MOQDISHO:-Tarsan oo la yaabay Isbaarooyinka Muqdisho la soo dhoobay!!

25903287Tarsan ayaa ka naxay isbaarooyin cusub oo lasoo dhigay Xaafado kamid ah Magaalada Muqdisho kuwaa oo lacago baad ah looga qaado gaadiidka xili  amaankii Moqdisho la soo waayay,waxaana maalmahan raaf lagu hayay dadka  shacabka oo Moqdisho ku nool!.

Tarsan ayaana sheegay in Isbaarooyinkan cusub ee lasoo dhigtay xaafadaha gaar ay dhigteen ciidamo gaar ah aan cidno ka amar qaadan kana tirsaneen Ciidanka Dowlada , waxa uuna ku hanjabay in dhawaan tilaabooyin adag ka qaadi doonaan Raga hubeesan ee isbaarooyinka soo dhigtay Qeybo kamid ah Muqdisho!.

Hadalka Tarsan ayaa ku soo aadaya   ay soo badanayaan maleeshiyo Beeleedka dowlada oo boob iyo kufsi ku haya dadka shacabka oo Moqdisho.

Maleeshiyaadka Dowlada oo  Dumarka  iyo caruurta oo lagu kufsado magaalada Muqdisho.

25903414

“waddooyinka oo laxiro ammaan laguma ilaalin karo laakin waxaa loo baahanyahay in ciidan nabad sugid ah lahelo”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho qaarkood waxaa laga mamnuucay gaadiidka shacabka kaliya waxaa isticmaala gaadiidka AMISOM iyo kuwa DF-ka,wadada Makka Al Mukaramah ayaa isku bedeshay mid faaruq ah iyadoona isgoyska KM4 uu yahay mid dadku sit eel teel ah ku isticmaalayaan.

25739582

Halkan ka dhagayso Tarsan oo qiraya Isbaarooyinka daadsan Muqdisho MP3

somalimemo.net
somalimemo.net

Banaadir Post

DHAGEYSO TARSAN OO KA NAXAY:-Dumar Shisheeye ah oo la Wareegay Shaqooyinka Hoose ee Madaxtooyada iyo Hoteelada Moqdisho!

25883865Haweenkan oo da’doodu u dhaxayso 15-25 ayaa intooda badan dhalasho ahaan kasoo jeeda wadamada Uganda, Itoobiya, Kenya iyo Koofur afrika sida ay inoo xaqiijiyeen qaar kamid ah saraakiisha dowladda Federalka ah.

Hoteelada iyo xarumaha dowladda ayaa ah kuwa ugu badan oo ay ka shaqeeyaan dumarka ajaanibta ah, iyadoo midda ugu mushaarka yarna la siiyo lacag gaareysa 200 doolar bil kasta.

Haweeney qaawan oo madow ah ayaa raashinka ka qeybineysan shirkii u dambeeyay ee ay madaxtooyada ku qaateen wafdigii Igad iyo madaxda dowladda Federalka ah sida laga dheehanayay masawirada goobta laga soo qaaday oo illaa iyo hadda ku jira Internetka.

25883904

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ee dowladda Federalka ah ayaa ka carooday dowrka ay cayaarayaan dumarka gaalada ah, isagoona damiir xumo ku tilmaamay in duamr noocaas ah ay raashin ka qeybiyaan shirarka dowladda.

Haweenka gaalada ah ee ka shaqeeya hoteelada iyo xarumada dowladda ayaa sharci darro ku jooga wadanka iyadoo mid walbaahi ay ku doodeyso “waxaa ikeenay oo iga wakiil ah ciidamada Amisom”.

 

25739582 HALKAN KA DHAGEYSO WARBIXIN KU SAABSAN DUMARKA AJAANIIBTA AH EE MUQDISHO.

Todobaad ka hor ayey ahayd markii golaha wasiiradu ka hadleen arintan islamarkaana ciidamada shisheeye ugu baaqeen iney ka jawaabaan dadka ajaanibta ah ee ay wadanka kusoo qubayaan.

Ciidamada shisheeye ayaa quursaday hadalka golaha wasiirada mana jirto wax jawaab ah oo ay illaa iyo hadda ka siiyeen arimahan.

Shaqada dumarka gaalada ah kuma eka oo kaliya adeegto ama in ay ka shaqeeyaan xafiisyada iyo hoteelada, hase ahaatee waxaa kaloo ay ka ganacsadaan jirkooda.

