MINNASOTA:-Soomaalida Minnesota oo kaalinta Shanaad ka gashay dadka ugu badan ee qaba cudurka Aids-ka.

25557894Dadka Soomaalida ah ee ku dhaqan qurbaha ayaa la sheegay inay yihiin  kuwo dhaqan door soomay oo inta badan aqlaaqda wadaangsan ka tegey marka laga reebo tiro yar oo Allaah bad baadiyay.

Dhalinyarada aan diinta Islaamka lagu barbaarin ee la saaxiibay dhigooda gaalada iyo dadka waaweyn gaar ahaan kuwo muqaadaraatka isticmaala ayaa la soo sheegayaa inay yihiin kuwa ugu daran ee ay saamaynta ku yeesheen dhaqanka gaalada.

Cudurro ayaa la sheegay inay dadkaasi la ildaranyihiin siiba kuwa halista ahh ee wax gumaada sida Aids-ka.

Soomaalida ku dhaqan Minnesota ayaa la sheegay inay xilligan la ildaranyihiin Cudurka dilaaga ah ee Aids-ka iyadoo la sheegay in kaalinta shanaad ay kaga jiraan dadka ugu badan ee qaba cudurkaasi.

Baaritaan ay samaysay waaxda caafimaadka ee gobolkaasi ayaa sheegtay in Soomaalidu ay kaalinta shanaad ka galeen dadka soo galootiga ah ee qaba cudurkaasi.

Ilaa 90 qof oo Soomaali ah oo baaritaanno u tagay isbitaallada ayaa la sheegay in laga helay cudurkaasi iyadoo la soo sheegato sidoo kale in laga yaabo in tiradu intaasi ka badantahay!

Banaadir Post.

SOOMAALI WAA GABLAN:-“Idinkaa dalkaba lehe, dowlad maw ahaataan Illeyn doqoni calaf ma leh, dulbaax maxaa ka baylahay” Sayid Maxamad.

24019222Waxaan ku bilaabayaa maqaalkaan Maansadii dardaaran ee Sayid maxamad Cabdulle Xassan:
Dawo lagama helo gaal haddaad , daawo dhigataane
Waa idin dagayaa kufriga, aad u dabcaysaane
Dirhamkuu inuu qubahayaad dib u goaysaane
Marka hore dabkuu idinka dhigi, dumar sidiisiiye
Marka xigana daabaqadda yuu idin dareensiine
Marka xiga dalkuu idinku oran duunyo dhaafsada e
Marka xiga dushuu idinka rari, sida dameeraade
Marhaddaan dushii adari iyo, Iimey dacal dhaafay
Maxaad igaga digataan berruu, siin la soo degiye!

Waxan filayaa in dad badan oo ku abtirsada magaca Sooxmaaliyeed ay is waydiinayaan muxuu qoraagu ula jeedaa erayga gablan, hadda mar soomaali ka rag badantahay majirtee. Asalahaan eraygaan wuxuu kasoo jeedaa dhaqankii soomaalidii hore ee ku salaysnaa nolosha miyiga, ee nimaan rag dhalin isagoo nool xoolahiisa la dhicijiray xataa haduu toban gabdhood dhalo. Gablan wuxu ahaa nin aan wiil lahayn.

Maantase, gablan waxaan ula jeedaa in aan dalkeenuu lahayn wax wadaniyiin ah rag iyo dumartoona. Oo dhulkii aan ka dhaxalay aabayaashayo uusan lahayn rag ,ka difaaca cadowga dibada iyo kan gudaha. Tusaale ahaan sidii ay u difaaceen dalka Ahmad Guray iyo Sayid maxamad cabdulle xasan, uguna duuleen Amxaaro iyo gumaystayaashii reer Yurub. Waxa iyaga una xusuus lama ilaawaana mudan, kaalintoona kasoo dhalaalay dagaalweynihii labaad ee dunida dhalinyaradii u istaagtay inay dalkooda iyo dadkooda xornimo gaarsiiyaan siina balaliyaan dabkii uu shiday Darwiishkii . Halgankaas gobanimodoonka ahaa waxaa hormood uhaa xisbiyadii kala ahaa SYL, SNL, USP iyo kuwo kale oo farabadan oo ka jiray shanta soomaaliyeed. Aabayaashaas aan kor kusoo xusay, qaybtoodii waaqaateen waana xoreeyeen carruurtoodii waajibkii saarnaana waa fuliyeen. Nimankaas wax weyn ayay soomaali uqabteen, dhaxalna lagu faanikaro ayay uga tageen ummadooda.

