SHABEELADA HOOSE:-Amisom oo lacag ka qaadata Isbaaro taala Sh.Hoose(waa tumaa isbaradaas immisa ayaana ka soo gasha maalin walba?)

25769292Iyadoo maalmahanba ay cabasho ka soo yeereysay Isbaarooyinka tirada badan ee daadsan wadada u dhexeysa Afgooye iyo Marka ayaa wararku sheegayaan in Ciidamada Amisom ay qeyb ku leyihiin Isbaarooyinkaas.

Wararka ay markanews heleyso ayaa sheegaya in Isbaarada Maleeshiyada Dowladda u taala deegaanada Shalambood iyo Buufow ay qeyb ku leeyihiin Ciidamada Amisom ee ku sugan labadaasi Tuuloooyinkaas!.

Sarkaalka madaxda ka ah Ciidamada Amisom ee Buufow ayaa Isbaarada halkaas u taala laga siiyaa maalin walba 100$ ama ka badan  oo marna loogu gado Neef Ari ah, mararka kalena kaararka telefoonada.

Sidoo kale, Saraakiisha Ciidamada Amisom ee Shalambood ayaa Isbaarada Shalambood ku leh 100$ maalintii.

Labdan Isbaaro ee Buufow iyo Shalambood ayaa waxay u taala maleeshiyo beeleed ka amar qaadata gudoomiyaha Gobolka Shabellada Hoose Cabdulqaadir Siidi.

Dhacdadan ayaa ah tii ugu horeysay ee ka dhacda Soomaliya ee ay ciidamo Amisom qeyb ku yeeshaan lacag laga soo qaday Isbaaro lagu dhibaateeynayo Ummadda Soomaliyeed.

Tani ayaa daliil u ah in Ciidamada Amisom ay la sii qabsanayaan dabeecada Ciidamada iyo maleeshiyaadka Soomalida ee ay la shaqeeyaan tan iyo markii ay Soomaliya yimaadeen 2007.

XIGASHO MARKANEWS.-http://markanews.net/?p=5712

25768741

 

Saraakiisha DKMG ah ayuu ugu baaqay in ay bartaan habka siyaasadda iyo maamulka iyagoo adeecaya macalinkooda A.Mahiiga.

“kkk waa in aan wax ka baranaa macalinkeena Mudane Mahiiga oo aan uga mahad celineyno sida uu TFG u gacansiiyo” ayuu yiri shariif Sheekh Axmed oo u muuqday in u raali gelinayay Agostina Mahiiga.

Madaxda DKMG ah ayaa ku caan baxay dabadhilifnimo, Musuqmaasuq iyo in ay u hiiliyaan kuwa Nasaarada ah iyagoo ka hiilinaya Muslimiinta inta macooda ah.

Banaadir Post.

DHAGEYSO:-“Shabaabka ayaa Runtii naga Fiican Sababtoo ah ma Dhigan Jirin Isbaarooyinka Faraha Badan Ee Ciidankeenu Dhigteen”Cabdulaahi Muuse oo ah madaxa siyaasadda gobolka Sh/hoose ee dowladda Federalka!

25767410Cabdulaahi  Muuse oo ah madaxa siyaasadda gobolka Sh/hoose ee dowladda Federalka ah ayaa sheegay in isbaarooyin xad dhaaf ah ciidamadoodu u yaalaan wadada isku xirta Shalaambood iyo Muqdisho.

Cabdulaahi waxa uu sheegay in isbaarooyinka lagu dhaco dad weynaha madaxda dowladduna wax ka qaban waayeen kadib markii dhowr jeer looga ashtakooday.

Waxa uu xusay in isbaarooyinku u yaalaan ciidamo mooryaan ah oo shaar dowladeed loo galiyay isagoona muujiyay inuu jiro xifaaltan qabyaaladeed oo mooryaanta dhexdooda ah.

Hadalka  Cabdulaahi Muuse ayaa kusoo aaday xilli maalintii shalay uu bannaan bax ka dhacay degmada Afgooye kaasoo looga soo hor jeeday isbaarooyinka.

Mar aan C/lhi Muuse weydiinay su’aal la xiriirtay farqiga u dhaxeeya iyaga iyo Mujaahidiinta ayuu sheegay in uu mujaahidiinta u qirayo ammaantooda.

