Sabi leh:- Hooyo Aabbe iga Celi! Ma Waxay ka Maraysaa Xasan Gurguurte inuu Jabuuti iyo Yugaandha ku Dhaho: “iga Celiya Kenya”

25846377Shariif C/Nuur Allaha xafidee baa ka sheekeeyey in caalim ah oo ka dacwoonayey xaakim dadkii dulmiyey ka hor sheegay Amiirkaas in marka ilmuhu yar yahay: u qabo in hooyadiis dadka ugu adag tahay inta hore noloshiisa! Markuu soo caqlisado buu ogaadaa in aabbuhu yahay madaxa reerka. Kaddibna wuxuu sii ogaadaa in magaaladu leedahay waali! Kaddibna inuu jiro Amiirul Mu’miin. Waxaa markuu caqli yeesho u soo baxaysa inuu jiro Allaah kulli ka awood badan. Caalimkii wuxuu ku yiri Amiirkii: ma dacwadayaba baan kor u dirnnaa (Allaah) mise wax baad ka qabaneysaa? Xaakimkii wuuxu yiri: ha u dirin kor ee ii daa anaa xallinayee!

Hadda soow taageerayaasha Gurguurte iyo isaguba uma qabaan in Jabuuti iyo Ugaandha ka celin karto Kenya? Gurguurte iyo Saacid waa joogeen Kenya, weyna kala kala yaqaannaan waddamadaas!

Xasan Gurguurte isagoon socod baran buu isku dayey inuu ordo! Isagoo Marka iyo Kismaayo wax ka qaban la’ buu hoosta ka galay Siilaanyo iyo Feysal Cali Waraabe! Maxaa Feysal Cali Waraabe ugu jawaabay?

Maalmahan waxaa qoraallo ka imaanayeen wasiirka arrimaha gudaha, C/Kariim Xuseen Guuleed, isagoo diidan doorashada Axmed-madoobe! Hadalladii wasiirku markay wax isku qaseen oo arrintiiba laga dhigay qabiil baa hadda la leeyahay: muu lahayn koontada lagu qoray hadalka! Hadduuba hadalkaas jiro, C/Kariim maba aha nin wax la socda! Ninka muddo asbuuc gaareysa hadalladiisa lagu soo qorayey saxaafadda oon beenineyn; sidee ku noqon karaa wasiirka arrimaha gudaha?

Dowlidnimadaan raadineynnay ma in xukuumadda Xasan Gurguurte iyo maamulka Axmed-madoobe meelaha iskaga tanaagoodaan baa? Ku noqo qoraalkii hore een kaga hadalnnay xurgufta ku kala dhex jirta Kenya oo dhinac ah iyo Ugaandha iyo Jabuuti oo dhinac ah!

Soow ma soo bixin dambigii laga galay Shareecada Islaamka ee lagu xukumayey Kismaayo iyo meelo kale? Khalad laga sheeganayo Shabaabka keeni meyso in waddanka cadow la soo gesho!

Iska daa in Yugaandha iyo Jabuuti wax ka qabtaan Kenyee, haddaa madaxweyne ku-xigeenka Kenya, William Ruto, leeyahay waxaan Soomaaliya u soo direynnaa ciidamo dheeraad ah! Waa awoodaan iyadoon xitaa reer Galbeedku shilin ku siin.

25833491

Banaadir Post

DHAGEYSO:-Tarsan oo Sheegay in Kismaayo Gumaysi haysto isaga oo saaran Kaaraha Amisom!

25509279Maxamuud Nuur Tarsan oo xafalad muqdisho ka dhacday ka hadlayay ayaa sheegay in maamul usameynta Jubbooyinka ay tahay qaab beeleed ku socota islamarkaana aan u daneynayn midnimada Soomaaliya.

“In Juffo walba sameysato maamul goboleed waa wax aan laqaadan Karin oo madax banaanida wadanka dhibaata weyn ku ah,waxa Jubbooyinka iyo gobollo kale ka socda ma ahan wax la qaadan karo”ayuu yiri Tarsan.

