VIDEO:-Inta Xildhibaano Mooshin ka horistaagayaan Mey Al-shabaab Qaraxyada ka hor istaagaan!

25840657Waxaa la yaab leh in Ciidamada Nabadsugida Dowladda oo u xilsaaran ammaanka iyo nabada muwaadiniita Soomaliyeed ay howshooda ku soo ekaatay in ay xildhibaano ka hor istaagaan in ay kulmaan.

Haddaba, su’aasha is weydiinta mudan ayaa ah yaa fariin loogu dirayaa ka hor istaagida maanta laga hor istaagay xildhibaano 110 gaaraya in ay kulan qado ah isugu yimaadaan Hoteel ku yaala Muqdisho?.

“Hotelka City Plaza ayaan ka dalbanay inuu noo diyaariyo qado ay ka qeyb galayaan 110 xildhibaan oo halkaas ku yeelan lahaa kulan ay uga hadlayaan danaha ummada, markii duhurkii la gaaray intaanan gaarin hotelka ka hor ayaa mamulka hotelka waxaa uu nagu soo wargeliyey in ciidamo ka tirsan nabad sugida ay yimaadeen ayna amar ku bixiyeen inaan kulankaas la qaban Karin” sidaa waxa yiri xildhibaan Cali khaliif Galeyr oo ka mid ah xildhibaanadii ka qeyb geli lahaa kulankaas qadada ah horeyna RW uga soo noqday xukuumadihii KMG ahaa ee dalka soo maray.

25807264

Banaadir Post.

MOQDISHO:-Muqdisho iyo Xayiraada Danyartii u Danbeysey !!

25605437Muqdisho oo aan dhihi karo waxaa ku Nool ilaa Saddex Milyan oo qof ayaa waxay  ku soo Waabariisatey wax lagu Tilmaami karo Bandow , waxaana istaagey Isku Socodkii Gaadiidka oo ah kan ugu Muhiimsan Xiligaans marka la fiiriyo dhinaca Nolosha iyo isku Socdka Dadka , waxaa Waddo kasta la soo dhoobey Ciidamoo aad u fara badan iyo Tikniko kuwaas oo Gaadiidka Xanibaad ku soo rogey iyadoo dadka loo ogol yahay in Socdaan oo keliya, waxaana dadka badankiis ay waayeen Gaadiid ay raacaan ha noqoto BL iyo mid si gaar ah loo leeyahay.

25605479

Bandowga oo ku soo beegmey Xili Kuleylo ah ayaa dadka  waxay garan waayeen waxa loo xanibey Gaadiidka  , iyadoo dadka qaar ay isla dhexmarayeen warar kala Duwan oo ku tiri ku teen ah oo aan laga fiirsa. Haweeney ay duudka Khudaari u saaran tahay dooneyseyna in ay gaarsiiso Suuq ay ku ganasato Dhididkana uu ka Hoorayo ayaa wax yar la sheeketey iyadoo mareysa Lambar Afar waxaan  weydiiyey halkey  Khadaarta u wado? Markaas bay tiri “Waxaan u Wadaa Suuqa Kaaraan “Markaas baan ku iri “Ma sidaan baad ku Gaarsiineysaa Suuqaas? markaas bay Tiri” Haa Hooyo Maxaan kaloo sameyn karaa waa in aan Lugta Furaa  waayo Caruur baa isugeysa “

Nin Odey ah oo Caan lagana yaqaan Aagga lana socda Siyaasadda iyo halka ay wax marayaan mar walba  ayaa Koox dad ah oo meel fadhidey weydiisey Xayiraada Maanta Saaran Wadooyinka waxay tahay ama loola jeedo wuxuuna la soo boodey” Xayiraadaan oo kale waxaa igu Dambeysey Xiligii Dowladii Cabdulaahi Yuusuf,marka waxaan u Maleynayaa in uu maanta uu imaanayo Barack Obama” Markiiba Qosol ayaa lala dhacay mid kale yiri oo meesha fadhiyey “War Odey sidaa ma aha oo  maanta waa kaa Xumaatey “waxaana uu yiri  “Waxaan Maqley in  Mahiga uu ka Dambeeyo Xayiraadaan  waayo waxaa uu ka careysan yahay Xilkii laga qaadey “ Markii ay Afkiisa ka soo yeertey hadalkaas  ayaa dadkii halkaa fadhiyey laba u qabsameen kuwa warkiisa Rumeeyey iyo kuwa ka soo Horjeestey halkii baa laba laba la isku qabsadey oo waxaana lagu sigtey in Gacanta la isku qaado.

