TAXANAHA TAARIIKHDA:-Taariikhda Colaadeed ee soo jireenka ah ee Somalia iyo Ethiopia.

25232245Mahad balaarani waxay u sugnaatay Allah abuuray koonka, taagayna cirka iyo dhulka tiir la’aan nabadgalyo iyo naxariisi dushiisa ha ahato Nabigiisa Muxammed.
Intaa kadib run ahaantii ahal uma ihi qoraalka, khibrad iyo waayo aragnoma igu filana uma haysto qoraalada caynkan oo kale ah hase ahaatee waxaa igu kalifay in aan fikradayda daciifka ah iyo aqoontayda yar aan ku biiriyo walaalaha kale ee aanan u dhuun daloolin taariikhda ama waaqica dhabta ah ee kajira Geeska Afrika gaar ahaan Somalia iyo loolanka soo jireenka ah ee ka dhexeeya muslimiinta geeska afrika(Somalia) iyo masiixiyad geeska Africa(Eithopia).
Si kastaba ha u noqotee loolankaasi wuxuu soo maray marxalado kala duwan, oo ay igu dambaysay marxalada uu marayo dalka iminka, hadaba arimahaa oo isbiirsaday iyo xaalada uu ku suganyahay dalkayga hooyo ayaa igu dhaliyay in aan wax ka qoro taariikhda cadaawadeed ee u dhaxaysa Somalia iyo Ethiopia ama siraaca diineed ee geeska afrika oo ay kala matalaan labadaa dal ee aanu soo xusnay.
Hadaba somalidu waxay ku maahmaahdaa geeridii laga sheegay galbeed gondahaada ka day, dad badan ayaan ku baraarugsanayn waxa uu salka ku hayo dagalka ka aloolsan gayiga geeska Africa oo aaminsan in uu yahay dagaal qabiil ama mid siyaasadeed balse ay hada u cadaatay waxa uu yahay dagaalku, kadib markii ay ku baraarugeen tankiyada xabashida oo dul abaabaya caasimadii Somalia.
Sidaa aawadeed waxaan halkan kusoo bandhigi doonaa bilowgii colaada Somalia iyo Ethiopia iyo heerarkii ay soo martay, run ahaantii mowducani waa mid ahmiyad gooni ah xambaarsan ahna mid aad u balaaran una baahan in lagu bixiyo wakhti dheer iyo mudaalaco, suurtagalna ma aha in lagusoo koobo qormo ama qormooyin ee waa mid u baahan in lagu qoro dawaawiin .
Hadaba maadama aysan suurtagal ahayn in lagu soo koobo mowduucan maqaal ama dhowr maqaal, waxaan doorbiday in uu noqdo mid taxana ah si ay uga bogtaan aqristayasha sharafta leh una helaan xaqiiqda dhab ah ee ka dambayso cadaawadaa.
Boqortooyadii Xabashida.

Boqortooyada Xabashidu waxay ahayd boqrtooyo weyn, xiriir wanagsana la lahayd. boqortooyadii Roomanka ee xakumi jirtay inta badan Europe, qaybo badan oo kamid ah Asia.
Waxaa hoos tagi jiray Xabashida dalka Yamen, waxyaalaha lagu xusuusta waxaa kamid ahaa weerarkii uu ku qaaday Abraha kacbatul musharaf uu Allaah ku sheegay quranka, kuna halaagay Abraha iyo wixii uu watay.
Hadaba markii lasoo saarayay Nabi Muhammad S.C.W. Dhulka xabashida waxaa xukumi jiray boqorkii Muslimay ee Najaashi. Sida aan wada ogsoonahay diinta Islaamku waxay soo gaartay Somalia hijaradii koowaad ee asxaabtu ay usoo haajireen dhulki la oranjiray dhulkii Xabishida , waxay kasoo dageen sida lasheego marsadii Zaylac ee Somaliyeed, tankale dhulkaa waxaa ku nolaa qowmiyado fara badan oo ay kamid tahay Somali,Sidaamo,Canfar,Amharo,Tigree,Oromo,Gaalo, Bani Shangul oo dhamaan ahaa dadkii daganaa dhulka Xabashida .
Qorayaasha reer galbeedku waxay ku andacoodaan in Ethiopia ay tahay Christianka geeska afrika, diinta Christinkuna ay gartay bilowgii soo saaris Jesus.
Hadaba su,aasha is weydiinta mudani waxay tahay Islaamka ka hor diimihii laga aaminsanaa dhulka Xabashida?
Adwer Olandrof wuxuu ku sheegay boogiisa layiraahdo “Ethiopians”( kala saaristii diinta iyo dowladnimada “ka hor fiditaankii diinta Christina, dadkii ku noolaa Ethiopia waxay u qaybsanaayeen kuwa aaminsan caqiidada mosame ama diintii mouse iyo kuwa caabuda arwaaxda (Holy Ghost), sidaa darted aad ayay ugu adkaatay diimihii islamka iyo christiankuba in ay si sahlan ugu faafeen, sidoo kale waxay dhibaata ka soo wajahday dadkii laadiiniga ahaa(cawaan)”.Wuxuu kale uu yiri ‘jiritaanka diimeed ee Xabashi wuxuu ahaa mid uu mugdi kujiro wixii ka horeeyay qarnigii 4aad ee miilaadiga, Ethiopia waxaa laga caabudi jiray jinka,geedaha,qoraxda iyo cirka).Dhanka kale waxaa lagu turjumay booka Injiilka luqadii tigreega qarnigii 5aad ee miilaadiga,kadib markii ay soo gaareen eithopia wufuud ka socotay kaniisadihii galbeedka kuwaas oo dhisay macaabid iyo meelo lagu faafiyo diinta masiixiga.
Dowladii Islamka Zaylac ee somaliyeed.

Ummadda Somaliyeed run ahaantii waxaa lagu fuliyay qaacidadii ama oraahdii uu yiri Hitler (Hadii aad doonaysid in aad dishid bulsho dil marka hore taariikhdooda) waxaad moodaa in hadalka uu saameeyay ummadda somaliyeed kadib markii ay soo wajaheen hagardoomooyin,dagaalo badan oo kaga imanayay gumaystihii iyo acdaadii islaamka kuwaas oo qariyay taariikhdii dhabta ahayd ,juqaraafigi iyo siyaasadi, waxayna soo saareen dhalin aanan garanayn dhaqankii,taariikhdii uu lahaa dalkoodii hooyo,garaadkooduna oo ku simanyahay taariikhdii uu qoray gumaystuhu qarnigii 20aad xiliyadii isticmaarka,waxaa layaab ah hadii aad ku tiraahdid mid kamid ah dhalintaa caasimada ethiopia ee addisababa waxaa laga xukumi jiray Zaylac ,ithopiana ma aynan lahayn ee waxay qabsatay xiligii boqorkii mililik ama minilik sanadkii 1893, ama aad ku tiraahdid waa qayb kamid ah dhulka somaliyeed ee ay eithopia gumaysato , wuxuu moodayaa dhalanteed halkadhalinta ithopia lagu ababiyo taariikhdana loogu dhigo in eithopia ay iska leedahay lagasoo bilaabo gacanka cadan ilaa suudaan oo aanay jirin wax Somali layiraahdo,hase yeeshe maanta waaba ka daroo dibi dhal ,oo waxaa yimid qaar sheeganaya siyaasiyiin ama mas,uuliyad oo kusoo hogaanshay dalkii cadowgii soo jireenka ahaa ee umada somaliyeed , si xishood la,an ah ugu hadaaqaya ,hadalada ku dhisan axmaqnimo oo oranaya waxaanu nahay dad walala ah,run ahaantii waa wax laga yaqyaqsado ,lakiin taariikhda ayaa xusi doonta ninkii baal dahaba kagalay halganka iyo kii calooshiis u shaqaysta ahaa, lakiin umad waliba waxay leedahay rag u istaago xuriyadeeda iyo jiritaankeda, somaliyana way joogaan wayna joogi doonan Allah idinkiis .
Hadaba u kaalay meelihii ay xukumi jirtay dowlada zaylac ee somaliyeed iyo imaaradaha hoos imaan jiray.
Imaaradii islamiga ahayd ee “Eifaat” waxay ahayd imaarat xakunto dhulka manta loo yaqaan Shaawa , waxayna dhacdaa woqooyiga addisababa 30km, ka hor inta aneey qabsan gumaystihii Amxaarada bilowgii qarnigii 17aad ee miilaadiga, kadib markii la jabiyay ciidamadii muslimiinta iyo geeridii geesigii weynaa Axmed ibraahim gureey,taa oo ka dhalatay markii ay weerer aad u xoog badan ku soo qaadeen macatab u dirirkii (salibiyiintii) naftood hurayaasha ahaa ee uu soo diray Pop Scander ee uu dambi dhaafka u balan qaaday ee kayimid Europe una hiilinayay Xabashida ,markii ay qabsadeen waxay tirtireen dhamaan ,raadadkii islaamka ,masaajidadii, macaahidii quran, ayagoo ku badalay kaniisado iyo macaabid ,sidoo kale waxay gumaaday dhamaan dadkii ku noolaal deegaankaa oo kaliya ay ka baxsadeen dad fara ku tiris ahaa ee u cararay magaalooyinka jaarka la ahaa imaaradaa, sida ay ku sameeyeen dhulkii Andale’s ama halka hada loo yaqaan spine iyo Portugal oo ay gabi ahaanba baa bi,iyeen raadad islaamka ee kajiray 10 qarni.
Marki ay la wareegeen imaaradaas waxay ka aas aaseen boqortooyada shaawa ee christianka ahayd waxay badaleen dhamaan magacyadii magaalooyinka iyo raadadkii ismaalmka.
2. Imaaradii Dawarow waxay dhacday woqooyiga Baali daanta wabiga, waa dhul beeraleey ah walina waxa dago dad Somali ah.
Saldanadii Araabiini ama alabiini labadaba waa lagu sheegay bookta taariikhda, hase ahaatee magaranayo halka ay dhacdo magaaladan lakiin waxaa la rumaysanyahay in ay magaalada abbo, waxayna iskugu jireen dad qodota ah iyo raacato.
Saldanadii Sharkha waxay dhacdaa saldanadaasi bariga abbo, dadka maglaada waa dad lagu sheegay dad culuma ah jecelna diinta Islamka.
Saldanadii Baali waa saldanadii ugu wayneed dowladii zaylac, waxay macruuf ku ahayd wax soo saarka sida suufka, bunka, dharka, waxayna ahayd dhul beeraleey ah, waxayna kamid tahay magaalooyinka cilmiga loo aado geeska afrika, waa magaalo fiqhi iyo luqada .
6. Saldanadii Daarow waxa lagu sheegaa in ay ahayd saladanadii ugu taagta darayd ee dowlada zaylac.
Saldanadii Caadil, saldanadaas kama hayo wax fahfaahin ah, bookta taariikhdu kaliya waxay xuseen magacaa kaliya lakiin waxay ahayd imaarad kamid ah zaylac.
Saldanadii HADYA waxay dhacdaa koofurta eiifaat waxana xukumi jiray suldaan kaanim oo la Oran jiray jaad, suldaankii ugu xooga badnaa wuxuu ahaa suldaankii ugu xooga badnaa ee soo mara imaaradaas,sida la sheego waxaa in ay dhacdo deeganka ay daganyihiin dadka gambeelaha iyo joodiile, dadkaas oo aha dad walaalo la ah somalida waxana lagu kala magacaaba aboow,waryaa,aykaa.
Saldanadaas waxaa ka soo baxay rag ay taariikhdu xustay geesinimadooda, dagaalyahano ah sida geeska weynaa ee u gargaaray diinta islaamka Jamaaluddin Mohammed sacduddin al zaylaci isagoo difaacay marki ay soo wareertay boqortooyadii tigreega jab lixaad lehna u gaystay ilaa uu dilay boqorkii isxaaq ee ahaa boqor kamid ah kuwii ugu waynaa.
Isku dhicii ugu horeye ee Islaamka iyo Christianka ee geeska Africa.
Sida aan lawada socono dagaalka u dhaxeeyay mujtamacadakii Islamka iyo christianku ee wakhtigaa ma uunan ahayn mid ku kooban dhul cayiman ee wuxuu ahaa dagaalka ku socday hab tartan ama loolan diineed si loo kasbado dadkii cawaanta ahaa ee ku noolaa dhulkaa. Islam wuxuu doonayay in dadkaa laga saaro mugdiga, jahliga iyo gaboodfalka loona daadihiyo cadaalad iyo sinaan,halka christianku uu doonayay adoonsiga ,tagri falka dhac,boob iyo in kan xooga lihi uu qaato kan taagta daran xaqiisa, xeerkoodu wuxuu ahaa kan duur joogta .
Hadaba dadkii cawaanta ahaa ayaa la dhacay cadaalada iyo wanaagii ay xambaarsaneyd risaaladii islaamka dabadeedna isu badal Muslimiin taas oo caro galisay christiankii, dabadeedna waxaa bilowday dagaal military iyo mid siyaasadeed oo u dhaxeeya labadii awoodood oo ay kala hogaaminayeen Imaaradihii islamka ee Zaylac, harar, shaawa, eyfat (Adissababa) ee dhulka somaliyeed iyo boqrtooyadii christianka ahayd ee Axmaara ee katalin jirtay buuraha sare ee dhulka eithopia.
Dagaalkaa wuxuu si toos ah u bilowday kadib markii ay burburtay dowladii Aksomia ee tigreega ahayd, taa waxay keentay dhalashadii imaaradi Amxaaro ee dhulka buuraha sare ee eithopia, taas oo markii dambo ku fiday ilaa dhulka tigreega, taana waxay sababtay in ay is dhaxgaleen dhaqamadii, luqadahii amxaari iyo tigreega ilaa markii dambe laga qoray buug kulminaya luqadahaa laguna magaacabay( jacaz) taas oo noqotay luqada cusub ee dowladaa, markaas ayay bilaabeen qolooyinka faafinayay masiixiyada in ay ku fidiyaan qowmiyadaha kale ee cawaanta ahaa iyo in ay ka hortagaan horomarkii iyo faafidii diinta Islaamka ee Ethiopia.
Qaybtii 2aad (Taariikhda colaadeed ee soo jireenka ah ee Somalia iyo Ethiopia.)

