ILEYN ILI, IL KALE MA ILAALISO. Qore:-Suldaan Garyare.

24986991

بسم الله الرحمن الرحيم

وبعد الحمد لله رب العالمين والصلاة والسلام على أشرف الأنبياء والمرسلين نبينا محمد وعلى آله وصحبه أجمعين

Waxa dhacda in isha oo ah xubinta ugu muhiimsan xubnaha dareemayaasha noolaha, haddana u qaabilsan noolaha in uu wax ku arko, ayaa si  sahlan saxar ama qori u mudaa, suuragalna ma noqoto in ay aragto qorigaa mudaya. Haddii mid ka mid ah ay la kulanto shilkaan oo kalena, waxaa muuqata in aan midda kale ilaalin karin, ileyn iyaduba is ilaalinweydaye.

Taa waxa ka dhigan nimanka waaweyn oo dad badani marka ay qiimeyn ku sameynayaan, u arka niman madax iyo dowladnimo lagu tuhunsanyahay ee fahmi waayey in aan lagu badbaadeyn Taangi gaalo madowiyo hub toobalcaaro ama qardo ah,  ninba siduu u yaqaan, in dal lagu maamulo, dowladna lagu ahaado.

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa ”Ridu haddii ay baruur leedahay dabadeeda ayey ku qarsan lahayd”, cidda ay ilaalada ka sugayaan iyaga ayaa ilaalo u baahan.

Cadowga soo jireenka ah ee Xabashidu majara u hayso, muddo aan dhaweyn ayuu wuxuu ku taamayey in uu mar gacanta ku dhigo dhulka barakaysan ee Muslimiinta Geeska Afrika. Waxaa mar dhacday in ciidamadiisu mar gaadheen xeebaha Badweynta Hindiya iyo Caasimaddii Muqdisho. Maalmo ka dib waxaa Alle (swt) qaddarey in iyaga oo kabaha afka ku sita jab iyo naasabeelna ka raacey isballaarintii ay isku ballariyeen Muqdisho iyo dhulkii kale ee sharafta lahaa,  meelaha Alle lagu caabudana ku yaalleen, ay isaga cararaan.

Ragga geela raaca ee geeljiraha loo yaqaan ayaa caado iyo dhaqan u leh in ay legdemaan markii ay fagaaraha isugu yimaadaan, geeluna u dhalo. Waxa suurtowda haddii nin geeljire ah mar la legdo in uusan qancin oo yiraahdo ’fig mar ah ayaa igu hartay’ oo uu ula jeedo in uu weli diyaar u yahay legdin dambe, isaga oo aan qirsaneyn in la legday.

Xabashi dhowr sano ka dib ayey isa soo hambaabushay, iyada oo sida geeljiraha oraneysa fig mar ah ayaa igu hadhay. Maxaase dhacay?

Haddii figtii hore ay Xeebaha gaadhay, markan waxa ay dhaafi weyday meel Xeebta u jirta ugu yaraan 500 oo kilomitir, iyada oo weliba cadow kale oo isna aan ka xoog yareyn iyada, kaalmo caalami ahna haysta hub aad u culus oo aan Afrikada madoobi haysanna haysta, kaas oo Mareykan iyo Yurub gacanta u gasheen.

Waxa aan hubaa, haddii aan si wanaagsan u eego sida arrimuhu u socdaan, in figta saddexaad la isku qabsandoono dhulka ay Muslimiinta ka haysato ee gacanta Xabashida ku jira, nabsi waa ma raagee, markaasna ay suurowdo in maalintaa ay banneyso dhulkaa ay maanta khasiyadda iyo najaasada ku hayso.

Todobaadka dhow waxaa soo baxaysa in ay Baydhaba, Garbahaarrey iyo Beleweynaba ka cararto, dabadeedna kuwa Biddoodka gaalada ah ay ku dhacdo niyadjab baahsan., illeyn ciidammadu waa isu niyadbuuxshaane. Waxa taa xigta gobollada ku xeeran gobolka Banaadir in uu kabaxo faraha najaasadda madmadow iyo kuwa hooskooda harsada ee aan anigu u baxshay ”geedsaar”.

Waxaa sunanka kucad, in marwalba oo Muslimiinta cusri fuulo waxa soo shaacbaxaya calaamadaha guusha iyo nasriga, Muslimiintana waxaa looga baahanyahay in ay ku sabraan dhibkaa iyo culayskaa.

Markii aan ka hadlayey legdinta geeljiraha, waxaan iloobay in aan ku daro dhaqanka geeljiraha waxa kale oo ka mid ah, in marka laba geel wada kulmaan, in geeleyda geela wadata ay labolabo isugu jeestaan oo legdamaan, marka hore kuwo yaryar ee kureyda ah ayaa madaxa la isu geliyaa, kii soo baxa oo kuwo kale ka legdin badiya ayaa waxa isna isu soo taaga in uu la legdamo kan ragga ugu weyn ee ugu madax taagan.

Waxaa beryahan soo muuqanaysa in Mareykan xaawilayo, in dagaalka lagula jiro Muslimiinta Bariga Afrika iyo waliba kuwa Galbeedka qaaradda uu ciidammo u soo diro, iyada oo la dareensanyahay in aan Afrikaan dhakobuur, wax dambe lagu haleyn karin, qadarta iyo awoodda dagaalkooduna gabaabsi yahay, sida ninkii geeljiraha u weynaa ee kurayada la lagdamayey, Muslimiintu kurayo maahan, laakiin waxay lagdeen kuwii loo soodirey ee loo soo wakiishay dagaalka.

Koley Muslimiin iyo Mareykan, ma aha kuwo isku cusub, meelo badan oo garoomada dagaalkana waa ay isku arkeen, laakiin su’aashu waxa ay tahay waxa uu soo saa’idinayo, dagaalka Mareykan hadda Muslimiinta u iclaamiyey?.

Haddaba qoraalkan yar waxa aan ku soo kufinayaa, in aan cidina cid kale ilaalo ka noqon karin, ciddii arrintaas ku kadsoontana iyada ayaa cirka roob ku’og.  Kolley ninkii diyaaradi soo daabushay,  dal kalena ka yimi,  ummad Muslimiin ah in uu rabitaankooda hor istaagana u yimi isaga ayaa guran miraha ka soo baxa. Ninkii ninkaa aaminsan in uu dowlad u soo celinayana waa mid ka sii liita kaa hore, taariikhdaana xusin.

وآخر دعوانا أَنِ الحمد لله رب العالمين

Wa Billahi Towfiiq

Suldaan Maxamed Suldaan Garyare (Abu-Cabduraxmaan).

24987970

Abwaan Raage:- “Caadil mooye cid kale laga cabsooneynin”

http://soundcloud.com/bana-4/abwaan-raage-caadil-mooye-cid

CULIMADA ISLAAMKA:- “Waxa loogu yeero xuquuqda dumarka waa qorshe lagu bur buriyanyo umadda Muslimiinta”

24954578Culimada Islaamka dalka Masar ayaa dood kulul ka yeeshay waxa loogu yeero xuquuqda dumarka taasi oo si aad ah looga hadal hayay maalmihii u dambeeyay dalka Masar.

Ururka la baxay Qaramada Midoobay ayaa dhowaan war ka soo baxay waxaa lagu sheegay in dalka Masar oo ka mid ah dalalka Muslimiinta aanay ka jirin wax xuquuq dumareed ah taasi oo si weyn bulshada qaybaheeda kala duwani uga hadleen.

Culimada dalkaasi oo dood kulul ka yeeshay arinkaasi ayaa gaashaanka u daruuray warka Qaramada Midoobay waxaana ay culimadu sheegeen in Allaah SWT uu dumarka goor hore u soo saaray xuquuq uu isagu u jideeyay iyadoo wixii intaasi ka badanna ay tahay dembi iyo kalsoonidarro Allaah laga qabo.

Waxaa ay culimadu sheegeen in Allaah kitaabkiisu si dhab ah uga hadlay xuquuqda dumarka iyo ragga waxaana ay sheegeen in wax aan kitaabka ka ahayn aanay ka qaadanayn waxa ay tahay xuquuqda dumarka.

“Qorshaha gacan ku samayska ah ee xuquuqda dumarka lagu sheego waa mid loogu talo galay in si dhab ah loogu dumiyo diinta iyo dadka Muslimiinta ah” ayaa lagu yiri war ay soo saareen culimada reer Masar.

Dalal ay Masar ka mid tahay oo Carbeed ayaa la sheegay inaanay dumarku ku haysan xuquuqdii ay lahaayeen, waxaana UN oo warkan soo saartay ay sheegtay in dumarka dalal dhowr ah oo ay ugu daranyihiin kuwa Islaamka ay ku jiraan caburin xoogan.

Culimada dalkaasi Masar waxaa ay sheegeen in waxa UN-ku wadaan ay yihiin wax aan la aqbali Karin waxaana ay sheegeen in hadii warkooda la tixgeliyo ay dumarku noqonayaan kuwo yeelanaya xaqqa ninka ragga ah oo kale sida inay gaari wado umadda hogaamiso, amaba furto ninkeeda hadii ay is fahmi waayaan.

Culimaa`udiinka reer Masar ayaa qorshahan si aad ah uga digay waxaana ay bulshada caalamka iyo dalalka Muslimiinta ah ugu baaqeen inay ka digtoonaadaan qaadashada wax aan ka ahayn waxa diinta Islaamku qabto.