Tarsan ayaa saaran  kaaraha Amisom, la,aantoodna  hal maalin ma joogi karo magaalada Moqddisho oo kaga sugan yahay Lixda xaafadood oo bada xiga, Tarsan ayaa iska dhex arkay maamul goboleedyo  beelo leeyihiin oo laga dhisayo dhulka Somaliyeed,isaga oo iska indhotiraya dhibka gumaysiga  soo duulay ku hayo Diinta iyo  dadka Somaliyeed.

Dowlado kabadan 8 oo Nasaaro Afrikaan ah ayaa Soomaliya duulaan kusoo qaaday iyagoo shacabka Soomaaliyeed kala dagaalamaya diinkooda iyo dalkooda mana jiro mas’uul katirsan DF-ka oo madax banaani sheegan kara.

Halkan ka dhagayso Eedaynta uu Tarsan Jeediyay MP3

25509279 (1)

Banaadir Post.

BAHDILKA MAXAA BADAY:- Yoweri Museveni Iskaga Fogaynayo Saacid Shirdoon iyo Saacid oo Labadiisa Gacmood Kudhajinaya Baadariga!.

25313446Saacid Shirdoon waxaa la geeyey Madaxtooyada Uganda, wuxuuna la kulmay Baadari Yoweri Museveni, Qofkasta oo wax Akhriya oo Adduunka la socda waa og yahay Museveni in uu yahay Baari weyn oo Reer Galbeedku ay ku dhaartaan, sidoo kale Xaaskiisa ayaa Ururka Kaniisadaha Adduunka horjooge ka ah.

Museveni wuxuu ka faanayaa in uu xabadka saaro Nin Muslim sheeganaya ama Labada gacmood uu ku salaamo, gacanta inta uu fidiyey ayuu gadaal iskaga riixay Saacid Shirdoon, halka Saacidna Labadiisa Gacmood inta kudhajiyey Gacanta Baadariga Salaax iyo Qosal iskudaray!.

25313505

Siyaasiyiinta Soomaalida Ragga sheegta waa Niman aanan Adduunka la socon, kama fakaraan qaabka ay u istaagaan iyo qaabka ay Dadka u qaabilaan markii Kaamiro ama Warbaahintu ay la socoto, soo ceeb Wadamo badan kama ahan in Ninkale uu gacantiisa ku salaaxo Labadiisa gacmood?

25313509

Dhinaca kale Museveni habaarkii Muslimiinta ayaa kudhacay, Qof jirin ayuu u muuqdaa, Madaxii ayaa kala dheeraaday aadna wuu u caatoobay. Gaaladaas aan Saxarada iska mayrin ayaa sidaas la iskugu dhajinayaan oo laga raadinayaa taageero iyo Sharaf!.

XOGTA WARKA SOMALIMIDNIMO.

25313489

Bamaadir Post.

SAWIRO:-“Amisom is a War Criminals” Voice Of Somalia.

24681091“Amisom is a War Criminals”

24681051

“Amisom is a War Criminals”
Voice Of Somalia.

24681088

“Amisom is a War Criminals”
Voice Of Somalia.

24673467

“Amisom is a War Criminals”
Voice Of Somalia.

24673468

“Amisom is a War Criminals”
Voice Of Somalia.

24673484

“Amisom is a War Criminals”
Voice Of Somalia.

24673534

“Amisom is a War Criminals”
Voice Of Somalia.

24673536

“Amisom is a War Criminals”
Voice Of Somalia.

24673548

“Amisom is a War Criminals”
Voice Of Somalia.

24673555

“Amisom is a War Criminals”
Voice Of Somalia.

24673557

“Amisom is a War Criminals”
Voice Of Somalia.

1101931018_400

UNISOM -1993.MOGADISHO-SOMALIA.

Banaadir Post.

AMISOM & SOMALIA:-Amisom oo sheegtay inay taageero dhaqaale weydiisanayso Dowladda Iiraan maadama aan mushaarkooda meelna lagu sheegin.

