BAYAAN:-Muslimiinta Oo Looga Digayo Dabinta Dhagar-wadayaasha (Bayaan Kasoo baxay Al-Kataaib)

25846775Bayaan kasoo baxay Mu’assasada Al-Kata’ib oo ah garabka warbaahineed ee  Xarakada Al-Shabaab Al Mujahideen oo nuqul ka mid ah lasoo gaarsiiyay Shabakada wararka ee SomaliMeMo ayaa markii ugu horreysay looga hadlay qoraallo dhowr ah oo maalmihii lasoo dhaafay mareegaha qaarkood lagusoo daabacayay kuwaasi  oo lagu sheegayay in Jihaadka Soomaaliya uu burbur halis ugu jiro sababo ku aadan dhibaatooyin ka taagan gudaha safka Mujaahidiinta.

Bayaankan oo oo ku qoran Luqada Carabiga  cinwaana looga dhigay “Muslimiinta oo looga digayo dabinta Dhagar-wadayaasha” ayaa lagu xusay ugu horeyn sunnada ALLAH iney tahay imtixaanada iyo kala sooca ka dhex dhaca Mu’miniinta, islamarkaana qofka u fiirsada masiirada Jihaadka Umadda uu arkayo caqabado badan, lug-gooyooyin, dabinno iyo shirqoollo loo maleegay, kuwaas oo dhamaantood halis gelin lahaa habsami usocodka Jihaadka  haddii aan la helin dad buuxiya thaqriga Iclaamka oo Umadda u sheega Xaqiiiqada jirta.

Dhawaanahan ayuu xusay Bayaanku in gudaha Mujaahidinta ay ka soo baxeen kooxo  ujeedkoodu tahay iney kala dhantaallaan safka Muslimiinta iyo kan Mujaahidiinta, kuwaas oo meel kaga dhacay hogaanka Jihaadka iyagoo tuhmaya xilkasnimada madaxda, siyaasaddooda iyo xittaa Islaamnimadooda  iyo  Jihaadkooda.

“Muddooyinkii u danbeeyay waxaa aragnay codka qaar ka mid ah fitnawadayaasha oo sare u soo baxay, kuwaas oo Umadda  khilaaf kala dhex dhigaya si midnimadoodii loo waayo, oo meesha uu ka baxo Jamacii iyo Jamaacadii, inagoo og in diinteedu ay reebtay  kala tagga iyo furqada.

ALLAH Cazza Wajalla wuxuu yiri:

﴿ وَأَطِيعُوا اللَّهَ وَرَسُولَهُ وَلَا تَنَازَعُوا فَتَفْشَلُوا وَتَذْهَبَ رِيحُكُمْ وَاصْبِرُوا إِنَّ اللَّهَ مَعَ الصَّابِرِينَ (46) ﴾، الأنفال

Shakina kuma jiro in tani ay tahay Sunnada kala sooca iyo imtixaanka oo ay u soo joogeen kuwii Iimaanka inagaga horeeyay, waana tijaabo soo martay masiirada Jihaadka, ayna la kulmeen dadkii sabqiga lahaa kuwaas oo markiiba wax ka qoray islamarkaana waddo la raaco u dajiyay si looga hortago fitantaas oo loo damiyo, asal ahaan qofka Muslimka ah marka arrimahan oo kale ay yimaadaan waxaa ku haboon inuu ula laabto hadalka ALLAH Cazza Wajalla ee ahaa:

﴿وَإِذَا جَاءهُمْ أَمْرٌ مِّنَ الأَمْنِ أَوِ الْخَوْفِ أَذَاعُواْ بِهِ وَلَوْ رَدُّوهُ إِلَى الرَّسُولِ وَإِلَى أُوْلِي الأَمْرِ مِنْهُمْ لَعَلِمَهُ الَّذِينَ يَسْتَنبِطُونَهُ مِنْهُمْ وَلَوْلاَ فَضْلُ اللّهِ عَلَيْكُمْ وَرَحْمَتُهُ لاَتَّبَعْتُمُ الشَّيْطَانَ إِلاَّ قَلِيلاً (83)﴾، النساء.

