Waa gabay xaqqi ka hadal ah, wuxuuna soo koobay dhibka Somalida ku habsaday,kaaso salkiiso yahay waxa loogu yeero 4.5.
In qabyaalad ay qalad tahay quusna laga joogo
Waa gabay xaqqi ka hadal ah, wuxuuna soo koobay dhibka Somalida ku habsaday,kaaso salkiiso yahay waxa loogu yeero 4.5.
In qabyaalad ay qalad tahay quusna laga joogo
Mahad oo Idil Allaah ayay u sugnaatay, Nabad gelyo iyo Naxariis Nabi Muxamed korkiis ha ahaato.
Sidahaddii qofka Aadmiga ah Xubin jirkiisa ka mid ahi Xanuunto jirka intiisa kale ula xanuunsado ayay Markii qolo Muslimiinta ka tirsan dhibaato gaarto kuwa kale ula xanuunsadaan ulana qeybsadaan Murugada iyo Uur ku taalada gaarta.
Maalinta Muslimiintu farxaan oo ay dhacaan guulo ay waqti naawilayeen kuwa kale wey la qeybsadaan oo sidooda oo kale ayay u farxaan.
Ciddii farxadda Muslimiinta ka naxda dhibaatada Muslimiintana ku raaxeysata ha isweydiiso qolada ay ka tirsan tahay.
17 03 2013 ee Taariikda Milaadiga waa Maalintii Magaalada Xudur ee Xarunta Gobalka Bakool ay ka baxeen askarta Itoobiya oo Muddo Sanad ah joogay dhibaatooyinna ku hayay Muslimiinta walaalaheeen ah ee halkaas ku dhaqan.
Xorriyadi Baryo kuma timaado ee Dagaal dheer, dhimasho iyo dhaawac badan, isu gudbinta saadka oo ku adkaaday iyo dhibaatooyin kale oo soo wajahay ayaa sabab u noqday in askarta Itoobiya naftooda kala cararaan Xudur.
Gudcur iyo koley tahay dharaar gaabis laga roone,
Guluf iyo waxaa lagu helaa Geeri iyo dhiige,
gacmohoo la laabtaan Xorriyad Cidi ku gaareyne,
erayadaas waxa ay ka mid ahaayeen Maansadeydii Gowrac dhega dhaafa ah ee aan tiriyay dhamaadkii Sanadkii tegay waxaanay na tusayaan in aan Nin gaabiyaa Gobanimo soo dhicineyn.
Mujaahidiinta ayaa Muddo dheer Xabad ku waday Cadawga Xudur qabsaday dadkeeduna Allaha ka abaalmariyee intii tabartood ah waa dadaaleen.
Gabaygaan oo la yiraahdo Xudur waxaan ugu tala galay in jiilka Maanta iyo kuwa naga dambeeyaba ku xasuustaan wixii Xudur ka dhacay.
Sidoo kale Maansadu waxa ay ka hadleysaa in dhulkeenna Cadawgu in badan oo ka mid ah haysto qorshayaal in uu qeybsado ahna uu horay u degsaday gaar ahaanna Kenya iyo Itoobiya Muhiimadduna ay tahay in aan iska dhicino.
Mansadu waxa ay ku bilaabanaysaa
Xaasidnimo kuwii looga yaqiin xumaan iyo hoogga,
Xabashiyo Tigreegi na dhibay iyo xigaalkoodi,
Xabbadaha markii lala dhacee xinjir laga dhoobay,
Xabaaluhu markii ay bateen lagu xareynaayo,
Xagaa iyo xaggaa kale markii lagaga soo xoomay,
Xaniinyaha Markii ay qabteen niman xaq doonaaya,
Xulalkii Islaamkaa heloo wey Xaskuliyeene,
Weerarada xad dhaafkiyo kolkii xaqiiqadu gaartay,
Xulufada Saliibigu jabtoo xamaamadi qaate,
Xudur waa ka guuroo kufrigi Xalay ka guureeye,
Kuwi Gaalka Xiisuhuu qabaa Xanuunsanayaane,
Xididdu dhaqaaqo wadnuhu dhab u xawaareeye,
Xangulaha iyo Neerfahu xiimoo ololeene
Xubnahaa jareeyoo hurdadi kala xaluusheene,
Xiqdigii ka buuxiyo qubxigi xumad ka qaadeene,
annagana Xogteena ayaan idiin xaqiijaaye
xaggaya Farxadbaa jirtoo Xabadka noo taale,
Towxiidka Calan lagu xardhaa xariga loo taagee,
Xaggaaygaa babaayoo luloo Cadaw xajiimooye,
Xijaabka Hablahow ka dhigay xiran dharaartaane,
Dugsiyadii xagoodii la aad uu xanibay waaye,
Xoorta iyo Dhaydiisiyo Jihaadka Xooxdiise,
Xigtiisa annagaa dhannoo Xorriyad joognaaye,
Xagsooraha na kaabaye annagu xoog malihin weyne,
asigaa Xisaabtiyo na baray Xeeeladiyo Diinta,
Guushow noo ximbaariyay ayaan ku xamdineynaaye.
