka.
2-In Miilkiilayaasha Idaacadaha Muqdisho oo Wariyaasha ushaqeeya Ku Amra inaysan Soo qaban warar Macaash Aysan Kasoo Galayn Idaacada.
3-In Tabinta Warka Dhibaatada ah, Sida Kufsiga Askarta Dowladda Gaystaan ay u Arkaan in Fadeexad ay kutahay Cida Lacagta kaqaataan oo ah Dowladda.
4-Xirfad La aan haysta Wariyayaasha oo Keenaysa inay Baahiyaan Wararka Cida Lacagta Laga Helo haba kahadlo wax kasta oo dhib ku ah Dalka.
5-In Idaacadu uu Maalgashi KusamaystoShaqsi,Urur,Ganacsade,Ama Koox kale si uu ugaaro Danaha uu leeyahay taasi oo uu umarayo in Idaacadu ay ubaahiso Waxkasta oo uu ubaahdo.
6-Indhacdooyinka Taagan Loo tabiyo si aanan Xaqiiqo ahayn oo Kabadbadis ah iyadoo Mararka qaar Shacabka Loo Baahiyo in Hogaamiye Ladilo,Ama Shaqsi Caan ah Layiraahdo waa Ladilay. Degmo Hebel waa Lala Wareegay.Taasi oo Marka Warkaasi Been Noqdo Aanan Wax Cudur Daar ah Laga Bixin Warka Baxay.
Jamaal Dhacdooyinkaasi iyo Kuwa Kadaran oo Gun Dhig u ah Hab Dhaqanka Wariyayaasha Muqdisho ayuu Arkay Loogana Sheekeeyay.
Wariyayaasha Caalamka iyaga soo Gudbinta Dhacdada uu Kahadlay Wariye Jamaal way kutartamaan Waayo Isaga kahor Majirin Saxafi Caalami ah oo Si dhab ah utaabta Waxa uu Salka Kuhayo Dilalka Wariyayaasha Muqdish.
Warbixinta Jamaal oo Aad udheereed waxaa kamid ahayd.
For those working with well-established Somali media outlets, the sharuuris higher. It can be up to £1,000 for a news piece. But there’s also a large group of journalists known as beesha caalamka, meaning “international community” – those who call themselves journalists just because they own a small. Just by looking like journalists they can get their sharuur for attending a press conference, though it’s much less than others are paid.
Sida Aad Aqrisateen Qoraalka Ingalish-ka ee uu Qoray Wariye Jamaal Cismaan waxa uu kuqeexay inay Jiraan Wariyayaal Loo Yaqaan Beesha Caalamka kuwaasi oo Kuxamaasha video camera, an audio recorder or even a notebook.
Wariyayaashaasi uu Kahadlay Wariyuhu waa Dhab way Jiraan Waliba Haddii aysan kabadnayn kuwa Station Kasoo Kalaha kama yara.
Wariyaha Markaan waxa uu kahadlay Mar uu Muqdisho Yimid waxa kala qabsaday isaga iyo Askari Booliiska katirsan.
On one trip to Mogadishu, I remember visiting the port to film general views of it. As soon as I arrived, a policeman at the port’s authority came to me and asked aggressively: “Are you one of their friends?”.
I had no idea what he meant. Once I told him who I was and what I was doing, he explained to me that a group of so-called journalists had stormed into his office claiming they were having a bad day and wanted him to pay them sharuur – threatening that if he failed to pay they would write a negative article about him.
Warbixinta wariyaha uu kaga Hadlay Wariyayaasha Muqdisho waxa uu kuqeexay in jiraan Wariyayaal Hab Qabiil Cadow u ah iyo Kuwa Loo Dilay.
Waa Runtiisa waxaa Dhab ah in Hab Jufo iyo Anaa Beeshaydu kaa Awood Badantahay Ushaqeeyaan Wariyaasha Muqdisho.
Waxaan Xasuusta Aniga Meel Wada Joogno in Shir Jaraaid Laqabtay Lagu kala Qaatay Lacagta Sharuurka Layiraahdo.
Sharuurkaasi Nagula Laaluushay waxa uu ahaa War Culus oo Shabaabka Been Looga Sheegayay.
Mid kamid ah Wariyayaasha Goobta Kusugnaa ayaa waxaa kubooday Wariye Hogaan u ahaa Sharuurka ee Soo xirtay Ninka Sharuurka Bixinaya Maalintaasi.
Wariyaha Laqadiyay ee Kan Hogaanka u ahaa Way isku Hanjabeen,waxaana Kan Laqadiyay uu Soo kaxaystay Sarkaal ay isku Hayb yihiin oo Kujira Saraakiisha BS-ta,Isagoo kusoo Howgaliyay inuu Hayo Wariye Shabaab ah oo Muqdisho Jooga Waliba Kahowlgala Mid kamid ah Idaacadaha Muqdisho.
Sarkaalka BS-ta oo Dhag Laqabto Lahayn ayaa soo Raacay wariyaha ay isku beesha Yihiin,Waxaana Isagoo Lacagtii Sharuurka Kuqayilayay Wariyihii Loogu Yimid Meel udhaw Madaxtooyada isagoo Xabsi Loo taxaabay,Muddo Sadax Cishana ayuu Xabsiga ugu Jiray Sharuur uu Musuqmaasuqay.
Dhacdooyinkaasi iyo Kuwa Kadaran oo ay kushaqeeyaan Wariyayaasha Muqdisho ayaan kaga Hadli Doonaa Maqaal kale Inshaa Allaah.
Gabagabadii Wariyayaasha Muqdisho wali waa ay qaldanyihiin maxaa Yeelay iyagoo Latusay Qaladkooda ayaa Muqdisho Kubanaanbaxayaan.
Shaqaalaha Dowladda ee Radiomuqdisho iyagoo waxaa Fadeexad ku ah Warka baxay ee Lagu Muujiyay Dowladdu inay Laaluushto Wariyayaasha,waxaana Afrika iyo Rag kalaba ay isku dayayaan inay wariyayaasha kaciyaan Fadeexada Nagu Soo baxdayna ay uweeciyaaan Si kaduwan Xaqiiqda Nagula Haysto.
Waxaan Kusoo Idlaynayaa Qoraalkayga Dardaaran uu inoo Soo jeediyay Wariyaha Maqaalka Naga Qoray ee Jamaal Cismaan.
As a Somali journalist, I’m ashamed to be associated with the profession, especially when operating in the country. Somali journalists fail to recognise their basic responsibilities to the public. As a result of sharuur, important stories are ignored and Somalis are deprived from their right to impartial information.
The profession needs to be cleaned up. The media owners should do it to save the lives of their employees.
I feel as if we are watching a group of people committing suicide one by one. If a Somali journalist is killed today we just say, “Oh, sad, another one killed”, then another one …
I strongly believe that if more Somali journalists respected their profession there would be fewer targeted killings. We would also do a better job in serving our people. And that would be a win-win situation for all of us.
WQ/Wariye Saalax Gurey.
Gurey350@hotmail.com
Like this:
Like Loading...