DHAGEYSO:-General Fartaag.”Xasan Sheekh wax haka qabto Madaafiicda ku Dhacaysa Madaxtooyada Yuusan usoo hanqal taagin Kismaayo”

25902247Generaal Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag  oo  sheegtay inow yahay waxa loogu yeero  Madaxweyne ku xigeenka  u ah Garabka Jubba land ee madaxda u yahay Axmed Madoobe ayaa wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Islaamiga Alfurqaan.

Fartaag ayaa sheegay in Ciidamii Kismaayo ku sugnaa la mideeyay oo haatan ay yihiin kuwa uxuub siibtay ciidanka dowladda Gobaleedka Jubbaland.

“Ciidamada marka hore waxay kala ahaayeen  laba guuto oo kala Raaskanbooni  iyo kuwa magaca dowladda wata,iyagiina waala mideeyay haatana markay Maqleen in Dowlad gobaleed ka dhalatay Kismaayo ayay dowladdu bilowday faragalin”ayuu yiri Fartaag.

Fartaag ku xigeenka dagaal Ooge Axmed Madoobe ayaa si kulul jawaab kaga bixiyay hadal ka soo yeeray madaxweyne Xasan Sheekh.

“Madaxweynaha iyo inaga dastuur ayaa noo dhaxeeya, markuu leeyahay wixii aan ka digayay waa ay dhaceen waa rabitaankiisa, Xamar ayuu joogaa waxa Kismaayo ka socda ma ogaan karo”ayuu yiri Fartaag.

“Madaafiic ayaa lagu weeraraa madaxtooyada uu ku noolyahay,qaraxyo ayaa dhaca markuu madaxtooyada ka soo baxa,wadooyinka way kala xeranyihiin Taasi ha soo saxo oo Xamar ha hagaajiyo maamul loo dhanyahay Muqdisho haka dhiso”ayuu raaciyay hadalkiisa.

Fartaag ayaa sidoo kale wax laga weydiiyay qaabka ay umaareyn doonaan dhaqaalaha kasoo baxa Dekada iyo Garoonka Muqdisho.

25739582

Generaal Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag Madaxweyne ku xigeenka Jubba land

XIGASHO RADIO ALFURQAAN.COM.

922860_380283792075529_1641200527_n

Banaadir post.

BAYDHABO:-Maleeshiyo Beeleedka Dowlada oo isku horfadhiya duleedka Baydhabo.

25891380Markii ay ku fashilmeen Maleeshiyo  beeleedka  Dowlada Xamar degan  ee  la dagaalka  kula jirta  Shabaabka waxaa sii kordhay kala shigiga iyo is Aaminaad la’aanta dhexdooda ah!.

Dhanka bari ee magaalada Baydhabo waxaa lagu soo waramayaa inay isku horfadhiyaan Maleeshiyo Beeleedyo kawada tirsan DF-ka ee Soomaaliya kuwaa oo maalmihii danbe xiisada u dhaxeysay si aad ah looga dareemayay magaalada Baydhabo iyo Duleedka magaalada .

Mid ka mid ah maleeshiyaadka isku horfadhiya duleedka magaalada waxay ka amar qaataan dagaal ooge Xaabsade   oo Xamar jira, halka kuwa kale aan si dhab ah loo shaacin cida ay ka amar qaataan hase yeeshe sida wararka la helayo tilmaamayaan waa kuwo wata Magaca beesha Hariin ee ka mid ah beelaha dega gobolada Bay iyo Bakool.

Warar kala duwan ayaa laga helayaa waxyaabaha dhaliyay in maleeshiyaadka Ka tirsan Df-ka ee qaab beel ahaanta u Abaabulan ay isku horfadhiyaan duleedka magaalada Baydhabo wararka qaar ee sida hordhac ahaanta ah loo helayo ayaa ku Waramaya Inay jiraan dhul labada dhinac kala tabanayaan oo ay xiisadooda salka ku hayso.

Ugu danbeentiina maamulka Df-ka ugu magacaaban magaalada Baydhabo oo isku dayay inow  kala dhexgalo labada dhinac ayaa ku fashilmay inow xaliyo waxyaabaha ay kala tabanayaan.