Xalqo kale ayaa mudan in aan galno xisaabteede.
Nin Hashiisi Xiis laga dhacoo aan Xaglaha nuuxin,
iyadoo Xagar daaqdiyo Xayay Caleemeystay,
oo Candhudu sidii xaarin tahay Xaadda lagu dheehay,
Xag inuu ka maaloo dhakal Xilif ka soo siiyo,
Xidigahay ka dheertahay inuu xidid ku sooraaye,
Xiligii gumeystaha dhulkii xoogga laga qaatay,
Xabashidu intey boobtayoo u xaniban waaga,
Xukuumadda Kenya midkey gelisay xeyndaabka,
asigoo xagoodii jiroon laga xoreyn waaga
Ninki xananka jiiraa dhir kale xeel u helayaaye,
Xaarwalwaal ugandheys iyo Xamaaligisiiba,
Xuub madoobe reer Burundiyoo na xag xaganaaya
Iyagoo xukaam kale watoo weliba soo xoojay,
Xamar iyo Kismaayiyo ,Balcad, xaafadaha Jowhar,
Beledweynihii Xilli ahaa Xarun daraawiishti,
Xayo iyo Badhaadhe iyo dhulal ku sii xeeran,
Xamlo iyo dagaal adag.
Banaadir Post.
Abwaan Soomaaliyeed oo qurbaha ku nool ayaa mariyay Gabay loogu magac daray Digniin, kaas oo ku socda Madaxda Ururka Al-Ictisaam.
Gabaygan waxa uu soo cabirayaa dabinada Ururka Al-Ictisaam ay u dhigaan Diinta Islaamka,dadka iyo dadka Soomaaliyeed.
Ururka Icitsaam ayaa ah urur diineed safka ka galay dhinaca gaalo dhan ay ku jiraan,waxayna sheegeen inay duulaan ama dagaal ku qaadi doonaan meel walba oo laga sheego in Diinta la isku xukumo,waxayna si cad u garab istageen ciidamada shisheeye oo duulaamka ku jooga gayiga Somaliyee
"Nimanbaa shareecada siroo, gaalka saacidiye Oo shalay safkii nagaga baxay, saymihii dhacaye Oo saarashada ferenjigiyo, saanjigaw xilanne"
Waxaa mudo dheer la yiri Sayid Maxamed Cabdille Xasan,waana gabay ilaa maanta la hadal hayo.
Halkan Ka Dhageyso Gabayga MP3
Banaadir Post.
Maansadaan waxaa la yiraaddaa ”Baybal xoojjiye”, sida Dhiil Haruubka laga qaaday waxa ku jira loo Arko oo kale ayaa Wariyahana kolkuu hadlo laga dareemayaa wixii Uurkiisa ku jira, waxaa hadalkiisa ka Muuqanaya waxa uu Neceb yahay oo in la Suuliyo uu jeclaan lahaa iyo wuxuu jeclaan lahaa in la hirgeliyo. Dagaalka Maanta Aduunyada ka holcaya ee Gaalo iyo Muslimiin u dhaxeeya labada Safba Wariyaal ayaa ku jira, Qolo Xaq ayay difaaceysaa, Qolana Baadilka ayay difaaceysaa.
Aannu Eegno Qoladii Ciribteeda dambe wanaagsanaaato, Nin baa laga hayaa in uu yiri“Halla Dhowro Dhaankii Maqnaa Wuxuu War Soo Dhoobo”).