Haweeney ka mid ah kuwa Subaxa hore Kalaha .Gurigeedana  ku soo Dubata Canjeelo ,Bur iyo Shaah  ayaa  waxaana kula kulmey agagaarka Wadada 21 Oktoobar waxayna Raashinka ay ku soo Karisey Gurigeeda Subaxa Hore ka iibsaa dad Muruqmaalka ah oo Aagaas u soo Shaqa taga , kuwaas oo Af Bilow ka dhiigta marka ay Shaqada u socdaan waxayna ka kala yimaadaan Xaafadaha Magaalada Muqdisho iyadoo  ku Calaacashey “Xasan Shiikh baa laga rabaa Khasaarada I gaartey”intaas markii ay Afkeeda ay ka soo baxday ayey dad Masaakiin ah  Canjeeladii iyo Burkii u qaybisey waxayan sii daba Dhiigtey “Waxay ahayd in Xiraadaan horey loo sheego”

Ma yara dadka Dhibaaatooyinka uu ka soo gaarey Xanibaadii la saarey Gaadiidka waxay Indheyga ay qabteen Gaari sidey Moos oo yaala meel Luuq ah, Xayiraadana halkaa ku qabsatey ,waxaana uu sugayaa waqtiga la qaadayo Xayiraada waxaana uu isna ku Calaacaley  markii loo sheegey in ay Xayiraada saarnaaneyso waqti aan la ogeyn  “Muuska Gaariga saaran waxay ahayd in Saakey laga dejiyo waxaana uu ka walwalsanahay in uu Muusku Gubto maadaama  uu shaley oo dhan soo socdey marka Waa Khasaaro aan Cid loo raacdaa jirin marka Allaa Jooga” .

Haweeney ka ganacsada Qaadka oo la’ meel ay marto ayaa waxay radio ka ag dhawaa ka maqashey “Howlgalkii maanta  waxaa uu ahaa mid looga hortagayo Qaraxyo iyo Weeraro ay geystaan Xarakadda ALShabaab”inta boodey ayey tiri “Waa Dowlad Naf la Caari ah, Waxay intaa ku dartey “War Naftaa hayso “ Intaa kuma Ekeysane waxay sii daba Dhigtey”War waad taqaanaan halka ay joogaan Shabaab maad u tagtaan marka aad Dhibaateyneysaan Caruurta Dugsiyada u socota iyo dadka kale ee Masaakiinta ah“ war yaa loo raacanayaa wixii  ka Dhashey Bandowgaas.” Ayey ku soo gabagabeysey hadalkeedii.

Askari ka tirsan Ciidamadii maanta Howgalka ka wadey Wadooyinka Muqdisho ayaa weydiiyey waxa loo xirey Wadooyinka? Waxaana uu ku Jawaabey” Xaley Waqti dambe ayaa halkaan nala keeney ma garanayo sababta Xayiraadaa, marka Saaxiib adigaa kuula mid ahay… “ Markiiba Sarkaal kale ayuu farta iigu fiiqey oo yiri “Ninkaas weydii?  Halkii baan u Dhaqaaqey markii Sarkaalkii aan weydiiyey wax uu ku saabsan yahay Howlgalkaan ayuu ku Gaabsadey “  Waxaad tahay Wariye fadlan Dadka u sheega in ay qaataan Awaamiirta Dowladda Naga Daaya hadalada kale aan Shaqadeenna Gudanee ”

Guntii Gabagabdii Goor Dambe oo Xeero Fandhaal kala dhaceen ayaa Wasiirka Arrimha Gudaha iyo Amniga oo hadley waxay Wariyayaasha weydiiyeen Waxa Bulshada maanta sidaan loo Badey ?wuxuu Wasiirka si kooban u yiri “Waxaan uga Gol lahayn Sugidda Amaanka oo keliya,” isagoo meel iska dhigey Dhibaatooyinka saameeyey Garabratadii , Muruqmaalkii , Ardeydii , Ganacsigii ,Gadiidleydii iyo Xitaa Shaqaalhii Dowladda oo qaarkood marka ay la soo baxaan Aqoonsigooda loogu jawaabayey nama Khuseeyo, si kastaba  waxaan Dhihi karaa waa Howgal laga sheekeeyo oo Cagta Mariyey Danyartii  Muqdisho !!

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

907095_447843305297700_1918988761_n

Banaadir Post.

DAL LA DAGAYO IYO DULIGA HAYSTA DADKA ISKA LEH;- DAAWO- Fadeexadan! Muqdisho oo qayb ka mid ah la dagayo, cid kale iskadaaye Xitaa uusan ogayn Xasan Gurguurte!!

Intaadan akhrin warkaan oo aadan daawan Videoga hoos yaal ayaa Su’aashu waxaa weeye Muqdisho oo awal boob ay u heysteen Dadka degan guryaha aysan lahayn oo hadana qayb ka mid ah ajnabi xoog ku heystaan, Macquul ma tahay inaan wali ku tilmaano Caasimada Qaranka soomaaliyeed?

