JOWHAR:-Ciidanka Amisom ee ku sugan Jowhar oo la ildaran Cuduradda Duumada Iyo Beerxanuunka.

25864538ciidanka ku shaqeeya calooshooda ee  Amisom duulaankana lagu keenay gayiga Somaliyeed kuwooda ku sugan    Jowhar ayaa iminka la’ildaran cuduro isugu jira Duumada iyo beerxanuunka kadib Markii ay kaneeco kucuntay difaacyada ay kadagan yihiin magaaladaasi.

Fatahadii wabiga ayaa Kontrolka looga baxo degmada Jowhar  Dhanka bari oo ay   Amisom difaacyo ku leeyihiin waxaa  helay daadad xoogan  iyo nadaafad daro baahsan oo is kaashaday ayaa sababtay in askarta Amisom  culays badan helo waxaa jira  soojeed  badan  iyo dhiubaatooyin badan ooiskaashday ayaa keenay  in ay kufaafaan Cuduradaas halista ah taas oo dadka deegaanka ay tilmaamayaan dhibaatada ciidamadaasi inay tahay mid iska muuqata  oo laqari waayay!.

Waa kuwo iloobay nadaafada jirkooda mana heystaan xitaa maro kaneeco ay ka galaan kaneecada waxaa sidaa inoogu sheegay qof ka mid ah dadka magaaladda Jowhar ku sugan.

Marka laga yimaado cuduradaan so shaac baxay ee iminka ay la ildaranyihiin Askarta Amisom ee ku sugan magaaladda Jowhar ayaa hadana suuragal ah inay qabaan cudurada  dhimirka iyo  kuwa  kale ee faafa sida HIV/AIDS maadama wadamada ay ka yimaadeen ay ka mid yihiin kuwo ugu daran wadamada afrika ee dadkoodu cudurkaas la ildranyihiin.

Ma ahan wa xlagu arkayo Somalia oo kaliya waxaa horey loogu arkay  meel walba oo   ciidamo duulaan lagu geeyo inay   la soo noqdaan cuduro kala duwan, kuwa ugu badana waa kuwa laga qaado dagaal lagula jiro Islaamka ,waxaana tirooyin aad u badan  dib  loogu celshay dalalka Ciraaq iyo Afghanistan oo dagaal aan dhamaaan weli ka taagan yahay.

25766986

 

25864473

“Gaalkii dhoof ku yimidbaa geerida dhibsanaya”

Banaadir Post.

VIDEO XUSUUSIN AH:-Abwaan Xabeeb oo Sanooyin ka hor ka hadlay xaalada maanta ka taagan Gobolka Banaadir iyo Shabeelooyinka oo Cakiran!

25755468Isbaarooyiin xad dhaaf ah oo maleeshiyaad katirsan Dowlada ama nidaamka kaaraha Amisom  saran ay soo dhigteen maalmahan Gobolka Banaadir iyo  Shabeelooyinka  Gaar ahaan wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye iyo wadada isku xirta magaalada Marka iyo degmada Afgooye  iyo tan isku xirta Xamar iyo Jowhar oo caqabdo adag ka taagan yihiin iyo sido kale  dhaca kufsiga iyo dilalka ku sii baahya degmada Afgooye,Marka Wanlaweyn ,Balcad,Jowhar iyo Tuulooyinka hoos taga inta jidadka laamiga ah maraan.

Abwaan oo sanooyin ka hor xaalada goboladaBanaadir  iyo Shabeelooyinka oo tan maanta taaganka sii xun tahay!

“Salaaada Subax ayaa ka soo baxnay Siinka dheer waxaana Afasiiyooni taganay Sagaal saac oo galabti ah, iyada oo dayn nagula leeyahay”Abwaan Xabeeb.

Xirnaashiyaha wadooyiinka ayaa darawalada gaadiidelyda ku sifeeyeen inaysan awoodin bixinta lacagaha baada ah ee looga Qaado Goobaha isbaarooyiinka ah  isla mar haatana ay go’aan sadeen in shaqo joojin ku dhawaaqaan inta guud ahaanba isbaaooyiinkasi laga qaadayo oo ALAH WEYN keenayo nasri xagiisa ka yimaada.

