DHAGEYSO:-General Cadde Muuse”Xaaladda Puntland way sii xumaatay waxaana dhacay wixii aan kadigay”

25732263Hogaamiyihii  hore ee Puntland Gen.Cadde Muuse Xirsi ayaa afka furtay kadib markii shan bil ka dib shir jaraaid  ku qabtay Magaalada Qardho.

Cadde Muuse ayaa sheegay in Muddo uu ka aamusnaa kahadalka Xaalada Puntland laakin haatan ay dantu ku qasabtay inuu hadlo.

Wuxuu sheegay xisbiyadda uu ku dhawaaqay Faroole inaysan udhameestirneyn sharcigooda islamarkaana ay jiraan kuwa ka kooban sadex ama laba qof.

Cadde Muuse  ayaa tilmaamay inay xaalada Puntland maalin kasta ay sii xumaanayso wixii uu kadigayana ay dhaceeen.

“Arinka maalin kasta way sii xumaanaysaa wixii aan ka digaynay waa tan ay dhaceen oo ciidamdii gadoodeen oo magaaladii Boosaaso iyo meel kasta ka guuxayaan waana wixii aan mar kasta dhahaynay halaga wada hadlo”ayuu yiri Cadde Muuse.

“mudo shan bilood ah oo aan kormeer ku marayay deegaanada kala duwan, Shacbigu waxay ilahaayeen Cade Muxuu la aamusanyahay oo uu u hadli waayay, waxaan u sheegayaa in aan la aamusnaa wadanka in ay qalaaso ka dhacdo marabin, Isimadii baan arkay, Dowladii baan arkay oon ku noq noqday anigoo danteyda aheyd in la wada hadlo oo dadka la isku keeno” sidaasi waxaa yiri Gen Cade.

“Puntland kuma socanayso anagaa niri sidaasi hala yeelo”ayuu yiri isagoo ula jeeday Faroolaha xooga ku haysta shacabka uu utaliyo.

“Waxa hada laga shaqeynayo ma ahan nidaaam saxan, waxaa ka maqan shuruudihii la rabay oo dhan, dimuq raadiyad waan rabnaa laakin sidaan ay wax u socdaan ma ahan kuwo saxan” ayuu ka yiri  Cade Muuse.

Cadde Muuse ayaa si kulul u weeraray Baarlamanka Puntland oo uu ku tilmaamay inay wax badan oo danbi ah galeen.

25219531

DHAGAYSO SHIRKA JARAAID CADDE MUUSE

25727988

Banaadir Post

JUG JUG OO MEESHAADII JOOG:-Banaanbax oo Ka Bilowday Goobta Shirka london kasocdo. Maanta oo Shalay weli u eg!

Kuwa Maanta Hor Boodaya  Xassan Gurguurte  Waa Kuwii Shalay Ku Banaanbaxayey  C/llahi Yusuf.
Kuwa Maanta Banaanbaxayana Waa Kuwii Shalay Difaacaya   C/llahi Yuusuf.

25687993 (1)

Dadkan ayaa ka cadhaysay maamul xumada Xasan Gurguurte  iyo waliba shirkii dhawaan u dhacay magaalada Ankara ee dalka Turkig akasoo dawlada federaalka ah la qaataday maamulka la magac baxay Somaliland.

Mudaharaadkan ayaa waxaa soo qaban qaabiyey jaaliyadaha maamulo badan oo Somalia ka jira sida Khaatumo State, Awdal State, Jubbaland, Maakhir State iyo Puntland kuwaasoo kasoo jorjeeda kala qaybinta iyo qabka xun ee Xassan Gurguurte  u wado dawlada Soomaaliya!!

25687993

Maxaa haray oo la  isku haystaa?

 

25690090Banaadir Post

 

XUKUN BEEN AH IYO XABAAL WADAREED:-Xasuuqa Faroole U Gaystay Dhalinyarada Soomaaliyeed

25603782 (1)

BOOSAASO:- Magaalada Boosaaso waxaa lagu xaqsuuqay ugu yaraan 19 Dhalinyaraa, waxaana la sheegayaa in tiradu intaas ka badan tahay, halka Muslimiin kalana laga Dhoofiyey Garoonka Diyaaradaha Magaalada Boosaaso.

Ma’ahan markii ugu horaysay oo Asha-haado ladirir Faroole uu toogto Dhalinyaro Soomaaliyeed,

Waxaa Bishii December 11, Sanadkii 2011 uu ku toogtay Magaalada Garoowe 4 Dhalinyaradaa oo Macalimiin Dugsi ahaa.