Sida aan ku soo xusnay qoromadeenii hore loolankii u dhxeeyay labadii quwadood oo ay kala matalaan dowladii somaliueed ee zaylac iyo boqortooyadii xabashida (amhaara iyo tigree), wuxuu ku bilowday isku dhac diineed, taas oo keentay in uu noqdo dagaal balaaran oo dhinacya badan taabanaya.
Hadaba isku dhacyadaa waxaa sababay arima badan oo ay kamid tahay kala duwnaashiyihii xadaarada iyo diinta, maxa yeelay dadkii muslimiinta ahaa ee ku noolaa geeska Africa iyo dhulkii laga xukumi jiray zaylac, waxay ahayeen dad haysta ilbaxnimo islaami ah oo ku dhisan cadaalad, sinaan,xuriyad iyo dhaqama aad u wanaagsan, halka ay ahayeen dadkii ku hoos jiray boqortooyadii xabashida, dad cawaan ah dulman, oo kujiray adoonsi, waxay sheegaan dadka wax ka qoro taariikhda Africa, in adoonta ugu badan ee lagu kala iibsanjiray suuqyadii caalaamka wixii ka horeeyay qarnigii 7aad ay ahaayeen dadkii hoos imaanjiray xukunkii boqortooyada xabashida.hadaba qoromadan waxaan uga hadli doona isbarbardhig labadii xadaradood iyo wixii laga qoray.
Isbarbardhigidii heererkii ilbaxnimo ee dowladii Islamic ee Zayla iyo boqortooyadii xabashida.
Mudo aad u fog ayay Xamiitiggi Geeska Africa (Somali, Oromo, Sidaamo iyo Cafar) iyo xeebaha Afrikada Bari xiriir ganacsi la lahayeen khooriga Persia, Koofurta dalka Carbeed, India, Indonesia iyo Chine oo raadreebya badan laga helay.
Inbu batuuta oo sahan ku maray zaylac sanadki “1331’ miilaadiga, kitaabiisa “Alcajaaib al-asfaar”ku sheegay “Waa magaalo madaxda barbariga (Somali) oo dadka Dagan ay Muslim yihiin, xoolohooduna yihiin geel iyo ari waana magaalo saylad balaaran leh oo qiima leh” saidoo kale wuxuu socodkiisaa ku tagay muqdisho isagoo la kulmay boqorkii saldanadii muqdisho Abu shawaar Sheikh Abuubakar Cumar Hiloowle,isgoo ku sheegay dadkii daganaa halkaas dad ilbax ah xadaarad wanaagsana leh,wuxuuna sultankii ku tilmaamay in uu ahaa imam caadil ah dadkiisuna ay aad u jecelyihiin.
Hadii aan ku samayno isbarbardhig labadii xadaaradood waxa inoo cadaanaya in ay ahaayeenn kaaf iyo kala dheeri, maxaa yeelay dadkii muslimiinta ahaa ee ku noolaa Zaylac iyo dhamamn geeska Africa waxay ahayd noloshoodu mid aad u sareysa,hadii ay ahaan lahayd xaga Handasada sidii ay u dhisan jireen guryaha,xaga ganacsiga,waxbarashada iyo caafimaadka .
Waxaa taa kuu cadaynaya hadii aad dheehatid magaalooyinki waa weynaa ee somaliyeed sida Zaylac oo ahayd caasimadii dowladii zaylac,harar oo hoos imaanjirtay Zaylac,Muqdisho,Baraawe,Barbara,Marka iyo Cadil.waxay ahaayeen magaalooyinka ugu waaweyna geeska Africa .
Waxay ku tilmaameen qorayaashii iyo dhulmareenadii muslimiinta ahaa nolasha dadkii ku noolaa magaalooyinkaas iyo xukaamtoodiba nolol aad u sareysa.
Hadda u kaalay Ibnu Fadlu-llaah Al-cumari, Al-qalashqaandi, Almaqriizi, Al-idriisi, Al-yacquubi iyo Ibnu-Batuuta “oo ka sheekaynaya magaalooyinka somaliyeed iyo dakii ku noolaa,waxay sheegeen in ay ahayeen magaalooyin aqooneed oo inta badan aad looga ixtiraamo dadka cilmiga leh gaar ahaan culumada, sidoo kale waxay caan ku ahaayeen qudaat(Judges), dhanka boqorada waxay ku sheegeen in boqorku, uu ku fariisanjiray korsi aad u sareeya oo ka samaysan bir lagu xardhay dahab iyo qalin,halka ay umarada kale fariisanjirtay hareeraha boqorka ,sidoo kale waxay tilmameen labiskii ay qaadan jireen boqoradaa oo ay ku tilaamen in uu xiranjiryay boqorku Taaj aad u quruxbadan laguna naash naashay xariir taas aad u quruxbadan, halka madaxda kale ay xiranjireen dhar suuf ka samaysan oo lagu xardhay xariir,halka dadka kale ee shacabka ah ay xiranjireen dhar ka samaysan suuf aad u quruxbadan.
Sidoo kale waxay sheegeen taariikhyahandaasi sicirkii cuntada lagu kala iibsanbjiray suuqayada magaalooyinka Islamic ah waxay sheegeen in 3o rodol ee hilibka ah la siisanjiray 2dirham, waxaa kale oo magaalooyinka wax lagu kala iibsanjiray dahabka iyo qalinka”.
Dhanka kale dhalintii reer Zaylac waxay wax barsho u aadi jireen magaalooyink cilmiga sida Maka,Madiina,Qaahira,Dimishqi iyo Yemen ayagoo ka baranjiray Fiqhi, Xadiis,luqada iyo culuumta kala duwan,sidoo kale waxaad arkaysaa in wadamadaa aanu soo xusnay ay meelo gooni ah ay u cayimi jireen ardada ka timaada zaylac ama dhamaan dhulkii xeebaha ee somaliyeed. Syria tusaale ahan waxaa jiray qasri wayn oo lagu saacidi jiray dadkii ka imanajiray Sudan iyo Zaylac,halka Qaahira azhar ay u cayintay meel la dajiyo ardadii ka imaan jirtay Zaylac waxaana lagu magaacaabi jiray uruqatu Zayaalica.
Waxaa intaa dheer Zaylac waxaa ka soo baxay culumo aad u waawyn oo manta kutubtoodu ay marjac u yihiin fiqhiga iyo xatiithka sida:
Cabdullah Ibnu yuusuf Ibnu Mohammad Al Zaylaci, wuxuu iska leeyahay kutub layiraahdo “Nasbu-rraayah Li- axaadiith al hidaayah” wuxuuna ahaa xanafi, kitaabkaasi wuxuu ka mid yahay kutubada la ictimaado xaga axnaafta ama dhamaan kutubada xadiithka, sidoo kale ardaydii shikha waxa kamid ahaa Ibnu xajar- al casqalaani oo ah shaarixa kutubka layiraahdo “Fatxul baari”.
Wuxuu dhintay shiikhu sanadkii762 hijriga.
Fakhruddin Cusman Ibnu Cali Al-Zaylaci. Kutubtiisa waxa kamid ah, kitaabka layiraahdo “Tabyiinul xaqaa-iq fii-sharxi Kanzu al- Daqaaiq”, waa kitaab aad u qiima badan oo fiqhi ah.
Carab Faqiih, waa qoraagii Imaam Axmed gureey wuxuu qoray kutubka la yiraahdo “Futuux Al-xabasha” waa booga kaliya ee loogu noqdo taariikhdii muslimiintii zaylac iyo dagaaladii ay lagaleen christiankii xabashida iyo Portugal.
Waxaa halkan inooga cadaaday in dadka somaliyeed ay yihiiin dad soo jireen ah oo leh taariikh aad u fog.
Carabtu waxay xeebaha Afrikada Bari ay aqoon u laheyd tan iyo waayo fog waxayna aad wax uga qortay heerka ganacsiga ee magaalooyinka xeebaha iyo dadkii deggenaa dhaqankiisi.
Waxaa xusid mudan ineey carabtii qarniyadii dhexe ee miilaadiga wax ka qortay dalka Somalia waxayna u taqiin dalkii beberigaa ama barri-alcajam walina waagaa sooma ifbixin magaca Somalia.
Qoryaashi Islaamka ee wax ka qoray dhulka somaliyeed iyo guud ahaanba Geeska Afrika waxaa kamid ahaa: Alyacquubi, Ibnu idriis, Yaaqu al xamawi, Ibnu batuuta, Ibnu khalduun, Ibnu saciid, iyo qaar kale oo aad u badan wallow aynan somalidu wax tixraac ah ku samayn.
Hadaba ilbaxnimadii xabashida oo aad u hooseysay markii aad dheehatid nolashii ay ku noolaayeen xabashidu, waxay kor isii kicisay colaadii iyo dagaalkii u dhaxeeyay iyaga iyo muslimiintii Zaylac.
Waxaa dabka ku sii shiday colaada mustawihii ay maraysay xadaaradii dowladii zaylac dhanka maadiga iyo dhanka moralka intaba, iyadoo ilbaxnimadii dowladii zaylac ay ahayd mid la hana qaaday horamarkii barigaa ay ku tilaabsadeen wadamadii muslimiinta ah sida Iraq, Syrian, Magolis iyo Xijaaz,ayadoo zaylac iyo muqdisho ay noqdeen labada magalo ee ugu saraysa xaga ganacsiga ee Geeska Africa .
Hadaba waxaa inoo cadaynayaa xadaaradii xabashidu heerka ay maraysay, qoraaga weyn ee Almaqriizi oo isagu sahan ku maray boqortooyada xabashida iyo waxii uu ka qoray.
Wuxuu ku sheegay Kitaabkisa “Al-ilmaam” Xabashidu waxay daganaayeen guryo laga sameeyay coosh, harna looga dhigay soda ama maqaarka lo,da,waxayna ku cunayeen hilibka lo,da qayriin, isagoo hadalkiisa sii wato ayuu yiri , wuxuu ii sheegay ruux arkay Sayf orcad “wuxuu ahaa mid kamid boqoradii xabashida wuxuuna kamid ahaa usradii Sulaymaniinta ahayd ee xukumi jirtay xabashida, wuxuu xukumayay 1382 ilaa 1411 miilaadiga” in uu arkay isagoo cunaya hilib qayriin ah oo laga soo jaray neef nool oo lo, ah , sidoo kale wuxuu yiri waxaan indhahayga saaray nin cunaya digaagad nool oo qaylinayso”, kafiiri bage 2,3 ee kitaabkaas.
Waxaa taageeraya tilmaaha uu sheegay maqriizi taariikh yahano booqday isaga kadib, ha ahaadeen Muslimiin ama Christian ajaanib ah.
Xiimi oo booqday bartamihii qarnigii 11aad ee hijriga ama qarnigii 17aad ee miiladiga, wuxuu ku sheegay kitaabkiisa “Siiratul xabasha, bage 99″ isagoo tilmaamaya qalcadii uu ku noolaa boqorkii xabashida wuxuu yiri dhamaan guryaha boqortooyadaasi waxay ahaayeen acshaab ama ulo, laga soo jaray dhirta”.
Xiimi kadib, waxaa yimid dhulmareenkii Scottish ahaa James biros oo booqosho ku tagay xabashida sanadki 1183 hijriga ama1769 miilaadiga, wuxuu ku noolaa 3sano, isagoo ku xanuunsaaday, kadib markii uu la qabsan wayay dhaqamadii xabashida, wuxuuna tilmaamay sida ay xabashidu, u malafsanjireen hilibka qayriinka ah gaar ahaan hilibkii lo, da, waxayna dhaayihiisu soo arkeen sida ay hilibka uga siibi jireen jirka neefka lo,da oo nool,dabadeedna ay u cuni jireeneen sidii dugaagi.
Sidoo kale waxa tilaamay arintaa Saadaq baasha Alcadami kadib markii uu booqday isna dhulkii xabashida ee buuraha sare qarnigii tagay.
Hadaba waxaa inoo cadaatay sugnaashiyaha hadalkii uu soo tabiyay Almaqriizi afar qarni kadib.
Dowlada xabashidu maynan ahayn kaliya mid ku liidato xaga nolasha ee waxay aad uga hooseysay dhanka maamulka, dhaqaalaha, dagaalka, dowladihii dariska la ahaa gaar ahaan dowladii zaylac.
Hadaba eeg Almaqriizii oo markale tilmaamaya qarnigii 9aad ee hijrada ama qarnigi 15aad ee miiladiga, wuxuuna yiri “waxay ahayd saldanadii Isxaq daawuud,taas oo maqriizi ay isku wakhti ahaayeen iyo boqrtooyadii Abihii hamajiyiin (juhalo) anan waxba qorin waxna akhrin,wuxuu yiri ma ayna lahayn wax diiwaan,tartiib iyo qanuun intaba .
Guntii iyo gunaanadki, akhristoow hadii somaalidii barigaa ay xabashidii ku khasbeen in ay hilibka qayrinka ah cunaan ama digaagadaha nool ay dufta ku liqaan baqdin ay ka qabeen, in Axmed gureey iyo colkiisi galaaftaan, kuna khasbeen in ay buuraha miciin bidaan, kana zuuliyeen in ay jadiinka mariyaan wax bisil.
Hadaba hadii aad gacanta u gashid caruurtii aabayaashood sidaa loo galay, laguna soo barbaariyay cadowtooyada somaliyeed ama aad isu dhiibtid? maxaad ka filan kartaa? Waxaan u malaynayaa in su, aashaas jawaabteeda cidna gibil ka saarnayn, mirihii kadhashay cadow lasoo dhawaystana, in ay maantaba soo ifbaxeen walina aneey faanoole fari ka qodneeyn. Waxaa intaa dheer ninka aaminsan in ethopia ay ka shaqaynayso maslaxad umada somaliyeed wuxuu lamidyahay Nin abeeso farqaha ku wato.
Horay ayaa loo yiri “Axdi malaha ethopia lagu aaminaaye waa abris iyo abees afka kala hayoo ubad iyo caruur oday iyo haween waxii uu arkaba alamsiinayoo, anaguna hadii aan nahay Islam aayeheenu waa umadyahay midnimo, arligana angaa iskaleh ethiopiana ma ogolin”.
Hase yeeshee waxaa jira rag talo ku gooyay geddina isku raacay in ay geeri iyo nolo ka xigaan gumaysiga, marka Allah waxaan uga rajaynayaa in uu guuleeyo.
TIXRAAC (references).
1. “Wathaaiq cani somal, xabasha, irateria” waxaa qoray Axmed barkhad maaxi”waa qoraa somaliyeed.
2.Alcilaaqatu-siyaasiya bayna muslimi al-zaylac wannasaara al xabasha”.Dr Rjab Mohamed cabdul-xaliim.
3.The Ethiopian, an introduction to country and people” waxaa qoray Ulenderdorff (Edward).
4. “Futuuxul xabasha” Carab faqiih.
5. “Tuxfatunnadaar fii qaraaib al amsaar” Ibnu batuuta.
6. “A somaal wadanan washacban.” Mohamed cabdul muncim.
7. “Duwal fii sharqi ifriiqiya (Somali, harar)”Dr.maxamed muctasim.
8. “Tuxfatul awfiya limasiirati altaxriir, waltacriib liqarni al-ifriqiya”.waxaa qoray Ibraahin Abdullah Mohamed, waa qoraa Somali ah.
9. “Alnizaac al Somali wal itoobia” waxa qoray Cali axmed nur.
10″Al-somaal alkabiir” waxaa qoray Dr.raashid baraawi.
11. “Al-somaal qadiiman wa xadiisan”.waxaa qoray Xamdi sayid saalim.
12. “Islam wal xabasha cabra taariikh”.Almuhandis fatxi qayth.

