C/Weli Gaas oo Maamulka Puntland ku eedeeyay Caburin ay Shacabka Deegaannadaas ku hayaan, Baaqna u diray Isimada Puntland.Cabdi Wali Gaas “Shacabka Puntland Waxay Caburis Kala kulmayaan maamulka talada haya ee Faroole”

War saxaafadeed uu dhawaan soo saaray Ra’iisulwasaarihii hore ee Soomaaliya Xildhibaan C/Weli Maxamed Cali Gaas oo uu uga hadlay safarradiisii uu Muddooyinkanba ku marayey qaar kamid ah deegaannada Puntland oo uu ka soo jeedo ayuu ku sheegay in Maamulka Puntland uu caburin xad-dhaaf ah ku hayo Shacabka Puntland, Waxana uu Maamulka Faroolle ku eedeeyay in Shacabka Deegaannadaas deggan uu ku hayo Handadaad iyo Xadgudubyo aad u daran, Isagoo ugu baaqay Isimada Puntland in ay dib u eegaan Arrimaha haatan ka taagan Deegaannada Puntland Go’aanna ka qaataan Dowladda C/Raxmaan Faroolle oo sida uu sheegay aysan Shacabka Puntland haatan Kalsooni ku qabin.

Hoos ka aqri Warsaxaafadeedka C/Weli Gaas.

Bismillaahi Raxmaani-Raxiim, Assalaamu Calaykum Waraxmatullahi WB.

Sidaa aad la socotaan waxaan ilaa iyo 19kii bishii la soo dhaafay safaro ku marayey qaybo kamid ah Gobolada Puntland.

Anigoo og in ay jiraan su’aalo badan, waxaan jeclaaday in aan dadweynaha la qaybsado warbixinta safaradaydii oo haatan gabo-gabo-ah.

Waxaan la soo kulmay qaybaha kala duwan ee Bulshadda Deegaanada Gaalkacyo, Galdogob, Bursaalax, Xero-Jaalle, Bayra, Riig-O-mane, Bacaadweyne, Xarfo, Buurtinle, Jalam, Kala-Bayr, Garowe, Sunna-Jiif, Danqoronyo, Qardho, Carmo, Bosaaso, iyo qaar kale.

Waxaan maanta rabaa in aan warbixin waafi ah kabixiyo socdaalka aan kor ku xusay.

Waxaa ii surtoobiwayday duruufo kala duwan awgood in aan tago Gobolo iyo degmooyin kale oo ii qorshaysnaa in aan socdaalkayga ku darsado. Nasiib wanaag, waxaan la kulmay ergooyin kasocda deegaanadaas aanan gaarin. Inshallah waxaan ballaan qaadaya in aan gaaridoono Goboladaas aanan tagin markii ay fursadu ii saamaxdo.

Waxaan aad ugu mahad naqayaa dadweynaha reer Puntland oo meelkastoo aan tagnay aniga iyo wafdigaya noo soo dhaweeyey si walaaltinimo leh oo ay kalkacaltooyo ku dheehantahay kana muuqato qiiro wadaninimo iyo Soomaalinimo.

Waxaan socdalkayga kula kulmay qaybaha kala duwaan ee bulshada iyo xubno katirsan maamulka Puntland gaar ahaan isimadda, madax-dhaqmeedka, waxgaradka, ganacsatada, haweenka, dhallinyaradda, culumaa-u-diinka, iyo qaar kamid ah siyaasiyiinta Puntland.

Haddaba, waxaan rabaa in aan dul istaago qodobo kamid ah waxyaalihii aan soo arkay iyo warbixintii ay isiiyen bulsho-weynta reer puntland ee aan kulamada la qaatay.

Waxaa jiray caqabado yar yar ee aan kala kulmay safarkayga balse aan go’aansaday in aanan waxba kasoo qaadin kagana gaabsanayo in aan kudaro warbixintayda.

1. Waxay bulshoweynta aan la kulmay ii sheegen anna aan hubsaday in ay jiraan dhibaatooyin siyaasadeed, dhaqaale, iyo arrimaha bulshada.

2. Haddan ka hadlo arrimaha siyaasadda, waxay dadweynuhu ii sheegeen in ay jirto xoriyad la’aan iyo cadaadis aysan u suurtagalin in ay si xor ah ku cabiraan fikirkooda siyaasadeed iyo kooda muwadinimo. Waxay dimmuqradiyadu na faraysaa in qofka muwaadinka ah xaq u leeyahay in uu si xor ah u hadli karo, una kulmikaraan, si ay u gutaan xuquuqdooda iyo waajibaadkooda dastuuriga ah. Hase yeeshe, waxay ii sheegen in aysan maanta taas ka jirin Puntland. Saxaafada xortaahina aysan cabsi awgeed uga howlgali karin Puntland aysanna gudbin Karin xaaladda dhabta ah ee ka jirta Puntland.