Bishii March, 5, Sanadkii 2012, wuxuu toogtay Wiilal Macalimiina oo Magacyadooda lagu sheegay,

1-Aadan Maxamed Nuur  ”Ina Isniino Aadan, waa 19 sanno jir
2-Cabdirisaaq Maxamed Shiikh AxmedIna Duniyo Isaaq, waa  18 sanno jir.
3-Cali Maxamuud Cilmi Ina Mako, waa 19 sanno jir).

Waxaa Magaalada Boosaaso Murtad Faroole uu ku toogtay April 30, 2013, 19 Qof inta la og yahay, waxaana Magacyadooda la hayaa.

1-Axmed Maxamed Cali (Mustaf) (Ina Canab) 18-jir.
2-Maxamed Maxamuud Saacadoole (Abu-hureyra).
3-Maxamed Abshir Cartan (Ina Aamino) 20-jir.
4-Cabdiraxmaan Maxamed Cali(Ina Mumino) 28-jir.
5-Cabdiqani Nuur Maxamed (Qorane)(Ina Ruqiyo) 23-jir.
6-Ruqiyo Xasan Maxamed Yuusuf (Ina Salaado Warsame) 25-jir.

Murtad C/fitaax

Dhagayso Cod Hore Murtad C/fitaax Xaaji Maxamuud Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Asha-haado ladirirka Puntland ee Magaalada Boosaaso oo horay xasuuqaan u shaaciyey Dhagayso Asaga oo leh Magaca Ilaahay iyo Magaca Puntland!, Subxaanallah, waxaa kaaga daran Quraanka Ilaahay ayuu ku cayaarayaa.

Dhagayso MP3 Murtad C/fitaax Xaaji Maxamuud Halkaan Riix Ama Guji

Dhagayso Codka Murtad C/fitaax Xaaji Aadan MP3 Halkaan Riix Ama Guji

Muuqaalka Wiilashii Garoowe Lagu Toogtay, (1-Aadan Maxamed Nuur ”Ina Isniino Aadan, waa 19 sanno jir2-Cabdirisaaq Maxamed Shiikh AxmedIna Duniyo Isaaq, waa 18 sanno jir.3-Cali Maxamuud Cilmi Ina Mako, waa 19 sanno jir).

Sheekh Xassan Takar Oo Wiilkiisu Uu Kamid Ahaa Wiilashii Boosaaso Lagu Xasuuqay,

Dhagayso Waraysiga Al-Muhaajir Sheekh Xassan Maxamuud Takar MP3 Halkaan Riix Ama Guji

DHAGAYSO: Sheekh Cali Dheere Oo Tacsi U Diray Qaraabada Dhalinyaradii Lagu Xasuuqay Boosaaso.

Dhagayso MP3 Halkaan Riix Ama Guji

C/laahi Shire 
Somalimidnimo.com 

XOGTA WARKA SOMALIMIDNIMO

25603782

Banaadir Post.

DHAGEYSO:Hargeysa oo lagu arkay dad Somali ah wata beybalada Kirishtanka,diintana laga saaray iyo Culimada Rabaaniyiinta oo is hayn waayay!!

24985790

Sheekh Suni oo ka mid ah culimada Rabaaniyiinta ee ku nool waqooyiga Somaliya ayaa  ka istaagay masjid kuyaalla Hargaysa  wuxuuna  ka digay in dadka ay ka baxaan diinta islaamka.

Sheekha ayaa waxa uu ka digay dad Yuhuud ah oo Hargeysa jooga dadkana ugu baaqaya inay ku biiraan Diinta Masiixiyada iyagoo dad badan wadadii wanaagsaneyd ee islaanmka ka leexiyey.

Waxa uu si caro ay ku jirto uga hadlay damiir xumada ay sameeyeen dadka qaatay Bible Christian ah oo gacmaha iyagoo ku wata la arkay waxaana uu ku sheegay dadkaasi in dhiigooda banaan yahay in la dilo maadama diinta islaamka ka baxeen.

Sheekh Sunni waxa uu ka sheekeeyey haweyney cunug ay dhashay oo xanuunsanaa ay utagtay dhaqtar yuhuudi ah oo hargeysa kusugnaa isagoo si cad uyiri diinta islaamka miyaa heysataa haweyneyda haa bay ku tiri markaas buu yiri wiilkaaga dibada ayaa caafimaad loogu qaadaa hadii diinta masiixiyada aad soo galeyso.