Wuxuu sheegay in markii mujaahidiintu joogeen wadadu nabdooneyd laakin markii iyagu yimaadeen wadadu noqotay mid fasaad ah.

25739582

Halkan Ka Dhageyso Hadalka C/laai Muuse

ISHA WARKA RADIO ALFURQAAN.COM

25618829

Banaadir Post.

VIDEO XUSUUSIN AH:-Abwaan Xabeeb oo Sanooyin ka hor ka hadlay xaalada maanta ka taagan Gobolka Banaadir iyo Shabeelooyinka oo Cakiran!

25755468Isbaarooyiin xad dhaaf ah oo maleeshiyaad katirsan Dowlada ama nidaamka kaaraha Amisom  saran ay soo dhigteen maalmahan Gobolka Banaadir iyo  Shabeelooyinka  Gaar ahaan wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye iyo wadada isku xirta magaalada Marka iyo degmada Afgooye  iyo tan isku xirta Xamar iyo Jowhar oo caqabdo adag ka taagan yihiin iyo sido kale  dhaca kufsiga iyo dilalka ku sii baahya degmada Afgooye,Marka Wanlaweyn ,Balcad,Jowhar iyo Tuulooyinka hoos taga inta jidadka laamiga ah maraan.

Abwaan oo sanooyin ka hor xaalada goboladaBanaadir  iyo Shabeelooyinka oo tan maanta taaganka sii xun tahay!

“Salaaada Subax ayaa ka soo baxnay Siinka dheer waxaana Afasiiyooni taganay Sagaal saac oo galabti ah, iyada oo dayn nagula leeyahay”Abwaan Xabeeb.

Xirnaashiyaha wadooyiinka ayaa darawalada gaadiidelyda ku sifeeyeen inaysan awoodin bixinta lacagaha baada ah ee looga Qaado Goobaha isbaarooyiinka ah  isla mar haatana ay go’aan sadeen in shaqo joojin ku dhawaaqaan inta guud ahaanba isbaaooyiinkasi laga qaadayo oo ALAH WEYN keenayo nasri xagiisa ka yimaada.

25681555

Banaadir Post.

Dowladaha shisheeye oo Malaayiin Doollar ku Bixinaya in la dhiirigaliyo kufsiga lagu hayo Haweenka Soomaaliyeed!

25618829Dowladaha Britain iyo Imaaraadka Carabta ayaa ku dhawaaqay inay bixinayaan lacag gaaraysa laba milyan oo doollar si looga hortago kufsiga loo geysto haweenka Soomaaliyeed,”Siday u dhigeen warka” waana kuwa dhaqaalaha ugu badan ku bixiya Maleeshiyaadka  Mooryaanta ah iyo ciidamada calooshooda ku shaqeeya ee Amisom.

Waa mashaariic “NGO” ah oo lacago badan laga sameysnayo,waxaana howshaas  horboodaya  Xisbiga talada Villa Somalia  haya ee Dam jadiid iyo dad ay qaraabo yihiin hogaanka Xisbiga.

Wadada isku xirta Leego iyo Yaaqbariweyne waxaa dhac iyo kufsi ka geystay maleeshiyaad mooryaan ah oo dhanka magaalada Muqdisho laga keenay,akhlaaq darro iyo fuxshi ayay cadawgu ka wadaaan Leego.

Ciidanka shisheeye iyo kuwa Soomaalida ay kufsi ugeysteen laba hablood islamarkaana ay dadka deegaanka ugu handadeen baahinta dhibaatada haddii aan lafurin goobo lagu zineysto!!.

“Ciidanka Leego qabsaday waxay shacabka ku hayaan fasaad aad u daran akhlaaq xumo ayay deegaanka ka wadaan marka lagasoo tago kufsiga ay geystaan,askari ayaa gabar caano u iib keentay Leego qori ku qabtay markaas ayuu yiri Maxaa deegaanka looga waayay meelo lagu dhilleysto suurtagal ma ahan waa in laga helaa haddii kale idinka ayaan idin kufsaneynaa”Waxaa sidaa yiri nin katirsan dadka degaanka.

24712636

Banaadir Post.