24667658

Ciidamada shisheeye ee ku sugan Soomaaliya islamarkaana ku howlgala magaca Amisom ayaa u muuqda inay wajahayaan dhaqaala darro iyo baahi dhanka maaliyadda iyo Lojistikada ah, waxaana shirarkooda jaraa`id iyo hadalladoodu ay isugu biyo shubteen dhaqaale iyo taageero ay weydiisanayaan dalalka caalamka.

Amisom oo qaab calooshi u shaqaystenimo ku joogta Soomaaliya islamarkaana ay soo kiraysteen Mareykanka iyo Nato si ay uga baaqsadaan dhiig Soomaaliya kaga daata ayaa u tag waayay inay bixiyaan dhaqaalaha culus ee ku baxaya ciidamada shisheeye.

Reer galbeedku xilligan waxaa ay yihiin kuwo ay soo daristay dhaqaale darro xoogan waxaana gebi ahaanba dhulka galay dhaqaalohoodii iyadoo ay Musallafeen dhamaanba Bankiyadii Yurubta ugu waaweynaa.

Waxaana si ciidanka shisheeye loogu sii haayo Soomaaliya loo fasaxay inay qayla dhaan u dirsadaan wadamada caalamka oo dhan gaar ahaan kuwo u nasab sheegta Islaamka ee Mareykanka u sixran.

Dalalka Amisom ay ku calaacashay waxaa kamid ah wadanka Shiiciga ah ee Iiraan oo la wada ogyahay sida ay uga go`antahay in la baabi`iyo dadka Ahlu Sunnaha ah ee caalamka ku nool.

Afhayeenka ciidamada shisheeye ee Amisom oo dhowaan war jeediyay ayaa sheegay inay Dowladda Iiraan ka codsanayaan sidii ay taageero dhinac walba ah ugu fidin lahayd ciidamada Afrikaanta ah ee uu Afhayeenka u yahay.

Col Xaamud oo a hadlay wakaaladda Wararka Fars News Agency ee ay leedhahay dowladda Iiraan ayaa sheegay in taageero laga helo xukuumadda Tehran ay tahay mid aan laga baaqsan doonin oo xilligan aad loogu baahaynyahay.

“Ka Afhayeen ahaan waxaan soo dhoweyneyna dhamaan  wixii dadaal ah ee lagu xallinayo xaaladda Soomaaliya, si gaar ah waxaan kaga codsanaysnaa Iiraan inay gacan noo fidiso” ayuu yiri Xaamud isagoo intaasi sii raaciyay in hor u kaca Amisom ay ku xirantahay in dhaqaale iyo Imkaaniyaatka loo baahanyahay la helo.

402946_158212321000353_1527025250_n

Ciidamada shisheeye ayaa Soomaaliya kaga jira dagaal jiho la`aan ah waxaana ay u muuqdaan inay lumiyeen Caskari ahaan hadafka dagaalkooda ay ka wadaan Soomaaliya maadaama ay xabaddu si xowli ah ugu socoto islamarkaana aanay jirin wax caskari ahaan ay ka soo xasiliyeen dagaalka.

Xarakada Islaamiga ah ee Shabaabul Mujaahidiin ee dagaalka lagu riiqmay kula jirta gaashaan buurta shisheeyaha ayaa goor sii horeysa badalay Taktiik-ga dagaalka ay ka wadaan Soomaaliya, waxaana tallaabadaasi ay noqotay mid ay aad ugu jaho wareeraan ciidamada shisheey,iyaga oo ka badin waayay inay taageero ka dalbaan Iiraan Turkiga iyo dowladaha lamid ah kadib markii looga baxay balantii laga qaaday ee dhaqaalaha faraha badan lagu siin lahaa maydadka askartoodana mag dhowga looga bixin lahaa.