Haweyneydii ayaa iska diiday arintaasi iyadoo sheegtay inay diinta islaamka aysan ka laabaneyn ayna ku dhimaneyso sidaa waxaa jameecadii masaajidka usheegay Shiikh C/qaadir Sunni oo ka hadlayey masjid kuyaalla Hargeysa

Sheekh C/raxmaan wuxuu si cad u sheegay Wiilasha Tababarka gaaladu siisay Mid kamida Asaga oo maraya Makhaayadaha Shaaha laga cabo in lagu yiri, Dadka Makhaayadaha Fadhiya waa cadowga aad la dagaalami doontaan markii Tababarka aad dhamaysataan!, wuxuu sheegay Sheekh C/raxmaan in Wiilashaas ay yihiin Asha-haado ladirir gaalada u shaqaynaya isla markaana aanan la oran karin Waa Wiilasheena, wuxuu yiri waa Cadowga Ilaahay ma’ahan Wiilasheena, wuxuuna ka bixiyey Tusaalooyin, waxaana kamid ahaa oo uu yiri Sheekh C/raxmaan Aadan Sunna, “Ninka Geela raaca Dhaqanka Geelayda ayuu yeeshaa, Marka Ninka gaalada la socda Dhaqan gaalo ayuu Xanbaarsan yahay!”..

Sheekh C/raxmaan Aadan Sunna Khudbadiisa Jamce ka hadlin iyo Wadaaddada ku faanaya PIS iyo Faderaalka, waxaa sida aad hoos ka daawan doontaan Masawiro, Codka Madaxweyne ku xigeenka Somalilandna  aad hoos kadhagaysan doontaan Insha Allah, waxaa Maalintii Khamiistii 14/3/2012, Tababar deegaanka Mandheera loogu soo xiray Ciidamo gaaraya Boqol Askari oo lagu sheegay Magacooda RRU. Ciidankaan ayaa waxaa Tababarka ay qaateen iyo Dhaqaalahooda bixiyey Wadanka Ingariiska (U,K), waa Asha-haado ladirirka Puntland iyo Muqdisho oo kale, waxaa goobta ka hadlay, Saraakiisha kala ah,

Dhagayso Khudbada Sheekh C/raxmaan Aadan Sunna sida uu Tolkiisa ugu Naseexaynayo.

24790479

Dhagayso MP3 Halkaan Riix Ama Guji

24819801

 

Christianpost oo daabacday in nin Somali Christian ah Kismaayo lagu dilay,kaaso mar dhow ka soo noqday Kenya oo diintan loo dilay ka faafin jirey.Islamic Extremists Suspected in Killing of Christian Father of 4 in Somalia.

https://newsfromsomalia.wordpress.com/2013/03/07/christianpost-oo-daabacday-in-nin-somali-christian-ah-kismaayo-lagu-dilaykaaso-mar-dhow-ka-soo-noqday-kenya-oo-diintan-loo-dilay-ka-faafin-jirey-islamic-extremists-suspected-in-killing-of-christian/

 

 

Banaadir Post.

SAWIRO+VIDEO:-Ictisaamka oo Rabay in Shacabka Boosaaso ku Kaco Shabaab Halka Dadweynaha Boosaaso ku Bannaan Baxeen Faroole

24864403Waxaa dadka ka yaabiyey wadaaddada Ictisaam oo habaynnadana ka waday muxaadarooyin Boosaaso baa dadka ku lahaa: ha la iska cesho Shabaab. Muxaaradooyinkii waxaa lagu laray bambo lagu soo tuuray masaajidka agtiisa. Waxaa la filayaa in bamkaas ay soo tuureen sirdoonka Faroole oo is lahaa dadka Boosaaso ha kaceen!

Beddelkeeda, dadweynaha Boosaaso waxay dhigeen muddaaharaad ay kaga soo horjeedaan Faroole! Waxay qaarkood ay wateen boorar ay ku qoran tahay: ma rabnno Faroole! Diin-caaye ma rabnno iyo hal-ku-dhigyo kale!

Horaa loo sheegay inaan reer Barigu la mid ahayn reer Nugaal iyo Mudug! Nugaal iyo Mudug waa lagu awr kacsadaa laakiin reer Barigu waa dad shishe!

24864401 (1)

Reer Bariga waxay ka dhaheen wadaadada Ictisaam: boowe aa la tahay! Wadaaddadii shalay iyagu dadka leynayey, qaarkood haddeer lahaayeen C/Laahi Yuusuf waa gaal ee halagu jihaado baa hadda shacabka Puntland ku leh: ku jihaada Shabaabka! Bal inta wadaaddadaas tagaan Xamar iyo Hargeysa saas oo kale haka dhahaan! Maxaa Puntland loogu warwareegayaa! Mise qabiil gooniyaa la khaldayaa? Haddaba shacabka Boosaaso waa hadleen.