Ciidamo aad u badan oo ka tirsan kuwa dowladda Federalka ah ayaa waardiyeeya hoteelada noocaas ah ee ay Zinadu la dagtay kuwaasoo mushaar lagu siiyo.

Sidoo kale dowladda Federalka ah ayaa canshuur ku leh lacagaha Zinada kasoo gala dumarkaasi gaalada ah iyo hoteelada ay ka shaqeeyaan.

Magaalada Hargeysa waa sidan oo kale, iyadoona hoteelada iyo guryahaba ay ka shaqeynayaan dumar nasaaro ah oo u dhashay dalka Itoobiya.

Sidoo kale magaalooyinka Boosaaso iyo Garowe ayaa iyaguna lamid ah Hargeysa, waxaana aad ugu badan dumarka xabashida Itoobiya.

Caruur aabe la’aan ah ayey dhalayaan haweenkan, dastuurka dowladda Federalka ahna waxaa ku qoran in uu Soomaali yahay qof kasta oo ku dhasha wadanka, xitaa Yahuud ha ahaado.

Sidaa darteed waxaa muuqanaya in wadanka loo qabsanayo si aan toos ahayn, kadib markii gaaladu ku daashay in ay ku qabsato awood milatari, waxaana taa mahadeeda Allaah kadib iskaleh mujaahidiinta oo u dhabar adeegay duulaanka gaalada.

Si kastaba ha ahaate’e waxaa kaloo iyana muhiimadeeda leh in ummadu ku baraarugto khatarta cudurka Aidiska ee kasoo foolka leh dumarka gaalada ee ka shaqeeya xarumaha dowladda iyo hoteelada Muqdisho.

XIGASHO  RADIOALFURQAAN.COM

http://radioalfurqaan.com/?p=2259

25883900

Banaadir Post.

MOQDISHO:-Booliiska Amisom oo oday dhagool ah ku dilay Muqdisho.

25877192Qofka waayeelka ah oo ay dileen Ciidamada Shisheeye ayaa marayay meel udhaw Xarunta danbi baarista oo u dhaw Hoteel Saxafi ee Magaalada Muqdisho.

Askarta shisheeye ayaa isku dayay inay istaajiyeen waayeelka laakin ma uusan maqli karin iyagoo ugu danbeyntii ka toogtay qaarka hore jirka gaar ahaan wadnaha durbana goobta ayuu ku naf baxay..

“Wuxuu ahaa oday dhagool ah oo aan waxba maqal,wuxuu ahaa nin ay la hadleen Askarta Booliiska Amisom laakin uma uusan jawaabi karin taa oo keentay in gacantooda uu ku baxo” sidaasi waxaa sheegay Axmed Muuse oo Awooogiis ay si bareer ah u dileen Ciidamada Shisheeye ee ku soo duulay dalka Soomaaliya.

25876565

Ciidamo Booliis ah oo ka tirsan shisheeyaha Amisom ayaa maanta boqolaal dhalinyaro ah ka raafay Muqdisho iyagoo la isagu geeyay xarunta danbi baarista C,I,D ee Muqdisho.

Dadka la qabtay ayaa waxaa ku jira dhalinyaro wax ka barta jaamacadaha iyo iskuulada Muqdisho.

Howlgalka ayaa ahaa Mid kadis ah iyadoo dadka la raafay guryaha,wadooyinka iyo masaajida ku yaala degmada Wardhiiglay oo howlgalka xoogiisa uu ka dhacay.

howlgalka maanta ayaa daba socday weerar madaafiic ah oo habeen hore lagu qaaday madaxtooyada halkaasi oo ay ku dhinteen shan Askari oo ka tirsan ciidamada shisheeye ee Amisom.

25877016

Banaadir Post.

VIDEO IGA YAABSHAY:-Gabar Soomaaliyeed oo Tv-ga ka sheegtay inay Tumasho diyaar u tahay!!

25847514Nimco waa  Soomaali  kuna  nool  dalka Netherland ama Holand  ayaa noqotay mid ku Tumatay dhaqanka iyo diinta ummada Soomaaliyeed, kadib markii ay barnaamij caan ah oo ka baxa Telefishin caalami ah oo laga leeyahay dalka Netherlands ay   la baxday nin cadaan ah  oo Tv-gu keeneen barnaamijka la yiraahdo TAKE ME OUT!.

Inta  hartay Somali ayaa u daayay iyo Video-ga iga yaabshay!!

Gabadh Soomaali ah oo Dalbanaysa Gaal Latunta!!