62187_508497125834721_118372272_n

 

Xafiiska jinsiga ee AMISOM oo loo yaqaan [AMISOM Gender Office], waxaana ka qaybgalay haween ka kala socday ururrada bulshada rayidka ah, baarlamaanka iyo haween ka tirsan booliiska Soomaaliya waxaana goob joog ahaa oo haweenka geeyay Sheekh Cali Maxamuud (Sheekh Cali Wajiis)”Hadii la yaabo Yaasiinka “

https://newsfromsomalia.wordpress.com/2012/11/12/xafiiska-jinsiga-ee-amisom-oo-loo-yaqaan-amisom-gender-office-waxaana-ka-qaybgalay-haween-ka-kala-socday-ururrada-bulshada-rayidka-ah-baarlamaanka-iyo-haween-ka-tirsan-booliiska-soomaaliya-waxaana/

541299_374968639212330_1440731839_n

Bush ayaa noqday farsha-niiste eeyaha sawira iyo Shariif Sheekh oo hada Musikada tuma”Boongaha”

24896316Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka George W. Bush ayaa isku badalay farsha-niiste Eeyaha Sawira, wixii ka dambeeyay markii uu ka tagay Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Mareykanka iyo Shariirf Sheekh oo Musikada tuma hada wuxuu aad u yaqaan aalada loo yaqaan BOONGAHA oo Shariif yaraantiisii garaaci jiray markii ahaa nin Digriga Suufiyada caan ka ahaan jiray waxa loo yaqaan XADRADA iyo  muusikada lagu laro sida DAFKA.

Hadii aad raacdo sida gaalo wax  u rabto waxaad gafaysaa sida ILAAH  kuu rabo ama ay tahay inaad raacdo,ninkii quraanka iyo  xadiista  aqri jiray ayaa maanta meeshaas ku danbeeyay!.

HOOS KA FIIRI VIDEOGII CAANKA BAXAY EE SHARIIF MUSLIM IYO SHARIIF MURTAD!!

Shariif Shalay iyo Maanta Qeeybtii Koowaad

Banaadir Post.

AKHRI BAYAANKA:- Shir beeleed ka dhan ah maamulka Villa Somalia ee Xasan Garguurte oo lagu qabtay guriga Cali Mahdi, Waxaana ka soo baxay qoraalo digniino la socdaan.

24618604Siyaasiyiin horay ulasoo shaqeeyay Dowladihii ay waxa loogu yeero Beesha Caalamka Muqdisho ka dhiseen ayaa Muqdisho soo gaaray waxayna bilaabeen in ay qabtaan kulamo lagu dhaliilayo Xasan Garguurte.

Bayaan ka soo baxay kulanka Beesha ayaa lagu sheegey in xukuumadu ay talada Dalka gacanta u galisey koox gaara oo aan cidna tala la wadaageyn, waxay kaloo Beeshu sheegtey in awood  Hay’adaha Dowlada gacanta loo galiyey dad gaara beeshana ay xaqeedii waydey:

Akhriso Nuqul ka mid ah Bayaanka

Shir ay soo qaban qaabiyeen siyaasiyiin ruug cadayaal lagu sheegay ayaa  ka dhacay guriga Cali Mahdi ee Waqooyi Bari magaalada Muqdisho waxaana lagu weeraray Siyaasadda Xasan Garguurte ee Beesha Harti Abgaal ku wajahan iyagoona cammaareeyay.

24622363

XEEFOW OO XAMAR KU XIJAABTAY IYO DHEGABADAN OO NAYROOBI KU XANUUNSAN:- Waxaa geerida Xeefow ku farxay dadka ku nool Galgaduud,Xeefow ayaa ahaa ninkii Xabishida keenay Galgaduud.

24465948Waxaa maanta magaalada Muqdisho ku dhintay Xeefow oo kamid ahaa saraakiisha kooxaha Suufiyada ee ciidanka Xabashida Itoobiya ku soo hoggaamiyay degmooyin Galguduud katirsan,sida ceelbuur  Ceelgaras iyo Wabxo. Xeefow ayaa ciil u dhintay oo dhiigo iyo sonkotuba ku kareen sidii Maxamed Dheere iyo rag kale oo badan oo halkan lagu soo koobi karin,waxayna ku dhinteen isku sariir,taaso taala Xarunta  Xalane ay ku leeyihiin ciidanka xooga ku  jooga gayiga Somaliyeed. Maxamuud Yuusuf Xeefow oo Taariikh Madoow ku lahaa Gobolada dhexe ee Soomaaliya gaar ahaan Galguduud ayaa ahaa Ninkii ciidanka Xabashida Itoobiya ku wehliyay duulaankii ay Itoobiyaanku ku qaadeen Ceelbuur taariikhdu markii ay ku beegneed 26-3-2012-ka.

Jabkii Amxaarada ee Ceelbuur iyo Wabxo kadib ayay kooxaha Suufiyada  ay  bilaabeen in ay kala furfurmaan iyagoona kala degay Dhuusamareeb,Guriceel,Xeraale iyo Caabdu Waaq.

Waxaa maanta farxad laga dareemay dhamaan Galgaduud gaar ahaan Galgaduud bari oo aad looga necbaa ninkaas Xabashida Miinobaarka u ahaa. Waxaa isaga ka hor dhintay Cumar Maxamed Faarax  oo ahaa gacan yarahiisa Ceelbuur,kaaso si  lama filaan shil gaari ku dhintay meel Gaalkacyo ku dhaw,inkaar ay inkaareen dadka ku nool Galgaduud. Waxa kale oo  ay hore u waayeen aabahood Males”Fircoonkii Geeska Afrika” oo ILAAH  soo qabtay,kaaso dhibaato ku hayay qowmiyada Muslimka ee ku nool Geeska Afrika.

DHAGABADAN OO  NAYROOBI YAAL ISAGA OO XANUUNSAN.

Waxaa Isbitaal ku yaal Nayroobi ku xanuunsan Dhagabadan ninkii horjooge u ahaa Maleeshiyaad Dowlada fadhigoodo yahay Villa Somalia,miinobaarkana u ah Ciidanka soo duulay ee Amisom.

Waxaa la sheegaya inow mudo  xanuunsanaa Dhegabadan,waxaana haya  cuduro dhimirka ku dhaca iyo Sonkor”Diabetic” aad u xun Chronac ah.

Dhegabadan ayaa ka fakaday isku day dil ay ku qaadeen XSHM oo ay is hayan gumaysiga iyo  kuwa soo horkaca,wuxuuna ku waayay rag badan oo beel ahaan is xigaan,qaarna ay qaraabo dhaw yihiin.

23552505235100582169520121317097 (1)20972181

VIDEO:-Maamulka Villa Somalia ee Moqdisho oo kala hadlaya iyo maamulada dalka oo qabiilo noqonaya colaadna hor lehna qarka u saaran!!

24077343Saacid Shirdoon iyo Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Amniga u qaabilsan Villa Soomaaliya C/kariim Xuseen Guuleed ayaa booqasho waxay ku tageen Magaalada Afgooye, waxay la kulmeen Odayaasha deegaanka waxay kadhagaysteen dacwado ay gudbiyeen, Odayaasha ayaa yiri, “Bulsha kasta Ilaahay ayaa meel ku Abuuray, waxaad dhahdeen Federal ayaan qaadanay, waxaan doonaynaa in la igula dhaqmo, deegaanka Dadkiisa haloo ogolaado in ay Aayahooda katashadaan”.

Oday kale oo kamid ahaa Odayaasha Shabeelada Hoose ee la kulmay maamulka  Villa Soomaaliya ayaa yiri Asaga oo Murugaysan oo dhibaato sheeganaya sida aad hoos ka daawan doontaan,  “Waxaa yimid Nin ku shaqaynaya Isir Nacayb”.

C/kariim Xuseen Guuleed oo kasoo jeeda Gobalka Mudug ayaa ka naxay Odayaasha Soomaaliyeed ee Shabeeladaha hoose gaar kuwaas oo ah Beelaha la sheego in laga tirabadan yahay walow aysan jirin cid Shacabka Soomaaliyeed tirisay, C/kariim oo Madaxweynihiisa khilaafay wuxuu yiri “Ma dhici doonto Daar Xamar ku taala Warqad laga soo saaray in Gobalka Shabeelada Hoose loogu soo magacaabo Maamul, Qofkii aad keensataan ayaan idiin xalaalaynayaa”.

Saacid Shirdoon ayaa Asna Khilaafay Madaxweynihiisa wuxuuna yiri, “Waxaad samaysanaysaan Maamul aan Muqdisho laga soo magacaabin intiina meesha fadhida si caddaalad ah oo aan eex ku jirin usoo samaysta Maamul”.

Odayaasha Cirrada leh ee madaxu caddaaday, waxaa ka keenay in ay yiraahdaan “Nin Isir Nacayb ka buuxa ayaa yimid”, waxaan filaynaa Qof kasta oo Caqli leh waa dareemi karaa in Soomaalidu kala tirsanayso Caddaaladxumo, Umadda Soomaaliyeed waa Dad Muslim ah waxay Caddaalad ku heli karaan oo ku qanci karaa Qofkii Iimaan leh waa Kitaabka Allah iyo Sunada Nabiga CS, waa adag tahay Soomaalidu in ay Sinaansho iyo Caddaalad helaan ayaga oo aanan Kitaabka Allah iyo Sunada Nabiga CS qaadan.

Ilaahay ha xiftiyo Afhayeenada Xarakada Mujaahidiinta Sheekh Cali Maxamuud Raage Cali Dheere iyo Sheekh C/casiis Abuu Muscab, waxay noosheegeen in cadowgu Dastuurada u dajiyey Federalna oga dhigay Soomaaliya in ay tahay Qabiilada Soomaaliyeed in dagaal Sokeeyo oo deegaan ku salaysan laga dhex Abuuro.

XIGASHO-Somalimidnimo.com

22660602

Jornaalka Talyaaniga, Il Giornale baa yiri heshiiska qarsoon ee Dowladu Somalia la gashay Kenya waa Amisom xukunka nagu hay, Kenyana Jubooyinka ha goosato, laakiin taasu suurta gal maaha ilaa dhulka dowladu maleh ee Soomaalida


Madaxw. Xasan: maxaa usoo laabateen? Dowladda Soomaaliya si Kismaayo ku gash waa in Kenya Visa ka codsato tiri

Wuxuu Jornaalku inta ku daray in 20-sano oo ina dhaafay Hogaanks Siyaasadii Soomaalida waxaa lagu arkay (waa sida Joornaalku u quraye) Qawlaysato Tayo yar.