25575451

Magaalada Muqdisho ayaa Qayb kamid ah waxaa iska maamusha Qolyo aan la garanayn oo xitaa aysan jirin cid ogolaansho u siisey iney dhistaan, Dhul xeebeedka ku teedsan Garoonka Diyaaradaha Muqdisho waxaa ku yaal dhismayaal lagu raaxeysto oo amaankooda la sugay, dhulkaas ninka lagu sheegoinow yahay  Madaxweynaha Dowlada Federaalka Xasan Gurguurte  xitaa cag ma dhigi karo oo looma ogala.

Hotel kamid ah dhismayaasha laga hirgaliyey halkaas ayaa waxaa dhistey nin Mareykan ah, waxaana habeynkii lagu seexdaa inka badan 400-500 USD, Waxaa badanaa isticmala Hotelkaan shaqaalaha Hay’adaha iyo sirdoonka Reer Galbeedka.
Shirkada dhistey Hotelkaan Waxay badanaa waxka dhistaa Wadamada Dagaaladu haligeen sida Soomaaliya,Iraq iyo Afganistaan.

Dhulxeebaadkaan balaaran waxaa ku yaala dhismayaal iyo meelo lagu dabaasho oo lagu raaxeysto, Waxaa kuyaal Garoon yar oo diyaaradaha khaaska ah kasoo degaan, waa magaalo aan Soomaaliya ka tirsanayn balse ku dhextaal Muqdisho.

sida aan Warar ku helney Madaxweyne Xasan Gurguurte  kama hadli karo mana tagi karo hadii  uusan Ogolaansho ka haysan Sirdoonka iisaga kursiga saaray oo amaanka deegaankaas Qandaraas ku heysta, waxaa amaanka Ilaaliya shirkad Koonfur Afrika laga leeyahay.

Shaqaalaha deegaankaan ka howlgala iyo Dhismayaasha ka dhisan ma jiraan cid ay Ogolaansho ka heystan.

Hoos ka daawo Video-ga

http://live.wsj.com/video/a-war-zone-real-estate-developer-takes-on-somalia/97CDB78C-6058-4BE4-95C3-BAB89C59889E.html#!97CDB78C-6058-4BE4-95C3-BAB89C59889E

A War-Zone Real Estate Developer Takes On Somalia

 

Michael Stock is pursuing an extreme version of that basic investor’s principle: Get in early. He’s just finished building a resort on the coast of war-torn Mogadishu, Somalia. WSJ’s Christopher S. Stewart reports. (Photo: Dominic Nahr/WSJ)

 
 

25509279 (1)

Banaadir Post

 
 

Sheekhuna Maye oo xilkii oo hayay ka fakanaya sida kuwii ka horeeyay!!

25414442Taliyaha Booliska Xamar ayaa ka fakanaya xilkii oo yahay kuwa lagu ilaalsho Villa Somalia ee magaalada Moqdisho.

Dowlada tabarta yar oo hogaanka ka yahay Xasan Gurguurte ayaa la talisa Lix xafadood oo Xamar ah,waana lixda xaafadood oo bada xigta markii laga reebo Karaan!

Waxaa horey xilkoodii uga tagay kuwii isaga la shaqeyn jirey xaga sirdoonka iyo amniga xaafadaha ay xukumaan,kuwaas oo cabsi iyo welwel la soo kordhay ku qasabtay inay iskaga tagaan howshaas aan ahayn mid sahlan,Kfaliif Ereg iyo Axmed Macalin Fiqi oo ahaa kuwii loo keenay inay Moqdisho ka dhigaan meel nabad aha yaa ku sigtay inay naftooda ku waayaan.

Sheekhuna Maye ayaa ka yimid qurbaha waxaana iska cad inow u noqon doono,Khaliif Ereg ayaa Nayroobi jooga halka Axmed Macalin Fiqi gaaray Jabuuti.

25416441 (1)

 

25083333

Banaadir Post.

DHAGEYSO: Axmed Macalin Fiqi “Sheekh Nuur Baaruud waa Xubin ka tirsan Hey’adda Nabad sugidda Qaranka”.

25237607Gudoomiyihii hore ee Hey’adda nabad sugidda Dowladda Fedraalka Axmed Macalin Fiqi ayaa kaa daaha ka qaaday Macluumaad sir ah oo u qorsooneyd Shakhsiyaad ka tirsan Ururka Al-Ictisaam.

Isagoo shalay ka hadlayay Xaflad lagu sagootinayay ayaa Axmed Macalin Fiqi waxa uu si aan gabasho laheyn u laheyn in Nuur Baaruud Gurxan uu yahay Xubin ka tirsan Hey’adda Sirdoonka Dowladda Fedraalka ee loo yaqaano nabad sugidda, wuxuuna ku amaanay sida hufan ee Hey’addaasi uu ula shaqeeyay.