25681555

Banaadir Post.

BALCAD:-Dagaal u dhaxeeya Maleeshiyo beeleedka Dowlada Xasan Gurguurte ayaa goordhow kaqarxay Degmada Balcad.

25544844Dagaal xooggan ayaa waxa uu xilligaan dhex maraya Maleeshiyaadka  Soomaalida oo kaaba kuwa soo duulay”maryo calasta” wuxuuna dagaalku ka qarxay  degmada Balcad ee gobalka Sh/dhexe.

Dagaalkaan oo ka bilaawday goob ay jid gooyo”Isbaaro”u taallo maamulka Balcad ayaa wararka hor dhaca ah waxa ay sheegayaan in uu ka socdo xilligaan xarunta degmada iyada oo qasaaraha ka dhashay lagu sheegayo inta la’ogyahay hal askari oo geeriyooday.

Dagaalka ayaa waxa uu sababay barakac magaalada ka bilaawday iyada  mudo dheer Balcad nabad ahaan jirtay intaan ka gayn maleeshiyo beleedkan  ay horkacayaan kuwa soo duulay Amisom ama “Gumaadsom”

23638853

Banaadir Post.

GUMAADSOM GACAL MIYAA?

23638853Dagaal-ooge Cabdi Jiinow Calasow”Sawirka kore” ayaa ciidamada Amisom”Gumaadsom” Towgooda ku geyeen magaalada Jowhar oo dhowr sano nabad ahayd ayaa hada waxaa ka taagan dhibaato aan qoraal lagu soo koobi karin.

Dagaal-ooge Cabdi Jiinow ayaa hada ku sugan cabsi,maxaa yeelay Jowhar oo dhan ayaa  kacsan qabiilada degan oo aad u diidan Jiinow iyo maamulkiisa Kaaraha Amisom saaran, Jiinow waxay qaraabo yihiin Maxamed Dheere, ninkii bari dhibaatayn  jirey  dadka reer Jowhar kaaso mudo ka hor ku geeriyooda isbtaalka Amisom ay ku leedyahay Xalane magaalada Moqdisho oo ay xooga ku joogaan.

Dadka reer Jowhar ayaa dacwad ka dhan ah Jiinow iyo Amisom  u gudbiyay  Xassan Sheekh oo Moqdisho  fadhiya asna saaran kaaraha Amisom,waxna uma qaban”Hadii daawadii bukooto maxaa lagu daaweeya”.

“Somalia Kaare Itoobiya  laguma xukumi doono” waxaa yiri Shariif Sheekh Axmed oo markii danbe la saaray kuna xukumi waayay maantana ku sugan Uganda isaga oo qaxooti ah!.

Banaadir Post.

23288011

NIN AGOON AH NIN AABBE LEH KAMA NAXO!!!

23528684Tixdani waxay ka mid tahay gabay uu horey u tiriyey Cabdullahi Macallin Axmed (Dhoodaan)

Gardarooy waxbaad geysataa, goor iyo ayaan e
Gafkii aad samaysaa batiyo, godobahaagiiye
Gashi aan yarayn baad qabtaa, jeer lagaa gudo e
Waxaad goyso moyee lawaa, nimaad gargaartaaye

Gurigii barwaaqaysan baad, gubi taqaanaaye
Oo ruuxaad gadhqaadaa wallee, guul ma xoogsade ee

Waxa soo baxaysa in qayladii iyo calaacalkii ka dhammaaday madaxyo-weynta Kenya iyo kuwa la ooya, amase ladamqada. Waxay aad uga cataabaan in qalalaase iyo amni xumo la soo deristay dalka Kenya, oo miyeysan ogeyn inay dal dhan oo xor ah, ummad dhan oo Muslimiin ahna ku nool yihiin aay har cad ku duuleen dadkiisiina laayeen wixii toodii gashay, su’aasha aay hadda is weydiinayaan maxay tahay yayse ku cataabayaan?!

