Sabi leh:- Hooyo Aabbe iga Celi! Ma Waxay ka Maraysaa Xasan Gurguurte inuu Jabuuti iyo Yugaandha ku Dhaho: “iga Celiya Kenya”

25846377Shariif C/Nuur Allaha xafidee baa ka sheekeeyey in caalim ah oo ka dacwoonayey xaakim dadkii dulmiyey ka hor sheegay Amiirkaas in marka ilmuhu yar yahay: u qabo in hooyadiis dadka ugu adag tahay inta hore noloshiisa! Markuu soo caqlisado buu ogaadaa in aabbuhu yahay madaxa reerka. Kaddibna wuxuu sii ogaadaa in magaaladu leedahay waali! Kaddibna inuu jiro Amiirul Mu’miin. Waxaa markuu caqli yeesho u soo baxaysa inuu jiro Allaah kulli ka awood badan. Caalimkii wuxuu ku yiri Amiirkii: ma dacwadayaba baan kor u dirnnaa (Allaah) mise wax baad ka qabaneysaa? Xaakimkii wuuxu yiri: ha u dirin kor ee ii daa anaa xallinayee!

Hadda soow taageerayaasha Gurguurte iyo isaguba uma qabaan in Jabuuti iyo Ugaandha ka celin karto Kenya? Gurguurte iyo Saacid waa joogeen Kenya, weyna kala kala yaqaannaan waddamadaas!

Xasan Gurguurte isagoon socod baran buu isku dayey inuu ordo! Isagoo Marka iyo Kismaayo wax ka qaban la’ buu hoosta ka galay Siilaanyo iyo Feysal Cali Waraabe! Maxaa Feysal Cali Waraabe ugu jawaabay?

Maalmahan waxaa qoraallo ka imaanayeen wasiirka arrimaha gudaha, C/Kariim Xuseen Guuleed, isagoo diidan doorashada Axmed-madoobe! Hadalladii wasiirku markay wax isku qaseen oo arrintiiba laga dhigay qabiil baa hadda la leeyahay: muu lahayn koontada lagu qoray hadalka! Hadduuba hadalkaas jiro, C/Kariim maba aha nin wax la socda! Ninka muddo asbuuc gaareysa hadalladiisa lagu soo qorayey saxaafadda oon beenineyn; sidee ku noqon karaa wasiirka arrimaha gudaha?

Dowlidnimadaan raadineynnay ma in xukuumadda Xasan Gurguurte iyo maamulka Axmed-madoobe meelaha iskaga tanaagoodaan baa? Ku noqo qoraalkii hore een kaga hadalnnay xurgufta ku kala dhex jirta Kenya oo dhinac ah iyo Ugaandha iyo Jabuuti oo dhinac ah!

Soow ma soo bixin dambigii laga galay Shareecada Islaamka ee lagu xukumayey Kismaayo iyo meelo kale? Khalad laga sheeganayo Shabaabka keeni meyso in waddanka cadow la soo gesho!

Iska daa in Yugaandha iyo Jabuuti wax ka qabtaan Kenyee, haddaa madaxweyne ku-xigeenka Kenya, William Ruto, leeyahay waxaan Soomaaliya u soo direynnaa ciidamo dheeraad ah! Waa awoodaan iyadoon xitaa reer Galbeedku shilin ku siin.

25833491

Banaadir Post

VIDEO:-Banaanbax lagu diidayo Kaligiis Taliska Geeska Afrika Ina Cumar Geele oo London ka dhacay.

25730610Qurbajoogta reer Jabuuti oo  Ingiriiska ku nool ayaa diidmo  adag kala hor yimid Kaligiis taliye Ina Cumar Geele, waxayna sameeyeen banaan bax balaaran oo ka dhacay London.

Ina Cumar Geele ayaa London u yimid shirka looga hadlayay arimaha Somalia,kaaso ka soo muuqda meel walba oo looga hadlayo arimaha somalia, maadama loogu yeero ninka dulaala arimaha Somalia,waxaana lagu tilmaama nin tacadiyo ka gaysta arimaha Somalia oo meel cakarin maraya.

