WARBIXIN:-Muddo Laba Bil Gudahooda waxaa Dowladda ka goostay 210 Askari.

25902368“Marka Tusbax Afka laga Furo waxay natiijadu noqonaysaa in tusbaxu uu kala firdhado sidaasi ayay noqdeen Maleeshiyo beeleedkii  ee u hiilinayay ciidamada  Xabashida ee ku sugan Bay iyo Bakool”Sidaa waxaa yiri Suxufi  ah oo la socday xaalada ay ku sugan yihiin Maleeshiyaadka Dowlada federaalka oo iska kala tagaya!.

Tan iyo Markii Dowladda Itoobiya ay ku dhawaaqday in Ciidamadeeda ay kala baxayso gudaha Soomaaliya waxaa shaqada Ciidan ka tagay in ka badan 200 oo Askari kuwaasi oo ay soo tababartay Dowladda Itoobiya.

Maleeshiyaadka goostay ayaa ka baxsaday Gobalada Gedo, Bay iyo Bakool oo ciidanka Itoobiya ay bilaabeen inay si tartiib ah kaga baxaan.

Sababaha Maleeshiyaadku  ay ubaxsanayaan ayaa lagu macneeyay rasaasta oo ku kululaatay iyo Ciidamada Xabashido  ay ka barbar dagaalamayeen oo ku wargaliyay inay is difaacaan maadaama ay ka baxayaan Bay iyo Bakool.

Ciidanka  Itoobiya markii ay ka tageen Xudur ayaa waxaa la sheegay wixii xiligaasi ka danbeeyay in ay  Shabaabku isku dhiibeen Maleeshiyo Beeleed  ka badan 60 Askari oo lasoo xariiray Eheladooda.

Shalay oo ugu danbeysay Lix askari oo kasoo goostay Dowladda ayaa lagu soo bandhigay iyagoo sheegay in Todobo Askari oo Asxaabtooda kamid ahaa ay usheegeen inay kasoo daba tagayaan.

Maalmo ka hor Diinsoor ayaa waxaa lagu soo bandhigay 10 Askari oo Qoryahooda wata kuwaasi oo kasoo goostay Dowladda Federaalka.

Isku celcelis ahaan xogta iyo macluumaadka la helayo  ayaa xaqiijinaya Maleeshiyaadka  Dowladda ka goosatay ee Bay iyo Bakool xiligaan gaarayaan 210 Askari kuwa kalana la sheegayo inay raadinayaan wadiiqadii ay ku baxsan lahaayeen.

25767155

Banaadir Post.

DHAGEYSO:-General Fartaag.”Xasan Sheekh wax haka qabto Madaafiicda ku Dhacaysa Madaxtooyada Yuusan usoo hanqal taagin Kismaayo”

25902247Generaal Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag  oo  sheegtay inow yahay waxa loogu yeero  Madaxweyne ku xigeenka  u ah Garabka Jubba land ee madaxda u yahay Axmed Madoobe ayaa wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Islaamiga Alfurqaan.

Fartaag ayaa sheegay in Ciidamii Kismaayo ku sugnaa la mideeyay oo haatan ay yihiin kuwa uxuub siibtay ciidanka dowladda Gobaleedka Jubbaland.

“Ciidamada marka hore waxay kala ahaayeen  laba guuto oo kala Raaskanbooni  iyo kuwa magaca dowladda wata,iyagiina waala mideeyay haatana markay Maqleen in Dowlad gobaleed ka dhalatay Kismaayo ayay dowladdu bilowday faragalin”ayuu yiri Fartaag.

Fartaag ku xigeenka dagaal Ooge Axmed Madoobe ayaa si kulul jawaab kaga bixiyay hadal ka soo yeeray madaxweyne Xasan Sheekh.

“Madaxweynaha iyo inaga dastuur ayaa noo dhaxeeya, markuu leeyahay wixii aan ka digayay waa ay dhaceen waa rabitaankiisa, Xamar ayuu joogaa waxa Kismaayo ka socda ma ogaan karo”ayuu yiri Fartaag.

“Madaafiic ayaa lagu weeraraa madaxtooyada uu ku noolyahay,qaraxyo ayaa dhaca markuu madaxtooyada ka soo baxa,wadooyinka way kala xeranyihiin Taasi ha soo saxo oo Xamar ha hagaajiyo maamul loo dhanyahay Muqdisho haka dhiso”ayuu raaciyay hadalkiisa.

