MINNASOTA:-Soomaalida Minnesota oo kaalinta Shanaad ka gashay dadka ugu badan ee qaba cudurka Aids-ka.

25557894Dadka Soomaalida ah ee ku dhaqan qurbaha ayaa la sheegay inay yihiin  kuwo dhaqan door soomay oo inta badan aqlaaqda wadaangsan ka tegey marka laga reebo tiro yar oo Allaah bad baadiyay.

Dhalinyarada aan diinta Islaamka lagu barbaarin ee la saaxiibay dhigooda gaalada iyo dadka waaweyn gaar ahaan kuwo muqaadaraatka isticmaala ayaa la soo sheegayaa inay yihiin kuwa ugu daran ee ay saamaynta ku yeesheen dhaqanka gaalada.

Cudurro ayaa la sheegay inay dadkaasi la ildaranyihiin siiba kuwa halista ahh ee wax gumaada sida Aids-ka.

Soomaalida ku dhaqan Minnesota ayaa la sheegay inay xilligan la ildaranyihiin Cudurka dilaaga ah ee Aids-ka iyadoo la sheegay in kaalinta shanaad ay kaga jiraan dadka ugu badan ee qaba cudurkaasi.

Baaritaan ay samaysay waaxda caafimaadka ee gobolkaasi ayaa sheegtay in Soomaalidu ay kaalinta shanaad ka galeen dadka soo galootiga ah ee qaba cudurkaasi.

Ilaa 90 qof oo Soomaali ah oo baaritaanno u tagay isbitaallada ayaa la sheegay in laga helay cudurkaasi iyadoo la soo sheegato sidoo kale in laga yaabo in tiradu intaasi ka badantahay!

Banaadir Post.

VIDEO YAAB LEH”HADII LA YAABO YAASIINKA” Hoteel Moqdisho ku yaal oo Noqday Goob Ay Qurbo-Joogto “DANYUUSBARADO” Ku Tuntaan!!

226850_517622541613605_54592128_nHotel ku-yaal Muqdisho oo Qurbo-joogta Soomaaliyeed ee dibadda ka timaada ay kula tuntaan gabdho Soomaaliyeed oo Hotelka lagu iibiyo.

Raggan ayaa Khamri iyo Shiishad la caba gabdhahan oo xoogaa lacag ah ku bedesho inay la baashaalaan ka qaraabta Hoteeladda Muqdisho.

Filinkan ayaa waxaa ka soo muuqanaya Nin cabsan oo Foolxumo ku dhamaatay oo Cıyaarta Taangada iyo Niikada loo yaqaan la cayaaraya gabar dirac iyo dhar khafiif ah loo soo xiray,waxaadna arkeysaa gabdho kale oo Shiishad iyo khamri cabaya oo fadhiya goobtan lagu tumanayo.

Anagoo ilaalinaya Sumacada Hoteelkan ayaan go,aansanay inaan magaciisa halkan ku soo daabacin,balse hadii Hotelka uusan joojin fisqiga iyo munkarka ay Mudisho ka wadaan magacooda ayaan soo daabacaynaa iyo Aflaan kale oo laga duubay Hotelkan ay furteen Qurbo-Joog Muqdisho looga yaqaan (Somali Diyuusparo)

Daawo:Qurbo-Joog Hoteel ka mid ah Muqdisho kula Tunta Gabdhaha

23925990

24683573

WARBIXIN:-Qaadka oo Caqabad ku ah Dhaqaalaha iyo Nabadda Soomaaliya.

23848769Cunista Maandooriyaha qaadka ayaa si ba’an ugu sii faafeysa dalka Soomaaliya, iyadoo dadka ugu badan ee qaadka isticmaala ay u badanyihiin da’da dhallinyarada, in badan oo dadkaasi ka mid ah waxa uu qaadku gaarsiiyaa inay mar walba joogteeyaan oo ay qabatimaan, inta badanna ragga ayaa lagu tilmaa inay yihiin kuwa ugu badan ee isticmaala, waxaase jira dumar aan tiro badneyn oo iyana maandooriyahaasi isticmaala.

Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada midoobey ayaa warbixin uu soo saaray waxa uu ku sheegay in %70 dadka isticaamla Maandooriyaha qaadka inay yihiin dadka dhallinyarada ah ee ka hooseeya da’da Sodomeeyada.

Inta badan dhallinyarada qaadka isticmaasha waxay isugu yimaadaan goobo Marfeshyo ah oo ay ku khiyalaan, iyagoo marka ay ruugayaan qaadka isticmaala Cabitaanno kulul iyo Shaaha, waxaana Afar saacadood illaa Todobo Saacadood oo waqtigooda ka mid ah ku dhumiyaan cunista Maandooriyahani halista ah.

