DHAGEYSO:-General Fartaag.”Xasan Sheekh wax haka qabto Madaafiicda ku Dhacaysa Madaxtooyada Yuusan usoo hanqal taagin Kismaayo”

25902247Generaal Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag  oo  sheegtay inow yahay waxa loogu yeero  Madaxweyne ku xigeenka  u ah Garabka Jubba land ee madaxda u yahay Axmed Madoobe ayaa wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Islaamiga Alfurqaan.

Fartaag ayaa sheegay in Ciidamii Kismaayo ku sugnaa la mideeyay oo haatan ay yihiin kuwa uxuub siibtay ciidanka dowladda Gobaleedka Jubbaland.

“Ciidamada marka hore waxay kala ahaayeen  laba guuto oo kala Raaskanbooni  iyo kuwa magaca dowladda wata,iyagiina waala mideeyay haatana markay Maqleen in Dowlad gobaleed ka dhalatay Kismaayo ayay dowladdu bilowday faragalin”ayuu yiri Fartaag.

Fartaag ku xigeenka dagaal Ooge Axmed Madoobe ayaa si kulul jawaab kaga bixiyay hadal ka soo yeeray madaxweyne Xasan Sheekh.

“Madaxweynaha iyo inaga dastuur ayaa noo dhaxeeya, markuu leeyahay wixii aan ka digayay waa ay dhaceen waa rabitaankiisa, Xamar ayuu joogaa waxa Kismaayo ka socda ma ogaan karo”ayuu yiri Fartaag.

“Madaafiic ayaa lagu weeraraa madaxtooyada uu ku noolyahay,qaraxyo ayaa dhaca markuu madaxtooyada ka soo baxa,wadooyinka way kala xeranyihiin Taasi ha soo saxo oo Xamar ha hagaajiyo maamul loo dhanyahay Muqdisho haka dhiso”ayuu raaciyay hadalkiisa.

Fartaag ayaa sidoo kale wax laga weydiiyay qaabka ay umaareyn doonaan dhaqaalaha kasoo baxa Dekada iyo Garoonka Muqdisho.

25739582

Generaal Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag Madaxweyne ku xigeenka Jubba land

XIGASHO RADIO ALFURQAAN.COM.

922860_380283792075529_1641200527_n

Banaadir post.

KISMAAYO:-Siyaasad Xumada Xasan Gurguurte iyo C/Kariim Guuleed oo Sababtay in Shakuul iyo Gaandi ku dabo feylaan Axmed-madoobe

25862578Xasan Gurguurte waa nin ka arradan siyaasadda! Waaba nin jecel inuow cadow isu sameeyo! Wuxuu keenay in  Shakuul ,Gaandi iyo tartamayaal kale u daayaan Axmed-madoobe sheegashadiisa madaxweynaha Jubbaland!

Waxaa soo dadejiyey markii Xasan Gurguurte ka adeejiyey wasiirka arrimaha gudaha, C/Kariim inuu ku hadlo haddalo qabiil ka dhadhamayo! Waxaa intaas dheer waxaa hadlay Xaad iyo Diiriye! Waxaa Jubbaland ka soo horjeestay Galmudug iyo Ximan & Xeeb! Intaas markay arkeen nimankii ku qabiilka ahaa Axmed-madoobe baa yiri oo hadday gobolladaas iyo qabiillooyinkaas ka soo horjeesteen Axmed-madoobe; ma isagaa geed ka dhashay!

Waxaa intaas dheer, Xasan Gurguurte markuu u baahnaa taageero buu Somaliland madaxa ku diiray, weliba waqti ay Somaliland ku jirto dabbaaldeg!

Waxaana dhinaca  kale isku saf ka soo wada jeestay Faroole,Gaas,Cumar Sharma’arke iyo Ina Ileeyga Xabashida.

25681555

Banaadir Post.

Faroole,Faarax Macalin iyo In Ileey oo Ku wajahan Kismaayo.Maxay u socdaan?

25847065Saddexda Ruuxba iyagoo huwan hirgalinta iyo dhiira galinta Siyaasahada Itoobiya iyo Kenya ayay maalmaha soo aadan gaari doonaan Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobalka Jubadda Hoose.