—————
FG.waxaan ka cudurdaaranaya in maqaalkaygii hore anan soo raacin wax tixraac ah, hadaba aqristaasha sharafta leh waxaan u sheegayaa in masaadirtii hore iyo kuwii dambe intaba an ugu soo gudbiyay halkan, sidoo kale waxaan u mahadcelinaya dhamaan intii igu biirisay talo iyo tusaale,walina kama maarmo talada akhristayaasha,hadaba lasoco
qoromada dambe.
Qore Zakaria Ismail Haji nur.
Pakistan—Islamabad.
Email: zakarie_21@hotmail.com

25227381 (2)

Banaadir Post.

Gabaygii Gudban ‘Gaala-leged’ Sayid Maxame Cabdille Xasan.

25220288

1898dii ilaa 1910 ayaa Sayidku dadka wuxuu ku waday waano iyo waxsiin si loo helo israac iyo wadajir, gaalana meel looga soo wada jeesto. Inkastoo xaruntii dad badani raacay xoogna ay yeelatay haddana dadkii daraash ku maageerraa aflagaado iyo adyad bey ka deyn waayeen iyo iney gaalada garab iyo gaashaanba u noqdaan.

Markaa Daraawiish waxay la ahaatay haddii waanadii iyo wanaagii la diiday in waran caaradii lagu dayo. Isagoo Sayidku Daraawiish gubaabinaya, wixii loo geystena faalo ka bixinaya dabadiisii la laayeyna gocanaya, waxay ka fali doonnaan tusaalaynaya, meelaha in nabarro loo gesto ku haboonaanna timaamaya wuxuu tiriyay gabaygan soo socda magiciisana la yiraahdo “Gudban” Daraawiishise wexey u tiqiinay “Gaalo lagad”

A – Gudban waxaa loogu bixiyay Saydkoo isu mariyay bari iyo galbeed.

B-Gaala-lagad waxaa loogu bixiyay niman aqooni Daraawiish ahyn, wuxuuna gabaygani ka mid yahay gabayada geyiga oo dhan ku faafy.

Sayidku wuxuu in badan isku dayey inuu Soomaali oo dhan kasbado oo si uu ku kasbadaba uu ku guulaysto inay dhinac uga soo wada jeedsadaan gumaysiga.  Gabay ammaan ah, mid guubaabo ah, mid goodi ah iyo mararka qaarkood mid wax ka sheeg ah ayuu ku dayey.  Mar wuxuu ku dayey diin iyo wacdi iyo jeclaysiin uu isleeyahay diinta jeclaysii, cabsida iyo cibaadada Eebbena ku dhalaali.

Marar kale wuxuu isku dayey wax siin uu maal badan dhinac walba u diray isagoo qof kasta oo magac ama maamuus leh farqaha u buuxiyey.  Intaas oo dhan markii waxba Alle ka aabayn waayey, waxay Sayidka iyo Daraawiishba la ahaatay in bal ay xeelad kale ku dayaan.

Iyagoo diinta cuskanaya ayey waxay goosteen in dadku labo midkood yahay.  In jihaadka taageersan oo Daraawiishta la jirta iyo in gumaysiga taageersan oo Daraawiish kasoo horjeeda.  Mar haddaan gumaysiga la jahaadayno ninkii noo soo raaca ama si uun u kaalmeeya waa noola mid ayey ku qanceen.

Mar haddii ay sidaa is tuseen waxay noqotay inay Soomaali badan coloobaan, qof Alla qofkii gaalka usoo raacana ay sida gaalka ula xarbiyaan.

Haddaba Sayidku isagoo isku daraya taariikh hore iyo sifayn xumo badan oo Daraawiish iyo Soomaali idilkeedba lagu falay, xusid nin karmeed badan oo Daraawiish laga makalay iyo sida ay Daraawiishi arimahaa uga gilgilan doonto ayuu wuxuu tiriyey gabaygan hoose.  Gudban ayaa loo yaqaan gabayga, dadka qaarkiina Gaalolegad ayuu ugu yeedhaa.  Waxaa la sheegay in Daraawiish oo dhammi xafidsanayd gabaygan.  Wuxuu yidhi Sayidku:

Awal maanso waataan gudboo, gudhiyey waayaaye
Waataan galbeedkaas u diray, guga hortiisiiye
Aan gasheeyo tii xalay hurdada, gama’a ii diiday

Galladaha Illaahay ka badan, geedahaas baxaye
Guushuu inoo yeelay baan, idin garwaaqsiine
Guddiyey i maqal waxaa tihiin, gacaladaydiiye

Najiskii gurta xumaa hadduu, shalayto geeryooday
Godka lagu cadaabkii haddaan, gawrac ugu jiiday
Uu guduri cunay waa waxay, galabsanaayeene

Dhurwaagii ka giigaan u diri, gacan salaameede
Isagay gargaaroo dugaag, iiga goonniyahe
Haddaan garan gunaan siin lahaa, gooriyo ayaane

Gandal-dheere waataan wax badan, guuyaduu madhaye
Gef hadduu ku sii daray wixii, lagu gufeynaayey
Anigu wow garaad qabay inuu, gigi waraabuuye

Giriirixis aan jirin waa wixii, gaabshay oo rogaye
Gaaleyska waataan la dhacay, gucurradoodiiye
haddeynan abaal gadin sidaa, uma gadoodneene

Godolkiyo kasnaantaan u qabay, kama galgaaleene
Kumana gaagexeen abid hadday, nabad ku goohaane
Waxse mowd ku gaardiyey markay, ganafka taageene

Gobowgii Shuxle ahaa haddaan, gowsihii jebiyey
Gegida Yuusuf jiifuu tukuu, gabas-dhebaayaaye
Geesaaska dumarkaa sidii, galow la moodaaye

Geed-joogahoodii haddaan, guduridii siiyey
Gus-ku-taajir baa ii hadhoon, ugu gamuumaaye
Cismaan iyo waxaan gaadayaa, gabannadiisiiye

Majeerteenka kale inaan ku gudo, wayga garanuuge
Garacyada Bahdira haatanaa, guuto loo wiciye
Waa lagu galaal xoorayaa, gurigi Reer Nuure

gabagaba-rogaalkaa warmaha, lagu ganaayaaye
goobbay ku wada lee’an sidii, goosan weer helaye
Gafuurraxun sidee Eebbahay, guuldarra u raacshay

Afartaa geddii aan bartiyo, gololo’daydii dheh
Gerbidaan ka soo hoorin jiray, godol naqaygii dheh
Madfac gow yidhaahdiyo rasaas, gininigtoodii dheh

Guulaamo roob da’ahayiyo, gababaxdiisii dheh
Unkod guguguclayn iyo hillaac, galalacdoodii dheh
Gufaaciyo gudgude soo curtiyo, garamahoodii dheh

Guluuliciyo mayay laysku daray, galangalkoodkii dheh
Gal xareeda daad soo gabraday, gal iyo duufaan dheh
Bad gariirtay mowjada gurxamay, gacammadii Ayl dheh

Shir la gooday waayeel gab yidhi, garangartiisii dheh
Xariir lagu gimmaamadahayiyo, gole firaasheed dheh
Xaajada ninkii garanayiyo, gig iyo sheeggeed dheh

Gobo’ kalana waa aniga iyo, ged iska sheeggayga
Galiilyoodayeey cadho miyey, gubatay laabtaydu
Gogoshii la ii dhigay miyaan, geydh la qaban waayey

Gabbal dhiciyo waaberi miyaan, socod ku gaarraaday
Gadiid maalin oo idil miyaan, gaafka sare meeray
Sidii awr gabraareed miyaan, gululubluu rooray

Ma gudoodigiyo suudigaa, gubadka ii yeelay
Ma geddaabadhabadkaa sidii, geri i boodheeyey,
Gooxii aan yuururay miyaan, gibil madoobaadey

Raggii igu gadaannaa miyaa, aakhira u guuray
Goortaan garwaaqsaday miyaan, gocoshadii eeday
Gamiinkaan xanuunsaday miyaan, gorodda laadlaadshay

Gelin haddii aan foororay miyaan, giirka kor u qaaday
Guhaad iyo calool xumo miyaan, geydhtayoo diriray
Hadba gees miyaan deyay intaan, gownaxyada buuray

Guntigaan maroorsaday miyaan, labada low geeyay
Gaashaanka iyo tiirigiyo, gamas miyaan qaatay
Ma genbaan u taagnahay intay, gaadho noloshaydu

War ma Dhooddi baa gaamuroo, garabku weynaaday
Ma galaasyo miidaan ku shubay, gamashigii dayrta
Gorgor kacey la moodyow durduro, ma igu gooraamay

Godobtaydu way wada jirtaa, goonyohoo idile
Gashi niman ku leeyahayba waan, dabagelaayaaye
Waxaan goosan karo anigu waan, gurubsanaayaaye

Gardarradiyo maaggii i helay, waan ka geylamiye
Gartay weeye dunidaba inaan, galalafeeyaaye
Gayigaba waxaan doonayaa, inaan gumeeyaaye

Nin ganaananayaan ahaan, gabadhna dhaafayne
Waxaan geysto oo idili way, gun iyo rayrayne

Wixii guul darraystaba naflaha, wow gagabayaaye

Anigaba geddey igu faleen, waa gaggaab culuse
Gallad nimaan ka qabo laguma oga, gebiga Daaroode
Giddigoodba waatay girliga, nagu garaaceene

Anaa gaafahaaygii nadhaye, geyste nabarkiiye
Anna waxaan rasaasta u gingimay, gini colaadeede
Gabagabaha Bari waxaa ku xigi, go’aha Iidoore

Guban iyo Burciyo Looyo waa, gaalib weerar e
Gooddiga Arooraa fardaha, lagu garmaamayne
Gaaroodi iyo waa la tegi, buurihii Golise

Galaayuubta Hagar Aadan baan, gaaddow marine
Gembi wowgu ridi fulayadii, ganafka dheeraaye
Geeltoosiyaha waa la siin, gucurradoodiiye

Sidii garowhadhuudh baan kurtiis, guran Ogaadeene
Galaamaha haddii aanan ka deyn, goor walbaba jooga
Inshaa Allaahu way gudhahayaan, sida gal miireede

Gurraasiyo Iljeex waa la qaban, gooshka haatana e
Malahayga waa lagu galgalan, gaanka Reer Dalale
Gaas baa ku caran Reer Subeer, goborra weyntiiye

Kolaan Goora Cobolleey ka dayo, amase Geel-loo-kor
Huwan waa ka gabangaabsadaye, gelin ma waayaaye
Haaruun xaggee baa la geyn, Goha miyuu dhaafi

Afartaa gudbaye balaan mid kale, soo gadaal celiyo
Sidii goray garraar sare ka baxay, garabka maan taago
Waxa guudka iga fuushan iyo, galayax maan muujo

Gabgabtiyo galaydhyeyntu waa, godol hortiisiiye
Ninkii goomman wow shubahayaa, galaxa caanoode
Gabbaan laguma sooree nin raga, balaan ganuun siiyo

Waan gaaxsanaan jiray tan iyo, garashadaydiiye
Sidii goodir dhalay haatanaan, gaawa leeyahaye
Aan gafleeyo geerarshahaas, gaafan baan ahaye

Xaajada nin gunaan ahee, aan u garraardaayo
Markab aashi gaambiyi sidiis, balaan u guurreeyo
Meeshuu garraarkeedu jiro, gow aan kaga siiyo

Nimaan gedo yarayn baan ahoo, Gaadda Weyn jiraye
Waa ii garaad li’i dantay, inaan ka gaaftaaye
Gobo kalana waa Eebbahay, midaan galliimeystay

Eebbow geyiga oo dhan waa , nalaga guulaaye
Waa noo gedleeyaan dadkii, gaalada ahaaye
Eebbow Giriig kolay ku tahay, nala gamuunneeye

Go’na lagama qaadine dulmay, nagu gelaayaane
Gabbaad kale hadday noo helaan, waan gam’i lahaaye
Eebbow waxay nagu garbeen, diinta soo gala e

Eebbow gadhka haddaan qabsaday, gaaxshe nabaddiiye
Eebbow gammaan iyo waxaan, gini cas dhiibaayey
Eebbow garow kagama helin, goolashaan wadaye

Gambalaaligii bay warmaha, nagu garraaxeene
Eebbow way gumaadeen raggii, gaanaha ahaaye
Eebbow waxay gabawareen, Gaagguf iyo Xayde

Xirsigii garaaraha lahaa, gaarufkii dile e
Geydhaale Aw-Aadan bay, galowga taabteene
Eebbow geesigii Ina Dherey, ugu guduudsheene

Guxushaaga Baynaxa ilmadu, waatan gabaxleyne
Gorroska Muuse-taaganaa wadnuhu, ila gariiraaye
Eebbow ways gamaamaa markuu, gaarka soo maro e

Guuleedku wuxuu noo ahaa, guurti loo hiranne
Nimankii garaaddada ahaa, waa gadow jabane
Eebbow sidii gaanti maro, waa la gaasiraye

Eebbow gaadhi bay Reer Warfaa, guradiii saareene
Gubni baa ku dhacay reerihii, gaannanaan jiraye
Eebow goonni baa laga heliyo, guri qalaadeede

Gaaggii ka hadhay Reer Shawaa, caydh la golosleyne
Waxa goday sidii qaanso waa, gaajo iyo ciile
Eebbow waxaa gorof ku raray, duul Geshiiisha ahe

Cali-geri sidii loo gondolay, gobolba meel aadye
Waa gelengal nimankii fadhiyay, guriga Ciideede
Eebbow gurbood baa hadhiyo, gaban agoomeede

Eebbow goonji weyn iyo xaqbay, naga gullaafteene
Guullow ma helayaan waxay, nagu gubaayaane
Eebbow waxay naga gogtaan, waa galoof olole

Eebbow sidii guun haween, giidu waa aniye
Eebbow nin goba baan ahoo, guni rifaysaaye
Eebbow waxaa noo gurmaday, gaaya alifleeye

Ma garaysni Eebbow waxaa, guufanneyska ahe
Eebbow gabooddii dorraad, waan ka gar-Allayne
Eebbow markaan geyllamey, guulmiyo baqiye

Eebbow guddoonkii sharciga, gooye bahashiiye
Eebbow kufriga gedeftaley, gacanta haystaane
Eebow anaa kugu garlehe, guusha ha I seejin.

