Biilasha ay eheladooda dalka ku sugan u diraan qurbe joogta dacalada aduunka ku kala filiqsan ayaa ku keenay dadkii ku noolaa inuu sarifku hoos uga dhaco sidii ay awal hore ku qaadan jireen taasi oo saamayn ku yeelatay Canjeerada ay cunayeen.
Ma aha oo kaliya biilasha dibadda laga soo diro waxa lacagta adag ay dalka ku soo galaysay ee sidoo kale dadka ka shaqeeya Hay’adaha la soo dhoobay”NGO” Xamar oo dadka ka shaqeeya u badan yihiiin dadka qurbaha ku noolaan jiray,lagana nacay magaalada Moqdisho kuwaas oo Xamar looga yaqaan “DANYUUSBARO”.
Hoos u dhaca ku yimid lacagta doolarka iyo sare u kaca qiimiga shilinka Soomaaliga ayaa saamayn ba’an ku yeeshay nolosha qoysas badan oo dalka ku nool, wuxuuna gaaray heer ay madax xanuun ka qaadaan qaabkii dib loogu celin lahaa halkii uu sarifka lacagta qalaad ahayd ka hor inta ayna xilka dalka qabanin.
Lama garanaayo sababta ka danbaysa doolarka salka dhulka ku dhuftay ee gaaray heerkii ugu hooseeyay, waxayse dadka badan kood farta ku fiiqayaan laba arimood midkood inuu sabab u yahay; Qurbe joogta dalka ku soo noqonaysa oo lacag adag oo badan maalgashi u keensatay taasi oo harqisay lacagihii hore ee dalka soo gali jiray iyo mid kale oo ay leeyihiin waxaa jira dawlado iyo hay’addo ay la shaqaynayaan ganacsato Soomaaliyeed oo masuul ka ah sixir bararka si markaasi dadka la isiga horkeeno oo loo soo celiyo xasilooni daridii laga soo gudbay.
Culumada Rabaaniyiinta ah ayaa sheegay inay tahay howl ilaah wato,waxayna dadka Moqdisho kula taliniyeen inay u noqdaan ALAH,isaga kaliya baryo u hoostagaan kana fogaadaan waxa gaalo keentay gayiga Somaliyeed gaar ahaan magaalada Moqdisho, oo ay ka jiraan dhaqano aad xun xun,waxaana dhibaato xoog leh lagu hayaa dhamaan dadka ay ka muuqato shaacir diini ah sida,Qamiis,Gar,Xijaab iyo waxyaabo badan oo muslimku caan ku yahay.
Waxaa magaalada Moqdisho xiran Masjidyo badan oo kitaab laga aqrin jirey,waxaana albaabada iskugu dhuftay ciidanka xooga ku jooga Xamar ee Amisom iyo kuwa la shaqeeya ee Somalida ah oo loogu yeero ASHAHAADO LA DIRIR.

Banaadir Post.
Like this:
Like Loading...