Odayaal colooshood u shaqeytayaal ah oo tira ahaana gaarayay 14 oo maamulka Df-ka ee magaalada Baydhabo u xilsaaray  Inay xaliyaan colaada labbada maleeshiyo ayaa maalintii shalay ahayd xabsiga magaalada Baydhabo la dhigay kadib markii ay Ka dhego Adeegeen awaamiir maamulka Df-ka ee Baydhabo uu dul dhigay taas oo fareysay inay so qiimeeyaan dhulalka Labada dhinac ay isku hayaan.

By:-25766986Yuusuf Caato.

Banaadir Post.

MOQDISHO:-Booliiska Amisom oo oday dhagool ah ku dilay Muqdisho.

25877192Qofka waayeelka ah oo ay dileen Ciidamada Shisheeye ayaa marayay meel udhaw Xarunta danbi baarista oo u dhaw Hoteel Saxafi ee Magaalada Muqdisho.

Askarta shisheeye ayaa isku dayay inay istaajiyeen waayeelka laakin ma uusan maqli karin iyagoo ugu danbeyntii ka toogtay qaarka hore jirka gaar ahaan wadnaha durbana goobta ayuu ku naf baxay..

“Wuxuu ahaa oday dhagool ah oo aan waxba maqal,wuxuu ahaa nin ay la hadleen Askarta Booliiska Amisom laakin uma uusan jawaabi karin taa oo keentay in gacantooda uu ku baxo” sidaasi waxaa sheegay Axmed Muuse oo Awooogiis ay si bareer ah u dileen Ciidamada Shisheeye ee ku soo duulay dalka Soomaaliya.

25876565

Ciidamo Booliis ah oo ka tirsan shisheeyaha Amisom ayaa maanta boqolaal dhalinyaro ah ka raafay Muqdisho iyagoo la isagu geeyay xarunta danbi baarista C,I,D ee Muqdisho.

Dadka la qabtay ayaa waxaa ku jira dhalinyaro wax ka barta jaamacadaha iyo iskuulada Muqdisho.

Howlgalka ayaa ahaa Mid kadis ah iyadoo dadka la raafay guryaha,wadooyinka iyo masaajida ku yaala degmada Wardhiiglay oo howlgalka xoogiisa uu ka dhacay.

howlgalka maanta ayaa daba socday weerar madaafiic ah oo habeen hore lagu qaaday madaxtooyada halkaasi oo ay ku dhinteen shan Askari oo ka tirsan ciidamada shisheeye ee Amisom.

25877016

Banaadir Post.

DHAGEYSO:- Abuu Muscab “shan kufaarta Afrikaanta ah ayaan ku dilnay Madaafiic aan Madaxtooyada ku garaacnay”

25876181Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa sheegtay in ay toban gantaal ku dhufatay aqalka Madaxtooyada ee Magaalada Muqdisho Villa Somalia.

Wuxuu intaas ku daray in ay qaar kale oo shisheeyaha ka mid ah  halkaas ku dhaawaceen.

Duqeynta Madaxtooyada ayaa saameyn ku yeelatay Madaxda Dowladda federaalka ah oo qaarkood  sariiraha ka carareen.

Waxay tani muujineysaa in Shabaabku Caasimadda ku xoogan yihiin taasoo dhabar jab ku ah warkii shisheeyaha iyo Dowladda federaalka ah ee ahaa in ay Caasimadda keligood Maamulaan.

Abuu Muscab wuxuu sidoo kale ka hadlay dagaalo ka dhacay gobalada Shabeelaha hoose iyo Gedo.

Wuxuu hoosta ka xariiqay in ay xalay weerareen Ciidamada Shisheeye ee jooga Deegaanka Jannaale ee Gobalka Shabeelaha hoose.

25739582


Halkan Ka dhagayso Shirka Jaraa’id ee Abuu Muscab MP3

25864473

Banaadir Post.

DAAWO:Al-Kata’ib oo Filim Kasoo Saartay Dagaalkii Dhoobleey,Jubbada hoose.

25860995Mu’asasada Al-kata’ib ayaa soo saartay qeybtii 2-aad ee isdaar maqal iyo muuqaal ah oo ku saabsan dagaaladii malxamadda ahaa ee ciidanka muslimiinta Jubbada Hoose kula galeen cadawga Kenya ee dalka kusoo duulay.

igad3

Banaadir Post.

