Shirkii London”Shirqoolkii London” oo dhamaaday lacagna la balan qaaday sidii kal hore.

25689966Shirka London oo ah mid lagu uruurinayo dhaqaalo lagu xoojiyo shisheeyaha soo duulay si ay usii wadaan xasuuqa ka socda Soomaalia ayaa waxaa ka soo qeybgalaya in ku dhaw 50 Dowladood oo faragalin ku haya Soomaaliya.

Qadar,kuweyt,iyo Turkiga ayaa bixin doona dhaqaalo hub iyo mushaar lagu siin doono ciidamada kufaarta Amisom kuwaasi oo ah calooshood ushaqaystayaal duulaan gardarro ku jooga Soomaaliya.

25689921

Shirka London saddex saac ayuu socday aduun lacageed oo gaaraya…?…. ayaa loogu balan qaaday sidii kii kalhore isla meesha ka dhacay, ciidamada nabad ilaalinta Amisom iyo kuwa Dowladda waxaa laga wada hadlay dib udhiska Soomaaliya ,dib u habaynta iyo qalabaynta ciidamada dowladda,kufsiga haweenka in la joojiyo iyo howlgalada Qaramada midoobay ka fulin doonaan Soomaaliya, warqado dhowr iyo afartan bogg ka kooban waa la soo saaray” kalimadahaasi iyo kuwa la mid ah oo lasii qoray mudo hore,go’aano horey loo gaaray.

25689929

Dowladda Ingiriiska  ayaa fara galin kuhaysa dalka Sooomaaliya iyadoo dhawaan Muqdisho ka furtay Safaarad,waxayna wakiil ka tahay dowlado  iyo dad qarsoon oo dano gaarah dalka Somaliyeed oo la noqotay inow dayacanyahay.

25690079

La soco qeybaha danbe: Editor-Banaadir Post.

25690090

GAALKII DHOOF KU YIMIDBAA GEERIDO DHIBAYSAA:-Gumeysiga Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in ciidankeeda si dhaqso badan ugala baxayso gayiga Soomaaliyeed.

24867888Helamaryam Dilsalin ayaa wakaaladda Wararka Al-anadool ee dalka Turkiga u sheegay in Itoobiya ay bilaawday diyaar garoow ay kumanaan Milleterigeeda katirsan ugala baxayso sedax gobol oo Soomaaliya katirsan.

Wuxuu sheegay in ciidanka Itoobiya kasoo bixi doonaan Bay iyo Bakool iyo Gobolka Hiiraan goboladaasi oo dhaca Koonfur galbeed Soomaaliya iyo bartamaha dalka.

Ciidanka gumeysiga Itoobiya ayaa dagaal culus kala kulmaya shacabka Soomaaliyeed iyo mujaahidiinta waxaana dagaalada Amxaarada lagu jebiyay kamid ah dagaalkii Taariikhda galay ee Yurkut iyo dagaalkii Xudur welina waxaa xaalad go’doon u eg ku jira ciidanka Itoobiya ee Bakool ku sugan.

Waa iska caadi waxaa iska dhamanaya waqtiga kuwa   ku duulay dalal aysan lahayn,waxaana dib looga noqonaya meel walba oo dunida daafaheeda ah,Afganista,Maali iyo Somalia,dagaal joogta ah  iyo markii laga gaari waayay danihii laga lahaa.

Ciidanka Xabishida ayaa xoog  ku jooga magaalooyin  kooban,waxaana joogta u ah dagaal aan dhamaad lahayn,waxaa hada lagu soo waramayaa in gudaha Itoobiya ka jirto dhibaato iyo kacdoono ka dhan ah maamulka kaligiis taliska ee Adis ka jira.

24865064

Banaadir Post.

Raisulwasaaraha Itoobiya oo Xasan Sheekh Ka Aqbalay in Ciidankiiso sii Joogaan Soomaaliya.

Xasan Sheekh Maxamuud  “Garguurte” iyo  Wasiirka Gaashaandhiga DF ayaa Maanta Gaaray Magaalada Adis Ababa ee Dalka Itoobiya kuwaasi  oo kasii duulay dalka Jabuuti.

Xarunta Madaxtooyadda Itoobiya  ee Adisababa ayaa kulan gaar ah waxaa kuwada yeesheen Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyo Xasan Maxamuud Culusow.

Labada dhinac ayaa Isla soo hadal qaaday dagaalada ay kula Jiraan Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab.

Warar ayaa Sheegaya Xasan Sheekh in Raisulwasaaraha Itoobiya uu ka codsaday in Ciidankiisa ay kusii nagaadaan dalka Soomaaliya,iyada la wada ogyahay dhib ku hayaan meelaha ay joogaan.

Ciidanka Xabashida ayaa horey ugu jabay dhulka Somaliyeed welina way ku dhiigbaxaan waxaana iska cad inaysan nabad ku sii joogi doonin dhulka Somaliyeed.

Xasan Sheekh Maxamud ayaa u eg nin ku indho  beelay kursiga lagu fariisayay oo ah mid Kaare saaran.

Banaadir Post.