Dhanka kale Iiraan oo qaaradda Afrika saamayn ku yeelanaysa mudooyinkii u dambeeyay ayaa fursad wanaagsan u aragta inay Soomaaliya faraha la soo gasho si ay ugu faafiso caqiidada Shiicanimada ah ee aadka u liidata, waxaana arinkaas laga dhadhansanayaa kulan dhexmaray Axmedi Najaad iyo Dhiggiisa Soomaaliya ay shisheeyuhu ilaaliyaan, Xasan Sh Maxamuud, kuwaasi oo ka wadahadlay in Iiraan ay saamayn ku yeelato Soomaaliya taa bedelkeedana ay la baxdo qayraadka islamarkaana badasho manhajka waxbarashada iyo Caqiidada Umadda.

Banaadir Post.

24152074

MAQAAL:-Waxba Ugama Baahnin Cadawgeenna!

24445723 (1)Marka laga hadlayo faqriga iyo dalalka uu dilooday ee caalamka ku nool waxaa kaalimaha ugu horeeyay kaga jira wadanka Soomaaliya.

Sidoo kale marka dib loo milicsado dalalka uu hareeyay Musuq maasuqa Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka hogaanka u haya.

Labadaasi jago ee loo magacaabay Soomaaliya waa kuwo been abuur ah oo aanay shaqo ku lahayn, waana war la iska qoray oo aan loo eegin xaqiiqada dhulka ka jirta.

Ururrada siyaasadda, arrimaha bulshada iyo dhaqaalaha ayaa Soomaaliya u aqoonsan meel liidata oo aanay dadka joogaahi wuxuush ama duur jog waxba dhaamin.

Dadka sidaasi aaminsan ma aanay arkin hoosna uma gelin dhaqanka wanaagsan ee Muslimiinta Soomaaliya iyo aqlaaqda ay leeyihiin.

Soomaaliya marka aad tahay qof dhulka ku safraya waxaad la kulmaysaa waxyaabo badan oo indhahaaga iyo qalbigaagu ku farxaan.

Dadka ayaa ah kuwo si buuxda u iimaansanaya waxa Allaah ku manaystan oo diin iyo hanti ah, gaar ahaan kuwa ku sugan wilaayaatka Islaamiga ah mana arkaysid qoys  xitaa hadii hantidoodu yartahay dhaliilsan oo waxaa ay ku qanacsanyihiin xukunka Allaah ee ah in hantidoodu intaasi la ekaato.

Soomaaliya marka dib looga soo xisaabiyo xilligii xukuumadii Militariga ee Siyaad Barre ilaa hadda waxaa hogaaminayay dad aan diin iyo caqli midna u saaxiib ahayn ilaa laga soo gaaro xilliyadii Maxaakimta iyo hadda oo wilaayaatka Soomaaliya qaybo badan oo kamid ah Towxiid dhab ah looga dhaqmo.

Gaalada iyo dalalka Shisheeye sawirka kaliya ee u muuqanayay ayaa ahaa kuwo diin Islaamna ka tegay tii gaaladana  ku sirmay oo jaho wareersan oo iyaga u shaqeeyan una una kala dhuumanaya.

Waana arinkaasi mida keentay in sawir xun laga aamino Soomaaliya iyo xaalka ay ku sugantahay.

Tijaabooyin la qaaday kadib ayaa waxaa lagu ogaadya in umadda Soomaaliyeed aanay Faqri ahayn kana ak dhoweyn welibana ay baahideedu aad u yartahay marka loo bar bar dhigo umadaha kale ee aan Islaamka ahayn.

Soomaalidu waa Muslimiin Insha`allaah marka guud ahaan umadda laga hadlo oo diinta xaqqa ah ee Allaah raaliga ka yahay ayay haystaan.

Marka labaad waa dad ku qanacsan waxa yarka ah ee ay haystaan,qoyska Soomaaliga ah ayaa waxaa ku filan beer la beerto mida ugu yar, kan reer guuraaga ah ayaa waxaa ku filan rati biyaha u dhaamiya iyo dhowr ari ah oo xitaa ka yar 60 neef.