Alle (swt), markuu kufaarta ka hadlayey wuxuu Quraankiisa Kariimka ah ku sheegay inay yihiin kuwa garnaya nolosha daahirkeeda, laakiin aayan ahayn kuwo aakhiro wax ka og.

Halkaa waxaa laga fahmayaa adduunyo rog-rogitaankeeda iyo meesha dantoodu ku jirto maahan kuwa dhumiya oo waa aay ku dadaalaan, sidaa darteed maaha kuwa garan waayey wixii aay faleen, laakiin kuwan Biddaha ah ee Keenyaanku maaha kuwa xataa fahmaya wixii aay geysteen, waxaana muuqata inayan xataa dareensaneyn inay ummad ku duuleen.  Taasi waxay markhaati cad u tahay inta uu le’egyahay dulqaadkooda iyo xamilka aay xamili karaan dhib ku yimaada. Dadnimo xumada iyo jiljileecuna waa dhaqan gaalo, laakiin ragga Alle (swt) isu dhiibey ma mudna jiljileec markii aay is qaabilaan kufaar huuralay.“Keenyaay war moogey ma laguu waramay”.

Sida cinwaanka qoraalka ku cad, nin hadduu agoon yahay oo aabbihii tiiAlle (swt) u timaaddo, wax macno leh uguma fadhido nin nin aabbihii noolyahay oo uu Jimce walba gacanta qabto una sahlo wixii aabbe ubadkiisa u qaban lahaa, Kenya waxay ahayd dal muddo konton (50) sano ah ka badbaaday dagaalladdii ahliga ahaa (civil war), ee saameeyey dalal badan oo oo mandiqadda ku yaal, sida Uganda, Suudaan Itoobiya iyo Soomaaliya, oo aay intaba xuduud ku sheeg la wadaagto. Keenya waa dal aayImbiryaaliyadda Caalamiga ahi aay ilaashadaan iyagoo ku haystay dano badan oo siyaasadeed iyo mid istaraatiijiyadeedba(political and strategically wise), Kenya waxay saldhig maqaarsaar ah oo laga maamulo danaha dhowr dal u ahayd mandiqadda, howl kasta oo sahyuuniyadda caalamiga ah ka damacsaneyd Bariga Afrikana iyadaa gar wadeen u ahayd.

Nabadda iyo jiritaanka dalka Kenya wuxuu ahaa midaan muran la gelin karin, waxaa taariikhda ku cad markii aay isku yaaceen mindiyahana iska asleen 2007dii, markaas oo aay dhacday in muddo todobaad ka yar aay ku nafwaayeen kumanaan ka mid ah qowmiyadihii siyaasadda isku hayey, tobonaan kun oo kalena ku bara kaceen oo aay lumiyeen dhulkii aay muddaba deganaayeen, welibana aay yareyd dhibka uu geysan karo hubkii aay ku dagaalamayeen oo ahaa hub qadiim ah (primitive weapons), kaasoo ka koobnaa Mindiyo, Baangado iyo Seefo oo aad uga dhib yar markii aay noqoto in lagu daggaalamo hubka casriga (modern weapons) ah, ee meelo fog-fog wax ka gumaada, kaasoo macquul ka dhigi lahaa in la waayo boqolaal kun oo nafley Keenyaan ah, taasoo calaamad u ah cadaawadda dhextaal iyaga laakiin aay leeyihiin ehel Diimeed iyo mid Mabda’eed oo kala celiya markii aay isu xayd-xaaytaan. Damintii colaadooda waxaa ka soo qayb galay rag badan oo la aaminsanyahay inay magac siyaasadeed iyo mid hogaanba ku leeyihiin Qaaradda Afrika iyo dunida kaleba, si loo dejiyo xaaladooda.