“Dulli kama Baxaysaan hadii  DIINTA lagu laaban”

25846808

Banaadir Post.

“Anaa diiday gaal daacufle ah, dabagalkiisiiye”Sayid Maxamed Cabdulle Xasan,Raxiimulaah.

25846808Gaalada dirayska leh anaan, daabadda u qabane

  • Anaa diiday dagal inaan la galo, daalin ii colehe
  • Dalka ma lihid anigaa ku idhi, doora weynaha e
  • Anaa diiday nabadiisa aan, daacad noqonayne
  • Anaa diiday deeqdiisa ay, naari dabataale
  • Dahabkii uu waday waanigii, daadiyee qubaye
  • Dagaalkiisa anigow xishoo, daalib ku ahaaye
  • Durdurada Fardowsaad anaa, doortay oo rabaye
  • Anaan labada daarood tan hore, darajo moodaynin
  • Anaa diiday gaal daacufle ah, dabagalkiisiiye
  • Doofaarka eyga ah anaan, daarihiis galine
  • Sida doxorka ?# anaan, duud xamaal noqone
  • Anigaan dariiqiyo waddada, dowga sii marine
  • Anigaan dillaalkiyo arliga, duubigaw xidhane
  • Anigaan dariiqada Alliyo, diinta cassiyine
  • Daliilkii rasuulkii anaa, doonayoo helaye
  • Diinkayga anigaan ku gadan, dabaqii naareede
  • Anaan labada daarood tan hore, darajo moodayne
  • Markay duusho gaaladu anaan, daabbaddu rarine
  • Goortay dareeraan anaan, diiradda u qabane
  • Dadow maqal dabuubtaan ku idhi, ama dan haw yeelan
  • Dunjigiinba waataad kufriga, daba ordayseene
  • Waataad iigu daranteen markaan, diiday oo nacaye
  • War waatow digayseen markaan, duulan soo waco e
  • Waataad colaadii dorraad, iigu daranteene
  • Markaan diirtay waataad dushiyo, doc iga boobteene
  • Waataad markii aan dafaray, daaha galiseene
  • Waataad dushiina u rarteen, duq iyo waayeele
  • Waatowla daristeen sidii, duul walaalo ahe
  • Markaan didiyey waataad warmaha, igula duusheene
  • Gortaan digniintiyo ergada, idinka deyn waayey
  • Waataad damiin igu qirteen, dawriyoo falane
  • Dikriga iyo eedaanka waataad, ka durugteene
  • Waataad inuu dawlad yahay, dood ku bixiseene
  • Dibnihiina waataad inuu, dego ka sheegteene
  • Waa taad dariiqyada barteen, noo dadnaan jiraye
  • Goortuu dantiisii helee, idin dubaaqeeyey
  • Waataad dacluuskii Berbera, ula dawaafteene
  • Diihaalka waataad Hindiga, daal ka barideene
  • Dagaagiina waatii xeryaha, deyran loo dhigaye
  • Waatuu dareersaday fircoon, diracyadiiniiye
  • Waatuu diyaar ugu laqimay, diinta gaalada e
  • Damac beena weeyaan waxaad, nagu dilayseene
  • Waa waxaad dariiqii sharciga, uga dullaanteene
  • Dawgii Rasuulkiina waad, dabamartayseene
  • Nin dardaran iblayskii dafaa, dow ka raaridaye
  • Dallacaad jaceylbaad kurtiin, noola dirirteene
  • Dubaaqii waxaa idinka galay, daaro buuxsade e
  • Dawo kama heshaan faranji aad, daawo dhigataane
  • Dabinbuu idiin qoolayaa, waydin dagayaaye
  • Dirhamkuu idiin qubahayaad, dib u go’aysaane
  • Doodna waxaan u leeyahay dadkeer, hadalka deyn waayey
  • Nimanyahow damiinnimada waa, lagu dulloobaaye
  • Dadku wuxuu jeclaystaa waxaan, duxi ka raacayne
  • Nin ragay dardaaran u tahaye, doqon waa mooge
  • Denbi weeye Kufriga, aad u dabcaysaane
  • Marka horre dabkuu idinka dhigi, dumar sidiisiiye
  • Mugga xiga dushuu idinka rari, sida dameeraha e
  • Mugga xiga dalkuu idinku odhan, duunyo dhaafsada e
  • Mugga xigana daabaqadda wuu, idin dareensiine
  • Dunjigeeda Soomaalibaan, deyrka ka ahaaye
  • Dhaaxaan Daraawiishta idhi, doonta gaalada e
  • Dhaaxay asgaro uu dalbaday, dabada taageene
  • Dhaaxaan dabkii iyo la hadhay, duunyaduu wadaye
  • Dhaaxaan intaan janano dilay, soo dabaaldageye
  • Dhaaxaan dekado uu camiray, dumiyoo rogaye
  • Ninkiisa dirirta geya maalinbay, dunidu ciishaaye
  • Maantaan dabaaldegga iyo, darajo eegaayey
  • Ragga haatan igu diimayow, duxi ha kaa raacdo.25794113

Banaadir Post.