“ Waxaan Xushmad u aheynaa Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo Hey’adda qeyb ka ah, annagu qeyb ka nahay, waxaan ugu mahad celinaynaa howshii uu qabtay” ayuu yiri Axmed Macalin Fiqi.

Sidoo kale Axmed Macalin Fiqi ayaa waxa uu sheegay in Nuur Baaruud Gurxan uu gacan weyn ka geystay sidii Sirdoonka Dowladda Fedraalka loogu dhisi lahaa waxa uu ku tilmaamay dhinaca Caqiidada, sidii ay u wajihi lahaayeen Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab.

24926248

Hadalka kasoo yeeray Gudoomiyihii hore ee Hey’adda Nabad sugidda Dowladda Fedraalka ayaa waxa uu fadeexad ku yahay Wadaadada Ururka Al-Ictisaam guud ahaan, gaar ahaan garabkooda Muqdisho ee  uu hogaamiyo Bashiir Axmed Salaad, waxaana tani ay ka marqaati kaceysaa tuhumo dhowr jeer oo Wadaadaas loogu jeediyay inay la shaqeeyaan Dowladda Fedraalka iyo Maamullada Ashahaada la dirirka ee gobollada dalka ka jira.

24925496

 

25219531

Dhageyso Qeyb ka ah Khudbadda uu jeediyay Axmed M.Fiqi

ISHA WARKA AMIIRNUUR MEDIA.

24918555

Banaadir Post.

DHAGEYSO CEEBTA MOQDISHO KA DHACDAY!:-Qaraabada Wiilashii Muqdisho oo ku Xasuuqay Khaliif Erag oo Warbaahinta la hadlay sheegayna in qaab qabiil loo xasuuqay wiilashooda.

24925861 (1)Qaraabada Wiilashii Magaalada Muqdisho Xaafado kamida lasoo dhigay Maydadkooda ayaa waxay la hadleen Warbaahinta Islaamigaa, waxayna ku eedeeyeen Wiilasha la dilay Asha-haado ladirir Khaliif Axmed Erag oo sheegta Taliyaha Nabad Sugidda Xukuumadda Dabadhilifka  ah, Nin kaas oo qaab Qabiil u aarsanaya isla markaana nacayb Qabiil uu ka buuxo.

Nabadoon Shire Jimcaale oo ah Adeerka Wiil Magaciisa lagu sheegay Cabdi Majiid oo Jaamacad dhiganayey ayaa xaqiijiyey qaab Qabiil in Khaliif Axmed Erag uu u dilayo Dhalinyarada Magaalada Muqdisho. Dhinaca kale Hooyada dhashay Wiilka iyo Qaraabo kale ayaa Waraysiyo siiyey Idaacadda  Alfurqaan.

24918734

Waxaa Magaalada Muqdisho ka socda Xasuuq lagu hayo Dhalinyarada Soomaaliyeed ee ay Diinta Islaamka ka muuqato. Qaraabada Wiilasha la dilay ayaa wacad ku maray in ay jawaab deg deg ah ka bixinayaan, waxayna u badan tahay Xukuumadda Xassan Gurguurte in ay qaab Qabiil u burburto isla markaana Qabiilada Soomaaliyeed ay ku biiraan Xarakada Mujaahidiinta si ay u wiiqaan Awoodda Ciidamada Shisheeye iyo Xukuumadda Dabadhilifka  ah ee xasuuqaysa Shacabka Soomaaliyeed.

24790479

Dhagayso Waraysiyo Qaraabada Wiilasha la dilay Idaacadda Islaamigaa ay la yeelatay MP3 Halkaan Riix Ama Guji

Isha Waraysiyada Idaacadda Islaamigaa ee Alfurqaan.

24925861

Banaadir Post.

“CAASIMADDA GABLANTAY” Shakhsiyaadka ugu Awooda Badan MUQDISHO

24151556Tan iyo 1991 oo ay ahayd wakhtigii ay burburtay dowladii dhexe ee Soomaaliya oo ahayd dowladii ugu dambeysay ee si dhameystiran awoodeeda u gaarsiisa tahay dhamaan gobolada Dalka ayaa waxaa soo baxayay dowlado is xigxigay oo fadhigoodu ahaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka.

Muqdisho inkastoo ay berisamaadkii ahayd magaallo horumarkeeda, amnigeeda iyo wada noolaanshaheedu uu horumarsanaa ayaa wixii ka dambeeyay 1991 waxay u muuqatay caasimad gablantay oo ay dadkeedu cadaw u noqdeen, waxay noqotay mid la burbursado oo la bililiqeysto, waxay noqotay mid madaafiic xoog leh si arxan darro ah loogu garaaco, halka xaafadihii iyo degmooyinkii Xamar-na ay noqdeen, xeyndaabyo u kala xir-xiran qoysas kamida qabaa’ilka reer Muqdisho lagu suntay wixii ka dambeysay 1991.

