MINNASOTA:-Soomaalida Minnesota oo kaalinta Shanaad ka gashay dadka ugu badan ee qaba cudurka Aids-ka.

25557894Dadka Soomaalida ah ee ku dhaqan qurbaha ayaa la sheegay inay yihiin  kuwo dhaqan door soomay oo inta badan aqlaaqda wadaangsan ka tegey marka laga reebo tiro yar oo Allaah bad baadiyay.

Dhalinyarada aan diinta Islaamka lagu barbaarin ee la saaxiibay dhigooda gaalada iyo dadka waaweyn gaar ahaan kuwo muqaadaraatka isticmaala ayaa la soo sheegayaa inay yihiin kuwa ugu daran ee ay saamaynta ku yeesheen dhaqanka gaalada.

Cudurro ayaa la sheegay inay dadkaasi la ildaranyihiin siiba kuwa halista ahh ee wax gumaada sida Aids-ka.

Soomaalida ku dhaqan Minnesota ayaa la sheegay inay xilligan la ildaranyihiin Cudurka dilaaga ah ee Aids-ka iyadoo la sheegay in kaalinta shanaad ay kaga jiraan dadka ugu badan ee qaba cudurkaasi.

Baaritaan ay samaysay waaxda caafimaadka ee gobolkaasi ayaa sheegtay in Soomaalidu ay kaalinta shanaad ka galeen dadka soo galootiga ah ee qaba cudurkaasi.

Ilaa 90 qof oo Soomaali ah oo baaritaanno u tagay isbitaallada ayaa la sheegay in laga helay cudurkaasi iyadoo la soo sheegato sidoo kale in laga yaabo in tiradu intaasi ka badantahay!

Banaadir Post.

Hoteeladu Tiro Badanaa oo Magacyo Xumaa!!

25133592

Dadka Soomaaliyeed waxay leeyihiin Dhaqan ku saleysan Diinta islaamka oo si weyn ay ugu faanto , hase yeeshee Dhaqankaas Suuban waxaa moodaa in uu meesha ka soo baxayo gaar ahaan Tan iyo Markii ay Dhaceen Dagaaladii Sokeeye. Hadaba iyadoo taasi ay jirto ayaa waxaa Waqtiyadii ugu Dambeeyey ku soo badanayey Magaalada Muqdisho Hotelada ay furanayaan Ganacsato Soomaaliyeed, Ma Xuma in la furto Hotelo hase yeehee Hoteladaasi ma wataan Magacyadii ummada Soomaaliyeed ay Dhaqanka u lahayeen ,waxaa mid waliba uu wataa Magacyo Shisheeye oo Af Qalaad ku Qoran waxaana ka mid ah Magcayada Hoteladaasi Golden City, City Palace, Kuweyt Palaca . Lido Sea Food, The Village, Al-Jasiira, Oriental, Safari, Paradise, Amira ,Imperial, Peace,Town City ,Ambassador, Bikiin, Saxafi , Magacyadaan iyo kuwa ka sii badan waxay si aad ah u soo muuqdeen Labadii Sano ee ugu dambeysey waxaana ay yihiin kuwa ay la yimaadeen dadka Soomaaliyeed ee Qurba joogto ah , waxaana halkaasi kaaga muuqanaya in ay soo baxayaan warar hore loo sheegey oo ahaa in dadkii u baxay Dibadaha Mustaqbalk ay la soo laaban doonaan Dhaqamadii ama Afafkii Dalalkii ay tageen, taasoo haatan ay soo if baxeen .

Waa jiraan Hotelo qaatey Magacyada Soomaliyeeda ay Dhaqanka u leeyihiin waxaana kuwaas u soo jeedinayaa Mahad gaar ah waxaa ka mid ah Hotel Aaran Hotel Janaale, Raasa, Kaah , Bulsho Hogol iyo Barwaaqo hase yeeshee waxaa aad u badan kuwa wata Magacyada Shisheeye mar aan weydiiyey mid ka mid ah Aqoonyahanada Soomaaliyeed sababta keentey in laga cararo Magacyadii ay ummada Soomaliyeed ay ku faani jireen ama Dhaqanka u lahaayeen ayaa yiri “ Sida aad ula yaabtey ayaa anigana ula yaabey, balse Xaqiiqda haddii aan kaaga waramo laba Siyaabood ayey ku yimaaadeen Magacayadaasi mid waa Dadkii Soomaaliyeed ee Muddada dheer naga maqnaa oo la soo laabtey Dhaqamadii ay kala yimaadeen Wadamadii ay tageen , mida kale markii uu dhacay Weerarkii Mareykanka ee 11-kii September 2001 waxay Wadamada islaamka ay ka carareen Magacyadii islaamka uu lahaa ama Dhaqanka ay u lahaayeen iyagoo ka cabsanya in lagu Shabadeeyo waxa ay reer Galbeedka u yaqaanaan Argagixisada marka haddii Hotelkaada ama Shirkadaada ay wadato Magac Shisheeye waxay dadka qaar qabaan in Hoteeladooda ama Shirkadahooda ka Badbaadayaan Reer Galbeed ama ay helayaan Macaamil fara badan oo Shisheeye ah. Hase yeeshee taasi waa u Aqoon Xumo Soomaalida waxay Tiraahdaan “Dhar Aadan lahayn Dhaxan kaama Celiyo” aan sida kale u dhigno Abwaanadeena ayaa hore u yiri” Af Qalaad Aqoon Miyaa” marka waxaan leeyahay Ummada Soomaaliyeed yeysan ka tagin Dhaqankooda Suubanaa iyo Magacyada Wanaagsan ee Islaamku siiyey hana joojiyaan Raali gelinta ama Qancinta reer Galbeedka.