Bayaanka ayaa intaas ka dib si toos ah lagula hadlay Umadda Muslimka ah guud ahaan iyo ansaarta Jihaadka gaar ahaan iyadoona loogu baaqay iney ka digtoonaadaan fitantaas,oo caqligooda ka shaqeysiiyaan, wixii ka qarsoomana ay weydiiyaan dadka Cilmiga u leh iyo madaxda Mujaahidiinta.

Waxaa sidoo kale bayaanka loogu sheegay Umadda Muslimka ah iyo guud ahaan Mujaahidiinta ka dagaallamaya Jabahaadka Jihaadka Caalamka in Mujaahidiinta Soomaaliya ay wadada ku taagan yihiin, ayna Umaddooda u adeegayaan,Shareecadana adkeynayaan, gaaladana dhabarka ka jabinayaan,sidoo kalena  ay ku dadaalayaan ilaalinta mideynta safka iyo xaqiijinta  cadaaladda.

“Waxba yaan la dhaawicin kalsoonida aad ku qabtaan hogaanadiina, ALLAH baan ku dhaaranee, waxna meysan badalin oo marna mey weecan, naf-hurkooduna wuu sii soconayaa oo cadowgooduna wuu sii badan, sidii aad kaga barateena dadaal ma reebanayaan ilaa raayaatka Towxiidku isu tagaan oo Khilaafadii Islaamka istaagto, waxaana inagu filan in ka hor dadka na jecel uu cadowgu u qirayo Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab horumarrada ay dhinacyo badan ka sameysay, haddii aaney taasi jiri laheyna,ciidamada intaas la eg reer galbeedku sooma dagaal geliyeen,oo lacagaha sidaa uma farraqeen, shirarka joogtada ahina ma qabteen” ayaa lagu yiri Bayaanka Mu’assasada Al-Kataaib.

Ugu danbeyn waxaa lagu sheegay bayaanka in markii shirqoolada dibadda ee cadowgu ay socon waayeen oo Mujaahidiintu ay ka hortageen in fitno laga bilaabay safka gudaha si loo kala dhantaallo quwadda Mujaahidiinta,waxaana laga digay wararka la soo dhigayay maalmahan baraha Internet-yada iyo website-yada ee aan tazkiyada ka heysan Mujaahidiinta Caalamka.

“Waxaan baraarujineynaa in qoraalladii lagu baahiyay bogagga qaar ee suurad xumeynaya Jihaadka Soomaaliya iney ahaayeen kuwo aad xaqiiqada uga fog,  oo been abuurro laga buuxiyay ka dibna loo adeegsaday xogaha qaar si aan xaqiiqada aheyn, waxey aheyd Xaqaa’iqda oo lagu daboolayo xiqdi, uur-ku qaad iyo wax jecleysi, waxaana wax laga xumaado ah in been abuuradaas ay yimaadeen waqti ay Mujaahidiintu safkooda hore u mideeyeen” ayaa lagu yiri bayaanka.

Waxaa lagu soo gunaanaaday in awoodda Mujaahidiinta ay maanta ka xooggan tahay sidii shalay, ayna khibrad u leeyihiin dhagaraha loo maleegayo, ballana ay ku galeen in Islaamka aan dhankooda looga imaan.

Bayaanka kasoo Baxay Al-Kataaib oo Carabi ah halkaas ka degso.

XIGASHO SOMALIMEMO.NET     DIB  UFAAFIN SABAAX.COM

25701270

Banaadir Post

DHAGEYSO-GABAY:-Gabay Madhibaan ( Midgo ) Abwaan Luqmaan.”Ka macaasha waataad sharciga muran ka keenteene”

25661441Hadaba iyadoo laga duulaayo diinteenna wanaagsan ee islaamka ah sida ay ina farayso ee xuquuuqda iyo sinaanta dadka muslimka ah,gaar ahaan hadii Somali nahay waxaa nagala  hayaa xadgudubyo joogta iyo is quursi la isku sameeyay.

Dadyawga ka soo jeeda beelaha laga tirada badan yahay ama la hayb sooco ee dalka ku nooli (Gabooyaha, yibraha, tumaalaha) waxay xaq u leeyihiin sinaan xagga xuquuqda iyo fursadaha horumarka nolosha sida shaqada iyo waxwalba   ay helaan  muwaadiniinta kale ee Somaliyeed.

“Ka macaasha waataad sharciga muran ka keenteene”

Gabay Madhibaan ( Midgo ) Abwaan Luqmaan.