Maansadaan waxaa la yiraahdaa Magaceeda sida aan kor ku xusnay, “Baybal Xoojjiye” waxa ay ka hadlaysaa Qolada Sandareerto raaca ah ee ku qanacsan dhaqaalaha yar oo Gaaladu siinayaan, waxa ay la safteen Cadawgii Ilaahay oo waxay la Dagaalamayaan Diinta Islaamka, sida aan og nahay Gaalada qaar waxay yiraahdaan, Nabi Ciise CS ayaa Na’ Abuuray, qaar lo’ ayay Caabudaan, qaar Tintooda ayay caabudaan, qaarkood waa Mulxidiin oo waxa ay ku leeyihiin Annaga ayaa iska ahaanayoo Dabaceeadda ayaa Na’ Abuurtay.
Dadkeenna Muslimiinta ah waxaanu ku dheganahay in Alle Mooyee Aannu jirin Alle kale oo Xaq lagu Caabudo, Nabi Maxamedna CS uu yahay Rasuulkiisal (NNKH).
Waxa aannu la soconaaa in Gaaladu Ilaahay cadawgiisa yihiin, isweydii, marka Nin Ilaahay cadawgiisa ah oo Neceb oo dagaal kala dhaxeeyo oo Kitaabkiisa dab ku qabtay oo ku saxarooday, sidee ayuu Adiga oo leh Ilaahbaan Amarkiisa u hogaansanahay kagu jeclaanayaa?. Nimanka Ceynkaas ah kuwa ku safka ah ayay tixdeydu ku wajahan tahay.
Waxa aan la socanaa Maanta wariyaha Soomaaliga ah ee u shaqeeya Warbaahinta Gaalada ama midda ay dhaqaalaha ku bixiso, Dagaalka ay Muslimiinta iyo Diinta Islaamka kula jiraannu in uu ka daran yahay kan Gaaladu wadaan. Habeen dhow markii dadku seexdeen ayaa hurdadii iga tagtay, kolkaas ayaan bilaabaay gunuunac iyo Fikir badan Aniga oo xasuusan kuwa aannu Magaca Saxafi isla wadano ee dhalasho ahaan aan iga fogeyn sida ay Gaalo u difaacaan Muslimiinta iyo Diinta Islaamkana u beegsadaan, markaas ayay Maskaxdeyda ku soo dhaceen Erayo ay kamid yihiin Tixdaaan la yiraahdo “Baybal Xoojjiye”, oo aan ku Muujinayo sida Nimankaani ugu kobo-beeleen dagaalka Islaamka kadhanka ah. Maansado ayada oo qabyo ah ayaan seexday Maalmihii dambe ayaanna dhameystiray.
Dadka qaar gaar ahaan kuwa Warfaafinta ka shaqeeya waxaa laga yaabaa markay Maansadaan Arkaan ama ay qoraalkeyga Akhristaan in ay yiraahdaan Cabdulaahi Soomaali dhexdhexaad ma’ahan oo waa Wariye dhinac u badan. Muslim iyo Gaal wixii ka dhaxeeya waa Munaafiq oo labada dhinacba midba mar u sheega in uu iyaga la jiro, kaasna Ilaahay igama dhigo, Anigu dhexdhexaad kama ahi Xaqqa iyo Baadilka, Xagjir Islaamku Agtiisa kaweyn yahay Muslimiintana jecel Gaalada iyo wixii la socdana Neceb ayaan ahay.
Bah Makaroofan Gaalo waxa ay Carrabka ku taageeraan Gumeystayaasha, Dalkeena qabsaday, sida Askarta Itoobiya, Burundi, Kenya waxayna Nabad diid ku sheegaan Mujaahdiinta Wadaniyiinta ah. Meel kasta oo Gaaladu qabsadaan oo Dalkeena kamid ah waxaa Ciidda lagu jiidaa Ama lagu gubaa Raayada Towxiidka, waxaana laga taagaa Calanka Saliibiga taas ayayna ku qanacsan yihiin. Intaanan Maansada Idiin soo gudbin waxaan idin leeyahay kuwa aan ka hadlayow, dib u soo noqda oo Dalkiinna iyo Diintiina iyo dadkiina Gees ka difaacda.
Xaqiiqadii Aduun iyo Aakhiro waa kala badan yihiin waxa aad taageeraysaanna waa cadaw Ilaahay, Allena waa kuu jeedaa ee sidii Adigoo Arkaya uga baq oo ka fogoow Cadawga Ilaahay ee aad barbar joogto.