24989177
Wadamada Yurub ee aan Afkooda Xayeysiineyno iyaga ma qaadan karaan Magacyadeena ? Sua’aashaas Jawaabteeda waa maya marka ma waxaad weydey in Hotelkaada aad u bixiso Magacayadii ay ay lahaayeenn GeesIyaasheennii ee Qadarinta naga mudan , Magacyada kale ee aadka u Qurxoon ee Afkeenna Hodanka ah ee Miyi iyo Magaalo aad ka haleysid sidoo kale Magacyada Islaamka ee aadka u Wanaagsan marka aad u Carareysid Magacyo ama Af kale dad kale ay leeyihiin kuwaada ayaa ku faani kartaa oo aad ku yeelan kartaa Sharaf iyo Qadarin.

24683573

Maqaalka aan ugu Magacdarey “Hoteladu Tira Badanaa oo Magacyo Xumaa “ Haddii aan fiirino waxaa Hoteladaas oo markii hore Mgacayo Xumaa ,hadana waxaa ku Hoose Duugaan Dhaqan Xumo kale waxaa Hotelada Qaar lagu Cabaa Balwada loo yaqaan (Badeeco) ama( Shiishad ) waa Balwad la Dhuuqo waxayna Asal ahaan ka timid Wadamada Shisheeye waxaana Hotelada Qaar ay sameeyeen meelo lagu Cabo ,mar aan weydiiyey mid ka mid Dadka Caba Badeecadaasi ayaa yiri “Guryaheena kuma Cabi karo oo reerkeenna ayaa Cabsanayaa ,marka Hotelada ayaa noo fududeyey waliba Rag iyo Dumar qaarkood way wada Dhuuqaan waana mid si aad ah ugu soo kordheysa Dalka .marka waa dhaqan Xumo ku soo biirtey Wadanka “

24820143

“Markii hore Qaadka ayaa ku dhibaneyn hadana waxaa la keeney Bahal la Dhuuqayo oo ka Kharash badan Qaadka marka lacagtii Wadanka uu lahaa ayaa ku Badelaneynaa Qashin iyo wax aan faaiido lahayn , waa dad aan marnaba fahameyn waxa Dhibaatada ugu jirto waana Dad ku jira nolol Qar iska Tuurnimo ah ,waxaana ku talinayaa in Shacabka ay u Guntadaan sidii aan uga hortagi lahayn Dhaqamadaas Xun Xun ee Wadanka ku soo badanaya “ayuu yiri nin Odey oo si aad uga Careysan Dhaqmadaas laga soo min Guuriyey Dibadda ,Waxaana Xaqiiqo ah in Hotelkii qaatey Magac Shisheeye uu keenayo in uu Fuliyo Dhaqankoodii Guracnaa . isku soo duuboo Ma Xuma in Hotelo la sameeyo hadana waxaa Haboon in Hotelada Noqdaan kuwa ku Shaqeeya Dhaqanka wanaagsan ee Islaamka noo jideeyey taasoo aan ku gaari karno Nolol Wanaagsan oo ku Tiirsan mid Adduun iyo mid Aakhiro.

24580850

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

VIDEO- CAJIIB:-Daawo Dumarka Holland oo Codsaday Qaadka in la Fasaxo!!

24398849Waagii hore Dumarka ay ahaan jiray kuwa  cabashada ka muujiyay cunida Jaadka , laakiin hadeer waxey u muuqataa iney iyagu yihiin kuwa doonaya in loo fasaxo raga iney qayilaan. Oo maxaa is badaley? Bal aan daawano dumarkan sida fakarkoodii uu isku badalay

Daawo:Dumarka Soomaalida Holland oo codsaday Qaadka in ragooda loo fasaxo:

Banaadir Post.

