DHAGEYSO-DAL IIB AH:-Aqoonyahan sharaxaad ka bixiyay Shirkad Ajnabi ah oo Xasan Gurguurte Qandaraas ku siiyay Raashinka Quutul Daruuriga ah iyo dhul beereed loo saxiixay!

25876362Wargayska Financial Times ayaa qoray Shirkad La yiraahdo DVK oo xarunteedu tahay Wadanka Britain inay heshiis maalgashi ah la gaartay Dowladda Federaalka ee madaxda u yahay Xasan Sheekh.

Qandaraaska Shirkada Heshay ayaa dhigaya in raashin qutul daruuri ah soo galiso Dalka iyadoo lagu wareejinayo dhul beereed baaxad leh si ay ugu abuurto dalag kala duwan.

Qandaraaska Shirkadu gashay ayaa lagu maalgalinayaa Aduun Lacageed oo gaaray Hal Bilyan Doolarka Maraykankja.

Qandaraaska ayaa Xasan iyo shirkadu waxay ku kala saxiixdeen Magaalada London oo uu ka socday shir ay soo agaasintay Dowladda Ingariiska.

Waxay ka ganacsan doontaa Dhismaha Buundooyinka,Iskuullo iyo Xamuulka Hawada oo aan si buuxda loo qeexin.

Aqooyahan Cabdullaahi Cali Yirid oo ku sugan Dalka Ingariiska Aqristayna Taariikhda Shirkada ayaanu kala sheekaysanay waxa lagu garanayo shirka iyo Heshiiskaan waxa uu ka dhiganyahay.

25739582

Dhageyso Aqoonyahan Cabdullaahi Yirid oo sharaxay Qandaraaska Shirkadda DVK

XIGASHO RADIO ALFURQAAN.COM

25681555

Banaadir Post.

Somalia Prez’s luxury trip at your expense.Lacagihii Tirada Badnaa Ee Wefdiga M/Weyne Xasan Gurguurte Ku Baxay Shirkii London Iyo Dacwo Ka Timid Dadweynaha Ingiriiska!!

£50k for London jaunt

Hassan Sheikh Mohamud

Trip … Somalia President Hassan Sheikh Mohamud (second left)
Exclusive
By CRAIG WOODHOUSE Political Correspondent
Published: 12th May 2013

HARD-UP taxpayers are footing the bill for an African leader’s five-star London trip, we can reveal.

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud enjoyed business-class flights, a chauffeur-driven car and rooms at the posh Dorchester hotel — at UK expense.

Five of his ministers and 14 flunkeys were flown to Britain and put up to attend a conference which saw millions more in aid handed to the war-torn country.

David Cameron and Hassan Sheikh Mohamud

Luxury … PM David Cameron, left, with Somalia President Hassan Sheikh Mohamud

PM David Cameron joined other nations to back a £50million pot for Somalia at the gathering in Lancaster House last week.

Britain already provides £80million a year in aid. President Mohamud, 57, and his entourage had four nights at the Dorchester — where rooms start at £318 a night and the most expensive suite at £9,318 a night.

If the delegation stayed in the cheapest rooms, the hotel bill would have hit £25,440. Air fares are another £24,158. And a chauffeur-driven limo costs £400 a day — making the estimated bill at least £50,798. The Taxpayers’ Alliance said: “It’s ridiculous.”

The Foreign Office refused to reveal the cost but said the conference was “vital”.

c.woodhouse@the-sun.co.uk

Staff get £91m in top-ups

DIPLOMATS and Foreign Office penpushers trousered £91MILLION in bonuses and top-up pay last year, figures reveal.

An allowance system saw them given extra cash for working abroad AND for working in London — plus money for extra luggage.

School fees and danger money were among 18 taxpayer-funded handouts unearthed by Tory MP Priti Patel.

She said: “Taxpayers will be shocked to see officials being bribed just to work in London.”

Read more: http://www.thesun.co.uk/sol/homepage/news/politics/4924184/Somalia-Presidents-50k-luxury-five-star-trip-being-funded-by-hard-up-UK-taxpayers.html#ixzz2T7rJs6ln