24841054

Cali Ciise

Alkhilaafah.com

Muqdisho

BOOSAASO WEERAR BAMBAANO OO LAGU QAADAY MASJIDKA ROWDA 08 03 2013

DHAGEYSO:- Faroole oo u gefay Diinta Islaamka!! “Ma dhamo Diinto laakiin Dastuurka Puntland waa dhan yahay”

35904_287092291411582_968503160_n

DHAGEYSO:- Faroole oo u gefay Diinta Islaamka!! “Ma dhamo Diinto laakiin Dastuurka Puntland waa dhan yahay”

24690050

Abdirahman Faroole ayaa weerar nacasnimaa ku qaaday Diinta Islaamka,wuxuuna yiri ” Diinta Islaamka waa qabyo oo malaha xukunka xariga ,ganaaxa iyo dimoqoraadiyada laakiin Dastuurka Puntland waa leeyahay ,oo waa dhameeystiran yahay”!.

Maxaa ku dhacay ururka Ictisaam oo Faroole dagaal ula  gali waayeen,markii oo hadalkaas Faroole sheegayayay waxaa ag taaganaa rag badan oo sheegta ururka Icsitisaam oo  maalmahan sheegay inay dagaalo la gali doonaan dad aan Diinta Islaamka wax u dhibin inay wax u taraan  maahee!

Banaadir Post.

35904_287092291411582_968503160_n

SAWIRO:-Faroole oo Boosaaso laga diiday(NO FAROOLE OO FAR WAAWEYN LAGU QOREY)

Waxaa maanta ka socda magaalada Bosaso mudaaharaad ballaaran oo ay ka qaybqaateen dhalinyaro  badan, mudaaraadayaasha ayaa wata boorar ay soo daabacdeen oo ay ku sawiran yihiin sawiro looga soo horjeedo maamulka  Faroole,  waxaana ku qornaa No FAROOLE!!, FAROOLE DOONIMEYNO,OO FAR WAAWEYN LAGU QORAY., waxaana ay ku dhawaaqayaan halkudhigyo looga soo horjeedo dowladda isla markaana looga cabanayo dhibaatooyinka dhaqaale xumo iyo siyaasadeed ee dalka ka taagan.

24388311

Hoos Ka Daawo Masawiro.

Isha Masawirada, Golaha Badbaadinta Puntland.

WARBIXIN:-Qurbajoogtii, Faroole iyo Wiilashiisa oo Shirkado Tuugaa u Adeegsanaya Macdantii iyo Khayraadkii Soomaaliyeed.

24164115Waxaa wali socda Boobkii Qurbaha Rag kasoo laabtay, Faroole iyo Wiilashiisa oo ayaguna dhowr sano kahor kayimid qurbaha Wadanka  Australia, ayaa bilaabay in ay shirkado tuug ah oo Wadanka Koonfur Afrika ka howlgala in ay dhahaan Shidaal ayey baarayaan oo ay labaxaan Macdanta, Dhaymanka iyo dhammaan khayraadka dhulka Soomaaliyeed ku jira.

Ninka ku magacaaban Wasiiru Dawlaha Maamulka Puntland  Maxamed Faarax Ciise Gaashaan ayaa gaaray deegaanka Reemanti oo Magaalada Garoowe u jirta 100Km, Shirkad magaceeda lagu sheegay PECO ayaa halkaas kabilowday in ay Macdanka kaqodato, dhinaca kale waxaa jira Shirkado deegaanno kamida Puntland ku Aasaya Sunta Halista ah oo Faroole iyo Maamulkiisa baadilka ah ay ka qaateen lacago.

Wali wax wara lagama hayo, Ceelashii lagu kala sheegay Shabeelle 1 iyo Shabeele 2, waxaa Dad Aqoonyahanna ah xaqiijiyeen in khayraadkii halkaas ku jiray iyo Macdanta loo Adeegsado Maadada laga sameeyo Hubka halista ah ee Nuglayrka looyaqaano, shirkaddaas laga iibiyey si ay Adduunyada kale ugu beecgeeyaan, sidoo kale waxaa Faroole iyo Maamulkiisa baadilka ah  loodiiday in ay Macdantaas ka iibiyaan Wadanka Iran, maadaama Reer Galbeedku aysan doonaynin in ay Hubka halistaa samaystaan.