Baaris iyo fiiro dheer oo aan ku sameenay in Jornaalka Talyaaniga sax yahay baan ilaaheey mahadiis halkan idinkugu soo gudbinaynaa:

1. Qabsashada Ciidamada Kenya Caasimada saddexaad ee Soomaaliya Kismaayo waxaa lagu soo beegay usbucii Barlamaanku dooranayayo Madaxweyne cusub Xasan Shiekh, si Soomaalidu ugu mashquusho doorashada. 2. Muddo 22-sano Siyaasiyiin farabadan baa ku fashilmay in ay Soomaaliya nabad u helaan. Xasan Sheikh oo siyaasada ku cusub waxa loo doortay waa bir intey kulushahaa la jaraa, ay sidaasan Kenya ku jarato Kismaayo iyo Jubooyinka.

Markii aad qof wajigeedu kugu cusub yahay la kulantid maskaxdaadu waxay ku mashquuleysaa barashada qofkaas, sida xasuusta magaceeda, iyo haddii qofkaas u egyahay qofaad horay u taqaanay ama astaamadihii lagaaga sheegay uu qofkaas leeyahay. Nin laga rabo in wafuudo Caalamiya oo kala duduwan Soomaali badan uusan waligiis arkin inuu la kulmo, fahmid uu u helo inuu gaaro Go’aano muhiima uu arrimaha Soomaaliya ku gaaro iska daaye, Garguurte wuxuu noqdii sidii nin aan dabaal aqoon oo Bad Weynta Hindiya lagu dhex tuuray.

3.Maalinti Xasan Shiekh la doortay maalinti ku xigtay wafuudo fara badan ee dibada iyo dalka gudihiisa ka kala yimid sida Igad, Kenya, QM iwm., ayaaba horay loogu sii diyaarshay iney Shirar Caalimaya Madaxweynaha Soomaaliya la qaataan oo Hotellkii uu habeenki la doortay seexday meesha Fadhiga Martida u fadhiyaba. Adduunka Paratakool Siyaasadeed buu leeyahay. Booqashada Madaxweyne dal mar mar sanadooyin bay qaadata.

Qiso yar oo aniga igu dhacday baan rabaa inaan idinla qeybsado. Safiirka Dowlada Qatar u fadhiya baan warqad u geeyay, markaasaan codsaday in aan Safiirka la kulmo. Ninka xaafiiska hore ee Safaarada fadhiyay wuxuu igu yiri Teleefankan waa Sakaritariyadiisa ee soo wac. Teleefankan ku horyaala hadda maka wici karaa si aan balanka safiirka ula dhigto. Maya ayuu yiri waa inaad mar kale soo wacdid. O.K. Sakaritaariyadii baan soo wacay oo markaan iri balan Safiirka la dhaan kula kulmo inaan dhigtaan rabaa! waxay iigu jawaabtay intaadan balan dhigan warqad noo soo dir aad ku cadeeyneysid waxaad tahay iyo sababaha aad rabtid inaad kula kulanto safiirka. Hadde, waa safiirkii maalintii kowaad aan warqadahagi u geeyay.

Nasiib daro Madaxweynaha Xasan Shiekh markuu maalintii labaad ee la doortay la kulmayay waziirka arrimaha dibada ee Kenya, waxay u badan xitaa in uusan lahayn Sakaritariyadi oo danahi Soomaaliya ee uu waziirka Kenya ka hadlay waad xasuusan intuu is yiraahdo hadana dib u hilmaamo. Marka maadaama Kenya Garguurte Protocol haysan, ay marka ayado sideey rabtay u qorato wixii labada dowladood ka wada hadleen.

Sababta Waziirka Arrimaha dibada ee Kenya uu Xasan Shiekh maalinti labaad ee la doortay ula shiray waxay ahayd in ay kula taliso RW inuu u magacaab Abdi Shirdoon, sidoo kale, Safaarada Itoobiye waxay uga digtay in haddii uusan magacaabin Siciid oo Kenya laga keenay, Beecmushtarna iyo hantibadana ku leh Kenya, si Kenya Kismaayo Caasimada saddexaad ee Soomaaliya iyo Gobolda Jubooyinka oo ah gobolka ugu Kheyraad badan dhulka Soomaaliya u goosato.

Waana arintan sababta Dowladan saddexdi bilood oo ay xukunka haysay Genosiidka, Burburka, Barakicinta iyo Halaaga Ciidamada cadowga soojireenka Soomaaliya Ka wadaan Kismaayo iyo Jubooyinka, meeshii ka difaaci lahaayeen waxay isku mashuuliyeen magacaabista 10 waziir. RW Siciid isagoo taageero weyn ka helaya Barlamaanka oo Xildhibaanadiisu u badan nimankii 2004 Kenyaatiga, Amxaarada iyo QM Soomaalida u soo xuleen Soomaalida oo cadowga soojireenka Soomaaliya Amxaarada ku soo horseeday in Gumeysi ku qabsato Soomaaliya. o

Kolkii QM ay u ansixnaysay Ugaandeeska Amisom isku sheegaysay, waxaa QM u codeeysay Qaraar Soomaaliya ka mamnuucday in Dalalka Soomaaliya dariska la ah ka mid noqdaan ciidamada Amisom.

Marka in niman Dowlad Soomaaliya isku sheegay in halkii Sharci oo QM Soomaaliya siiday markii ay ansixinaysay tomanan Sharciyoo kale oo Soomaaliya lagu burburinayo iney jabiyaan oo ku andacoodaan in Ciidamada Kenyaatiga Cadowga soo jireenka e Soomaaliya waa ciidamo Amisom waa wax Dulli iyo Gunimo ah.

Tan kale Kenya waxay Gumeeysi madow ku haystaa ummad Soomaaliyeed gobolka NFD, Marka Kenya gobolada jubooyinka nabad u keeneysa waxay la mid tahay Tuug guri ka jabsaday waardiye u qoro.

Kenya iyo Itoobiya waxay waligood ku hamineyeen in ay dhulkooda balaarsadaan oo ay dhulka Soomaaliya qayb ka mid ah qabsadaan, kadib markii ay xalaaleysteen kuwii hore ee isticmaarku ku wareejiyay.

Waxaa kaloo la yaab leh, inkasto dagaaladii sokeeye ee Soomaaliya dhamaadeen 1993, Kenya waxay hada rabtaa in sidii Itoobiya qabiilada Soomaalida iskugu diri jirtay ila lafo Geel iyagaa laysku jabshaaye iney Madoobe oo Soomaali Galbeed ku dhashay madax uga dhigto Jubbooyinka oo Kismaayo fariiso tiraahdo si ay Soomaalida walaalaha colaad iyo dagaal sokeeye uga dhex abuurto,

si markii Soomaalidu isleeyso u tiraahdo Soomaalidu isma xukumi karto ee anaa xukumaya oo amnigeeda sugaya.

In Kenya dhulka Soomaaliya meel saddexaad goosato, Kheeyraadka Soomaaliyana bar la wareegto waxaa garab ku siinaya Mareeykanka iyo Ingiriiska. In Obama walaalihiis Kenya dhulka Soomaaliya uu QM uga xalaaleeysiiyo isagoo ku andacoonaya Al Qaacida iyo saaxiibkood Al Shabaab baa Amisom la diriraysaa waa masiibo Ummada Soomaaliyeed ku habsatay, haddii aan Soomaaliya geesiyal hurdada ka kaca oo dhulkooda in gumeysi la galiyo diida aan ilaahey u bixina uu dhulka Soomaaliya sidaa ku dhumi doono.

Dagaalada 22-sano ka socda Soomaaliya waxaa u sabab ah niman aan Soomaaliya ku dhalan oo wadani ahayn:

Bal iska ilow in nin dal kale Muwadin ka Madaxweyne, RW, ama Xildhibaan loo doorto, dalalka adduunka intooda badan nin Baasaboor Ajnabiya wata Baasaboorkaas uu yiraahdo iigu badala kan wadankiina. Dowlada Mareykanka waxay Shacabka dowlada Spanishka iyo dalal kaloo fara badan u diiday Dual-Citezenship sharciga la yiraahdo.

Soomaaliya waa dalka kalka kaliya ee dunida ee Xildhibaanada iyo Dowladoodu u badan yihiin niman wata Baasabooro Ajnabiya, oo markii loo dhaarinayay ku dhaartay in Muwadin noqdaan iney danaha dalkaa ka hormari doonaan danaha dalalka kale.

Bal qof Baasaboor Ajnabiya wata in uu madax ka noqdo iska daaye, Somaliland Shirka Carte ee Jabuuti oo Cabdiqasim Salaad lagu soo doortay ka qayb gala, wuxuu la kulmayaa dhow sanoo xabisa.

Waxa burburka iyo dagaalada 22-sano Soomaaliya ka socda u dhaamaa la’yihiin, lagana yaabo in Soomaalidu noqoto sida dadka Falastiin iyo Kurdiga, dad aan dal lahayn, xaqna ku lahayn Caalamka, dadka Baasaboorada Ajnabiga oo dowlad kastoo Soomaaliya loo dhiso u badan.

Badda Hal Malaay ayaa Uriya

Boqolkiiba 98, dadka Baasaboorada Ajnabiga wata Soomaaliya nabad waa la rabaan ila dalkoodiye, laakin, Boqolkiiba 2-da hartay waa Jaansuus Ajnabi, oo la soo siiya Lacago iyo faral badan,si uu u siiyo lacagtaas iyo hubkaas cida ama qabiilka uu isleeyahay Heshiiska wuu ka eexday. Ilaa maalmaha hore, heshiis kasta oo Soomaaliya nabad u keeni lahaa inuu lacagahaas iyo hubkaas la siiyay ku maja xaabiyo Heshiiska oo Soomaalidu damacdo iney nabad ku gaarto.

Bal u fiirso, Axmad Madoobe, wuxuu ku dhashay Dhulka maqan Soomaali Galbeed, markii Maxaakiimta la jabshay, Itoobiya ayuu aaday oo soo hubaysay. Bal fiiri, qaska uu ka wado dalka Soomaaliya dagaaladii faraha badnaa ee uu Baydhabo ka kacshay, hadana uu ka wado Kismaayo, dhul iyo wadan uusan u dhalan. Xitaa mar mar Itoobiya ayuu la dirirayaa ama dhahayaa hadalo lid ku ah , ama Itoobiya ayaa tiri xabiska u tixaabnay, Propagaande la rabo si hadhow wadani Soomaaliya uu iskaga dhigo, markuu Soomaaliya ku laabto, oo uu Maxaakiimta ku dhiiiri galiyo iney ku duulan Itoobiya, si Itoobiya u hesho marmarsiyo ay Soomaaliya gumeysi ugu qabsato.