Dagaalo u dhaxeeya Ciidamada Dowlada Federaalka”Maleeshiyo Beeleed” oo magaalada Marka ka qarxay iyo hoobiye is qabsaday xaafadaha magaalada oo dhan!

25126535

Dagaalo u dhaxeeya Ciidamada Dowlada Federaalka”Maleeshiyo Beeleed” oo magaalada Marka ka qarxay iyo hoobiye is qabsaday xaafadaha magaalada oo dhan!

Waxaa markale qaxaya dadka reer Markood ka dib tagistii kuwa soo duulay ay tageen magaalo xeebeedka Marka.
Waxaa magaalada qabsaday ciidanka soo duulay ee Amisom iyo Maleeshiyo beeleed “KOPY” miino baar u ahaa!

Dagaalka waxaa la sheegay inay qaadeen ciidamo ka amar qaata gudoomiye kuxigeenkii dhinaca amaanka magaaladaasi C/salaan Maxamed Cabdulle ee maanta xilka laga qaaday waxaana ay weerar ku qaadeen ciidamo uu watay gudoomiyihii magaalada marka Axmed Cukaash ee isna xilka laga qaaday.

Dagaalka waxa uu yahay mid xoogan waxaana lagu soo waramayaa in rasaasta qeybaheeda kala duwan la isweydaarsanayo waxaana uu ka socdaa bartamaha magaalada Marka Cadeey ee gobolka Sh/hoose.

Ilaaha iyo hada lama hayo war sax ah,maadama xabado soocoto!

25069488 (1)

Banaadir Post.

DHAGEYSO:-“Dowladda Fadaralka Ah Waxay Dhibaato Ku Heysaa Shacabka Marko”Xasan Nuur Sabdow.

25112097

Xasan Nuur Sabdow  ayaa ka hadlay xiisadda u dhaxaysa Maleeshiyo beeleedka Dowlada Xasan Gurguurte  oo  todobaadkii labaad ka taagan magaalada Marko gobolka Shabeelada hoose.

Sabdow ayaa sheegay in dagaalka mar walba dhex mara ciidamadaasi uu saameyn ku yeeshay shacabka ku dhaqan magaalada Marko.

Ficilada ay ku kacayaan Maleeshiyaadka dowladda  ayuu ku tilmaamay kuwa ka marqaati kacaya waxa ay yihiin iyo waxa ay la doonayaan ummadda muslimka ah ee Soomaaliyeed.

24790479

Halkan ka dhageyso.

Banaadir Post

25069488 (1)

Dagaalkii Ciidamadii Biimaal ay ku dileen barasaabkii Suldaanka Zenzibar ee Marka.

39294_346160168838127_1173643100_n

Somali History of (1400-2000) qoraagu inta badan wuxuu kasoo xigtay qoraalka buugan kale oo la yiraahdo: Ref the Shaping of Somali Society: Reconstructing the History of Pastoral People 1600-1900..Lee V.Cassanelli University of Pennsylvania Press Philadelphia, 1982.

Sidaan ayeyna ku bilaabaneysaa.

1876dii taariikhdu markey aheyd ciidamo Biimaal ah ayaa waxey si gaadmo ah ku dileen Barasaabkii (Gudoomiye) “Saalim Bin Yacquub” ee Suldaanka Zanzibaar ugu masuul ahaa magaalada Marka iyo 40 askari uu watay Barasaabka iyo ciidankiisa waxaa lagu dilay jidka u dhaxeeya Xamar iyo magaalada Marka.

Magaalada Marka oo caan ku aheyd Baayacmushtarka, waxaa sidoo kale mararka qaar dhibaato ka dhax dhici jirtay Carabtii daganeyd magaalada Marka iyo Biimaal.

Biimaalku waxey si gaar ah ugu soo horjeedeen in uu Talyaaniga ku fido dhulkooda, laakin Carabtu waxey ahaayeen dad Baayacmushtar ah mar walbo waxey dantooda ku jirtay in ay shisheeyaha xiriir fiican la yeeshaan.

Biimaalkuna waxey heshiiskaas Carabta iyo “Ajnabiga” u arkayeen mid dantooda iyo noloshooda khatar ku ah.