Badar dhuun la mariyoo,
Goortuu bu’weyn tago,
Beddelmoo uraayiyo
Nin bariis u leexdoo,
Uga Beyra Diintoo,
Duhurkii baqooloo,
Geesta kale biiroo,
Baadil sare u qaadoo,
La bahoobay Gaaloo,
La saxiixday Beycoo,
Barbar jooga baa tahay.
Nin balaayo qaadoo,
Buur ka soo faniinoo
Booraan ka hoobtoo,
loo baqo naftiisoo,
bahaahine ayaa tahay.
Bacad iyo habaas iyo,
Ninka Boor dhex jiifee,
Biyo aan is marinoo
Busku Medeb rogaad tahay.
Nin badweyn dhex joogoo,
Mowjadaha biyaha iyo,
Dabeyluhu balfinayaan,
Hadba gees u badiyaan,
Berri in uu ku noolyahay,
Baahinaaya baa tahay.
Bullo Gaddoon iyo,
Bolooley Nin faanshoo,
Islaam beylah yeeloo,
Beybal xoojiyaad tahay.
Axad baadiyooboo,
Xaq baal ka qaadoo,
Buuraha talaaboo,
bahal daran godkiisii,
u badbaado raadsaday,
is biimeeyey baa tahay.
Bashar hoogay baa tahay,
Dalkiis bi’iya baa tahay,
Wax baqtiyay ayaa tahay,
Buun shisheeye baa tahay,
Xumaan Baahiyaad tahay,
Biidhe qaata baa tahay,
Badaw liitabaa tahay,
Boqno gooye baa tahay,
Biinso iyo Gerweyn iyo,
Burris Cadaw ayaa tahay.
Nin wadada ka Beyroo,
waxaad tahay bariiqdoo,
Boosa neer kudhacayoo,
bullaacado dhexdoodiyo,
Ban dabaalanaayoo,
bafaruun u haystoo,
Boqor sare in uu yahay,
ku xariiqday buugaag.
Sida Xamar baxdooyoo,
biriq sideed u duuloo,
Bullay iyo Baroor iyo,
Ashkir beden qurxoon iyo
Ceynab beratamaayaan,
Xawaaraha u booboo,
Bootin ugu hawoodoo,
Hadafkiis u beegsado,
Adaa belo u hiigsada,
Boogaha damqayoo,
Bushi daran abuuroo,
U birmada kufaaroo,
Buun buuninaayoo,
Boro bagaan u fidiyoo,
Balan adag la gaaroo,
Beesa ugu shaqeeyo,
Yees Boos ku dhaha oo,
Bareemiyo ka sugayoo,
Buntukh lagu dagaaliyo,
Uga dhigan bir adagoy,
nagu baacsanaayaan.
Binti hooyadii iyo,
Barni ina adoogii,
Nin Bilcaanti uu qabay,
buuryo qabuhu fuuloo,
Baroortiyo Xanuunkiyo,
Balawgiyo cataawgiyo,
Ciilka degay bogoodiyo,
ilintooda bixi iyo,
indhahay ka barareen,
u bogaaya baa tahay.
Nin Yuhuud bogaadshoo,
Nasaarada u beer baxa,
Maalintey ba’aanoo,
Baaruuddu leysoo,
Meydkoodu badan yahay,
Dhaawacuna is baal yaal,
Balawgoodu yeeraa,
Uur bukooda baa tahay.
Gaalada bohowdayi
Maalintey Bulaalaan,
Ciidan baaxad weynoo,
Banaadiikh la siiyoo,
Baadarigu soo diray,
Bulshadeenna laayaan,
Hantideena boobaan,
Fisqi beecinaayaan,
Beel daajihii iyo,
Wiilkii barbaariyo,
Geesigii banaan yaal,
Cadaw Babac u dhigi kara,
Beri kii wax ka qaba kara,
Culumada Bireeyaan,
gaaleysiin bilaabaan,
Nin bogsoodabaa tahay.
Eey Balaq la siiyoo,
Balaakoonka Gurigiyo,
Barxad hore fariistoo,
Bartamaha habeenkii,
Wixii soo bidhaamaba,
Beegsanaaya baa tahay.
Qoon Ilaahay Beeniyay,
In ay Naartu boobee,
Bartankeeda tagayaan,
Rabbi noo bayaaniyay,
Baadiyoobay waa hore,
Ninka Beyd la joogoo,
U baraan buraad tahay.