Sabi leh:- Hooyo Aabbe iga Celi! Ma Waxay ka Maraysaa Xasan Gurguurte inuu Jabuuti iyo Yugaandha ku Dhaho: “iga Celiya Kenya”

25846377Shariif C/Nuur Allaha xafidee baa ka sheekeeyey in caalim ah oo ka dacwoonayey xaakim dadkii dulmiyey ka hor sheegay Amiirkaas in marka ilmuhu yar yahay: u qabo in hooyadiis dadka ugu adag tahay inta hore noloshiisa! Markuu soo caqlisado buu ogaadaa in aabbuhu yahay madaxa reerka. Kaddibna wuxuu sii ogaadaa in magaaladu leedahay waali! Kaddibna inuu jiro Amiirul Mu’miin. Waxaa markuu caqli yeesho u soo baxaysa inuu jiro Allaah kulli ka awood badan. Caalimkii wuxuu ku yiri Amiirkii: ma dacwadayaba baan kor u dirnnaa (Allaah) mise wax baad ka qabaneysaa? Xaakimkii wuuxu yiri: ha u dirin kor ee ii daa anaa xallinayee!

Hadda soow taageerayaasha Gurguurte iyo isaguba uma qabaan in Jabuuti iyo Ugaandha ka celin karto Kenya? Gurguurte iyo Saacid waa joogeen Kenya, weyna kala kala yaqaannaan waddamadaas!

Xasan Gurguurte isagoon socod baran buu isku dayey inuu ordo! Isagoo Marka iyo Kismaayo wax ka qaban la’ buu hoosta ka galay Siilaanyo iyo Feysal Cali Waraabe! Maxaa Feysal Cali Waraabe ugu jawaabay?

Maalmahan waxaa qoraallo ka imaanayeen wasiirka arrimaha gudaha, C/Kariim Xuseen Guuleed, isagoo diidan doorashada Axmed-madoobe! Hadalladii wasiirku markay wax isku qaseen oo arrintiiba laga dhigay qabiil baa hadda la leeyahay: muu lahayn koontada lagu qoray hadalka! Hadduuba hadalkaas jiro, C/Kariim maba aha nin wax la socda! Ninka muddo asbuuc gaareysa hadalladiisa lagu soo qorayey saxaafadda oon beenineyn; sidee ku noqon karaa wasiirka arrimaha gudaha?

Dowlidnimadaan raadineynnay ma in xukuumadda Xasan Gurguurte iyo maamulka Axmed-madoobe meelaha iskaga tanaagoodaan baa? Ku noqo qoraalkii hore een kaga hadalnnay xurgufta ku kala dhex jirta Kenya oo dhinac ah iyo Ugaandha iyo Jabuuti oo dhinac ah!

Soow ma soo bixin dambigii laga galay Shareecada Islaamka ee lagu xukumayey Kismaayo iyo meelo kale? Khalad laga sheeganayo Shabaabka keeni meyso in waddanka cadow la soo gesho!

Iska daa in Yugaandha iyo Jabuuti wax ka qabtaan Kenyee, haddaa madaxweyne ku-xigeenka Kenya, William Ruto, leeyahay waxaan Soomaaliya u soo direynnaa ciidamo dheeraad ah! Waa awoodaan iyadoon xitaa reer Galbeedku shilin ku siin.

25833491

Banaadir Post

VIDEO:-Inta Xildhibaano Mooshin ka horistaagayaan Mey Al-shabaab Qaraxyada ka hor istaagaan!

25840657Waxaa la yaab leh in Ciidamada Nabadsugida Dowladda oo u xilsaaran ammaanka iyo nabada muwaadiniita Soomaliyeed ay howshooda ku soo ekaatay in ay xildhibaano ka hor istaagaan in ay kulmaan.

Haddaba, su’aasha is weydiinta mudan ayaa ah yaa fariin loogu dirayaa ka hor istaagida maanta laga hor istaagay xildhibaano 110 gaaraya in ay kulan qado ah isugu yimaadaan Hoteel ku yaala Muqdisho?.

“Hotelka City Plaza ayaan ka dalbanay inuu noo diyaariyo qado ay ka qeyb galayaan 110 xildhibaan oo halkaas ku yeelan lahaa kulan ay uga hadlayaan danaha ummada, markii duhurkii la gaaray intaanan gaarin hotelka ka hor ayaa mamulka hotelka waxaa uu nagu soo wargeliyey in ciidamo ka tirsan nabad sugida ay yimaadeen ayna amar ku bixiyeen inaan kulankaas la qaban Karin” sidaa waxa yiri xildhibaan Cali khaliif Galeyr oo ka mid ah xildhibaanadii ka qeyb geli lahaa kulankaas qadada ah horeyna RW uga soo noqday xukuumadihii KMG ahaa ee dalka soo maray.