25701270

DAAWO SAWIRADA:-Wadooyinka Muqdisho oo Haawanaya cabsi awgeed IYO Xasan Gurguurte oo ku mashquulsan Safiiro socoto ah iyo Kismaayo!!

25824759

Wadooyinka Muhiimka ah ee magaalada Muqdisho ayaa haawanaya iyadoo ay adag tahay inay isticmaalaan gaadiidka iyo dadweynaha,waxaana ka jira cabsi iyo  amaan xumo aan caadi ahayn.

Amisom  ayaa bixisay amarka lagu xiray wadooyinka halbowlaha u ah magaalada Muqdisho, iyadoo sheegtay inay ka hortagayso  weeraro kayimaada Shabaabka Somalia oo ay aad ugu sahlantahay  inay ka adeegtaan saacad walba.kuwaas oo muuq ahaan ka maqan Moqdisho sanooyin laakin sirdoon qarsoon  uga howlgala meel walba oo ay  rabaan!.

Wadooyinka xiran waxaa kamid ah  Maka Al-Mukarama oo ah halkii ugu mashquulka badnaa wadooyinka caasimada Muqdisho, waana wadada kaliya oo si buuxdaay uga taliso  dowlada  Federaalka oo fadhigeedo yahay Villa Somalia,waxayna qeb ka tahay Lixda xaafadood oo bada xiga oo lagu joogo xooga Amisom iyo isbaarada maleeshiyo beeleedka |Gurguurte.

Xasan Gurguurte  iyo maamulkiisa tabarta yarayaa ku mashquulsan Mooshino, safiiro socoto aah  ooo dalakaba degaan ku lahayn, wafdi dano qarsoon ka leh dalka Somaliyeed iyo arimaha Kismaayo  oo mar hore loo gacan galshay gumaysiga Igad.121234567891011

Banaadir Post

MOQDISHO:-Amisom oo dumar guryaha kala baxday kadibna kufsada Deg Heliwaa ee gobolka Banaadir!

25754553Shacabka ku dhaqan Deegaanka Suuqa Xoolaha Degmada Heli waa ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ay isi soo tarayaan dhibaatooyinka ay kala kulmaan askarta Dowladda Federaalka ah ee halkaas jooga.

dil, dhac, kufsi, handadaad iyo ganacsigoo cariiri la gelshay ayaa ka jira Suuqa Xoolaha.

sidaas oo ay tahay Ciidamadu waxa ay la kulmaan dilal kaga imaanaya rag ka tirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo Muqdisho howlgalo ka fuliya.

Markasta oo iyaga dhibaato soo gaarto Cidda ay ka aarsanayaan waa shacabka sida dadka Deegaanku u sheegeen Idaacadda Islaamiga ah ee Alfurqaan.

geesta kale askarta Uganda ee jooga Xerada Maslax ee Suuqa xoolaha ayaa kufsi baahsan kula kacaya Dumarka xaafadaha u dhaw degan.

haweeney ka mid ah dadka ku ganacsada Deegaanka Suuqa Xoolaha oo Xalay u warantay Idaacadda Islaamiga ah ee Alfurqaan ayaa sheegtay in ka sokow kufsiga ay gabdhaha xafadahaasi degan kula kacaan askarta Dowladda Federaalka ah ugandheysku xoojiyeen Dumarka ay Kufsanayaan kadibna jidadka la soo dhigayo iyagoo Miir daboolmay.

25739582

DHAGEYSO HAWEENAY JOOGTA SUUQA XOOLAHA

ISHA WARKA RADIO ALFURQAAN.

25618829

Banaadir Post.

MOQDISHO:-“Ciyaalka caseeyaha ayaa naga nolol wanaagsan” Saraakiil ka tirsan Maamulka Gurguurte.

