DHAGEYSO:-Kawaankii Malaayga Ee Xamar Weyne oo La Burburinayo Loona Badalayo Goob Fisqi,meel lagu caweeyo”Discotech”

25699722

Cali Xaashi Axmad Ugaas oo kamid ah wax garadka magaalada Muqdisho ayaa indhihiisa ku arkay hawlo burburin ah oo ka socda kawaanka, isagoona sheegay in barxaddii kawaanka laga dhisayo goob lagu caweeyo oo fisqiga lagu sameeyo.

25219531

Halkan Ka Dhageyso Hadalka Cali Xaashi

Nabadoonka ayaa sheegay in ahwshan ay wataan qolyo gaalo ah, laakin mashruuca burburinta iyo dhismaha ay qandaraas kusoo qaateen Turkiya.

 

ISHA WARKA RADIO ALFURQAAN.

25605479

Banaadir Post.

Hay’adii Turkiga”TIKA” oo Joojisey Howlgaladii ay Muqdisho Ka Waday.

25660206Howlgaladii mugdiga badan ku jiray oo ay hay’adaha Turkiga ka wadeen magaalada Muqdisho ayaa hakad galay wixii ka dambeeyay markii ay dhaceen howlgaladii lagu qaaday xarunta Maxkamadda Banaadir.

Qarax agagaarka Garoonka diyuuradaha Muqdisho lagula eegtay hay’ad Turkish ah 13-April,2013 waxaa ku dhintay 2 sarkaal oo muhiim u ahaa Turkiga 3 kalane dhaawac ayaa soo gaaray.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in madaxii mashaariicda Turkiga ee Muqdisho uu xaalad kooma ah kujira taasi oo keentay in caqabad baahsan soo wajahdo howlihii gumeysi oo ay caasimada ka wadeen.

25660838

Waxaa kale oo qaraxyadii maanta ku waayeen dhowr sargaal oo howlo aan aqoon oo  kala duwan Moqdisho u yimid.

Dadka Moqdisho ayaa maalmahan danbe iska dhex arkay Turkida, maxaa yeelay waxaalagu arkay “Qowda Maqashii waxna how qaban” oo shuqul xumo lagu yaqaan caana ku yahay.

25662040

Turkida ayaa mudooyinka danbe u muuqday kuwa sii socday,waxaan hada siyaado ku ah amniga Moqdisho  oo la soo waayay.waxaa kale oo ay ogadeen inaan laga jeclayn Moqdisho,kuwaas oo horey looga soo diiday  Boosaaso iyo  Hargaysa.

Maamulka gobolka Banaadir ee DF-ka ayaa ku dhawaaqay in hakad lageliyay mashaariicdii Turkigu ka waday Muqdisho sida dhismaha iyo waxa loogu yeero taageeridda Hay’adda Federaalka!!.

25660551

 

Turkida oo ka guuraya Moqdisho ka dib markii dhiigoodo gaaray dhulka Somaliyeed.

25400466Waxaa guuraya Turkidii soo  gaaray Moqdisho,cabsi iyo amaan xumo ka jirta magaalada Moqdisho awgeed ayay isagu tageen meelo cayiman.

Turkida ayaa og ama hada ogaaday in moqdisho tahay magaalo dagaalo ka jiraan la iskuna haysto,qeybna ay ka yihiin dagaalkaas ka socda Moqdisho,shiishkuna saaran yahay, maxaa yeelay maalmo ka hor ayaa lagu qarxiyay Moqdisho kuna waayeen dhowr ka tirsan shaqalahooda.

Waxaa iska arkay ganacsatada iyo dadka danyarta ah oo ku nool Moqdisho waana meesha colaado uga bilaabatay,waxaana inta badan la shaqeeya NGO-yada Maxaliga ee Moqdisho ka howlgala waana meesha dhibku uga bilowday.

Turkiga ayaa Moqdisho ku yimid Mucaawino iyo mashaariic qarsoon,laakin maalmahan danbe la arkayay wajigiisa runta ah.

23251719

MOQDISHO:-Xamar oo shilinka Soomaaliga laga naxay xalna loo hayn!

24913864Biilasha ay eheladooda dalka ku sugan u diraan qurbe joogta dacalada aduunka ku kala filiqsan ayaa ku keenay dadkii ku noolaa inuu sarifku hoos uga dhaco sidii ay awal hore ku qaadan jireen taasi oo saamayn ku yeelatay Canjeerada  ay cunayeen.