25762687

SHIRKII LONDON:-Timirtii Horeba Dab loo Waa !! W/D Amiin Yuusuf

25712324Odey Dhaqameeed aan isbar Garaneyno ayaa markii uu Saakey Waagu baryey hadal hayanta ugu badana ay tahay Shrkii Magaalada London ayaa iska hor nimid waxaan weydiiyey sida uu arko Qaaraan loogu yaboohay Dowlada Soomaaliya ee Shirka London waxaana uu yiri “Saaxiib Weliga Qaaraan Tolkaada ma ka aruurisey” markaas baa iri maya weligeey Qaaraan kama aruurin waan maqli jirey” inta Qosley buu yiri” Shirka London Maandhow waxba kama Duwana Qaaraanka aad Maqli jirtey”markaas baan iri” Maxaa ku jaban waa Howl aad u sahlan” waxaa uu yri” Shirweyne Qaaraan lagu ururinayo Tolkaada isugu yeer adiga ayaa ogaan doono in uu ka Duwan yahay Kan London iyo in kale.wuxuuna ii Sharaxay sida Tolka Qaaraanka u ururiyo.
Inta uu Tolka fadhiyo nin weliba gacanta intuu taago ayuu Lacagtii yabooha ku dhawaaqaa halkii baa Faataxada lagu marayaa, markii uu dhamaado Liiska Magacyada Qaaraanka isku darka Lacagta la yaboohay ayaa halkii baa lagu kala dareeraa, maalin ama laba ka dib waxaa bilaabanaya aruurintii Qaaraanka oo markii hore si istus Tus ah la isugu Qorey Tusaale markii aad u tagto kii ugu Tunka weynaa waxaa uu ku leeyahay Beri ii soo laabo maanta wax ma hayo , markii aad maalin kale ku laabato waxaa uu ku leeyahay weli lacag ima soo gelin maalin kale hala ii yimaado markii ay Kabaha kaa Dhamaadaanayuu marka u dambeysa ku leeyahay Saaxiib intaan baa hayaa ee iga qaata , markii aad weydiiso war intaa kuuguma Qorneyn ee sidaa wax u jiraa buu kuugu soo koobayaa war maalmahan Shiid baa la ahaa ee intaa ma qaadaneysaan, Aniga Tolkaan Lacag kaala qaadayey ee meesha wax kale uma tagin Odeygii Qaaraanka ururinayey waxaa uu ku qasbanaanayaa in uu intii ka qaado , maxaa moodeysaa kuwii kale ee iyana liiska ku jirey ee sidaan oo kale loogu Dhibtoodey waxaa Xaqiiqo in markii Sadex Meelood lacagtii Qaaraanka looqaybiya Xitaa ma soo Xaroon Hal meel ,marka Shirka London waa uun Qaraankaas Tolkaada ka aruuri lagu yiri .mar mar waa jirtaa in si deg deg loo ururiyo Qaaraanka Tolka waa markii Dano Beeleed ay jirto , sidaa darteed maanta ma jirto Dowlad Dano kaa leh waana mid aad u yar.
Nin baa hadda Kor Magaalo u soo safrey markaasayaa waxaa dhacdey in markii uu laabanayey la siiyey Xoogaa Timir ah , halkii buu ka Caraabey waxa uu sii socdo waxaa ku degey reer , waxaa Derin loo dhigey Ardaaga hore halkii buu cabaar ku Nastey , markuu Cabaar fadhiyey ayaa reerkii uu martida u ahaa waxay u keenaan Timir aad buu u yaabey waayo ninku ma aqoon Timrta oo in sideeda loo Cunno oo ma garaneyn , inta ka jafjaftey Buu yiri “TIMIRTII HOREBA DAB LOO WAA” Hadalkaan ka soo yeerey Ninkaan wuxuu NoqdeyMurti ma hadho ah,marka Shirka London waa Timirtii hore dab loo waa , waxaa Dalka Belgaumlagu qabtey Xiligii uu Madaxweynaha ahaa Shiikh Shariif Shiikh Axmed Shir Soomaaliya Qaaraan loogu ururinayey oo Xiligaas ku jirtey Colaad, Abaar iyo Cuduro, waxaana Qaaraankas Gacan taagiisii hore uu noqdey in lagu Yabooho lacag gaareysa 260 Milyan oo Doolar ,waxaa dadka Soomaaliyeed isla dhexmareen in Soomaaliya markaan uu Caalamka u soo jeestey. Shiikh Shariif oo wax laga weydiiyey in Qaaraankaas uu hirgelay iyo in kale ayaa ku jawaabey “Waxaa gacanta Dowlada Qaaraankaas ka Soo gaarey 3 Milyan oo Doolar mana garan karo iyadoo Soomaaliya ku jirto Xili adag ay lacagtaa Dowladda heli weyso” marka waa Qaaraan Afka Baarkii ah.
Qaaraanka hadda Dowladda loogu yaboohay ee Shirka London waxaa uu la mid yahay mid aan kaduwaneyn kuwii ka horeeyey ama reer Galbeed haBbalan qaadeen, ama Carab ha Balan qaadeen ama Afrikaan , marka waxaa la dhihi karaa waa Qowda Ma Qashii waxna ha u Qaban waayo Soomaaliya oo Xaaladda Hada ay ku jrto mid ka sii daran ku jirto ayaa waxa loo qaban waayey , waxaana wax ka weydiiyey Arrimaha Qaaraankaee Beesha Caalama Siyaasi ku xeel dheer arrimahaas waxaana uu yiri” Waagii Dagaalkii Qaboobaa ee ay jireen Isbahaysiyada DowladahaCaalamka Balan qaadkoodu wuxuu ahaa mid ku dhisan loolan loogu tartamayo sidii loo heli lahaa ama loo kasban lahaa Dalalka Caalamka , haddi taasi ay maanta jiri lahayd waa laga yaabaa in inta badan uu soo Xarooda Qaaraanka ,marka maanta taasi meesha waa ka baxdey oo Cid la Isbahaysanayo ma jirto marka Qaarankii wuxuu ku soo ururey Afka Baarkii , waxaa laga yaabaa in Xoogaa ay soo Xarooto oo Sandareerto ah taas oo lagu bixinayao Siyaasada wax reer Galbeedka ugu yeereen La Dagaalanka Argagixisada,markii ay jirtey Dowladii Milatariga uuna jirey Dagaalkii Qaboobaa Dowladaas Kaalmada ay heli jirto waa Tartankii Xodxodashada is Garabeysiga waana mida ay ku heshey Mashaariic sida Wadooyin Isbitaalo , Qalabeyn Ciidan iyo Mashaariic Ciidaa ka badan,Marka ninkii is lahow Lacag baa soo socota Candhuufta Dib u liq
Isku soo duuboo Shirkii Londan waxaa lagu tilmaami karaa Qaraankii Tolka laga aruurinayeyoo Aakhirkii ay soo Xarootey Lacag aad u yar markii ragii Tolka ugu Tunka weynaa ayey ka baxeen balantii ay qaadeen oo markii hore u jeedkiisu ahaa Tolka iska tiiri oo yeysan Dul duleelo kaa heli Ragga kale ee Tolka ku jira , waxaana maanta Ceeb ah adiga oo maanta Allla isku kaaga darey Beero, Xoolo,Bad iyo Macaadiin in Qaaraan laguu Ururiyo ayna kuugu Yaboohayaan kuwa aad kaa Liita oo aan haysan waxa Alle kuugu Maneystey oo welibana ay u sii dheer tahay Muslinimada .