Jabuuti waxay somalia gaysay ciidamo kuwaas dagaalo ka wada dalka Somalia iyaga oo wehel u ah kuwa soo duulay  ee Amisom oo gaalo ah,waana arinka ay ka naxeen dadka somaliyeed ee leh dareenka dadnimo ee fiican,maxaa yeelay reer Jabuuti waxay u haysteen walaalo laakiin waxay u noqdeen ama la socdaan gaalo madowda Amisom oo xasuuq loo keenay gayiga somaliyeed.

428477_10201386809696923_828687482_n

Dadka reer jabuuti ayaa dareemaya culays kaga imaanaya ninka arxanka daran oo dad badan oo mucaarid ah ku haya xabsiyo aan la ogeyn meel aan la aqoon,waxayna maalmo ka hor   banaanbax ka sameeyeen dalka gudahiisa,waana arin oo ka naxay kuwan kacsan.

USN UK Demonstration against the Djibouti Government

295312_10201386820297188_380266236_n

Banaadir Post

BALEDWEYENE:-Ciidamada Calooshooda ku shaqeeya ee Amisom oo Xiray mid ka mid ah Idaacadaha Baladweyne!!

25604016Idaacada la xiray oo lagu magacaabo bartamaha ayaa ciidamada Amisom waxay ka aruur sadeen dhamaan qalabkii yaalay waxaana xabsiga ay dhigeen shaqaalihii ku sugnaa xarunta idaacada.

Radiyan ayaa sheegay xaqiiqda iyo dib dhaca ay amisomku riday dadka reer Baledweyne,waxayna farta ku fiiqday inaysan nabad keeni karin horumarna warkiisab iaks dhaaf,taasna waxaa qoonsaday Amisom iyo Xabashida oo  xoog ku jooga Baledweyne  oo mudo  dheer  nabad ahaa iyaga ka hor.

Ciidamada Amisom ayaa rartay qalabkii idaacada waxaana ka xeysteen dhamaan shaqaalihii ku sugnaa xarunta ciidamada xiligii ciidamada Amisom ay qalabka qaadanayeen.

Waxaa  bishii hore  bilowgeeda Masaajid Xabashido ku xasuuqday  dadka reer Baladweyne amaalin jimco ah,ilaahadana wax jawaab ah kama bixin.

25335320 (1)

 

DAAWO Sawirada xasuuqii Ciidanka Xabshido ka gaysteen Masaajidka ku yaala Baladweyne.

https://newsfromsomalia.wordpress.com/2013/04/12/daawo-sawirada-xasuuqii-ciidanka-xabshido-ka-gaysteen-masaajidka-ku-yaala-baladweyne/

 

25603922

Banaadir Post.

Faroole iyo Ina Ileey oo Kismaayo ku sii jeeda iyo Xasan Gurguurte oo Xamar xasili waayay!!

25194551

Magaalada Kismaayo waxaa  gaaray Cumar C/rashiid Cali Sharmaake Raisalwasaarihii Xukuumaddii Sharif Sheekh Axmed iyo Xildhibaano isku beel kore yihiin . Xassan Gurguurte dagaal Siyaasadaysan la galay wuxuuna ku keeni doonaa inow Banaadir ka dhamaan waayo.

