DHAGEYSO:-“Badda Soomaaliya Beec ma aha” (Somalia is NOT for Sale): Prof Dalxa.

  • 25673847Inj. Idiris  “baaxadda badda Soomaaliya cabbir ahaan (inta ay xeebta ka durugsan tahay) waxay u dhigantaa masaafo u dhaxaysa Muqdisho iyo Garbahaaray (oo isu jira 377 km), waxaana la rabaa masaafada intaas leeg in lagu soo koobo masaafo ka sokaysa Muqdisho iyo Afgooye.
  • Qamar Haashim “Waxaa dhac lagu hayaa badda Soomaaliya iyo Khayraadkeeda, waana arrin muddo la soo diyaarinayey oo xitaa lagu diyaariyey xafiisyada Turkiga – Tan kale Ingriiska iyo Turkiga xiriir dheer ayaa ka dhaxaysa kaas ku salaysan dagaalkii adduunka, waxaana jira shirkado shidaal oo ay wada leeyihiin Ingriiska iyo Turkiga…

Waraysi iyo falanqayn ay baahisay Idaacada Alfurqaan ee aadka looga dhagaysto Muqdisho ayaa looga hadlay boobka lagu hayo Badda Soomaaliya, waxaana waraysiga ka qayb qaatay Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa oo jooga Muqdisho, Qamar Haashim oo Joogta France iyo Injineer Idiris Xasan Faarax oo ku sugan dalka Finland.

Prof. Dalxa oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya – kana mid ahaa guddoonkii baarlamaankii hore ee diidey in badda Soomaaliya la dhaxal wareejiyo –  ayaa si kulul u sheegay in dhulka Soomaaliya uusan iib ahayn ama beec ahayn.

Waraysigii Radio Alfurqaan ka dhagayso HALKAN ama Halkan.

Injineer Idiris Xasan Faarax ayaa asaguna sheegay Badda Soomaaliya inaysan ahayn 12 Mayl oo xitaa ay ka badantahay 200 oo Mayl, balse ay tahay 200 Mayl-badeed (Nautical Miles*) oo u dhiganta 370.4 kiilo mitir. Waxana uu yiri waa in la fahmo baaxadda badda cabbir ahaan (inta ay xeebta ka durugsan tahay) in ay u dhiganto masaafo u dhaxaysa Muqdisho iyo Garbahaaray, waxaana larabaa masaafada intaas leeg in lagu soo koobo masaafo ka sokaysa inta u dhaxaysa Muqdisho iyo Afgooye.

  • Fogaanta u dhaxaysa Muqdisho iyo Garbahaarey waa 377 km
  • Fogaanta u dhaxaysa Muqdisho iyo Afgooye waa 30 km.

Injineer Idiris ayaa tibaaxay in Ummadda Soomaaliyeed laga doonayo inay difaacaan una istaagaan ka hortagga qorshaha guracan ee ka dhanka ah Badda Soomaaliya.

Qamar Haashim ayaa dhankeeda sheegtay Dowladdaha Norway, Ingariiska, Fransiiska iyo Turkiga inay kaalin weyn ku leeyihiin boobka lala damacsanyahay badda Soomaaliya.

Qamar Haashim ayaa Tusaale usoo qaadatay Shirkado shisheeye ah oo qaar kamid ah ay leeyihiin dalalka ay xustay inay haddaba faraha kula jiraan khayraadka Dalka Soomaaliya.


Guddoomiye Kuxigeenkii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Cismaan Cilimi Boqore oo si kulul uga soo horjeestey iskuday kasta oo la doonayo in Badda Soomaaliya lagu soo koobo 12 mayl

Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa oo kamid ah xubnaha Baarlamanka Federaalka oo isna qeyb ka ahaa Falanqeynta ayaa sheegay inay ka warheleen qorshaha socda laakin baarlmanku aysan ogolaan doonin Badda Soomaaliya in lagu soo kobo 12 Mayl.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa oo kamid ah xubnaha Baarlamanka Federaalka oo isna qeyb ka ahaa Falanqeynta ayaa sheegay inay ka warheleen qorshaha socda laakin baarlmanku aysan ogolaan doonin Badda Soomaaliya in lagu soo kobo 12 Mayl.

Halkan Ka Dhageyso falanqeynta badda Soomaaliya

XIGASHO SABAAX.COM.

25331174

Banaadir Post.