Cabdi  Ileey oo ah Hogaanka Maamulka Kililka Shanaad ee Itoobiya Gumaysato,Hogaanka Puntland oo isna ku jira Gacanta Itoobiya Faroole,iyo Faarax Macalin ayaa dhamaantooda hanbalyo u wada Mid kamid ah Maamulada shanta ah ee ka dhisan Kismaayo.

Sida qorshuhu yahay hadeysan waxba iska badelin xogta sabaax heshay Waxay si gaar ah ugu qayb gali doonaan caleemo saarka Axmed Madoobe oo dhawaan ehelkiisa ku doorteen Kismaayo.

Maamulada Daarood iyo xubnaha ka dhex Muuqda ayaa hab qabiil u taageeraya Dagaal Ooge Axmed Madoobe.

Raggaan haday gaaraan Kismaayo waxay ka dhigantahay in dab shidnaa uu sii xoogaysto maadaam xaalada taagan ay basiin uyihiin.

Faroole ayaa dhawaan Muujiyay Taageeradiisa indha la’aanta ah ee Axmed Madoobe,isagoo ugu baaqay Dowladdu inay la shaqeyso Maamulka Axmed Madoobe.

Dhanka Ina Ileey warqad kasoo baxday Xafiiskiis ayaa Doorashadii Axmed Madoobe ka dib laga arqiyay TV-ga ushaqeeya Maamulkiisa isagoo wacad ku maray inuu dhiig iyo nafba uhorayo difaacifa Maamulka Axmed Madoobe.

Laakin Faarax Macalin Ma uusan hadlin oo waxaa xaqiiqo ah inuu la dhacsanyahay Axmed Madoobe isagoo hab qabiil iyo Dowladda Gumaysiga Kenya ku taageerayo Axmed Madoobe.

25681555

Banaadir Post.

“Anaa diiday gaal daacufle ah, dabagalkiisiiye”Sayid Maxamed Cabdulle Xasan,Raxiimulaah.