Haddaba dowladihii isxig-xigay ee kumeel gaarka ahaa ee soo maray Soomaaliya kuwaasi oo fadhigoodu ahaa magaalada Muqdisho, waxaa xaqiiqo ah inaanay dalka si iskumid ah u wada gaarin, umada Soomaaliyeedna aan si iskumid ah aanay uga wada faa’iidin, iyadoo ay jirto in shakhsiyaad ay si gaar ah awood ugu yeeshaan dowladahaas, amaba ay si khaas ah ugu barwaaqoobeen ku tagri falka hantida qaranka oo si gaar ah loo cantoobsaday.

Maanta oo ay Soomaaliya kasoo gudubtay wakhtigii kumeel gaarka sida ay Reer Galbeedku noo yeerinayaan oo ay haatan dowladda uu madaxweynaha ka yahay Xassan Sheekh Maxamuud sida la tibaaxo aanay ahayn dowlad kumeel gaar ah oo ay tahay dowlad rasmiya ayaa haddana waxaa jira shakhsiyaad gaar ah oo awood xooggan ku leh gudaha caasimadda gablantay, awoodaas oo ah hantida qaranka ee ay sida gaarka ah ugu takri fallaan, tirada ciidamada ee ay haystaan oo ay danahooda ku fushadaan, hantida iyo dhaqaalaha umadda ka dhaxeeyay oo ay iyagu isa siiyeen, iyo xaddiga musuqmaasuqa ee ay ka dhex sameynayaan hay’adaha iyo xafiisyada dowladda ee ay hoggaamiyaan.

Haddaba waxaa inoo suurta gashay anagoo kaashaneyna wakiiladeena ku sugan gudaha caasimadda Muqdisho inaan idiin soo gudbino shakhsiyaadka ugu awoodda badan Muqdishada Maanta ee sida aan gabashada lahayn ugu tagri fala hantida shacabka, waxaana xubnahaas kamid ah.

24152074

  1. Maxamed Axmed Nuur “Tarsan” Guddoomiyaha Banaadir, Ahna Duqa Muqdisho
TarsanWaxa uu isku haystaa labo jago oo la isugu daray wakhtigii dowladda Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waa guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, waxa uu kow ka yahay shakhsiyaadka ugu awooda badan caasimadda Muqdisho, Tarsa n waxa uu si toos ah ugu tagri falaa arimaha maamulka Gobolka Banaadir, waxa uu leeyahay ciidamo wata darees gaar ah oo aan ka tirsaneyn ciidamada dowladda balse isaga ka amar qaata, waxa uu u adeegsadaa askartaas cid walba oo isaga uu arko inay khatar ku tahay, danihiisa. Waxa uu kamid yahay shakhiyaadka qurbaha ka yimid, waana qurba jooge kayimid magaalada London, ee xarunta dalka UK balse dad badan oo reer Muqdisho ah waxay aaminsan yihiin in Tarsan Muqdisho uu u yimid dhaqaale aruursi, marka la fiiriyo gadashada shakhsiga ahayd ee ku sameeyay bacadlihii hore ee Xamar Wayne, Qandaraaska gaarka ahaa ee uu guriga Hooyooyinka Muqdisho ku siiyay Xaaskiisa oo kamida hablaha ugu awoodda badan caasimadda Muqdisho, iyo sidoo kale doorkii uu ku lahaa doorashadii guddiga Olombikada Soomaaliyeed ee dhawaan ka dhacday Muqdisho.
Horey waxaa loogu eedeeyay in ciidankiisu ka dambeeyeen dilkii Weriye Cabdisalaan Sheekh Xassan “Xiis” oo T.V-ga Horn Cable Muqdisho uga soo warami jiray, iyadoo askarigaas xabsiga laga sii daayay iyadoon wax maxakamad ah la geyn wakhtigii dowladii Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.
Tarsan waxa uu caan ku yahay isagoo xamar ku heysta guddoomiyayaal isaga si gaar ah ugu shaqeeya iyo dad si gaar ah ugu abaabulan oo qeyb ka noqda abaabulka isu soo baxyada uu Muqdisho ka abaabulo, isagoona todobaad walba soo qaban qaabiya ugu yaraan saddex mudaharaad oo ula jeedooyinka laga leeyahay dadka lagu marin habaabinayo. HALKAAN KA EEG DOORKA BANAANBAXYADA MUQDISHO IYO TARSAN
     2.  Gen. Cabdulaahi Gaafoow Maxamuud  Hoggaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha
Gen. GaafowXamar amaba Muqdishada Maanta Gen. Cabdulaahi Gaafow Maxamuud hoggaanka waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha waxaa looga yaqaanaa Sheekhul kulli waa atoore aad loo tixgeliyo loogana dambeeyo hawlaha ka socda waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliyada liidata, magaca Sheekhul Kulli ayaa ku yimid qaabka hoggaamintiisu ay u dhigan tahay, waayo Gen. Gaafow ma lahan xafiis Muuqda iyo shaqaalle ay hawlahoodu qeexan yihiin, sida ku xigeen, madax shaqaaale, gacan yare iyo cid hadii isaga la waayo amaba uu maqan yahay buuxin karta waajibaadkiisa shaqo waana tan keentay in hadaad hawl uga baahato oo uu maqan yahay amaba mashquulsan yahay aad sugeyso wakhti farabadan.
Waxa uu dad badan dheer yahay isagoo fursad u soo helay in ku dhawaad 50 sano uu ka shaqeynayay waaxda socdaalka Soomaaliya, taliye ku xigeen ayuu booskan kasoo noqday wakhtigii dowladii Maxamed Siyaasad Barre, balse arinta la yaabka ah ayaa ah in marka laga tago dowladii carta ee uu hoggaaminayay Cabdiqaasim Salaad Xassan uu Gen. Gaafow uu soo hayay xilka Hoggaaminta waaxda Socdaalka Soomaaliya oo aan marnaba laga badalin.
Dowladihii Cabdulaahi Yuusuf iyo Shariif Sheekh Axmed labadaba waxa uu si xeeladaysan ugu fara adeygay Gen. Gaafow inuu adkeysto kursiga waxaana dhacday in xilkaasi intii uu hayay si gaar ah ugu tagri falayay awoodda hogaaminta socdaalka Soomaaliya.
Gen. Gaafow si lamid ah qowlaysatada xafiisyada dowladda sida ay rabaan ka yeella waxa uu ku tagri falaa dhaqaalaha kasoo xarooda waaxda socdaalka Soomaaliya  iyadoona aanay jirin bangiga dhexe iyo wasaaradda Maaliyaddu awood gaar ah oo ay ku leeyihiin dhaqaalaha xawliga ah ee laga sameeyo Passporada qeybahooda kala duwan ee uu bixiyo xafiiska Gen. Gaafow iyo isdoo kale Dalku galada (Fiisooyinka) Soomalaiya y ku gallaan ajaanibta booqanaysa amaba shaqooyinka u taga.