Kooxda Xiriirka Caalamiga ee Qaabilsan Arrimaha Soomaaliya oo Ku Andacootey in Badda Soomaaliya aysan Xadeysneyn (Jallaafo kale oo Soomaaliya lala damacsan yahay)

 25560821

Kooxda Xiriirka Caalamiga ee Qaabilsan Arrimaha Soomaaliya oo Ku Andacootey in Badda Soomaaliya aysan Xadeysneyn (Jallaafo kale oo Soomaaliya lala damacsan yahay)

25560803

http://www.hillaac.net/?p=7806

Kooxda Xiriirka Caalamiga ee Qaabilsan Soomaaliya  oo Ku Andacootey in Badda Soomaaliya aysan Xadeysneyn.

25560803

http://somalitalk.com/2011/badda/difaac79.html

“Dhowr jeer ayaa Dowladda Federaalka ka Codsaney in ay Cadeyso Xadkeeda Badda ee Khayraadka Dhaqaalaha uu ku jiro oo Afka qalaald lagu Yiraah EXECULISIVE ECONOMIC ZONE inta Dowladda Soomaaliya ka qeexeyso Kaluumeysiga iyo ay wadaan Shirkadaha, iyo Dowladha Shisheeye ma aha mid Sharcidaro ah ,waxaan ka dooneynaa Dowladda Soomaaliya in ay Qeexdo Xadka Badda ee EEZ “ayey tiri Haweeneydaas.

25560803

 

Banaadir Post.

Aqooyahan Maxamed Xasan”Waxaan ogaaday in Kenya ay rabto Jubbooyinka iyo Gedo ku darto Gobalada NFD,Sidaasi ayaana uga baxay baxay Shirka”

25414278Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa maalinba maalinta xigta kusoo baraarugaya qorshaha gumeysi ee Dowladda Kenya ladamacday Gobalada Jubbooyinka iyo Gedo.

Mujaahidiinta xarakada Alshabaab oo ah quwada kaliya ee ka dhiidhisay duulaanka Kenya iyo Damacooda Dhaqaale ee ka dhan ah Jubbooyinka ayaa horay usheegtay in Dowladda Kenya doonayso in Jubbooyinka iyo Gedo hoos geyso Gobalada NFD la isku yiraahdo oo haatan gacanta Kenya ku jira.

Dad badan oo isagu jira Aqooyahano iyo Odayaal ayaa lagu qalday shirka ka socda Kismaayo oo la sheegay in lagu dhisayo Maamul labaxay Jubbaland State.

Rag badan ayaa kabaxay shirka Kismaayo kuwa kalana waxaa lagu qasbay inay ku nagaadaan shirka inta looga dhawaaqayo Maamulka.

Aqooyahan Maxamed Cali Xuseen waxa uu kamid ah aqooyahano Muqdisho ka tagay si ay kaga qeybgalaan shirka ka socda Magaalada Kismaayo.

Aqooyahanka ayaa isagoo lahadlayay mid kamid ah Idaacadaha Muqdisho wuxuu kahadlay waxyaabihii uu ku soo arkay howlka shirka iyo waxa keenay inuu isaga baxo shirka.

Aqooyahanka oo kamid ah Dadka ka soo Jeeda Gobalada Jubbooyinka ayaa sheegay inuu kamid ahaa Ergadii ka qeybgalaysay shirka islamarkaana uu soo arkay waxyaabo cad oo muujinayo in Kenya duulaankeeda uu yahay mid gumeysi oo doonayso in Jubbooyinka ay ka jarto Soomaaliya Inteeda kale.

“ujeedka shirka Kismaayo waa gumaysi cad oo Kenya ay ku rabto y in gacanta loo galiyo Gobalada Jubbooyinka iyo Gedo oo lagu darro gobalada la isku yiraahdo NFD” ayuu yiri Aqooyahan Maxamed Xasan Cali.

Aqooyahan Maxamed Xasan Cali ayaa sidoo kale sheegay in ceelal shidaal oo ku yaala Jaziirada kudhaa la doonayo in lagu wareejiyo Dowladda Norway.

“waxaan kaloo soo ogaaday in Ceelal shidaal lagu wareejinayo Dowladda Norway oo horay heshiiskaasi uu ula saxiixday Ra’iisul Wasaarahii hore Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas”ayuu yiri Markale Maxamed Xasan.

Si kastaba ha ahaatee Dowladda Kenya ayaa haatan waxaa gebo gabo u ah shir ka socda Kismaayo halkaasi oo doonayso inay ku dhisto Maamul Maqaarsaar ah.