25846808Gaalada dirayska leh anaan, daabadda u qabane

  • Anaa diiday dagal inaan la galo, daalin ii colehe
  • Dalka ma lihid anigaa ku idhi, doora weynaha e
  • Anaa diiday nabadiisa aan, daacad noqonayne
  • Anaa diiday deeqdiisa ay, naari dabataale
  • Dahabkii uu waday waanigii, daadiyee qubaye
  • Dagaalkiisa anigow xishoo, daalib ku ahaaye
  • Durdurada Fardowsaad anaa, doortay oo rabaye
  • Anaan labada daarood tan hore, darajo moodaynin
  • Anaa diiday gaal daacufle ah, dabagalkiisiiye
  • Doofaarka eyga ah anaan, daarihiis galine
  • Sida doxorka ?# anaan, duud xamaal noqone
  • Anigaan dariiqiyo waddada, dowga sii marine
  • Anigaan dillaalkiyo arliga, duubigaw xidhane
  • Anigaan dariiqada Alliyo, diinta cassiyine
  • Daliilkii rasuulkii anaa, doonayoo helaye
  • Diinkayga anigaan ku gadan, dabaqii naareede
  • Anaan labada daarood tan hore, darajo moodayne
  • Markay duusho gaaladu anaan, daabbaddu rarine
  • Goortay dareeraan anaan, diiradda u qabane
  • Dadow maqal dabuubtaan ku idhi, ama dan haw yeelan
  • Dunjigiinba waataad kufriga, daba ordayseene
  • Waataad iigu daranteen markaan, diiday oo nacaye
  • War waatow digayseen markaan, duulan soo waco e
  • Waataad colaadii dorraad, iigu daranteene
  • Markaan diirtay waataad dushiyo, doc iga boobteene
  • Waataad markii aan dafaray, daaha galiseene
  • Waataad dushiina u rarteen, duq iyo waayeele
  • Waatowla daristeen sidii, duul walaalo ahe
  • Markaan didiyey waataad warmaha, igula duusheene
  • Gortaan digniintiyo ergada, idinka deyn waayey
  • Waataad damiin igu qirteen, dawriyoo falane
  • Dikriga iyo eedaanka waataad, ka durugteene
  • Waataad inuu dawlad yahay, dood ku bixiseene
  • Dibnihiina waataad inuu, dego ka sheegteene
  • Waa taad dariiqyada barteen, noo dadnaan jiraye
  • Goortuu dantiisii helee, idin dubaaqeeyey
  • Waataad dacluuskii Berbera, ula dawaafteene
  • Diihaalka waataad Hindiga, daal ka barideene
  • Dagaagiina waatii xeryaha, deyran loo dhigaye
  • Waatuu dareersaday fircoon, diracyadiiniiye
  • Waatuu diyaar ugu laqimay, diinta gaalada e
  • Damac beena weeyaan waxaad, nagu dilayseene
  • Waa waxaad dariiqii sharciga, uga dullaanteene
  • Dawgii Rasuulkiina waad, dabamartayseene
  • Nin dardaran iblayskii dafaa, dow ka raaridaye
  • Dallacaad jaceylbaad kurtiin, noola dirirteene
  • Dubaaqii waxaa idinka galay, daaro buuxsade e
  • Dawo kama heshaan faranji aad, daawo dhigataane
  • Dabinbuu idiin qoolayaa, waydin dagayaaye
  • Dirhamkuu idiin qubahayaad, dib u go’aysaane
  • Doodna waxaan u leeyahay dadkeer, hadalka deyn waayey
  • Nimanyahow damiinnimada waa, lagu dulloobaaye
  • Dadku wuxuu jeclaystaa waxaan, duxi ka raacayne
  • Nin ragay dardaaran u tahaye, doqon waa mooge
  • Denbi weeye Kufriga, aad u dabcaysaane
  • Marka horre dabkuu idinka dhigi, dumar sidiisiiye
  • Mugga xiga dushuu idinka rari, sida dameeraha e
  • Mugga xiga dalkuu idinku odhan, duunyo dhaafsada e
  • Mugga xigana daabaqadda wuu, idin dareensiine
  • Dunjigeeda Soomaalibaan, deyrka ka ahaaye
  • Dhaaxaan Daraawiishta idhi, doonta gaalada e
  • Dhaaxay asgaro uu dalbaday, dabada taageene
  • Dhaaxaan dabkii iyo la hadhay, duunyaduu wadaye
  • Dhaaxaan intaan janano dilay, soo dabaaldageye
  • Dhaaxaan dekado uu camiray, dumiyoo rogaye
  • Ninkiisa dirirta geya maalinbay, dunidu ciishaaye
  • Maantaan dabaaldegga iyo, darajo eegaayey
  • Ragga haatan igu diimayow, duxi ha kaa raacdo.25794113

Banaadir Post.

25701270

DHAGEYSO:-Waxgaradka Falanqeeyay Xaalada Kismaayo.

25806723Qaar kamid ah waxgaradka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay waxa laga filan karo Doorasho shalay ka dhacday Magaalada Kismaayo oo Axmed Madoobe Hogaan loogu doortay maamulka jubbaland.

Falanqeynta ayaa waxaa wadaagaya Salaad Faarax Cabdulle,Xasan Nuur Sabdoow iyo Garaad Maxamuud Maxamed.

Waxgaradka aya asku raacay in Axmed Madoobe iyo Kenya ay yihiin Camiiliin u adeega reer galbeedka kuwaasi oo iyago aanan rabin in dalka Soomaaliya laga hirgaliyo dowlad islaamka dadka ku xukunta.

Shalay ayay ahayd markii laba doorasho oo ka dhacday Kismaayo lagu kala doortay Barre Aadan Shire iyo Axmed Madoobe.

25739582

HALKAN KA DHAGEYSO FALANQEYNTA WAXGARADKA.

XIGASHO RADIO ALFURQAAN

24696953

Banaadir Post.