Banaadir post.

 

DARAAWIISHKII IYO DADKA SOMALIYEED:-Sayid Maxamed Cabdille Xasan uu kusoo noqday Berbera isagoo xajka ka yimid sanadku markuu ahaa 1895kii,Muxuu la kulmay Sayid Maxamed,AUN.

25064016

Markii Sayid Maxamed Cabdille Xasan uu kusoo noqday Berbera isagoo xajkii ka yimid sanadku markuu ahaa 1895kii wuxuu tagay miyiga Berbera wuxuuna faafin jiray diinta Islaamka isagoo umadda uga digi jiray inay is dhacaan iskuna duulaan.  Wuxuuna heshiis ka dhex beeri jiray beelaha wada degan haddii ay isqoonsadaan.  Sidaa awgeed, Ingiriisku wuxuu Sayidka u arkayey ugu horraynba inuu ahaa nin laga dambeeyo oo awood u leh inuu xasiloonaan ka dhex dhaliyo qabaa’ilka Soomaaliyeed.  Kuxigeenkii qunsulkii Ingiriiska Berbera u fadhiyey waxa uu xidhiidh joogta ah la lahaa Sayid Maxamed, haddii qas dhaco oo miyiga ka dhacana waa lala socodsiin jiray waxaana laga codsan jiray inuu wax ka qabto. 

Ingiriisku waa ogaa in Sayid Maxamed lee yahay xer badan hase yeeshee marnaba kama cabsanaynin odoroskana kumana jirin halgan gobonimodoon ah oo ka bilowdo gayiga Soomaaliyeed.  1899kii waxaa laysa dhex mushaaxay magaalada Berbera Ingiriiskiina soo gaadhay in Sayid Maxamed uu uruursanayo rag iyo saanad si uu ugu duulo una qabsado degmooyinka Koonfur Bari.  Dawlada Ingiriisku waxay ku dhaqaaqday inay arintaa isku taxalujiso si ay u ogaato runtu waxay tahay, hase ahaatee Ingiriiska uma suuragalin inuu si sahal ah ku ogaado Sayidka iyo akhbaartiisa waayo dadkii Soomaliyeed ee reerguuraga ahaa baa diiday inay Ingiriiska u xogwaramaan markii la waraystay.

April 12, 1899kii qunsulkii sarre ee Ingiriiska Gaashaanle Sare J. Hayes Dawson* waxaa soo gaadhay warar sheegaya in Sayid Maxamed madax ka yahay ciidamo hubaysan oo tiradoodu gaadhayso 3000 uuna tabaabusho ugu jiro duulimaad ba’an oo uu Ingiriiska kusoo qaado.  Bishii August 1899kii waxay ilaaladii Ingiriisku soo sheegtay in Sayid Maxamed yimid Burco isaga oo wata ciidamo 5000 ah oo 1500 oo kamid ahi ay fardooleey yihiin, 300 oo ka mid ahina ay banaadiikh haystaan.  Burco waxay ahayd meel xagga tabcooyinka dagaalka aad ugu haboon waayo biyo joogta ah bay lahayd xilliyada abaaraha ah.  Sayid Maxamed Cabdille Xasan waqtigaa wuxuu si badheedh ah ugu dhawaaqay inuu dagaal muqadas ah oo gobonimo doon ah Ingiriiska kula jirro asgartiisiina wuxuu u baxshay Daraawiish, wuxuu u faray qabaa’ilka Soomaliyeed oo dhan inay la dagaalamaan, jihaadka liddiga gaaladana ay la galaan.

  • Waa tuu dareersaday fircoon diracyadiiniiye

  • Waa tuu diyaar ugu akhriyey diinta gaalada e

  • Dabci beenna weeyaan waxaad nagu dayeysaane

  • Waa waxa dariiqii sharciga uga dilowteene

  • Dowgii Rasuulkiina waad daba martayseene (scw)

  • Nin dardaran iblayskii dafaa dow ka raaridaye

  • Dallacaad jacayl baad kurtiin noola dirirteene

  • Dubaaqiina waxa saa u galay daara buuxsade e

  • Dux kama heshaan Ferenji aad dul i dhigataane

  • Dabin buu idiin qoolayaa waydin dagayaaye

  • Dirhamkuu idiin qubahayaad dir u go’aysaane

  • Marka horre dabkuu idinka dhigi dumar sidiisiiye

  • Marka xigana daabaqada wuu idin dareensiine

  • Marka xigga dalkuu idinku odhan duunya dhaafsada e

  • Marka xigga dushuu idinka rari sida dameeraaye

Sidaa daraadeed, magaalada Berbera waxaa soo xaluushay akhbaar cabsi leh oo sheegaysa in ciidamada Daraawiishtu ay kusoo dhow yihiin Berbera markii ay soo galaana ay baabi’in doonaan ayna dhici doonaan maalka iyo moodka shisheeyaha magaaladana gubi doonaan.  Arintaasi argagax iyo cabsi ayey ku riday Ingiriiskii iyo gadisleydii Hindida ahayd kuwaas oo xoolihoodii oo dhan, badeecad iyo qalab waxay lahaayeen ku daldashay markab magaciisa la odhan jidhay FALCON waxayna u qaxeen magaalada Cadan ee dalka Yemen.  Nimankii shisheeyaha ahaa ee Soomaliya ka tagay waxay usii qadimeen saraakiishii iyo ciidamadii Cadan laga soo qaadayey khatarta sugaysa marka ay Soomaaliya cagta dhigaan.  Shisheeyihii ku hadhay Berberana habayn qudha ma ladin ilaa xeebta Berbera ay soo gaadheen laba markab oo kuwa dagaalka ah oo la kala odhan jidhayMedos iyo Bahome.

September 1, 1899, Warqadan buu usoo diray Ingiriiska oo ku qorayd Afka-Carabiga.  Sayidku waxa uu warqadiisa ku bilaabay sidatan: 

Ka: Maxamed Cabdille Xasan

Ku: Ingiriiska

Waxaan idiin sheegayaa in aad samayseen wixii aad doonayseen, waxaa kale oo aan idiin sheegayaa in dadka idin rumaysan ay yihiin kuwa khaa’imiin ah oo diintoodii iyo dalkoodiiba caasiyey.  Waa Maxamedkii aad taqaaneen oo idin warsanaya in aad hubka iska dhigtaan ood isdhiibtaan sidaa darteed baan warqadaan idiinku soo diray.  Eega laba kala doorta:  haddii aad dagaal doonaysaan gudooma baanu lee nahay, haddii aad nabad rabtaana baxsha qiimaheeda oo ah in aad dalka isaga tagtaan.

Qunsulkii sarre ee Ingiriisku markii uu akhristay warqadii Sayidka  aad buu uga cadhooday waxaana Ingiriisku u aqoonsaday Sayidka inuu yahay nin ku shuftoobay taliskiisa, wuxuuna digniin ku bixiyey Soomaalidii taliskiisa ku hoos jirtay in ciqaab ay la kulmi doonaan haddii habayaraatee wax xidhiidh ah ay la yeeshaan ama kaalmo u fidiyaan Sayidka.  Ingiriisku waxay Sayidka u baxsheen ‘Mad Mullah’ oo macnaheedu yahay wadaadkii walaa, waayo xilligaa gumaysigu wax aan miyir qabin oo biimo ah ayuu u haystay ciddii xooga Ingiriisku lee yahay isku dayda in ay is hortaagto.  Taaktikada iyo tabcooyinka dagaalka ciidamadii Daraawiishta oo xambaarsan waanadii xusuusanna gabayadii guubaabada lahaa ee Sayidka naftooda bay u hureen dalkooda iyo diintooda siddii ay u daafici lahaayeen.

  • Ninkii bala’da lagu yeedhiyee bayraq lagu duubay

  • Kol hadduusan bara aamin baahi geys noqonin

  • Inaan boqorka loo deynahayn ba’aha yow sheega

  • Runba nimaan u baydhayn ibleys barale weeyaane

  • Buunshuhu bilaash iyo hadduu been ka tagi waayo

  • Inaan dhegaha loo balalinayn ba’aha yow sheega

  • ..

  • Baalxaafka waxaa loo sitaa beer wax how dile e

  • Ninkii loo burhaan qabay hadduu beyda kari waayo

  • Birtiisu ha jabtee inaan la rabin ba’aha yow sheega

  • Bogga laga mudyoow fulaygu wuu baydadahayaaye

  • Goortuu bidhaan cadow arkuu balow yidhaahdaaye

  • Inaan mowdka laga baajinayn ba’aha yow sheega

  • Geesiga halkii lagu baxay baa bili ka raacdaaye

  • Bilaawaha kolkii uu la baxo looga kala baydhye

  • Isaguna buruu leeyahaye ba’aha yow sheega

Bilowgii sanadkii 1900 Ingiriisku wuxuu heshiish la galay boqorkii dalka Itoobiya Mililikh waxayna isku waafaqeen in ay wadajir Sayidka ula dagaalamaan.  Waxaana bishii March 1900, kasoo ambabaxay magaalada Herar ciidamo Xabashi ah oo uu hogaaminayey sargaal Ingiriis ahi, waxayna 24 Maarso Daraawiishta iyo ciidamadii Xabashidu isku haleeleen Jigjiga halkaa oo wax la dilay iyo wax la dhaawacay laga dhigay.  Hayes Sadler oo ahaa qunsulkii sarre ee Ingiriiska waxa uu u diray H. G. C. Swayne dhanbaalkan:

Ujeedada duulimaadkiinu waa inaad dishaan Sayidka ciidamadiisana jabisaan, haddii uu Sayidku isdhiibo waad aqbali kartaan, haddii uusan arintaa wax shuruud ah ku xidhin.  Markaa ka dibna waa inaad baabi’isaan dhamaanba qabaa’iladii Sayidka taageerada u fidiyey.

 Isagoo fulinaya amarkaasi kasoo baxay dawladda Ingiriiska, Swayne oo ciidamo xoog badan oo Afrikan, Hunuud iyo Asian isugu jira wata baa si rasmi ah Sayidka ugu soo qaaday duulimaadkii ugu hareeyay. 

Bishii November 1900, waxaa  dalka Soomaaliya yimid Gaashaanle Sare Swayne si uu u hogaamiyo duulimaadkii u horeeyay ee Sayidka lagu qaadayey.  Swayne kuma uu cusbayn dalka Soomaaliya ee hadda ka hor buu soo raacay walaalkii S. S. Swayne oo ahaa ninkii dalmareenka ahaa ee sahanka ku maray degmooyin badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya, ninkaa oo ahaa kii qoray buugga la magacbaxay Seventeen Trips Through Somaliland oo macnaheedu yahay Todoba iyo Toban Socdaal ee Soomaliya Lagu Maray.

Gaashaanle Sarre Swayne waxaa loo xilsaaray inuu dhiso ciidamadii Sayidka laga horgayn lahaa wuxuuna adkeeyay heshiiskii uu Ingiriisku la lahaa Xabashida, waxayna go’aan ku gaadheen in ciidamo huwan ah ay Daraawiish ku kacaan sidaa daraadeed wuxuu Ingiriisku dalka Itoobiya u diray Gaashaanle (……………………..) oo ka tirsanaa ciidamadii la odhan jidhay Royal Guards, ninkaasi oo soo gaadhay Herer April 1901 si uu u soo qabanqaabiyo una tababaro ciidamo dhinaca galbeed ka weerara Sayidka.

Ingriisku wuxuu dagaalkaa ku waayey kumanyaal askar ah iyo saraakiil fara badan oo ay ku dhaaran jireen, waxaana ka mid ahaa Gaashaanle Phillips, Dhame J. N. Arms, Dhame C. N. S. Cord iyo kuwa fara badan oo kale.  Markii uu Berbera yimid Swayne wuxuu bixiyey xogwarankan:

Waxaan aad ula amakaagay sidda ay naftooda u biimaynayaan Daraawiishtu.  Marnaba u malayn maynin ilaa aan dagaal kula kulmay in khatarta Daraawiishtu heerkaa gaadhsiisan tahay.  Daraawiishtu waxay u badan yihiin niman xaasaskoodii, ciddoodii, iyo maalkoodii kasoo tagay si ay u noqdaan naftood hurayaal.  Waxay sitaan cimaamado iyo go’yaal bayl ah, waxayna qabaan amar ah inay dilaan Ingiriiska iyo askartiisa qiima kasta ha ugu kacdee, iyagoo rumaysan haddii la dilo iyo haddii ay wax dilaanba inay janada galayaan. Sidaa darteed, goobtii dagaalkii raggii Daraawiishta uga dhintay waxay u badnaayeen xaajiyaal iyo shuyuukh noogu soo galay dhufayskii aanu ku jirnay iyagoo leh, Allahu Akbar ama Ilaah baa weyn.

