Sabi leh:- Hooyo Aabbe iga Celi! Ma Waxay ka Maraysaa Xasan Gurguurte inuu Jabuuti iyo Yugaandha ku Dhaho: “iga Celiya Kenya”

25846377Shariif C/Nuur Allaha xafidee baa ka sheekeeyey in caalim ah oo ka dacwoonayey xaakim dadkii dulmiyey ka hor sheegay Amiirkaas in marka ilmuhu yar yahay: u qabo in hooyadiis dadka ugu adag tahay inta hore noloshiisa! Markuu soo caqlisado buu ogaadaa in aabbuhu yahay madaxa reerka. Kaddibna wuxuu sii ogaadaa in magaaladu leedahay waali! Kaddibna inuu jiro Amiirul Mu’miin. Waxaa markuu caqli yeesho u soo baxaysa inuu jiro Allaah kulli ka awood badan. Caalimkii wuxuu ku yiri Amiirkii: ma dacwadayaba baan kor u dirnnaa (Allaah) mise wax baad ka qabaneysaa? Xaakimkii wuuxu yiri: ha u dirin kor ee ii daa anaa xallinayee!

Hadda soow taageerayaasha Gurguurte iyo isaguba uma qabaan in Jabuuti iyo Ugaandha ka celin karto Kenya? Gurguurte iyo Saacid waa joogeen Kenya, weyna kala kala yaqaannaan waddamadaas!

Xasan Gurguurte isagoon socod baran buu isku dayey inuu ordo! Isagoo Marka iyo Kismaayo wax ka qaban la’ buu hoosta ka galay Siilaanyo iyo Feysal Cali Waraabe! Maxaa Feysal Cali Waraabe ugu jawaabay?

Maalmahan waxaa qoraallo ka imaanayeen wasiirka arrimaha gudaha, C/Kariim Xuseen Guuleed, isagoo diidan doorashada Axmed-madoobe! Hadalladii wasiirku markay wax isku qaseen oo arrintiiba laga dhigay qabiil baa hadda la leeyahay: muu lahayn koontada lagu qoray hadalka! Hadduuba hadalkaas jiro, C/Kariim maba aha nin wax la socda! Ninka muddo asbuuc gaareysa hadalladiisa lagu soo qorayey saxaafadda oon beenineyn; sidee ku noqon karaa wasiirka arrimaha gudaha?

Dowlidnimadaan raadineynnay ma in xukuumadda Xasan Gurguurte iyo maamulka Axmed-madoobe meelaha iskaga tanaagoodaan baa? Ku noqo qoraalkii hore een kaga hadalnnay xurgufta ku kala dhex jirta Kenya oo dhinac ah iyo Ugaandha iyo Jabuuti oo dhinac ah!

Soow ma soo bixin dambigii laga galay Shareecada Islaamka ee lagu xukumayey Kismaayo iyo meelo kale? Khalad laga sheeganayo Shabaabka keeni meyso in waddanka cadow la soo gesho!

Iska daa in Yugaandha iyo Jabuuti wax ka qabtaan Kenyee, haddaa madaxweyne ku-xigeenka Kenya, William Ruto, leeyahay waxaan Soomaaliya u soo direynnaa ciidamo dheeraad ah! Waa awoodaan iyadoon xitaa reer Galbeedku shilin ku siin.

25833491

Banaadir Post

KISMAAYO IYO KENYA:-Xasan Gurguurte oo Kenya ugu yeertay inow aqbalo Maamulka Kenya ku dhiseyso Kismaayo.

25546675Xasan sheekh Culusoow  ayaa looga yeeray Dalka Kenya isagoo maantana gaaray Mombasa dalka kenya.

Xasan  Culusoow ayaa gaaray  Magaalada Mombasa oo uu kula  kulmay  Uhuru Kenyata,waxaana safarka ugu weynaa arinka Kismaayo oo meel xun  maraya, welina la isku af garan waayay in maamul loo sameeyo,halisna ugu jira in dagaal beeleed ka qarxo.

Axmed Madoobe ayaa isna ka dhoofay Kismaayo si uu ugu biiro wada hadalka Xasan Culusoow ugu yeertay Kenya.

lama oga sida uu u hirgalayo danaha Kenya ay ka leedahay Jubbooyinka iyadoo geed dheer iyo mid gaabanba u koreysa gumaysiga dhaqaale oo ay la damacsantahay Gobalada Jubbooyinka.

Waxaa qarash badan ku bixinaya in  Kismaayo loo helo  maamul gaar ah dowlada Norway oo dhawaan ka howl gali doonta qeybo ka mid badaha koofureed ee Somalia, walow ay hor yaalaan caqabado adag oo lama gudbaan iyo dagaalo aan dhamaad lahayn oo weli ka jira gayiga Somaliyeed.

Kenya ayaa wakiil ka ah kuwa iska leh dagaalada ka socda  gayiga Somaliyeed,kuwaas oo ciidankeeda ku biila magaalada Kismaayo iyo Afmadow oo ka jogaan Jubooyinka,waxaana ka socda dagaalo,waxaana la sugayaa inay ka qarxaan dagaal beeleedyo ay caan ku yihiin ku howsha horboodaya.

25543761

Banaadir Post.