1- Ina Ilay,

2- Faroole,

3- Gaandi,

4- Axmed Madoobe,

5- Afhayeenka Kenya Faarax Macalin,

6- C/naasir Seeraar

7- Wasiirka Gaashaandhigga Kenya Maxamed Xaaji Yuusuf,

8- Al-Ictisaam Daarood ee Kenya jooga,

Soomaaliya waa la kala boobayaa, Soomaali xattaa haddii ay 4.5 la yiri waa iska daayeen si kale ayaa loo qorayaa, Faroole waatii uu yiri, Xisbiyo ayaan samaynayaa, hadda Puntland waxaa ka socda Qabiilkasta in uu samaysanayo Xisbi, marka waxaa dhacaysa Qabiilkasta oo Soomaaliya in uu Dowlad ku dhawaaqo oo gaalo soo ka xaysto.
Xassan Gurguurte iyo Saacid Shirdoon waa horay ku fashilmeen Siyaasaddii ay Soomaaliya ku hogaamin lahaayeen, waa kaas Saacid Shirdoon xattaa Odayaashii Gedo soo cayriyeen oo dheheen maxaad noo haysaa oo badal ah, aan ka harnee Axmed Madoobe iyo C/naasir Seeraar?, Soomaaliya waxaa ka socda in Qabiilada waa weyn ay ku habsadaan Qabiilada kale, waxaa dhaqaalaha iyo gaalada wata waa Qabiilada sheegta in ay ka tira badan yihiin Qabiilada kale.

Waxaa Soomaaliya Reer Galbeedku kadhigayaan, Gobolo Qabiilo ka taliyaan, Imaarado yar yar oo Kenya iyo Itoobiya hoos taga oo Qabiillo haystaan.  Markaas ayaa Xassan Gurguurte iyo Saacid Shirdoon waxay u qabaan in Caalamku aqoonsan yahay, maxay u joojin waayeen Shirka Kismaayo?, maxaa Ciidamada Kenya oga amar qaadanayaan Axmed Madoobe iyo C/naasir Seeraar oo Saacid Shirdoon iyo Xassan Gurguurte oga amar qaadan waayeen oo Shirka Kismaayo u joojin waayeen?, Waayo Wasiirka Gaashaandhigga Kenya?.

Waa iska caddahay in aysan Soomaaliya ka talin Xassan Gurguurte iyo Saacid Shirdoon, Qabiilada Soomaaliya waxaa hogaanka u haya Hay’ado gaalaa oo Nairobi jooga, kuwaas oo leh dano gaara. Dastuurka Jubbaland la yiri waa loo dajinayaa waxaa Puntland kasoo qaaday Hay’ad Wadanka Norway laga leeyahay, Wadanka Norway ayaa doonaya in Shirkadahoodu ay Shidaal iyo Macdan kala baxaan Dhulka Soomaaliyeed oo Kenya ayaa deegaanka Fax’faxdhuun iyo deegaan kale ka qodanaysa Shidaal.

Dhagayso Ninka sheegtay Guddoomiyaha Shirka Kismaayo Macalin Maxamed Ibraahim MP3 Halkaan Riix Ama Guji

Dhagayso Xildhibaan leh Dastuurka Anigaa Akhriyey Sharci ayaad ku shiraysan cidna sugi mayno ee shirku waa sharci MP3 Halkaan Riix Ama Guji

Dhagayso Cumar C/rashid oo Qabyaalad Shirka Kismaayo u tagay MP3 Halkaan Riix Ama Guji

24735965

Banaadir Post

VIDEO!!:-Haweeney Soomaali ah oo Lesbian ah oo si arxan daro ah u dishay hooyada dhashay haweeney ay is haysteen.

25022577

Haweeneydaan Soomaalida ah oo lagu magacaabo Sagal Maxamud Saadiq oo 40 sano jir ah kuna nool magaalada San Jose, California ee dalkaas Mareykanka ayaa waxaa la sheegay inay is qabeen oo ayna is guursadeen haweeney kale oo lagu magacaabo Minema Kirk oo 37 sano jir iyagoona is qabay mudo gaareysa ilaa iyo 3 sanadood, Laakiin labadaas haween oo uu soo kala dhex galay muran ayaa waxay haweeneydaas ay go’įansatey inay soo af jarto xiriirkaas guurka arintaas oo ay ka xumaatay haweeneydaas Soomaalida ah ka dibna ay si caro ku jirto ay kula dhacday xaaskeeda hooyadeed oo lagu magacaabi jirey Yvonne Marie Kirk oo 65 sano jir ahayd iyadoona ay si xun ula dhacday mindi weyn taas oo keentay inay islaantiisi ay ku dhimatey isla goobtaas, Haweeneydaan Soomaalida oo iyadana uu falkaas ka soo gaaray dhaawac xaga gacanta ah ayaa ugu horeyntii waxay booliiska u sheegtay in nin aysan garaneynin uu weerar ku soo qaaday oo uu ugu soo dhacay guriga islamarkaana uu ayadana dhaawacay xaaskeeda hooyadeedna uu ninkaasi uu dilay, Laakiin baaritaan dheer ayaa waxaa booliiska u suuro gashay inay ogaadaan runta iyo sida ay wax u dhaceen iyadoona haweeneydaas Soomaalida xabsiga la dhigay laguna soo eedeeyey inay geeysatay falkaas lagu dilay islaantaas weyn.