Hadalkaasi waa xog warankii Swayne.  Duulimaadkii koobaad iyo kii labaad oo bilowday 1899 waxa ay dhamaadeen October 6, 1902 dii.  Goobihii Ingiriiska iyo Sayidku ku kulmeena waxaa ugu weynaa Af-Bakayle iyo Fardhidin. 

  • Ninka gaala aynabay intuu gamasyada u qaatay

  • Gubniyaalka fooskaa ninkii gowrac ugu jiiday

  • Sidii boodhle geesala’ ninkii gaaddaduu mariyey

  • Igiriiiska goolka ah ninkii gudurida u loogay

  • Guutooyinkuu wacay ninkaan gaban kasoo deynin

  • Girligaammaduu siday ninkii goobta kaga qaatay

  • Geesaaska Cadmeed ninkii kaga gallaydhsiiyey

  • Gidigeed Nasaarada ninkii goomanka u qooyey

  • Siddii caydh gorfaalaa ninkii gobolba meel aadshey

  • Geyigaba ninkii galangashee guuya kaga dhaartay

  • Gabagaba intuu dhigay ninkii libin ku geeraaray

  • Gadoodkii dagaalkii ninkii guusha kala laabtay

  • Gaafaha ninkii laga maree haatan laga gaaray

  • Garbiduu ku tiirsaday ninkaan laga gurguureynin

  • Ninka yidhi gol madhan waa miduu galay wadkiisiiye

Ingiriiska intii ay socdeen labadii duulimaad ee horre waxaa u korodhay waayo-aragnimo dheeraad ah waxayna ogaadeen xoogga Daraawiishta oo ah mid aan dhayal loo loodin karin.  Ciidamadii Ingiriiska ooy kamid ahaayeen kuwii la odhan jidhay King’s African Rifles waxaa kusoo kordhay kalsooni darro iyo baqdin ay ka qaadeen Daraawiishta oo aan cadowga u turin.  Si haddaba loo qabanqaabiyo loona kiciyo duulimaadkii saddexaad waxaa Soomaaliya yimid Oktober 23, 1903 dii General W. H. Manning, dawlada Ingiriiskuna waxay heshiis la yeelatay Talyaaniga oo ay isku waafaqeen in Talyaanigu geesta Bari kasoo weeraro Sayidka.  Sidaa darteed laba markab oo ah kuwa dagaalka ooy Ingiriiska iyo Talyaanigu kala leeyihiin ayaa xeebaha dalka ku wareegaalaysanyey si ay u sahmiyaan meel ay asgartooda kasoo dajiyaan Sayidkana ka gaadaan.

September 16, 1903 dii waxa uu golaha wasiirada ee dowlada Talyaanigu u ogaaladay in Ingiriisku kasoo rogo ciidamo uu lee yahay magaalada Hobyo, sidaa daraadeed Ingiriisku wuxuu go’aan ku gaadhay inuu wado duulimaadkii saddexaad isagoo ciidamo xoogleh kasoo rogay Hobyo iyo Berbera si uu dhinac walba uga hareereeyo Sayidka.  1903 dagaalkii ka dhacay Gunburo Ingiriisku wuxuu u bixiyey Raqdii Gunburo sababtoo ah goobtaa waxaa ka raacday guuldaro culus.

April 1903 dii Sayidku wuxuu Ingiriiska usoo diray warqadan markii Nugaal uu u hayaamayey:

Ka: Sayid Maxamed Cabdille Xasan

Ku: Ingiriiska

Waxaan idin leeyahay maqla hadalkayga oo tixgaliya.  Waxaan doonayaa in aan dalkayga u tasho diinataydana daafaco.  Hadalkayga maqla oo tixgaliya.  Ma aad maqashaane dhibbaa dacalka idiin soo gaadhay.  Waxay idiinku sheekeeyeen Daraawiishi waa carartay, ma ay cararinse ee waa dagaalamayaan.  Waxaan u guuraynaa meeshii aan doono anagoon baqayn.  Waxaan doonaynaa in aan idinla dirirno dagaalkana aad ayaan uga helaa, hase yeeshee idinku maya.  Haddii Ilaahay yidhaahdo waxaan idinka furandoonaa hub fara badan.  Anigu ma lihi hodannimo, ma lihi guryo, ma lihi beero, ma haysto dahab iyo dheeman midna aad iga dhacdaan.  Dadkaygu wax wanaag ah idiin mahayo idinkuna uma haysaan.  Aniga waxaad iigu timaadaani waa xabad iyo dagaal wax kalana iga heli maysaan.  Waxaan kula kulmay raggiinii dagaal waana aan wada gowracay.  Dadkii naga dhintay waxay shaqaysteen janno, Ilaah baa nala jirra haddii aad dagaal wadaan raali baanu ka nahay haddii aad nabad rabtaana ka baxa dalkanaga oo aada dalkiinii, haddii aad dagaal rabtaana sii jooga.

July 3, 1903 dii waxaa dhamaaday duulimaadkii saddexaad oo intuu socday Sayidka iyo Ingiriisku Bari iyo Waqooyiba ku dagaalameen.  Waxaa Ingiriiska gaadhay jug weyn waxaana saraakiishii uga dhintay dagaalka ka mid ahaa Gashaanle Sare A. M. Ruthford, Gaashaanle Dhexe A. W. D. Francis oo hogaaminayey ciidamadii la magac baxay Regiment Manchester, Dhame S. T. Albright oo taliye ka ahaa ciidamdii loo yiqiin ……….. Regiment, Kabtan J. John Stewart oo ka tirsanaa ciidamadii loo yiqiin Argyll and Sutherland Highlanders, Dhame H. H. de B. Morris oo madax ka ahaa Est Kent Regiment, Dhame J.A. Gayonr, Dhame S. L. McKinnon oo madax ka ahaa North Derby Regiment ciidamo badanna xukumay.   Guud ahaan, sida uu qoray Douglas Jaridine, waxay  dagaalkan Daraawiishtu dhagta dhiiga u dartay sagaal (9) sargaal oo sarsare oo ciidamadii Ingiriiska hogaanka u hayey, in ka badan 187 askari, iyo in ka badan 29 askari oo dhaawac xuni soo gaadhay.

Magacyadaa aan soo xusnay waxay ka mid ahaayeen boqolaalkii saraakiil ee Daraawiishtu laysay dagaalku intuu socday. 

Duulimaadkii afraad wuxuu ahaa mid ay xoog uga qeyb galeen maraakiibta dagaalku, waxaana Ingiriisku go’aan ku gaadhay in Sayidka siddii dowlad xoog badan oo kale loola isticmaalo.  General LAYNE ayaa loo xilsaaray fulinta duulimaadka afraad, waxaa kale oo la shaqaynayey Sareeye Guuto Egerton iyo Sareeye Guuto  Fasken.  Intii uu socday dagaalkaasi waxaa Ingiriiska Sayidku gaadhsiiyey khasaarooyin xoog badan waxaana cadowga ka dhintay saraakiil badan oo ay kamid ahaa Dhame J. R. Williams, Dhame G. Ester, iyo Laba Xidigle T. H. Aurder iyo kuwa kale oo badan.  Goobihii laysaga horyimid intii duulimaadyadaasi socdeen oo Daraawiishta iyo Ingiriisku isku haleeleena waxaa ka mid ahaa Beerdiga, Cagaarweyne, Daratoole, Taargooye, iyo Jidbaale.

Haddii aynu tusaale ahaan usoo qaadano heshiishkii Pestalozze 1904tii, wakiilkii dowlada Talyaaniga u fadhiyey Soomaaliya Pestalozze wuxuu aaday Illig oo uu rabay inuu Ingiriiska iyo Sayidka ku dhexdhexaadiyo wuxuuna ugu horrayn hindise kusoo jeediyey in Sayidka:

  1. Degaan rasmi ah la siiyo

  2. Dawladnimo gudaha ah loo ogolaado

  3. Xornimo iyo madax banaani ganacsi la siiyo oo uu helo

  4. Nugaal iyo Howd ay noqdaan dhul aan Sayidka lagu faragalinin

Maarso 5, 1905tii baa Sayidku heshiiskaa dhab ahaan u ogolaaday isaga oo doonayey inuu helo muddo uu isku dubarito ciidamadiisa, hubna baadigoobto, iyo in uu kasoo kabto khasaaradii ka gaadhay dagaalkii Jidbaale.  Heshiiskaasi markii in yar dhaxal gal noqday, ayaa Ingiriisku wuxuu bilaabay inuu hub ka baadho doonyihii Sayidka badeecada u siday.  Sayidku wuxuu Ingiriiska u soo diray warqad uu ugu sheegayo inay khilaafeen heshiiskii, markii ay baadheen doonyihiisii iyagoo ka gaashaamanayey in Sayidku hub culus lasoo dego, arintaa oo Sayid Maxamed aad iyo aad uga cadhooday, waxyeelada ka imaandoonta uu Ingiriiska yidhi idinka ayaa qaadaya.  Wuxuu Sayidku warqadiisa kusoo hagaajiyey taliyihii sarre ee Ingiriiska F. C. S. Gordon, wuxuuna u sheegay in haddii la doonayo in heshiishkii Pestalozze uu hirgalo oo uu socdo inaan lasoo faragalin Sayidka badeecadiisa loona soo celiyo hubkii iyo saadkii laga dhacay.

Sayid Maxamed waxa uu si badheedh ah ugu sheegay Ingiriiska mar haddii ay jabiyeen heshiiskii isaguna in uusan maanta ka dib dhowraynin, arintaasi oo Ingiriisku u fasirtay in Sayidku soo kicin doono dagaal hor leh.  Sidaa daraadeed waxaa laysku soo qaaday in la dumo duulimaad iyo col fara badan oo Sayidka laga horgeeyo.  Dalka Ingiriiska 1908 baarlamaanku canaan kulul buu usoo jeediyey dawladda isagoo ku eedeeyay lacagta faraha badan ee dagaalka lagu hoobtay Ingiriisku uu ku bixinayey iyo askarta faraha badan ee ku dhimanaya.  Sidaa darteed, November 30, 1908 wasiirkii isticmaarka ee Ingiriiska wuxuu u soo diray taliyihii ciidama ee ka talinayey Soomaliya warqad uu ugu sheegayo in aan Ingiriisku hadda ku talo jirin dagaal Sayidka lagu qaado.

Dawlada Ingiriisku waxay isku dayday inay Sayidka kula isticmaasho siyaasad la mid ah tii boqoradii Hindida ay kula dhaqantay oo ah inay maal badan iyo mushaaro joogta ah siiso.  John Talon, Maarso 3, 1910 wuxuu baarlamaanka Ingiriiska kasoo jeediyey hindise laysku raacay oo ah in Sayidka sanadkiiba la siiyo 2,000 oo Istarliin (lacagta Ingiriiska.)  Hase yeeshee Sayidku gaashaanka ayuu ku dhuftay arintaas wuxuuna u sheegay Ingiriiska inuu doonayo gobonimo, gobonimadana aan la gorgorin karin.  Sayidku wuxuu hadalkii kusoo koobay diintayda iyo dalkayga gadan maayo.  Wuxuu yidhi: 

  • Nimanyahoow damiinimada waa lagu duloobaaye

  • Dadku wuxuu jeclaystaa waxaan duxi ka raacayne

  • Anaa diidaday dagal inaan la galo daalin ii col ahe

  • Dalka ma lihid anigaa ku idhi dooro weynaha e

  • Anaa diiday nabadiisa aan daacad noqonayne

  • Anaa diiday deeqdiisa ay naari dabataale

  • Anaa diiday maantuu lahaa duunya iga hooye

  • Markay duusho gaaladu anaan daabada u qabane

  • Kolka ay dareeraan anaan duud xamaal noqone

  • Dahabkii uuu waday waa anigii daadiyoo qubaye

  • Dagaalkiisa anigoow xishayoo daalib ku ahaaye

  • Durdurada Fardowsaad anaa doortay oo rabaye

  • Diinatayda anigaan ku gadan dabaqii naareede

  • Anigaan dariiqada Alliyo diinta caasiyine

  • Anaan labada daarood tan horre darajo moodaynin

  • Daliilkii Rasuulkii anigaa doonayoo helaye (scw)

  • Doofaarka eyga ah anigaan daarihiis galine

  • Anigaan dillaalkii arliga duubabka u xidhane

August 1913kii waxaa dhacay dagaalkii Ruuga (Dulmadoobe) oo ahaa kii lagu dilay taliyihii ciidamada Ingiriiska Richard Corfield, gaalkaasi oo Soomalidu u taqaanay Koofil ahaana ninkii Sayidku ka tiriyey gabaygii caanka ahaa, ee Adaa Koofiloow Jiitayoon.  Waxaa kale oo halkaasi ku geeriyooday saraakiil badan oo Ingiriis ah oo uu ka mid ahaa Dhame J. S. Summers.