Xeelada Biimaal isticmaali jireen waxaa kamid aha in Raashiinka ka joojiyaan xeebaha Banaadir gaar ahaan magaalada Marka.

1890(Bilowgii) Suldaankii cusbaa ee Zanzibaar Suldaan Khaliifa ayaa waxa uu dhulkii Banaadir ku wareejiyay Talyaaniga, isagoo aan Somaalida waxba kala tashan Soomaaliduna maarkii arintaan ogaadeen aad ayey ugu xumaadeen.

1890 markii Talyaaniga uu ka soo degay xeebaha Banaadir Markiiba hogaamiyaashii Biimaal waxey bilaabeen in ay shirar deg-deg ah ku kulmaan si ay ugu tabaabusheystaan waxa uu damac sanyahay talyaaniga.

Markii Talyaanigu ogaaday in uu Biimaal yahay Qabiilka kaliya mucaarad nimadiisu mideysantahay, markiiba Talyaaniga wuxuu isku dayay sidii uu u kala qeybin lahaa Biimaal, hasa ahaatee wey usuurto geli weyday, mudadii u dhaxeysay 1890 ilaa 1908, midnimadii Biimaal ismey bedelin, weyna ku adkaatay Talyaaniga sidii magaalada Marka uu gacanta uu ugu dhigi lahaa, balse markii lasoo gaaray aakhirkii 1908dii, qaar ka mid ah hogaamiyaashii Biimaal waxaa u cadaatay in ay adagtahay dagaalka Talyaaniga ay kula jiraan sii wadaan, waxeyna qaar ka mid ah isku raaceen in Talyaaniga heshiis la galaan lana shaqeeyaan.

25100871

Taariikhda Beesha Biimaal waxay ku qorantahay Baal Dahab ah,yaan la tirin!!.

Taariikhda wax bay qortaa waxna way kaydisaa, Beesha Biimaal oo ka mid ah Beelaha dega Koonfurta dalka Soomaaliya waxaa ay leedahay taariikh Baal Dahabi ah ka gashay marka laga hadlayo taariikhda Soomaaliya.

Qarnigii 18aad ee taariikhda Miilaadiga Beesha Biimaal waxaay ahayd Beel ka tilmaaman Beelaha kale ee dega Koonfurta Soomaaliya waxaa lagu xusuustaa halgankii dheeraa ee ay usoo gashay gumaysi la dirirkii Gobolka Shabeellada Hoose .

Markii uu socday dagaalkii u dhaxeeyey gumaysigii Ingiriiska iyo halyeygii caanka ahaa ee Sayid Maxamed Cabdille Xasan waxaa la soo wariyey in dagaalkaasi ay ka qayb qaateen beelo Soomaaliyeed oo tira badan kuwaa oo taageerayey gumaystihii Ingiriiska laakiin Beeshan Biimaal weli lama soo tabin inay ka qayb qaadatay ama ay garab istaagtay gumaysi dhul doon ah .

Waxaa kaloo taariikhda rag culima ay ku sheegeen in beelo tira badan ay xabado ku tuureen Sayidka hase ahaatee beeshan taariikhda ayaa xustay inay ahayd beel mujaahidiin ah oo weligood diidanaa gumaysi inkastoo taariikhda wax badan lagu sheegay hadana waa beesha kaliya oo awoowayaashooda ay ku shahiideen dagaaladii lala galay Talyaaniga.

Mudo 14 sano ah gumeystaha Talyaaniga uma suurtoobin inay cagta soo dhigaan dhulka ay Beeshu degto oo sababna ay u aheyd isku duubnaantii beesha ay laheyd ii hogaamiyayaashoodii u heelnaa iska difaaca gumeystaha Talyaaniga kuwooda ugu caansanaa ay ka mid ahaayeen Maclin Ibraahim Qaasim”Kabtoole”,Jabriil Macliin Barrow iyo Rag kaloo odayaal ah oo beesha kamid ahaa.

Inta uu socday halgankaasi waxaa jiray hal ku dhigyo ay adeegsan jireen hugaamiyayaashii Beesha, halku dhigyadii ay adeegsan jiren waxay ahaayeen kuwo aan qoraal lagu soo koobi Karin waxaana ka mid ahaa: ‘Reer janaad waa jid galeen reer jaxiimow iska jooga’.