Markii Ciidamada Itoobiya qabsadeen Soomaali Galbeed sanadyadii 1940-ki, waxay Ciidamada Itoobiya bilaabeen iney kumanaan hablo Soomaaliya guursadaan ama caruur ka dhalaan. Caruurtii qaarkood Soomaali bay u ekaadeen, qaarkoodna Caruutii Soomaalida u ekaatay qaarkood tababar ciidan baa la baray. Ninkii Amxaarka ahaa oo Soomaalida u ekaa maadaama hooyadiis Soomaali tahay, Soomaaliya ayaa loo soo diray isaga qabiilki Hooyadiisda Soomaalida sheeganaya.

Kolkii lacagihi iyo Hubki Amxaaradu soo siiday ku difaacay ama hagar la’aan ku sieenay, Qabiilki Soomaalida oo ay been ahaan un u sheeganayeen, waxaa qabiilki ku diirsaday nimankan sirdoon qarsoon noqdeen jeneraalo Xildhibaano, iyo Hogaamiye kooxeed, hadde waa ninkii Jaansuuska Amxaarka ahaa, oo qabiil Soomaaliya iska sheeganayay. Maadaama Itoobiya Iyo Kenya muddo dheer isku diyaarinayeen in ay Soomaaliya qabsadaan, qisadan in ay ku kacaan la yaab maleh.

Adduunka dal marku dal kale ku duulo wuxuu marka hore qabsadaa Ilaha Dalka muhiimka ka ah: Dekada Qaranka, Airpoorka Qaranka, iyo Saldhigyada Amniga Qaranka, sida ay Ciidamada Xabishada ee Soomaaliya ku soo duulay 2006 iyo kuwa Ugaandha oo ay ku warejiyeen markey dalka ka baxayeen.

Adduunka dalka kaliya ee Ilahiisa Qaranka Ciidamada dalalka dariska la ah haysto waa Soomaaliya kaliya.

Adduunka bal iska dhaaf goobaha Ilahiisa dhaqaalaha muhiimka ciidamo shisheeyo oo soo galee, xitaa Qandaraas kuma qaadan karaan Shirkada Shisheeye.

Adduunka bal iska dhaaf Ciidan iyo Hub shisheeye oo soo gale, markaad dhex socotid Airpoorada, Caalamka qasatan Reer Galbeedka, xaada timahaada ayaa dareemaysa, xitaa haddii dokumentigaadu sax wadayihiin, cabsi aad ka qabtid, baaritaamadooda xad dhaafka ah awgeed. Taas waxay ku tusinaysaa cadowtinimada loo qabo hal qof oo ajnabiya oo hal shaati iyo hal surweel wata oo waliba tikit iyo Visa dalkooda uu ka gatay wata, bal iskaba ilow, ciidan hubeysn oo dalkooda soo galee, Soomaaliduna meelihii dhaqaalaha ee ugu muhiimsanaa dalkaooda ayeey ciidamo daris nala ah noo ilaali yiraahdeen.

Hadda waxaa roon in la mamnuuco dadka Baasaboorada Ajnabiga oo raba in Soomaaliya ay madax ka noqdaan, si shacabka iyo dalka looga badbaadiyo Gumeysiga ku soo food leh.

Bal qisadan dhabta ah oo Soomaali da Yurub joogta ka dhex dhacday:

Anagoo subax maqaayad u dhow meesha Tareenada laga raaco oo Soomaaliduna ku kulanto, Kafeena ka caba si ay ku sheekeystaan, baa nin soo galay. Salaan kadib buu ina weydiyay nin magaalada degan telefonkiisa. Durbadiiba ninka niman badan baa aqooday oo yiri Aw! Xildhibaan Hebel noo waran, waan ku arkay marki Xildhibanada Barlamaanka Madaxweynaha dooranayeen ninka saddexaad ee TV-ka la arkayay baad eheed. Dabadeed ayaa xildhibaanki dabcay oo qoslay, ilaa niman isbedelka Soomaaliya ka dhacay wax fool-ka-fool uga shekeeya weysanaa buu helaye.

Xildhibaanki markuu shekadi Soomaaliya bilaabay buu yiri, war anigu waxaan ka soo cararay Al Shabaab baa tiri, Xildhibaanada waan dilaynaa, marka naftayda ayaan la soo baxsaday. Markiiba nin baa yire anaa nin Hebel telefankiisa haya oo hoo la hadal. Xildhibaanki marki uu nin rabay tel./ka ku salaamay, war hebelow caawa meelaan seexdo ma iihaysaa, haddii kale waxay noqonaysaa inaan Hotel raadsado. (Soomaalida Yurub safar ku taga, meel jiiftaan helideeda ayaa adag. Xitaa haddii aad saaxiib ama qaraabo ku leedahay, qaasatan magaaloyinka waweyn si ay kugu seexay way ku adagtahay.)

Xildhibaanki markuu cambaar noo shekeeyay buu naga tagay. Markaasaa anigu iri, war ninku safar buu ahaa. Markasaa nin Xildhibaanka aad u yaqaanay oo nala fadhiyay hadal kaygi jjawaab ka bixiyay oo yiri, waxba maad ogid. Xildhibankanu Xaas baa dalkan ku joogta, Ingiriiskana Xaas kale buu ku leeyahay, oo labo dal ayuu lacagta qaxootiga ka kala qaataa. Markasaa ninki weydiiyay oo Xildhibaanku intuusan Soomaaliya aadin, miyuusan ogeyn in Al Shabaab u dhaara doonto hadduu Xildhibaan noqdo. Ninkiibaa iigu jawaabay, Lacag buu Soomaaliya u doontay, oo Soomaaliya wax qabashadeeda uma tagin, meesha lacag baa lagu cunaa.

Qurba joogta waxaa shirarka Soomaalida loogu soo diraa in ay Gash-iyo-Gow Maleh meesha ka sameeyaan

Meel walba oo shir nabada Soomaaliya lagu raadinayo, dibada iyo dalka gudihiisaba waxa soo buux dhaafiya, niman Boorsooyin waaweyn wata oo suudad cusub ku labisan oo nin walba intaanan dhulki Soomaaliya oo 22-sano dagaal ka socday cagaha soo dhigin, ayuu ku dhawaagaa inuu u sharaxan yahay Madaxweynaha Soomaaliya.

Nimankan waxaa laga soo dhex xulaa qorba joogta Soomaalida, kuwooda qurbaha ku kobcay. Kuligood si sahal ah ay Porofisooro, heyadaha QM, iyo shirkado Reer Galbeed ku xiran ee dunida shaqo laga siiyay.

Intaanu shirku bilaaban ayaa xerada Xalane loo diraa, oo TV-yada afka Soomaaliga ku hadla ee Caalamka iyo TV- ga Al Jazeera, dood arrimaha Soomaaliya isku dhaaf saadaan, si dib loogu soo xasuusiyo dhibaata Soomaaliya, si hadhow marki ay shirka Soomaaliya ka qeyb galaan, aanan u noqon nimaan arrimaha Soomaaliya la socon.

Af wax cunay xisho:

Maadaama nimankanu si baqtiya nasiibku ugu kobcay meesha qaxootiga inta badan nololo adadag ku noolyihiin, ajendaha Reer Galbeed waa fulinayaan. Dowladaha Carabta waa sidaas oo kale. Carabtu ma nebca Soomaalida, laakiin maadaama dhaqaalahodu ku kobcay iibinta Saliida ay Reer Galbeedk ka iibiyaan, waa qasab in ay fuliyaan danaha ay dowladahan ka leeyihiin Soomaaliya.

Sidaas awgeed waxaa roon in Shirarka Soomaalida loo dhaafo dadka Soomaalida ee Soomaaliya ku nool, ilaa iyaga dagaalka ku dhex nool oo raaci lahaa dariiq walba oo nabada Soomaaliya ku jirto.

Waxaa roon in Soomaalidu go’aansato in ay ka mamnuucdo Shirarka Soomaalida Qurba Joogta

Arintan cajiibka ah waxay ixasuusiday sababto mar walba oo la yiraa Soomaaliya ayaa dowlad loo dhisayaa ay wadamada Yurub, Amerika, iyo Carabta uga tagaan niman ku labisan Jaakado qurqurxoon oo Boorsooyin waweyn wata meesha doorasashadu ka dhaceyso u aadaan oo u yiraahdaan waxaan u sharaxanahay Xildhibaano, Waziiro iyo Madaxweyne.

Marka nimankan dibada ka yimid sidee bay dadkii Soomaaliya gudaheeda ku noolaa oo laga yaabo inta yar oo dibada wax looga soo diro maahane ay inta kale in ay hal mar wax cunaan, oo u arka in Soomaaliya haddii nabad hesho uu maalintiiba saddex mar wax cunilahaa , nabadna Soomaalia u keeni lahaa haddii la doorto, wey adag tahay si ay uga guuleystaan nimankan dibada ka yimid oo Baasaboorada Ajnabiga wata.

Markii Qaxootiga Soomaaliya ku noolaayeen dadku wuxuu kala ahaa faqiir, taajir iyo dad u dhexeeya labadaas. Markii Qaxooti ga Soomaalidu Reer Galbeedka ka tageen hal lacag oo Qaxooti baa kuli loo qoray, ama taajir ahow ama faqiir ahow. Marka ninkii Soomaaliya ku tabarta yaraa waxaaba dhici karta hadduu Xildhibaan noqdo, inuu danaha Reer Galbeedka ka fuli Soomaaliya isyiraahdo, maadaama ay noloshiisa la simeen tii Soomaalidii wax lahayd. Guusha qurbaha nasiib bay ku xirantahay iyo qofba dalka ama magaalada uu dagay.