“Aamina dhulkiina xumaanvkama dhaxlaysaane”Abwaan Luqmaan.

25661599

Banaadir Post.

VIDEO:- Maxaabiista Kenya u dhashay ee ku jira gacanta Shabaabka Soomaaliya oo Waqti kama dambeys ah loo qabtay. “ Labadaas qof ee Ajanabiga ah ma anaga ayay naga muhiimsanyihiin?”

24125125

Dowlada Kenya waxay haysataa 3 Isbuuc oo ka bilaabanaysa Saqda dhexe Taariikhdu marka ay tahay 24-01-2013 si ay uga soo jawabaan Shuruudaha Mujaahidiinta, Hadii ay doonayaan in Nolosha Maxaabiisteeda, Shuruudahaas oo kala ah :

Kenyan Govt must release all Muslim prisoners held on so-called terrorism charges in Kenya

1: Dowlada Kenya waa inaysii daysaa dhamaan Maxaabiista Muslimiinta ah ee ay u xir-xireen sababo la xiriira La dagaalanka Islaamka.

2: Dowlada Kenya waa inay xaqiijiyaan in la siidaayo dadka Muslimiinta ah ee ay u gacangeliyeen Dowlada Yugaandha sababo la xiriira Dagaalka ka dhanka ah Islaamka

3: Sii deynta dadkaas Maxaabiista Muslimiinta ah waa in aysan wax shuruud ah ku xirnaanin isla markaana ay ay noqodaan mid  shaacsan oo aan qarsanoonayn.

Following the expiration of this period, all the Kuffar Kenyan prisoners who appeared in the recent video will be executed

Hadii uu dhamaado waqtiga loo qabtay arintan, dhamaan Maxaabiista Gaalada ah Kenyaatiga ah ee kasoo muuqday filimkaan waxaa lagu fulin doonaa Xukun Dil ah.

24125122

Magacayu waa {Mulle Yesse}, waxaanan u hadlayaa dhamaan Maxaabiista Kenyaatiga ah ee k u jirta Gacanta Al-Shabaab.  Waxaan Codsi  iyo Fariin adag u diraynaa Dowladeena in ay ka hawlgasho sidii aan Xoriyadeena dib ugu heli lahayn. Qaar naga mid ah waxay cimrigooda intii ugu badnayd ku bixiyeen ka shaqaynta  Danaha Guud, anagoo aanan u adeegeynin oo kaliya Dowlada Kenya,  balse sidoo kale u adeegeynay  Guud ahaan Shacabka Kenya. Wax badan ayaan u dadaalnay wadankeena, hadana  waxaan u baahanahay inaad kaalintiina qaadataan oo aad naga caawisaan inaan anagoo nabad qabna dib ugu soo laabano guryeheena iyo qoysaskeena.

Waxa aan idanka codsanayno waa inaad tixgelisaan Shuruudaha Al-Shabaab si aan anagoo bad-qabna dib ugu soo laabano wadankeena.  Sida labada Musharax-Madaxweynayaal ee kala ah  Uhuru Kenyaata iyo Wilyan Rutu inta ay khilaafaadkoodii meel iska dhigeen  ay awoodoodii u mideeyeena, waxaan ka baryaynaa Shacabka Kenya, Warbaahinta Kenya iyo Dowlada Kenya in ay dadaalkooda mideeyaan si aan Xoriyadeena dib ugu helno.

Dowladeenu waxaa ay Ciidamada iyo Wadanka oo idil u abaabushay dagaal markii  ugu horeysey Taariikhda si ay usoo badbaadiso labo Dalxiisayaal  Reer Galbeed ah oo wadanka laga soo afduubay, Waxaan waydiinayaa Shacabka Kenya “ Labadaas qof ee Ajanabiga ah ma anaga ayay naga muhiimsanyihiin? Bal u fiirsada Dowladaha labadaas qofood ee Ajanabiga ah Soomaaliya uma so gelin si ay dadkooda u badbaadiyaan,  Anaguna hadii aan nahay Muwaadiniin Kenyaati ah, anaga ayaa uga xaqnimo badan in Wadankeenu uu na badbaadiyo  oo u caawiyo.