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

245303271

25681555

Banaadir Post.

WARBIXIN XAQIIQ KA HADAL AH:-Xassan Sheekh: “Dowladda Ingiriiska Ma Hilmaamayo”Qore-Maslax Ilka Case

25701257

Madaxweynaha dowladda Federalka ah ayaa ammaan u jeediyay dowladda Ingiriiska oo ah cadawga kowaad ee ummada muslimka ah ee Soomaaliyeed.

Ka sokow khudbadda uu ka jeediyay shirka London, waxaa jira wareysiyo uu si gaar gaar ah u siiyay warbaahinta qaar oo uu ku jira Taleefashinka Al-Jazeera qeybtiisa Ingiriiska. Madaxweyne Xassan ayaa war baahinta u sheegay inaanu waligi hilmaami doonin dowladda Ingiriiska oo uu ku tilmaamay mid caawineysa ummada Soomaaliyeed.

Xassan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale khudbaddiisii shirka ku muujiyay calaacal iyo cabsi uu ka qabo mujaahidiinta isagoona sheegay in caqabad caalami ah ay heysato dowladdiisa.

Madaxweyne Xassan ayaa u muuqda mid ay gaaladu dooneyso in ay ka dhigato mididii ugu dambeysay ee lagu gawraco ummada muslimka ee Soomaaliyeed.

Tusaale waxaa kuugu filan in dowladdiisa laga saaray kumeel gaarnimada si looga saxiixdow wax walba, waxaana jirta in Xassan uu saxiixa ka soke yahay nin u caaboon in gaalada la siiyo dalkeena sida laga dheehanayay khudbaddii uu ka jeediyay shirkii kooxda xiriirka caalamiga Soomaaliya ee uu ka qeybgalay. Xassan waxa uu shirkaasi ka sheegay in badda Soomaaliya tahay 12 meyl isagoona meesha ka saaray 188 meyl oo baddeena ah si gaaladu u qaadato.

Wax kale Iska dhaafe xitaa xeerka Badda Soomaaliya ayaa qoraya in cabirka baddeenu yahay 200 oo meyl. Sida indheer garadku sheegayaan Xassan Sheekh Maxamuud waa mididii lagu kala qeybsan lahaa inta kasoo hartay Soomaali weyn oo uu horey usoo kala qeybiyay Ingiriisku.

Wakaaladda wararka ee Harar, horey ayey uga hadashay qorshaha reer galbeedka iyadoona tilmaantay in xilligan lasoo gaaray waqtigii ay qorsheysteen gurashada kheyraadka dalkeena.

Hoos ka aqriso qorshaha reer galbeedka ee uu Xassan nala doonayo.

Cusuurtii dhexe ama 1800 wixii loo soo gaaray Yurubta waxay xoogga  saareen iney baaritaan dheer ku sameeyaan adduunka, kheyraadka ku jira, dadka ku nool iyo diimaha ay kala aaminsanyihiin si ay u gaaraan hadaf gumeysi oo dano badan xambaarsan.

Sahmiyaal fara badan ayey direen oo caalamka meel walba maray, markaas kadibna waxay ogaadeen in ay u suurta gal tahay markey Khilaafadii Cuthmaaniyiinta tabar dareyso in caalamka islaamka ay soo gali karaan islamarkaana qabsan karaan.

Sidaa bey wixii ka dambeeyay 1882kii kusoo galeen Soomaaliya iyagoo burburiyay Khilaafadii meesha ka jirtay, kadib waxay u dhaqaaqeen iney si khaas ah u sahmiyaan kheyraadka dalka ku jira oo uu raadadkiisu muuqdo illaa iyo maanta. Meel walba waxay mariyeen calaamado iyo wadooyin kuwaasoo loo yaqaano wadooyinka Ameerikaanka, wadooyinka Ingiriiska, wadooyinka Talyaaniga, wadooyinka Bortoqiiska iyo kuwa kale.

Sannadkee Ayey Go’aansadeen In Ay La Baxaan Kheyraadka Dalka?