Mida kale, sida caadadu u tahay dalalka Yurub iyo Amerika, haddii dal nabad helo, Qaxootiga dalkaas dib ayeey u celiyaan. Marka, waxaaba dhici karta in Xildhibaanada Soomaalida ee dibada ka yimid in ay diidaan in Soomaaliya nabad hesho, si aan iyaga iyo caruurtada looga jarin lacaga Qaxootiga, looga saarin guryaha ay ku noolyihiin, caruurtoodan looga joojin Iskuulada heerka sare ah ee caruurtoodu bilaash wax ugu bartaan.

Boqolkiiba saddex shacabka Kenyaatiga waa cadaan Ingiriis u dhashay. Taas macneheedu waa Juboooyinka hadii Kenya dalka Soomaaliya ka goosato, maaha wax ay Kenya kaliya heshay ee waa wax dalka Ingiriiskuna helay. Waxaa hubaal ah in hadii uusan Obama uu Kenya garab walaal siin lahay inaan Kswahili Somalia uusan Jubbooyinka ka goysan lahayn. Sawaxiligu waxaa lagu yaqaan iney yihiin dad jil-jilicsan oo gooni isku taagi karin iney wax ku lamaanadaan maahane.

Hada laftigeeda in kastoo la leeyahay Kenyati , Ugaandess, iyo Burundees baa Somalia haysta askartooda joogta Soomaaliya hadaanan Mareykanku, Ingiriisku iyo Yahuudu sidii xoolihi u duduweynin, tababarina, cirka iyo baddana ka daafici lahayn, dhaqaale iyo Caalamkana ka ilaali lahan,y maalin kaliya lagama yaabo lahayn iney Soomaaliya ku waari lahaayeen.

Bal arag, Qabsashada Kismaayo sida dowladahaan gumeeysiga rug cadaaga ah ay Kenya ugu sahleen:

1.Dhowrkii bilood oo ina so dhaafay waxa magaalada Muqdishu ku soo qulqulay niman lacag wata oo ka kala yimid Ingiriiska, Mareykanka, Carabta iyo Yurubka. Hoteelada iyo Baabuurta raaxada baa mar qura Muqdisho oo 22 burburaysay camiray. Bal isweydii abeeyow xagee bay ku maqnaayeen nimankanu 22-sano oo ina dhaaftay.

2.Qabsashada Kismaayo waxaa lagu beegay xiligi la yiri DKMG Soomaalia dhacday oo Barlamaan iyo Madaxweyne cusub baa Soomaalida dooranaysaa la yiri. Madaxw.

3.Ciidamada Kenyaatiga waxay la sugeen qabsashada Kismaayo xili doorashada Madaxweynaha Mareykanka dhaceysay, si Caalamka looga indha saabo xad gudubka Kenyaatigu ku sameynayo Soomaalida, inkastoo ay andacoodeen sababta qabsadasho dib loogu dhigay iney Magaalada xukunkeeda aysan jabhadu ku diririn.

4.Ugaandha waxay ciidamadeeda Amisom Soomaaliya waan kala baxeysaa hadii aaanan QM kalaaban go’aankii ahaa in Ugaandha hurinayso dagaalka ka socda dalka Congo. Macnuhu waxaa weeye, meeshii ay Soomaalidu uga hadli lahaayeen dagaalka Kenya, haka doodaan Ugaandha, midda waxay rabtaa QM tiraahdo Dagaalka Kongo Ruwanda kaliya wada meeshi ila 1989 Caalamku ku eedeyay in Ciidamada Ugandha iyo Ruwanda ay dileen 3 ila 5 milyan oo ummada Congo ah.

5.EU-da baa tiri lacag 150 Milyan doolar baan Soomaaliya ku deeqnay. Hadii EU ay dad cawinayso Gariiga iyo Spaanishka shaqada la’ oo gaajeysan bay sii lahaayeen lacagtaas.

6.Usbuucii Kenya qabsatay Kismaayo dhow Wariyeyaal baa Soomaaliya lagu dilay, haba ugu weynaado qaraxii dhowka Wariye ku dhinteen ee maqaayada Tiyaatarka Qaranka ku dhoweed. Sababta wariyeyaasha loo dilayo waxaa weeye yeeysan wariyeyaashu ka waramin Genocide-ka Kenya ka wado Kismaayo iyo Jubooyinka, Dowlada ra’yiga ay ka qabto qabsashada Kenya ee Kismaayo iyo Jubooyinka ha la waayo wariyayaal weydiiya oo arrimaha Soomaaliya ha u ekaadaan wax caadi iskaga socda.

shacabka Wariyayaashu haddii ay uga waramaan burburka Kenyaatigu ku hayo ummada Soomaalida, Kenya waxay ka baqday in Shacabku kacdoonkii Xabashidoo kale ku qaado. Bal dib u xasuuso waqtigii Amxaaradu koofurta Soomaaliya qabsatay wixii wariye ahaa oo aysan Amxaaradu dilin waxay u carareen Yurub iyo dibadaha kale.

Isku soo wada duub waxyaabahan iwm waxaa loola jeeda yeysan marnaba Soomaalidu helin jaanis ay ku arkaan gumaadka Kenya ku hayso ummada Soomaalida.

Sidee Kenya ku gumeysi ugu xalaalaysan kartaa Caasimada Saddexaad ee Soomaaliya iyo Jubooyinka?

1.Kenya Raashin sumeeysan ayeey dekada Kismaayo ka soo deji doontaa si Soomaalida aysan u dareeman halaaga gumeeysiga, iyadoo ku andacooneeysa Soomaalida baahan baan caawineeynaa. Xabisyada dadka ku xiran sun baa cuntada loogu daraa si maxaabiista aysan u dareeman dhibka lagu hayo.

2. Askarta Kenya waxay dilal qorsheysan ku ugaarsadonaan Wariyeyaasha haray, Aqoonyahanda, Odayaal dhaqmeedka, askartii ka mid ahaan jirtay Xoga hore dalka, Hobalada Suugaanta, Ganacsatada ilaha dhaqaalaha haysta iyadoo ku andacooneysa |Al Shabaab ayaa dishay.

3.In la qabto Doorashooyin beena oo looga dan leeyahay in Kenya ku xalaaleysato Jubooyinka ha la qabtoShirar been beena oo QM, AU, EU, iyo Carabta dhedhexaadiyaan baa Kenya iyo Soomaaliya loo dhig dhigidoona. Ha hilmaamina UN iyo Reer Galbeedku boqolkii sano tagay boqolaal shirar Nabadeed bay Falastiin u qabteem. Maxaa ka soo baxay? Mid kasta Yahuudu dhulkii Falastiin bay ku sii balaarsatay. Dhibaatada maanta Soomaalida haysata ma haysateen haddi uusan Faransiska iyo Talyaaniga 1991 Cali Mahdi Jabuuti shir ugu yeereen.

Hadii shirar dhul difaaci karo boqolki sano oo tagtay Reer Galbeedu iyo QM waxay Falastiin u qabteen shirar kun ku dhow, shir kastana waxa kaliya oo kasoo baxay waa Yahuuda oo dhul hor leh ka sii qabsatay Falastiin. 4. Askar Ras Kambooni ha looga tago Kismaayo iyo Jubooyinka. Taas waa Qiyaamo Qaran maxaa yeelay Kenya Soomaali Sujuu oo Ciidamo kenyaati dabadeena si tartiib ah u laayaan Soomaalida dhulka leh ila dhulka Kenyaati kaliye ku soo haro hadhow marki dagaal dhanca QM tiraa doorasho ha loo qaado dhulka Kenya iyo Soomaalidu isku haystaan si dagaal lagu hoobtu looga hortago.

5. Shil u eg 9/11 ama Bus dalxiis bay Kenya qarxi kartaa, si ay cudur daar ay Jubooyinka usii haysato, gumeysi ugu xalaaleysato u hesho oo ay u tiraahdo, Al Shabaab waa ina dhameysay ee waa inaan shacabka haray difaacno.

Falalkan foosha xun iyo kuwa kaloo ka sii fool xun oo Kenya soo diyaarsan doonto QM-na u sharciyeydoonto si ay Jubooyinka ay u xalaaleysato waa in dadka Soomaalidu uga hortagaan deg deg si dadka iyo dadka Soomaalidu ugu dhicin daminka gumeysiga madow.

Ayaa mas’uulyadeeda qaadaya haddii Kenya Amisom ka mid noqoto, sidaasna Gumeysi ugu xalaaleysato Caasimada Saddexaad ee Soomaaliya Kismaayo, iyo Jubooyinka dhulka Soomaaliya ugu kheyraadka badan?

Waxaa mas’uulyada qaadaya Barlamaaka oo la yiri waxay u badan yihiin kuwii Amxaaro 2006 Soomaaliya ku soo hogaamiyay, Odayaal dhaqmeedkaansixiyay, Madaxw. Xasan Shiekh iyo RW. Siciid.

Galida Qiyaamo Qaran wad deg deg ah ayey keentaa iyo Qaxooti nolol xun. Soomaalidu waa dad maskiin ah oo cadaalada iyo is aaminka jecel. Ninkii Madaxweyne u noqda oo qiyaamana Dulli, nololo Qaxootinimo iyo wad deg deg ah baa noloshooda Ilaaheey ku ciqaabaa.

Inta aanan ka Jawaabin su’aashan, bal aan wax yar fiirino Madaxweynayashii Soomaaliya Xor ah soo maray oo Caalamkuna aqoonsaday, wixii Qiyaano Qaran oo ay dalka iyo ka galeen:

Madaweynayadii Caalamku aqoonsaday kuwii doorasho ku helay Xukunka waxaa ka badnaa kuwii cadaalad daro ku hantiyay quwada Qaranka Soomaaliya, si qalada, kuligoodna waxa dhacay dimasho dulliya iyo nolol Qaxootinimo oo qof walboo Soomaaliya ogyahay xumaanteeda:

Cabdirashiid Cali Shermarke: Xiligii Cabdirashiid la dooranayay waxaa dhacday in qaasatan in Xildhibanadii ka soo jeeday Xisbiga Cabdirashiid santuuqyo ka buuxiyeen magacyo beena, kabacdina dhaheen anagaa doorashadii ku ku guuleysanay. Maadaama xiligaas Soomaalidu aad isku jeclayd dad waa iska aamusay waana iska samray. Xili yar kadib Cabdirashiid nin reerihiisa ka soo jeeda baa toogtay, waana laga yaabaa in dilidiisa ay ka dambeeyeen ama fududeeyeen niman ka xanaaqay qaabka jago ama qarndaraas ay iyagu xaq u lahaayeen Cabdirashiid isagoo isticmaalaya quwada Qaranka niman kale oo aan xag u lahayn u siiyay ama ku wareejiyay. Eexashada Qaranka waa shayga ugu sahlan ee dal burburi kara.