Qiyaasta aan sameeyay waxaa laga yaabaa inay ka badalntahay waaqaca jira laakiin muhiimadda aan ka leeyahay ayaa ah in dadku ay dagaan dhanka qalbiga ah qabaan oo aanay faqri qalbi iyo mid kaleba qabin xoogaaga yarka ah ee Alle siiyayna ay ku filanyihiin.

Kan reer magaalka ah ayaa qoyska ugu badan waxaa maalintii ku filan marka qiimaha caadiga ah laga soo qaado wax ka yar 100 kun Sh/so hadiiba aanay ka yarayn mararka qaar.

Xilligii ay Soomaaliya abaaruhu ku dhifteen Soomaaliya, Mujaahihiintu waxaa ay fureen xeradah Aala Yaasir eek u taalay garoonka No Konton ee gobolka Sh/hoose.

Xeradaasi ayaa waxaa lagu quudin jiray wax ka badan 5000 kun oo qoysas soo barakacay ah.

Xeradaasi inta ay furnayd wax laga sheekeyn karo ma ahan nidaamka kala dambeynta halkaasi ka jirta iyo habka raashinka gargaarka ah loogu qaybinayay.

Nidaamka xeradaasi loo agaasimayay iyo habka raashinku u kala gaarayay dadkaasi waxaa ay meesha ka saartay shaatigii masamiirta Soomaali lagula dhejiyay ee Musuq maasuqa.

Dhanka kale tirada dadka halkaasi ku jiray marka la eego gobolladii ay ka yimaadeen xilligaasi oo ahaa xilli aad u liita waxaa ay ahaayeen tiro aad u yar waxaana qoys walba ku filaaday raashin iyo lacag aad u yar oo maalin walba loo qoondeeyay taasi oo qoysaska aad ugu filnaatay Allaah mahadii.

Dhaqaalahaasi ayaa ka imaan jiray gudaha dalka iyo dibaddiisa oo dad Muslimiin ah ayaa walaalahooda ugu hagar baxay inay baahida haysa uga gar gaaraan.

Sidoo kale taasi ayaa waxaa ay meesha ka saarta in dadka Soomaalidu ay badi ahan yihiin dad sabool ah oo aan gar gaar lala kala gaarin.

Intii xeradaasi furnayd waxaa xusuus ah in aanay ka dhicin wax shaqaaqo ah nuucay doonto ha ahaatee.

Gaalada caalamka ayaa arinkaasi si aad ah uga yaabay iyadoo la xusuusto warbaahinta reer galbeedka inay booqasho ku yimaadeen si ay xaalka wax badan uga ogaadan.

Warbaahintaasi inkastoo cadow uu leeyahay hadana waxaa ay qarin waayeen nidaamka Diinka Islaamka ku dhisan ee halkaais ku ka jiray.

Dowladdii Shariif oo muraara dilaacsan iyo hey`adihii dalka laga saaray ayaa furay aag dagaal oo ka dhan ah nidaamka Mujaahidiintu ay u wajahayaan samatabixinta dadka waxaana ay fureen xero qaxooti oo loogu magacdaray Badbaado.

Kadib maxaa dhacay? Dadku sida dabeecadda ah xitaa hadii aanay baahnayn waxaa ay jecelyihiin inay helaan raashin ama lacag bilaash ah.

Waxaa halkaasi gaaray qaar ka mid ah dadka ku nool magaalada Muqdisho oo xilligaasi iska tabaalaysnaa, kuwaasi oo dhegta ku hayay waxa wanaagga ah ee ka jiray Aala Yaasir.

Dadkaasi lagu soo jiita xayaysiinta xeradaasi Badbaado ma ahayn dad sidaasi wacyi gelin wanaagsan uga haysta qiyaanada gaalada waxaana markii halkaasi ay gaareen ay la kulmeen. Dhac dil Kufsi iyo xarig.