Reer galbeedku waxay qorsheysteen in ay kheyraadkaasi la baxaan marka la gaaro 2010 inta ka sokeysana ay sii dajiyaan istaraatiijiyaddii ay ku fulin lahaayeen xoog iyo xeeladba.

1945 markuu gabagabada ahaa waxa loogu yeeray dagaalkii labaad ee adduunka ayaa ra’iisul wasaarihii ingiriiska Winiston Churchill iyo ururkii Sahyuuniyadda ee lagu aas aasay dalka Austoria waxay heshiis ku galeen wixii ka dambeeya 2010ka in Yahuuda dagto dalalka Geeska Afrika laga soo billaabo harooyinka Victoria illaa iyo Badda cas.

Reer galbeedku waxay Soomaaliya u ahayd keyd ay kor ka ilaashadaan oo ay u joogaan maamulo ay iyagu sameeyeen kuna dhaqma dastuur gaalnimo ah.

Markii ay meesha ka bexeen dowladihii Aadan Cadde iyo Cabdirashiid islamarkaana hana qaaday xukuumaddii milatariga ahayd ayaa waxaa reer galbeedka soo wajahay cabsi ku aadan inaaney kheyraadka la bixi karin haddii ay sii jirto dowladdii Siyaad Barre oo ahayd mid wadaniyad aaminsan inkastoo ay diinta ka fogeyd.

Cabsida reer galbeedka ayaa waxaa sii xoojiyay markey arkeen in dadka Soomaalidu yihiin shacab isku mid ah, isku diin ah, isku madhab shaaficiyo ah, isku luqad ah islamarkaana ehel wadaaga.

Intaas kadib waxaa xooga la saaray in dowladaasi la dumiyo shacabkana lakala firdhiyo sidii horeyba loogu sameeyay dalal badan oo caalamka islaamka ka tirsan sida:- Indoniisiya, Al-jeeriya iyo Nayjeeriya si hadhow shucuub akhlaaq iyo diimo kala wato oo gaalo ah dalka loogu soo celiyo!. Arintaasi waxay ka dhacday Indonisiya, aakhirkii u dambeeyayna waxaa laga gooyay gobol dhan oo East Timor la yiraahdo.

Sidaa awadeed dowladdii Shuuciga ahayd ee uu hogaaminayay kaligi taliyihii Siyaad Barre waa la riday, kadibna waxaa shir lagu qabtay magaalada London ee dalka Ingiriiska halkaasoo safiirkii Mareykanka u fadhiyay uu ka jeediyay khudbad isagoo yiri “waxaan aad ugu faraxsanahay maanta darbigii Soomaaliya ku hareersanaa waa uu dumay waxaana jirta fursad muhim ah oo u bannaan dalalka daneeya arimaha Soomaaliya, waxaana ugu baaqayaa in arintaasi loo dhaqaaqo lagana faa’iideysto”.

Tallaabooyinka La Qaaday Burburka Kadib.

Si dagdag ah ayaa hawshi loo billaabay, xeryo qaxooti ayaa dadkii loo sameeyay, dagaal sokeeye ayaa wadanki laga oogay, qabqablayaal iyo jabhado ayaa la abuuray intaana waxaa dheer in ummadii in ka badan shan milyan lagu shubay Yurub iyo Ameerika kuwaasoo ay qaadayeen Kaniisadaha, ururada diimaha, baadariyaasha iyo hey’adaha.

In badan oo kamid ah dadkaasi waxaa loo badalay gaalo iyo kuwa aananba aqoon waxa ay yihiin kadibna dib ayaa loo soo celiyay iyagoo matalaya danaha Yurub iyo Mareykan.

Waxaa taa barbar socda hoos u dhaca dhaqaalaha reer galbeedka oo soo bilowday markii uu dagaalkii qaboobaa dhamaaday kaasoo wixii ka dambeeyay 2000 u xuub siibtay burbur saameyn weyn keenay, kadibna waxaa soo cusboonaaday dalab ah in la boobo dhaqaalaha caalamka islaamka ku jira sida:- Ciraaq, Afganistaan, Somaaliya, Nayjeeriya, Maali iyo wadamo kale si loogu kabo ra’sumaaliyada caalamiga ah ee uu burburka dhaqaale ku socdo.

Duulaanka hadda ku socda Soomaaliyana waxa uu qeyb ka yahay arimahaasi iyadoo xoogga la saarayo in lala dagaalamo inti la awoodi karo mujaahidiinta oo uu Allaah kasoo daahiriyay meel aaney raar galbeedku kusii tahsan istaraatiijiyad ahaan.

Soomaaliya waxaa hadda duulaan ku jooga lix wadan oo calooshood u shaqeystayaal ah oo ay soo kireysteen Mareykanka iyo Yurub kuwaasoo kala ah: Kenya, Itoobiya, Uganda, Burundi, Siiralyoon iyo Jabuuti.

Maxaa Ahmiyada Loo Siinayaa Soomaaliya oo Quwadahan Badan Loogu Soo Diray?

Dalka Soomaaliya waxaa ku jira kheyraad noocyo kala duwan leh oo aad u badan waayo marka dhaqaalaha caalamka laga hadlayo waxa ugu horeeya ee lasoo qaato waa shidaalka, Somaliyana waxay hodan ku tahay shidaalka sida ay shaaciyeen reer galbeedka qudhooda.