MAQAL IYO MUUQAAL:-Faroole Oo Hanbalyo U Diray Axmed Madoobe Xassan Gurguurtana Ku DigtayFaroole:”kuwii doonayey in Somaliya iska dabawareega ka bixin Guuldaro ayaa u soo hoyatay Maanta”

25801671 Faroole  ayaa Shir Jaraa’id  ku qabtay xuruntiisaa cusub ee Garoowe, Faroole ayaa yiri, Axmed Madoobe iyo ku xigeenkiisa Fartaag waan u hanbalyeynaynaa, wuxuuna intaas raaciyey Dadkii diidanaa Maamulada in ay dhibayso doorashada Axmed Madoobe.

“kuwii doonayey in Somaliya iska dabawareega ka bixin Guuldaro ayaa u soo hoyatay Maanta”

Siilaanyo, Faroole iyo Cabdi Ilay oo Itoobiyaan ka Amar qaata ayaan maaro u weynay iyo Xassan Gurguurte oo Uganda iyo Burundi ay waardiye ka hayaan, hadda Kenya ayaa ku soo biirtay in Soomaaliya qayb kamida ay ka taliso oo horjooge u samaysato.

Dhagayso Hanbalyada Faroole MP3 Halkaan Riix Ama Guji

PUNTLAND oo JUBALAND u hambalyeysay iyo maamulka cusub ee la doortay 15 05 2013

25681555

Banaadir Post.

Daawo Sida loo doortay Axmed Madoobe iyo Barre Hiiraalle”Aniga ayaa La ii Doortay Jubba Land.”

 25797888

Warka kasoo yeeray Barre Hiiraale ayaa kusoo aadaya xilli Axmed Madoobe uu dhankiisa kismaayo kaga dhawaaqay in uu yahay madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland.

Doorashada_Jubbaland_12

Doorashada_Jubbaland_7

Doorashada_Jubbaland_13

Doorashada_Jubbaland_14

Xili Maanta Axmed Madoobe uu ku dhawaaqay in Loo doortay madaxweynaha Jubba land ayaa dhanka kale Barre Aadan Shire Bare Hiiraale oo ku sugan Kismaayo wareysi uu siiyay Idaacada Alfurqaan ku sheegay isna in loo doortay madaxweynaha Jubba land.

Idaacada Alfurqaan ku sheegay isna in loo doortay madaxweynaha Jubba land.

Bare ayaa sheegay in Shan boqol oo qof oo shacabka iyo odayaasha Kismaayo ah  ku doorteen Magaalada Kismaayo.

Wuxuu sheegay inuu soo dhisayo Maamul isagoo tibaaxay inuu taageersanyahay Dowladda Federaalka.

HALKAN KA DHAGEYSO WAREYSIGA BARRE HIIRAALE UU SIIYAY IDAACADDA ALFURQAAN.

Xaalada Kismaayo ayaa caawa kacsan waxaana laga baqdin qabaa in dagaal uu ka dhaco maadaama laba madaxweyne ay yeelatay.

Banaadir Post.

KISMAAYO:-Axmed Madoobe oo Isku sheegay inow yahay Madaxweynaha Jubbaland.

25794282 (1)Saraakiil Kenyan ah iyo siyaasiyiin ay isku beel yihin oo Dagaal-ooge Axmed Madoobe u magacaabay Kismaayo inow yahay waxa loogu yeeray madaxweynaha Jubbaland!.

Dhinaca kale maleeshiyaad taabacsan Barre  Hiiraale ayaa dhaq dhaqaaq ka wada xaafado katirsan magaalada oo maalmihii lasoo dhaafay ay isku abaabulayeen.

Dhinaca kale, waxaa maalintii labaad ku xayiran garoonka dayuuradaha Kismaayo waxgarad iyo siyasiyin ka soo jeeda gobolada jubooyinka oo shalay ka dhoofay magaalada Muqdisho ka dib markii ciidamada Kenya iyo kuwa maamulka Axmed Madoobe ay u diideen iney galaan Kismaayo.

25142360

Banaadir Post.

Waji Gabaxii Kismaayo.!!!`Qore:- Aqoonyahan Saciid Islaam

25787879 Waxa Ay mahad u sugnaatay  Alle Subxaana Watcalaa  ee ka nasahan waxa walbo xumaan ah una wali ah wanaaga iyo  xasanaad walba waxana alle  weydiisana waxa wanaag ah ee aan asiibo in alle igu  sugo waxii  Qalad ahna ee iga dhaco iga saamaxo  wallow  aan ehel u eheen ka hadalka  ama wax ka qorista  waxa taagan Dalkeen balsa igu kaliftay in an wax ka qoro markaan aan u adkeesan wayay waxa ka dhacaa dalkeena tasoo wajib ku ah qof walbo sida u wax ugu sheegi karo Ummada somaaliyeed in uu ugu sheego.

