Dadka Aqoonta Diinta Islaamka iyo tan Maadiga ah leh iyo weliba inta wax garadka ah kana Nabad qaba Cudurka Gumeysi taageeridda ah waxa Muddo ku celcelinayeen in Dowladda Soomaaliya iminka ka jirtaa tahay Maqaarsaar Madaxdeeduna ka dhigan yihiin adeegayaal Shisheeye.
Taasi ma ahan dhaleeceyn ee waa xaqiiq biyo kama dhibcaan ah, waxaana la hayaa cadeymo badan oo na tusaya in kuwa Madaxda sheeganayaa yihiin shaqaale amar ma diidayaal ah oo si daacadnimo ku jirta ugu howl fuliya Dowladaha iyo Ururada Gaalada.
Dowladahaas iyo Ururadaas waxa ay isugu jiraan kuwa Soomaaliya deriska la ah sida Kenya iyo Itoobiya, iyo kuwo qaarado fog Xarumhoodu yihiin, Sida Maraykanka, Faransiiska, Ingiriiska, Talyaaniga, Norway, Ururka Midowga Yurub, Qaramada Midoobay iyo kuwa kale oo badan.
Ma ahan in Dowladda Iminka Xilka heysa ee Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha ka yahay Ra’iisalwasaarana uu ka yahay Cabdi Faarax Shirdoon keliya ay ku sifowday Madiidin Gumeyste ee waxaa sideedoo kale ahayd tii ka horeysay ee Madaxweynayaal ay ka soo noqdeen Cabdulaahi Yuusuf Axmed iyo Shariif Sheekh Axmed.
Hadalo laga duubay Madaxda hore ee Xilalka waayay inti ay jagooyinka hayeen iyo kuwa iminka jooga qaarkood, Warar Wakaalado lagu qoray iyo Ficilo in badan oo naga mid ahi Marqaati ka yihiin ayaa Shaafin noogu filan oo nagu qancinaya in aanay jirin wax la yiraahdo Dowlad Soomaaliya leedahay laakiin Meesha uu taagan yahay Maamul Shisheeyuhu Keensaday oo danihiisa uga shaqeeya.
Mid ka mid ah wararka Taariikhda ku qormay ee Jiilka haatan iyo kuwa naga dambeeyaaba daalacan doonaan ayaa ah Sir uu Daboolka ka rogay Xuseen Maxamed Faarax Caydiid oo Jago sare ka hayay Dowladii lagu dhisay dalka Kenya 2004-tii ee Madaxweynaha looga dhigay Cabdulaahi Yuusuf.

Xuseen waxa uu ahaa ku Xigeen ra’iisalwasaare. Wasiirka Arimaha Gudaha. Iyo Xildhibaan
Waxa uu horay uga Mid ahaa qabqablayaashii Dagaalka Jagadaas oo uu ka dhaxlay Aabihiis Maxamed Faarax Caydiid, waxaanuu ku jiray Xubnihii Kaalinta hore uga jiray u ole oleynta sidii askarta Itoobiya oo duulaan Soomaaliya ku soo gashay2006-dii qorshayaasheedu ugu hir geli lahaayeen.
Bilowgii 2007-dii asigoo Aqalka Madaxtooyada Magaalada Muqdisho kula shirayay Odayaal ay Isku qabiil yihiin ayuu dharaar cad sheegay in ay Itoobiya Madaxdeeda iyagu (waa Dowladda uuu ka tirsan yahay) ku heshiiyeen in la baa’iyo Xaduuda labada Dal u dhaxeysa welow Markii horeba ay ahayd Xaduud Beenaad Maxaa yeelay Itoobiya ayaa Soomaaliya Dhul Balaaran ka haysata.
Waxa kale oo Xogta qarsooneyd ee Xuseen Fashilay ku jirtay in uu yiri “waxaanu sameyneyaa annaga iyo Itoobiya Hal Booliis iyo hal Baasa boor.