Shrkadda Conoco ayaa warbixin ay soo saartay sannadkii 2010kii ku sheegtay in dalka Soomaaliya uu kaalinta labaad uga jiro sideeda dal ee Afrika ugu shidaalka badan.

Shirkado kale oo ay kamid yihiin Afrika Oil iyo Ranger Resource ayaa sheegay in dalka Soomaaliya yahay wadanka labaad ee ugu nadiifsan shidaalka qaaradda Afrika.

Wax qarsoon ma ahan in uu dalkeenu yahay kan labaad ee Afrika marka Sudan laga yimaado. Soomaaliya wuxuu Allaah ugu deeqay macdan, dahab, dheyman, gaas dabiici ah, kalluun qareedka aduunka ugu qaalisan, beero 3 milyan oo hektar ka badan iyo xoolo nool oo kala gadisan.

Geela oo kale markaan tusaale usoo qaadano waxaa la yiraahdaa geela adduunka 70 % wuxuu joogaa Soomaaliya. Kheyraadka intaa la eg waxaa  heysta dad yar oo muslimiin ah ehelna isu wada ah, waana midda keentay in lagu soo duulo si gacantooda looga baxsho umad kalana loogu beero dalkooda.

Maxaa Caddeyn U Ah Arintaas?

Daliil waxaa kuugu filan dastuurka cusub ee ay gaaladu dajisay, markaan kasoo qaadano jinsiyada oo kale waxaa ku qoran qofka 5 sano hadduu Soomaaliya joogo waa muwaadin, waxaa ku qoran ilmo kasta cidduu doono ha u dhasho haddii dhul Soomaaliyeed laga helo waa muwaadin.

Waxaa kaloo ku qoran gabar kasta oo Soomaaliyeed meeshey doonto haku dhasho, cidey doonto ha u dhasaho, cunugey dhasho waa Soomaali.

Waxa dadkaas oo dhan loo Soomaaliyeynayo waa in dad lagu yeesho dalka si ay u fududaato in la burburiyo jiritaanka ummadeed kadibna loo qaato kheyraadka wadanka.

Si arintaasi loo fududeeyo waxaa kale oo dastuurka ku jira qodob lagu kala fogeynayo ummada Soomaaliyeed kaasoo oranaya “Soomaalidu waa laba jinsi oo kala ah Carab iyo Afrikaan, waxay ku hadlaan 3 luqadood oo kala ah: Maxaa tiri, May tiri, iyo Carabi”. Sirta ku jirta meehsaasi waa in Afrikaanta soo duushay is xijiyaan dadka qaar oo ay yiraahdaan annaga ayaad nala dhalateen.

Caqabad Adag oo Hor Taagan Boobka Reer Galbeedka

Xilligan aynu joogno aadanuhu wuu horu maray maskax iyo jir ahaan intaba, waana midda keentay in reer galbeedku si dhameystiran u gumeysan waayo ummad badan oo uu adoonsan jiray sida:- Soomaaliya.

Dalka Soomaaliya waxaa ka hana qaaday Mujaahidiinta Al-Shabaab oo xiriir la leh jihaadiyiinta caalamka oo uu hadafkoodu yahay in ummada laga yureeyo cadawga laguna dhaqo diinta Islaamka oo barax tiran.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay awood u yeelatay in ay si cad u hor istaagto ujeedooyinka reer galbeedka ee ku dhisan gaalnimada iyo hagardaamada.

Mujaahidiinta waxay sameeyeen wax qabad taariikhi ah oo uu xitaa ku faani doono Soomaaliga gaalada la socda, waxay jilibka u aasteen oo ay iska caabinayaan lix wadan oo dhulka joogta iyo reer galbeedka oo hawada ka taageeraya dhaqaale iyo hubna siinaya.

Sidoo kale Mujaahidiintu waxay dadka ku baraarujiyeen dhagarta gaalada iyagoo baray in la iska dhicin karo taasoo keentay in dadku noqdaan kuwa jihaadka ku biiray, kuwa taageera iyo kuwa dhabbaha kusoo jira.

Qore-Maslax Ilka Case.

XIGASHO SABAAX.COM

http://sabaax.com/?p=1144

245303271

Banaadir Post.

CANBAAREYN:-Ururka Beeleedka SAHAL oo cambaareeyey eexda tabinta wararka idaacada VAO iyo Cabdiraxman Yabarow oo ay qaraabo yihiin Xasan Gurguurte.

25702458

Ururka Sahal waxuu si adag cambaarayn dusha uga tuurayaa hab dhaqanka iyo eexda tabinta wararka ay ku dhaqanto idaacada VAO Somali. Waxaa nasiib darro in idaacadani ay ummadda Soomaaliyeed ka gashay godob iyo fadeexad ka dib markii ay qariyeen mudaharaadkii 7-5-2013 gilgalay kasoo horjeedka guriga Lancaster House oo lagu qabanaayey shirkii Soomaalida London. Idaaca VAO Somali waxay waqti badan ku bixisay inay buun-buuniso bannaanbixii lagu dhigay magaalada Muqdisho waxayna diiday inay sii dayso wararkii ku saabsanaa mudaharaadkii maanta sida wayn u gilgalay magaalada London kaasoo ay kasoo qaybgaleen boqolaal ka mid ah qaybaha kala duwan ee jaaliyadaha Soomaalida ee ku nool iyo Yurub.