25331174

Banaadir Post

Xidhibaan Cabduqaadir Sandheere “ Arrinta Kismaayo Waxay Dabadda la Gashey Norway”

25357710Kulan ay isugu Yimaadeen Qaar ka mid Xildhibaanada Baarlamaanka Dowladda Federaalka

ayaa waxaa si weyn looga doodey Arimaha Kismayo Haatan ka taagan iyo Galaangal ay

Dowlada Noway ku leedhaya arrimha Maamul u sameynta Gobolada Jubbooyinka oo haatan uu

ka taagan yahay Muran aad u Xoogan kaasoo ku aadan qaabka loo wajahayo Maamul loo

sameeyo Goboladaas.

Kulankaas Markuu soo Idlaadey Waxaa Saxaafada la Hadley Xildhibaan Cabduqaadir

Maxamed

Aadan Sandheere oo yiri “Markii Maamulada laga sameynayey Soomaaliland ,Pundland ee hatan

Jira Muddo Dheer  ,Norway , Faransiis , Kenya iyo Itoobiya Ma joogin inagaa ka marqaati ah

Cid Fargeliseyna ma jirin , Cid Dhaqaale ku Bixisey ma jirin iyagoo is Abaabuley oo Maamul

sameystey Mudadaas ay jireen kuwa Dastuurka u sameynayey Qaar baa ila Degenaa Boston

waad aragtaan halka ay marayaan , haddii qabiil laga hadlayana kuwa aan soo sheegey baa

qabiil ku Dhisan marka Maamuladaas lama taaban oo lagama hadal ee Aniga maxaa na loo

haystaa ayaa dadka qaarkii ay ka soo yeertey , adinka waxaa la idiin haystaa dadkii Gobolka

oo aan u dhameyn waxa hadda la wado, Gaalaa wadataan,iyo Badda halkaa ku taal oo la og

yahay in Laba goor Baarlamaanka la horgeeyey oo aan diidney , waan ognahay in Kismaayo

la riixayo” ayuu yiri Sandheere.

Waxaa uu sii raaciyey“Meel baa hadda Jirta oo arrinta Badda lagu soo qaadey oo ay Fadhiyaan

dad Somaaliyeed , waxaa Xaqiiqo ah in arrinta Kismaayo ay Dabada la gashey Norway ,

aniga Af Dowladeed kuma hadlayo waxaan ahay Xildhibaan Dowladda Norway waxay

Shirisey dadka Soomaaliyeed ee haysta Dhalashada Wadankaas sidoo kale Wasiirka

arrimha Gudaha waxaa uu Shiriyey Soomaali fara badan oo ku nool Wadankaas oo

aan is aqoon , waxaa la yiri “Norwegian baa tihiin, Nasiib badan baa leedihiin ,

Soomaalina waa tihiin Dowlada Norway Dan weyn bay ka leedahay Soomaaliya

arrintaa baa la rabaa in aad ka noqotaan Hormuud , waxaa idiin ku yeerney in

aad Shaqadaas u istaagtaan oo wax nala qabataan, sidaa darteed Dadka Soomaaliyeed

ee Qoxootiga ku ah Wadankaas qofba mar buu tagey waxay ahayeen Dadka loo

yeerey dad Professional” wuxuu intaa ku darey Xidhibaan Sandheere

“Waxaa si cad loo yiri waa in aad taageertaan Jubbaland ,waayo waxaa tihiin Norwegian,

markii horana Soomaali baa tihiin u fiirsada arrinta Soomaali iyo Norway ma aha , waxaan

nahay wadan baaba’san oo u u baahan in la Maal gasho soo dhawaada oo noo soo

Saara Shidaalka, Sheekadu arrinta sidaa ma aha , danta Norway waa Jubbaland ,

Buuga yarka ee Federaalka iyo Dastuurka Norway Lacag badan baa uga baxdey

Qodobada qaar iyagaa qorey sida aan is leeyhaya

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

25331174

Banaadir Post.

NORWAY IYO JAWAARI:- Norwey oo Jawaari kala hadashay in Badda Soomaaliya lagu soo koobo 12 Meyl!!

25331174Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo Dowladda Norwey heshiis la soo saxiixday ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho.