Fartaag ayaa sidoo kale wax laga weydiiyay qaabka ay umaareyn doonaan dhaqaalaha kasoo baxa Dekada iyo Garoonka Muqdisho.

25739582

Generaal Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag Madaxweyne ku xigeenka Jubba land

XIGASHO RADIO ALFURQAAN.COM.

922860_380283792075529_1641200527_n

Banaadir post.

KISMAAYO IYO KENYA:-Kenya oo dalbaneysa ciidamo dheeraad ah oo ka gacansiiya gumaysigeeda Soomaaliya.

25889909

Dowladda Kenya ayaa wada ola ole ballaaran oo ku aadan sidii Soomaaliya loo keeni lahaa ciidamo shisheeye oo dheeraad ah kuwaasi oo Kenya ku gacansiiya gumaysiga ciidamadeedu ka wadaan  koonfurta fog ee Soomaaliya.

Ku xigeenka madaxweynaha wadanka Kenya ninka lagu magacaabo William Ruto ayaa socdaallo kala duwan ku kala bixinaya dhowr dal oo ku yaa qaaradda Afrika kuwaasi oo uu ka shaxaadayo islamarkaana ka dhaadhicinayo sidii Soomaaliya gaar ahaanJubbooyinka loo keeni lahaa ciidamo Afrikaan ah oo wata magaca Amisom.

Dalalka Nigeria iy Ghana ayuu William Ruto kala hadlay sidii ay ciidamo ugu soo diri lahaayeen Soomaaliya kuwaas oo qeyb ka noqon doona ciidanka shisheeye ee Amisom.

Sida ay sheegayaan warar hoose Kenya dan kama laha Muqdisho iyo masiirka ciidanka shisheeye guud ahaan laakiin waxaa la soo sheegayaa inay ciidanka ay dalbaneyso u rabto iay yimaadaan  Jubbooyinka oo ay Kenya aaminsantahay inay iska leedahay.

Waxaana wararku intaasi ku darayaan in Kenya ay isku dayayso sidii haddii ciidankaasi  helo ay iyadu u maamuli lahayd iyadoo iskala weyn inay hoos tagto Taliska Amisom ee Ugandeseku ay xilligan hor boodayaan.

Inkastoo ay si xoog ah kamaga mid noqotay Amisom, hadana Kenya way iskala hanweynatahy ciidanka Shisheeye waxaana ay si cad u sheegtay inay ka go`antahay inay sii heysato Jubbooyinka.

Waxaa meeshaas ka soo baxay wax badan oo ka digeen hogaanka Shabaabka,waxaana maanta xaalku marayaa in Somali qabiil ahaan ugu kala qabsanto iayada oo dhulkoodii gaalo kale loo doontay!.

25889968

Banaadir Post.

MOQDISHO:-Booliiska Amisom oo oday dhagool ah ku dilay Muqdisho.

25877192Qofka waayeelka ah oo ay dileen Ciidamada Shisheeye ayaa marayay meel udhaw Xarunta danbi baarista oo u dhaw Hoteel Saxafi ee Magaalada Muqdisho.

Askarta shisheeye ayaa isku dayay inay istaajiyeen waayeelka laakin ma uusan maqli karin iyagoo ugu danbeyntii ka toogtay qaarka hore jirka gaar ahaan wadnaha durbana goobta ayuu ku naf baxay..

“Wuxuu ahaa oday dhagool ah oo aan waxba maqal,wuxuu ahaa nin ay la hadleen Askarta Booliiska Amisom laakin uma uusan jawaabi karin taa oo keentay in gacantooda uu ku baxo” sidaasi waxaa sheegay Axmed Muuse oo Awooogiis ay si bareer ah u dileen Ciidamada Shisheeye ee ku soo duulay dalka Soomaaliya.

25876565

Ciidamo Booliis ah oo ka tirsan shisheeyaha Amisom ayaa maanta boqolaal dhalinyaro ah ka raafay Muqdisho iyagoo la isagu geeyay xarunta danbi baarista C,I,D ee Muqdisho.

Dadka la qabtay ayaa waxaa ku jira dhalinyaro wax ka barta jaamacadaha iyo iskuulada Muqdisho.

Howlgalka ayaa ahaa Mid kadis ah iyadoo dadka la raafay guryaha,wadooyinka iyo masaajida ku yaala degmada Wardhiiglay oo howlgalka xoogiisa uu ka dhacay.

howlgalka maanta ayaa daba socday weerar madaafiic ah oo habeen hore lagu qaaday madaxtooyada halkaasi oo ay ku dhinteen shan Askari oo ka tirsan ciidamada shisheeye ee Amisom.