3. Waxay ii sheegen in marar badan ay isku-dayeen in ay samaystaan qadooyin iyo fadhiyo ay kaga tashanayaan aayahooda balse ay cadaadis iyo caburin kala kulmeen maamulka Puntland.

4. Waxay kaloo ii sheegen inkasto ay muhiimtahay in laga qudbo nidaamka qabaliga ah loona gudbo nidaamka dimmuqraadiga ah ee xisbiyada badan, haddana in aysan kalsooni ku qabin in xukuumadda jirtaahi ay arrintaasi daacadna ka tahay fulinna karto.

5. Waxay kaloo ii sheegen in Gobolladii kumidoobay dhisitaanka Puntland 1998kii ay qaar kamid-ihi aysan gacanta ugu jirin maamulka, qaarkoodna ay samaysteen maamulo u gaar-ah. Waxay kala-furashaadaas Puntland sabab uga dhigayeen maamul xumo iyo aragti la’aanta hogaanka sare ee Puntland.

6. Waxay kaloo bulshoweyntaasi katirsanayeen maamulka caddalad daro iyo u sinnaansho la’aan khayraadka Puntland.

7. Waxay bulshoweynta Puntland si waafiya u cabireen waxqabad la’aan la xariirta daboolida baahida aasaasiga ah ee arrimaha bulshada (basic social services) sida caafimaadka, waxbarashadda, iyo biyaha. Waxaa kaloo burburay waxna aan laga qaban halbowlayaasha dhaqaale sida wadooyinka, Garoomada duulista, iyo Dekedda. Waxaa markhaati madoonta ah in wadada dheer ee laamiga ah ee isku xirta Bosaaso iyo Galkacyo iyo Dekedda Bossaso ay yihiin hantida kaliya ee laga dhaxlay dawladdi Allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Siyaad Barre.

8. Waxay meelkastoo aan tagno dadweynuhu ku bararugsanayeen in laga shaqeeyo nabadgalyada iyo xasiloonida Puntland dibna la iskugu soo celiyo Gobolladii iyo Beelihii ku bahoobay maamulka Puntland.
9. Waxaan meel walba kula soo kulmay shacab u bisil nabad, hogaamin wanaagsan, iyo horumar dhaqaale jiritaanka Puntlandna ay si dhab-ah uga go’antahay.

10. Waxay kaloo muujiyeen si cadna u diidanaayeen muddo kororsiga xeeladaysan ee maamulka iyo Baarlamaanka xilligiisu dhammaaday.

Talo soojeedin iyo u nasteexayn dawladda:

1. Waxaa ku habboon maamulka iyo baarlamaanka lagu soo doortay laguna dhaariyey in ay ugu adeegaan xilkooda afarta sanno ee labada bilood ka dhimanyihiin in ay tixgaliyaan dhawraanna rabitaanka shacbiga. Waxaan ku baraarujinayaa maamulka iyo baarlamaanka in aysan galin dalka mugdi iyo khalkhal siyaasadeed oo laga maarmikaro. Waxaa mudan in marwalba danta guud laga hormariyo danta iyo maslaxadaha khaaska ah.

Talo soo jeedin ku wajahan isimadda Puntland. Isimadu waa marjaca siyaasadeed ee Puntland waxayna budhige u ahaayen una yihiin aasaaskii iyo jiritaanka Puntland. Sidaa daraadeed, waxaa waajib gaar-ahi ka saaranyahay in ay marwalba dib u eegis iyo qiimayn ku sameeyaan marxalada uu dalku marayo.

Waxaan ku talinayaa in ay isugu yimaadan shir deg-deg ah oo ay ku qiimaynayaan marxalada ay Puntland maanta ku jirto si ay u gutaan waajibaadka ka saaran maslaxadda iyo horumarka Puntland. Isimaddu waxay leeyihiin dowr iyo awood dabiici-ah (moral authority) iyo kalsooni shacab ee aysan siyaasiyiintu lahayn. Waa inayna saas u fahman.

Arragti guud:

Waxaa waajib ah in loo qumo maslaxada guud ee Puntland lagana dheeraado waxkasta oo keeni kara khalkhal siyaasadeed. Waxa kaloo waajib ah in la adkeeyo midnimada iyo wadajirka wixii ka haray Puntland lana doono inta maqan si ay ku jirto dabacsanaan, ehelnimo, iyo daacadnimo.