Ma aha oo kaliya biilasha dibadda laga soo diro waxa lacagta adag ay dalka ku soo galaysay ee sidoo kale dadka ka shaqeeya Hay’adaha la soo dhoobay”NGO”  Xamar oo dadka ka shaqeeya u badan  yihiiin dadka qurbaha ku  noolaan jiray,lagana nacay magaalada Moqdisho kuwaas oo Xamar looga yaqaan “DANYUUSBARO”.

Hoos u dhaca ku yimid lacagta doolarka iyo sare u kaca qiimiga shilinka Soomaaliga ayaa saamayn ba’an ku yeeshay nolosha qoysas badan oo dalka ku nool, wuxuuna gaaray heer ay  madax xanuun ka qaadaan qaabkii dib loogu celin lahaa halkii uu sarifka lacagta qalaad ahayd ka hor inta ayna xilka dalka qabanin.

Lama garanaayo sababta ka danbaysa doolarka salka dhulka ku dhuftay ee gaaray heerkii ugu hooseeyay, waxayse dadka badan kood farta ku fiiqayaan laba arimood midkood inuu sabab u yahay; Qurbe joogta dalka ku soo noqonaysa oo lacag adag oo badan maalgashi u keensatay taasi oo harqisay lacagihii hore ee dalka soo gali jiray iyo mid kale oo ay leeyihiin waxaa jira dawlado iyo hay’addo ay la shaqaynayaan ganacsato Soomaaliyeed oo masuul ka ah sixir bararka si markaasi dadka la isiga horkeeno oo loo soo celiyo xasilooni daridii laga soo gudbay.

Culumada Rabaaniyiinta ah ayaa sheegay inay  tahay  howl ilaah wato,waxayna dadka   Moqdisho kula taliniyeen inay u noqdaan   ALAH,isaga kaliya baryo u hoostagaan kana fogaadaan waxa gaalo keentay gayiga Somaliyeed gaar ahaan magaalada Moqdisho, oo ay ka jiraan  dhaqano aad xun xun,waxaana dhibaato xoog leh lagu hayaa dhamaan dadka ay ka muuqato shaacir diini ah sida,Qamiis,Gar,Xijaab iyo waxyaabo badan oo muslimku caan ku yahay.

Waxaa magaalada Moqdisho xiran Masjidyo badan oo kitaab laga aqrin jirey,waxaana albaabada iskugu  dhuftay ciidanka xooga ku jooga Xamar ee Amisom  iyo kuwa la shaqeeya ee Somalida  ah oo loogu yeero ASHAHAADO LA DIRIR.

24366029

Banaadir Post.

Turkiga ayaa balanqaaday inay dhowr bilood bixin doonto qarashka ku baxaya ciidamada shisheeye ee duulaanka ku jooga wadanka Soomaaliya,kuwaas oo loo waayay lacag la siiyo.

24199172Waxaana dowladda Turkiga ay si rasmi ah u bilowday inay fangareyso ciidamada shisheeye kuwaasi oo la daalaa dhacayay mudooyinkii u dambeeyay dhaaqala la`aan aad u saamaysay.

Xilli uu ku sugnaa magaalada Adis Ababa oo uu ka soconayay shirka midowga Afrika ayaa wasiirka horumarinta dowladda TurkigaSeefdet Yilmaaz (Cevdet Yilmaz) waxaa uu lacag gaaraysa hal milyan oo Dollar gudoonsiiyay kaasi oo uu u gacangeliyay madaxa ciidamada shisheeye ee ku duulay Soomaaliya oo ku sugnaa gudaha Adis Ababa.

Ciidamada shisheeye ayaan awoodin inay sii wadaan duulaanka ay ka wadaan Soomaaliya maadaama aanay dalalkoodu xitaa bixin Karin mushaarka ciidanka dal walba u diiwaanka gashan ee jooga Soomaaliya mudo bil ah.

Dowladda Turkiga oo Soomaaliya ku soo gashay qorshe soo jiidasho ah oo ay ku qaldayso shacabka Soomaaliyeed ayaa si toos u cadeysay inay qaybka tahay duulaanka ciidamada shisheeye ay ka wadaan Soomaaliya.

Turkiga oo Soomaaliya ku soo galay howlo ku aadan fulinta mashaariic mucaawano, hase ahaatee arinkaasi ayaa ahaa mid meesha ka sii baxayay mudooyinkii u dambeeyay iyadoona dowladda Turkigu ay hadda cadeysatay taageeradeeda dhanka lojistikada e ay siinayso ciidamada shisheeye arinkaasi oo ka dhigan ka qayb qaadashada duulaanka lagu soo qaaday Soomaaliya.

23251719

 Dadka la shaqeeya Hay’adaha Turkiga T.I.K.A   oo Faqri ah “Afka Gacanta iigeli”.