Naag Soomaali oo dishay naag ay is haysteen hooyadeed.

25022778

Banaadir Post.

VIDEO:-Mudaharaad balaaran oo markii ugu horeysey lagala horyimid KALIGIISTALIYE Ina Cumar Geele iyo Booliska oo ka hortagay.

24672366

Laba xaafadood oo ay jabuuti gudaheeda kala xireen iyo dad badan oo xabsiga la dhigay iyo dhibaatooyin badan oo loo  gaystay.

Booliiska ayaa rasaas nool u adeegsaday mudaharaadayaasha waxaanu dhaawac soo gaadhay siyaasiga C/raxmaan Barkhad Good halka aan wali la ogayn Dad tiro badan oo ay Ciidanka Jaan-daaran maariigu qab qabteen oo lagu guray Saldhigyadda.

Manifestation pour dénoncer les fraudes des élections législatives à Djibouti

Hogaamiyayaasha Isbahaysiga Mucaaradka C/raxmaan Sh Bashiir iyo Daaf ayuu wariyuhu sheegay inay taageerayaashooda kala qayb qaadanayeen mudaharaadka, kuwaasoo taayiro ku gubay jidadka xaafadahaasi ay isu soo baxa ka sameeyeen.

Ismaciil Cumar Geele ayaa  ah Kaligiistaliye arxan daran oo dadka reer Jabuuti ka hortagaan inay Diintooda ku hoos noooladaan,kaaso oo gayiga Jabuuti ka dhigay meel gaalado ka ugaarsato dadka sunado ka muuqato,xeryo iyo saldhigyana waxaa ku leh sirdoonada gaalada.

Xigasho Waaheen.

 Cawaale Aadan Oo Siweyn U Weeraray Doorashada Ka Dhacday dalka ka jabuuti,Su’alo yab leh na Soo jediyey!!

24671966

Jabuuti oo ka walaacsan in Ciidankeeda lagu Xasuuqo B/weyne marka ay Ciidanka Itoobiya baxaan.

23470299Dowladda Jabuuti ayaa walaaca ka muujinaysa in khatar dhanka ammaanka ah lakulmaan ciidamadeeda ku sugan gudaha Somaaliya.

Afhayeen u hadlay wasaaradda difaaca Jabuuti ayaa sheegay in dalkiisu ka cabsi qabo in weeraro culus uga yimaadaan ciidamada Xarakada Al Shabaab marka ay ciidanka Itoobiya ku cidleeyaan magaalada  Beled Weyne.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa dhiggiisa Somaliya Xasan Sheekh u yeeray si layskula afgarto yareynta weerarada dagaalyahanada mujaahidiinta uga yimaad.

Wararka qaar waxay sheegayaan in Jabuuti ay Xasan Sheekh uga cudur daaratay sii joogidda B/weyne haddii ay baxaan ciidanka Jabuuti.

Jabuuti ayaa DF-ka ku amartay in ay ciidan xoogan geyso B/weyne si ay isku weheshadaan ciidamada Jabuutiyaanka ah, ugu yaraan 400 oo Askar Jabuutiyaan ah ayaa ku sugan garoonka diyuuradaha Ugaas Khaliif ee duleedka B/weyne waxayna ka walaacsanyihiin weeraro uga yimaad mujaahidiinta

” Iska Qayishay  bal qaraxana baro”

Banaadir Post.