Walaalahayga Reer Kenyoow, Naftayda iyo Nafta Muwaadiniinta kale ee Kenya ee Gacanta ugu jira Al-Shabaab waxay ku xirantahay sida aad uga soo jawaabtaan fariintaan aan idiin soo gudbinayno,  Waxaan aad uga cabsi qabaa in markan ay noqoto markii ugu dambaysay ee aad mid anaga naga mid ah Fariintiisa maqashaan oo nala khaarajiyo,  ee Fadlan  Qadariya Duruufta aan ku suganahay, waxaanad bixisaan dadaalka ugu wanaagsan ee ay suurtagalka tahay in aan Xoriyadeenii dib ugu helno.

24125321

23612604

Halkan Ka Daawo Filimka

VIDEO:- “Kenya Iyo Itoobiya Xaq Ayey U Leeyihiin Jubbooyinka In Ay Ka Hadlaan Waayo, dad ayaa oga Dhintay waxaana ogol dastuurka iyo Dimoqoraadiyada ,ninkii diidana waa doqon, Waana Mahadsan Yihiin Kenya Iyo Itoobiya” Sheekh Shakuul oo ah Saaxiibka Sheekh Umal iyo Sheekh Shibile ayaa yiri!

23760162Waa Kuma Sheekh Maxamed Ibraahim Shakuul?.

Shakuul, waa Nin Maraykanka Gobalka Tennessee Imaam Masaajid ka ahaan jiray, wuxuu Muddo 10 Sano kudhow joogaa Kenya, waxay ganacsi, Hoteello, Suuqyo iyo Guryo ganacsi wadaagaan Sheekh Maxamed Cabdi Umal iyo Sheekh Maxamuud Shibile, dhinaca kale haddii laga eego Shakuul, Sh, Umal iyo Shibile waa isku Qabiil, waa isku Urur waana Saaxiibo, waxaa Muslimiin badan noo xaqiijiyeen in Shakuul Markii uu Maraykanka katagayey uusan lacag haysan, Wadaaddadaas waxaa la leeyahay Asagaa sabab u ahaa Isdhiibitaankooda, waxaa naloo sheegay in uu ushaqeeyo Sirdoonka Reer Galbeedka, waa Ninka xattaa Itoobiya u dhiibay Jamhaddii Soomaali Galbeed.

Waxaa laga yaabaa in aad tiraahdaan maxaad hadda kahor noogu sheegi weydeen?, inta aanan ka jawaabin su’aasha Akhristayaasha, haddii aan idin weydiino ka warama oo oga jawaabno soo ma wanaagsana in aad Afkiisa ka maqashaan Asaga oo leh, Jaajuus ayaan u ahay Reer Galbeedka?. Shaki kuma jiro Qofkii dhagaysta in uu si deg deg ah u fahmayo cidda Shakuul u shaqeeyo, xattaa wuxuu Ninkaas Afkiisa ka leeyahay waxaa ka xishooda Barre Hiiraale, Cabdi Qaybdiid, Yuusuf Badageed iyo Faroole.

Dhagayso Shakuul oo Kenya Iyo Itoobiya Xaqsiinaya MP3 Halkaan Riix Ama Guji

22967168

KA DHAMAYSTIRO QORAALKA OO DHAN SOMALIMIDNIMO

http://somalimidnimo.com/salafi/2013/01/daawodhagayso-sheekh-shakuul-oo-ah-saaxiibka-sheekh-umal-iyo-sheekh-shibile-oo-yiri-kenya-iyo-itoobiya-xaq-ayey-u-leeyihiin-jubbooyinka-in-ay-ka-hadlaan-waayo-dad-ayaa-oga-dhintay-ninkii-diidana/

22999860

Maleeshiyaadka Raaskabooni oo nabadoonkii labaad Kismaayo ku dilay iyo beelaha Kismaayo degan oo hubka u qaatay inay iska celiyaan Maleeshiyaadka Dagaal-ooge Axmed Madoobe iyo Cawaanta Kenya oo kismaayo qabsaday.

23711014Ganacsade  Nabadoon Ismaaciil Maxamed Nuur  ayay  dhaawac xun uga tageen,iyaga oo u haystay inow dhintay laakin maalmo ka dib ayuuna  Moqdisho oo loo qaaday ugu dhinta dhaawacii ay u gaysteen  ciidamada Raaskamboonigaa ee Axmed Madoobe hogaamiyo.