Ciidanka dowladda ayaa si bareer ah u kufsan jiray gabdhaha Muslimaadka ah ee halkaasi ku soo barakacay, waxa yar ee la siiyana way ka qaadan jireen ilaa ay arintu gaarto in warbaahintii gaalada ee wanaagga Aala Yaasir tabisay ay ugu dambeyn tebiyaan xaalad murugo iyo madax xanuun badan oo ka jirta xerada Badbaado oo dowladdu sheegtay inay dadka ku quudinayso.

Dadkii Badbaado lagu qiyaanay ayaa ugu dambeyntii dib halkaasi kaga cararay iyaga oo tiro badan oo ka tirsan lagu soo dhoweeyay Ceelasha Biyaha kadibna loo gelbiyay Aala Yasir.

Xerada Aala Yaasir ayaa mudo kadib albaabada loo laabay kadib roobab xoogan oo ku dhiftay guud ahaan Soomaaliya si loo dhiiri geliyo in dadku wax qabsadaan islamarkaana aanay ugu tashan gacan kale.

Maamulka Mujaahidiinta ee maaraynta iyo samatabixinta dadka eek u dhisan shareecada Islaamka ayaa gebi ahaanba quusisay islamarkaana meesha ka saartay hadal suuqeedkii cadowga ee ahaa inaan Soomaaliya isku filnayn.

Iyadoona hal hayska dadku noqday WAX UGAMA BAAHNIN CADAWGEENNA!!!

Si kastaba ha ahaatee duruustii laga bartay xerada Aala Yaasir ayaa noqotay mid buugaagta cilmiga ee tajrubooyinka lau qoro waxaana shaqsiyan halkaasi aan ka bartay qaabka loo maareeyo umadda iyada oo aan lagu xirnayn hay`ad gaal amaba dalal shisheeye.

Wabillaahi Towfiiq.

WD:Kumaad Yare.

580143_366569763385551_697488518_n (1)

23734232

Amisom oo Gaari TAW ah looga gubay BUUFOW Shabeelada hoose

24413545

Waxaa sheegayaa in ciidamada shisheeye gaari dagaal looga gubay inta u dhaxaysa Ceel-wareegow iyo Buufow oo ka tirsan gobolka Sh/hoose.

Ciidan ka tirsan XSHM  ayaa weerar dhabba gal ah”KAMIIN”  u dhigay kolonyo ka tirsan ciidamada shisheeye taasoo sababtay gubashada gaariga.

Wararka ayaa sheegaya in gaariga noociisu yahay Taw isla markaana ku dhacday jug culus kadibna uu bas belay.

Weerarada noocan ah ayaa joogta ka ah jidkaas  dheer oo dhibkiisa leh,waana sii abdanaya dhibka gaaraya kuwa soo duulay oo ku dhiig baxaya gayiga Somaliyeed.

Wixii soo kordha waan soo gudbineynaa insha’allaah.

XOGTA WARKA HARAR24.COM

24248289

AMISOM IYO XASUUQII LEEGO:-Xasuuqii Amisom”GumaadSom” ka gaysteen Leego Shabeelada hoose maxay ugu aargudeen Faransiiskii lagu laayay Buulo Mareer

23989111Ciidamada  AMISOM ayaa shalay dad shacab ah iyo Xoolo ku Xasuuqay deegaanka Leego ee gobolka Shabeelaha Hoose oo kamid ah meelaha ay cadawgu  ku duuleen.

AMISOM isku magacaabay laayaan xoolo nool iyo shacab muslimiin ah,goob joogayaal ayaa sheegay in dhimashadu ka badantahay 7 qof dhaawacuna 6 qof.

Cadawga Afrikaanta ah oo ku caan baxay Xasuuqa shacabka ku dhaqan magaalooyinka ayaa hadda u tafa xeytay dadka xoola dhaqatada ah.