Horay baan qeybtii  kowaad kaga soo hadlay  Maqaalkaan an ugu Magac Daray Waji Gabaxii Kismaayo kadib markii wafdi u hogaaminaa Raisalwasaaraha Dowladda Fadraalka Saacid Shirdoon uu kala soo kulmay magaalada Kismaayo Guuldaro ka dhan ah safarkiisii uu ku tagay ka dhaadhicinta  kooxda  hada ku sugan magalada kismaayo in ay hoos tagaan maamulka Xamar ka jiro walow ay aakhirkii ku dhamatay  Fashil iyo  is fahanwaa lagu sii kala fogaaday.

Hadaba  anoo ka hana qaadaa qeybtidii  Koowaad manta waxan jecleestay in an wax ka qoro  is badalka ama heerka u sii garaa Khilaafka dhanka Siyaasaded e u dhaxeeyo Muqdisho Iyo Kismaayo  tasoo sababtay in 2dii malin aan soo dhaafnay  laga soo celiyo magalada kismayo Wafuud ay Dowladda Fadaraalka Ka dirtay Magalada Muqdisho kuwasoo  ka koobnaa  ragg horay u soo noqday  Xildhibaano Xilikii  dowladihii Kumeel Gaarka  iyo Siyaasiyiin kale oo la sheegay in ay Ka soo jeedaan Gobalkaasi   balsa lagu amray Duuliyihii diyaaradii Siday  In ay hawada ka laabto oo ay ku noqoto halkii ay ka timid .

Soo celinta  wafdiga  laga diray  magalada muqdsiho aya waxa si weyn ay u muujineesa  tabaryarida maamul darada  dowladda fadaraalka  ee dhanka  Jubbooyinka  walow awal shacabka  soomaliyeed ay horay ugu digeen soo galintaankii  Ciidamada Galada Kenya oo ay qabsadeen Qeyba ka mid ah  Jubboyinka qasatan magalada Kismaayo.

Mid ka mid ah  Siyaasiyiintii laga soo celiyay  magalada kismayo  oo magalada muqdisho kula hadlayay Saxafada ayaa  yiri sidaan asoo careesan ( Anigu Waxaan Kala Garan Wayay  In Kismaayo Ay Leedahay Ummada Soomaliyeed Iyo In ay Leedahay Dowladda Kenya  . Anigii Ku Dhashay Baa la Iga Soo Celiyay  Waxuuna Intaas Sii Raaciyay in Ay Ka sugayaan Dowladda Fadaraalka in Ay cadeeso Mowqifkeeda ku aadan Ciidamada  Kenya )

Qof Walboo Dhageesto Hadalka Luga dheere waxa u soo baxee in Kismayo aysan gacan ugu jirin  kooxda fadhikeeda yahay Villa Soomaliya  uu madaxda ka yahay Xasan Sheekh.

Hadaba   Maxa Keenay  Xilkaan   Qeyla dhaanta  Luga dheere In uu Si Toos ah u Sheego  In Kismayo Ay Ka Baxday Gacantii  Dowladda Fadaraalka ee Fadhikeeda Yahau  Magalada .?

1 : In ay toos  u cadatay in an kismaayo  laga ogoleen amarada ka so baxo Villa somaliya

2 : in ciidamada Kenya ee ku sugan kismayo ay ka madax banan yahiin  ciidamada kale ee lo huwiyaya magaca  Amisom

3 : Maamulka  Axmed Madoobe oo u argo in uu garab ka hesto  Dowladda Kenya

4 : Kenya oo si cad u shegtay in an kulbiyow laga xukumi doonin Mardabe Caasimada Soomaliya

5: Iyo  tan ugu weyn o ah  in maamulka uu madaxda u yahay Axmed Madoobe oo u argo ayagu in ay xaq u layehiin maamul u sameynta wax loogu magac daray Jubbooyinka  iyo Gedo  tasoo ay ka biya diiden  kooxda  fadhikeeda yahay magalada Muqdisho.