Markii gumaystahaTalyaaniga ay ku guulaysteen inay kasoo degaan Deegaanka loo yaqaano Dhanaane ayna Koonfur ka mareen dhulkii Beeraha ayaa hogaamiya yaashii Beesha waxaa ay isdhaaf sadeen erayo taariikhda galay waxaa eryada ka mid ahaa: ‘Dhoobee dheefle waa dhuntii yaa dhanaane dhicihaayo, dhalanyeradii dhamayd aa dhanaane dhicihayso, intaad dheeshiyoo dhug beeshay maad dhanaane dhicihee ,dhanaane miin dhiciwaayo dhuuwadayda dhalaaqo waaye, dhuuwadaada miid dhalaaqdo, dhinixoo yaa dhalaayo, dhinixoo aan dhullahayn intee lagu dhaqaa’.

Hadaba intaasi ka dib guushii gumaystihii talyaaniga Beesha Biimaal waxaa ay yeelatay dad lagu dhex beeray oo magac, jinsi iyo dhalasho intaba kula wadaaga hase ahaatee aan kugu tala ahayn waxaa jirta oraah dhahaysa:‘Nin aan kugu calool ahayn kugu cod maaha’,waxaan ka wadaa erayadaa isku xerkii beeshan ayaa waxaa ku tuntay dad sheeganaya magaca beesha oo talyaaniga qandaraas uu ku siiyey inaysan isku imaan maadaama isku imaatanka Beesha Biimaal ay caqabad ku noqon karto cid walba oo soo hamisa dhulkan barwaaqa sooranka ah.

Waxaa la xusuustaa hugaamiyayaashii usoo baxay Biimaal inay noqdeen kuwo aan dan u hayn umada ayka dhasheen taas oo walaahooda ku beertay calool xumo kuwaa oo ah dadkii ku abtirsanaayey beesha ilaa laga arkay in la yiraahdo: ‘hadaan nahay beel hebel kama mid ma nihin beesha Biimaal’waana cadaymaha muujinaaya in lagu soo dhex dhuuntay Beeshan ay taariikhda siweyn u qortay hadaba markii hogaamiya kooxeedyadii haysteen koonfurta Soomaaliya waxay ay garab ka dhigteen niman sheeganaya odayaal dhaqameed suurtageliyeyna in la kala dilo dadka beesha Biimaal.

Hadda ka hor qoraal aan aqriyey ayaan ku arkay qaabkii loo xalaalaystay dhulkii Biimaal iyo Hantidiisa waxaa ka mid ahaa qoraaladaasi ilaa 8, guri oo subax walba ay kasoo wada toosaan wiilal cayr ah oo Biimaal ay abtiyaal u yihiin halka qoraalka aan ku arkay in sanad walba odayaasha Biimaal ay kasoo xajiyaan hantidooda oo ay kala wareegeen dad aan gobolka u dhalan.

Hadaba aqristow ujeedada aan leeyahay ayaa ah inaan soo bandhigo dhacdadii ugu dambaysay oo Biimaal lagu xalaalaystay noloshiisa walow horay loo arkay in dhulkiisa iyo hantidiisa lagala wareegay hadana waxaa ay joogtaa noloshiisa hadaba maxaa dhacay, laba qof oo aan jeclayn inaan magacyadooda soo hadal qaado ayaa sida ay sheegteen u istaagay inay isku keeni doonaan Biimaal.

Arintaasi ayaa waxaa si aan leexleexad lahayn u qaadacay nabaddoonada Biimaal hase ahaatee waxaa ka hor timid awood ay u bawac dhigiwaayeen, raggii istaagay ayaa waxay sheegteen inay horkacaayeen culimadii Beesha laakiin war mar dambe soo baxay ayaa xaqiijiyey in culimada la qasbay in ka badan 13 maalmood ayey socdaalo ku jireen waxayna soomareen dhul kala duwan ugu dambayn waxay ku guulaysteen inay deegaanka NO 5O isugu keenaan Biimaal.

Waxaana halkaasi labadii qof ay ku heleen lacago caqliaga ka weyn oo loogu tala galay in lagu soo dumo oday dhaqameeka waxaana si qasab ah lagu yiri suldaan Axmed Maxamed Cali waxaad beyco la gashaa Al shabaab taasi ay ku kali noqdeen labadii qof istaagtay iyo suldaankii la qasbay.

