DHAGEYSO:-Sida ay u fadeexaysay gabadhii la kufsaday taliyaha Booliiska Shiikhunaa Maye!.

24775680Waxaa  Xabsiga laga siidaayey Gabar ay qabsadeen Askar kamida Xukuumadda  Xassan Gurguurte iyo Saacid Shirdoon hogaamiyaan. Gabadhaan ayaa Idaacadda VOA u xaqiijisay mar ay u waramaysay in la Kufsaday, sidoo kale waxay sheegtay ninka taliyaha Booliiska xukuumadda ri’dada ah haysta Shiikhunaa Maye in uu yiri, waxaad dhahdaa la ima Kufsan!, waxay tiri waxaan ugu jawaabay sidee been u sheegaa kufsigu waa dhacaye!.

Ninka gabadha la kufsaday sidaas ku yiri  oo u hanjabaya waa ninkaas Odayga ah ee aan ku qiyaasi karno 65 Jir Illaa 78 jir, nimanka sidaas gabdhaha Muslimaadkaa inta qabsadaan sidaas u dulminaya oo been sheeg dhahaya ayaa rag Wadaaddo sheeganaya doonayaan in ay yiraahdaan hala adeeco ,dabadhilif ma ahane waa dowlad fiicane, Xassan Gurguurte iyo Saacid Shirdoon gabadhaan ay dulmiga u xirteen waxaa kasii daayey ninkii aan ogaynow ogow,gaalada ay wakiilada u yihiin”Beesha Caalamka”

Waxay garan waayeen Gabadha xattaa in ay geeyaan guryahooda oo Xaal marin siiyaan, Ninkasta oo Soomaaliya oo damiir leh waa dareemi karaa hooyadaas oo ayada oo Umal ah 5 Askari kufsatay waliba Maalin Ramadaan ay kufsadeen waxay mudan tahay!.

Nimanka garan waayey Gabadhaas ceebta ay u gaysteen meel walba in ay u taalo Xukuumadda Dabadhilifka  ah ayaa dad rajo ka qabaan!.

Ninka Cilmaanigaa ee Qareenkaa ayaa yiri, Dambigu wuxuu u qaybsamaa mid weyn iyo mid ka farcama dambiga weyn, wuxuu yiri, Kufsigii Gabadha loo gaystay haddii Maxkamaddu tiri waa jiraa Gabadhiina Xabsiga laga siidaayey, maxaa Wiilka Wariyaha ah lagu haystaa ee Gabadha waraystay?, xaqiiqadii waxaa cad Nimanka Xukuumadda dabadhilifka  ah hogaaminaya Shareecada Islaamka waa garab mareen xeerarka gaaladana kuma dhaqmaan, bal maxay Wiilka Wariyaha ah haddii ay Gabadhii siidaayeen ku haystaan soo ma’ahan maxaad u sheegtay Dulmiga aan ku hayno Gabdhaha Muslimaadkaa?.

Kawarama Dulmigaas haddii Niman Culimo sheeganaya ay ku garab taagan yihiin, Xukuumadda duliga ah!.

23612604

Dhagayso Gabadha La Kufsaday MP3 Halkaan Riix Ama Guji

Dhagayso Qareenka u doodayey Wiilka Wariyaha ah MP3 Halkaan Riiz Ama Guji

Isha Waraysiga Idaacadda Codka Maraykanka ee VOA Somali

24775680 (1)

 

24776018

 

Banaadir Post.

DHAGEYSO:- Faroole oo u gefay Diinta Islaamka!! “Ma dhamo Diinto laakiin Dastuurka Puntland waa dhan yahay”

24690050

Abdirahman Faroole ayaa weerar nacasnimaa ku qaaday Diinta Islaamka,wuxuuna yiri ” Diinta Islaamka waa qabyo oo malaha xukunka xariga ,ganaaxa iyo dimoqoraadiyada laakiin Dastuurka Puntland waa leeyahay ,oo waa dhameeystiran yahay”!.

Maxaa ku dhacay ururka Ictisaam oo Faroole dagaal ula  gali waayeen,markii oo hadalkaas Faroole sheegayayay waxaa ag taaganaa rag badan oo sheegta ururka Icsitisaam oo  maalmahan sheegay inay dagaalo la gali doonaan dad aan Diinta Islaamka wax u dhibin inay wax u taraan  maahee!

Banaadir Post.

35904_287092291411582_968503160_n

Baarlamaanka Mahiga, Halistiisu Badanaa!!. (Maqaal) Qore C/fitaax Filibiin.

Duullaanka lagu soo qaaday diinteena iyo dalkeena ayaa waxaa qeyb ka ah Baarlamanka fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho.

Haddaba inta anan u galin halistiisa ayaa waxaan jeclahay in aan hourdhac ka dhigano nidaamka uu ka tirsanyahay ee la yiraahdo Dimuqraadiyadda.

Boqoradii adduunka soo maray waxay adeegsan jireen laba hub oo ay shacabka ku maamulaan, kuwaasoo kala ah  lacag iyo xarig.