Xaqiiqdaas la qarinayay oo wariyaasha u suura gashay in ay duubaan waxa ay dhabar Jab Siyaasadeed ku noqotay Dowladda Itoobiya oo rabtay in aanay Ciidamadeeda oo Soomaaliya Gobalo badan oo ka mid ah qabsaday dib u laaban iyo Maamulkii ka hoos shaqeynayay ee Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf iyo Ra’iisalwasaare Cali geedi Hormuudka u ahaayeen.
2011 bilowgeedii Maxamed Cabdulaahi farmaajo oo ku Magacaawnaa Ra’iisalwasaaraha Dowladii ku Meelgaarka ahayd ee Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha ka ahaa ayaa asigoo jooga Dalka Maraykanka waxa uu ku hadlay erayo xaqiinaya in uu yahay Sarkaal Maraykanku u soo dirsaday Soomaaliya.
Farmaajo oo Dowladda Maraykanka Horay ugu shaqey jiray Dalkeedana indheer ku noolaa ayaa wareysi uu bixiyay ku sheegay in dagaalka uu Muqdisho ka wadaa yahay mid uu ku difaacayo Magaalada New York ee Dalka Maraykanka.
Muqdisho Markaas waxaa ak socday dagaal u dhaxeeyay Mujaahidinta Soomaaliya oo saf ah iyo safka kale oo ay ka soo jeedeen Ciidamada Uganda iyo Burundi iyo Dowladda Farmaajo Ra’iisalwasaaraha ka ahaa lana shaqeneysay Dowlado iyo Ururo Maraykanku hogaan u yahay.
Intaa keliya ma ahane Carabka Madaxda Dowladii Kenya lagu soo yagleeyay ilaa tan iminka joogta waxa uu ku dhawaaqaa taageerida iyo u beer jileecidda Cadawga Muslimiinta gaar ahaana midka u soo Caga qaaday in Soomaaliya uu yeesho.
Laga soo bilaabo 2006-di ilaa iminka oo aanuu mareyno 2013- ee taariikhda Milaadiga Dowaldii Marna Sisheeyhu yiri “waa Ku Meelgaar”, Marna yiri waa Federaal, waxa ay naf iyo maalba ku bixineysaa Carabkana ku difaaceysaa cadawga Hororka ah ee hamba ma reebaha ah.
Tan iyo aas aaskii Maamulkaan Taariikhda Madow ee Soomaaliya ka jira hadba waxaa lagu soo dereyay shaqsi ama shaqsiyaad kuwii hore ka Dhagar iyo iyo Sun badan.
Waxaa shaqada laga ceyrinayay shaqsigii ama kooxdii loo arko in lagu dan gaaray ama ay shaqada sidii la rabay u qaba waayeen.
Waxaa Tusaalooyin noogu filan Cabdulaahi Yuusuf Axmed, Cali Maxamed Geedi, Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, iyo Rag badan oo wasiiro iyo xildhibaano ahaa oo si aan gamsho iyo ka leex leexad lahayn shaqada loog ceyriyay.
Kooxda iminka Magacaaban ee Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cabdi Faarax Shirdoon hogaaminayaan dadka Siyaasadda u Dhuun daloola Caqliga iyo Cilmigana u saaxiibka ah waxa ay aaminsan yihiin in ay yihiin kuwii waqti dheer loo gogol xaarayay in Meesha la keeno.
Waxaa lagu sheegay in aanay ahayn Dowlad Ku Meelgaar ah oo ay yihiin Dowlad rasmi ah.
Sida ku qoran waxa loogu yeero sharuucda Caalamiga qaarkeed waxaa jira hehsiisyo aanay saxiixi Karin Dowlad Ku Meegaar ah.
si loo helo Maamul watta magaca Dowlad daa’im ah oo laga saxiixdo wixii la doono ayaa Dowladaan dhismaheeda loo soo dedejiyay sida ay sheegayaan dadka aqoonta leh iyo inta odorosta Hagardaamooyinka cadawgu soomaaliya la maagan yahay.