25877016

Banaadir Post.

DHAGEYSO:- Abuu Muscab “shan kufaarta Afrikaanta ah ayaan ku dilnay Madaafiic aan Madaxtooyada ku garaacnay”

25876181Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa sheegtay in ay toban gantaal ku dhufatay aqalka Madaxtooyada ee Magaalada Muqdisho Villa Somalia.

Wuxuu intaas ku daray in ay qaar kale oo shisheeyaha ka mid ah  halkaas ku dhaawaceen.

Duqeynta Madaxtooyada ayaa saameyn ku yeelatay Madaxda Dowladda federaalka ah oo qaarkood  sariiraha ka carareen.

Waxay tani muujineysaa in Shabaabku Caasimadda ku xoogan yihiin taasoo dhabar jab ku ah warkii shisheeyaha iyo Dowladda federaalka ah ee ahaa in ay Caasimadda keligood Maamulaan.

Abuu Muscab wuxuu sidoo kale ka hadlay dagaalo ka dhacay gobalada Shabeelaha hoose iyo Gedo.

Wuxuu hoosta ka xariiqay in ay xalay weerareen Ciidamada Shisheeye ee jooga Deegaanka Jannaale ee Gobalka Shabeelaha hoose.

25739582


Halkan Ka dhagayso Shirka Jaraa’id ee Abuu Muscab MP3

25864473

Banaadir Post.

JOWHAR:-Ciidanka Amisom ee ku sugan Jowhar oo la ildaran Cuduradda Duumada Iyo Beerxanuunka.

25864538ciidanka ku shaqeeya calooshooda ee  Amisom duulaankana lagu keenay gayiga Somaliyeed kuwooda ku sugan    Jowhar ayaa iminka la’ildaran cuduro isugu jira Duumada iyo beerxanuunka kadib Markii ay kaneeco kucuntay difaacyada ay kadagan yihiin magaaladaasi.

Fatahadii wabiga ayaa Kontrolka looga baxo degmada Jowhar  Dhanka bari oo ay   Amisom difaacyo ku leeyihiin waxaa  helay daadad xoogan  iyo nadaafad daro baahsan oo is kaashaday ayaa sababtay in askarta Amisom  culays badan helo waxaa jira  soojeed  badan  iyo dhiubaatooyin badan ooiskaashday ayaa keenay  in ay kufaafaan Cuduradaas halista ah taas oo dadka deegaanka ay tilmaamayaan dhibaatada ciidamadaasi inay tahay mid iska muuqata  oo laqari waayay!.

Waa kuwo iloobay nadaafada jirkooda mana heystaan xitaa maro kaneeco ay ka galaan kaneecada waxaa sidaa inoogu sheegay qof ka mid ah dadka magaaladda Jowhar ku sugan.

Marka laga yimaado cuduradaan so shaac baxay ee iminka ay la ildaranyihiin Askarta Amisom ee ku sugan magaaladda Jowhar ayaa hadana suuragal ah inay qabaan cudurada  dhimirka iyo  kuwa  kale ee faafa sida HIV/AIDS maadama wadamada ay ka yimaadeen ay ka mid yihiin kuwo ugu daran wadamada afrika ee dadkoodu cudurkaas la ildranyihiin.

Ma ahan wa xlagu arkayo Somalia oo kaliya waxaa horey loogu arkay  meel walba oo   ciidamo duulaan lagu geeyo inay   la soo noqdaan cuduro kala duwan, kuwa ugu badana waa kuwa laga qaado dagaal lagula jiro Islaamka ,waxaana tirooyin aad u badan  dib  loogu celshay dalalka Ciraaq iyo Afghanistan oo dagaal aan dhamaaan weli ka taagan yahay.

25766986

 

25864473

“Gaalkii dhoof ku yimidbaa geerida dhibsanaya”

Banaadir Post.

KISMAAYO:-Siyaasad Xumada Xasan Gurguurte iyo C/Kariim Guuleed oo Sababtay in Shakuul iyo Gaandi ku dabo feylaan Axmed-madoobe

25862578Xasan Gurguurte waa nin ka arradan siyaasadda! Waaba nin jecel inuow cadow isu sameeyo! Wuxuu keenay in  Shakuul ,Gaandi iyo tartamayaal kale u daayaan Axmed-madoobe sheegashadiisa madaxweynaha Jubbaland!