Tusaale ahaan: markuu boqorku doonayo in jid la dhiso, wuxuu shacabka ku oran jiray, “jidkaasi hala dhiso, qofkii wax ka dhisa waxaan siinayaa lacag, kii diidana waan xirayaa”.

Iyadoo sidaasi shacabku ugu cabiidsanyihiin ayaa wuxuu arkay nin kale oo boqortooyadiisa kamid ah oo aan ul iyo lacag heysan, lakain dadku ay dhageysanayaan oo wuxuu yiraahdo ay fulinayaan.

Nninkaasi waa wadaad, wuxuu oranayaa Allaah baa yiri’ sidaa darteed boqorkii baa wuxuu dareemay boqortooyo kale oo ka garab dhisan, wuxuuna go’aansaday in uu labadiisa hub u isticmaalo wadaadka, si uu isaga iyo dadka ugu dhexeeyo.

Tusaale: markuu boqorku doonayo in jid la dhiso wuxuu u sheegayaa wadaadka, wadaadkuna wuxuu dadka ku oranayaa “xalay baa la ii soo waxyooday Allaah wuxuu idin leeyahay jidka hala dhiso”, shacabka oo dhan wey dareerayaan jidka ayeyna dhisayaan.

Sidaa ayey ahaayeen boqortooyooyinkii Romaanka ee qadiimka ahaa, illaa iyo haddana cilaaqada ka dhaxaysa caalamka iyo boqorku waa taa, Xassan Sheekh Maxmuud iyo wadaada hoos jooga taas baa ka dhaxaysa, Somaliland iyo wadaadada u shaqeeya taa ayaa ka dhaxaysa, Puntland iyo wadaadadeeda sidoo kale.

Tusaale yar: Xassan Sheekh Maxamuud ayaa bishii lasoo dhaafay damcay in uu shacabka ka hor istaago bannaanbax ay uga soo hor jeedeen aflagaadadii Mareykanka loogu geystay Nabigeena Muxamad SCW.

Xassan oo garwaaqsan waxa ay shacabku ka aaminsanyihiin iyo sida aaney ugu suuragali Karin in uu hadal ama awood ku joojiyo mudaharaadka ayaa waxa uu isticmaalay wadaadadiisa.

Sh/Bashiir Axmad Salaad iyo Sh/Nuur Baaruud Gurxan ayaa idaacadda soo fariistay, waxayna dadka u sheegeen in aysan diintu qabin dibad baxa ay qaban qaabinayaan, taasoo keentay in dadku ka baaqsadaan soo bandhigidda shacuurtoodii ay ku difaaci lahaayeen suubanaheena Muxamad NNKH.

Arintan waa sheeko gaar ah oo u baahan in si gooni ah looga hadlo, laakin aan usoo laabano qisadeenii boqorka iyo wadaadka.

Ninkii waxaa maalin maalmaha kamid ah uu boqorku u sameeyay boqortooyo yar iyo xoogaa ilaalo ah, lacag mushaar ah ayuu u qoray, wuxuuna ka dhigay ninka dadka ugu sarreeya.

Sidey xaaladu muddo saa u ahayd ayaa waxaa daciifay boqorkii, isagiina wuu xoogeystay oo wuxuuna halkaasi ka helay fursad aad u ballaaran.

Maadaama ay shacabku u dhaga nugulaayeen hadalkiisa ayaa waxa uu maalin maalmaha kamid ahi ku yiri’ “boqorkan halaga rido xukunka”.

Shacabkii hal mar ayey kursigii ka tureen boqorka, isagii ayaana isku noqday labadii suldadood, tii boqorku lahaa iyo tiisii wadaadnimo.

Yurub markaasi waxay gashay casri cusub oo aad u adag, xaaladu waxay gaartay in la yiraahdo, qof fakari karaahi ma jiro, qof talin kara ma jiro, qof wax soo jeedin kara ma jiro, qof ra’yi keeni kara ma jiro, wixii madaxda khilaafsanna diinta ayaa diidan.

Waxaa dhacday in marka lacag la uruurinayo dadka lagu khasbo qof walba inuu keeno shan meelood marka loo qeybiyo xoolihiisa, afar meelood iyo bar.

Tacadi ayey sameeyeen, diintooda ayey taxriifiyeen oo waxay ku xireen dhaqaale.

Shacabkii ayaa aad u dhibtooda, iyadoo xilligaasi oo ku aadanaa qarinyadii dhexe ay xadaaradda islaamku gaartay meesha ugu fog.

Waxaa dhacday in dadkii ay la qaxeen culeyskii faraha badnaa, dhicii, booobkii iyo tacadigii lagu hayay, waxaana halkaasi ka dhasahay nidaamka la yiraahdo Al-calmaaniyah.