Taa waxaa bedelkeed ah markii Soomaalida ilaa 1978kii lagu soo hubaynayey jabhado ka soo sahay qaatay cadowgii Soomaalida iyo Islaamkaba ee Itoobiya iyo Kenya oo siyaasiyan u qaabili jirtay ciddii diiddanayd nidaamkii markaa ka jirey Soomaaliya, oo aan isagu Islaami ahayn, laakiin ka qowmiyasanaa kuwa hadda jooga oo noocma dowlad u’akaa. Waxaa iska macruuf ahayd in mindiyo loo soo dhiibo hadba kooxdii la filayo inay u heellan tahay inay Soomaali dumiso amase qar ka tuurto, laakiin cadowga inagu xeerani marnaba ciidamadiisu suurto gal ma ahayn inay soo tallaabaan xad beenaadka aay inala wadaagaan, ilaa la gaarey in layska qabtay kuwii aay mindiyaha u soo dhiibi jireen, Jabhadihii iyo Qabqablayashii, ee iyaga cammiilada u ahaa.

Ummaddu markii aay kuwaa iska qabatay, oo aay fahmeen in Muslimiinta Soomaalida ahi in kuwani agoomeeyeen, oo aa aabbayaashood laayeen, maxaa dhacay?! Waxaa dhacay in kufaar oo dhammi isa soo bahaysato iyagoo dareensan in agoontii Soomaalida ahayd ogaatay kuwii agoontimeeyey, oo ah Mareykan, Ingiriis, Talyaani, Faransiis, Itoobiya, Uganda, Kenya, oo haddana  raba inay agoonnimmadii ku sii hayaan, laakiin xisaabta kuma an aay darsan in nin aabbihii noolyahay uusan waxba yeeli karin nin agoon ah.

Sidaan horey u xusayba, Kenya, waxay ka mid tahay kuwa aabbahood noolyahay, waxay daandaansi iyo khasiyad la soo doonatay nin agoon ah, Soomaaliya, laakiin Alle (swt), leh kuna kalsoon, waxaa dhegaha loo wada taagayay wixii ka soo baxa nin aabbe leh iyo nin agoon ah markii aay is qaabbilaan. Waxaa durba soo baxaya dhawaaq muujinaya dadnimo xumada Kenya iyo meesha tabari dhigtay, iyadoo weliba aay muuqato in dhaqaale badan lala garabtaagan yahay si aay u meelmariso xarbu wakaalaha (Proxy war), loo soo dhiibay.

Cadaaladda Raabi waxaa ka mid ah in maantadan la joogo aay isku mid yihiin magaalooyinka Kenya uga waaweyn, oo qaarna iyadu leedahay, sida Nairobi, qaarna aay gumaysi ku haysato sida, Mombasa iyo Garissa, iyo kuwii ku yaalla dhulka Soomaalida sida, Muqdisho, Kismaayo, Baydhabo, Beledweyne, markii laga eego xagga amniga, kullinna isku si baa cadowga loogu wax yeeleeyaa, qaraxyada iyo nidaamdarraduna uga socota, marka Keenyaaay ma is weydiisay wixii aad faa’iiday markii lagu farey inaad si indho la’aan ah xad beenaadka aad la wadaagto Soomaaliya aad ka tallowdo? Jawaabtu waa iska caddahay oo waad faa’iiday waxaadna faa’iiday in xisaab badan oo xaqdarro ah oo xaggaaga jirtay aay kaasoo noqoto, in qofku xaq baxo oo wax uusan lahayna laga soo ceshaa isagay u wanaagsan tahay, marka ogow waxaad horey u xalaaleysatay baad soo celinaysaa haddii Alle (swt) raalli ka noqdo.

وآخر دعوانا أَنِ الحمد لله رب العالمين

Suldaan Maxamed Suldaan Garyare (Abu-Cabduraxmaan).

Banaadir Post.

“SAWIRO”Waxyaabaha ay iskaga mid yihiin UNISOM IYO AMISOM iyo duulaan dulmi ah ku yimaadeen gayiga Somaliyeed.

