Waxaana dowladda Turkiga ay si rasmi ah u bilowday inay fangareyso ciidamada shisheeye kuwaasi oo la daalaa dhacayay mudooyinkii u dambeeyay dhaaqala la`aan aad u saamaysay.
Xilli uu ku sugnaa magaalada Adis Ababa oo uu ka soconayay shirka midowga Afrika ayaa wasiirka horumarinta dowladda TurkigaSeefdet Yilmaaz (Cevdet Yilmaz) waxaa uu lacag gaaraysa hal milyan oo Dollar gudoonsiiyay kaasi oo uu u gacangeliyay madaxa ciidamada shisheeye ee ku duulay Soomaaliya oo ku sugnaa gudaha Adis Ababa.
Ciidamada shisheeye ayaan awoodin inay sii wadaan duulaanka ay ka wadaan Soomaaliya maadaama aanay dalalkoodu xitaa bixin Karin mushaarka ciidanka dal walba u diiwaanka gashan ee jooga Soomaaliya mudo bil ah.
Dowladda Turkiga oo Soomaaliya ku soo gashay qorshe soo jiidasho ah oo ay ku qaldayso shacabka Soomaaliyeed ayaa si toos u cadeysay inay qaybka tahay duulaanka ciidamada shisheeye ay ka wadaan Soomaaliya.
Turkiga oo Soomaaliya ku soo galay howlo ku aadan fulinta mashaariic mucaawano, hase ahaatee arinkaasi ayaa ahaa mid meesha ka sii baxayay mudooyinkii u dambeeyay iyadoona dowladda Turkigu ay hadda cadeysatay taageeradeeda dhanka lojistikada e ay siinayso ciidamada shisheeye arinkaasi oo ka dhigan ka qayb qaadashada duulaanka lagu soo qaaday Soomaaliya.

Dadka la shaqeeya Hay’adaha Turkiga T.I.K.A oo Faqri ah “Afka Gacanta iigeli”.
Busaaradda kajirta magaalada Xamar waxay halakeysay dadkii u shaqeyn jiray hay’adaha shisheeye gaar ahaan kuwa turkiga,inta badan mashaariicdii turkigu ka weday magaalada Muqdisho waa joogsadeen marka laga reebo mashruuca dib u dayactirka isbitaalka Digfeer,laakiin biro kaliya lagu xiray ka dibna la joojiyay!?
Qaar kamid ah dadkii gacan saarka lalahaa hay’adaha Turkiga T.I.K.A ayaa ka sheeganaya shiid iyo nolol xumo mid kamida shaqaalaha hay’adaha Turkiga ayaa ii sheegay in laga joojiye lacagihii ay Turkiga ka heli jireen islamarkaana deymo farqaha loogala dheganyahay suuqyada.
Dr.Xanafi oo kamid ah aqoonyahanada Muqdisho ayaa horay u sheegay in mashruuca turkiga uu meel cidla ah kusoo dhici doono marka ay beelaha Muqdisho “Afka u dhigtaan” arrinkaasi oo maanta xaqiiqoobay.

Like this:
Like Loading...