Maxamed Siyaad Bare: Sida Marka Bowden sheegay, kolkii Afweyne Caasimadii labaad ee Soomaaliya, Hargeisa, sidii in lagu jiro, Dagaalkii Labaad ee Dunida W.W. TWO oo kale u burburiyay, baa Soomaalida inteeda badan goosatay in xiligiisi dhamaaday, waa sida ninkaas hadalka u sheegaye. Qaran ugu weyn ee Afweyne Soomaalida ka galay ninkaan oo xaas Soomaaliya qaba, ayaa soo gaabshay. Labo sano kadibna waa Afweyne Qaxooti ka noday kuna dhintay magaalada adduunka ugu nolol adag Lagos Nigeria.

Cali Mahdi: 1991 Cali Mahdi waxaa Jabuuti ku marti qaaday Faransiiska iyo Talyaaniga oo Ingiriiska iyo Mareykankuna delmeer shirka ka ahaayeen.Talyaaniga Soomaaliya wuu ku qamaaray oo wuxuu isyiri haddii Cali Mahdi oo siyaasada Soomaaliya ku cusub Madaxweyne noqdo, sidii xiligii gumeysiga Talyaaniga Soomaaliya ROMA ayaa laga xukumi doonaa, laakiin qamaarkaas Talyaanigu waa ka shaleeyay. Faransiisku wuxuu ka baqayay haddii Caydiid Qabiilka Weyn KUSHIKA la yira sida Afarta, Soomaalida, Oromada, Aderiga iwm isku keeno waxaa u arkeen in Saldhigooda Jabuuti u fadhiya inuu qatar galayo. (Faransiiska waa dowlada kaliya ee dunida qabta Xeer ah in Meelaha Saldhigyadu u fadhiyaan Safaardoodu iyo Ciidamadu ka madax banaan yihiin Faransiiska. oo haddii ay arkaan wax u fa’iida kara ama qatar galikara Faransiiska dhiiri galiyaan ama ka hortagaan.

Soomaali badan baa isweydiinaysa maxaa walaaleheen Jabuuti Dowlad Soomaaliya oo halaag mooye aan nabad keenin nogu soo doortaan. Sababtu waa Faransiiska Jabuuti waa Dowlad u fadhida Jabuuti arrimaha Geeska Afrika in ay Siyaasada Spionage ku duwaan, qaasatan Soomaaliya. Ciidamada Jabuuti soo dirtay waxaa wata Dowlada Faransiiska Jabuuti. Miyaadan arkina Cumar Geele mar walba si qun yar socoda inuu wax kastoo IGAD tiraa iska yeelo.)Cali Mahdi waxaa mar lagu shegaa Soomaaliya, mar Yurub, mar Masar, marna Kanada.

Xiligaas Soomaaliya Wadanka inta badan wuxuu gacanta ugu jiray jabhado aad u hubeysan oo qaarkood 20-sano ku dhawaad dagaal kula jireen kaligi taliyihi Afweyne in ay xukanka ka ridaan. Cali Mahdi wuxuu ahaa nin Hoteel weyn ku lahaa Muqdisho oo qeyb libaax ka soo qaatay dhismaha dalka, xaqna wuu u lahaa in Madaxweyne loo doorto, laakiin inuu xukunka ka dafo jabhadihii muddo 20-sano hantidoodi iyo noloshoodi u horay si Afweyne ay xukunka uga ridaan, waxay ahayd arrin Qiyaamo Qaran maadaama ay Soomaaliya burbur u horseeday.

Cabdulaahi Yuusuf iyo Geedi: Cabdulaahi Yuusufkii oo sanadki 2003 Hooteelada Nairopi hadba sidii Mikal Jaakson iskaga kala tilaabi jiray in uu Koffee Esspresso ka cabo , ayaa waxa dhacday markuu 30-kun Ciidamada Amxaarada qabasadaan Caasimada Soomaalida Muqdisho so galiyay, Malyana dileen , Labo milyan oo Soomaaliyana guryahoodi ka barakicyeen, waxaa la arkay inkaarta Soomaalida awgeed, in Soomaaliya oo uu ku noolaado iska daaye, in Saxaarada Yemen kuraasta cuuryaamada lagu wado isagoo dhex fadhiya oo jirkiisi wajiga kaliya aad ka aqoonaysid.Taa waxaa u dheer ceebta iyo sharaf xumada uu reerihiisi kaga tagay. Cali Geedina ilaa hada Qaxooti nuuca loo yaqaan QAXOOTI NOLAL-QARSOON ku nool

Shiekh Sharif Axmed: Shiekh Sharif wuxuu jabiyay qodabkii QM ay Soomaaliya uga mamnuucday in Ciidamada dowladaha galaan Soomaaliya, arkuu yiri, “waxaan ka codsanay ciidamad Itoobiya iyo Kenya, ee Soomaaliya soo galay in ay ka mid noqdaan Amisom. Kenya way naga aqbashay, laakiin Itoobiya way inaga diiday.”


Usbuuc kadib marki Shiikh Sharif xukanka ka degay oo
guri Qaxooti Museveni Ugaandha ku soo dhaweynayo

Sharif Axmed wuxuu dalka soo galiyay 17-kun askar Amisom oo Ugaandhees iyo Buruundi ah , maadaama ay ahayd sidaas sida kaliya ee uu u arkay in Soomaaliya Madaxweyne ugu noqo karo. Taa waxaa ka sii daran dalalka Ugaandha, Buruundi iyo Kenya shacabkooda Heyadaha Caafimaadk ee Caalamka waxay yiraahdaan dadkoodu ilaa boqolkiiba 60 cudurka AIDAoo ah cudurka Adduunka ugu qatarsan bay qabaan.

Maal mo markuu xukunka ka dagtay, waxaa magaalada Muqdisho lagu dilay aabihi Xaaskiisa. Dhowr maalin ka dibna Webabka Soomaalida waxaa lagu soo sawiray Madaxweynaha Musseveni oo guri ku yaal Ugaandha Shiekh Sharifoo madluunimada Soomaalida Qaxootiga wajigooda ka muuqata markey qurbaha qaxooti ka noqanayaan ay ka muuqato, Mussevenina uu qolki uu seexa lahaa gacanta ugu tilmaamaya. Waxaa ayaan xuma ah kalimati ugu dambeysay Shariifku yiri intaanan xukunku ku wareejin Garguurte,”Ciidamada Kenya ee dalka Soomaaliya qabsaday waxaan ka codsanay in ay Amisom ku biiraan, weyne naga aqbaleen.”

Ayaa ka Mas’uul noqonaya Haddii ay dhacdo in Kenya oo ku andacooneysa iney Amisom ay ka mid tahay Gumeysi Madow ku qabsato Gobolada Jubooyinka?

Marka hore Taariikhdu been ma sheegto. Dowladan Haddii ay sii wado Qiyaamooyinki kuwii iyaga ka horeeyayku halaagmeen iyadana sidoo kale goor aan fogeyn waa halaag baa la kulmi doonan. Waxaa ka mas’uuliyada cuqubadaas qaadi doona, sida Taariikhdu ina tusaysana wad deg-dega ah la kulmi doona, ama nolol Dulli Qaxootinimo waqtiga nolashooda ka haray ku dhamaysa doona Xildhibaanada oo u badan kuwii Cadowga soojireenka Soomaaliya dhulkooda ku soo xuleen iyo Odayaal Dhaqmeedki ansixiyay iyo Madaweyne Xasan Shiekh iyo RW Cabdi Shirdoon Siciid oo dhalasho Kenyaati haysta.

Xasan Shiekh isagaa afkiisa ka qirtay in Dowladii Shiekh Shariif iyo tiisa aan waxba iska badalin, marka maadaama Shiikh Sharif Axmed uu 2008 asna Dowladii Cabdulaahi Yuusuf ee 2004 Cadowga soo jireenka Soomaaliya Amxaaradu iyo Kenya Soomaaliya u soo dhiseen uu sanadkii 2008 uu 150 Xildhibaan ku darsaday, Saddexdaas Madaxweyne iyo Xildhibaanada Barlamaanka

Sida Taariikhdu ina tuseysabo haddii Dowlada Xasan Shiekh badali weydo siyaasadii kuwii hore ku halaagmeen iyaduna maraan fogeyn wey halaag bay la kulmi doontaa.

Dowlada Xasan Shiikh waxaa u roon iney talada Joornaalka Talyaaniga Il Giornale qoray qaadato oo dowladahan Cadowga soo jireenka Soomaaliya Amxaaradu iyo Sawaaxiliga Kenya-Ugaandha ka leexato, maadaama 10-sano oo ay Soomaaliya qasayeen aan halaag iyo burbur maahane aan wax kale laga helin.

Soomaaliya waa Dowlada kaliya ee Caalamka ka dalbata Ciidan Shisheeye iyo hub si ay dadkeeda ku la’yso. Kenya iyo Itoobiya waxay hub u dalbadaan iney Cadowga dalalkooda iyo dadkooga kaga difaacaan.

Dowlada Soomaalidana waxay hub iyo Ciidamada Cadowga soo jireenka Soomaaliya u dalbataa in Ciidamada Cadowga soo jireenka Soomaaliya ku laayaan Soomaalida ila waxa dhimanaya waa Soomaalida.