Waa Dowladii u horeysay ee Wasiirka arimaha Dibadda iyo ra’iisalwaasaare ku Xigeen laga dhigay qof Dumar ah iyadoo Shareecada Islaamka Dumarka ay u ogoshahay in ay guryahooda joogaan.
Waxaa jira Xubno ay Madaxweynayaashii hore oo weli Xukuumadda Cusub aanay Xilalkii ka qaadin kuwaasoo iyaga qudhooda la aaminsan yahay in Magacaabistoodii hore Dowlado Shisheeye ku lug lahaayeen.
Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Siidii) waa Gudoomiyaha Gobalka Shabeelaha hoose ee Dowladda Federaalka ah Madaxweyne Xasan Sheekh ka hor ayaanuu jagadaan hayay.
Wareysi aan la yeeshay 6 Bishaan labaad ee 2013-ee taarikhda Milaadiga ayaa Muujinaya in Dowladda uu ka tirsan yahay tahay Wakiilka Shisheeyaha haddii uu yahay kii Soomaliya horay u u gumeysa jiray iyo haddii uu yahay kan wayadaan dambe loolanka geestiisa kaga soo biiray.
Waxa uu sheegayaa Cabdulqaadir in Gumeystayaashii Talyaaniga kuwoodi Beeraha ku lahaa Gobalka Shabeelaha hoose ee Soomaaliya ay habeen kasta ka soo wacaan Magaalooyinka Napuli, Tareno iyo Roma ee Dalka Talyaaniga iyagoo ii sheegayabuu yiri in ay soo socdaan.
waxa uu yiri “Talyaanigu waalidbuu noo yahay ma iloobi karno Talyaani”
Talyaaniga Cabdulqaadir leeyahay “wey ila soo hadlaan”n waxa ay u badan yihiin Faracii ama duriyaddii kuwii Gobalkaan dadka ku nool adoonsa jiray, dhulka ku yaalna Beera ka dhigtay dadkii dhulka lahaana, ka dhigtay shaqaale aan daryeel haysan kii madaxa giijana dili jiray.
Waxa uu u muuqday Nin arintaas aad ugu faraxsan asigoo ku baaqay in ay dhaqso Gobalka ku yimaadaan.
Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab oo ah wadaniyiin Diinta Islaamka ku ad adag ayaa ka talisa Gobalada soomaaliya ka kooban tahay qaarkood.
Waxa ay dagaal kula jirtaa Ciidamada Itoobiya, Kuwa Kenya, Kuwa Uganda, Kuwa Burundi, kuwa Jabuuti, oo dhmaantoodba Duulaan Dalka Ku yimid iyo Dowladda Federaalka ah oo intaas caawinayasa.
Gobalka shabeeha hoose Xiligaan waxa uu ka mid yahay Gobalada dagaalada ugu daran ee Shisheeyaha iyo taageerayaashiisa looga soo horjeedaa ka dhacaan.
Taangiyo iyo guwaarida Beebeayaasha ah iyo gaadiid kale ayaa looga gubay bilihii la soo dhaafay askarta Uganda iyo Burundi Gobalka askarna waa looga laayay kuwana waa uga dhaawacmeen.
Dowladda Federaalka qudheeda askar iyo saraakiil badan ayay ku weysay dagaaladaas gaadiidna waa looga gubay.
Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo aan weydiiyay sida ay gumeystayaashii Talyaaniga ee uu u gacmo haatinayo goobtaan baaruudo ka holceyso isugu soo aamini karaan ayaa ku jawaabay in xarakada Shabaabul Mujaahidiin Dowlado badan isu soo bahaysteen in ay cagta mariyaan oo Culeys badanu ku wajahan yahay.
Inkasta oo uu sidaas sheegay hadana waxa uu xusay in shabaabku yihiin Niman indho adag oo Duhurki is hor taagaya taangiyada qaarkoodna gubay asigoo xusay in asiga qudhiisu ku dhaawacmay dagaaladii labada dhinac dhexmaray.