 HALKAAN KA EEG IOM IYO JAPAN OO HANTI KU WAREEJINAYA GAAFOW

Gen. Gaafow si lamid ah Tarsan waxa uu leeyahay ciidamo gaar ah oo isaga ka amar qaata kuwaasi oo u adegsado danaha gaarka ah ee uu leeyahay, waxaana si aad ah loogu xasuustaa wakhtigii u dhamaanayay hoggaankii Madaxweyne Shariif in Gen. Gaafow uu Muqdisho ku xirtay xildhibaan katirsan Baarlamaanka Soomalaiya.
 3. Gen. Shariif Sheekhunaa Maye Taliyaha Booliiska Soomaaliya
SheekhunaaGaashaanle sare Shariif Sheekhunaa waxa ay dowladii Ra’iisul wasaare Farmaajo ka keentay Dalka Denmark iyadoo dikreeto kasoo baxday xafiiskii Madaxweyne Shariif xilka guddoonka Booliiska Soomaaliya loogu dhiibay bishii April 2011, balse inkastoo la filayay in tayada Booliiska uu wax ka badelo maadaama uu ahaa nin wax badan kasoo shaqeeyay qeybaha kala duwan ee booliiska Soomaaliyeed, haddana wax u hagaajiyaba iska dhaafe waxa uu si gaar ah u fushadaa hawlo farabadan oo hadii Maxakamad ciidan oo madax banaan la heli lahaa in sharci adag lala tiigsado.
Sheekhuna waxa uu si shakhsiyaha oo gaar ah ugu tagri falay dhaqaaale badan oo dowladda Soomaaliya lagu siiyay iney wax ka qabato awoodda booliiska Soomaaliyeed, waxa laga xusi karaa dhaqaale iyo kaalmo caalamiya oo ay Japan iyo Hay’adda UNDP Soomaaliya ugu tallo gashay horumarinta Booliiska inuu si gaar ah ugu tagri-falay intii uu xafiiska joogay.
Waxa uu gacan bir ah ku qabtay qaar kamida taliyayaasha isaga la shaqeeya iyo weriyayaasha Muqdisho si aanay saameyn balaaran ugu yeellan ku tagri falka hantida iyo awooda qaranka isagoona leh ciidamo gaar ah oo isaga si gaar ah uga amar qaataoo u fuliya danaha gaarka ah ee Sheekhuna ka leeyahay Muqdisho.
Sheekhunaa awoodiisu waxay xoogeysatay wakhtigii ay socdeen u diyaar garawga ka bixitaanka wakhtiga kumeel gaarka ahaa ee Soomaaliya amaba dhamaadkii dowladii Sheekh Shariif, waxa uu awood ku lahaa soo xulitaanka Baarlamaanka Soomaaliya ee Beelaha Digil iyo Mirifle iyo Beesha Shanaad (Point five), waxa uu shirka ka saaray suldaamo magac lahaa iyo shakhsiyaad gaar ah oo la yaqaanay isagoona si gaar ah shakhsiyaad gaar ah ugu darsaday xildhibaanada Soomaaliya, taasoo dad badan la yaab ku noqon karta in Taliye Booliis ay saameyntiisa gaarto halkaas, waana tan keentay in Sheekhunaa safka hore kasoo gallo shakhsiyaadka ugu awooda badan Muqdisho ” Caasimadda Gablantay”
Markaad tagto xafiisyada EU, UNPOS, AU, IGAD iyo UNDP ayaa dareemaysaa awooda taliyaha Booliiska Soomaaliya iyo sida gaarka ah ee ugu tagri fallo mashaariic loogu tallo galay in lagu horumariyo Soomaaliya oo uu si gaar ah jeebka ugu shubto.
 4.Gen. Bashiir Maxamed Jaamac ‘Bashiir Goobe”
bashiir_goobe_525380314Gen. Bashiir Maxamed Jaamac ‘Bashiir Goobe” waa shakhsi si weyn haatan looga yaqaano Muqdisho, waxaana uu caan ka dhex yahay bahda Isboortiga Soomaaliya, haatan waxa uu kamid yahay gollaha wasiirada ee Xukuumadda Ra’iisul wasaare Saacid, waxaana uu kamid yahay shakhsiyaadka loo magacaabay wasiir ku xigeenada waa wasiir ku xigeenka wasaaradda Horumarinta Bulshada ee Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya.