Shacabkii waxay soo jeediyeen in loo kala saaro diinta iyo dowladda. فصل الدين عن الدوله

Waxay yiraahdeen qofka wuxuu doono ha caabudo, masjidkiisa ha galo, kaniisaddiisa ha galo, wixii siyaasad iyo xukun ku saabsanna shacabka ayaa iskaleh. “ما لله لله ,وما لقيصر لقيصر

Dimuqraadiyaddu halkaas ayey ka timid, waxayna u qeybsantaa  Laba kalmadood oo kala ah “Shacab iyo xukun” taasoo micnaheedu yahay “xukunka shacabka ayaa iskaleh”.

Dimuqraadiyaddu waxay leedahay aas aas. Baarlamaanku waa sharci dajiyaha Dimuqraadiyadda.

Baarlamanku micno ahaan waxaa afka carabiga lagu yiraahdaa  “المجلس التشريعي” oo micnehiisu yahay  (sharci dajin) ingiriisigana waxaa lagu yiraahdaa “Legislative body”.

Isaga ayaa wax kuu xalaleynaya, sidoo kalana kaa xaaraantinimeynaya.

Ingiriiska ayaa waxa uu Baarlamaanku u yaqaanaa magaca kale oo ah “House of Lords” oo micnihiisu yahay (gurigii Ilaaahyada).

Horudhacan waxaan usoo qaatay inaaney isaga keen dhex darsamin baarlamaan iyo shuuro.

Baarlamaanku Muxuu Qabtaa?

 

Wuxuu qabtaa laba shaqo, tan koowaad wuxuu dajiyaa siyaasadda, sharciga iyo nidaamka la isku maamulayo.

Wax walba waa loo codeynayaa, tusaale ahaan: maxaanu ka yeelnaa khamriga? laba nin ma is guursan karaan? gacant ayaa la taagayaa, meeshii loo bato ayaana la raacayaa, xalaal iyo xaraan intaba.

Haddii loo bato in khamrigu xaaraan yahay, lama oranayo Allaah ayaa xaaraantinimeeyay ee waxa laleeyahay Baarlamaanka ayaa xaaraantinimeeyay.

قال تعالي : (ولا يشرك في حكمه احدا. قال تعالي: ان الحكم الالله امر الا تعبدو الا اياه. وقال ايضا: افحكم الجاهلية يبغون ومن احسن من الله حكما لقوم يوقنون. وقال ايضا: اتخذو أحبارهم ورهبانهم اربابا من دون الله…وقال تعالي ايضا: ام لهم شركاء شرعو لهم من الدين ما لم ياذن به الله)…

Nusustan iyo kuwa kale oo aad u badan oo isugu jira aayado Qur’aan iyo Axaadiith ayaa waxay inooga digayaan in aan sharci ka yeelano mid aan ahayn kan Allaah.

Yaa Allaah agtiisa uga wanaag badan, qoom ku dhaqmay oo yaqiinsaday sharcigiisa?.

Dhowr jeer ayaan anigu warar kasoo tabiyay Baarlamaanka, hase ahaatee sannadku markuu ahaa  2009 ayaan joojiyay, kadib markii nin sheykh ah uu igu dul aqriyay aayad cajiib ah oo inaga mamnuuceysa in aan xaadir ahaano goob lagu kufrinayo ama lagu jees jeesayo aayaadka Allaah, waxay aayadaasi sheegeysaa, cidii aanan isaga tagin goobtaas in ay lamid tahay kuwa ku jees jeesay aayaadka Allaah.

قال تعالي :  (وقدنزّل عليكم في الكتاب ان اذا سمعتم ءايات الله يكفر بها ويستهزء بها فلا تقعدو معهم حتي يخوضوا في حديث غيره انكم اذا مثلهم ان الله جامع المنافقين والكافرين في جهنم جميعا).

Hawsha labaad ee uu Baarlamanku qabto waxay tahay, inuu usoo jeedo ama uu ilaaliyo in la fuliyay sharcigii uu dajiyay iyo in kale.

Shuurada iyo Baarlamaanka

 

Baarlamaanada ay gaaladu u dhiseen shucuubta muslimiinta caalamka ayaa waxay dadka caamada ah ku khaldaan in ay yihiin Gole shuuro.

Haddaba sidaa darteed ayaan jeclahay in aan arintaasi ka iraahdo inta uu Allaah iga garadsiiyo.

Shuuradu waa xukmullaahi tacaalaa, halka Baarlamaanku, jideynayo in xukunka shacabku leeyihiin.

Shuuradu waa Ijtihaad, waxayna timaadaa marka laga hadlayo mawaadic aan nas kusoo aroorin, laakin Dimuqraadiyaddu waa ha yaacdo.

Waxaa tusaale inoogu filan dhacdadii magaalada Hargeysa gaar ahaan ninkii Jarmalka ahaa ee intuu gabdhaha Soomaaliyeed ka Zineystay, haddana filimka ka duubay.

Markii maamulka Somaliland qabteen ninkaasi dambiilaha ah, waxaa gar siisay dimuqraadiyadda, waxa uu ku dooday in faaxishadiisa ay caadi ka tahay dhinaca dimuqraadiyadda, maamulka meesha ka taliyana uu yahay dimuqraadi, sidaa ayaana lagu sii daayay, isagoo xor ah oo aanan wax eed ah loo heysan.