Qaadka Soomaaliya laga isticmaalo waaa laga keenaa dalalka Kenya iyo Ethopia, inkastoo aan tirakoob rasmi ah laga heyn dhaqaalaha Soomaalida uga baxa Qaadka, ayaa haddana daraasad ay sameysay Xarunta Ganacsiga iyo deegaanka Mareykanka Sanadkii 1993 waxay ku sheegtay in Hal Milyan oo doollar Sanadkii Soomaalida ay ku kharash gareeyaan qaadka uga yimaada dalka Kenya.

Tv-ga K24 ee laga leeyahay dalka Kenya ayaa Barnaamij gaar ah oo bartamihii sanadkii 2011 uu ka sameeyay Qaadka Soomaaliya loo soo daabulo wuxuu ku sheegay in maalin walba Dowladda Kenya ay Qaadka ka macaashto dhaqaale ka badan 11 Bilyan oo Lacagta Kenya ah oo u dhiganta ku dhawaad 130 Milyan oo doollar. Waxaana jirta in maalin walba dowladda Kenya ay Labaatan Tan oo qaad ah u dhoofiso Soomaaliya, halka Tobon Tan oo kalena ay u dhoofiso dalka Ingiriiska oo ay ku noolyihiin Soomaali badan oo isticaamaasha Maandooriyaha Qaadka.

Cabdul-Caziiz Axmed Ibraahiim oo ah Macalin ka tirsan Jaamacad ku taalla magaalada Muqdisho ayaa sheegay in kharashka dhaqaale ee Soomaaliya uga baxa Qaadka sida maalinlaha ah loogu soo duubay uu Sanadkii ku dhowyahay 200 oo Malyuun oo doollar, iyadoona ku dhawaad kala bar lacagtaas ka mid ahna ay ku baxdo qaadka laga isticmaalo magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay C/Casiis in arrintaasi ay saameyn ballaaran ku yeelaneyso dhaqaalaha dalka oo markii horeba gebi dhacleynayay, isagoona tilmaamay in haddii dhaqaalahaasi loo weecin lahaa Mashaariicyo oo kale oo hormineed ay shaqooyin u abuuri laheyd Boqollaal Soomaali ah.

23215483

Qaadka waxa uu halis badan ku hayaa ammaanka, iyadoo in badan oo ka mid ah dadka qaadka cuna ay yihiin kuwo hubeysan, taas oo ku kallifeysa inay sameeyaan tallaabooyin ay amaanka ku carqaladeynayaan si ay u helaan dhaqaalaha Yomiga ah ee ku baxa Qaadka oo qiyaastii dhan $20.

Dhinaca kale Qaadku waxa uu sababaa inay qoysas badan bur buraan, kadib marka ay luqanta isku galaan ragga Maandooriyahaas isticmaala iyo Haweenka ay qabaan, waxaana Mukhayiliinta lagu eedeeyaa inaysan Biil ama Masruuf ku filan siin qoysaskooda.

Si kasta oo ay ahaataba Mujaahidiinta Soomaaliya ayaa gobollada ay ka taliyaan waxay kala dagaallameen Maandooriyaasha noocyadooda kala duwan gaar ahaan Qaadka, iyadoo Natiijo wanaagsanna ay kasoo hooyatay tallaabta ay ku dhaqaaqeen Mujaahidiinta.

XIGASHO AMIIRNUUR MEDIA.

23783794

SAWIRO:-Xeebta Liido”Moqdisho” iyo sidow xaalkeedo yahay!

23439195Qurbajoogta ayaa ku waashay xeebta liido xili qabuuro badan lagu arkayo banaanka Xeebta,waxaana ku nool dad qaxooti ah oo aan awoodin inay ubadkooda u helaan waxay cunaan,kuwaas oo indhahaagu qabanyaan markaad gaarto xeebta Liido oo xaalkeeda Ilaah weyn kaliya garan karo waxa ka jira.
Magaalada Moqdisho ayaa ah magaalo daal badan hayo,welina aan gacan ku hayn kuwii daal tiri lahaa.waana dhibka ka jira Xeebtaas xumaanta lala dhoobtay.

24974011

Qurbajoogta”Danyuusbarada” ayaa ku balama Xeebta liido iyaga oo indhahooda ku arka dhibka haya dad ku nool dhulka ku dhirarsan xeebta iyo qabuuro aad u badan oo ay ku jiraan dad Xabad iyo qaajo dishay kuwaas weli ka taagan Magaalada Moqdisho.
24989177 (7)
Xeebta ayaa soo dhoobtay rag iyo dumar isku dhexjira oo intooda badan qaawan,taaso ay la yaabeen dadka diinta leh oo ku nool magalaada Moqdisho,waana sababta keenta in la naco ama la dhibsado kuwa Moqdisho looga yaqaan “DANYUUSABARADA”
24989177 (1)

Dumarka Muqdisho oo Lagu-arkay Isbadal Layaab Leh Daawo Muuqaalkan.

68865_441323985933589_1553000895_n
23951011

Tarsan ninkii dadka isku geeyay Xeebta Liido”Is dhexgalka dhalinta Somaliyeed” muxuu hada dhibsaday isaga oo maalmo kooban Kursiga uga hartay!!

24989177 (2)