Haddii ay Dowladu u baahato Ciidamo tababara askarta, Dowladaha Muslinka ee lagu yaqaano Soomaali Jaceyl sida Turkiga, Iran, iyo (Maleeshiya oo ardo Soomaaliya oo aad u farabadan Jaamicadahooda wax ku barta) ayaa diyaar noola ah. Xitaa diyaar waxa la yihiin iney Dhaqaalaha Dowlada iyo Ciidamada bixiyaa. Halka Sharuud oo ay inooga baahanyihiin waa Soomaalida oo Heshiiska.

Ayaa u Maqan Soomalida?

Qarni walba isbaedel badan buu leeyahay, dalal dagaal bay ka sameysmaan, dalal kalana dagaal bay ku tirtirmaan. Maadaama maanta Soomaaliya xili kala guur ku jirto arrimahan hoos ku qoran ayaa sida xaalada Soomaaliya ku dhamaan doonto saamo waaweyn ku yeela doona:

1. Maali iyo Suuriya oo Reer Galbeed laga yaabo inuu dagaalo ka bilaabo, marka iney Mali, Suuriya, Afgaanistaan iyo Soomaaliya, mar qura Reer Galbeedku dagaal afar geesood ah ka huriyaan way adagtagtahay, qaasatan xili dhaqaalahoodu hoos u dhacayo. Tan kale, Mareykan usbuuci hore waxa uu yiri muddo 5 sano kadib saliida dalkeena baa nagu filnaadoonta, oo Bariga Dhexe waan ka maarmi doona. Maanta Obama iyo Clinton, Raanguun, Miyanamaar bay booqanayaan, meeshii waagi hore,meeshii Mareykanku ka dhex dhexaadi lahaa dagaalka ka dhex qarxay Yahuuda iyo Falastiin, Yurubka iyo QM ay galay kaalintoodi.

2. Dowladaha Carabta oo inta badan Xisbiyo Islaamiyiina xukunka la wareegeen. Dowladaha Carabta waxaa Soomaali badan u arkeen in ay ka mid ahaayeen dowladaha huriya dagaalada Soomaaliya. Xisbiyada Islaamiyiinta iney uga roonaadaan maahane, ugama dari doonaan Soomaaliya, maadaama laga yaabo iney xaalada Soomaaliye hal Mowqif ka gaaraan, mesha sidii Qadaafi oo Amisom hubaynayay al Shabaabna hubeeynayay.

3. Ninkii u sharaxnaa Madaw. Mareykanka Mit Rommny oo yiri Cadowgeena kowaad waa Ruushka. Taa waxay keeni kartaa in marka Shanta dal ee QM Codka Veto ku leh Mareykanka, Ingiriiska, Faransiiska, Ruushka, iyo Shiinaha u codeeynayaan iney Amniga Caalamka dagaal ka socdo sida Soomaaliya inuu qatar Caalamka ku yahay oo Ciidamo QM fasaxdo loo udiro -in Ruushka, iyo Shiinaha ay ka fiirsadaan. Ruushka, iyo Shiinaha hadda way diideen iney u Codeeyaan in Suuriya Caalamka qatar ku tahay oo Ciidamo Caalamiya loo diro.

Laga soo bilaabo sanadkii 2004, kolkii 5-t Dowladood Mareykanka, Ingiriiska, Faransiiska, Ruushka, waxay Ciidamada Ciidamada Ugaandheska oo Amisom muddo dheer kaligood lagu magacaabi jiray ay si otamatik waqtiga ugu cusbooni jireen, laakiin bishii hore Ruushka, iyo Shiinaha Amisom hal usbuuc kaliya bay ogalaadeen in waqtiga loogu kordhiyo. Markii Safiirka QM Ingiriiska u fadhiyo ku calaacaly in haddii Amisom 4 bilood loo kordhi waayo, xaalada Afrikada Bari iyo Bariga Dhexe qatar gali karto, baa Ruushka, iyo Shiinaha Amisom 4 bilood u Codeeyeen.

Ruushka, iyo Shiinaha waxa ay Mareykanka, Ingiriiska, Faransiiska ay ku eedeyeen in kolki dagaalki Libya ay ogaladeen in Qadaafi laga mamnuuco diyaaradahiisa hawada, laakiin kadib ay Mareykanka, Ingiriiska, Faransiiska u isticmaaleen Mamnuuca diyaaradaha oo Qadafi markey xukunka ka rideen saliidi dalka qeybsaday. Sida Siriya waxa dhici karta in Ruushka, iyo Shiinaha is yiraahdaan dagaalka ay dalalkanu ka wadaan Soomaaliya waa iney boobaan saliida ku jirta Soomaaliya ayagoo ku andacoonaya Argagixiso baan la diriraynaa.

4. Kacoon Shacab oo dalka inuu ka dhaco laga yaabo: 22-sano oo har iyo habeen walaba dhiiga dadka Soomaalida ayaa gobol walba, magaalo walba, degaan walba lagu daadinayaa, Soomaaliya oo 10 milyan ah, ay QM tiri, Xerida Qaxootiga ee Adduunka ugu weyn waa tan Dadaab ee Soomaalida ku xareeysantahay sidii xoolihi, Xerida Labaad ee Qaxootiga Adduunka ugu weyna waa tan Soomaalidu ku xareysantahay ee Itoobiya ku taal, iyadoo Dowladaha Soomaaliya Cadowga soo jireenka ee Soomaaliya uu marba mid u soo dhiso ay habeen kasta Hotelada ku yaal Geeska Afrika iyo Caalamka hadba Hotel ka cashaynayaan, hadba Shirna ka qeyb galayaan. Taas waxay keeni kartaa dadka Soomaalida Kacdoon sidii kacdoonkii lagu eryay Diktatoradii Carabta sameeyaan si ay naftooda u badbaadiyaan.

5. Soomaaliya waa dal 30-sano Xor ahayd. 100 sano ka hor magaalda Nayrobi waxay ah ahayd dhul cidla ah oo xoolaha dugaaga biyaha ka cabaan. Ingiriiski gumeysiga ayaa xoolaha daawo jiray baa dhul dhistay si dalxiis dadkiisu xoolaha ugu daawadaan. Xitaa luqada Sawaaxiliga waa hadalo dadki madowga oo Carabta iyo Yurbka dalxiiska u adeegi jiray ay isku dar dareen. Marka macquul maahan dad sidaan u daciifa oo aan taariikh bani’aadinimo lahany Soomaalida oo dhaqan iyo luqo soo jireen leh, badda Afrika ugu dheerna leh ay dhul goostaan.

6. Dowladaha Yurub waxaa ku soo badanaya ku guuleysashada xukunka Xisbiyada Bidixda oo udubka siyaasadooda dibada ay ku tiirsantahay in nabada Caalamka aan lagu xad gudbin oo dagaalada xoolo boobka ku saleysan la joojiyo.

6. Itoobiya iyo Sawaaxiliga Kenya iyo Ugaandhesku waxay ku faanaan inta Soomaaliya oo ciidamadooda xog ku galay dalka Soomaaliya dileen. Dowladda Turkiga waxay ku faantaa inta dariiqyo, iskuulo, iyo hospitaalo Soomaaliya oo ay dayactireen. Dowladda Islaamka Iraan waxay ku faantaa inta qof oo Soomaali jirana oo cisbitaalkooda ku yaal Dubai ay bilaash ku daaweeyeen. Marka waxa Soomaalidu hadda kala doortaan Afrikaanka hub iyo Ciidamo burburiya dalkooda soo dirayaa maa u roon, mise Dowladaha Islaamka oo dayactiraya burburka cadowgu dalka soo gaarsiiya, daaweeynayaa Soomaalida cadowgu wax gaarsiiyaa.

Maanta barqadii hore waxaa Faransiiku uu kala baxay Afgaanistan 400 ee askari ee ugu dambeysay oo dalkaas ka joogay. Madaxweynaha Fransiiska ee Xisbiga Bidixda xilgii doorashada wuxuu xisbigiisa ugu balan qaaday haddii ay dadaalaan oo ay doorashada ku guuleystaan in uu hadiyad ugu dhigi doono in uu Ciidamada ka jooga Afgaanistaan ka soo dalkaas.

Doorashadi ka dhacday dalka Holland, wax yar baa Xisbiga Bidixda la wareegida xukunka looga guuleystay, laakiin Barlamaanka waa ku soo bateen.

Dalka Jarmalka nimanka doorashooyinka saadaleeya waxay isku wada raaceen in 10 bil kadib ee ay dhacayso doorashada dalka Jarmalka uu Xisbiga Bidixda ku guuleysadoono Xisbiga Bidixda.

Dalka Talyaaniga doorashada sanadka soo socda dhici doonta waxaa lagu wadaa in Xisbiyada Bidixda ku guuleystaan, maadaama Madaweynihi hore Berleskooni Xabis lagu xukumay marki lagu cadeeyay in gabar aan qaan gaarin oo dalka Marookaa intuu lacag siiyay la seexday, walow asagu yiri ma’aan ogeyn in gabadhu da’yar ahayd.

Sababta Isbedelka siyaadaha Yurub ka socda ay Soomaaliya saameyn ku yeela doonaan waxaa weeye iyadoo lacaga ku baxa askarta Amison inta badan ay iyagu bixiyaan.

Waxaan ku soo xirayaa Qoraalkan Hadal laga yaabo in Soomaalida, qaasatan Dowlada Xasan Shiekh hanuunin ama waano u noqo kara: usbuucii hore ayaa TV-ga Jarmalka wuxuu soo saaray su’aalo ay weydiinayeen ninkii Ciraaqiga ahaa ee Sawaradii Ciraaq siiyay CIA Mareykanka, sawiradaas oo General Powel UN-ka tusinayay QM si uu ugu cadeeyo Dunida in Sadaam Xuseen dunida qatar ku yahay oo QM ay Mareykanka u fasaxdo inuu ku duulo Ciraaq, maadaama Sadaam al Qaacida xiriir la leeyahay.

Markii ninkaas la weydiiyay oo hadda dalka Jarmalka qaxooti ka ah, Xagee baad ka keentay sawiradaas?