Waxaa kale oo tusaale inoogu filan hadalkii Ban ki-moon uu ka jeediyay shirkii midowga afrika ee horaantii sannadkan lagu qabtay magaalada Aid-ababa, kaasoo madaxda Afrika ku dhaliilayay in aysan wali hir galin dimuqraadiyadda saxda ee ah in ay isguursadaan raga, dumarkuna isu dhaxaan.

Shuuradu waxaa leh Ahlu-xalli walcaqdiga, laakin dimuqraadiyadda iyo barlamaanku waa doorasho.

Waxa noocaas ah ayaa maanta dalkeena la keenay iyadoo lagu galbinayo Taangi.

Halista Baarlamanka Mahiiga

 

Markii mujaahidinta Soomaaliya ku guleysteen in ay burburiyaan shirkigii iyo qabuurayaashii lagu dawaafi jiray ayaa waxay gaaladu sii xoojiyeen shirkiga reer magaalka ee Baarlamaanka la yiraahdo.

Nasiib darrada ugu weyn ee maanta heysata ummadeena muslimka ah ee Soomaaliyeed ayaa waxay tahay in caasimadoodii uu fadhiyo Baarlaman Allaah kula tartamaya sharciga, kuna dhaqmaya sharci gaalo dajisay.

Baarlamankan oo ay u badanyihiin dad ay qurbaha kusoo barbaarsadeen shisheeyahu ayaa waxuu halis weyn ku yahay dhaqanka iyo caqiidada umadda Muslimka ah ee Soomaaliyeed, kaasoo haddii aanan laga hor tagin keeni kara in uu sii faafo shirkigooda.

Dad badan oo siyaasiyiin ah ayaa waxay aaminsanyihiin in Baarlamanka uu ka shar badanyahay kii ka horeeyay ee uu Mahiga kala diray.

Qodobada uu uga halista badanyahay ayaa waxaa kamid ah:- in dhammaan xildhibaanadiisu yihiin dad dacwad gudanaya oo shacabka ku faafinaya shirkiga, halka kii isaga ka horeeyay ay hawlihiisa ku koobnaayeen shirarka oo kaliya.

Haddaba halista Baarlamankan kuma koobna dhanka Caqiidada oo kaliya ee waxaa kaloo uu khatar ku yahay dadnimada iyo kheyraadka ummada Muslimka ah ee Soomaaliyeed.

Xildhibaanada ayaa waxay doonayaan in ay ansixiyaan dhul badeedka Soomaaliya ee ay Kenya dooneyso iney Juqraafi ahaan baddeeda ku darsato, iyadoo arintaasi ay dhiiragalineyso dowladda Norwey oo dooneysa in ay shidaal ka qodato.

Baarlamankan waa isku dayigii igu dambeeyay ee lagu xalaaleysanayo kheyraadka dadka Muslimiinta ah ee Soomaaliyeed, waxaana taa kaaga marqaati kacaya in gudoomiyaha Baarlamaanka uu yahay nin ay meesha keensatay dowladda Norwey.

WQ: C/fitaax Maxamad Qaasim

Madaxwayne Mawaan Horey Laguugu Sheegin In Kismaayo Laga Amro Nairobi?

Tan iyo markii Kenya ay ka gashay Soomaaliya damac siyaasadeed iyo mid dhaqaale waxay bilowday dagaalo af iyo adinba ah kuwaas oo ay ku cadaynaysay sida ay uga go’antahay in jubooyinka lagu daro maxmiyada gaarisa ama NFD ee Kenya.

14 october 2012 kenya waxay si cad usheegatay markii ugu horeysay in ay gudaha ugashay dhulka Soomaaliya balse ay jireen galitaano kale oo ay horey usamaysay kuwaas oo aysan qiran balse shacabka Soomaaliyeed ogyahay, 2006dii markii maxaakiimtii Soomaaliyeed ay usoo carareen dhanka kaymaha jubooyinka, Kenya, Maraykanka iyo Itoobiya waxay kula dagaalameen haraadigii islaamiyiinta dhulkaas, kenya si toos ah ayey soo gashay waxayna halkaas ku laysay dad iyo duunyo aad ufara badan, balse maysan sheegan soo galistaas.

Waxaa xigtay markii uu baadiyoobay Axmed Madoobe oo ay xarakadu go’aan ku gaartay in ninkaas umada laga qabto Kenya si cad ayey udifaacdey markii laga saaray jubooyinkana waxay lasoo gali jirtay dhulkaas oo ay kula dagaalami jireen Xarakada Shabaabul Mujaahidiin balse kenya markaas maysan sheegan inay gudaha ugashay dhulka Soomaaliyeed.

Waxaa xigtay soogalitaankaan cad oo kenya aysan ka fiirsan ayna kusoo gashay sadex nin taladooda oo aan laga baaraan dagin.