Diinteena baraxtiran,
Nin Baasiin ku daadshoo,
Ku bilbiley Shidaaloo,
Dab ku baahiyoo gubay,
Saxarada barteediyo,
Musqulaha barqadi dhigay,
Beydkii Ilaah gubay,
Nin uu soo barbaarsaday,
Xakamo aan la bixin iyo
Bool adag ku soo xiray,
Barti loo tilmaamiyo,
qorshihii la soo baray,
u bareera baa tahay.
beldaankoo Nabdoonoo,
Badarkii dalkeeniyo,
Baaryar Caaneheediyo,
Baruur laga cunaayoo,
Diinta lagu baraayoo,
Beydkii Ilaahay,
Salaadaha la buuxshoo,
Bushi iyo Colaad iyo,
aan baas ka jirinoo,
Bulshadi is jeclaadeen,
isu Beer nuglaadeen,
Ninka Been ka sheegoo,
Ba’ya hoog ka tebiyoo,
Aduunyada ku baahshoo,
Buuq iyo sawaxan iyo
Bulaan daran abuuroo,
gaalo bootadeediyo,
Bowdo qaawiskoodiyo,
warka bururugtaa iyo,
Beenta iyo qiyaanada,
nagu beer jaraa tahay.
Bilaawiyo Hangool iyo
Budka iyo Masaartiyo
Beynaadda Gaalkiyo,
Buunda uu dul mara iyo
Baqal uu Hub saartiyo
Boobihiisi baa tahay.
Ninka Zinada baafshoo,
Lacag badan ku qaatee,
Barta la isku fuuliyo,
Liido beri samaad yiri,
Baqdintii Ilaahay,
Beri hore ilooboo,
Laga tiray boggiisoo,
Baadinkiisa Daxal iyo
Bar madow la saaroo
wixi lagu bogsoon iyo
Baxnaanada ka doodoo,
Bushimaha kuwiisaa,
wax Shaydaanku beegoo,
ugu Beeray Laabta
Ka soo baxaan ayaa tahay.
Webi soo butaaciyo,
Ishi Baydhabood iyo,
Ceel booya maahiye,
waxaan uga baxaayaa,
Naftu baaqi baahoo,
way bixi dhawaanoo,
Baryo laguma qaadee,
Beenley Aduunyiyo,
bohola ka soo noqo,
kuwa Nabiga Beeniyay (SCW),
ka baraa’a qaadoo,
Berri Maalin Aakhiro,
In aad Boos la joogtoo,
Mira baas la guratoo,
Naar Baad u noqto.
Ka baqoo, Ilaahay,
Bariyoo u soo noqo.
Waxaa tiriyay Abwaan Cabdulaahi Yaasiin Jaamac (Cabdulaahi Soomaali)
Banaadir Post
SHIRKI ayaa la yiraahdaa waa is xusuusin la is xusuusinayo aakhirada iyo maalinta qiyaamaha xaalku sida oo noqon doono,ILAAHOW NA MOOTI.
Fadlan u duceeya Abwaanka hadii aad dhagaysato gabayga oo ah dhaxal Abwaan Abshir Bacadle,Raxiimulaah u dhaafay ummada Somaliyeed,hadii aad awood SHARE-gareey ama gaarsii dadka kale.
Gabayga magiciisu waa Buulomareer fartiin nooga timid farax islaamkiiye wuxuu soo baxay 30 ka safar 1434 waa walaalkiin Abuufatima oo idin leh yaa mujaahidiin haniian lakum ahdaaftiina allaah haydiin xaqiijyo aduun iyo aakhiraba umada muslikaana leh yaa umatal islaam haniian lakum limaa yasuru kum min akhbaarin jamiilah , walaalaha aanan maga cooda xusin xiligaas waqti dambe oo hamyn ah ayey u ahayd waana hubaa markay helaan khabarkaan inaan ciduna kahorfaafinayn.