Dhammaan deegaanada Puntland waxaa kasocda boob lagu boobayo khayraadka Wadanka, Dhirta, Xoolaha, Macdanta, Dhaymanka, Aargoosatada, deegaanka, Dhulka,Badda iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee khayraadka  Umadda Soomaaliyeed kadhexeeya.

C/laahi Shire 
Somalimidnimo.com 

24058027

 

MAQAAL XAQIIQ SHEEG AH:-Faa’iidadii Federaalka Ma Falalkaanaa?

https://newsfromsomalia.wordpress.com/2013/01/20/maqaal-xaqiiq-sheeg-ah-faaiidadii-federaalka-ma-falalkaanaa/

DHAGEYSO:-Faroole oo Afka Furtay!”Faroole oo u digay Xasan Gurguurte inow Dastuurka Wax Ka bedelo iyo inow Tashwiish ku furo maamul goboleedka Jubaland!”

23916051 Faroole ayaa shaaca ka qaaday in uu Walaac ka qabo qorshe Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku doonayo in Dastuurka ku tirtiro.

“Waxaan aad uga xumahay oo aanan filayn in aan maqlo, Barlamaanka Federaalka Maalintii dhawayd, markii la xirayay inay ka soo yeertay Afka Madaxweynaha in Dastuurkaasi uusan shaqayn karayn, ee ay noqon doonto in Barlamaanka iyo Dowladu wax ka bedelayaan”

ayuu yiri Faroole.

Waxa uu ka digay inaan dalka dib loogu celin,laguna dhaqmo Dastuurka hadda qoran kaas oo ku Sifeeyey in uu yahay kii lagu doortay Madaxda hadda Xafiiska joogta iyadoona Odayaasha dhaqanka Puntland qaar kamid ah ay Wax ka Ansixiyeen.

“Arrintaasi sidaas ma aha yaan dalka dib loo celin, yaan isku dhac cusub la samayn, sida qoran oo la idinku doortay oo lagu ansixiyay oo odoyaashii Ergada ahaa ee wax ka ansixiyay halkan Caawa fadhiyaan, Ha lagu dhaqmo baan ugu yeeraynaa…”””ayuu yiri.

Dhageyso Madaxweyne Faroole oo u digay M/weyne Xasan Culusoow inuu wax ka bedelo Dastuurka iyo inuu soo fara-gashto Maamul Goboleedka Jubbaland ee Kismaayo lagu dhisayo

“Waxaanu sugaynaa oo sida ku qoran Dastuurka Federaalka ah oo dhamaystirkiisa Dowladu sahasho sidii loo dhisi lahaa Dowladihii puntland la mid ahaan ka dhismaan Degaamada kale ee Somalia,dabadeedna sida ku qoran dastuurka,dabadeedna qodobada Dastuurka ee dib loo dhigay ee awood qaybsiga Siyaasadeed,awooda dakhliga dowliga ah,awooda khayraadka dalka qaybsigiisa,intaa marka laga wada hadlo shirar dambe”ayuu yiri

Gababagadii  Faroole  ayaa sheegay in Carqalada iyo Buuqa laga daayo maamulka Jubaland,dalkana Cagaha loo dhigo isla markaana Shacabka deegaankaas degan loo daayo taladooda!

“Waxaan ugu yeeraynaa in Maamulada hadda madaxa keenay sida maamulka Jubaland oo buuqa badan iyo Ilaaqda Badan lagu furay, Carqaladaha laga daayo oo dalka cagaha loo dhigo, ay dhismaan oo dadka halkaas degaa taladooda lahaadaan”ayuu yiri Faroole.

35904_287092291411582_968503160_n

 

Faroole ayaa qarka ku saaran  in la fara saaro maadama sanad kale ku darsaday inow ku sii fadhiyo kursiga maamulka Puntland.

Banaadir Post.

Waqtigii Faroole oo caawa ku eg.

23841408Afar sano oo Faroole loo  doortay maamulka Puntland oo caawa ku eg.Faroole ayaa maalmo ka hor sheegtay in hore loo doortay Shan sano,taaso ay ka diideen dadka  reer Puntland iyo siyaasiyiin kursiga ku haysta,kuwaas oo ku sugan magaalooyin ka tirsan Puntland.

Maanta ayaa ciidamo la soo dhoobay dhowr magaalo sida Boosaaso iyo Garoowe ka dib markii laga shakiyay in dadku dibad bax sameeyeen.

Maxaa xigi doona?

Banaadir Post.

23840404