Balse 5 bari oo qura soo galitaankii kenya faarax macalin ayaa waraysi ku sheegay in kulbiyow iyo guud ahaan jubooyinka mar dambe aan looga talin doonin  Muqdisho ee looga talin doono Gaarisa iyo Nairobi, hadalkaas oo caro badan abuuray kuna abuuray dadka si dhaba ufahmi kara ujeedooyinka Kenya ayaa aqoonyahanada iyo mu’arikhiinta Soomaaliyeed hadalaas ka jawaabeen iyagoo umuujiyay ka xumaanshiyha hadalkaas, sidoo kale waxaa arintaan si dhab ah ufahmay saraakiishii hore ee ciidamada qaranka Soomaaliyeed kuwaas oo ogaa kana qayb galay dagaaladii dhul soo ceshiga ee 77 kii dhacay.

Waxaa dhoohnaan iyo maahsanaan muujiyay dawladii Villa Somalia oo markaas kursiga uu ku fadhiyay shariif iyo xukuumadiisa iy dhamaan dawladii xiligaas oo aan wax jawaab ah ka bixin hadaladaas ka soo yeeray masulyiinta Kenya iyo soo galitaanka bareerka ah, balse dhanka kale way soo dhaweeyeen soo galistaan si kal iyo laab ah.

Mudo sanad iyo xoogaa ah Kenya waxay ku meeraysanaysay inta udhaxaysa Kismaayo iyo xuduud beenaadka iyadoo markii dambe soo gashay Kismaayo iyadoo caawimaad ka helaysa Maraykan, isra’il iyo NATO.

Tan iyo markii ay soo galeen gudaha Kismaayo waxay bilaabeen in si cad ay usheegaan in Madaxwayne Xassan Sheikh uu Madaxwayne ka yahay Muqdisho oo kaliya ee uu san soo fara gashan karin dhulalka kale sida jubooyinka.

Hadana waxan maqlaynaa indhaheenana ku aragnaa in wafdi kasocday DF iyo AMISOM laguryo celiyay oo loo sheegay meeshaan in looga taliyo Nairobi, cidda celinaysay maahayn Axmed madoobe iyo kooxdiisa balse waxay ahaayeen ciidamada Kenya, Amar iyo celin kasoo baxay taliska ciidamada ee Nairobi.

Soo celitaanka wafdigaas kadib waxan maqlay madaxwaynihii ayaa carooday waana tan igu kaliftay inaan qoro warbixintaan waxaana leeyahay ma waan horey lagugu sheegin in Kismaayo aan laga amri doonin Muqdisho? soo tii aad usacaba tumaysay markay Kenya qabsatay kismaayo? mawaad ilowday hambalyadii iyo bogaadintii aad udirtay markay ciidamda kenya ay qabsadeen Kismaayo? ma waxaad uhaystay in adiga laguu qabtay?

Soomaalida ayaa in badan carabka ulaalaadiya cadowga markii ay ka jaraana cabaada

W/Q Abu Sayaaf

Dariiq ama Jid hore loogu daalay iyo Diin la’aan!!

Dariiq ama Jid hore loogu daalay iyo Diin la’aan!!
Waa wax la wada ogaa in kuwan qawanada ah yihiin kuwo la keensaday waxaana lala yaabay inay wax u qabteen sidii loo yeeriyay”Wiil iyo aabihiis”.
Waa jid hore loo tijaabshay inaan wixii aan xaq ahayn xal noqon,waa wado lagu soo daalshay dadka Somaliyeed oo ah qowm aan danteeda garan,hadalka iyo talada waxa loogu yeero Qaramada Midoobay waxaa ka talo ama hadal wanaagsan ilaha Koonka leh,oo warkiisa la diiday sida iska muuqata”Qoom Bilcaamo “Single Moms”u talsheen walee fadhiga kama kaco dhib iyo dhaawacna ma huro.

Waxaa yaab leh in beelaha qaarkood eed u  hayaan kuwaas qawanada ah oo buug loo dhigay yeershay ku dhawaaqay,maa iska dhaafaan ilaah ayaa ka maqnaysiiyay meel xumaan kaliya ka soo bixi doonto sida la wada ogyahay,Inshlaah.

Waxaa kale oo yaab leh in somalido weli tahay dad la sirayo oo aan ka daalin silica iyo dhibka lagu hayo oo maalinba meel looga yimaado,waana xusuus yarida iyo xumaan jaceylka dhibka ugu weyn oo somalida  haya.

Maxaa keenay In Qurbajoog”DANYUUSBARO” Somalida lagu salido oo ay silciyaan?

Ururka Haweenka”HABRAHA” oo is haysta!!

Waxaa loogu yeero ama loo yaqaan Ururka haweenka qaranka Soomaaliyeed ayaa bilaabay is-barbar-yaac, iyagoo u kala jabay labo garab, islamarkaana kala raacay labo gudoomiye,kuwan ayaa intooda badan haween ama habro NGO-yada ka adeegta oo intooda badan aan howlo kale qabsan.