Hadaba hadaan nahay dad ku abtirsada Beeshan taariikhda gashay ma noqon karnaa dad ka tashada aayhooda waxaana iminka aad la socotiin Yuusuf indha Cade inuu samaystay Suldaan gacan ku samays ah oo u dhashay beesha una muuqda mid hergelinkara in dhulkan si cad ah loogu gacan geliyo reer Dhuusa Mareeb.!!!!!!???

Talo iyada kugu ma noola laakiin adiga ayaa ku nool waxaan ka wadaa aan tashanno haddaan nahay Biimaal jaaniska hada aan haysanno ayaa ah mid qaali ah.

Waxaan kusoo koobayaa qoraalkayga in kastoo aan ahayn qof yaqaana taariikhda Beeshayda, aan noqonno kuwo soo nooleeya taariikhdii iyo wadadii ay ku geeriyoodeen awoowayaasheena wax naloo meeriyey iyo wax naloo tilmaamay ayaan danaheena ku weynay.

Inkastoo dulmiga loo gaystay Beeshaan ay horkacayeen dad caada qaatayaal ah ayaa hadana weli kama raja dhigin hankooda ku aadan inay dhamaystiraan hantida tirada yar ee soo hartay waana kuwa iminka fadhiya shirarkaTFGda ay soo qaban qaabisay looguna tala galay inay horkacaan duulaano dhawaan la iclaamiyey kaa oo lagu qaadi doono guud ahaan Gobolka Shabeelada Hoose.

Jammaamepress

Banaadir Post.

Xiisad ka taagan magaalada Marka iyo Maleeshiyaadkii shalay dagaallamay oo weli is hor fadhiya.

25056504

Xiisad kacsnaan ah ayay ku waabiriisatay magaalada Marka ee Xarunta gobolka Shabeellaha hoose, halkaasoo shalay dagaallo xoogan ay ku dhex mareen Maleeshiyaad ka wada tirsan Dowladda Fedraalka.

Wararka Saakay laga helaayo magaalada Marka waxay sheegayaan inay socdaan abaabullo dagaal oo ay wadaan Maleeshiyaad beeleedyada wada huwan magaca Dowladda Fedraalka ee shalay halkaas ku dagaallamay.

Cabsi xoogan ayaa soo wajahday dadka ku dhaqan magaalada Marka, waxaana dadka qaarkood ay billaabeen inay ka firxdaan guryahooda, iyagoo ka cabsi qaba inay saameyn ku yeeshaan dagaallo markale magaalada ka dhaca.

Ciidamada ka socda Dowladda Burundi ee qeybta ka ah Shisheeyaha Amisom oo ku sugan magaalada Marka ayaa indhaha ka daawanaya xiisadda kasoo cusboonaatay magaalada, mana jiraan wax ciidan ah oo ay kala dhex dhigeen Maleeshiyaadka dagaallamaya.

Tirakoobkii ugu dambeeyay ee laga helay dadkii ku dhintay dagaalkii shalay magaalada ka dhacay waxay sheegayaan in tirada dhimashada ay ka badan tahay 10 ruux oo u badan dhinacyadii dagaallamayay, halka tiro intaas ka badanna ay ku dhaawacmeen.

Maxay tahay sababta askarta Dowladda Federaalka ahi u dagaalamaan markasta?(Dhagayso)

Aqoon yahana Axmed dayib Mursal ayaa tilmaamay in sababahaaas ay ka mid tahay iyagoo u beratamaya askartu u kala hormaridda iyo u dhawaanshaha askarta Gaalada ah ee ay ka hoos shaqeeyaan.

Dhagayso waraysiga Aqoon yahanka.

Gudoomiyaha Gobalka Shabeelaha hoose ugu Magacaaban Dowladda Federaalka ah Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa Muujiyay sida uu ugu xun yahay dhaawaca taliyaha ku yimid.

24974006 (1)

TAXANAHA TAARIIKHDA SOMALIYA:-Amisom oo bilowday inay Beeralayda ka iibiso Biyaha Wabiga Shabeelle.