Cabdulqaadir Maxamed Nuur waxa uu sheegayaa in Talyaanigii Gobalkaan joogi jiray yihiin Muwaadiin Soomaali ah sida uu hadalka u dhigay ayna xaq u leeyihiin in ay Berahoodi tacbadaan.
Intaas markii ay dhegayga ku dhibicday ayaan dareemay in uu Cabdulaaqdir yahay Nin Gumeysiga aad ugu heelan ugana sii jajaban oo uga sii dabacsan intii aan markii hore u Maleynayay.
kolkaas ayaan weydiiyay su’aalo la xariira haddii Talyaani shaqsi ahi Xaq u leeyahay in uu Gobalkaan Shabeelaha hoose ee Dalkeena Soomaaliya Madax ka noqdo.
Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa si aan ka leex leexad u sheegay in Ninka talyaaniga ahi hadduu dhalasho Soomaali ah qaato Wadanka xaq iyo Xaquuq ku yeelanayo sida uu warka u yiri.
Waxa uu Tusaale u soo qaatay in Madaxweynaha Xiligaan ee Dalka Maraykanka Barack Obama uu yahay Nin asal ahaan Kenyaati ah oo Abiihiis Kenya ka tagey hadana uu Dalka Maryakanka hogaamiyo.
Ugu dambeyntii waxauu si cad u hoosta uga xariiqay in Nin Talyaani ah Gobalkaan Shabeelaha hoose Gudoomiye ka noqo karo.
warkaaani Ma ahan Mid uu Cabdulqaadir si qarsoodi ah Cid gaar ah ugu sheegay ama Warqad uu ku daabacan yahay si sir ah lagu helay ee waa mid uu ugu Tala galay in uu Saxaafadda ku shaaciyo.
Hadalkiisa ayaa kaabaya wararkii indheer garadka ee ahaa in Dowladda Federaalka ahi tahay Mid loogu tala galay in Dalka si toos ah loogu qabsado oo ay u saxiixdo Gumeystayaasha.
Maxamed Maxamuud Xaashi oo ka mid ah Aqoon yahanada Soomaaliyeed ahna Gudoomiyaha Golaha dhaqanka Islaamiga ahe e Gobalka Hiiraan ayaa noqday Ninkii ugu horeeyay ee ka jawaabay Warka Sarkaalkaan ka tirsan Dowladda Federaalka ah ee sida qaxan u xaqiijiyay in Gumeystayashii hore dhabbaha ugu soo jiraan sidii ay salka mar kale Soomaaliya si rasmi ah u dhigi lahaayeen.
Wuxuu xusay in Talyaanigu dhibkii uu Dalkeena Soomaaliya gaar ahaana Koofurta uu ka geystay aanuu ahayn mid la soo koobi karo laakiin waxyabaha in la xusa mudan ay ku jirto in kuwa Cabdulqaadir ku tilmaamayo ina y waalid u yihiin ay ahaayeen kuwii dadka Soomaalida ah saf saf u seexi jiray Meelaha biyuhu buuxaan iyo Meelaha dhiiqada leh kadibna ku dul soca jiray sidii Buundo oo kale si uga ay biyaha ama dhoobada uga gudbaan iyadoo kabahoodu Nadiif yihiin.
Aqoon yahan Maxamed Maxamuud xaashi ayaa sheegaya in warka Cabdulqaadir ka soo yeeray ee sida ku tala galka ah uu u soo bandhigay uu yahay Mid ay la qaban Madaxda Sare Sida Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisalwasaare Cabdi faarax Shirdoon (Saacid) asigoo tilmaamay in aanuu arinka in uu shaaciyo ku dhiira lahayn hadduu yahay qorshe asiga u gooni ah.
Wuxuu sheegay warka Ilmuhu ku hadlaan in uu yahay kan ay Waayeelka ka maqleen Warka Gudhoomiye Cabdulqaadir Maxamed Nuur daah rogayna uu sidaas oo kale yahay oo uu yahay mid hogaanka Sare xagiisa ka jira.
“warkaas Codka dheer kuma hadleen haddii aanay Dowladdoo dhan isla qabin” ayuu hadalkiisa ku daray.