Sidaasi darteed ururka Sahal waxuu ummadda Soomaaliyeed ee jecel nabada iyo midnimada in idaacada VAO Somali ay noqotay idaacad u adeegta danaha xulafada iyo danaha Madaxwayne Xasan Shiikh Maxamuud. Waxaan dawlada Maraykanka u gubdin doonaa qoraal la xiriira sababaha maamulka gacanta ku haya idaacada VAO Somali uusan dhexdhaxaad uga noqon karin arimaha Soomaaliya isla markaasna laga dhigtay idaacada VAO Somali mid u adeegto dano shakhsiyaad gooni.

Ugu danbayntii waxaan ummadda Soomaaliyeed la socodsiinaynaa inay si feejigan ula socdaan eexda ka socota laanta VAO Somali ee uu hogaamiyo Abdiraxmaan Yabaroow.

Waxaa qoraalkan soo saaray.

Ururka Sahal Organisation, London.

Xasan CuLusow afkiisa & Dhagahiisa isma Maqlaan Miyaa Tolow.!!!

 

262533_10201382666393343_1862126599_n

Banaadir Post.

DAAWO :- VIDEO+SAWIRO- Dibad bax looga soo horjeeday Xasan Gurguurte oo ka dhacay London

Dibadbaxayasha ayaa ku dhawaaqayay halku dhigyo ka dhan ah Xasan Sheekh iyagoo sheegay in Xasan Sheekh uu ka soo horjeedo maamulka Jubbaland islamarkaana uu yahay madaxweyne qabiil.

Waxaa sida aan og nahay Wadanka U,K ka furmay Shirkii la yiri, Soomaaliya ayaa looga hadlayaa, waxaa Magaalada London Bartamaheeda kadhacay, Mudaharaad waxaana hogaaminaya Daaroodkii Jubbooyinka Kenya doonayey in ay ku biiriyaan, iyo Isaaqa oo doonaya in ay Soomaaliya ka goostaan Gobolada Waqooyiga Soomaaliya.

25694588

Mudaharaad labaad ayaa wuxuu kadhacay Magaalada Muqdisho waxaana horkacaya sida aad Masawirada ku daawan doontaan, Saacid Shirdoon, Wasiirka Warfaafinta, C/laahi Ciil Mooge iyo Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga C/kariim Xusseen Guuleed. Soomaali sidaas oga quuso, Nin kasta oo Soomaaliya oo Kursi lagu fariisiyo wuxuu isku dayaan xoog in uu xukunka ku haysto, bal Nin Dadkiisii ku Mudaharaadayaan oo Asna Mudaharaad dhigaya Madaxna sheeganaya xaggee lagu Arkay?.

25694588 (1)

Raisalwasaaraha U,K David Cameron inkasta oo uu Shirqoolkiisa hoosta kawato, haddana Mudaharaadyada Isaaqa iyo Daaroodka markuu Arkay wuxuu ku yiri, Xassan Gurguurte,“Mr, President ma Xaawo Cabdi Ayaad ka liidataa Maad Dadka isku keento, soo Buuggeeda Rajo Xaawo Cabdi  kuma aysan Oran “Rajo Lagama Quusto?’. 25694921

Khudbaddii Xassan Gurguurte.

Xassan Gurguurte, Khudbadiisii wuxuu ku bilaabay meeshii uu horjoogayaasha Shirka Salaami lahaa, “Dhowr Asbuuc ka hor, waxaan Villa Soomaaliya kadhex beeray Geed, kaas oo doonaya in Bahalada laga ilaaliyo oo Biyana lagu waraabiyo, Soomaaliyana waa sida Geedkaas oo kale!”. Xassan Xayawaan Ninkii yiri, ma been ayuu sheegay?, Ninka leh Geed ayaan beeray waa Ninka Qabiilada Soomaaliya sida Isaaqa iyo Daaroodku ay banaanka oga banaan baxayaan, waxaa laga yaabaa Doqon nimadiisa in uu Aamisan yahay Raisalwasaarihiisa Doqonkaa ee Shacab ku Mudaharaadaya Asna Mudaharaad kala hortagay in uu xal ku keenayo Ciyaal Xaafadnimo!.

 

Taariikhda Soomaaliya Niman ka xun ma soo marin Xassan Gurguurte, Saacid Shirdoon iyo Wasiirada C/laahi Ciil Mooge iyo C/kariim Xusseen Guuleed ay ku jiraan, waa Niman Shacabkii ay dajin lahaayeen Mudaharaad kala hortagaya, waxay sheegteen in ay yihiin Ciyaal Xaafad oo aanan laga badin karin Mudaharaadyada, bal Nin Ciyaal xaafad isku sheega miyaa Dad hogaamin karin?, soo hogaamintu uma baahna Dulqaad, Waayo Aragnimo iyo Aqoon?.Dhagayso Khudbadii Xassan Gurguurte Geedbaan Beeray Asbuuc ka hor MP3 Halkaan Riix Ama Guji

25694916

LONDON MUDAHARAAD LOOGA SOO HORJEEDO SHIRKA LONDON 07 05 2013

25690090

Banaadir Post.