WARBIXIN:-Qaadka oo Caqabad ku ah Dhaqaalaha iyo Nabadda Soomaaliya.

https://newsfromsomalia.wordpress.com/2013/01/08/warbixin-qaadka-oo-caqabad-ku-ah-dhaqaalaha-iyo-nabadda-soomaaliya/

23848769

Ina Xaaji Fiqqi “Askari Qaad cunaya ma qaadi karo, laguma amini karo masuuliyad Qaran oo weyn”Isaga oo Qayila yaa ku aaminay xilka oo sheegay inow hayo!https://newsfromsomalia.wordpress.com/2013/01/04/ina-xaaji-fiqqi-askari-qaad-cunaya-ma-qaadi-karo-laguma-amini-karo-masuuliyad-qaran-oo-weynisaga-oo-qayila-yaa-ku-aaminay-xilka-oo-sheegay-inow-hayo/

23783794

Khat ban rejected by UK drug advisers

24112434The UK government’s official drugs advisory body has rejected calls to ban the herbalstimulant, khat.

The Advisory Council on the Misuse of Drugs (ACMD) said there was “insufficient evidence” that khat caused health problems.

The stimulant is traditionally used by members of the Somali, Yemeni and Ethiopian communities.

It has been outlawed by the US and Canada and in most European countries, most recently by the Netherlands.

The review was commissioned by the Home Office.

The ACMD said there was “no evidence” khat was directly linked with serious or organised crime.

It said khat, which consists of the leaves and shoots of a shrub cultivated in the Horn of Africa and the Arabian Peninsula, was chewed to obtain a “mild stimulant effect much less potent than stimulant drugs, such as amphetamine”.

Khat is sold in bundles for about £3 to £6 each. Users often chew one or two bundles for up to six hours at a time.

Prevention education

Somali groups in the UK had told the council that use of khat, which acts as a stimulant when chewed, was a “significant social problem”.

Campaigners said it caused medical problems and family breakdowns.

But ACMD chairman Professor Les Iversen said the review “found insufficient evidence of either health or societal harms caused by the use of khat to justify its control in the UK”.

He added: “We have listened to concerns of the community and recommend local authorities and the police address these through continued engagement.”

The council’s vice-chairman, Dr Hew Mathewson, said he gave “no credence” to links between the khat trade and the funding of al-Shabaab, the Somali-based cell of al-Qaeda.

The ACMD recommended that the NHS should include khat in prevention education when necessary and called on local authorities and police commissioners to engage with communities “to address any concerns of khat use causing social harm”.

It also said khat usage data should be included in information provided by treatment and enforcement agencies so it could be examined in future research.

More than 2,500 tonnes of khat, worth about £13.8m, was imported by the UK in 2011/12, bringing in £2.8m of tax revenues, the ACMD added.

The members of the ACMD makes recommendations to ministers on issues including the classification of substances under the Misuse of Drugs Act 1971.

BBC home affairs correspondent Danny Shaw said the decision on khat was not unanimous and some members were understood to be unhappy.

Our correspondent said press reports had suggested that the government might now conduct its own review of the substance.

SOURCE BBC.

23215483

Uhuru condemns ban on miraa, Jubilee presidential candidate Uhuru Kenyatta has condemned the ban on Kenyan miraa (khat) by the Netherlands.

23970220Jubilee presidential candidate Uhuru Kenyatta has condemned the ban on Kenyan miraa (khat) by the Netherlands.

Mr Kenyatta, who is also the TNA leader, said the decision was draconian, excessive and arbitrary. He called on the Netherlands government to rethink the decision and hold dialogue with miraa farmers because the decision affects them and millions of others.

He said miraa is a key income-earner for farmers in Meru and the Upper Eastern region, and a huge foreign exchangeearner for the country.

Mr Kenyatta pledged that a Jubilee government would seek more markets for the product in the East African Community, Africa and other parts of the world to ensure farmers continue earning their livelihoods, and Kenya the foreign exchange.

He said the January 5 decision to ban miraa trade in The Netherlands had effectively dealt a big blow to a sub-sector worth Sh1.6 billion annually. The order by the Netherlands Secretary of State for Health, Welfare and Sports also directs that traders stop stocking miraa at Schipol Airport in Amsterdam.

The ban has already begun to bite. The Royal Dutch Airlines (KLM) has stopped airlifting miraa to The Netherlands.

http://www.standardmedia.co.ke/?articleID=2000075033&story_title=Kenya-Uhuru-refutes-ban-on-miraa

68655_156880317794108_2086853166_n

VIDEO:-Gabar Qurbojoog ah Kuna Faaneysa Wadan”Moqdisho” Freedom ah ayaan Joogaa, Madaxa Qaawsanoonaa!!

23925784 Gabar  Somaliyeed oo ka qeyb gashay xaflad xamar lagu qabtay looguna baaqayay qQurbajoogto inay yimaadaan Moqdisho kana qeyb qaataan sida xor loogu yahay Xamar.
Gabartan ayaa ah Qurbojoog”DANYUUSBARO” kuwaas oo Somaliya kula noqonaya waxyaabo ay la yaabeen dadka ku nool somalia gaar ahaan Moqdisho oo ay ka joogaan xaafado kooban.
Gabadhan ayaa dadka ugu baaqaday inay madaxa laqaawsado  umadda somaliyeed iney freedomka ilaaliyan, waxaan maqli jiray akhristoow cimrigaaga dheeraado geel dhalaayoo ku tusaa!!
23925990
23848641

DAAWO Gabdhaha qurbaha ku halaabay 2012.intee lagu dhaqan celin doonaa?