Waxaa soo dadejiyey markii Xasan Gurguurte ka adeejiyey wasiirka arrimaha gudaha, C/Kariim inuu ku hadlo haddalo qabiil ka dhadhamayo! Waxaa intaas dheer waxaa hadlay Xaad iyo Diiriye! Waxaa Jubbaland ka soo horjeestay Galmudug iyo Ximan & Xeeb! Intaas markay arkeen nimankii ku qabiilka ahaa Axmed-madoobe baa yiri oo hadday gobolladaas iyo qabiillooyinkaas ka soo horjeesteen Axmed-madoobe; ma isagaa geed ka dhashay!

Waxaa intaas dheer, Xasan Gurguurte markuu u baahnaa taageero buu Somaliland madaxa ku diiray, weliba waqti ay Somaliland ku jirto dabbaaldeg!

Waxaana dhinaca  kale isku saf ka soo wada jeestay Faroole,Gaas,Cumar Sharma’arke iyo Ina Ileeyga Xabashida.

25681555

Banaadir Post.

DAAWO:Al-Kata’ib oo Filim Kasoo Saartay Dagaalkii Dhoobleey,Jubbada hoose.

25860995Mu’asasada Al-kata’ib ayaa soo saartay qeybtii 2-aad ee isdaar maqal iyo muuqaal ah oo ku saabsan dagaaladii malxamadda ahaa ee ciidanka muslimiinta Jubbada Hoose kula galeen cadawga Kenya ee dalka kusoo duulay.

igad3

Banaadir Post.

Faroole,Faarax Macalin iyo In Ileey oo Ku wajahan Kismaayo.Maxay u socdaan?

25847065Saddexda Ruuxba iyagoo huwan hirgalinta iyo dhiira galinta Siyaasahada Itoobiya iyo Kenya ayay maalmaha soo aadan gaari doonaan Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobalka Jubadda Hoose.

Cabdi  Ileey oo ah Hogaanka Maamulka Kililka Shanaad ee Itoobiya Gumaysato,Hogaanka Puntland oo isna ku jira Gacanta Itoobiya Faroole,iyo Faarax Macalin ayaa dhamaantooda hanbalyo u wada Mid kamid ah Maamulada shanta ah ee ka dhisan Kismaayo.

Sida qorshuhu yahay hadeysan waxba iska badelin xogta sabaax heshay Waxay si gaar ah ugu qayb gali doonaan caleemo saarka Axmed Madoobe oo dhawaan ehelkiisa ku doorteen Kismaayo.

Maamulada Daarood iyo xubnaha ka dhex Muuqda ayaa hab qabiil u taageeraya Dagaal Ooge Axmed Madoobe.

Raggaan haday gaaraan Kismaayo waxay ka dhigantahay in dab shidnaa uu sii xoogaysto maadaam xaalada taagan ay basiin uyihiin.

Faroole ayaa dhawaan Muujiyay Taageeradiisa indha la’aanta ah ee Axmed Madoobe,isagoo ugu baaqay Dowladdu inay la shaqeyso Maamulka Axmed Madoobe.

Dhanka Ina Ileey warqad kasoo baxday Xafiiskiis ayaa Doorashadii Axmed Madoobe ka dib laga arqiyay TV-ga ushaqeeya Maamulkiisa isagoo wacad ku maray inuu dhiig iyo nafba uhorayo difaacifa Maamulka Axmed Madoobe.

Laakin Faarax Macalin Ma uusan hadlin oo waxaa xaqiiqo ah inuu la dhacsanyahay Axmed Madoobe isagoo hab qabiil iyo Dowladda Gumaysiga Kenya ku taageerayo Axmed Madoobe.

25681555

Banaadir Post.

“Anaa diiday gaal daacufle ah, dabagalkiisiiye”Sayid Maxamed Cabdulle Xasan,Raxiimulaah.