Dadka yaqaan ayaa ka deyrsha kuwan haweenka ah oo intooda badan  da’a ahaan weyn laakin lagu sheego inaysan DIINTA ku fiicnayn taas  oo aad ka garan karto qaabka ay u labisan yihiin.

Kulan 2 maalmood ka hor ka dhacay hotelka Safaari ee magaalada Muqdisho ayna ka qeybgaleen qaar ka mid ah haweenka Ururka Haweenka Qaranka ayaa gudoomiye loogu doortay Ubax Tahliil Warsame oo xubin ka aheyd ururkaas.

Markii arrintaas dhacday ayaa waxaa shalay shir ku yeeshay hotelka Naasa Hablood ee Muqdisho qaar kale oo ka mid ah haweenka ku jira uruuka haweenka qaranka, kuwaasoo iyagu ku gacan seyray doorashada Ubax Tahliil Warsame, islamarkaana gudoomiye u doortay Batuulo Sheekh Axmed Gaballe.

 

Labada dhinac ayaa mid kasta sheeganayaa in si sharci ah loo doortay, islamarkaana doorashadiisa ay ka qeybgaleen inta badan xubnaha golaha dhexe ee haweenka qaranka.

Gudoomiyihii hore ee uruwuka haweenka Qaranka Soomaaliyed Caasho Geesdiir ayaa xilkaas isaga tagtay kadib dhaawac culus oo bishii Abriil 2012 ka soo gaaray qaraxii ka dhacay Tiyaatarka qaranka ee Muqdisho.

Ururka haweenka Qaranka Soomaaliya ayaa dib loo dhisay intii uu xilka hayey madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd Shariif Sheekh Axmed.

Banaadir Post.

FADEEXAD!!.Xassan Maxamuud Culusow oo ka beensheegey waxbarashadiisii Soomaaliya.

Akhristayaal Aduunyadu waa mid leh Diiwaan wax lagu keydsho iyo Tixraac la raadsho. Waxaan Maqaalkan ku eegayaa arin aan muddo 4,Isbuuc ah baadi goob uugu jirey iyo xaqiiqa raaidinteedii ayaan doonayaa inaan ku daah furo maqaalkan.
Waa kuma Madaxweynaha Soomaaliya,?.
Magaciisu waa Xassan Maxamuud Culusow, mana jiro magac Sheekh ku lamaanan sida ey ii sheegeen Qoyskiisa Soke iyo Dadkii yaqiiney,. Mudane Hassan Maxamuud Culusow, ayaa isagu diiwaankiisa Taariikheed ka buuxshey arimo u baahan in si gaar ah loo baaro loona xaqiijiyo. Ugu horeyn waxa Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu sheegey inuu ka qalanjabiyay Jaamacadii Ingneeria 1981.Haddaba Baaris dheer iyo Wareysi kala duwan aan la sameeyay Ardeydii iyo Hormuudadii Jaamacada Ingneeriya, sida Prof Guuleed Baasi, Prof Abaadir Muumin Falax, Prof Xuunshe, iyo Ardeydii Xiligaas dhigan jirtey sida, Eng Hassan Yuusuf Xananeyn, Eng Cilmi Bulaale Ashkir, Eng, Khaalid Sanyare, Eng, Muuse Baynax, waxey ii cadeeyeen in Xassan Maxamuud Culusow uusan dhigan Jaamacada Ingneeriya, Hadaba Hassan Maxamuud Culusow, ahna Madaxweynaha Soomaaliya muxuu uuga been sheegey Taariikhdiisa Waxbarasho ee Soomaaliya waa Suaal Madaxweynaha laga sugayo.
Si kastaba ha ahaatee waxaa is weydin mudan Muxuu Madaxweyne Hassan Maxamuud Culusow ka bartey Soomaaliya.?

Hassan Maxamuud Culusow, waxa uu ka baxey Dugsigii Farsamada ee loo yaqiiney (Polytechinic) Sanadkii 1984 ayuu ka baxay Iskuulkaas, isagoo ku takhasusey, Faryamaada Iyo Dabgalinta, sida ey ii sheegeen Ardeydii uu la qalanjabiyay sanadkaas, sida Yuusuf Macalin Isaaq, Bashiir Guuleed, Daadir Cismaan Maye, Abuukar Ceelow, Cumaraani Muriidi, Abshir Cismaan Dhiblaawe, Baasi Abiikar.

Ragan ayaa hada ku nool dalalka Ingriiska, Holland, Germany iyo U.S.A. waxeyna ii xaqjiiyeen inuu ahaa Ninkan Hassan Maxamuud Culusow, Nin laga wada yaqiiney Iskuulka Farsamada.

Ragan aan xusey ayaa baaq isku mid ah u jeediyay dhamaan Macalimiintii Iskuulka, Sida Eng Haashim Baafadal, Eng Mural Bashiir, Maclin Abiikar Axmednoor, Iyo Ardeydii iney runta ka sheegaan Taariikhda uu Hassan Maxamuud Culusow ka been sheegay.