25807264

Banaadir Post.

IGAD IYO ARDIGA SOMALIYEED:-General Gabre iyo Saraakiil Igad ah oo Muqdisho soo gaaray iyaga oo cadaadis ku saaraya Xasan Guguurte inow Igad u daayo arimaha Kismaayo.

25833491Wafdi ka socday Ururka IGAD ayaa  soo gaaray magaalada Muqdisho waxayna kulamo laqaateen R/wasaare Saacid iyo saraakiisha ciidanka AMISOM.

Ilo wareedyo laga helay xafiiska Saacid ayaa sheegaya in IGAD ay DF-ka ku cadaadisay in ay faraha kala baxdo arrimaha Kismaayo oo IGAD ay u wakiilatay Dowladda Kenya oo ciidankeedu heystaan Kismaayo iyo degmooyin Jubbada Hoose katirsan.

General Gabre taliyihii ciidanka gumeysiga Itoobiya ee sanaddii 2007 qabsaday Soomaaliya oo wafdiga IGAD kamid ahaa ayaa kasoo muuqday kulankii Saacid lala yeeshay.

25767410 (2)

Banaadir Post.

BADDA SOMALIA:- Dhulbadeedka Soomaaliya waa 200 NM ee ma aha 12 nm. Qore:-Prof. Cabdi Faarax Xasan, Guddoomiyihii Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

  • 25808606Prof. Cabdi Faarax Xasan oo dhambaal u diray Xildhibaanadda baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kana codsaday in aay  arrinta lal xiriirta badda Soomaaliya mariyaan  marinkii aay  mariyeen barlamaankii hore…

Maxaa dhaxalkaas loo seejinayaa jiilka soo koraya ee Soomaaliyeed?

  • Ku:  Dhammaan xubnaha  Barlamaanka Federaalka Soomaliyeed.
  • Ku: Shacbiga Somaliyeed
  • Og: Madaxweynaha JFS
  • Og:Guddomiyaha Barlamaanka
  • Og :Ra’iisulwasaraha Xukumadda Soomaliyeed

Waxaa ayaamahan dib u soo noqday ka hadalka dhul badeedka Soomaaliya.

Arrintaasi waa soo rogaalcelin arrintii  2009kii walwal iyo caro baahsan ka dhex abuurtay dadweynaha  soomaaliyeed meel aay joogaanba, ugu dambayntiina barlamaankii Soomaaliyeed ee markaa jirey u qaraar sharci ah oo lagu qancay ka gaaray, kaas oo ah in:- Qarammada Midoobey: aay Heshiiskii Isfahamka Badda WAXBA KAMA JIRAAN KA DHIGEEN.

Waxaa xigay in Golihii Wasiirrada ee Dowladdii GAAS  aay si wada jir ah uga saareen ROADMAPKA (Qorshihii la rabay in Badda Soomaaliya lagu soo koobo  12 nm) .( fiiri hoos)

SomaliTalk.com » DFKMG oo Arrimaha Badda sida EEZ ka Saartay …

Nasiib darro, Sida aay muujinayso  qudbadda halkan ku lifaaqan http://swatsecuritysystems.com/info/3961/SPEECH-BY-THE-PRESIDENT-OF-SOMALIA-TO-THE-CONTACT-GROUP-FOR-PIRACY-OFF-THE-COAST-OF-SOMALIA-%E2%80%93-1st-MAY-2013-NEW-YORK) ee ka soo baxay  Madaxtooyada Jamhuuriyadda  Soomaaliya wuxuu Madaxweyne Xasan Shiikh Mohamud dib u furay arrintii dhulbadeedka Soomaaliya oo aannu wada ognahay iskudayaga joogtada ah ee boobka dhulbadeedka Soomaaliyeed uu soo maray.

Madaxweyne Xasan asagoo aan wali Dowlad Goboleedyadii faraha ku heynin oo in ka badan  600,000 oo somali  ahi aay ku silicsanyihiin xeryo qaxooti, islamar ahaantaasna aay dhallinyaradii Soomaaliyeed aay badaha ku go-ayaan, dalkiina aay ku dhex suganyihiin Ciidamo ajnabi ah iyo ARGAGIXISO, ayuu kaligiis rabaa in Qorshaha GURRACAN oo muddada dheer soo meel mari waayey  in deg deg iyo si  sibiqsibiq ah uu u fuliyo.