” Nimankii abuuree iyagoo itaal daran noo furay albaabada abaalkoodu wuxuu yahay ama lagu xusuustaa hadii aad ilawdaan waa iga ogaysiis waa la arkidoonaa, Eedaad la soo maray umulbaa ilawdee Allow sahal amuuraha adaa noo aqoolee.” (Cali Sugulle ).

Hadaba aabayaasheen iyo awoowayaasheen qarankaan ka dhaxalay meeyay? miyaanay rag ka tagin? Dadkii ma daacuunbaa laayay, ma duufaan baa qaaday mise daad? Soomaalidu waxay tiraahdaa Eebow reer ragleh saan roob ma ugalaa, taas waxaan ka dheehanaynaa in aabayaashayo ay noqdeen mas ubur dhalay ee aanay noqon mas mas dhalay. “Dab nin kaliya oo shida miyaa duulka laga waayay”! War nin, labo ama seddex qof oo nool oo wax wadanimo ah kujirto managalawaayay? Mise xaalkeenu waa xeradayadu waa wada ule ul la qaato maleh. Waryaada dhalinta soomaaliyeeday sow ma ogidin inaad dhulka aduunka ugu barwaaqada badan uu yahay ciideena oo ay buuxo bad iyo beriba. Sow ma ogidin inuu yahay dunida maanta meesha ugu hawada wanaagsan inuu yahay dalkeenu.

War xaggaad u socotaan soomaaliyay? war qaxooti iyo soor gunimo miyaad ka doorbieen ciidiinii hooyo ee hodanka ah? War ragow miyaynaan unaxayn caruurteena, haeenkeena iyo ciroolaheena? War ma ilownay dhibtii waalidiinteena noo soo mareen? War maskaxdu hashaqayso soomaaliyay, war qabiilka aad ku baaba’een ee aduuna dadkiinii rogay aakhirona cadaab idiindanbeeyo ee gunimada, sharafdarda iyo foolxumada idinbaday iskadaaya. War qaran filwayn baad ahaydeena isdaba qabta ookiinii ra’yi wanaagsan idiin keena qaata, joojiyana huu yahay idinkoo dhagaysan waxa uu idiin sheegayo. War ka waantooba aragtita fuushxun ee aad caadaysateen oo ah kuu Talin mayo, Italinmaysid, Wada tashanmayno. Ummadi waxay sharaf ku leedahay inay hogaan wacan hesho, haddaanse taas wayno waxaan noqonaynaa awr dabarla’aan dhacay waxaa cuna dugaagee.

Libin iyo dowladnimo waxaa lagu hantaa kaladanbay ee is feeryaac, xaasidnimo iyo aniga kaliya aan noolaato laguma gaaro. Wada tashi iyo isu,tanaasul ayaa ummad jabtay sidayada oo kale lagu dabaqabtaa. War intaad idinku beriga da’yartiinii ku gowracaysaan, ayaa badahiiniina shisheeye boobay khayraadkii ku jiray dhamaystay sunna ku aasay. War maxaan rabnaa oo inaga maqan? War iska daaya maskaxdaan aan dhaafsiisnay qado aad manta cuntaan, una gudba inaad ka fakartaan aayaha caruuirtiina iyo kuwa ay dhalaan iyo soomaaliwayn aayaheeda danbe haddaan doonayno in wax naga haraan.