Waxaa si xun uga carooday dilka nabadoonka oo ahaa nin aad looga yaqaan Kismaayo,waxayna balan qaadeen iska dhici doonaan oo dagaal adag kala hortagi doonaan maleeshiyaadka Axmed Madoobe iyo Cawaanta Kenya oo kismaayo xooga ku haysta.

Waxaa kale oo ay  xalay dileen nin kale oo Nabadoon ah  kaaso si xun uga soo horjeeday in maamul gaar ah oo beelo wataan kismaayo loo sameeyo,waxaana aad u kacsan xaalada beelaha Kismaayo degan.

Kismaayo ayaa ah magaalo ay deganyihiin beelo badan oo somaliyeed oo la dhihi karo waxaa degan Somali oo dhan,waana magaalo muhiim dhul ahaan iyo dhaqaale ahaan,waana magaalo caan ku ah colaad beeleed si xun la isku gumaado,laakin dhowr sano nabad ayay ahayd oo wax dagaalo ah kama dhicin waxayna ku talaabsatay horumar,waxaana gacanta  ku hayay XSHM oo markii ugu danbeysey laga qabsaday.

Banaadir Post.

23711353

DHAGEYSO;- “Kismaayo Waxaa Xoog ku heysta Kenya iyo Maleeshiyo beeleed”Korneel kamid ah saraakiisha DF-ka ayaa sheegay.

23430903Qabsashada ciidamada dowladad Kenya ay qabsadeen Kismaayo ayaa dood xoogan kala dhax dhigtay saraakiisha DF-ka oo qaab beeleed u abaabulan.

Korneel  kamid ah saraakiisha DF-ka ayaa sheegay in maleeshiyo beeleed jabhad ah iyo ciidanka Kenya xoog ku heystaan magalada Kismaayo.

Korneelka ayaa sheegay in wax maamul dowladeed ah aysan ka jirin Kismaayo ifafaalaha muuqdana uu yahay mid Kenya iyo Jabhadda Axmed Madoobe gumeysi ku gelinayaan magaalada.

Gujji Dhagayso Wareysi lala Yeeshay Korneel Qulqul MP3

Banaadir Post.

axm-raskamboni

Sheekh Umalow Nin Gurigaaga Kuugu Yimid Kiisa Kuguma Dhaafo.

23413281Dalka Kenya ayaa waxaa caado ka ah in dhibaato loogu geysto dadka muslimiinta ah mar walboo uu soo dhawaado waqtiga doorashada.

Ciidamada wadankaasi iyo shacabkooda gaalada ah ayaa bishii lasoo dhaafay dhac ka geystay suuqa Islii ee Soomaalida, kadib marki uu halkaasi ka dhacay qarax khasaare geystay oo la tuhunsanyahay in iyagu ka dambeeyaan, si ay u xalaashadaan hantida muslimiinta.

Dhacdadaasi iyo kuwa lamid ah oo ka dhacay Kenya iyo dhulka Soomaalida ayaa waxay walwal xooggan ku beereen ganacsatada ugu tunka weyn Soomaalida ku dhaqan magaalada Nayroobi, kuwaasoo uu kamid yahay Sheekh Maxamad Cabdi Umal.

Sheekh Umal oo maalintii shalay jeediyay kalimad ku aadan arintaasi ayaa waxa uu ku baaqay in laga hor tago falalka amni darrada ah ee keenaya in la boobo ganacsatada, laguna tunto goobaha cibaadada.

Wadiiqadda arintaasi loo mari karo ayuu Sheekhu ku tilmaamay in dhaqaale la bixiyo, nafta oo la huro iyo in doorashada dimuqraadiga ah laga qeyb galo.

Wuxuu arintaasi ku tilmaamay waajib sharci ah, waliba waxaa haboon buu yiri’ “haddey laba gaal tartanto in aan ka doorano kan maslaxadda inoo haya”.

Arintaasi jawaabteeda waxaa ku haboon dadka culimada ah, laakin anigu waxaan is dul taagayaa mas’alada ah maxaa keenay in Sheekh Umal oo ka damqan waayay qabsashadii Kismaayo uu hadda ka walaaco dhibaatada ka taagan Nayroobi?.

Sheekhu ma wuxuu jecleystay Kismaayo iyo Muqdisho oo holcaya in ay horumarto magaalada Nayroobi?

