Kibaki oo Xassan Sheekh ka saxiixday qodobbo Kenya u dan ah, Iyo Shacabka Soomaaliyeed oo ka niyad jabay Dowladdoodii rasmiga ahayd ee ay helaan Muddo 20 sano ka badan.

23519344Xassan Sheekh Maxamuud oo Maalin kahor gaaray magaalada Nairobi ayaa wax Natiijo ah oo Dadka Soomaaliyeed dan u ah aanan laga faa’iidin Booqashadiisii ugu horreysay ee uu ku yimaado Dalkaasi Kenya, Waxana uu Kibaki u saxixay Qodobo dhowr ah oo lagu sheegay 11 qodob oo dhammaantood dan u ah Dowladda Kenya.

Qodobbada 11ka ah ee uu Kibaki ka saxiixay Xassan Sheekh ayaa waxaa ka mid ah:-

In dib loo celiyo qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya iyo in la unko xiriir qoto dheer oo ay yeeshaan labada Madaxweyne iyo Labadooda Dowladood, Waxana Qodobadaas iyo kuwo kale oo aan Shacabka Soomaaliyeed wax dan ah ugu jirin laga sheegay Warbaahinta Kenya.

Sidoo kale Kenya waxay dalbatay in waqtiga loo kordhiyo Ciidamadeeda ku sugan Dhulka Soomaaliyeed ee Barwaaqada ah ee Jubbooyinka.

Shir jaraa’id oo ay qabteen Kibakiga Kenya iyo Xassan Sheekh ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu Kenya uga mahadcelinayo gelitaankii ay Soomaaliya galeen, Waxana Nasiibdarrada ugu weyni ay ahayd in Madaxweynaha Soomaaliya aanu marnaba soo hadal qaadin Shacabkii Soomaaliyeed ee Todobaadyo kahor ay Ciidamada Kenya ku xasuuqeen Gaarisa, Iyo weliba Raafka iyo Bililiqada joogtada ah ee ay Askarta Kenya ku hayaan Ganacsatada iyo Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

Xassan Sheekh ayaanan sidoo kale Kenya kala hadlin in ay faraha kala baxdo Badda Soomaaliyeed ayna joojiso heshiisyada shidaal sahaminta ah ee ay la galeyso shirkadaha shisheeye ee ay ka wadaan Badda iyo Berriga Xudduudaha Soomaaliya, Waxana Niyad jab ku noqotay Shacabka Soomaaliyeed ee Waddiniyiinta ah Indhahana ku haya Xadgudubyada ay Kenya ka waddo Dhulka Soomaaliyeed in dawladdii rasmiga ahayd ee ay Soomaaliya yeelato 21sano kaddib in ay Kenya kala hadli weyso Arrimaha Xasaasiga ah, Taa bedelkeedana Kenya ay ka saxiixato waxa iyada u danta ah.

23472863

Axmed Madoobe iyo Darwiish oo Itoobiya u jooga in Kismaayo loo gacan iyo Xasan Culusow oo Kenya u hoos jooga in Kismaayo la geeyo!!

23511268

Dowladaha Kenya iyo Itoobiya ayaa la sheegay in ay dadaal ugu jiraan sidii ay gobalada Jubbooyinka uga dhisi lahaayeen maamul dabadhilif ah oo iyaga taabacsan iyaga oo isla jira kalana jira!

Waxaa la sheegaya in Max’med Warsame Darwiish iyo Axmed Madoobe ay ku suganyihiin Addis Ababa halka Xasan Culusow gurguurte joogo Nairobi si Kibaki u   geeyo  Kismaayo,waxaa jira dhibaato aad u badan oo qabiil salka ku haysa oo faraha kula jira Kismaayo dagaalo kala ka jiraan,xili ay xoog ku haystaan cadowga Somliyeed ee Kenya.

Soomaalida gudaha iyo dibadda ayaa si weyn u hadal heysa socdaalka ay siyaasiyiintani ku joogaan Addis iyo Nayroobi ,xasaasiyad aad u xoogan oo dhanka qabiilka ah ayaa ka dhaxjirtay cadawga Kismaayo qabsaday.

Kismaayo oo shan sanadood aheyd ammaan ayaa hadda ah meel dadka lagu dhaco waxaana waddooyinka magaalada daadsan isbaarooyin.

Saraakiisha ciidanka Kenya iyo kuwa Axmed Madoobe ayaa wafdi ka socday DF-ka udiiday in ay gudaha ugalaan magaalada Kismaayo arrinkaasi oo muujinaya in uu jiro khilaaf daran.

Banaadir Post.

23512084madoobe-4madoobe-1