Abuu Cabdalla “Waan U aargudi Doonnaa Shacabkii Shalay lagu Xasuuqay Leego”

Sheekh Maxamed Abu Cabdallah oo u waramay Warbaahinta ayaa faahfaahin ka bixiyay dhacdo Fool xun oo ciidamadaKuffaarta afrikaantu ka gaysteen deegaano baadiye ah oo hoostaga Leego, Sidoo kale sheekhu wuxuu ka hadlay Howlgalkii Faransiisku ku fashilmay ee ka dhacay gobolka uu waaliga ka yahay ee Shabeelaha Hoose.

Ugu horeyn  sheekhu wuxuu ku bilaabay xasuuqii ay Gaysteen Gaalada Afrikaantu ee ka dhacay deegaanka loo yaqaano Xabaasha xeylow oo hoostagta Leego , wuxuu Sheekhu sheegay in dad reer guuraa ah oo xoolalay ah ay gaaaladu si ula kac ah u weerareen, halkaasina ay ku xasuuqeen dadkii xoola dhaqatada ahaa iyo arday yaryar oo dugsi quraan ku jirtay, Sidoo kale ay laayeen Xoolo faro badan, dhimashada dadka waaligu wuxuu ku sheegay in ay sagaal qof ahaayeen, halka dhaawacuna uu ka badnaa toban qof, sidoo kalena xoolo badan taangiga la marsiiyay,.

Sheekh Maxamed ayaa xusay in dhacdadan iyo xasuuqan aanu ahayn kii u hareeyay ee loo gaysto bulshada ku dhaqan leego, hase yeeshee markii ay soo galayeen deegaanka in ay dileen dad gaaraya todobo qof oo baabaabuur wakhtigaasi ku safrayay oo madfac ay qabadsiiyeen.

23989268

DHAGEYSO.SHEEKH CALI DHEERE :-“Soomaaliya Waxaa Lageliyay Gumeysi Mid lamid ah 1884”

23903651Sheekh Cali Maxamuud Sheekh Cali Dheere ayaa shir  ku  sheegay in dowladaha Itoobiya iyo Kenya ay kala qeybsadeen dalka Soomaaliya.Sheekhu wuxuu farta ku goday in labada dowladood ay ku heshiiyeen in ay kala gumeystaan gobolada dhaca Koonfurta iyo bartmaha dalka Soomaaliya.
1-Dowladda Itoobiya ayaa lasiiyay in ay qaadato gobolada Bay,Bakool,Hiiraan,Galguduud iyo qeybo katirsan Gedo.

2-dowladda Kenya ayaa lasiiyay in ay gumeysato gobolada Jubbooyinka iyo qeyb kamid ah gobolka Gedo,Kenya waxay diyaarsatay shirkado shisheeye oo shidaal baarista qaabilsan  iyadoona ceelal shidaal ka raadsanaysa dhulka Soomaaliya.

3-Uganda,iyo Burundi ayaa iyana lasiiyay Muqdisho iyo shabeelooyinka.

“Runtii cadawgu waa caddeeyay gumeysiga uu dalka ku hayo qof walba wuxuu akhrin karaa qodobadii kasoo baxay shirkii Addis Ababa ee labada dowladood ku kala qeybsadeen dalka Somaaliya”.

Wuxuu sheegay in Somaaliya ay gashay gumeysi lamid ah shirqoolkii Baarliin 1884,ee gumeystayaashu ku kala qeybsadeen dalka Soomaaliya ee hodonka ah.

23612604

Halkan ka dhagayso Shirka Jaraa’id ee Sheekh Cali Dheere MP3

23472692

 

Is Faham Heshiiseed Dhex Maray Kooxda Joint IGAD Committee, Cinwaana Looga Dhigay Xal U Helidda Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Memorandum of Understanding between the IGAD Joint committee for the Grand Stabilization of South Central Somalia

https://newsfromsomalia.wordpress.com/2012/12/24/is-faham-heshiiseed-dhex-maray-kooxda-joint-igad-committee-cinwaana-looga-dhigay-xal-u-helidda-koofurta-iyo-bartamaha-soomaaliya/

 