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “Nabar aad filaneysay naxdin ma laha” anigu waan filanayay in mar un Kenyaatigu boobayaan ganacsiga faraha badan ee ay Soomaalidu geeyeen magaalada Nayroobi, maadaama ay haddaba xoog ku qaataan dhaqaalaha kasoo xarooda dekedda Kismaayo, horeyna u qabsadeen NFD.

Maanta ma dhici kartaa in Yahuudu ay nabad galiyaan dadka Falastiiniyiinta ah ee ku nool dhulka ay xoogga ku heystaan? Dabcan jawaabtu waa maya.

Waxaan qabaa in dadka Soomaalidu fursad fiican u heystaan in ay hantidooda badbaadsadaan ka hor inta aaney gaaladu boobin.

Si kastaba ha ahaatee waxaan ka xumahay in dadkii ummada u hor kici lahaa wadada badbaadada ay ku hagaan jid halis ku ah Aakhiro iyo Aduunyo intaba.

Ma wuxuu sheekhu hilmaamay hadalkii Moy ee ahaa “annaga iyo Itoobiya waxaan ku heshiinay inaaney mar dambe dowlad ka dhalan Soomaaliya noocey doontaba”?

Qof walba oo nabad iyo horumar ka sugaya Kenya isagoo ku nool dalkeeda waxaa cibro ugu filan kufsiga, burburinta dhaqaale iyo dilka ay Kenyaatigu ka geysanayaan dalka hooyo?.

Ugu dambeuntii waxaan dhihi  oran lahaa “Sheekh Umalow Nin Gurigaaga Kugu dilaya Kiisa Kuguma Dhaafo”.

Banaadir Post.

2275789022999860

Markii Shabaab ay Kismaayo Joogeen: Hilibka Waraabaha Ma Xalaalbaa Mise Xaaraan? Markay Kenya Soo Gashay: Hilibka Soomaalida Ma Xalaalbaa Mise Xaaraan?

Diinta islaamku waa diin nabad iyo ku dhaqan, ilaa markii islaamka soo degayna waxaa lagu dhaqi jiray dadkii islaamka ahaa diintooda waxayna kala kulmi jireen cadaalad, nabad, barwaaqo, iyo farxad, way jirtay in dad ay dareemaan cadaalad daro iyo xaq daro balse kalamaysan kulmayn diinta ee waxay kala kulmayeen dadku ku dhaqayey diinta oo laga yaabo inay khaldameen maadaama dadku uu yahay binu aadam ee laga yaabo inay khaldamaan saxooduna badan yahay.

Soomaalidu in badan waxay karaahsadaan isku xukunka shareecada islaamka, iyadoo sababtaas loo fasiro dhowr arimood oo kala duwan tan ugu quwada wayna ay tahay in dadka soomaaliyeed diinta lagusoo gaarsiiyay dacwo iyo jileec oo aysan arkin cunfi iyo seef sida dalalka kale ee diinta islaamku gaartay oo qaarkood sanooyin lakor fadhiyay si loo islaamiyo ayna diideen kadibna xoog iyo seef lagu islaamiyay, Soomaalida ayaanan dhibtaas arkin waxayna uhaystaan diintu inaysan ciqaabin cidii ku xad gudubta diinta iyo dadka, sidaa darteed ayaad arkaysaa hooyo waayeel ah oo diidan in qofka far lasaaro haduu rabo ilaahayba ha caayee, waxayna ku kudhahaysaa markii aad tiraahdo ”hooyo xiligii nabiga ayaa xadkaan la oofin jiray” waxay kuleeyihiin sida dhacdayba ”haku been abuuran xiligii nabiga dad lama karbaashi jirin gacmo iyo lugana lama goyn jirine”. in badan ayaa fikradaas haysta waxayna door bidaan in diinta islaamku xor tahay oo waxad rabto samayn karto aysana jirin wax ku celin kara ama yac ku dhihi kara, hadii lahelo qofka u istaaga inuu dadka yac dhahana il gaara lagu fiiriyo lana fiijiyo cay iyo cadaabna la isugu daro.

In badan oo Soomaalida ah waxay aaminsanyihiin qofku haduu islaamo inaysanba macquul ahayn inuu diinta ka baxo wuxuu rabo haba sameeyee, arintaas oo aan ahayn mis sal iyo raad toona leh, diintuna qofkaas waxay utaqaan qof hawadiisa, naftiisa iyo shaydaan raacay waxay ugu sheekeeyeena qaatay.