Banaadir Post.

Farmers blow as Holland bans miraa (Khat) from Kenya

Farmers blow as Holland bans miraa (Khat) from Kenya

23883125

Miraa farmers, traders and consumers have expressed anger with Kenyan authorities for failing to lobby the Dutch government to reverse a decision to ban it despite a one year window before the effective date. The ban was effected as scheduled on January 5.

Traders and farmers of the stimulant in Meru, where it is the main source of income, say they are worried that the Netherlands’ ban could spread to other markets, adversely affecting them.

“The first step towards salvaging the crop is having it classified under the cash crop category in the Agricultural Act and remove it from the horticultural category,” said Florence Kajuju, a miraa trader from Tigania East.

According to Miraa exporter Dan Aritho from Nyambene, the region is expected to generate more than 60 per cent of the Meru County income, 80 per cent of this generated by miraa business.

Netherlands has formerly stopped importation of Miraa from Kenya. The Dutch government issued traders operating from Uithoorn village near Schipol Airport in Amsterdam with letters ordering them to cease stocking and sale of the herb with immediate effect.

The letter signed by state secretary for heath, welfare and sports, M. J. van Rijn was distributed to Miraa traders on Friday last week.

Miraa has been classified under the Opium Act, the same category as bhang, and has been banned from Holland according to the letter. Bhang is however smoked in Holland legally in coffee shops.

In Kenya, KLM Airline has canceled its dealing with traders who have been reserving space for miraa cargo, shipped four times a week to Amsterdam’s Schiphol Airportand distributed to Germany, Sweden, Denmark and Norway.

Around 843 tonnes of miraa , worth a minimum of 14 million euros (Sh1.6 billion) passed through Schiphol in 2010, up from 714 tonnes in 2009 and 693 tonnes in 2008.

Nyambene Miraa Traders Association spokesman Kimathi Munjuri says there has been no official communication from the Netherlands government since January last year, when the move to ban the stimulant was passed in the Hague.

“We are very frustrated because there have not been any attempts by both Kenyan and Netherlands government to resolve the issue,” said Munjuri.

Efforts by the association to seek answers from Kenya’s ministry of foreign affairs prompted the officials to write a formal request to the Dutch embassy in Nairobi for information on whether indeed miraa trade had been banned.

The ban makes 16 the number of European Union countries that have banned miraa alongside Norway in the Nordics.

An independent report commissioned by the Dutch government has cited noise, littering and groups of men who roam the streets chewing the herb are perceived as threatening.

Kenya miraa traders are worried that the United Kingdom, the second largest miraa market in EU will follow suit. In 2005, the UK Home Office review conducted by the advisory council on the misuse of drugs concluded that long term use of miraa has effects of class C drugs, same as bhang and steroids.

“We are lobbying our foreign affairs ministry to seek an official communication from their Dutch counterparts before we think of our next course of action,” said Munjuri.

Netherlands is home to a large population for Somali community which forms the bulk of miraa consumers.

Source: The Star

23848769

WARBIXIN:-Qaadka oo Caqabad ku ah Dhaqaalaha iyo Nabadda Soomaaliya.

23848769Cunista Maandooriyaha qaadka ayaa si ba’an ugu sii faafeysa dalka Soomaaliya, iyadoo dadka ugu badan ee qaadka isticmaala ay u badanyihiin da’da dhallinyarada, in badan oo dadkaasi ka mid ah waxa uu qaadku gaarsiiyaa inay mar walba joogteeyaan oo ay qabatimaan, inta badanna ragga ayaa lagu tilmaa inay yihiin kuwa ugu badan ee isticmaala, waxaase jira dumar aan tiro badneyn oo iyana maandooriyahaasi isticmaala.

Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada midoobey ayaa warbixin uu soo saaray waxa uu ku sheegay in %70 dadka isticaamla Maandooriyaha qaadka inay yihiin dadka dhallinyarada ah ee ka hooseeya da’da Sodomeeyada.

Inta badan dhallinyarada qaadka isticmaasha waxay isugu yimaadaan goobo Marfeshyo ah oo ay ku khiyalaan, iyagoo marka ay ruugayaan qaadka isticmaala Cabitaanno kulul iyo Shaaha, waxaana Afar saacadood illaa Todobo Saacadood oo waqtigooda ka mid ah ku dhumiyaan cunista Maandooriyahani halista ah.