Waxaa madaxweynuhu u ekaysiinaya arrinta u soo cusboonaysiiyey ee soo koobidda badda,  go-aan  horay loo gaarey,  taas oo aan waxba ka jirin.

Waa nasiib darro  ku habsatay QARANKA SOOMAALIYEED in markii KMG laga baxay la isku dayo in la fuliyo KHAYAANADAN  muddada dheer la damacsanaa.

UMMADDA SOOMAALIYEED  bal dib ha eegaan inta marxaladood oo aay soo martay Khayaanadaan la rabo in DHULBADEEDKA SOOMAALIYEED laga dhigo 12 nm ,ayadoo la isku dayayay mar kasta in meesha laga saaro Sharciga LAW No. 37. Law No. 37 on the Territorial Sea and Ports, of 10 September 1972 

Maxaa dhaxalkaas loo seejinayaa jiilka soo koraya ee Soomaaliyeed?

Ma waxaa jira saaxiibtinimo iyo dhaqaale naloo raadinayo oo u dhigmi kara baaxadda dhulbadeedka iyo kheyraadka ku jira ee nala dhaafsiinayo ?  jawaabtu waa maya.

Ammuu  KUMEELGAARKII  inoo roonaa?????????

Madaxweynwe Xassan wuxuu tillabadan si bareer  iyo sharci darro ah ugu rabaa in uu u  baabi’iyo sharcigii badda somaliyeed. (http://www.un.org/Depts/los/LEGISLATIONANDTREATIES/PDFFILES/SOM_1972_Law.pdf – Law N.37) oo ka diwaan gashan UN.

Ma aha wax jira mana jirto  meel u ka diwaan gashan yahay sharciga law 1988  ee madaxweyne Xasan ku salaynayaa khudbadiisa asagoo oranaya ( I am happy to announce that we have an existing 1988 Law that puts us fully in compliancewith the UNCLOS Treaty we signed in 1982 and was ratified by the former SomaliGovernment in February 1989) –Sharcigaan uu sheegay taariikh kaliya ayuu inoo sheegay ee lambar ma lahan sida  – Law No. 37 on the Territorial Sea and Ports, of 10 September 1972   oo ka diinwaangashan Qaramada Midoobay (National legislation – DOALOS/OLA – United Nations ).

Taas waxaa kasii daran in annagoo KMG ka baxnay oo Dowlad rasmi ah noqonnay, in wali aay na daba socoto khayaanadii KAMPALA  ACCORD,  Madaxweyne Xassan waxuu yiri :- (We have now done this again through the Kampala Process). (Aqri qudbaddiis )-http://swatsecuritysystems.com/info/3961/SPEECH-BY-THE-PRESIDENT-OF-SOMALIA-TO-THE-CONTACT-GROUP-FOR-PIRACY-OFF-THE-COAST-OF-SOMALIA-%E2%80%93-1st-MAY-2013-NEW-YORK

Waxaa muuqata in Madaxweyne  Xassan u danta Soomaaiyeed ka doorbiday oo uu u janjeersaday midda dowlado  iyo shirkado shisheeye oo  si NAXARIIS DARRO AH  ugu hawlan in aay boobaan dalka Soomaaliya ayagoo ismoogeysiinaya sharciyadii  qaranka  Soomaaliyeed ama sharciyadii caalamiga ahaa sida LAW no. 37.

Tillabadan  Madaxweyne Xassan uu qaaday waxay si cad u muujinaysaa in uu  ku hawlan yahay hawshii somali oo idil  iyo barlamaankeedu-ba horay uga diideen Abdirahman Abdishakuur iyo dowladdii u ka midka ahaa.

Ka bixitaankii ku meel gaarnimada mirihiisii ugu horreyey waxaay noqdeen in loo  adeegsado u hibeynta dhulbadeedkii Somaliyeed dowlado iyo shirkado qalaad.

Waxaa soomaaliyi wada ogsoon tahay in Dowladahan qalaad iyo shirakadahooduba  aay  muddo dheer ugaarsanayeen cid kasta ee mas’uuliyad qaran qabata si aay mar un shaabad tuugeysi ah oo ay ku xalaalaystaan qaybo ka mid ah dhulbadeedka Soomaaliyeed  u helaan.  Waxaa sir la wada ogsoon yahay ah in aay jiraan Rag xilal waaweyn kasoo qabtay Muddadii KMG oo si toos ah ugu adeegayay Norway, Kenya iyo France si ay shaabad boob-ku- xalaalaysi ah ee  dhulbadeedka Soomaaliyeed  u helaan.