Soomaaliya waxaa isku soo badalay xukumo kala duwan oo kala ahaa: Qabaa’ilo, Dimuqraadiyad , Shuuciyad, Suufiyo, Hogamiye kooxeedyo iyo Xukunno gaalo. Dhamaantood kamaysan tarjumayn diinta islaamka bal e waxay cadow ku ahaayeen diinta islaamka iyo kudhaqankeeda iyagoo rabay inay dadka tusiyaan in diinta wax aan ahayn ay dhaqan gali karaan, Arintaas oo kuso dhamaatay fashil iyo burbur iyo caro alle.

Hadaba markii dadkaan u yimi xukunkii alle iyo isku xukunkii shareecada islaamka waxaa loola baxay seef iyadoo lagu dhawaaqay inaan lahirgalin karin lana arki karin ku dhaqankeeda, dadkaas ladagaalamayey waxaa ku jiray culimo ogaa in hadii la isku tijaabiya isku xukunka diinta lagu guulaysanayo, sidaas darteedna ay u hor istaageen.

Sanadahaan dambe waxaa noo yimi dhalinyaro nagu xukumay shareecada islaamka waxaana bilaabatay in lasuurad xumeeyo shareecadii, dadkiina lagu diro diintii iyo isku dhaqideeda, waxaa dagaalkaas hor boodayey gaalo waxaana daba booday kuwo muslimiin sheeganayey lakin munaafiqiin ahaa.

Kismaayo waxay noqon kartaa tusaalaha iigu dhow ee aan wakhti badan idinka qaadanayn inaad fahantaan, waxaa lagu xukumay shareeco waxaana ku xukumayey wiilal yar yar oo ilaahay u hibeeyay geesinimo, karti, aqoon, rayi wanaag, iyo  cadaalad, waa markii aan meel iska dhigno daacayada suuqa lagashaday ee aan soo sheegnay ee lagu suurad xumaynayey shareecada iyo ehelkeeda.

kismaayo kama jirin Qabiil mana la isku qabsan, nin walbaa wuxuu qabsanayey dantiisa, dadkuna waxay ugu wada noolaayeen xoriyad iyo cadaalad, dad ayaa u istaagay wiliba sanado hore inay iftiinkaas damiyaan waxayna uqayla dhaanteen cadow iyo xaasid.

Kismaayo dadka kunool marna iskumaysan qabsan ama ismaysan waydiinayn cadaalad darro ayaa ka jirta kismaayo? qabiil ayaa qabsaday? maamulku wuu nadhibay? dekada anagaa leh? iyo su’aalo kale oo maanta taagan.

Su’aalaha ugu badnaa ee la is waydiin jiray waxay ahaayeen kuwo kusaabsan arimo bulsho iyo arimo yar yar oo dadku aysan ka maarmin inay is waydiiyaan iskuna qabsadaan, waxaana ugu waynaa Hilbka Waraabaha ma xalaalbaa mise waa xaaraan? su’aashaas ayaa ugu badanayd waxa la’is waydiiyo iyaduna maahayn mid ku saabsan maamulka maamula kismaayo iyo mid dhaliil loogu soo jeedinayo, su’aashaas oo jawaabteeda soo gaartay banaanka kismaayo.

Markii ladiiday nabadii iyo nuurkii waxaa loo dhaqaaqay damintooda waxaa laguda galay in laburburiyo wixii wadaadada iyo walaaluhu ay taageen (shareecada), waxaa ladoor biday maamulka gaalada sanka waawayn ee kenya waxaana layiri kaas ayaa ka fiican kan shabaab.

Kadib galitaankii Ciidamadii Axmed madoobe iyo Kenya, dadkii nabada haystay waxay lakulmeen cadaab iyo dhib joogta ah oo waxayba ku waasheen walaalayaaloow noo soo noqda?

Kismaayo wixii ka dhacay xitaa dadka dhagoolada ah way arkayeen cid looga sheekaynayo majirto, waxayna gaartay heer ladhaho qofkaan kenya rabin kabihiisa ka gashado Kismaayo, waxaa ilaa amaalintii dhacay oo bilowday boob, dhac, dil iyo kufsi kaas oo ilaa hada socda.