Qaadka Soomaaliya laga isticmaalo waaa laga keenaa dalalka Kenya iyo Ethopia, inkastoo aan tirakoob rasmi ah laga heyn dhaqaalaha Soomaalida uga baxa Qaadka, ayaa haddana daraasad ay sameysay Xarunta Ganacsiga iyo deegaanka Mareykanka Sanadkii 1993 waxay ku sheegtay in Hal Milyan oo doollar Sanadkii Soomaalida ay ku kharash gareeyaan qaadka uga yimaada dalka Kenya.

Tv-ga K24 ee laga leeyahay dalka Kenya ayaa Barnaamij gaar ah oo bartamihii sanadkii 2011 uu ka sameeyay Qaadka Soomaaliya loo soo daabulo wuxuu ku sheegay in maalin walba Dowladda Kenya ay Qaadka ka macaashto dhaqaale ka badan 11 Bilyan oo Lacagta Kenya ah oo u dhiganta ku dhawaad 130 Milyan oo doollar. Waxaana jirta in maalin walba dowladda Kenya ay Labaatan Tan oo qaad ah u dhoofiso Soomaaliya, halka Tobon Tan oo kalena ay u dhoofiso dalka Ingiriiska oo ay ku noolyihiin Soomaali badan oo isticaamaasha Maandooriyaha Qaadka.

Cabdul-Caziiz Axmed Ibraahiim oo ah Macalin ka tirsan Jaamacad ku taalla magaalada Muqdisho ayaa sheegay in kharashka dhaqaale ee Soomaaliya uga baxa Qaadka sida maalinlaha ah loogu soo duubay uu Sanadkii ku dhowyahay 200 oo Malyuun oo doollar, iyadoona ku dhawaad kala bar lacagtaas ka mid ahna ay ku baxdo qaadka laga isticmaalo magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay C/Casiis in arrintaasi ay saameyn ballaaran ku yeelaneyso dhaqaalaha dalka oo markii horeba gebi dhacleynayay, isagoona tilmaamay in haddii dhaqaalahaasi loo weecin lahaa Mashaariicyo oo kale oo hormineed ay shaqooyin u abuuri laheyd Boqollaal Soomaali ah.

23215483

Qaadka waxa uu halis badan ku hayaa ammaanka, iyadoo in badan oo ka mid ah dadka qaadka cuna ay yihiin kuwo hubeysan, taas oo ku kallifeysa inay sameeyaan tallaabooyin ay amaanka ku carqaladeynayaan si ay u helaan dhaqaalaha Yomiga ah ee ku baxa Qaadka oo qiyaastii dhan $20.

Dhinaca kale Qaadku waxa uu sababaa inay qoysas badan bur buraan, kadib marka ay luqanta isku galaan ragga Maandooriyahaas isticmaala iyo Haweenka ay qabaan, waxaana Mukhayiliinta lagu eedeeyaa inaysan Biil ama Masruuf ku filan siin qoysaskooda.

Si kasta oo ay ahaataba Mujaahidiinta Soomaaliya ayaa gobollada ay ka taliyaan waxay kala dagaallameen Maandooriyaasha noocyadooda kala duwan gaar ahaan Qaadka, iyadoo Natiijo wanaagsanna ay kasoo hooyatay tallaabta ay ku dhaqaaqeen Mujaahidiinta.

XIGASHO AMIIRNUUR MEDIA.

23783794

Ina Xaaji Fiqqi “Askari Qaad cunaya ma qaadi karo, laguma amini karo masuuliyad Qaran oo weyn”Isaga oo Qayila yaa ku aaminay xilka oo sheegay inow hayo!

23783794 Wasiirka gaashaandhiga xukuumada Somalia C/kaxiin Xaaji Fiqqi ayaa sheegay iney wasaaradiiso ay wado qorshe Isticmaalka Qaadka looga joojinayo ciidamada dowlada gaar ahaan kuwa cuna, isagoo xusay iney ka soo saari doonaan shuruuc.

Isaga iyo Raiisul wasaarihiisa Saacid  ayaa qayilee yaa shuruuc u soo saari doona iyaga!!

Waxaa yaab leh cudur isaga haya  ayuu rabaa inow qof kale ka  daaweeyo!

Waxaad ka garan kartaa hadalkiisa sida oo u yaqaan Qaadka iyo balwadaha kala duwan siday u dhib badan yihiin hadana caafimaadka ugu xun yihiin,laakiin wuxuu hilaamay inow isaguba yahay Qeyru masuul.aan naftiisa lagu aamini karin.

“Qaadka caafimaad ahaan iyo shaqo ahaanba qofka wax weyn ayuu dhimayaa, askari qaad cunana si buuxda looguma amino karo masuuliyad Qaran, anshax iyo asluub ahaana ciidanka uma fiicna inuu cuno, 100-ka dolar ee la siiyo inuu qaad ku cuno iyo inuu qoyskiisa u geeyo meel islama geli karto”

Waa dhib Somalida haya in maalin kasta been loo sheego,Qurbajoogta “Danyuusbarada”ayaa ah kuwa ku dulaysan Balwadaha kala duwan kala yimid dibadaha.

