WARBIXIN:-“Mooshinka Joojiya, Marqaanku Waa Diyaare” Saacid Shirdoon.

25885490Ra’iisulwasaaraha xukuumadda Federalka ah ayaa ku guuleystay qorshe siyaasadeed oo ay usoo bandhigeen la taliyaashiisa, kaasoo lagu baajinayo mooshinkii maalmahanba socda ee la doonayay in xilka looga qaado.

Ra’iisulwasaare Saacid ayaa lasoo baxay qorshe cusub oo la yiraahdo “Mooshinka Joojiya, Marqaanku Waa Diyaare”. Qorshahan oo xildhibaanada lagu siinayo xoogaa laaluush ah oo ay isbuucyo ku marqaamaan ama ku qayilaan ayaa si toos ah u bilowday maalintii shalay, waxaana ka faa’iideystay xildhibaano aad u badan oo ka tirsan baarlamaanka Federalka ah.

Taleefanada Ra’iisulwasaaraha ayaa mashuul ahaa xalay oo dhan, sidoo kale waxaa aad ula shaqeynayay rag kamid ah wasiiradiisa oo ukala dab qaadaya isaga iyo xildhibaanada.

Wararkii ugu dambeeyay ee nasoo gaaray ayaa sheegaya in uu Fashilmay mooshinkii ka dhanka ah ra’iisulwasaare Saacid, iyadoo haatana uu soconayo isku soo bax isna qarash badan lagu bixiyay oo lagu dhaleeceynayo xubnihii ka dambeeyay abaabulka mooshinka.

Qore Maslax Ilka Case.

Xigasho Harar24.com

25877192

Banaadir Post.

MOQDISHO IYO MOOSHINO:-Mooshin ma lagu ridi karaa Xukuumada Tabarta Yar ee Xasan Gurguurte?

25782380Mooshin ka dhan ah Xukuumada Soomaaliya ayaa ka socda magaalada Muqdisho, iyadoo shirar gaar gaar ah iyo xod xodasho badan ay ka dhex socoto Baarlamaanka Mahiiga  gudihiisa, kaasoo lagu xoojinayo Mooshinka.

Sida ay sheegayaan wararka mooshinkan ayaa waxaa ilaa iyo hada saxiixay in ka badan 130 xildhibaanada Barlamaanka Mahiiga, kuwaasoo awood u siineysa inay Gudoonka baarlamaanka horgeeyaan mooshin miisaankiisa culus yahay.

Qaar ka mid ah Hotelada Muqdisho ayaa ka socda shirarka looga arrinsanayo mooshinada, waxaana wararka qaar sheegayaan inuu bar bar socdo mooshin kale oo ka dhan ah Gudoonka Baarlamaanka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in magaalada Nairobi ay si la mid ah uga socoto ololahan ka dhanka ah Xukuumada.

Mid ka mid ah Xildhibaanada baarlamaanka oo la hadlay Wariyayaasha ayaa sheegay in habeen iyo maalin hoteleada ay ka socdaan shirar ku saabsan arrintan, isla markaana ay bar bar socoto balan qaadyo Xildhibaanada loo sameynayo, laguna soo jiidanayo.

Ololahan ka dhanka ah Xukuumada ayaa waxaa horboodaya Xildhibaano ku caan baxay abaabulka barnaamijyada mooshinada, waxaana arrintan ay noqotay durba hadal heynta ugu badan ee ka taagan magaalada.

War shalay si wada jir ah uga soo baxay Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa waxay kaga digeen mooshinadan oo si xowli ku socda, isla markaana ku baaqay in aan baarlamaanka laga dhex abuurin kala qeybsanaan.

Waxaa maanta aad u qeyliayay kuwa lacagta shubto  waa odyaasha sheegta inay wakiil ka yihiin Beelaha Hawiye, oo mudooyinkan  danbe  dab ka hurinayay dadka Soomliyeed  dhexdooda,waxayna si toos u difaaceen saacid Shirdoon oo  Mooshin laga keenay.

Khilaaf xoogan ayaa soo kala dhaxgalay madaxda DF-ka kaasi oo ku aadan dhanka maamulka iyo dhaqaale lalunsaday,waxaa beenoobay balan qaad uu bilo ka hor bixiyay xasan sheekh oo ahaa “aniga iyo R/wasaaraha isma khilaafi doono”.

Khilaafka u dhexeeya Saacid iyo Xasan Sheekh ayaa maalmihii lasoo dhaafay sii xoogeysanayay,socdaal uu Saacid ku maray qaar katirsan gobolada dalka ayaa ka careysiisay xasan sheekh,madaxda DF-ka ayaa caan ku ah in ay iska geeyaan mooshinno.

24495966 (1)

Banaadir Post