23287739Waxaa hore u yimid dhulka Somaiyeed ciidamo aad ubadan oo hogaan u ahaa Maraykanka iyo xulafidiisa from March 1993 until March 1995, waxayna ka baxeen iyagoo tacadiyo badan ka gaystay gayiga Somaliyeed,hadana daalan oo dulaysan.
Waxaa xigay Amisom oo ah kuwan maanta jirdilka iyo bahdilka shacabka Somaliyeed oo la daalo dhacaya dhibka dagaalada dabada dheeraday gaarsiyeen.
Amisom ayaa markan gaartay meel walba oo UNISOM gaartay walow meelo yar u harsan yihiin.
Dadla socda xaaladaha Somalia ayaa sheegaya in la joogo waqtigii dhibka u badan gaari lahaa ciidan ahaan iyo dhaqalaba.

23288011

Magaalada Jowhar ayaa  gashay gacanta cadawga shisheeye iyo maleeshiyo beeleed lasocda, waxaana dadka lagu bilaabay jirdil iyo bahdil ay gaysanayaan iyo dhac iyo kufsi ay gaysanayaan maleeshiyo beeleedka oo hogaamiyo Dagaal-ooge Cabdi Jiinow oo ay qaraabo dhow yihiin ninkii bari dadka ku dhibi jiray Jowhar Maxamed dheere oo bishii hore ku dhintay Xerada ciidamada Amisom ay Xalane Moqdisho ku leeyihiin.
SAWIRKA AYAA KAGA FILAN INTA KALE.

Banaadir Post

peace-keeping-force530408_539025386126636_538956961_n

23288688

Dagaal-ooge Cabdi Jiinow iyo Korneel Caanood oo Jowhar ka cabsaday iyo Amisom oo diiday inay Balcad ka gudubto ka dib markii laba Kaare looga gubay Balidoogle iyo Leego.

23199193Cabdi Jiinow Gudoomiyaha Shabeelaha Dhexe ugu Magacaaban Dowladda ayaa Qaylo Dhaan lixaad leh kamuujiyay  dagaalada ay kula jiraan Shabaabka oo ah kuwa dhib badan oo aan dhamaad lahayn.

Cabdi Jiinow ayaa Kucalaacalay Ciidamada Soo Weeraray inay ka yimaadeen Gobalada Shabeelaha Dhexe,Shabeelaha Hoose,Hiiraan,Galguud.

Dhagayso Codka Jiinoow

Sikastaba ha ahaatee waxa la isweydiin karo ayaa ah Haddii Cabdi Jiinow uu ogaa Weerar kaga soo socda Alshabaab muxuu kaga hortagi waayay maadama uu sheegay inay daciifeen Alshabaab oo horay meelo badan ay kaga saareen.

Jiinow iyo Caanood oo loo xilsaaray inay Jowhar tagaan  xiligii Shariif Vilada fadhiyay ayaa weli jidka ku sii jira iyaga oo la kulmaya xaalado kala duwan oo adag.

Amisom ayaa diiday inay Balcad dhaafto ka dib caqabado adag  oo kala duwan kala kulantay dagaalka sii daba dheeraynaya iyo dhiigooda ku daadanaya gayiga Somaliyeed oo xoog ku joogaan.

Amisom ayaa cabsi soo food saartay ka dib markii laba KAARE  looga gubay dagaalkii ay joogsadeen oo Leego ay ku gaareen kaaso qorshihiiso ahaa inay Baydhabo ku gaareen.

Amisom ayaa waxa kale soo food saaray dhulka oo kala dheeraday iyo dhibka oo sii badanaya sidaas daradeed waa diiday inay  Balcad dhaafto si u yarayso inay ku dhiigbaxdo.

Caanood ayaa maalmo ka hor ka fakaday qarax lagula helay meel ku dhow Qalimow oo ku waayay ciidan ka tirsan kuwa isaga ilaaliya.

Xalay ayaa saxaafada waxaa la hadlay ninka Shabaabka wakiilka uga ah gobolka Shabeelada dhexe Sheekh Yuusuf Kabatukade  sheegayna inay og yhiin wax walaba oo ka socda jidka dheer diyaarna u yihiin.

Banaadir Post.