Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Sh.Cali Maxamuud Raage ” Sh.Cali Dhere” oo Shir Jaraa’id qabtay ayaa ka hadlay Howlgalkii Fashilmay ee ay Kumaandoosta Faransiisku ka fuliyeen Degmada Buulo-Mareer iyo Dagaalka ay hada ka wadaan Wadanka Maali isagoona talooyin u gudbiyay Mujaahidiinta Maali oo hada duulaano cusub wajahaya.
Cali Dheere ayaa ugu horeyn sheegay in Ciidamada Faransiiska oo diyaarado ku soo degay ay dagaal adag la galeen mujaahidiinta.
“Sida aan horay u sheegnay Gaalo waa isa soo baheysatay, diyaarado ayay ku soo dageen, laakiin Mujaahidiinta ayaa jilbaha u laabtay oo dagaal culus la galay, markii hore waxay ku gamban jireen dabaabaadka iyo diyaaradaha”ayuu yiri Cali Dheere.
Sheekh Cali Dheere ayaa ku amaanay Xoogagii la dagaalamay Faransiiska, isla markaana isugu darsantay sida ay kala yihiin Burcad badeeda iyo Al-Shabaab.
“Waxaad soo celiseen sharaftii dadka Muslimiinta, markii aad Faransiiska la dagaalanteen, waxay kala garan waayeen burcad badeeda iyo Al-Shabaab, dhowr jeer ayay burcada badeeda ku soo duuleen”ayuu sii raaciyay hadalkiisa.
Mar uu soo hadal qaaday fara gelinta milateri ee Faransiiska ka wado dalka Mali ayuu sheegay inay la mid tahay mida lagu barakiciyay shacabka Ciraaq iyo Afganistaan ee lagu duulay.
Shirka Jaraa’id oo oo Dhamaystiran Halkan ka Dhagayso.