Idinkaa dalkaba lehe, dowlad maw ahaataan
Illeyn doqoni calaf ma leh, dulbaax maxaa ka baylahay. ( Sayid Maxamad )
Waxaan kusoo gunaanadayaa qoraalkaan gabaygaan uu Cismaan Keenadiid tiriyay oo aad moodo inuu ka turjumayo waxa maanta Soomaali ku sugantahay.
Maanyariye Soomaali waa meheradeedii
Maslaxadeedii garanweyday iyo marinkii toosnaaye
Macnahay ku noolaan lahayd, maluhu siin waaye
Maamuus la’aan lagu waday moodayaan nolole
Miis-xumida haysa iyo dulligu, waw macaanyahaye
Mabsuud weeye badidood waxay, mudanhayaan ceebe
Muslinimada sida loo mud-muday, kama masayraane
Maqaan-xumida waxaa joojay waa, muran dhexdoodaahe
Iyagaa isu muuqanahayee, moog adduunyada e Magan bay shisheeye u yihiin, meel la joogaba e
Maalin noolba nimanbaa ku fala , waxay ka maa gaane
Ragii madaxdu ka xumaato waa, marin habaaye
Muwaafaqo kolkii laga gefaa mowtigood galaye
Anigaa ku miro dhaamayaa maleg usaarnaaye

Suleimaan Abushanab
Soomaali Waa Gablan.

24019264

VIDEO:-“Safarka Xasan Sheekh waa mid aan laga fiirsan oo lagu deg degay maxaa yeelay Obama weli lama dhaarin” Waxaa yiri Cali Khaliif Galayr.

24007597Cali Khaliif Galayr oo dhawaantaan u waramayay telefefishinka Somali Channel asagoo ku sugan magaalada London ayaa waxaa uu sheegay in booqashada madxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ee dalkaas Mareykanka ay tahay mid aan laga fiirsan oo lagu deg degay asagoona sheegay in  Barack Obama aan wali dhaarin islamarkaana aan la aqoon cida loo dhiibi doono jagooyinka sidaas awgeedna ay Xasan Sheekh  iyo wafdigiisu aan la aqoon cida qaabili doonto waxa ay yihiin asagoona ku sheegay inay booqashadaas ay u muuqato mid ay codsadeen madaxweynha iyo wafdigiisa islamarkaana markii boos loo waayey xilligaan kala guurka ah lagu lugooyey, Sidoo kale ayuu waxaa uu sheegay inaysan jirin waqtigaan cid kale ama madaxweyne kale oo aduunka ka socdo waqtigaan booqanaayo dalkaas Mareykanka taas oo uu ula jeedo inay Xasan Sheekh  iyo wafdigiisu ay ku yar tahay waaya aragnimada dibolomaasiyeed.

Waxaa qaabilay oo ay arkeen ilaa hada  Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka ee Afrika, Johnnie Carson ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya, Xassan Sheekh uu maanta oo Khamiis ah la kulmi doono xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, welina lama kulmin.

Johnnie Carson ayaa sheegay in Xiriirka Mareykanka iyo Soomaaliya oo hada wanaagsan yahay taaso macnaheedo yahay waa naqaan Xasan Sheekh,maxaa yeelay horey ayuu noola shaqeyn jiray,anaga ayaana kursiga keenay.

“Xiriirka Mareykanka iyo Soomaaliya wuxuu ahaa mid aad u kala fog tan iyo markii laba diyaaradood oo Mareykanku leeyahay ay kooxo hubeysan kusoo rideen magaalada Muqdisho sannadkii 1993-kii,” ayuu Carson hadalkiisa ku daray.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in xiriirka labada dal uu dhaawacay ciidammo Mareykan ah oo lagu jiiday waddooyinka waaweyn ee Muqdisho, taasoo aycaro ka qaadday dowladda Mareykanka sida uu sheegay.

118425_600