23215483“Diinta iyo sida dulli looga yahay” Banaadir Post

23783381

“Qoom  haween dirsaday daal kama baxo”

Banaadir Post

Dhibka qaadka iyo qoyska Somaliyeed”Awaal-tiris” Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi)+VIDEO MAQAL AH.

Maansadan Awaal-Tiris, waxa curiyay Abwaanka caanka ah, Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), waxaanay soo baxday 13/09/09. Waxa uu kaga hadlayaa mushkiladaha dhinacyada badan ee maanta mujtamaca ku xeeran. Qaadka oo ah kan sababay in ragga Soomaaliyeed gabo kaalintii uu nolosha ku lahaa, taasina geyaysiiso haweenka inay ku keliyaystaan dhibaatada nolosha; ayuu si ba’an u dhaliilayaa.

Obocda Maansada, waxa uu Abwaanku ku xusayaa sheeko naxdin badan. Gabadh ayaa ninkeedii ku mashquulayaa aafada Qaadka, kagana jeedsanaya masuuliyaddii ubadka iyo noloshaba ka saarnayd. Si carruurtu u hesho quutal-daruurigoodii, ayay gabadhu bacadka u ban-baxaysaa, iyada oo Qaadka laftiisa ka ganacsanaysa. Af-xumo, guhaad, amaah iyo qaylo ayay intaba u dhabar-adaygaysaa. Maalinta dambe ayaa aabbihii qoyska ee caqaarta ku ruugayay ‘Albaabbada kheyrku seegay’, waa sida Abwaanku leeyahay’e, ayaa muddo Toddobaad ah ka maqnaanaya gurigiisii. Isagu waxa dabadii guriga ka dhacay war uma hayo’e, iyada oo loo fadhiyo Tacsidii inantiisii curad ee Ugaaso ayuu soo galayaa. Qaad ayuu kilaankillada ku haystaa, waxaana u daran meel uu fadhiisto iyo shaah/biyo. Si ay intaas ugu fuliso inantiisii curad ee Ugaaso, ayuu odhanayaa “Ugaasooy…Ugaasooy.” Ugaasada uu la hadlayaaba miyaanay dorraad dhiman oo inta kafan loo amaahday axan loo yaboohin. Yaab! Halkaas ayay hooyadu dhawaaqeeda ka bilaabaysaa.

Gebagebada Maansadana, waxa uu Abwaanku kaga warramayaa sida Odaygii iyo Waayeelkii ummaddu u ab-guuray ee uu u noqday mid iimaankiisa xaraasha. Sidoo kale waxa uu si weyn u naqdiyayaa siyaasadda awaalkan jirta oo u ku tilmaamayo mid aan aabbo lahayn, ku-daalkeeduna aanuu macno buuran samaynayn.

23215488

Iyada ayaa Maansadu is fasiraysa ee aan idiin kala baxo:

1. Uub baad ku jirtaa qarsoone,

2. Ka soo baxa iilka Qaadka,

3. Adduunka ragoow mar kaalay,

4. Abuurtiyo heega daawo,

5. Awoodaha saaran daawo,

6. Falaadkiyo alabbadeeda,

7. Ilaah samihiisa daawo,

8. Udbaha iyo teedka daawo,

9. Aloolka ku jeeran daawo,

10. Hagoogta aslaysa daawo,

11. Cadceedda ifaysa daawo,

12. Ilwaadkiyo nuurka daawo,

13. Abaabul-caddaanta daawo,

14. Ummuuraha toosay daawo,

15. Dayaxa ishin-buuxsankiisa,

16. Aashaa socodkiisa daawo,

17. Cir-jiidhiyo ololka daawo,

18. Rugaa afo-gaalladiisa,

19. Laxaa iyo ururka daawo,

20. Aleelaha guudka daawo,

21. Habeenka amuuman daawo,

22. Shareerkiyo aqalladiisa,

23. Haddana ashqaraarradiisa,

24. Ardaayada gogosha taalla,

25. Ammuuraha seexday daawo,

26. Haddaanu arbeebigeedu,

27. Ku barin abtirsiimadeeda,

28. Inbiig ku dhex joogi maysid;

29. Ugaas bokhran baad ahayd’e,

30. Irdaha noloshaad ahayd’e,

31. Ilayska dhulkaad ahayd’e,

32. Ragoow indho-beelistaada,

33. Asaayo maxaa ka beermay!

34. Halkaad ku lahayd astaanta,

35. Maxaa umal soo fadhiistay,

36. Maxaa gudcur soo af yeeshay,

37. Naftaada markaad illowday,

38. Bal soo tiri aafadaada,

39. Wixii lumay aynabkaaga,

40. Bal daawo inkaarahaaga!

41. Unuunka dhirtaad ka goysay,

42. Aahdeeda bal soo dhegayso,

43. Hashii iyo awrka geela,

44. Abaaludda loo dareershay,

45. Ureenkiyo tiinka daawo,

46. Rasaasta alwaysa daawo,

47. Oomaarkiyo dhiigga daawo,

48. Areerinka meydka daawo,

49. Islaan curadkeeda weyday,

50. Asayda la saaray daawo;

51. Habliyo ubixii dalkeenna,

52. Markay Ingiriis u xiistay,

53. Markii Inglan looga yeedhay,

54. Wedkay ku aroortay daawo;

55. Uneexada gabanka xoortay,

56. Abaydinka dooxa yaalla,

57. Abkiisa la sheegi waayay,

58. Aboodigu boobay daawo;

59. Addoonka addoonka maagay,

60. Ku yidhi isku Aadan miihin,

61. Gabooye agtiisa yaalla,

62. Walaalnimadii ka ootay,

63. Aayaadkiyo diinta qeexan,

64. Sidaas kaaga aayo beelay,

65. Halkuu illin mooday daawo;

66. Cirkii onkodkiyo hillaaca,

67. Daruuraha alabaskooda,

68. Cuslayn jiray alalagtiisa,

69. Bal daawada uummigiisa;

70. Dhulkii ubixiyo caleenta,

71. Ugbaadkiyo doogga laaca,

72. Ilwaadkiyo nuurka sheegtay,

73. Awaaraha jiifa daawo;

74. Basaastiyo oonka daawo,

75. Geyiga umal-toobankiisa,

76. Ayaayurantiisa daawo,

77. Bal dhawr laba-eefiddaadu,

78. Waxay af-dhabaandhab keentay!

79. Garaadka abloobay daawo,

80. Adduunyadu baadi maaha,

81. Mudkeediyo bulad ammaanka,

82. Afkii cunay quusan waaye,

83. Hadduu laba-aabudh saaray,

84. Hadduu ugubkeeda leefay,

85. Muxuu ka dhex joogi uuska.

86. Ugaasadu meeday? hee dhe,

87. Dorraato miyaan la aasin,

88. Miyaan kafan loo amaahan,

89. Miyaan axan loo yaboohin,

90. Markii araggaa la waayay,

91. Miyaan jinku qaylo oogsan,

92. Miyaan insigii gadoodin,

93. Miyaan ollogeenu yaabin!

94. Ishaaro san kaama hayno,

95. Shidaad naga oollin maysid,

96. Ogaal nagu caymin maysid,

97. Itaal nagu xoojin maysid,

98. Qudhaanjo afuufi maysid,

99. Dalool naga awdi maysid,

100. Xashiish nala ururin maysid,

101. Aqool nala seesi maysid,

102. Aqoon nagu biirin maysid,

103. Xilkaagana oofin maysid,

104. Afkaagana dhawri maysid,

105. Sidii gabadhii Ayaan’e,

106. Ayaan-Hooday dhahaan’e,

107. Abwaannimo sheegan maysid,

108. Aroor qudha toosi maysid,

109. Dhiggaagiyo aynigaaga,

110. Adduunka la qaybsan maysid,

111. Iskaaba xusuusan maysid,

112. Wixii Rabbi kuu abuuray!

113. Intaydu ku deeqi mayso,

114. Intaada ku biirin maysid,

115. Hantida arladoo dhan taalla,

116. Haddaad irbad nooga keento,

117. Ducaa ku asqayn lahayd’e,

118. Inkaar naga waayi maysid;

119. Ufiyo bacad baan fadhiistay,

120. Anfaaciga aad cunayso,

121. Ilaaqda raggaan ku keenay,

122. Waxaan u adkaystay maagis,

123. Amaah iyo qaylo joogta,

124. Uurkayga waxaan ku haysto,

125. Afkayga ka sheegi maayo,

126. Asluubtana qoomi maayo,

127. Awaashiyo waayahayga,

128. Ka daalaco oogadayda.

129. Haddaad na ilaalin weydo,

130. Axsaanta ku laaban weydo,

131. Abaal nagu yeelan maysid,