Muddo dheer ayay Gaaladu qorsheynayeen in Dalalka Muslimiinta Madax looga dhigo, dad asal ahaan Muslimiin ahaa Magacoodana watta ha yeeshee maskaxda saaranu tahay tan Gaalada, Sida Maxamed Maxamuud Xaashi Carabka ku adkeynayo.
Wuxuu Tusaale soo qaatay dadka Maanta ku Magacaaban Madaxda Soomaaliya, Ciraaq iyo Afkhanistaan oo dhmaantooda uu tibaaxay in Matoorka saaranu yahay kii shisheeyaha.
Mar aan weydiiyay waxa uu ku macnayn karo Ninkaan shaaciyay in gumeystaha uu kala shaqeynayo sidii uu Soomaaliya dib ugu soo degi lahaa ayuu sheegay in uu yahay Nin Magac Soomaaliyeed iska watta laakiin la soo tarbiyaystay waxbadanna lagu soo shubtay.
Xaajji Cabdullaahi Rooble waxa uu ka mid yahay dadki joogay Gobalka Shabeelah hoose xiligii Gumystayaasha Talyaaniga iyo Ingiriiska waxaanuu Xasuustaa dhacdooyin badan oo qaarkood uu goob joog u ahaa.
Wuxuu Sheegay in laba Biyo mareen oo ku tiil Gobalka Shabeelaha hoose lana kala yiraahdo Kelli Shiiqaal iyo Kelli arfeyle aan Baldoos lagu qodin ee Talyaanigu ku qoday dadka Soomaalida ah asigoo xusay in dadkaa Gobalkaan ku dhaqan la soo qafaali jiray si ay shaqadaas u qabtaan.
Xaajji Cabdullaahi Rooble ayaa shaaciyay Magacyada rag caan ahaa oo Talyaanigu dilay oo qaar ahaayeen odayaal dhaqan kuwaasoo Xabsi la geeyay dabadeedna ku qurbaxay.
Wuxuu xusay in waxyaabaha uu xasuusto uu ka mid yahay Nin la oran jiray Dalbuufle oo dadka gaarigiisa dardarsiin jiray aanayna jirin cid la hadli kartay welow aakhirkii uu ka taqalusay oo uu Baangad qoorta uga jaray Muwaadin Soomaali ah oo la oran jiray Cilmi Xasan Caddow asigoo ka sheekeynayay arinta la xariirta in Muslimiinta Soomaaliya Gumeystuhu kaabad ama sidii Buundo Biyaha ugu isticmaali jiray ayuu sheegay in ay jireen dhacdooyin uu u joogay oo arintaas la xariira.
“naagta Korneyl Maaso oo Talyaani ahaa ayaa Maalin gaarigeeda kori rabtay kolkaas ayay dalbatay in afar nin loo keeno, dhulku dhiiqo ayuu ahaa kobo dhaadheerna wey wadatay,waxay tiri seexda, wey ku dul socatay, jir bini aadam ayaa lagu istaagayaa markaasay waxay leedahay “yaanan dhicin” ayuu yiri Xaajji Cabdullaahi rooble.
Gumeystihii Ingiriiska mar uu ka hadlayay waxa uu soo hadal qaaday in intii Koofurta uu joogay dadka uu ka dhacay wixii dalag ay beerteen oo xattaa Bukaarihii u duugnaa uu faagtay wixii ku jirayna kala baxay.
Xaajj Cabdullaahi wuxuu xusay in badarkaas dhamaantii loo qaaday Kenya si sawaaxiligii halkaa fadhiyay loogu quudiyo, soomaalidana Cunadeedu ku soo aruurtay Hilibka oo keliya.
Waqtiga xaajigu ka sheekeynayo waa Qarnigii tegay ee labaatanaad ee Taariikhda Milaadiga afartamaadkiisii ilaa lixdamadki laga soo gaaray.
XIGASHO IYO XOGTA WARKA RADIO ALFURQAAN.SOMALIA.

Banaadir Post.
Like this:
Like Loading...