Isku soo wada duuboo Ummada Soomaaliyeed waxaa la gudboon iney arintan meel saaraan waxana looga fadhiyaa iney su’aalahan weydiiyaan Madaxweynaha Soomaaliya ee ka beensheegay Taariikhdiisa dhabta ah.

Dalalka Reer Europe iyo Caalamka waxaa ka mamnuuc ah in Hogaamiyaha uu been ka sheego Taariikhdiisa dhabta ah, waxana jira ha’ayado qaabilsan dabagalka Masuul walba ee doonaya inuu Hogaansho dalka, waxaana jira Sharci qabanaya dhamaan Hogaamiyaaysha hadii ey ka been sheegaan Taariikhdooda taasoo, shaqada laga erayayo, Isla markaana ceeb iyo Raali galin laga dhowaro Hogaamiyaha ka been sheega Taariikhdiisa. Hadaba Madaxweyne Hassan Maxamuud Culusow waa inuu si deg deg ah uuga jawaaba Eedayamahan ku saabsan ka been sheegida Waxbarashadiisa Soomaaliya.

Qoraa Sare Xirsi Faarax.

Mashaariicdii Turkida ee dalka Somaaliya oo Gobolada dhexe iyo Mudug laga diiday.

Turkida ayaa markale ku kashifantay inay isku qariso Mashaariic deeq ah oo dano kale laga leeyahay,dadka Somaliyeed ayaa hore Turkida uga diiday inay Moq

disho keenaan waxa ay ku sheegeen mashariic deeq ah,Turkida ayaa Moqdisho ku timid hab beeleed iyada oo qaar beelaha Moqdisho degan lacago iyo mashaariic gacan rimis ah ku dhuubtay,waana ku kashifmeen markii ay ka hor yimadeen beelaha qaarkood Moqdisho wax ka degan.Turkida ayaa howsha ugu weyn oo loo Nato u xilsaartay tahay Manhajka waxbarashada iyo in Somalida laga jeediyo Manhajka carabiga asalkiiso yahay oo sanado badan ka dhaqan galay gayiga Somaliyeed,wuxuuna ku mashquulsanaa daabicida Buug cusub iyo Kitaabo maran habaabis ah oo inta aan hore looga arag dunida Muslimka ah.

Turkida ayaa isku dayay inay u wareegaan Gobolada dhexe qaarkood iyo Mudug waxaana ka hor yimid dadka dhulkaas ku dhaqan oo dhibsadey Turkida iyo tayo xumada ay qabaan.
Dadka indheergaradka ah iyo kuwa aqoonta leh ayaa mudo farta ku fiiqayay Turkida kana digayay in laga fiirsado.

Turkida ayaa ka soo xirxirtay Mudug markii oo dhaawac halis ah noqdey ninkii uga wakiilka ahaa Mashaariicda Afrika agaar ahaan Somaliya,kaaso hada laga dayranayo xaaladiisa caafimaad.
Banaadir Post.

WARBIXIN: Ka Dib Siddeed Sano oo Shariif Sakiin Ah Mawaxaa Xiga Afar Sano oo Faarax Sakiin Ah Mise Faarax Daacad?

Tan iyo markii dowlada KMG lagu soo dhisay wadanka Kenya ayaa waxaa siyaasada Soomaaliya si aad ah kaga dhex muuqday Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ahaa gudoomiyihii ugu horeeyay ee baarlamaanka Soomaaliya ee dowladii KMG ahayd.
Shariif Xasan waxay isku dhaceen masuuliyiin badan oo ahaa madaxdii wadanka hogaaminaysay laakiin mar walba nasiibkiisu wuxuu noqonayay in hadafkiisu uu guuleysto markastana dhinaca uu isaga raaco ay arinta u dambeyn jirtay.
Sanadii 2006-dii Shariif Xasan waxay isku dhaceen madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed, waxayna taasi ay keentay in uu wadanka isga cararo isla markaana uu sal dhig ka dhigto magaalada Asmara ee wadana Eritrea, halkaasi oo ay markii danbe ay ku midoobeen isaga iyo xildhibaano uu hogaaminayay oo ku xirtay saraakiishii midowgii maxkamadaha Islaamka ee ka dhisnaa Muqdisho kuwaasoo dagaal kala hor yimid dawladii madaxweyne C/laahi Yuusuf.
Intaa ka dib Shariif Xasan wuxuu mar kale ku soo laabtay in uu si aad ah kaga soo dhex muuqdo mar kale siyaasada Soomaaliya ka dib markii magaalada Jabuuti lagu soo dhisay dowladii uu hogaaminayay madaxweyne Shariif uunaka noqday wasiirka maaliyada sagaal bilood kadibna uga talaabay xilka gudoomiyaha baarlamaanka oo mar labaad uu ku soo laabtay.
Saddex Sano oo ay dowladaasi shaqaynaysay ayaa Shariif Xasan oo ay markii danbe ku dhagtay naanaysta ah “Shariif Sakiin” wuxuuna ahaa nin uusan calankiisa damin isla markaana miisaan wayn ku lahaa siyaasadda dowlada iyo dhaqdhaqaaqyada madaxda sare oo dhan.