  • Adaa Koofiloow jiitayoon dunida joogayne

  • Adigaa jidkii lagugu wadi jimic la’aaneede

  • Jahanaba la geeyoow haddaad aakhiro u jahato

  • Nimankii janno u kacay war bay jirin inshaalleye

  • Jameecooyinkii iyo haddaad jowhartii aragto

  • Kuwase naarta joogiyo markaad jananadii gaadhid

  • Sida Eebbahay kuu jirabay mari jawaabteeda

  • Daraawiish jikraar nagama dayn tan iyo jeerkii dheh

  • Jigta weerar bay goor barqo ah nagu jifeeyeen dheh

  • Ingiriis jabyoo waxaa ku dhacay jac iyo baaruud dheh

  • Waligiisba waa lagu jabshaa jilib-dhig duulaan dheh

  • Haddaan lays jigraarayn tolkay laga jil roonaa dheh

  • Waxay noo junjuunteena waa jamasha diineed dheh

  • Anigana Jigreey ila heleen shalay jihaadkii dheh

  • Jeeniga hortiiseey rasaas igaga jiideen dheh

  • Jiiraayadeey ila dhaceen jilic afkoodii dheh

  • Jidhkaygii caddaa bay abley jagac ku siiyeen dheh

  • Siday kuugu jeexeen magliga jararacdii sheego

  • Bilaawuhu siduu kuu jarjaray jiilalkaa u muuji

  • Jiidaha xanuunka leh markii la igu jeeraarshay

  • Jibaadka iga soo baxay nafluhu jiifka qaban waa dheh

  • Naf-jeclaysigii baan ku idhi jaalloow iga daa dheh

  • Jimic kagama helin tuugmadaan jiriyey ruuxii dheh

  • Goortaan jarreerana galoo nolol ka jaan qaaday

  • Wax badan baan janaacaye dhagbaan jalaq la ii siin dheh

  • Juuqdii aan la yeedhaba afkay iga jifeeyeen dheh

  • Jaljaleecadii baa wadnuhu jeex isoo ruqay dheh

  • Jeedaaladii bay indhuhu kor u jilaabmeen dheh

  • Markay rubbadu jaw tidhi or bay iga dul jiibsheen dheh

  • Jiidhkaygii bahal baa cunayoo jiitay hilibkii dheh

  • Jurmidiyo baruurtii dhurwaa juguc ka siiyaa dheh

  • Jiljilladiyo seedaha tukay iga jeedeen dheh

  • Siddii jananadii horre tashigu igu jaguugnaa dheh

  • Jidkii uu iblays ii horgalay jaasadii helay dheh

  • Daraawiishna waa jibindhowgiyo jowga soo bixi dheh

Waxaa xusid mudan in ninkan ay Soomaalida badankeedu u taqaano Koofil uusan kaliya ahayn nin neceb kana soo horjeeda halganka gobonimo doonka ah ee Sayidka iyo Daraawiishtiisa ee uu ahaa nin jinsiga Soomaaliga ah siddiisa u neceb.  Wuxuu in badan ciidamo ku bixiyey oo uu soo mooroduugay shacab Soomaaliyeed oo wax ay u dhimeen iyo wax ay u geysteen Ingiriiska uusan jirin.  Shacabkaas oo badankiisu ahaa kii ku hoosnoolaa ximaayada Ingiriiska.  Mar uu ku duulay reer guuraa meel deganaa kana soo dhacay waxay mood iyo nool haysteen waa kuu Ina-Weysaxume tixda ku mariyey:

  1. Sayidkoo wax galay raacdadoo la isku soo gaadhay

  2. Adigiyo gubniga aad wadataa goobataal noqoye

  3. Girligaanku kaa joogsayoo guuxa kaa damiye

  4. Ku googooste nimankii kufriga gaajada u qabaye

  5. Afku gow’ ku yidhi xaajadaad gees u badisaaye

  6. Guga ha gaadhin adigaa tolkey gaajadaa badaye**

Ingiriiska waxaa u muuqatay dagaal badheedh ah in aan waxba Sayidka lagaga qaadaynin haddii aan la badalin tabcada lagu socdo.  November 1918kii gudi uu madax ka yahay General Hopkins oo loo xilsaaray inay darsaan xaallada Daraawiishta talooyin dagaaleedna ay Ingiriiska siiyaan ayaa yimid dalka Soomaaliya.  October 1919kii baarlamaanka Ingiriisku wuxuu go’aan ku gaadhay inay Sayidka siddii dawlad xoog leh oo kale ula dagaalamaan, ayna duulimaadka ka qeyb galaan ciidmada dhulka, cirka iyo badduba. 

Ciidamada Ingiriiska ee barrigu waxba waa ka tari waayeen Sayidka waana usoo dhawaan waayeen Taleex iyo qalcadihii kale.  Sayidku wuxuu ku caan baxay tabco iyo taaktiko dagaal.  Ugu dambayntii Janaayo 21, 1920kii, waxaa Sayidka lagu soo kacshay dayuuraadka dagaalka waxaana weeraradaa hogaaminayey Dhame Duuliye Gordon wuxuuna cadowgu isticmaalayey diyaaradaha noocoodu ahaa DH9, waxayna duqeeyeen Taleex, Jiidali iyo xarumihii Sayidka oo dhan.  Sidaa darteed, Daraawiishtu waxay ahaayeen urur gobonimo doon ah ee adduunyada ugu horeeyey ee dayuuradaad lagula dagaalamo.  Taasina waxay muujinaysaa dhiiranaantii iyo halgankii Daraawiishtu gobonimada usoo galeen. 

Sayid Maxamed intaa kadib wuxuu soo aaday Koonfur.  Febraayo 17, 1920kii, taliyihii Ingiriisku wuxuu usoo diray Sayidka warqadan.

Waxaan usoo diray waqti saddex todobaad laga joogo Darawiishta warqad aan ugu sheegayo in la magan galin doono haddii ay isdhiibaan.  Hubkaaga iyo kaygu isma leh, adigu waxaad tahay wadaad Soomali ah, anna waxaan wakiil ka ahay dawladda adduunka ugu xoogga weyn oo ka adkaatay Jermalkii iyo Turkigii.  Maanta xoogaagii waa yaraaday, dayuuraadkana uma adkaysan kartaan, dhinac aad u ciirsatana ma jirro.  Waxaa xagga Bari kaa xigga Boqor Cismaan Maxamuud iyo Cali Keenadiid oo labaduba col kula ah adiga iyo halgankaagaba mana aadi kartid.  Dhanka Itoobiya saaxiibkaa Leit  Yasuuf waa jiitay, Ras Taferina waa saaxiibkay.  Awood uma lihid inaad nala dagaalanto.  Waxaan laayey ciidamadaadii badi ahaan, gacalkaagiina gacantayda ayey ku jiraan.  Ujeedadaydu ma aha inaan wax laayo haddii aad is dhiibto 40 casho dhexdood.  Ammaan iyo xushmo ayaad heli doontaa.  Waxaanse kaaga digaynaa in aadan warqadan caasiyin.  Waxaanan ku siinaynaa rug aad ku noolaato diintaadana ku fidisid.  Warqad ama jawaab aad iisoo dirto wax micnaha ah ama qiima ah ooy leedahay ma jirto haddii aadan 40 casho dhexdood ku imaanin.  Waxaan warqadan kuugu soo dhiibay haweenaydaadii.

Maarso 25, waxaa Ingiriiska u yimid Sheekh Cali oo ahaan jiray qaaligii Taleex iyo Xaaji Cismaan oo Sayidka adeerkii ahaa oo wada jawaabtii waraaqdii Sayidka loo diray.  Warqaddii Sayidku waxay ahayd sidan:

Waan helay warqadii aad soo dirteen 22kii Jamaadul Aakhir, jawaabteediina waatan.  Warqadaadii macnaheedu wuxuu ahaa inaad ka adkaateen Jermal iyo Turki xoog badanna leedihiin iyo inaan isdhiibo.  Isdhiibi maayo dagaalkana waan wadayaa inta aad idinku wadaan.  Amaan iyo magan-galiyana Ilaah baa leh xoogna ninkuu siiyo ayaa iska leh.

Ingiriisku wuxuu ugu dambayntii go’aan ku gaadhay inuu Sayidka u diro ergo ka kooban maashaa’ikhdii Goboladda Waqooyi oo kala ahaa: 

Sheekh Ismaaciil Sheekh Isxaaq madaxii dariiqada Saalixiyada, Skeekh Cabdullahi Sheekh Madar madaxii dariiqada Qaadiriyada, Sheekh Maxamed Xuseen iyo cuqaal fara badan ooy ka mid yihiin Caaqil Cali Aadan, Caaqil Jaamac Madar, Caaqil Ibraahim Warsame, Caaqil Xirsi Xuseen, Caaqil Xaaji Cabdullahi Jaamac, iyo Caaqil Cali Guuleed.  Ergadaa ka koobnayd maashaa’ikhdii dariiqada iyo todobada Caaqil waxaa loo diray ergo ahaan Sayidka waxayna wadeen warqad Ingiriisku ku warsanayey Sayidka inuu ergadaas soo raaco.  Ergadii waxay ka baxday Burco April 9, 1920kii iyadooy hogaaminayeen labadii nin ee warqada jawaabta ah Sayidka ka keentay,  Xaaji Cismaan iyo Sheekh Cali. 

16 casho oo socod ah ka dib, April 25, waxay soo gaadheen Qoraxay oo xarunta Sayidku u jirtay 40 mile.  Sayidku ergadii waxa uu amar ku siiyey inay Ingiriiska ku noqdaan una sheegaan inaan Sayidku marnaba isdhiibaynin.  November 23, 1920kii ayuu Sayid Maxamed, naxariistii janno Allaha siiyee, si caadi ah ugu geeriyooday Iimeey isagoo gacanta ku haya gamaskii xornimada iyo gobonimada.

Markuu geeriyooday Sayid Maxamed gumaystuhu wuxuu isku dayey inuu daboolo halgankii uu soo galay iyo ujeedooyinkii uu lahaa ee uu u dagaalamayey in ka badan 21 sanno.  Waxa uu Sayidku mutaystay in lagu qorro magaciisa iyo taariikhdiisaba baal dahab ah waayo waxa uu u diiday gumaysiga inuu ku lado dalka Soomaaliyeed.

  • Inuu gaalku dili oo khatali dayiba maayaane

  • Dafiraadu waa xeel runbaa lagu dabuubaaye

  • Dilaal waxaad cunaysaan intaan dunida joogaaye

  • Hadalkaa dilaacshaye miyaan deelka ka habowshay

  • Wax ma dadine macnihiina sow idin ma deqsiinin

  • Nimanyahoow dantey baan hadlaye iga daliil qaata

  • Dacwadayda meeshaan u dhigo fiiro dib u yeesha

  • Waxna loogu digiyaa ninkii dawladnimo haysta

  • Waxna loo danleeyahay ninkii diinta Nabi raacay (csw)

  • Nin rag ah bay dardaaran u tahee doqonse waa mooge

  • Afartaa intaan dow ku xidhay deel ma qabadsiiyey

  • Deelqaafku waa ba’an yahaye daacad ma u sheegay

  • Dacwad kalana Soomaali waa mid aan dareensiiyey

Taariikhdii koobnayd ee Sayid Maxamed Cabdille Xasan iyo halgankii muqadaska ahaa ee uu kula jiray gumaysiga waxaan kusoo af-jaraynaa  tuducyo kooban oo ka mid ahaa gabaygii caanka ahaa ee Sayidku mariyey dabayaaqadii noloshiisa ee la odhan jiray Dardaaran:

  • Doodna waxaan u leeyahay dadkeer hadalka deyn waayey

  • Nimanyahoow damiinimada waa lagu duloobaaye

  • Dadku wuxuu jeclaystaa waxaan duxi ka raacayne

  • Dagaalkii Nasaarada anaa daalib ku ahaaye

  • Dalka ma lihid anigaa ku idhi doora weynaha e

  • Daliilkii Rasuulkii anaa doonayoo rabaye (scw)

  • Anaa diiday maantuu lahaa deeqan iga hooye

  • Diinkayga anigaan ku gadan dabaqii naareede

  • Anaan labada daarood tan hore darajo moodaynin

  • Markay duushay gaaladu anaan daabbaddu rarine

  • Goortay dareeraan anaan diiradduu qabane

  • Anigaan dariiqiyo waddada dowga sii marine

  • Anaan doora-weynoo kufriga daacadnuu geline

  • Ferenjiga dirayska leh anaan diiradduu qabane??

  • Sida doxorka Iidoor anaan duud-xamaal noqone

  • Doofaarka eyga ah anaan daarihiis geline

  • Anigaan dilaalkiyo ardiga duubigoow xidhane

  • Anigaan dariiqada Alliyo diinta caasiyine

  • Daarood Ismaaciil ma oga dowga loo qodiye

  • Waa wixii durbaan tumay markaan dowga sii maraye

  • Waa wixii dayooy yidhi intuu soo dabaaldegaye

  • Dadow maqal dabuubtaan ku idhi ama dan haw yeelan

  • Ama dhaha darooryiba jiryaye doxorku yeelkiisa

  • Nin rageey dardaaran u tahaye doqoni waa mooge

  • Marka horre dabkuu idinka dhigi dumar sidiisiiye

  • Marka xigana daabaqada yuu idin dareensiine

  • Marka xiga dalkuu idinku odhan duunya dhaafsada e

  • Marka xiga dushuu idinka rari sida dameeraha e

  • Mar haddaan dushii Adari iyo Iimeey dacal dhaafay

  • Maxaad igaga digataan berruu siin lasoo degiye

Dhammaad.      

****************************************************************************

Waxaan ka qorray barnaamij laga soo daayey Idaacadii Muqdisho, buuggii Aw-Jaamac Cumar Ciise,Early Days in Somaliland and Other Tales by H. G. C. Swayne, iyo The Warrior Mullah by Ray Beachey meelaha qaarkood ayaan ka saxnay.   Magacyada qaarbaan wali saxnayn qaarna waaba maqan yihiin.  Sixidooda iyo helidoodu waa howl inoo wada taala.  Mahadsanid

 **Taariikhdii Daraawiishta iyo Sayid Maxamed Cabdille Xasan.  Aw Jaamac Cumar Ciise.

25064016 (1)

Banaadir Post.

DHAGEYSO GABAYGA:-Gabay la magac baxay DIGNIIN oo ku socda Madaxda Ururka Al-Ictisaam.

24790495 (1)Abwaan Soomaaliyeed oo qurbaha ku nool  ayaa mariyay   Gabay loogu magac daray Digniin, kaas oo ku socda Madaxda Ururka Al-Ictisaam.

Gabaygan waxa uu soo cabirayaa dabinada Ururka Al-Ictisaam ay u dhigaan Diinta Islaamka,dadka iyo dadka Soomaaliyeed.

Ururka Icitsaam ayaa ah urur diineed safka ka galay dhinaca gaalo dhan ay ku jiraan,waxayna  sheegeen inay duulaan ama dagaal ku qaadi doonaan meel walba oo laga sheego in Diinta la isku xukumo,waxayna si cad u garab istageen ciidamada shisheeye oo duulaamka ku jooga gayiga Somaliyee

"Nimanbaa shareecada siroo, gaalka saacidiye
Oo shalay safkii nagaga baxay, saymihii dhacaye
Oo saarashada ferenjigiyo, saanjigaw xilanne"

Waxaa mudo dheer la yiri Sayid Maxamed Cabdille Xasan,waana gabay ilaa maanta  la hadal hayo.