Su’aalaha ugu badan ee shacabka kimsaayo is waydiinayaan ayaa ah: dhiigeenu ma xalaalbaa mise waa xaaraan? Goormaa laydiin soo dhici doonaa? dumarkii oo leh Goormaa laydan kufsan doonaa? ma somali ayaa tihiin mise Sanka dhuudhi? kismaayo yaa lah? ma absame mise harti? ma sade mise irir? ma raxanwayn mise gaaljecel? side layga so celin karaa kismaayo? ma iyagaa leh? iyo su’aalo kale oo muujinaya niyad jab iyo ka samir.

Dhamaan su’aalahaas maysan ahayn kuwo yaalay kismaayo dadkuna si isku mid ah ayey ugu noolaayeen ugana shaqaysanayeen una daganaayeen, hadaba su’aasha taagan ayaa ah maxaa ladheefay? kismaayo ma roonaatay markii laga daweeyay shabaab mise wayba sii sakaraaday? calaacalka goormaa lagaaga baahanyahay goormaase lagaaga baahnayn?

Balse dadku hala socdaan nuurka hadii meel laga damiyo inuu dhul kale ka ifayo, iftiinkii kismaayo hadii ladamiyay iftiino badan ayaa ka ifaya Soomaaliya, Shareecaduna waa tii kusoo noqota Kismaayo iyo dhamaan intii muslim dagan yahay.

(قوله تعالى: (يريدون ليطفئوا نور الله بأفواههم والله متم نوره ولو كره الكافرون

W/Q: Abu Sayaaf.

Jahawareer ka taagan in maamul lagu heshiiyo loo sameeyo Kismaayo iyo Doontii ganacsi oo ugu horeysey oo Kenya canshuurta ka qaadatay!!

Waxgarad kasoo jeeda Jubbooyinka ayaa sheegay in xilligaani lagama maarmaan ay tahay in Maamul loo dhan yahay loo sameeyo Magaalada Kismaayo.

Kornel Sanyare oo isna ka mid Mas’uuliyiinta kasoo jeeda goboladaasi ayaa waxa uu kasoo horjeestay Maamul dhawaan looga dhawaaqay gobolada Jubbooyinka, wuxuuna ku tilmaamay inuu yahay Maamul aan shaqeynin, islamarkaana aan ku imaan Nidaam Dowli ah sida uu hadalka u dhigay.

Doon badeeco u sida ganacsato Soomaaliyeed ayaa markii ugu horeysay kusoo xiratay dekedda magaalada Kismaayo tan iyo markii ay magaaladaasi isaga bexeen Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Qaar kamid ah ganacsatadii ay u rarneyd doonida oo magacooda u qariyay sababo ammaan ayaa sheegay in laga qaaday lacago xad dhaaf ah oo ku laba jibaaran tii ay horey u bixin jireen.

Ganacsatada ayaa waxay sheegeen in uu lacagta ka qaaday sarkaal Kenyaan ah oo fadhiya xafiiska canshuuraha ee dekedda, kaasoo ay ku tilmaameen in uu ula dhaqmay si aad u fool xun.

Waxaa laga cabsi qabaa in shacabka Jubooyinka iyo Gedo maciishaddu ku qaaliyowdo, hadduu xaalku sidan kusii socdo.

Bililiqo, Boob iyo Kufsi ka socda Magaalada Kismaayo.

Maleeshiyaadka Bililiqada iyo Boobka hantida dadweynaha kale kuma ekaane waxay xalay Kufsadeen laba Haween oo ka mid ah Haweenka Magaalada Kismaayo sida ay dad goobjoogayaal ah noo xaqiijiyeen taasi oo ka mid ah tacadiyada sida is daba jooga ah uga dhaca Magaalada Kismaayo kadib ka bixitaankii Mujaahidiinta Soomaaliya.

Ciidanka cadawga Kenya oo saldhigyo ku leh gudaha magaalada ayaa la sheegayaa in ay qeyb ka yihiin dhibaatada balse ay iska hor mariyeen maleeshiyaadka Axmed Madoobe Kismaayo ayaa ku guda jirta maalmo madoow laakin waxay reja ka qabtaa in ay dib usoo ceshato karaamadii ay lahayd sharciga Allana dib loogu maamulo.