Dadweynaha reer Puntland waxay horseed ka ahaayen nidaam kastoo horseedikaray dimmuqraasiyad iyo rabitaan shacab waxayna ku caanbaxeen samir iyo dulqaad siyaasadeed. Sidaa daraadeed waa in la dhowraa rabitaankooda iyo sharaftooda. Waa in lala fahmaa shacabweynaha Puntland in ay xeerinayaan midnimada, xasiloonida, iyo jiritaanka Puntland. Waa in aan loo qaadan in ay raali ka yihiin sida qaawan ee mararka qaarkood loola dhaqmo.

Yaa Shariif kamapala ku soo dhaweyn doona ma Musaveni mise xaaskiisa halka Cabdiweli Gaas lagu soo dhaweeyay puntland soona dhawayeen odayaal reerkiisa ah!

Shariif oo Kampala laga sugayo maalmahan inow gaaro si ugu noolaado loshiisa inta ka hartay iyo Cabdiweli Gaas oo Puntland gaaray,lama oga inow ku sii noolaan doono,laakin waxaan hubaa inay soo dhaweyeen Odayaal reerkiisa ah.
Ma dhici kartaa Shariif inow soo dhaweeyo Musaveni ama u soo diro xaaskiisa”Bilcaantiisa” oo horey ugu soo diray Xasan Sheekh oo safarkiisii ugu horeeyay Kampala ku tagay!.
Banaadir Post.

BAROORDIIQ….. (Af-bakayle nimankii kufriga uraya ii keenay) MAQAAL: Sheriff Osman

Baroordiiq: Af-bakayle nimankii kufriga uraya ii keenay |Xagaa 2012|

Waagii baa beryey! Waxaan sidii caadada ahayd u fool bishay in aan ka war doono dhiishaydii, sida qof walba oo kale oo dunidan maanta yaala!  In badan baa laga yaabaa kolka ay dhiisha arkaan in ay is yidhaahdaan! Oo odayga maxaa qaaday oo uu hungurigiisa oga sheekaynayaa! Kolkaa hunguri doon ma aanan ahayn! Waxa aan daydayayey in aan bal ogaado waxa saaka soo kordhay! Subaxaa wax kale oo cusub iyo culays baa jiray! waayo waxaan xaga dhiishaydii u jeestay anigii oo aan xaataa kobkii qaxwaha ee caadada ii ahaa aan ku hanbaasin! Kadib kolkii aan |Aljazeera|  daf idhi wixii u horeeyey ee ishayda dafay waxa ay noqdeen Zenawi oo inta si wanaagsan loogu soo lebisay misana xagga hoose lagaga qoray in uu dunida isaga tagay! Muxuu ummadd illaahay hoojiyey oo halaag dabada u suray! Waxa aan judhiiba dib u xasuustay qiso dhab ahayd oo xeradii qaxootiga ee Utange ka dhacday! Wiil yar oo dhowr jir ah ayaa aabihii ku xanuunsaday xerada! Wiilka yar maalin walba waxaa lagu yidhaahdaa aabaha waa uu xanuunsan yahay oo sariirtuu jifaa! Wax badan kama garan! Cishadii dambe ayaa lagu yidhi Guuleed aabahaa waa dhintay! Yarka oo carabka la’aa waxa uu ku warceliyey “Dimo dimaaba ladaa waayey” – Sidii Guuleed baan aniguna kolkii aan khabarkaa akhriyey idhi “Dimo dimaaba lagaa waayaye”!!!.

Horta warku waxa uu ahaa kii ugu wanaagsanaa ee ay Soomaalidu inta badan maqlaan dhawaanahan! Waxaanad ka gadhan kartaa sida meel walba khabarku u wallanayo! Iyo sida ay meel walba isugu bishaaraynayaan! Qaar kale oo badan oo iyaga ah ayaa qaba in imika ay wax badan is bedeli doonaan! Oo Soomaaliya ay sidan ka soo rayn doonto mar hadii ninkii sixirkeeda iyo dagaal-oogayaasheeda falkin jiray dunida warqad cas oo isaga bax ah la siiyey– Iyaduba waa dhacdaaye  – walow in sidaa loo dhigo in wax waliba uu Zenawi xaga dambe ka riixayey uu xoogaa ka badbadis ahu u ku jiro! Oo sida qof waliba ogyahay geeridii ninkaa ku timi ma aysan ahayn mid ka nixisay un ragii jaalkii ahaa ee isaga u shaqaynayey ee dagaalada ka hurinayey gudaha Soomaaliya; kuwii xijaabtay iyo inta noolba!! Marka lagu daro Mukulaasha cayilka la dhaqaaqi la’ oo iyadu umuurta oo dhan xagga dambe ka riixayey oo hiil iyo hooba la garab taagnaa weligii iyo weligiiba wax walba oo ay u baahan yihiin sidii ay dhibaatadda iyo hagardaamadda ummadda Soomaaliyeed u sii joogtayn lahaayeen! Hadii xaal sidaa yahay Odayga xijaabtay maxaan ku eednay! Sow maxay ku nuugtaa amase ka nuugtaa ma ahan!!