24790479
Halkan Ka Dhageyso Gabayga MP3

24696953

Banaadir Post.

VIDEO MAQAL AH:-Gabaygii Shirkiga IYO Abwaan Abshir Bacadle.AUN.

24150941 Waa gabay aad u qiimo badan oo markastana la socda  xaalad walba oo Somali ku sugan tahay, gaar ahaan waqtiga hada la joogo oo Somali ay haysato dhibaato aan lagu  soo koobi karin qoraalo ama gabayo!

SHIRKI ayaa la yiraahdaa waa is xusuusin la is xusuusinayo aakhirada iyo maalinta qiyaamaha xaalku sida oo noqon doono,ILAAHOW NA MOOTI.

Fadlan u duceeya Abwaanka hadii aad dhagaysato gabayga oo  ah dhaxal Abwaan Abshir Bacadle,Raxiimulaah u dhaafay ummada Somaliyeed,hadii aad awood SHARE-gareey ama gaarsii dadka kale.

24115469

AQRISO GABAYGA:-Abuu fatima oo Gabay katiriyay Dhacdadii Buula-mareer

24037299Gabayga magiciisu waa Buulomareer fartiin nooga timid farax islaamkiiye wuxuu soo baxay 30 ka safar 1434  waa walaalkiin Abuufatima oo idin leh yaa mujaahidiin haniian lakum ahdaaftiina allaah haydiin xaqiijyo aduun iyo aakhiraba umada muslikaana leh yaa umatal islaam haniian lakum limaa yasuru kum min akhbaarin jamiilah , walaalaha aanan maga cooda xusin xiligaas waqti dambe oo hamyn ah ayey u ahayd waana hubaa markay helaan khabarkaan inaan ciduna kahorfaafinayn.

Buulomareer fartiin nooga timid farax islaamkiiye

Fatxi baa kadhay iyo halkaas libin fasaaxaahe

Fajac iyo jabay kala kulmeen faransa goobtiiye

Wiilal wada fidaa,iina iyo faaris baa helaye

Ayagoo fartiin loodiriyo fayl lasoosiiyey

Foogtii horteed bay kufrigu furo yiraah deene

Fadli Eebe wee yoo markale faashil laga yeelye

Wiilal feejignaa baa heliyo faaris geesiyahe

Fatxi baa Ilaah siiyey iyo guul fagaaraahe

Faransiiska gaalkaa baqay fagax yiraah deene

Tooshash koodi waa laga furtiyo faalguray badane

Firxad koodi hawd kuu galiyo faafka wabigiiye

Fadeexaa Ilaahay badiyo foolxumoo idilee

Fursaantii shabaabaa heliyo geesi fool adage

Fartuu qaado waa laga jabshoo faransa ceebowye

Meeshuu maxbuus furan lahaa mayd kakala fiigye

Buulomareer fasaad kuu larabay faransa beenowye

Rag cashiqay firdawsaa heliyo khaalid fariciise

Faaruuq ilmihi weeye iyo faatix ubad kiise

Fagaaraha dagaal kay dhigaan faajic yaab badane

Wax kastoo faranji xoog is biday faydo lagu waaye

Filan waa ayaa lagu dhigoo faafi kari waaye

Fasiraada guushaan helaa faaftay dunidiiye

Foolxumo lalaabtiyo jabiyo faashil hadafeede

Faadhirow Ilaahow adaa furashadaas keenay

Fadligeeda adigaa lahoo fiijay cadawgiiye

Fahmadaw siyaadiyo shabaab faydo loo aayo

Ilaahow fataaliyo halaag faranji soo duulay

Ilaahow fartuu qaado jabi ways fajiciyaaye

Faduul iyo xad gudub buu wadiyo xume facway naaye

Fuxshi iyo sinay doonayaan nagu fasaad shaane

Aydhis bay ku faafshaan halkay fuqurku gaaraane

Fidaaiin ku daa iyo Alow malag fajaaseeya

Fitig faatig yeel iyo halaag faranji soo duulay

Ilaahow fadeexee kufrigu faasiq wee yaane

Fatahaada wabiyada ku daa faranso fiideeca

Ilaahow fadhiga looga koco oo lakala feento

Faro iyo itaal bay Rabow isla fatiiraane

Faqri baahan yeel iyo Alow fuqur lakaalmeeyo

Fasal baxa Ilaahow u diid faranso ciideeda

Furuq iyo xanuun ayan daawo filanaynin

Faransiis Ilaahow kudaa faasiq wee yaane

Ilaahow fajaasiyo xanuun fayras kala gaabsha

Oo ayan filayn iyo ku daa marad ku faafaaya

Fadligaaga Eebow adaan faraha kuu taagtey

Faxanow Ilaahow kufrigu faasid wee yaane

Balo wada fatahaysiyo ku daa cudur figtood qaada

Fasal kaan wixii helay kufriga faraxday laabtaye

Falaad kaa ragii dhigay ragii faransa ceebeeyey

Fatxi iyo Ilaahow libsii faariska islaamka

Fasiraadu way adagtihiyo faraxa laabtaye

Ilaahow fursaantii shabaab faafto sharaf toodu

Fatxi iyo Alow furasha sii gaalna laga fooso

Faras aanu baran buu kufrigu fuul is lee yahaye

Dhagartay  falkinayeen kufrigu faashil wee yaane

Fahmadooda Eebow shabaab fidi lisaankayga

Fatxi lala cajabo iyo Alow furasho soo yeedho

Faransiisna hoojiyo wixii gaal u faradhuubaan

Jawaasiista faransiis Alow fayd akhbaar tooda

Farta noogu fiiqoo Alow fiidkan lagu leefo

Ilaahow fagaaraha ladhigo cadaw na faaleeyey

Ama faylka gaalada u diray una farfiiqaayey

Fuuniyaha akhbaartooda keen faadhir khabar kooda

Fatal iyo jawaasiis xunoo finisha wee yaane

Faaris lagu salado iyo amniga waa fasaadiine.

Banaadir Post

23989268

VIEDO MAQAL AH:-abwaan Abshir Bacadle.AUN. iyo gabaygii la magac baxay “TALIBAN”.Waqtiyado isku eg!

23933361 Halkaan ama hoos  ka dhegayso   Gabaygaan aadka u wanaagsan ee ka hadlaa dhibka america iyo Yahuudo ku hayaan  guud ahaan Islaamka gaar ahaana Afghanistan iyo meelo bdan oo dunida Islaam ah .

Fiiro Gaara Gabaygaan waa aw dheraa waana soo kala qaybshe 2 qayb ayaana ka dhigay tani waa Qaybtii 1 aad insha’Allah Qaybta labaadna waa soo daabici doontaa Inshlaah.

FIIRO GAAR AH U DUCEEYA ABWAANKA INOW ILAAH GEEYO JANATUL  FARDOWSO,KISTAABIISANA MIDIGTA KA SIIYO,LANA SOO SAARO KUWII OO JELAA AHLU TOWXIIDKA.

Banaadir Post

Taariikhdii Imaam Sheekh Xasan Sheekh Nuur Sheekh Axmed “ Sheekh Xasan Barsane “

23785694Imaam Sheekh Xasan Sheekh Nuur Sheekh Axmed
“ Sheekh Xasan Barsane “ ( 1853 – 1927 )Sheekh Xasn Sheekh Nuur Sheekh Axmed oo lo yiqiin Sheekh Xasan Barsane wuxuu dhashay sanadka markuu ahaa 1853, wuxuuna ku dhashay tuulada loo yaqaan Ubaadi oo u jirta qiyaas ilaa 68Km magaalada Jowhar, Gobolka Shabeelaha Dhexe, Soomaaliya.
Hooyadiis waxaa la dhihi jiray Xalima Hilowle Sheekh Xasan wuxuu ka soo jeeday qoys Somaali ah una saxiib ah Diinta Islaamka iyo fardooleey. Aabihii Sheekh Nuur wuxuu ahaa sheekh. Wuxuu ka dhex muuqday hoggaminta diinta iyo dadka in wax la baro oo dalkana loo diido gumaysiga gaalada soo duushay oo dhan.Sheekh Xasan Sheekh Nuur Sheekh Axmed wuxuu bartay Qur’aan Kariimka isagoo yar, kuna bartay tuulada Ubaadi wuxuuna barashada Diinta Islaamka ku bilaabay isagoo aan weli gaarin 10 jir halkaas oo la sheegay in aabihiiis uu mashaa’ikhda Diinta bartaa ugu keenay. Markuu laabatan jirsaday ayeey isaga iyo aabihiis isku raaceen inuu sii kordhisto wax barashadiisa uu doonto iyadoo ay jirtay in aabihii uu mashaa’iikh fara badan ugu keenay halkii ay ku noolaayeen.Sheekho wuxuu aaday meel walbo oo uu ku tabaayay in cilmi uu yaalo oo uu ka sii kororsan  karo meelaha uu cimliga u doontay dalka gudihiisa waxaa ka mid ahaa Mateey Aw Xasan oo ku taala Afgooye iyo Muqdisho. Sheekhu kama uusan tagin  inow raadiyo cilmi isagoo markaana gaaray  dalka dibadiisa sida magaalada MAKA EE SACUUDIGA  oo tagay laba jeer oo kala duwan wuxuuna halkaas ku soo gutay xajkii iyo cilmi uu raadinayay, wuxuu halkaas ku maqnaa muddo ka badan saddex sanadood.
Sheekhu waxa uu halkaasi kula soo kulmay Sheekh Maxamed Saalax oo sheekha ay dariiqada SAALIXIYADA .
Sheekh Xasan Barsane markii uu ku soo laabtay dalka waxaa dalka soo buux dhaafiyay gumeyste kala duwan oo markaas iyo ka horba ku sugnaa dalka tan iyo intii ay dhacday qeybsashadii Afrika ( 1884 ) dalalka reer galbeedka oo ay ugu horeeyeen Ingiriiska, Faransiika, Talyaaniga iyo Bortaqiiska ayaa soo galay dalkeena hooyo ee Somaaliya.
Sheekhu wuxuu ka biyo diiday inow ku hoos noolaado gumeystaha isagoo ka door biday inow Shahiido  isagoo dhawraya sharafta Diinta iyo dalka.
Sheekh Xasan wuxuu dhexgalay dadka isagoo isku keenay  ciidamo  tiradiisa lagu qiyaasay ilaa laabtan kun ilaa soddon kun ( 20,000 – 30.000). tababar dheer iyo wacyi gelin ka dib sheekha iyo ciidamadisii u kacay difaaca Diinta iyo dalka,Waxayna   la kulmeen hanjbaad iyo hujuum kaga imaanayay dhanka gumeystaha Talyaaniga oo iyagu markaas heestay dhamaan koofurta Soomaaliya iyo Etiopia oo aheyd dalka kali  ee Afrika kana qeyb galay qeybsashada dalalka Afirca ee Berlin 1884.
Sheekh Xasan  dhag jalaq uma siin dhamaan hanjabaadaas iyo baqdin galintaas kaga imaameysay dhanka Gumeystaha gumeystaha Talyaaniga xiligaasi waxaa Soomaaliya wakiil uga ahaa Jeneral la oran jiray MarioDevechio.
Si kastaba ha ahaatee Sheekh Xasan  wuxuu go’aansaday inow  la dagaalamo kana xoreeyo dalka  diinta kor loo qaado.

Waqtigii ayaa dhamaaday waxaa bilowday dagaaladii fool ka foolka ahaa ee Sheekh Xasan  la galay gumeystihii. Sheekha iyo gumeystaha waxay kulmeen marar badan iyagoo dhamaan dagaaladii uu la galay gumeystaha uu halkaasi kaga guuleystay. Waxaana dagaaladii u Sheekha la galay gumeystaha ka xusi karnaa :· Gumar Sheel ( 1905 ) waxa uu ahaa dagaalkii ugu horeeyay ee uu la galay Amxaardii oo markaas isku dayaysay inay la wareegto dhamaan dhulka Soomaaliyeed iyadoo markaas timid Taytayle ( Balcad ). Waxaa jiray dagaalo kale uu Sheekha la galay Ethiopia ilaa markii danbe ay dalka ka baxaan iyga oo dulaysan.

Waxaa kaloo ka mid ahaa dagaaladii uu la galay gumeystaha gaar ahaan Talyaaniga oo aan ka xusi karno :

1. Dagaalkii Buulo Barde oo dhacay 1922.
2. Ceel Dheere 1922 iyo 1923.
3. Hilweyne 1923.
4. Jiliyaale 1924.
5. Hareeriile 1924.

Sheekh Xasan Barsane wuxu ku caan baxay inuu ciidanka ka bar bar dagaalamo isago dhiiri galin jiray una sheegi jiray inay  haleyaan Shahaado ama Sharaf  Aakhiro iyo Aduunba.
Dagaaladii faraha badanaa ee uu la galay Sheekh Xasan  wuxuu ku laayay rag faro badan oo ka tirsanaa gumeystaha oo isugu jiray saraakiil iyo dablay .
Gumeystaha oo ka faa’ideystay maqnaashaha ciidamada Sheekha oo markaas ku maqnaa dagaalo dhinaca Hiiraan ayaa dhabar jabin ka dib waxa ay hareereeyeen xaruntii Sheekha iyagoo adeegsanaaya hubka xiligaa ugu casrisnaa lana yimid ciidan fara baan oo ay ka oo wadeen dhankaas iyo cadan iyo weliba kuwa kale oo ay ka soo ka xeeyeen dalalka kale oo ay gymeysan jireen kuwaas oo ahaa calooshood u shaqeystayaal sida ku cad buugii uu qoray Mario Devechio oo lagu magacaabo ORIZENTO DI IMPERO. Ka bid Sheekha waxaa uu u gacan galay cadowga, waxayna ka dalbadeen inuu ciidamadiisa ku amro inay is dhiibaan, waa uu ka biyo diiday. Si kastaba ha ahaatee gumeystaha ayaa aakhiritankii ku guuleystay inay qabtaan oo ay xabsiga dhigaan Sheikh Xasan Barsane sanadu markay ahayd 1924.