Waxaa hubaal ah, haddaan soomaaliyi maanta hurdada degdeg uga kicin, in shuftadaasi aay maal fara badan qeybindoonaan (LAALUUSH) siidii aay uguhirgasho  boobka lala damacsanyahay  dhulbadeedka Soomaaliyeed oo la rabo in lagu soo koobo 12nm.

Ma jiraan haba yaraatee wax an ahayn danaha shuftada oo Madaxweyne Xasan ku khasbay in uu la soo boodo in badda soomaaliyeed ku koobantahay 12nm oo kali ah.

Maadaama arrintan aay soo noqnoqoneysay laga soo  billaabo 2009 oo walina ay dokumentigii  iyo qaylodhaantii  laga helayo websiteyada,  waxaan ku soo koobayaa qoraalkan in  si mutawaadic-nimo leh aan uga codsado :-

  • Xubnaha barlamaanka  in aay  mariyaan arrintan,  marinkii aay  mariyeen barlamaankii hore,  loogana digo cid kasta in dib  lo soo qaado arrinta dhulbadeedka soomaaliyeed  ilaa Soomaaliya aay  si buuxda u dagto oo taladu gacanteeda  ku soo noqoto.
  •  Barlamaanka  Soomaaliyeedna  waa in uusan aalad u noqon kala dhantaalka dhulka somaliyeed.
  • Barlamaanku waa in u hor istaago dhaxalwareejinta dhulbadeedka  somaliyeed.
  • Shacbiga Soomaaliyeed  oo idili waa in aay u istaagaan   ilaalinta midnimada  iyo ka hortagga boobka lagu hayo dhulbadeedka Soomaaliyeed iyo kheyraadka ku jira..
  • Waxgaradka, Culamaa’udiinka iyo Aqoonyahannada  Soomaaliyeed  waa in ay ka gudbaan caadifadaha iyo khilaafaadka yaryar oo arrintan u arkaan, sida aay  mudan tahay, oo ah QADYAD QARAN si midaysanna aay ugu hawlgalaan.

(Waxaan xasuusinaya somalida oo idil hadal u yiri Menahem begin oo horjooge ahaa markii falastiniyiinta si argagixnimo ah looga barakinayay dalkoodii , markii dambana laftigiisii ra’iisulwasaare ka noqda Israel. Ninkaasii  markii  la waydiiyey sidii wax u dhaceen waxuu yiri:-   (Dad dhul lahayn, ayaa helay dhul an dad lahayn).

Waxay hadda  u egtahay sidaas oo kale in dhul an dad lahayn, ay dad dhul iyo khayraadka ku jiraa doonayaa ay qaadanayaan.

Prof.  Cabdi Faarax Xasan  (suubiye22@hotmail.com)
Guddoomiyihii Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

  • Qoraalkii hore ee Prof. Cabdi Faarax Xasan, Guddomiyihii Jamacadda Ummada Soomaaliyeed: Dadka Soomaliyeed waa in ay wada jir uga hortagaan heshiiska Lagu Bililaqaysanayo dalka Soomaaliyeed http://somalitalk.com/2009/may/13/badda16.html

Faafin: SomaliTalk.com |  May 16, 2013

XIGASHO SOMALITALK.

25794113

Banaadir Post.

DHAGEYSO:-Waxgaradka Falanqeeyay Xaalada Kismaayo.

25806723Qaar kamid ah waxgaradka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay waxa laga filan karo Doorasho shalay ka dhacday Magaalada Kismaayo oo Axmed Madoobe Hogaan loogu doortay maamulka jubbaland.

Falanqeynta ayaa waxaa wadaagaya Salaad Faarax Cabdulle,Xasan Nuur Sabdoow iyo Garaad Maxamuud Maxamed.

Waxgaradka aya asku raacay in Axmed Madoobe iyo Kenya ay yihiin Camiiliin u adeega reer galbeedka kuwaasi oo iyago aanan rabin in dalka Soomaaliya laga hirgaliyo dowlad islaamka dadka ku xukunta.

Shalay ayay ahayd markii laba doorasho oo ka dhacday Kismaayo lagu kala doortay Barre Aadan Shire iyo Axmed Madoobe.

25739582

HALKAN KA DHAGEYSO FALANQEYNTA WAXGARADKA.

XIGASHO RADIO ALFURQAAN

24696953

Banaadir Post.