Buulomareer fartiin nooga timid farax islaamkiiye
Fatxi baa kadhay iyo halkaas libin fasaaxaahe
Fajac iyo jabay kala kulmeen faransa goobtiiye
Wiilal wada fidaa,iina iyo faaris baa helaye
Ayagoo fartiin loodiriyo fayl lasoosiiyey
Foogtii horteed bay kufrigu furo yiraah deene
Fadli Eebe wee yoo markale faashil laga yeelye
Wiilal feejignaa baa heliyo faaris geesiyahe
Fatxi baa Ilaah siiyey iyo guul fagaaraahe
Faransiiska gaalkaa baqay fagax yiraah deene
Tooshash koodi waa laga furtiyo faalguray badane
Firxad koodi hawd kuu galiyo faafka wabigiiye
Fadeexaa Ilaahay badiyo foolxumoo idilee
Fursaantii shabaabaa heliyo geesi fool adage
Fartuu qaado waa laga jabshoo faransa ceebowye
Meeshuu maxbuus furan lahaa mayd kakala fiigye
Buulomareer fasaad kuu larabay faransa beenowye
Rag cashiqay firdawsaa heliyo khaalid fariciise
Faaruuq ilmihi weeye iyo faatix ubad kiise
Fagaaraha dagaal kay dhigaan faajic yaab badane
Wax kastoo faranji xoog is biday faydo lagu waaye
Filan waa ayaa lagu dhigoo faafi kari waaye
Fasiraada guushaan helaa faaftay dunidiiye
Foolxumo lalaabtiyo jabiyo faashil hadafeede
Faadhirow Ilaahow adaa furashadaas keenay
Fadligeeda adigaa lahoo fiijay cadawgiiye
Fahmadaw siyaadiyo shabaab faydo loo aayo
Ilaahow fataaliyo halaag faranji soo duulay
Ilaahow fartuu qaado jabi ways fajiciyaaye
Faduul iyo xad gudub buu wadiyo xume facway naaye
Fuxshi iyo sinay doonayaan nagu fasaad shaane
Aydhis bay ku faafshaan halkay fuqurku gaaraane
Fidaaiin ku daa iyo Alow malag fajaaseeya
Fitig faatig yeel iyo halaag faranji soo duulay
Ilaahow fadeexee kufrigu faasiq wee yaane
Fatahaada wabiyada ku daa faranso fiideeca
Ilaahow fadhiga looga koco oo lakala feento
Faro iyo itaal bay Rabow isla fatiiraane
Faqri baahan yeel iyo Alow fuqur lakaalmeeyo
Fasal baxa Ilaahow u diid faranso ciideeda
Furuq iyo xanuun ayan daawo filanaynin
Faransiis Ilaahow kudaa faasiq wee yaane
Ilaahow fajaasiyo xanuun fayras kala gaabsha
Oo ayan filayn iyo ku daa marad ku faafaaya
Fadligaaga Eebow adaan faraha kuu taagtey
Faxanow Ilaahow kufrigu faasid wee yaane
Balo wada fatahaysiyo ku daa cudur figtood qaada
Fasal kaan wixii helay kufriga faraxday laabtaye
Falaad kaa ragii dhigay ragii faransa ceebeeyey
Fatxi iyo Ilaahow libsii faariska islaamka
Fasiraadu way adagtihiyo faraxa laabtaye
Ilaahow fursaantii shabaab faafto sharaf toodu
Fatxi iyo Alow furasha sii gaalna laga fooso
Faras aanu baran buu kufrigu fuul is lee yahaye
Dhagartay falkinayeen kufrigu faashil wee yaane
Fahmadooda Eebow shabaab fidi lisaankayga
Fatxi lala cajabo iyo Alow furasho soo yeedho
Faransiisna hoojiyo wixii gaal u faradhuubaan
Jawaasiista faransiis Alow fayd akhbaar tooda
Farta noogu fiiqoo Alow fiidkan lagu leefo
Ilaahow fagaaraha ladhigo cadaw na faaleeyey
Ama faylka gaalada u diray una farfiiqaayey
Fuuniyaha akhbaartooda keen faadhir khabar kooda
Fatal iyo jawaasiis xunoo finisha wee yaane
Faaris lagu salado iyo amniga waa fasaadiine.
Banaadir Post
Halkaan ama hoos ka dhegayso Gabaygaan aadka u wanaagsan ee ka hadlaa dhibka america iyo Yahuudo ku hayaan guud ahaan Islaamka gaar ahaana Afghanistan iyo meelo bdan oo dunida Islaam ah .
Fiiro Gaara Gabaygaan waa aw dheraa waana soo kala qaybshe 2 qayb ayaana ka dhigay tani waa Qaybtii 1 aad insha’Allah Qaybta labaadna waa soo daabici doontaa Inshlaah.
FIIRO GAAR AH U DUCEEYA ABWAANKA INOW ILAAH GEEYO JANATUL FARDOWSO,KISTAABIISANA MIDIGTA KA SIIYO,LANA SOO SAARO KUWII OO JELAA AHLU TOWXIIDKA.
Banaadir Post