Jawaari oo saxaafada uqabtay shir jaraa’id ayaa carabka ku adkeeyay isaga iyo xildhibaano uu hogaaminayay howllo shaqo inay u aadeen Dalka Norway oo uu dhalasho ka haysto.

Jawaari ayaa tilmaamay in wafdiga uu hogaaminayay marti qaad ka heleen Dowladda Norway sidaasina ay ku tageen Magaalada Oslo oo uu sheegay inay kulamo kula qaateen madax katirsan Norway.

“safarka aan ku aaday Norway waxa aan aheyn wafdi ballaaran oo waxaa I wehliyey gudoomiyeyaasha gudiyada joogtada ah oo ilaa hada halkaasi shaqo ugu maqan, ujeedaduna waxey aheyd inaan mataaneyno Baarlamaannada Soomaaliya iyo Norway si aan u yeelanno wada shaqeyn joogta ah islamarkaana aan qibradaha isdhaafsano oo aan ka kororsano waxa ay na dheeryihiin”ayuu yiri Jawaari iyadoona dad badan is weydiin karaan waxa laga koran san karo Baarlamanka Norwey oo wax kasta ay kala horeyso dimuqraadiyada lagu aflagaadeeyay NNKH.

Warar lagu kalsoonyahay oo la xigatay ilo wareedyo dhanka Dowladda katirsan ayaa sheegay in Wafdiga Jawaari Xukuumada Norway usoo bandhigtay in lacagta mushaarkooda bixinayso Norway haddii ay ogolaadaan in Badda Soomaaliya lagu soo koobo 12 Meyl.

15 iyo tobanka gudi ee lasocday Jawaari ayaa isku khilaafay warka kasoo baxay Dowladda Norway iyadoona kuwa kasoo horjeestay qorshaha Norway lagula haray Magaalada Oslo lamana oga waxa ay ula hartay Norway oo ay kadamacsantahay Xubnahaasi laakin waxay ubadantahay inay qaadan doonaan mashruuca Norway.

jawaari ayaa shirkiisa jaraaid ku sheegay in guud ahaan qodobadii ay ka wada hadleen madaxda Dowladda Norway la isku afgartay oo ay ku soo dhamaadeen guullo la taaban karo.

dadaalka adag ee markale Dowladda Norway kusoo faragalisay baddeena Soomaaliya ayaa laga dhadhan sankaraa in guud ahaan ay casuuntay Gudiyada Baarlamanka oo ay u araktay inay dhameestiri karaan qorshaheeda ka dhanka ah baaxadda Badda Soomaaliya.

 

25313664

Norwey iyo Faransiiska ayaa Kenya ku dhiiragaliyay inay weerarto Kismaayo si marka Alshabaab looga fogeeyo ay u qaataan  qeyraadka dhex ceegaaga Badda Soomaaliya gaar ahaan xeebta ku teedsan Kismaayo.

dulaalismaaciil

 

Banaadir Post.

Wafdi ka socda Norway oo soo gaaray Moqdisho kana qeyb galay shirka Ansixinta Dastuur Daaquudka”Qabyo Qoraal”

Wafdi ka socday Dowladda Norway, iyagoo kulamo la qaatay Ergada ansixinaysa Dastuurka qabyo qoraalka Soomaaliya.

Waxaa maalintii lixaad Xarunta Scoula Polozia ee Magaalada Muqdisho ka soconaya shirka Golaha ansixinta Dastuurka kaasi oo ay xaadir ku yihiin Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda KMG Soomaaliya.

Shirka  Golaha ansixinta Dastuurka ayaa maanta ka qeyb galay, qudbadna ka jeediyay Ergay ka socday Dowladda Norway oo lagu magacaabo Jan Peterson kaasi oo sheegay in Golaha Ansixinta Dastuurka.

Waxaa  la yaab leh inay qarsan waayaan qiyaanada  ay wataan iyaga oo maalinba shaati soo gashada,Norway ayaa  mudo dheer mashquul  ku hayd inay  shidaal ka qoto  gayiga  Somaliyeed, gaar ahaan  Jubbada Hoose,Dhexe , iyo Xeebaha ku wareegsan,iyada  oo gadaal ka taagan ciidanka  kenya oo gudaha ugu jira  gayiga Somaliyeed.

Dadka qaar ayaa sheega inay  qeyb ku leedyahay waxa  loo yaqaan dastuur  Daaquudka”Qabyo Qoraal”,waana  wax  maanta ay garan karaa kuwa  aan garan wax badan.

Banaadir  Post.