Waa nin midabadiisu ay badan yihiin oo maalinba reer gaar ah (Qabiil gaar ah) sheegta waxa uu jagada Gaashaanlaha gaaray wakhtiyadii dambe ee Dowladii milatariga ahayd ee Soomaaliya, waxa uu dowladii Madaxweyne Shariif kamid ahaa agaasimayaasha wasaaradihii awooda badan lahaa isagoo noqday agaasimaha wasaaradda arimaha gudaha iyo amniga qaranka. waxaana si aad ah looga xasuusan karaa wakhtiyadii dambe awoodii uu ku lahaa soo xulitaankii Baarlamaanka Soomaaliya, dardar gelinta hawlihii ergadii ansixinaysay dastuurka federaalka Soomaaliya, iyadoo wakhtigaas Bashiir Goobe uu ahaa shakhsiyaadka aadka looga cabsan jiray islamarkaana dad badan ayuu wakhtigaas ku xirxiray magaalada Muqdisho.
Bashiir Goobe waxa uu leeyahay saaxiibo badan oo uu ku jira Madaxweynaha haatan talada haya Mudane Xassan Sheekh Maxamuud, waa shakhsi si walba u shaqeeya, waxaana la tilmaamaa inuu awood sare ku leeyahay dhinaca ciidamada maadaama Muqdisho laga aaminsan yahay in Bashiir Goobe uu ka tirsan yahay Booliiska Adduunka ee INTER POL loo yaqaano, waxa jirta is saraakiil gaar ah ay u fuliso hawla joogtada ah ee uu ka sameeyo Muqdisho.
Waxaad ogaan kartaa inuu nin si walba u shaqeeya, yahay markaad xaqiiqsato inuu intaad oo jago soo qabtay:
  • Waa siyaasi kamid noqday gollaha wasiirada
  • Waxa uu soo qabtay xilka Guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Soomaaliya
  • Waxa uu soo noqday Taliye ku xigeen Booliis
  • Waxa uu soo noqday Agaasimaha guud ee wasaaradii arimaha gudaha iyo amniga qaranka wakhtigii Sheekh Shariif
  • Waxa uu u tartamay xilka Guddoomiyaha 1-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya
  • Waana xubin ka tirsan Booliiska adduunka ee INTER POL.
Bashiir Goobe waxay saaxiibo aad isugu dhaw yihiin Tarsan “Guddoomiyaha Banaadir” waxaa labadooda si gaar ah loogu xasuustaa doorkii ay ku lahaayeen doorashooyinka guddiga olombikada Soomaaliyeed ee GOS taasoo ka dhacday Hotelka Jasiira ee Muqdisho. HALKAAN KA EEG DOORKA BASHIIRKA EE OLOMBIKADA SOOMAALIYA
Sidoo kale waxay macriifo hantida qaranka wada baacsata yihiin Gen. Shariif Sheekhunaa Maye oo hoggaamiye booliiska Soomaaliyeed, waxaa si gaar ah xiriirkoodu uu soo shaacbaxay sidii ay u maareeyeen soo xulitaankii Baarlamaanka Beesha 5-aad wakhtigii kala guurka ee August iyo September, 2012 oo ay xad-gudub farabadan ka geysteen Muqdisho.
5. Faarax Sheekh Cabduqaadir ‘Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada” 
faarax-sheekhDr. Faarax Sheekh Cabduqaadir oo ah shakhsi ku cusub siyaasadda Soomaaliya balse aad ay u yaqaaneen bahda waxbarashada Muqdisho gaar ahaan Bah-wadaagta FPENS iyo machadka SIMAD waxaa la oran karaa waa shakhiga ay ilaa hadda awoodiisu muuqato ee ku lammaan Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud.