Shirkii London”Shirqoolkii London” oo dhamaaday lacagna la balan qaaday sidii kal hore.

25689966Shirka London oo ah mid lagu uruurinayo dhaqaalo lagu xoojiyo shisheeyaha soo duulay si ay usii wadaan xasuuqa ka socda Soomaalia ayaa waxaa ka soo qeybgalaya in ku dhaw 50 Dowladood oo faragalin ku haya Soomaaliya.

Qadar,kuweyt,iyo Turkiga ayaa bixin doona dhaqaalo hub iyo mushaar lagu siin doono ciidamada kufaarta Amisom kuwaasi oo ah calooshood ushaqaystayaal duulaan gardarro ku jooga Soomaaliya.

25689921

Shirka London saddex saac ayuu socday aduun lacageed oo gaaraya…?…. ayaa loogu balan qaaday sidii kii kalhore isla meesha ka dhacay, ciidamada nabad ilaalinta Amisom iyo kuwa Dowladda waxaa laga wada hadlay dib udhiska Soomaaliya ,dib u habaynta iyo qalabaynta ciidamada dowladda,kufsiga haweenka in la joojiyo iyo howlgalada Qaramada midoobay ka fulin doonaan Soomaaliya, warqado dhowr iyo afartan bogg ka kooban waa la soo saaray” kalimadahaasi iyo kuwa la mid ah oo lasii qoray mudo hore,go’aano horey loo gaaray.

25689929

Dowladda Ingiriiska  ayaa fara galin kuhaysa dalka Sooomaaliya iyadoo dhawaan Muqdisho ka furtay Safaarad,waxayna wakiil ka tahay dowlado  iyo dad qarsoon oo dano gaarah dalka Somaliyeed oo la noqotay inow dayacanyahay.

25690079

La soco qeybaha danbe: Editor-Banaadir Post.

25690090

JUG JUG OO MEESHAADII JOOG:-Banaanbax oo Ka Bilowday Goobta Shirka london kasocdo. Maanta oo Shalay weli u eg!

Kuwa Maanta Hor Boodaya  Xassan Gurguurte  Waa Kuwii Shalay Ku Banaanbaxayey  C/llahi Yusuf.
Kuwa Maanta Banaanbaxayana Waa Kuwii Shalay Difaacaya   C/llahi Yuusuf.

25687993 (1)

Dadkan ayaa ka cadhaysay maamul xumada Xasan Gurguurte  iyo waliba shirkii dhawaan u dhacay magaalada Ankara ee dalka Turkig akasoo dawlada federaalka ah la qaataday maamulka la magac baxay Somaliland.

Mudaharaadkan ayaa waxaa soo qaban qaabiyey jaaliyadaha maamulo badan oo Somalia ka jira sida Khaatumo State, Awdal State, Jubbaland, Maakhir State iyo Puntland kuwaasoo kasoo jorjeeda kala qaybinta iyo qabka xun ee Xassan Gurguurte  u wado dawlada Soomaaliya!!

25687993

Maxaa haray oo la  isku haystaa?

 

25690090Banaadir Post

 

DHAGEYSO:-Amiirka Mujaahidiinta Alshabaab oo la hadlay Somali meel walba ay joogto kana warbixiyay Shirka London Mujaahidiintana ugu baaqay inay gilgilaan xarumaha cadowga.

25659581Sheekh Muqtaar Cabdiraxmaan Abuu Zubayr Amiirka Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ayaa ugu horeyn utahniyeeyay Mujaahidiinta  muddo saacado ah la wareegay gacan ku hayntii  xarunta Maxkamada Gobalka Banaadir isagoo allaah ugu baryay in darajadooda uu koryeelo, shahaadadoodana ka aqbalo.

“Waa dhiiga shuhadada waxa fashiliyay duulaankii Mareykanku dalkeena  ku soo qaaday,waa dhiiga shuhadada waxa Itoobiya u diiday inay qabsadaan dalkeena,waa dhiiga shuhadada waxa dumiyay shirqooladii gaallo raacyada ay kamid ahaayeen Cabduulaahi Yuusuf iyo Shariif Murtad,waa dhiiga shuhadada  waxa burburin doona dabinnada Yugaandhayska iyo dabadhilifyadooda”ayuu Yiri Amiirka xarakada Shabaabul Mujaahidiin Sheekh Mukhtaar Cabdiraxmaan Abuu Zubayr.

Amiirka Shabaabul Mujaahidiin ayaa intaasi ka dib fariintiisa  is dul istaag ku sameeyay laba  arimood oo kala ah dhibaatooyinka Nidaamka Dowladda Xasan Sheekh ugaystay umadda Muslimka  Soomaaliyeed iyo shirka ka dhacaya Dalka Britain.

“Waxay soo waarideen destuur ka dhan ah umadda Diinteeda,dhaqankeeda iyo danaheedaba  la guna saleeyay rabitaanka dad shisheeya ah oo diin iyo dhaqan midna wadaagin,kitaabkii allana waa la tuuray”ayuu hadalkiisa raaciyay Sheekh Mukhtaar Cabdiraxmaan Abuu Zubayr.