Inkasta oo dagaal-oogayaasha Soomaaliya magacyadooda, xirfadahooda iyo sida ay isu xigaan oo isu xulufaystaan la iga badiyo hadana waxaan qabaa in ay si un u hiifayaan oo u haaraamayaan qadartii odaygoodaa qubuuraha u dirtay, ee ka dhigtay in ay agoonnimo u soo hotayo! Waad aragteen oo judhiiba in badan oo sheegta in ay horjoogayaal ka yihiin qaybo ka mid ah dalkii Soomaaliya ee uu isagu u qaybiyey ayaa lahaa intay qalabka warbaahinta soo istaageen, waanu ka xunnahay geeridiisa, Alaha u naxariisto, oo qaar kale oo aan laga filayn oo ahlu-diin loo haystay la arkay iyagii oo ilmaynaya, oo si hal haleel ah tacsi ugu diray Zenawi iyo eheladii uu ka geeriyooday! Filanwaa aaa!! Akhyaar kale oo iyagu weli tubtii hayaa ayaa illahaa oo maxaad u fili wayday, ragga imika horboodaya waxay ugu yeedheen |Ictisaamka| ee ay Bashiir Salaad iyo ragiisu ugu horeeyaan iyo weliba qaar ka mid ah dhaliinyaradii iyaga ku haray|Abuu xasaan, Axmed abdisamad| kadib kolkii ay intii wax kala garanaysay isaga tagyay sow ma aysan ahayn kuwii u gurguuranayey Zenawi, iyagii oo weliba indha-adeegooda ku doodaya wuxuu ahaan jirayba in xiligan uu yahay nin ragga diinta islaamka haysta la duuban, oo mararka qaar ay nooga dhigaan najaashigii oo soo nolol noqday – Iyaduba way dhacdaaye – dhalinta wax kala garanaya ee wax un loox jiitay ma u malaynaysaa in laga raarido karo! Waxay u muuqdaan in kuwaa dhurdaraystay ay iloowsanyihiin in maanta dunidii oo dhami ay isu-furan noqotay oo wax walba oo aad ku talaabsato amba aad aad la dhawaaqdo judhiiba la ogaanayo!!

Bixidii Zenawi sida looga arko dundia;

 

|Dhimashada Zenawi waxa ay noqon doontaa su’aalo dhowr ah oo aan jawaab loo helaynin tan ku jeeda danaha mustaqbalka reer galbeedka ee Geeska Afrika | Telegraph, August, 2012

 

|Tan iyo 2006 iyo 2011, Zenawi aad buu ugu faraxsanaa in cidankiisu shanta ola tago Somalia, cadowga keliya ee qarankiisa xataa ka hor xiligii gumaysiga| Mike Pflanz, Telegraph, August 2012

 

|Waxa uu sameeyey wax walba oo ay Dowlada Maraykanku doonaysay| Johnson, CNN, August, 2012.

 

|Somalida Itoobiya ku dhaqan aad bay ugu hoobteen intii uu Zenawi xukunka haystay| Tadesse and Straziuso, Abc News August, 2012.

 

|Dhibaatadda Soomaaliya oo dhan Zenawi ayaa ka dambeeyey| Faarax Macalin, August 2012.

 

Meles Zenawi qudhiisu sidii u arkayey Soomaaliya;

 

|Waxaa la yaab nagu noqotay in aan tagno caasimadda Soomaalida, iyada oo aan hal xabadna nalagu soo tuurin, waa wax lala yaabo dal dhan oo aad caasimadiisii tagtay oo aadan wax iska caabin ah la kulmin, arintaa filanwaa ayeey nagu noqotay| Meles Zenawi,  Aljazeera 12/2006

 

27/12/2006 ayuu gabalkaa baasi u dhacay Ummaddii Soomaaliyeed, kadib markii |Xabashidii| uu hagayay Con.Yuusuf ay soo gaadheen xeebaha Soomaaliya gaadh ahaan caasimadii dalka, arintan oo Muslim iyo gaalaba ka fajicisay, iyo sida uu cadowga iyo caadaqaatayaashii uu Con-ku hagayey ugu guulaysteen in ay meel ogaga soo hadhaan Ummadii Soomaaliyeed min Raas Kambooni ilaa iyo Raas Casayr, sharaftoodii karaamadoodii iyo qaranimadoodiina ay hog halaq galeen ah ugu hubsadeen, islamarkaana u riyadii |Minilik| halkaa kaga dhabeeyey! Rabiguna waa kan ina baray in ay iyagu jeclaan lahaayeen in aan sidooda oo kale un noqono si walbahaarka iyo walaahowguba u daayo! Oo markaa ay sal-mugii u fadhiistaan iyadii oo aysan jirin cid ay ka cabsanayaan oo macne leh eeg qowlka Illaah|Waxay jeclaan lahaayeen in aad u galoowdaan sida ay u gaaloobeen, oo kolkaa aad isku mid noqotaan” 4:89