Waxaa Sheekha lagu xabisay xabsiga loo yaqaaney Gaalshiro iyadoo markaasi maxkamada gumeysiga ay ku xukuntay 30 sano oo xarig ah oo ay u dheertahay shaqo adag iyo jirdil. Si kastaba ah ahaatee hadana gumeystaha ayaa ku qanci waayay inay xabisaan oo kaliya waayo Sheekh Xasan Barsane ayaa ahaa caqabadii ugu weyneyd ee ay gumeystaha Talyaaniga kala kulmeyn koonfurta Soomaaliya iyadoo aanba dhihi karno sheekha wuxuu ahaa quwada kali ah ee dagaalo waaweyn kaga hortimid. Talyaaniga ayaa 3 sano ka dib waxay hadana isku dayeen inay dilaan Sheekha iyagoo ay u suuro gashay sanada Markey ahayd 1927 iyado markaasi ay gumeystuhu ku xireen meel god ah oo aan ku filneyn inuu fariisto godkaas ayaa wuxuu lahaa oo kali ah meel yar oo shabaq camal ah oo uu xoogaa wax u neef ah ka qaadan jiray.

Intaas oo kali ah kuma dhaafin ee  waxay ugu dareen inay sun ku buufiyaan qolkii uu ku xirnaa waxaana amarkaasi bixiyay KABEELLO sida uu xusay MAXAMED ABDI (Odoyaasha Muqdisho ) oo ka mid ahaa sadexdii Nin ee loo adegsaday inay fuliyaan falkaasi. Ugu danbeyntii Sheekha ayaa ku geeriyooday suntii. Sida ku xusan Orizento Impero iyo TREE ANNI DE IN SOMALIA .Sheekhu wuxuu dhintay taarikhdu mrkey ahayd 13. January 1927. waxaana lagu duugay Qabuuraha Sheekh Suufi oo ku yaalay agagaarka madaxtooyada Soomaaliya waxaana markii danbe loo qaaday oo uu hada ku aasan yahay degmada JILIYAALE oo markii hore Sheekha xarun u ahayd.

Gumaystaha iyo gaalada calooshada ku shaqeeya waligood way ku soo duuli jiraan gayiga Somaliyeed,wayna jabi jireen ugu danbeyn,waxaana badana ka hortagi jiray tiro yar oo Somalida ka mid ah.waana tan maanta aan aragno, oo gumaysiga cusub meel walba ka soo galay gayiga Somaliyeed,waana laga hortagay,lana hortaagan yahay,waxaana halys la dhigtay Shahaado ama Sharaf,taasoo ragii hore dhamaantood ku howl galeen.alana ku guuleeyay.

Qofkii maanta ka hortaga tariikhda ayaa xusi doonta,sida  Imaam Axmed Guray,Sayid Maxamed   iyo Imaam Sheekh Xasan barsane,raxiimulaah dhamaantood.

Wikipedia

http://so.wikipedia.org/wiki/Sheekh_Xasan_Barsane

Banaadir Post.

23510058

“Maqashiiya Uunka” Sayid Maxamed Cabdille Xasan

23718940Waa mar kale iyo taxenihii ahaa “rag waa raggii hore, hadalna waa intuu yiri”  Waxaan moogan soo qaadanaynaa geeraar uu mariyey Sayid Maxamed Sheekh Cabdille Xasan.

Heshiiskii Illig Daldala ee dhexmaray Daraawiish iyo gumaysiga, Talyaani iyo Ingiriis, 1905tii ka dib waxay Daraawiishi goosatay inay ka shaqayso sidii Soomaalida looga dhaadhicin lahaa khatarta iyo khayaanada gumaysiga, loogana digi lahaa dhuxdhuxlayaasha u adeega gumaysiga.   Wufuud iyo culimo dadka soo wacdida ayuu Sayid Maxamed afarta baynu jahaba u diray.  Wuxuu faray inay degaan walba tagaan Soomalidana ku waaniyaan inaysan gumaysiga gacan siin, diintooda iyo dalkoodana ka difaacan gardarada aan geed loogu soo gaban ee Ferenjiga.  Culimadaa waxaa ka mid ahaa Cabdalle Shixiri iyo Xirsi Afdiir oo uu u diray degaanka qaarkii.

Nimankaasi kolkii ay ambabaxayeen ayuu geeraar fariin ah Sayidku mariyey.  Wuxuu yidhi:

Cabdalla maan qaboobiyo

Xirsi maakib laawow

Mid yar waxad tidhaahdaan

Murtidiinta Reer Hebel

Mariya weedha aan idhi

Toljeclaha muraadkaygiyo

Masafadayda ula taga

Maqashiiya uunkaba

Miyir inuu ku soo galo

Mid mid waxow tidhaahdaan

Nimanka mooradii furay

Mawaaciidada diinkii

Ma wax laysku maagaa?

Jahaadka mooshinkii galay

Ma wax laga maqnaadaa?

Mushahaaro been ahi

Ma wax lagu magaagaa?

Luxudkii madoobaa

Ma lays moogadeeyaa?

Muufadii cadaabeed

Maw adkaysanaysaan?

Nin gaal u midiidimay

Mici naar inuu geli

Kutubtaa u maragee

Ma wax laga murmaabaa?

Mushrik inaad jeclaataan

Amaad mudan ku sheegtaan

Hadaydnaan mujrim ahayn

Masalo maad u haysaan?

Masalo-gaabyadiinaa

Meel daran idiin diray

Labadaa meeris ee kore wuxuu ku ridayaa wadaadadii Soomaalida ku wacdiyey inaysan haynin tabar ay gumaysiga kula diriraan, hubkiisa mid u dhigmana aanay wadanin.  Waxay yidhaahdeen nin kaa xoog badani hortaa ayuu xanaaqaa sidaa awgeed Ferenjiga haynagu carinina.  Wadaadadaa ayuu dhaliilayaa.

Muftiga waanadiisii

Idinkaa ka maagtoo

Macbuudkii Rabbi ahaa

Idinkaaba moogoo

Maxsharkiyo qiyaamaha

Idinkaa munkirayoo

Maqfiradii Illaahay

Idinkaa ka maarmoo

Macaankii Firdowsaad

Idinkaa muraystoo

Muminimada laabta ah

Idinkaa mantagayoo

Minidiina gaalowday

Idinkaa muquunshoo

Kufriga idin mahoobiyey

Idinkow miciinoo

Makaankii shareecada

Idinkaa matamiyoo

Muslinkiyo qusuusiga

Idinkaa makalayoo

Maalkii agoomeed

Idinkaa malkadayoo

Masxafkiyo quraankii

Idinkaa maljadayoo

Waxse mawtigiin galay

Ama malag idiin yimid

Kolkaad Muxamedkiinii

Malcuun uri ka raacdeen!

Mariyoo macneeyaye

Mid kaleeto waxay tahay

Waxaan maqalay Ferenjigu

Inuu miiri idiin qoray

Raciyad ama ‘riders’, Soomaaliduna u baddashay Rayad kuwaas oo ahaa qabaa’il Ingiriisku hubeeyey si uu isaga xijiyo gumaca Daraawiish iyo qabaa’ilka kale ee kasoo horjeeday gumaysigiisa ayuu u dan leeyahay.  Ingiriis ayaad dabadhoon u noqoteen ayuu ku canaantay.

 Waxaan maqalay maalkii

 Inuu idinka meersaday

Waxaan maqalay ooryaha

Mitan inaad ka waydeen

Waxaan maqalay madaxdiina

In madiidin laga dhigay

Oon miis yar mooyee

Maydho geel la siinayn

Waxaan maqalay maahyahow

Magiciin inuu bay

Niman Soomaali ah oo gumaysiga guno ka qaadan jiray una shaqayn jiray ayuu meerisyadaa kore ku halgaadayaa.

Intaasoo masiiba ah

Waxaa igala maad badan

Maska iyo abeesada

Magta aad ka bixisaan

Aydaan midigta fidinayn

Aar hadduu ku micyeyn

Lixda meeris ee u dambeeya waxay ka hadlayaan xukun Ingiriisku kusoo rogay gobolada waqooyi kaa oo ahaa inaan dhirta la goynin, duurjoogtana la dilin.  Ninkii lagu arko ama lagu maqlo inuu laan gooyey ama duurjoogta wax ka dilay waa la xidhi ama waa la ganaaxi. Soomaalidii miyiga ku noolayd, sidii ay doonaana u isticmaali jiray ayuu xukunkaasi dhibay.  Sayidkuna xasaasiyadaa ayuu ka faa’iidaysanayey.

Geeraaro iyo gabayo heshiiskan iyo geerarkan la socda ayaan soo wadnaa.  Ha u daymo la’aan. 

Banaadir Post.

22256897 (1)

Sheekh M. C. Geelle: Agoon Xoolo kama Dhicin, Xarga-goysna Maan Noqon, Eexana Rag Kama Gelin; Maxaa Leygu Soo Xiray?

23086840Akhristayaal Soomaali maryoolay markay lahaayeen xornimaan qaaddannay kaddib waxay kor u qaadeen fankooda ilaa hal-abuurradu ku  muujiyaan in dambiga ugu daran ee la galo yahay gaalnimo iyo wax la xiriira duminta Shacaa’irta Islaamka. Maaddaama heesaha jacaylka aad loo jeclaa baa hal-abuurradu Caqiidadaas saliimka ah noo hoos gelin jireen! Waxaa ka mid ahaa maansadoodii:

  • Sidaan ahay nin gaaloo
  • Xarameynkii galayoo
  • Gubey maalin Ciideed
  • Lagu soo Gurmaday baad
  • Gebi dheer i saartood
  • Igu Goonni baartee
  • Guur hayga filanine
  • Gurigeyga ii dhaaf!

Hal-abuurkaasi wuxuu ka dhigayaa in haweentaasi ninkaas u gashay si aan loo gelin qof Muslim ah ee ay ula dhaqantay sidii nin gaal ah oo weliba maalin Ciid ah inta Xaramka galay gubay! Bal u fiirsada sida hal-abuurku isu saaray gaal weliba maalin xurmo leh oo ciid ah (Yomul Akbar/Adxaa), Xaramka dhexdiisa gubay! Mid kalaa yiri:

  • Ma deyrkii Makaan gubay?

Sida xaqiiqda ah, hadda waxaad moodeysaa in dambiga ugu daran ee la galo yahay in Salaad Subax jamaaco ku soo tukato ama lagaa maqlo adoo Kitaab Qur’aan ah heysta oo leh: waxaan rabaa in Isaga la isku xukumo ama Jihaad ka hadlaya! Gaalo-raacnimada iyo gaaloobiddu waa waxyaalaha lagu noqdo madaxweyne ee la isku soo dhoweeyo! Miyaadan arag Soomaali kummannaan ah oo gashan funaanado ay ku sawiran yihiin Feysal Cali Waraabe iyo Siilaanyo oo dimuqraadiyad u damaashaadaya oon cidna saas u fiirineyn halka sheekh Maxamuud C/Laahi Geelle oo keligiis ah oo Kitaab Qur’aan ah gacanta ku wata oo leh: Isagaan doonayaa; loo dul qaadan waayey inuu fikirkiisa dhiibto! Soow lama oran dimuqraaddiyaddaa ogol in qofku fikirkiisa dhiibto? Haddaad idinku wadataan funaanado ay Siilaanyo iyo Ina Cali Waraabe ku sawiran yihiin; maxaa sheekha loogu diidayaa Kitaabkuu wato? Dagaal ma soo sameyn! Cid ma soo wadan! Dhagax ma tuurin!

Waxaan xasuustaa meel kubbad lagu ciyaarayo, nin dhallinyaro markaas ahaa oo la oran jiray Maxamed-Soomaali oo Waqooyi ka soo jeeda oo inta sigaar soo baxshay wiil yar ku leh: been beeneey iisoo shid! Cunigii isagoon isu qabin in amar la siiyey buu xaafadihii ka ag dhowaa la aaday sigaarkii suu ugu soo shido! Hadda ma la waayey shacab been beenay isu soo agaasima oo dhaha: dimuqraaddiyaddaa ogol in qofku qowlkiisa dhiibto; ee annaguba funaanadihiinnaan gashannee, Siilaanyoow sii daa wadaadka!

Haddii wadaadku dibad-bax sameyn lahaa ama soo wadan lahaa dad dhagxaan iyo wax tuuraya waxaa la is dhihi lahaa Siilaanyo marmarsiyuu heystaa laakiin sidaad cinwaanka ku aragtaan mar la xiray Cabdi-qeys baa la sheegaa inuu tirshay hees ay ku jirtay tuducyadaas haddaanan khaldaneyn:

  • Agoon xoolo kama dhicin
  • Xarga-goysnna maan noqon
  • Eexana rag kama gelin
  • Xeebtaas Jabbuutee
  • Soomaali laga xaday
  • Haddii aan xaggaa tagay
  • Ma shiddeynin xeerkee
  • Maxaa laygu soo xiray?

Haddaba Siilaanyo wuxuu leeyahay Somaliland dimuqraadiyad baa ka jirta! Hadday arrintu saas tahay, waxaad tiraahdeen qofku codkiisa waa dhiiban karaa dabadeedna sheekh Maxmauud C/Laahi Geelle wuxuu yiri waxaan rabaa Shareeco-isku-xukun; marka maxaa lagu xiray?

Waxaa maamulka Somaliland laga codsanayaa in sheekha la siiyo xorriyadiisa! Ma jirto wax dambi ah oo uu galay! Haddii kale ku qorta dastuurkiinna inaan la rabi karin Shareeco Islaam! Muslimiintu waa yaqaannaan in rooti qaali noqday oo loo bannaanbaxo! Waa  yaqaannaan in iyagoo gashan funaanad Siilaanyo ku sawirran yahay u bannaan baxaan xisbi dimuqraadi ah (Kulmiye) ama UCID (kan ina Cali Wareebe) laakiin ma ogola inay ka bannaanbaxaan arrinta sheekh lagu heysto: maxaad u wadataa Kitaabka Qur’aanka ah! WALLAAHI dad badan bay la tahay wax sahlan laakiin haddii shacabku arrintaas ka hadli waayaan waa arrin weyn! Haddii dhulka nalala gooyo; maxaan ku cududaaraneynnaa? Wadaaddo ma heynnee meeye hal abuurradii hadalkaas kore ku hadli jiray?

Maxamed Xaamud

Xigasho Somalimidnimo.com

23085838