24818934Dagaalka ka socda wadanka Soomaaliya wuxuu xambaar sanyahay ujeedooyin dhowr ah oo ay ka mid  tahay in dadkan muslimiinta ah lagala dagaalamo xaga diintooda iyo kan dhaqaalaha, meelaha la qabsaday oo gacanta u galay cadowga waxaa ilihii  dhaqaalaha la wareegay gaalada iyo shirkado shisheeye oo jooga magaalada Muqdisho iyo meelo la mid ah.

Baddii Soomaaliya ayaa waxaa in ka badan 20 sano ka faa’idaysanaya  dhamaan wadamada gaalada wasaqdoodana ku daadinaya, waxaa intaasi sii dheer in canshuuraha hawada Soomaaliya xitaa ay qaadanayaan sanadihii la dhaafay ilaa imika shirkado shisheeye.

Iyadoo arimahaasi oo dhan ay jiraan ayaa haddana sidoo kale waxaa soo ifabaxay boob cusub oo ay wadaan ciidanka Amisom oo la wareegay gacan ku haynta qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Sh/Hoose oo ah gobolka ugu wax soo saarka badan ee Soomaaliya sida degmooyinka Afgooye, Jannaale Owdhiigle.

Waxaana durbaba ay bilaabeen in ay la dagaalamaan ilaha dhaqaalaha ummadda sida Beeraha oo inta badan laga tacbado gobolkaasi, waxaa ay xireen biyaha Wabiga oo ay ka xireen dhanka degmada Balcad dadkana waxaa laga qaaday Matoorarkii Biyaha ee lagu waraabin jiray beeraha iyadoo la dul dhigay lacago baad ah oo aad u farabadan.

Qaar kamid ah dadka Beeralayda ah oo isu tagay ayaa waxaa ay Taliska Amisom ee jooga Afgooye iyo Balcad ay u geeyeen lacago gaaraya ilaa 45,000 kun oo doolar si looga qaado cuna qabataynta saaran laakiin ilaa hadda ma jirto wax loo qabtay oo aan ka ahayn in la yiri lacagta aad keenteen aad ayay u yartahay ee ku soo dara.

Wararka ka imaanaya gobolka Sh/Hoose ayaa waxay sheegayaan in ay abaarsadeen dhul beereedkii degooyinka ay qabsadeen ciidanka cadowga, iyadoona la xasuusto in gobolkaasi ay joogi jireen hogaamiya kooxeedyo dhiig cabayaal ah oo dadka reer Sh/Hoose ka iibin jiray biyaha wabiga, laakiin waxa ka sii daray gaalada oo raba in dadka Soomaaliyeed ay u dhamaadaan qaajo iyo Rafgaaad daran.

24790479

Halkan Ka Dhageyso Wareysiga Abuu Cabdalla

MARKA-SHABEEELADA HOOSE:-Mooryaan ka tirsan Maleeshiyaadka Dowlada oo 25 kun oo Shilin Soomaali ah u dilay Wiil Dhalinyaro ah!!

24697364Mooryaan  ka tirsan Maleeshiyaadka Dowladda Federaalka ayaa qof rayid ah ku toogtay magaalada Marka  Shabeellaha hoose. Waxaana loo dilay wiilkaas dhalinyarada ah lacag aad u yar oo ku lahaa ninkaas mooryaanka  oo  Kaaraha Amisom lagu keenay magaalada Marka!

Ninka la toogtay oo ahaa nin farsama yaqaan ah oo sameeya Teleefonnada gacanta lagu qaato ee Mobile-ka ayaa waxa uu dilkiisu ka dambeeyay kadib markii Mooryaanku  uu Teleefon u sameeyay ay ku mormeen lacagta, taas oo dhalisay in Mooryaanku  uu rasaas oodda uga qaado ninkaas rayidka ahaa.

Magaalooyinka la geeyo maleeshiyaadka Dowlada tabartayar  ayaa ah  kuwa dhaqan xun oo aan  xaraanta ka xishoon,waxaana dhibaato la daala dhacaya dadka ku dhaqan dhulkaas horey nabada u ahaa oo caolaado ka aan dhamaad lahayn ka jiraan.

24597296 (1)

Banaadir Post.