 

Kolka aad hoos dhagta ugu dhigto hadal haynta reerka ee Con.Cabdulaahi Yusuf ayaa ay u dhigaan in sababtii uu ku mutayba xabsigii dheeraa ee Mingiste ay ahayd un isagii oo ka biyo diiday in calanka Mingiste laga taago geyigii Soomaali ee labadii shanta ka hadhay ee ay sida wada jirka ah u qabsadeen isaga iyo xabashida, goortaa isagu waxa uu ka carooday ninkii cariga ka talin jiray Siyaad Bare! Hadii dhacdooyinkii xiligaa lagaba soo tago oo tan imika taagaan iyo  xabashidii oo soo gaadhay xeebihii Soomaaliya oo ay ku taamayeen tan iyo intii ay jireen! Maxay reerku riyadaa dhaboowday ku fasiri doonaan! Sow un qaskii iyo damacii dagaal-oogayaasha ma ahan sababta ay daafi-qurunley ugu soo horkacayeen geyiga soomaali! Walow halkan ay mudan tahay in aan xusno in ay qoli waliba danteeda u socoto! Min xabshiga illaa dagaal-oogaha soo horkacaya ee is leh sidee inta kale oga dheeraysaa oo aad oga hormartaa halkan aduunka aakhiro haba joogtee oo sida hal hayskoodu yahay kolka ay maqlaan waa la dhimayaa iyagu yidhaahda |ma cid baa aakhiro kasoo warantay, oo inta ay dhinteen soo nabad noqday!!|! 83:7-13

Hadii aan in yar dib u eegno hadalkaa ninkaa galbaday ka soo yeedhay; horta waa beenaale, oo ma aysan dhicin isagii oo xaragoonaya in uu iska soo galay gudaha dalka Soomaaliya, oo waa la ogaa wixii ka dhacay min xad beenaadka u dhexeya Soomaaliya iyo Itoobiiya illaa iyo baydhabo oo ay fadhidey dowlad ku shegii gacan ku rimiska ahayd ee uu isagu xagga dambe ka riixayey! Dagaaladan oo in badan oo cidaankiisa ahu ay ku hoobteen, iyadii oo weliba meel walba loogaga soo gurmaday! Sidaad dooniba u dhigoo waxaa shaki la’a ah in si wayn loogu xasuusan doono goolkaa uu Soomaalida ka dhaliyey iyo in uu isi sii taagay xeebihii soomaalida oo tan iyo dagaalkii badda iyo buurta la baxay ay soomaalida gumaysidiidka ahu  ka yuraynayeen geyigaa!!

Halkan waxaa xusid mudan nin ka tirsan Kooxda Tigree-ga tirade yare ee ka taliya Itoobiya Simon Barakat oo isagu la hadlayay qalabka warbaahinta in uu yidhi;

|Weligeen waxaan ku fekiri jirnay sidii aan Labada qaybood ee ka hadhay Soomaaliya gacanta ugu soo dhigi lahayn, weligeen waxay nala ahayd wax fog, maanta ayayse arintaasi meel mar noqotay| Aljazeera 12/2006.

Ninkan oo ugu yadhaan dhowr daqiiqo hadlayay ayaan marnaba soo qaadin ragii daba-qoodhiga u ahaa ee keenay halka ay timi |Xabashidu| manta, oo maxaa dib loogaga soo hadalqaadayaa dantii laga lahaa waa lagu gaadhay, welina howlo kale in ay sidaa iyo ka wanaagsan u soo ebyaan oo ay oga soo dhalaalaan ayaa looga fadhiyaa, iyadii oo aan barya ahayn ee ay sanka ka tolanyihiin!. Akhri qowlka Rabbiga|Qofkii iyagga ka talaqaata ee adinka ah, iyagga un buu ka mid yahay|5:51

 

|Shariifka iyo ragii ka horeeyey oo dhan, oo uu ku jiro madaxwaynihii dhintay, iyo kii ka horeeyey mid walba waxaan ka hayaa, tol beelayeey sidan ma moodaynin| Faarax macalin, August,  2012. Iyadii oo uu xaal sidaa yahay ayaa ay ragga sida badan la fadhiista Zenawi ee culumo iyo caamaba leh laga soo xigtay isaga oo leh |Soomaaliya imika waxay itoobiya ka dambaysaa ugu yaraan nus qarni|, oo macnaheedu yahay in uu ragaa u xaj tagay uu maankooda geliyo in uu isagu howl wanaagsan qabtay hadii uu Soomaaliya god ku riday tan iyo maantana qorshihii uu la doonayey iyo sidii gam loogaga siin lahaa dal iyo dad wixii ay Soomaaliyi lahayd ay weli sidii loogu talagalay u socdaan! Xiligaa cabsidii la qabay way sii korodhay cid walba oo qisadan maqashayna rajadii ay qabtay iyo qaran dambe oo ay isla-wayntu yeelato dib bay u liqday!