GABAY:-Xaaji Aadan “Afqalooc” iyo gabaygii geeridii Sheekh Bashiir Sheekh Yuusuf ka dib sannadkii 1947-Burco.Somalia. “Bisinka xoog ha lagu daro” Sheekh Bashiir Sheekh Yuusuf

23823563Sheekh Bashiir Sheekh Yusuf wuxu ahaa geesi, caan baxay oo si cad oo bareer ah uga soo horjeestay maamulkii Ingiriiska.
Sheekha waxa halhays u ahayd “Bisinka xoog ha lagu daro” oo uu hore u soo shirrabay. tijaabiyay.Wuxuu lahaa dadyahaw ka kaca uu DIINKEENA iyo dalkiina idinkaa iska leh oo maamulan kara, iskana ery……a saancaddaalaha,gaalka iwm.
Sidaa darteed ayuu ciidan abaabulay, wuxuuna si cad u diiday gaalada dagaalna ku soo qaaday magaalada Burco horraantii afartamaadkii,dagaalkaa waa lagaga xoog roonaaday Sh. Bashiir, laakiin sidaa kumuu shiiqin halgankiisii ee wuxuu u rogay dagaalka loo yaqaan “ku dhufoo ka dhaqaaq” isagoo saldhig ka dhigtay meel aan ka durugsanayn magaalada Caynabo.

Markii maamulkii Ingiriisku khaatiyaan istaagay ee harsan waayey, jiifi waayey ayuu go’aansaday inuu weerar ku qaado ciidanka Sh Bashiir,sannadkii 1947kii ayaa la dilay Sh Bashiir,maydkiisiina waxa la keenay magaalada Burco.

Hadaba Xaaji Aadan Axmed”Afqalooc” oo aad uga tiiraanyooday geerida Sheekh Bashiir, kana xumaaday qaabkii loo dilay geesigii ummadda Somaliyeed ayaa gabaygan ka tiriyey,wuxuu canaan dusha ka saarayaa dadka oo uu leeyahay idinka ayaa la idinka arkay, ee waxay ahayd inaad ka dagaallantaan.

-Duhur baa Bashiir lagu shannaday daar agtiinna ahe

-Damal la hadh galaa bay jebsheen waqay dulloobaane

Dahriga iyo laabtay rasaas kaga daloosheene

-Isagoo dam iyo dhiig leh oo maro ku duuduuban

Dadkii uu nebcaa iyo kufraa daawasho u yimide

-Dacdarriyo dihaan iyo cag baa loogu sii daraye

-Meydkiisa daahira markii dibedda loo jiidey

-Nimankii dilkiisii qirtiyo idinka duunkiinna

-Kolkii aaska loo diidey waad wada dul joogteene

-Ma damqane jidhkiinnii markaa waad ku digateene

-Nasab haddaad duriyaddii tihiin kama dareerteene.

-Gobannimo daleel lagama helo daar adoo galaye

-Haddaad doono leedahay naftaa diiq la geliyaaye

-Waa mur iyo deebaaq waxaad dib ugu aydaaye

-Marse haddaan waxaan doonayiyo dawladnimo waayey

-Dantay weeye inaan aammusaa eeggan dabadeede

Dulligaa ku jira noloshu waa idinku deelqaafe.

<<<<<<<<<Dhamaad>>>>>>>>>>>>

Raxmad Waasac  ah ALAHA siiyo labadaba,waxaad moodaa in shalay maanta u egtahay oo aad arkayso iyadoo dhulka Somaliyeed gumayste meel kasta ka soo galay loo kala maqanyahay in laga hortago.Waxaad kaloo aad ogatiin in waligiis dhulka Somaliyeed laga diidi jiray in gumaystaha  loo gacan galsho,waxaana diidi jiray dad yar oo Somali ah marka hore,laakin waa loo badan jiray dhankaas xaqo jiro marka ugu danbeysey.Iska diida sidaad shaly u diidi jirteen,Xabashada iyo kuwa la socda gacal Somaliyeed ma ahan.

“Xaqa kor ALAHA ka dhigo”

Banaadir Post.

23822828