Qodobada an soo shegay oo saldhig kowaad u ah khilaafka kismayo  ama waji gabax kismayo ee mar walba ku dhaco kooxda Xamar walow  waxii shalay lagu  sirayay shacabka soomaliyeed ay manta soo cadaanayaan hadii lala lahaa Kenya wa dowladd na tageree  oo naga saree  dagaalyahanada Xarkadda Shabab Mujahidiin.

Aqristoo  Hadii shalay  Meel Walba lala Tagnaa  Kenya Waa Ciidan Na Kaalmeenaa Maxaa Manta Is Badalay oo Loo Dhaha Kenya Waa Qabstay Kismaayo ?

Waxaan filaa dad badan oo aqristayaasha ah ama  caqliga saliimka saxiib u ah in marka ay su’aashaasi ku maaxdo qalbikooda ay u cadahay in waxaii shalay lagu hishiiyay ay eheed uun la dagaalanka maamulkii Magaalada kismayo ka taliyay  ee ku dhisanaa ku dhaqanka sharecada Islaamka mesha  mar laga saaro  lakiin aysan ayagu is rabin wa kenya oo garab ka helee kooxda axmed madoobe iyo  kooxda fadhikeedu yahay  magalada muqdisho.

Gab Gabada Tulucda  hadalkeyga

Dadka soomaaliyeed o ah dad  inta badan aan wax qorin lakiin wax ku cabiro hadalka ama gabayda iyo aragtida ayaa waxa horay loga soo xigtay  labadii xaq daro ku hishiiso waxa isku diro xaqa tasoo manta cadeynee cadowgii shalay ku soo wada duulay magalada Kismaayo in ay isla ayagii is cunayaan manta oo midba midka kale ka celinaa magaladii kismaayo   waxan sabab u ah waa markii ay la dagaalameen kitaabkii alle ee lagu dhaqayay  gobalada Jubbooyinka

Fariin Ku Socoto  Kooxda Villa Soomaliya Fadhiso

Hadad shalay ba shegeten   in kismayo la idiin xoreyna Mantana Aad gaari weyseen  waxaa halka ka cada in aysan tala idin kugu jirin gacane  iska tanasula fikirkaan xun ee ku saleesan u adeegista galada aad dalka ku soo hogaamineesan  oo ka towba keena cafisna weydiista umada Muslimiinta ee somaliyeed ee shalay xasuuqeen diyaaradaha dowladda kenya  waxaan hubaal ah cid walba oo gumestaha soo horkacdo aaqirka ayagoo  feylyaha Goyaa wana wxa manta  idin ka hesto  Galitaankii  magalada kismayo iskaba daa maamula aad kaga dhawaaqdaan magalada muqdisho oo inta tago kismaayo ka shaqeyo.

La Soco Qeybaha Kale Isha ALLAH
F.g  Waxii  Tala iyo Tusale ah iigu  so gudbi Fikirkaga Ku aadan Maqaalkeyga Si Aan  u kaashado argtidada

  • Saciid.Islaam@facebook.com

W/Q . Saciid Islaam.

25767410 (2)

Banaadir Post

KISMAAYO:-Ismaaciil Haaruun: “ Fashil ayey ku Dhamaan Doonaan Qorshayaasha ay Gaaladu ka Wado Kismaayo”

25780708Ismaaciil Haaruun oo kamid ah wax garadka Jubooyinka ayaa sheegay in bulshadu u diyaarsantahay fashilinta iyo ka hor tagga nidaamka maqaar saarka ah ee ay gaalado ka sameynayaan magaalada Kismaayo.

Nabadoonka ayaa sheegay in wax ka socda Kismaayo yihiin wadiiqadii ay gaaladu u mari lahaayeen qabsashada wadanka, kala qeybinta ummada iyo gurashada kheyraadka dalka.

25739582

Halkan Ka Dhageyso Hadalka Ismaaciil Haaruun

24696953

Banaadir Post.