Waxyaabaha aan marnaba loo fadhiyin ee dhacay ayaa ay ugu horeeyaan rag badan oo kuwa diin wanaagsan lahaa  ay ka mid yihiin kolkii ay isu dhiibeen caqligii Zenawi, oo ay u gurguurteen, oo wax walba oo kale inta ay meel iska dhigeen isagii dan iyo badbaado biday! Maantana aad aragteen sidii ay judhiiba ola hinqadeen baroor diiqda kolkii in uu dunida isaga tagay la soo sheegay! Oo caamada iyo hunguri u ordka laba garaye! Kuwan culimadda sheegtay ee hoos ordaya una loogaya wixii dareen qumman ahaa ee qarankeenu lahaa maxaa lagu macneeyey! Bal eeg halka ay isaga lingaxan yihiin garaad-xumayaashaa! Ayaan daran aqalkii bay aslaysaa ismana oga! Mid ka mid ah kuwaa agab laawayaasha ah ayaa Xarunta dalkaa Nairobi lahaa kuwani waa ay qadisanyihiin, oo sidii nebiyadii rabbigu soo diray iyo hufnaanta Alle ayeey la meel yihiin?! Ma waxaa heerka lagu gaadhaa in aad akhdaam xabashi noqoto! Amba in wixii ugu wanaagsanaa ee aad samaysay ay noqdaan in aad gacan maris iyo baryo dunida oo dhan isu marto! Oo geiyagaad tagtaba tidhaahdo hadii aan la i sooryeyn waxbaan rogayaa ama baabi’inayaa! Ama inkaar baa idinku dhacaysa oo wax aad adigu ugu yeedhay culimo lama wayneyn!!

Dib u eeg oo akhri sidii uu suubanuhu NNDH dhaqankiisu ahaan jiray! Kolka ay aduunyo iyo Aakhriso sheeda iska arkaan! Weedhooda oo dhami waxa ay ahayd in ay yidhaahdaan |Wax dhaqaale ah idinku waydiisan mayo, mushqaayadaydu alle ayeey saarantahay|, tan wadaad-xumoow aad ku dooday marka sidan loo dhigo sow ma noqonayso mid ka duwan tii ay ergadii Alle la yimaadeen!! Diintii iyo Dowgii illaahay kuwaas oo kale ayaa aagab tiray oo cid walba oo ku intifaaci lahayd qadhaadh ogaga dhigay! Qadisnaani ha joogtee qaadirkaa idinka aarsan doona sida foosha xun ee |dhaqankii keliya ee illaahay ummadda oga raali noqday3:69. aad u duwdeen oo howd iyo halan-baqo oga tuurteen!! Hadiise ayba dhacdo in sida ay isu sawireen ay yihiin qadisnaani ha joogtee, illaahay waxa uu inna baray oo keliya in barashadu ay wanaagsan tahay waana sida kutubtii hore iyo kan imikaba lagu amaanay, iyadii oo ujeedadu ay tahay oo keliya xusida qiimaha aqoonta!

Odaygii xabashida u hadlay kolkii laga sheekeynayey ninkii dunida isaga tagay weli misana waxa uu lahaa;

|Weligeed isma bedeli doonto! Soomaaliyana waa uu ku ad-adkaa! Weligeen ma bedeli doono siyaasadeena ku aadan Soomaaliya| Barakat Simon. VOA, August 2012.

 

Intaas oo dhami waxa ay tilmaamayaan sida aynu oga arradannahay dhaqankii keliya ee Illaahay inooga raali noqday, in badan bay Soomaalidii hore ee gumaysi diidka ahaa horay u tilmaameen sida halkii rag ahaa u jabay iyo halka maanta xaal marayo! Waxaa iyadna kuwaa siibtay si wanaagsan u tilmaamay odaygii gumaysi la dirirka Inna Cabdulle Xasan kolkii uu lahaa!!