25846808Gaalada dirayska leh anaan, daabadda u qabane

  • Anaa diiday dagal inaan la galo, daalin ii colehe
  • Dalka ma lihid anigaa ku idhi, doora weynaha e
  • Anaa diiday nabadiisa aan, daacad noqonayne
  • Anaa diiday deeqdiisa ay, naari dabataale
  • Dahabkii uu waday waanigii, daadiyee qubaye
  • Dagaalkiisa anigow xishoo, daalib ku ahaaye
  • Durdurada Fardowsaad anaa, doortay oo rabaye
  • Anaan labada daarood tan hore, darajo moodaynin
  • Anaa diiday gaal daacufle ah, dabagalkiisiiye
  • Doofaarka eyga ah anaan, daarihiis galine
  • Sida doxorka ?# anaan, duud xamaal noqone
  • Anigaan dariiqiyo waddada, dowga sii marine
  • Anigaan dillaalkiyo arliga, duubigaw xidhane
  • Anigaan dariiqada Alliyo, diinta cassiyine
  • Daliilkii rasuulkii anaa, doonayoo helaye
  • Diinkayga anigaan ku gadan, dabaqii naareede
  • Anaan labada daarood tan hore, darajo moodayne
  • Markay duusho gaaladu anaan, daabbaddu rarine
  • Goortay dareeraan anaan, diiradda u qabane
  • Dadow maqal dabuubtaan ku idhi, ama dan haw yeelan
  • Dunjigiinba waataad kufriga, daba ordayseene
  • Waataad iigu daranteen markaan, diiday oo nacaye
  • War waatow digayseen markaan, duulan soo waco e
  • Waataad colaadii dorraad, iigu daranteene
  • Markaan diirtay waataad dushiyo, doc iga boobteene
  • Waataad markii aan dafaray, daaha galiseene
  • Waataad dushiina u rarteen, duq iyo waayeele
  • Waatowla daristeen sidii, duul walaalo ahe
  • Markaan didiyey waataad warmaha, igula duusheene
  • Gortaan digniintiyo ergada, idinka deyn waayey
  • Waataad damiin igu qirteen, dawriyoo falane
  • Dikriga iyo eedaanka waataad, ka durugteene
  • Waataad inuu dawlad yahay, dood ku bixiseene
  • Dibnihiina waataad inuu, dego ka sheegteene
  • Waa taad dariiqyada barteen, noo dadnaan jiraye
  • Goortuu dantiisii helee, idin dubaaqeeyey
  • Waataad dacluuskii Berbera, ula dawaafteene
  • Diihaalka waataad Hindiga, daal ka barideene
  • Dagaagiina waatii xeryaha, deyran loo dhigaye
  • Waatuu dareersaday fircoon, diracyadiiniiye
  • Waatuu diyaar ugu laqimay, diinta gaalada e
  • Damac beena weeyaan waxaad, nagu dilayseene
  • Waa waxaad dariiqii sharciga, uga dullaanteene
  • Dawgii Rasuulkiina waad, dabamartayseene
  • Nin dardaran iblayskii dafaa, dow ka raaridaye
  • Dallacaad jaceylbaad kurtiin, noola dirirteene
  • Dubaaqii waxaa idinka galay, daaro buuxsade e
  • Dawo kama heshaan faranji aad, daawo dhigataane
  • Dabinbuu idiin qoolayaa, waydin dagayaaye
  • Dirhamkuu idiin qubahayaad, dib u go’aysaane
  • Doodna waxaan u leeyahay dadkeer, hadalka deyn waayey
  • Nimanyahow damiinnimada waa, lagu dulloobaaye
  • Dadku wuxuu jeclaystaa waxaan, duxi ka raacayne
  • Nin ragay dardaaran u tahaye, doqon waa mooge
  • Denbi weeye Kufriga, aad u dabcaysaane
  • Marka horre dabkuu idinka dhigi, dumar sidiisiiye
  • Mugga xiga dushuu idinka rari, sida dameeraha e
  • Mugga xiga dalkuu idinku odhan, duunyo dhaafsada e
  • Mugga xigana daabaqadda wuu, idin dareensiine
  • Dunjigeeda Soomaalibaan, deyrka ka ahaaye
  • Dhaaxaan Daraawiishta idhi, doonta gaalada e
  • Dhaaxay asgaro uu dalbaday, dabada taageene
  • Dhaaxaan dabkii iyo la hadhay, duunyaduu wadaye
  • Dhaaxaan intaan janano dilay, soo dabaaldageye
  • Dhaaxaan dekado uu camiray, dumiyoo rogaye
  • Ninkiisa dirirta geya maalinbay, dunidu ciishaaye
  • Maantaan dabaaldegga iyo, darajo eegaayey
  • Ragga haatan igu diimayow, duxi ha kaa raacdo.25794113

Banaadir Post.

25701270