25712121Iyadoo maalmahan  ay kala xiran tahay magaalada Muqdisho ayaa wakaaladda wararka Reutres waxey baahisay warbixin dhinacyo badan taabaneysa oo ay kaga hadashay in waxa ay ugu yeertay guulaha ay soo hooyeen ciidamada Afrikaanta ay khatar gelinayaan habacsanaanta maleeshiyaadka maamulka DF-ka.

Warbixinta wakaaladda oo soo xiganeysay saraakiil ka tirsan Maamulka Gurguurte ayaa sheegtay in amaanka magaalada Muqdisho  aan waligiis aysan gacanta  ku dhigin ayna adag tahay inay  ku dhigaan taas oo qalqal gelineysa waxa lagu sheegay rajooyinka beesha Caalamka.

Sarkaal kale oo Reuters ay ku magacowday Xuseen ayaa murugo ka muujiyay sida xaalku isu badalay muddooyinkii u danbeeyay, isagoo xusay in amaankuna faraha ka baxay, wax nolol ahna aysan heysan.

“Ciyaalka baalashlayaasha ama Caseeyaha ayaa naga nolol wanaagsan, sababtoo ah dakhli badana waa soo galaa, cid bartilmaameedsaneyna ma jirto, laakin inaga noloshaas xittaa ma heysano” ayuu yiri taliye Xuseen.

“Ciyaalka baalashlayaasha ama Caseeyaha ayaa naga nolol wanaagsan, sababtoo ah dakhli badana waa soo galaa, cid bartilmaameedsaneyna ma jirto, laakin inaga noloshaas xittaa ma heysano” ayuu yiri taliye Xuseen.

Warbixinta wakaaladda Reuters ayaa soo xigatay sidoo kale diploomaasiyiin reer galbeed ah oo aad uga shakisan qaabka hub loogu aamini karo maamul sidan u taagdaran oo hey’adihiisii amaanka ay ku dhexjiraan shaqsiyaad la shaqeeya Mujaahidiinta Al-Shabaab.

“Inta ay goori goor tahay, haddaba hala ogaado iyagu (maamulka DF) haddii ay xakameyn karaan hubka la siiyo ama ay soo gataan” sidaas waxaa ku walwalay diplomaasi reer galbeed ah oo la hadlay Reuters.

Dhawaan ayaa maamulka DF wuxu magacaabay hogaan cusub oo uu yeelanayo Nabad Sugidda  iyo Booliska Moqdisho waxaana barbar socday in Muqdisho la kala xiray oo bulshadii ay ku dhibtootay, balse bood boodka DF-ta ma hakin karayaa howlgallada  Shabaabka?

25618829

Banaadir Post.

DHAGEYSO:-Daahir Ciiro: “Waa Masuuliyad Darro In Calanka Ingiriiska Laga Taago Madaxtooyada”

25700016

Maalintii shalay waxaa xarunta madaxtooyada laga taagay calanka wadanka Ingiriiska iyadoo gacalo walaaltinimo loogu muujinayo dowladda gaalada ah ee dalkaasi maadaama ay madaxdeedo daadihinayeen shir ku saabsan arimaha Soomaaliya.

Daahir Ciiro oo kamid ah siyaasiyiinta dowladda Federalka ah, horeyna uga tirsanaa Baarlamaanka ayaa mas’uuliyad darro ku tilmaamay in calanka Ingiriiska laga taago madaxtooyada.

Ciiro oo ka careysan ficilkaasi ayaa madaxda dowladda Federalka ah u isticmaalay maahmaahyo la yaab leh oo muujineysa halka ay joogaan madaxda dowladda Federalka ah.

25219531

Halkan Ka Dhageyso Hadalka Daahir Ciiro

XIGASHO RADIO  ALFURQAAN.

25687993

Banaadir Post.

DHAGEYSO:-Kawaankii Malaayga Ee Xamar Weyne oo La Burburinayo Loona Badalayo Goob Fisqi,meel lagu caweeyo”Discotech”

25699722

Cali Xaashi Axmad Ugaas oo kamid ah wax garadka magaalada Muqdisho ayaa indhihiisa ku arkay hawlo burburin ah oo ka socda kawaanka, isagoona sheegay in barxaddii kawaanka laga dhisayo goob lagu caweeyo oo fisqiga lagu sameeyo.

25219531

Halkan Ka Dhageyso Hadalka Cali Xaashi

Nabadoonka ayaa sheegay in ahwshan ay wataan qolyo gaalo ah, laakin mashruuca burburinta iyo dhismaha ay qandaraas kusoo qaateen Turkiya.

 

ISHA WARKA RADIO ALFURQAAN.

25605479

Banaadir Post.