Ikhyaarkooda nimankii kufriga ugu abraaraayey

Aan lagu igraahine kalgacal ugu abraarayey

Kuwii ubad nasaaraad noqdee ferenji aanaystay

Nimankii amxaara u kacee Adarinuu guurey

Oo Aw-Cabaas diley dadkaan eedi kala gaarin

Oo uunka kala fiijiyee kala irdheysiiyey

Nimankii amxaara u kacee adarinuu guurey

Oo Milikh aabe u yehee u arrin qaadaayo

Oo xabashi eegi u noqdee u ololaynaayey

Sayid Mohamed Cabdulle Xasan

 

Inkasta oo uu mudo xaalku sidaa ahaa, imikana wax isbedelay oo macne leh aan loo ogayn qarankii Soomaaliyeed ee guuldaraddu ku habsatay kadib kolkii gunnaaf iyo intii ilaahay soo nacay ay hogaanka u qabteen, oo ragii ay ahayd in laga ilaaliyo ay hogaankii dalka iyo dadka majaraha u qabteen ayaa habeen baasi u galay, oo ay hog u hoyatay! Ma ka kici doontaa illaahay baa ku cilmi leh! Walow qaar badan oo u dhuun daloola dalka iyo dadka goor hore iyo imikaba ay lahaayeen |Kuftaye Ka Bood|, hadana rajada taa laga qabo ayaa u muuqata awrka oo cirbadda wax lagu tolo xagga dambe ka gala hadii aysan ummaddani dib ugu laaban dhaqankii keliya ee rabbigu oga raalida ahaa |Islaamnimadda|3:69. Islamarkaana aysan ka leexan dammane|Wadaad-xume| iyo intii tubtooda qaaday, Kuwan oo aan manraba garan karin qonofka iyo qaanso-meeris waxa imika dunida ka socda, waana sababta ay judhiiba u quusteen ee ay cadowgii qarankeena kii ugu liitay |Xabashi| isugu dhiibeen!!

Wax daraato lagu dhayey

Haduu nabarku kaga daro

Tu ka kulul in lagu dayo

Nin dikoor ah baa yidhi

Ibrahin Gadhle|Dirsooc|

 

Waxaa iyadna arin cusub oo damal u noqday intii badnayd Soomaalida gumaysi diidka ah baaq uu soo saaray Shariif Cabdinuur oo si wayn diinta iyo adabkaba illaahay u baray! Welina aan la maqal isagii oo dammanayaasha|Wadaad-xume| dhinaca ku haya, |ah-lul-cilmigu| waxa uu ku baaqay in dhinac laga maro, oo markii dib loo eegay falalka arxan daradda ah ee ay cadowga ku barataarayaan, oo ay ugu dambaysay baroor-diiqdii ay daraad sida kasha iyo laabta ah ola sarakaceen ninkaa dunida isaga tagay,  waxa uu ku tilmaamay in aysan isagaa ka agab sokeyn; Waxa uu ku celceliyey bulshaddu yeeysan ku dagmin oo ha ka digtoonaadaan; sida ku cad baaqaa go’aan walba oo ay gaadheen gumaysidiidku xaq buu ahaa kolkii ay caabinayeen ciidamadii ninkaa dhurdaraystay iyo garaad-xume wixii uu xagga dambe ka riixayey! Halkaas waxaa kaaga bidhaantay jawaabta su’aasha ah maxaa lagu kala gartaa guul-darro u jog iyo guul u socod?!!

Muslimiinta Itoobiya iyo Zenawi:

 

Muslimiinta Itoobiya ayaa lagu qiyaasaa 45% waa sida ay Zenawi iyo kooxdiisu ku doodaane, waxaa cadaadis xoogan, dil, dhac, boob iyo kufsiba u gaystay taliska Zenawi, iyo kuwii ka horeeyey oo la sheego in ay ushoodu ka kululeyd taa zenawi, waqti aan sidaa u sii fogayn ayeey ahayd kolkii 17 ka tirsan hogaanka Muslimiinta Itoobiya xabsiga loo taxaabay kadib kolkii ay ka biyo diideen in dusha lagaga keeno koox Zenawigu doonay in uu hogaan oga dhigo! Sida goob joogu ku waramay, koxdaa hogaanka lala damcay ayaa aaminsan aragtida waxa lagu sheegay |Axbaash|, arimahan oo habayaraatee kooxda Zenawi ay qarsoodi u diideen, oo waxaa si rasmi ah qalabka warbaahinta ee la iska arko toos looga baahinayey in wixii aan |axbashtaa|ahayn ay yihiin dad xag jirnimadu madaxmartay islamarkaana ujeedooyin qarsoon leh! Waana sababta hor iyo horaanba keentay in dibad bax xoogan iyo shaqaaqado ay ka dhacaan xarunta dalkaa Adisababa sababta kacdoonkii Muslimiintu ay ku diideen kooxahaa maqaarsaarka ah.