132. Ammaan naga dhowri maysid,

133. Anigu kugu faani maayo,

134. Dharaar kugu aarsan maayo,

135. Adiga kuu uunsan maayo,

136. Agtaydana jiifi maysid,

137. Haddaan beri kuu il-duufay,

138. Haddeer ku abaysan maayo;

139. Markay ajashaada gaadho,

140. Cidina kuu ooyi mayso,

141. Ilaahay ka dhuuman maysid,

142. Jannada ku aroori maysid,

143. Cadaabta ka oolli maysid,

144. Godkaaguna waa aboor,

145. Abeesiyo waa ciqaab.

146. Ragoow amarkaaga weyni,

147. Haweenka uleeya maaha,

148. Dhibtooda ku iida maaha,

149. Ufaan uf qadhiidha maaha,

150. Albaabbada kheyrku seegay,

151. Caqaar ku aroosta maaha,

152. Asaasaq ku gaadha maaha,

153. Ku aakhiro-seega maaha.

154. Ragoow irdho qaadan maysid,

155. Ugaadhsi ka seexan maysid,

156. Abeerka badbaadin maysid,

157. Ugeybkana dhaafi maysid,

158. Haddaad cunto aayahaaga,

159. Xulkooda haddaad abbaarto,

160. Unuunka haddaad ka goyso,

161. Areebo sidaad ka yeeli?;

162. Sabeen inanteennu maaha,

163. Adeeri ka sii mug weyn’e,

164. Asoolka hablaa ka daaya!

165. Abaartiyo roobka dhoofay,

166. In waalan, intiinna dhoohan,

167. In qaawan, intii sawaaban,

168. Dhammaan ifafaalayaasha,

169. Ka muuqda adduunyadeenna,

170. Ragoow ubadkaaga leexday,

171. Islaamnimadii ka baydhay,

172. Agoonnimadooda buuxda,

173. Dhashiinna ku aabbo weyday,

174. Asmay ku calool galeen’e,

175. Ammaanada boodhka taalla,

176. Ragoow ololaynta Jaadka,

177. Haddaad kaga ood fogaatay,

178. Maxaa arrin kuu dambeeya!

179. Ragoow ka adkoow xilkaaga,

180. La saayira ooryihiinna,

181. Irmaanta xaqeeda siiya,

182. Ragoow ubadkaaga toosi,

183. Wixii arrin kaa daboolan,

184. Iimaanka ku baadi-doona,

185. Afeefna ka yeesha xaajo,

186. Ilaashada baylahdiinna;

187. Alhuumadu way fiddaaye,

188. Haddaad ummad liil ka weydo,

189. Hadday ahab yeelan weydo,

190. Waayeelku hadduu ab-guuro,

191. Hadduu odaygeedu waasho,

192. Hadduu la anbado xilkiisa,

193. Hadduu runta aamusiiyo,

194. Hadduu kolba eed xanbaarto,

195. Asuulkiyo xeerka soohan,

196. Hadduu marba oof-daloosho,

197. Hadduu laba-eef caddaysto,

198. Iimaanka hadduu xaraasho,

199. Hadduu wacadkiisa iibsho,

200. Araadi hadduu ku doono,

201. Ilaahay ka yaabi waayo,

202. Hadduu kolba iin’ caddaysto,

203. Hadduu umal saaqa yeesho,

204. Sidii abris qooqan guuxo,

205. Hadduu sida awr xunbeeyo,

206. Hadduu abur xoor leh saydho,

207. Hadduu ilko jiira yeesho,

208. Hadduu noqdo aadun huursan,

209. Abeesada meel la daaqo,

210. Aqoonta qofkii ku dhaama,

211. Hadduu asaraar ku beensho,

212. Dhirtuba kala ayni weeye,

213. Hadduu Garan-waa’ abuuro,

214. Hadduu kala geeyo uunka,

215. Hadduu marba qayb la ooyo,

216. Hadduu marba iil banneeyo,

217. Hadduu yahay uur-ka-gaal,

218. Wanaagga ku aabi badan;

219. Aleelo hadduu ku waasho,

220. Islaan iyo foox karaarsan,

221. Agtooda hadduu fadhiisto,

222. Ijaabo ka baadi-doono,

223. Ibliiska hadduu la showro,

224. Hadduu marba ood ka boodo,

225. Ishaaro xun baa qarsoon;

226. Haddaanay astaan lahayn,

227. Abbaar iyo nuxur lahayn,

228. Aroor iyo raad lahayn,

229. Ammaaniyo qawl lahayn,

230. Asluub iyo dhaqan lahayn,

231. Islaamnimo sheeganayn,

232. Hadday wada eexo tahay,

233. Hadday asaroorin tahay,

234. Asaasiran lagu bursado,

235. Hadday dabin aasan tahay,

236. Shil iyo wada eeso tahay,

237. Hadday wada aano tahay,

238. Hadday agaraadam tahay,

239. Addoonsigu diin u yahay,

240. Hadday orgobaysan tahay,

241. Iimaanku ka qooman yahay,

242. Hadday Arraweelo tahay,

243. Hadday abnawaasad tahay,

244. Af-duub iyo beeno tahay,

245. Axsaantu ka maydhan tahay,

246. Hadday orgi iyo ri’ tahay,

247. Or iyo wada qaylo tahay,

248. Hadday adhiyaysi tahay,

249. Hadday adhax-tuujin tahay,

250. Ilduuf iyo jeeble tahay,

251. Hadday wada ‘Aniga’ tahay,

252. Siyaasadi aabbe ma leh.

253. Ku daalka abaabulkeeda,

254. Alooskiyo baanaheeda,

255. Ujeeddo ka keeni maysid!!!

VIDEO MAQAL AH HOOS KA DHAGEYSO

http://www.youtube.com/watch?feature=player_detailpage&v=F6kUlGn6zMY

23215483

Banaadir Post

23848769

235k