Shariif Axmed iyo Shariif Xasan
Intii uu shaqaynayay waxay isku dheceen masuuliyiin uu ka mid ahaa madaxweynaha iyo waliba Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo, ugu dambeyntiina labadooda [Madaxweyne Shariif iyo Shariif Xasan] ay ku guuleysteen inay meresha ka saaraan Raysul wasaarihii xilligaasi Farmaajo.
SaameyntaShariif Xasan waxay ahayd mid markasta jirtay si fiicana uga dhex muuqatay xafiisyada sare ee dawlada heer ay dadka dhan wada arkeed heer awooda iyo saameynta Shariif Xasan ku leeyahay dawlada oo dhan. Waxaana dhacdooyinkii yaabka lahaa ka mid ahaa markii uu Shariif Xasan booqasho ku tagay wadanka Iiraan uuna la kulmay madaxweynaha Iiraan Axmedinejad halkii wasiirka arimaha dibadda uu shaqadaasi yeelan lahaa.
Ugu Danbayntii wax kasta oo ay soo martaba, saameynta Shariif Xasan waxay ku soo afjarantay codeyntii baarlamaanka cusub ee Soomaaliya oo jagada gudoomiyaha baarlamaanka iyo madaxweynaha u doortay shakhsiyaad ku cusub [28 August 2013 iyo 10 September 2012] siyaasada iyadoo baarlamaanka fashiliyey qorsihii labada Shariif oo isku dhinac ahaa ay ku doonayeen inay siyaasada ku soo laabtaan.
Faarax Sakiin Mise??
Faarax Sheekh C/qaadir, waa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ka horna wuxuu ahaa maskaxdii ka dambeysay dhismaha Xisbiga Nabadda iyo Horumarka ee uu ka soo galay madaxweyne Xasan Sheekh siyaasadda. Waa ninka ugu dhow madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Waana sababta keentay in durba loo arko in Faarax uu u dhaqmayo si la mid ah sidii Shariif Xasan.
Faarax wuxuu si joogto ah uga qeybgalaa kulamada madaxweynuhu la yeelanayo qufuuda caalamiga iyo siyaasiyiinta, xitaa waxaa la sheegayaa inuu wax badan ku leeyahay go’aanada uu qaadanayo madaxweyna iyo waliba waxyaabaha uu ka hadlayo.
Faarax hadda wuxuu daganyahay xarunta madaxtooyada waxayna madaxweynaha cusub ay wada qaataan waqtiga ugu badan, waxaana uu ka war haayaa talaabo kasta oo uu madaxweynuhu uu qaadayo iyo kulamada uu madaxweynuhu la yeelanayo wafuuda u imaanaysa.
“ilaa iyo iminka ma fahmi karno sida ay wax u socdaan Xasan Sheekh waxaa jooga Qolafkiisa laakiin talada waxaa wata dad kale, waxaana sugaynaa wixii ay keenaan”sidaa waxaa yiri qof ka tirsan Xisbiga Nabada iyo Horumarka.
Faarax waxaa uu shahaadada koowaad “bachelor degree’ ka heystaa culuumta Islaamka. Dhanka khirbadiisa waxaa uu in badan ku jiray saaxadda tacliinta iyo hay’adaha gargaarka laakiin dadka yaqaana waxay ku sheegaan inuu yahay nin aad u fekera, inkastoo afkaarta uu xambaarsan yahay aysan ka fogeyn mabda’a wadaada ISLAAX. Arimahan ayaa la dhihi karaa waa kuwa uu Faarax C/qaadir kaga duwanaan karo Shariif Xasan.
Saaxiibada yaqaana Faarax waxay rumeysan yihiin in xitaa magacaabista raysul wasaaraha cusub ee dalka uu aad ugaga mashquul badan yahay madaxweynaha oo uu yahay ninka marka ugu horeysa dhadhamin doona shakhsiga la soo xulo ka hor inta aan loo geyn madaxweynaha.
Si kastaba waxay dadku iswaydiinayaan maadaama talooyinka heerkaasi la eg ee madaxtooyada uu shakhsigan saameyntaas ku leeyahay ma wuxuu noqon doonaa Faarax Sakiin Mise Faarax Daacad??? waxaase jawaabta loo deyn doonaa waqtiga!!!

XIGASHO RAXANREEB-RBC.

http://www.raxanreeb.com/2012/09/warbixin-ka-dib-sideed-sano-oo-shariif-sakiin-ah-mawaxaa-xiga-afar-sano-oo-faarax-sakiin-ah-mise-faarax-daacad/

Wax lagu sheegay Dhaartii Golaha Daaquudka oo shalay ka dhacdey Garoonka Diyaadaha Moqdisho gudahiisa(VIDEO’S-1-2)

Dhaarta Xildhibaanada (Qaybta 1aad)
  


 Qaybta 2aad ee dhaarta Xildhibaanada