25219531

HALKAN KALA DAG KALIMADA ABUU ZUBAYR AMA KU DHAGAYSO FLASH PLAYER

Abuu Zubayr oo looga bartay in fariimaha  uu ku soo qaato gabayo ka hadlaya arimaha uu ugud binayo shacabka Soomaaliyeed ayaa yiri.

25659630

Ma lahase Diintu waxay tahay dadku waannu  garaninee.

Dibnaha ka ashahaadiye ma aha dabarka goosee.

Horta  diintu waa dhaqan,destuur iyo axkaamba leh

Dowladoo Cadaalada ,maadada daliilo leh

Dagsan oo la kala qoray.

Aadniga Dantiisuye ilaahay udoorbiday.

Ninka daayacee Nacay.

Mid Ibliis udaabacay desutur kale ka yeeshee  hawadiisa door bida.

Nin dafiray quraankii bal inuu ka duwanyahay iyo inuu ka daranyahay.

Danbigiisu waxa uu yahay diintee ku taalaa dunna la guma dhaafine miyaa si hoosba loo dayay.

 

Arinta Labaad ee Dowladdu ku dhaqaaqday ayuu Sheekh Mutaar Abuu Subeyr ku sheegay inay Jideeyeen oo ay gabood u noqdeen qabsashada Dalka iyo kala qeybintiisa iyagoo ku magacaabay Ciidamada gumaystaha soo duulay inay yihiin ciidamo nabad ilaalin.

Sheekh Muqtaar Abuu Zubayr ayaa sheegay  in ficilka Dowladdu ku qaabishay Shisheeyaha soo duulay  ay keentay in Ciidamo ajaaniib ah  qabsadaan Magaalooyin ka tirsan koonfurta Soomaaliya islamarkaana iyagii gaboodka u ahaa aanan wax tallo ah looga ogolayn.

Amiirka Mujaahidiinta Alshabaab ayaa carabka ku dhuftay in ilihii dhaqaalaha  gaallo utaliyaan,boobna lagu hayo  khayraadkii dalka, iyagoo qalqal galiyay dhaqaalihii gudaha  islamarkaana horseeday  Sicir barar iyo qalalaaso sarif.

“Waxay horseedeen faafinta anshax xumada iyo duminta Aqlaaqda,amniga ay sugayaan iyo nabada ay wadaana waxay ku soo uruurtay in ciidamo shisheeye ku hogaamiyaan deegaamo aamin ah oo sharciga alle  hoos harsanaya dadkana ay ka dhigaan wax barakaca wax la laayo wax la xerxiro  iyo wax cabsada”ayuu yiri Sheekh Muqtaar Abuu Zubayr.

Amiirka Mujaahidiinta Soomaaliya Sheekh Muqtaar ayaa sheegay in xabsi  wadareedyo aan kala sooc la hayn si joogto kaga dhacaan Muqdisho,Kismaayo iyo Baydhabo isla markaana dadka madax furasho lagu daayo halka kuwa kalana xabsiyada in la gala baxo maydkooda jidadka la soo dhiga.

“Arimaahasi  aan sheegnay waa tan  keentay Mareykanka in Ictiraaf iyo soo dhaweyn ku qaabilo Madaxda ridada maxaa yeelay waxay uxaqiijiyeen ujeedooyinkii ay rabeen”ayuu hadalkiisa kusii dhidbay Sheekh Mukhtaar Abuu Subayr.

Amiirka Mujaahidiinta Alshabaab  oo hadlayay  qadar 10 daqiiqo ah ayaa sheegay in Nidaamka ridada fashilkiisu uu  soo  shaac baxay , wadiiqadii burburkana cagta saaray.

25659678

 

Waqtigii danaystuhu dhammaa,waana dhacayaanee.

Rag dhalaashadoo ciil qabaa dhuunta kala goynee.

Dhiig miirada waa la leyn , dhuuni raaca ah.

Dhagtaa dhiiga loo darri raggaa dhaafay samihiiyee.

Inshaa allaahu waa lagu dhugtami subaxaan dheereyn.

 

Sheekh Muqtaar Cabdiraxmaan Abuu Zubayr ayaa kalimadiisa sidoo kale kaga hadlay Shirka London ee dhacay Todoba Bishaan May.

Sheekha ayaa sheegay in sadex qodob saldhig u yihiin shirka London ee marti galinayso Dowladda Ingariiska.

1-ayuu ku  sheegay in la gula wareegayo ilaha dhaqaalaha iyo qeyraadka dalka wixii ka haray.

2– kala qeybinta dalka iyadoo lagu wajahayo waxa loogu yeeray Federaal.

3.in xukunka Allaah laga tago oo lagu bedasho xeerarka Ingariiska iyo Mareykanka.

“Ogsoonaada in dalka la qabsaday lana qaybsaday ,waxa idiin haystaa waa Itoobiya,Kenya iyo Uganda,dadka la adeegsananaya waa dad muuqa iyo magaca idinla wadaaga laakin Fekerka iyo Anshaxa la wadaaga gaalada soo duushay.

Ugu danbeyntii  Amiirka Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ayaa ugu baaqay shacabka inaysan ku kadsoomin balanqaadyada gaalada iyo gaala raacyada.

25659581 (1)

Banaadir Post.