Ninki wuxuu ku jawaabay, “maadaama aan askari ahaan jiray, waxaan soo aruursaday hubab kala duduwan, Xero Ciidamo ka guureen ayaan tagay, dabadeed sawiro kala dudwan ayaan ka qaaday anoo u ekeysiiyay sidii Hub Kimiko ah. Sababtoo ah waxaan rabay in Mareykanku Ciraaq ku duulo si Saadaam xukunka looga rido.”

Walaaleheen Dowlada waxaa ilaah uga baryayaa in ay iska badalaan siyaasadan foosha xun oo aan in aan muddo 22-sano Soomali lagu laayo, dhulkeedan har cad lagu boobo gueysina madow lagu galiyane maahane miro kale aan dhalin.

ALLOW SOOMAALIDA JIDKA NABADA TUSI! AAMIIN!

Ali E H Naleeye, Qaranka editor
Jornaalka Talyaaniga Il Giornale baa yiri heshiiska qarsoon ee Dowladu lagashay Kenya waa Amisom xukunka ha nagu sii hayso, Kenyana Jubooyinka ha goosato laakiin taasu suurta gal maaha ilaa dhulka dowladu maleh ee Soomaalida

DHAGEYSO.SHEEKH CALI DHEERE :-“Soomaaliya Waxaa Lageliyay Gumeysi Mid lamid ah 1884”

23903651Sheekh Cali Maxamuud Sheekh Cali Dheere ayaa shir  ku  sheegay in dowladaha Itoobiya iyo Kenya ay kala qeybsadeen dalka Soomaaliya.Sheekhu wuxuu farta ku goday in labada dowladood ay ku heshiiyeen in ay kala gumeystaan gobolada dhaca Koonfurta iyo bartmaha dalka Soomaaliya.
1-Dowladda Itoobiya ayaa lasiiyay in ay qaadato gobolada Bay,Bakool,Hiiraan,Galguduud iyo qeybo katirsan Gedo.

2-dowladda Kenya ayaa lasiiyay in ay gumeysato gobolada Jubbooyinka iyo qeyb kamid ah gobolka Gedo,Kenya waxay diyaarsatay shirkado shisheeye oo shidaal baarista qaabilsan  iyadoona ceelal shidaal ka raadsanaysa dhulka Soomaaliya.

3-Uganda,iyo Burundi ayaa iyana lasiiyay Muqdisho iyo shabeelooyinka.

“Runtii cadawgu waa caddeeyay gumeysiga uu dalka ku hayo qof walba wuxuu akhrin karaa qodobadii kasoo baxay shirkii Addis Ababa ee labada dowladood ku kala qeybsadeen dalka Somaaliya”.

Wuxuu sheegay in Somaaliya ay gashay gumeysi lamid ah shirqoolkii Baarliin 1884,ee gumeystayaashu ku kala qeybsadeen dalka Soomaaliya ee hodonka ah.

23612604

Halkan ka dhagayso Shirka Jaraa’id ee Sheekh Cali Dheere MP3

23472692

 

Is Faham Heshiiseed Dhex Maray Kooxda Joint IGAD Committee, Cinwaana Looga Dhigay Xal U Helidda Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Memorandum of Understanding between the IGAD Joint committee for the Grand Stabilization of South Central Somalia

https://newsfromsomalia.wordpress.com/2012/12/24/is-faham-heshiiseed-dhex-maray-kooxda-joint-igad-committee-cinwaana-looga-dhigay-xal-u-helidda-koofurta-iyo-bartamaha-soomaaliya/

 

NUUR CADE: “Xukuumadda Somalia waa nagu taageertay Kiraynta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Talyaaniga”

23903027

Safiirka Soomaaliya u fadhiya waddanka Talyaaniga Nuur Xasan Xuseen Nuur Cade ayaa sheegay in dhismaha Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay waddanka Talyaaniga laga kireeyay Shirkad laga leeyahay waddanka Talyaaniga  islamarkaana Xukuumadda Soomaaliya arrintaasi ay soo dhaweysay kadib markii Wasiiradda Arrimaha Dibadda ay gaartay waddankaasi Talyaaniga islamarkaana kulan ay la qaadatay Safiirka Soomaaliya iyo qaar ka tirsan Madaxda dowladda Talyaaniga iyo Jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan waddanka Talyaaniga sida uu hadalka udhigay.

Safiirka ayaa waxa uu sheegay in dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga ay ku heshiiyeen in la adkeeyo xiriirka ka dhexeeya labada dowladood raalina ay ka noqdeen howshaas horey lacago loogu qaatay,waxaan arinkaas saxiixay Shariif iyo Nuur Cade oo  isku beel ah,waxaa arinkaas la yaabay dadka ku nool Italia gaar ahaan magaalada Roma oo xaalad la socday waligooodba.

Tan iyo markii ay soo baxday in  Safiirka Soomaaliya ufadhiya waddanka Talyaaniga uu kireeyay dhismaha Safarradda Soomaaliya ay ku leedahay waddankaasi Talyaaniga ayaa waxaa soo baxayay qaylo dhaan ku aadan Kiraynta Safaaraddaasi taasoo ay ka soo yeereysay Jaaliyadda Soomaalidaa ee ku dhaqanka dalka Talyaaniga.

Xasan Sheekh iyo Saacid Shirdoon ayaa Foowzia kula taliyay inay arinka safaarada faraha kala baxdo oo aysan   ka hadal,sidaas daradeed waxaa soo baxaya inay raali ka yihiin waxa ka socda Roma iyo guriga Somalido ku leedyahay via Villini Roma.

Banaadir Post.

 

291798_469634426412417_2042933412_n

Dhismaha Safaaradda Talyaaniga Ee Soomaaliya Ma Nuur Cadde Ayaa Iskaleh Mise Qaranka? W/Q Muna Abshir Abdi

https://newsfromsomalia.wordpress.com/2012/12/03/dhismaha-safaaradda-talyaaniga-ee-soomaaliya-ma-nuur-cadde-ayaa-iskaleh-mise-qaranka-wq-muna-abshir-abdi/

AQRISO BAYAANKA:-Ururka Aala Sheekh ee Talada Laga Tuuray oo Bayaan Soo Saaray.

23677949XARAKADA TAJAMUCA ISLAAMIGA SOOMAALIYEED

SHIRKA AFARAAD EE TAJAMUCA

BAAQA SHIRWEYNAHA:

MUQDISHO .

kulan muhiim ah oo ay yeelatay Xarakada Tajamuc Al Islaami oo ay ka soo qayb –galeen Aqoonyahano, Culimo, Siyaasiyiin, Dhalinyaro iyo Haween,. Falan-qayn dheer ka dib shirka waxaa ka soo baxay Baaqa soo socda:

1. Xarakadu waxa ay ugu baaqaysaa dhammaan Shacabka Soomaaliyeed in ay Allaah u towbad keenaan, Xariga Allaah la wada qabsado, wax alaale wixii xuquuq iyo hanti ah la isku celiyo, lagana fogaado isdilka iyo nacaybka.

2. Xarakadu waxa ay aaminsan tahay in Shareecada Islaamku tahay Dastuurka Dalka ee lama-taabtaanka ah.

3. Ururada Ismaaliga ah ee dalka Soomaaliya waxa ay Xarakadu ugu baaqaysaa in ay horseed u noqdaan dhaqanka Wadahadalka, dacwada islaamkana shacabka loo gaarsiiyo si xikmad ku jirto.

4. In la dhawro xurmada ruuxa Muslimka ah, lana ilaaliyo: Diintiisa, Naftiisa, Maalkiisa, Sharafkiisa iyo wixii kale ee Diinta Islaamku ay fartay in la dhawro, lana ilaaliyo.

5. Waxa aan ugu baaqaynaa dhammaan qaybaha bulshada Soomaaliyeed in ay adkeeyaan midnimadooda kana fogaadaan wax kasta oo keeni kara kala fogaasho iyo kala qaybinta dadka Soomaaliyeed ee walaalaha ah.

6. Xarakadu waxa ay cadaynaysaa in Madaxbaanida, iyo Midnimada Shacabka Soomaaliyeed, Dal iyo dad ahaanba in ay tahay lama taabtaan.

7. Culimada Soomaaliyeed waxa aan ugu baaqaynaa in ay qaataan Masuuliyadda ka saaran Tarbiyada iyo towjiihinta dadka Soomaaliyeed.

8. Waxa aan rumaysannahay in Culimada Soomaaliyeed ay Marjac aasaasiya u yihiin dhammaan arimaha muhiimka ah ee taabanaya Masaalixda Shacabka Soomaaliyeed.

9. Dawladda Soomaaliyeed waxa aan ugu baaqaynaa in ay qaadato masuuliyadda ka saaaran u adeegidda Shacabka Soomaaliyeed, gudaha Dalka iyo dibaddiisa, ayna difaacdo xuquuqda dadka Soomaaliyeed iyo qiyamkooda Islaamiga ah.

10. Xarakadu waxa ay ugu baaqaysaa Beesha Caalamka gaar ahaan dawladaha dariska la ah Soomaaliya in dhawraan Madaxbanaanida iyo Midnimada shacabka Soomaaliya.

11. Waxaan kale oo aan ugu baaqaynaa dadka Soomaaliyeed ee xoolaha haysta ee ku nool gudaha dalka iyo dibadiisa inay gargaar iyo taakulayn la garab-istaagaan walaalahoodadhibaataysan.

Waxaa la sheegaa in Aala Sheekh uu ka mid ahaa Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, isla markaana horay uga mid ahaayeen Xukuumadihii dalka soo maray, hase ahaatee haatan ay badankood ku jiraan Baarlamaanka Soomaaliya,walow qaar ka mid ah qaxooti cusub  ku yihiin meelo dibada.

Xarakada islaamiga ee Tajumuca ee loo yaqaano Aala Sheekh ayaa waxaa ku mideysan ardaydii uu soo waxbaray Sheekh Maxamed Macalin Xasan, oo ka soo baxay Jaamacada Azhar sanadkii 1968, isla markaana aas aaskeeda la sheegaa inuu lahaa Sheekhan oo magac ahaan ay ku abtirsadaan Aala Sheekh.

XIGASHO HARAR24.

Banaadir Post18567760