Xamar haatan waxaa looga yaqaanaa Madaxweyne ku xigeen ahna wasiirka Maaliyadda waa mashiinka ka shaqeysiiya maskaxda Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud, waxa uu kamid ahaa maskaxdii doorka muuqatay ku lahayd Madaxweyne Gurguurte doorashadiisii, iasgoona ahaa isku xiraha xisbiga Madaxweynaha iyo Dalalka Khaliijka, gaar ahaana dalalka Sacuudiga iyo Kuwait, balse awoodiisu durba Soomalaidu wey dareentay oo waxaa loo bixiyay Sakiinta Cusub amaba Faarax Sakiin.
Inkastoo uu ka mid yahay gollaha wasiirada Soomaaliya oo uu hayo xilka wasiiru dowlaha madaxtooyada ahna la taliyaha madaxweynaha haddana waxa uu yahay shakhsiga wakhtiga ugu badan la qaata madaxweynaha. Waxaa uu amarro toos ah siiyaa qaar badan oo kamida gollaha wasiirada maadaama uu yahay shakhsi awood badan ku dhex leh Villa Soomaaliya.
Mid kamida gollaha wasiirada oo diiday inaan magiciisa xigano ayaa GP u sheegay in Faarax uu haatan ka awood badan yahay Saacid iyo Madaxweynaha marka la eego hawlaha haatan ka socda Soomaaliya.
Waxyaabaha wasiirada uu uga duwan yahay waxaa kamida waa wasiirka kaliya ee keligiis lagu hor dhaariyay Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoona aanay la soconin wasiiro kale, waxa uu door muuqda ku lahaa safaradii madaxweynuhu ku tegay Jabuuti, Uganda, Kenya, Mareykanka iyo Sacuudi Carabiya. Waxaana uu isaga oo si gaar ah Soomaaliya u metalaya Faarax booqday wadamada Qadar, Kuwait iyo Sacuui Carabiya halkaas oo uu kula kulmay amiirada wadankaas.
HALKAAN KA DAAWO FAARAX SAKIIN OO SHIR CAALAMIYA FADHaatan waxa uu Soomaaliya u metalayaa shir caalamiya oo la filayay in Soomaaliya ay madaxda ugu sareysa kasoo qeyb gallaan oo ka dhacaya magaalada Davos ee dalka Switzerland kaasoo looga hadlayo horumarinta dhaqaalaha wadamada caalamka, iyadoo la filayay in Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo wasiirka maaliyadda ay ka qeyb gallaan balse Faarax iyo wefdi kooban oo la socda ayaa Soomaaliya Shirkaas u metalaya.
W.Q Maxamed Cabdulaahi
Muqdisho, Soomaaliya

Dhawaan waxaa idiin soo gudbin doonaa, Ku tagri fal awoodeedka gaarka ah ee taliyaha Booliiska, iyo Duqa Magaalada Muqdisho

XIGASHO GALDOGOBPRESS.

24152122

DHAGEYSO:- “Meeshani Dowladi Kama Jirto Ciidan Dadka Dhaca iyo Madax Laaluush qaadata ayaa iskusoo Haray” Waxaa yiri Daahir Ciirro

23854872Qaar katirsan xildhibaanada Baarlamanka Dowladda Federaalka ayaa sheegay in xukuumadda uu Xasan Sheekh madaxda u yahay ay ku fashilantay ammaanka iyo dhaqaalaha.

Daahir Ciirro wuxuu cambaareeyay maleeshiyaadka wajiyada duubta ee ALPHA GROUP  ee la shaqeeya shirkadaha sirdoonka reer galbeedka wuxuuna ku tilmaamay Burcad dhiig cabayaal ah.

23612604


Halkan ka dhagayso Wareysiga Xildhibaan Daahir Ciirro MP3

23840401