Busaaradda kajirta magaalada Xamar waxay halakeysay dadkii u shaqeyn jiray hay’adaha shisheeye gaar ahaan kuwa turkiga,inta badan mashaariicdii turkigu ka weday magaalada Muqdisho waa joogsadeen marka laga reebo mashruuca dib u dayactirka isbitaalka Digfeer,laakiin biro kaliya lagu xiray ka dibna la joojiyay!?

Qaar kamid ah dadkii gacan saarka lalahaa hay’adaha Turkiga T.I.K.A  ayaa ka sheeganaya  shiid iyo nolol xumo  mid kamida shaqaalaha hay’adaha Turkiga ayaa ii sheegay in laga joojiye lacagihii ay Turkiga ka heli jireen islamarkaana deymo farqaha loogala dheganyahay suuqyada.

Dr.Xanafi oo kamid ah aqoonyahanada Muqdisho ayaa horay u sheegay in mashruuca turkiga uu meel cidla ah kusoo dhici doono marka ay beelaha Muqdisho “Afka u dhigtaan” arrinkaasi oo maanta xaqiiqoobay.

23883362

Turkida ayaa Moqdisho soo dhoobay dad la soo baray sida dadka loo Sixro loona Indhosarcaadiyo!

23589106 (1)Magaalada Moqdisho ayaa  ah magaalo ay deganyihiin  dad Muslimiin ah oo  Somali ah waxayna la daalo dhacayaan dhibaatayn ay ku hayaan kuwa soo duulay Ciidan ahaan iyo Caqli ahaanba,waana tabo  lagu yaqaan Gumaysiga cusub.

Turkida ayaa mudooyinka  danbe faraha kula jirtay Somaliyeed,wuxuuna soo maray beelo gaar ah oo Somalida ka tirsan kuwaas oo xooga dhaqaalo ah la siiyay si ugu suurta gasho inay helaan danaha ay  ka leeyihiin dadka iyo dalkaba.

Turkida ayaa  ah wadan  ka tiran Nato waxa loo yaqaan,waana wadankii laga jabiyay Khilaafadii Islaamka welina hor taagan in helo khilaafo islaam ah  oo aduunka laga taago.

Waxaa maalmahan danbe la arkay dad la sixray oo dhamaantood u badan dadka dhaqaale ahaan fiicaan una badan ganacsatada iyo kuwa leh  reeraha balaaran  oo sii fidiya.

“Waxaa la keenay Moqdisho dad la soo baray sida dadka  loo sixro”Sidaa waxaa yiri nin la sixray walaalkiis oo ganacsade ahaa.waana la yaabnay in ay inay sixreen kuwo Turki laga keenay oo Sixirooyaal ah.

Waxaa meelo badan oo Moqdisho ah lagu arkay kuwa dadka Indhosarcaadiya  ama tusa waxyaabo mala awaal ah oo ka waqtiga looga dhumiyo,kuwaas ayaa taagan meelaha suuqyada ah iyo irdaha laga galo Masaajidyada si loo fiirsado  meeshii qofku tukan lahaa ama ganacsan lahaa.

Dhibka Turkida ayaa laga dareemayaa  Moqdisho gaar ahaan dhaqan xumida ka jirta xeebaha  oo Turkido ku duubto filimo la sheegay in Somali wax ka  jisho,kuwaas oo la sheegay in  ay dadku la yaabeen Turkida iyo sidii markii loo sheegay ay ka duwan yihiin.

Banaadir Post.

23251719

Waxaa colaad xun ka dhex taagan tahay Radio Shabeele Hay’adii tacadiyada dadka Somaliyeed ee TIKA.”Wixii aan Xaq ahayn Xal ma keeni karaan”

23251353Radio Shebeele ayaa afka furtay hadana sheegay sirta ka danbeysey in TIKA timaado gayiga Somaliyeed taaso oo ay la yabeen dadka Moqdisho oo maalmahan danbe la yaabana dhaqan xumida Turkida iyo dhulka Somaliyeed,xili oo booqasho ku tagay ninkii mar dhow lagu fariisiiyay Kursiga kaaraha Saaran Xasan

Sheekh Maxamud Culusow oo nin inta badan noloshiisa ku soo qaatay la shaqeynta waxa loo yaqaan NGO.
Dadka aqoonta u leh Turkida ayaa hore u sheegay ama uga digay in turkido halis ku tahay dhaqaalaha Somaliyeed,taaso oo maalhan ka dhawaajiyay Radio Shabeele.
Bahda Banaadir Post ayaa mudo dheer Somalida uga digeysey Turkida oo wakiil ka ah waxa loo yaqaan NATO oo ah dhib gaar ah oo maalmahan ka jira dunida Islaamka.
23251719