15kii August, 2012 Ururka u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International  ayaa qoraal dheer oo ay ku dhaleecaynayso maamulka Zenawi ka soo saaray dhibaatada aan qarsoodiga ahayn ee lagu hayo musliminta ku dhaqan Itoobiya, marka lagaba soo tago tan qowmiyadaha kala duwan ee geyigaa. Qoraalkaa ayaa lagu codsaday in ooda laga rogo dhamaan dadkii Muslimiinta ahaa ee xabsiga loo taxaabay iyo in hoos loo eego waxa ay dalbanayaan muslimiintu! Goor sii horaysay waxaa geyigaa uu Zenawi ka talinayey ka hana qaaday Jabhado dhowr ahaa oo dhan walba ah, min bariga illaa galbeedka itoobiya, kuwaa waxaa ugu caansanaa Jabhada Xoraynta Oromada, jabhado dhowr ahaa oo ay Soomaalidu laahaayeen, ONLF iyo tii Itxaadka ee goortii dambe Maamulka Zenawi isu dhiibtay!

Muslimiinta Itoobiya oo aan qoraal dhan u gaadh yeeli doono! Ayaan hadana waxaan jeclaystay in aan idinla wadaago intan yar oo aan isleeyahay waxay horudhac u noqon kartaa wax un ku aadan garashada Muslimiinta Itoobiya! Gabagabada qoraalkaygan gaaban oo aan ugu talagalay baroor-diiqda odayga ka baxay dagaal-oogayaasha Soomaalida, waxaan ku soo af-xidhayaa baaq uu Soomaalida u jeediyey Dr.Raabi habeenkii taariikhiga ahaa 26kii bishii December 2006 ee ay daafi-qudhunley soo gaadhay xeebaha Soomaaliya oo ay tan iyo intii ay jirtay ay ku riyoon jireen. Goortaa odaygu waxa uu joogay Ottawa xarunta dalkaa Canada. Baaqan oo runtii dhab ka hadal ahaa waxaad mar iyo marar kaleba ka dhagaysan kartaan aqalka loo dhan yahay ee http://agabsame.com

Baaqii uu Dr.Raabi u jeediyey Soomaalida

xiligaana waxa uu u dhigay sidan;

Waxa aan salaan iyo hambalyo u jeedinayaa muwaadiniinta Soomaaliyeed meel walba oo ay ka joogaan dunida, gaadh ahaan kuwa Minnesota ee ka dhiidhiyey xaalada aan maanta ku jirno ee cusub iyo waqtiga ummadda Soomaaliyeed ay haatan ku jirto. Ummadda Soomaaliyeed waxaan leeyahay dulqaado, calool adayg, Alle ka cabsi hala cuskado! Xusuusna hala yeesho wixii ina soo maray, oo dib ha la isugu noqdo oo aan is-xisaabino qof iyo wadar ummadda Soomaaliyeed. Intaa markii ay soo dhaafto anigu waxaan doonaya in aan dhowr nuqdadood u soo jeediyo Umadda Soomaaliyeed meel ay joogtaba;

  1. I.            Waxa aan leeyahay ninkii |Amaxaar illaah u ahaayoow Xamar waa la galay|! Ninkii Ilaahay Alle u ahaayoow Inna-allaah xayun baaqiyun |Ilaahay waa hadhay|. Sidaas baa la kala noqonayaa labadaasi!
  1. II.            Waxa maanta Soomaali haysta, guul daradda meel walba gaadhay ee Soomaalida ku dhacday, waxay ku timid dunuubteena, duruuf iyo adigoo Soomaaliyeed runtii taas weeyaane fikiri waayey, u fiirsan waayey, diiday in wax laguu sheego. 20 sano ka hor 1986 iyadoo dhulku weli nabad u muuqdo baa waxaa laguu sii sheegay oo aan Soomaalida u soo sharxay qonofka dheer ee ay amxaaradu duulimaadka ugu jirto oo ay illaa iyo badda doonayso in ay ku gaadho, markii aan wax yaabo badan isu geegeeyey ee aan dhinac walba ka eegay, aan ku sii saadaaliyey in ay 2000 imanayso xamar iyo xeebaha Soomaaliyeed, taas iyo wixii kale ee la socda arimahaa ee galbeed iyo koonfur iyo Itoobiya ku saabsan, intii oo dhan 20kaa sanana waa la daba joogay cid wax ka soo qaadayna ma jirto shacab iyo dowlad midna. Nasiib daro weeye!
  1. III.            Taasaa sababta keentay, hasayeeshee 20kaa sano cadowgu iyo inta hiil iyo hoo had iyo jeerba la garab joogta caqli cudud iyo xeelad waxba  lama aanay harayn, habeen iyo maalinna waa u soo jeedeen oo arintaa waa ay ka shaqaynayeen. Haday noqoto Soomaali wax kale ayaa lagugu jeediyey! Adigaa isu jeeday qabiil baad u jeeday! Burburka noloshaada iyo dalkaaga iyo dowladnimadaadana adigaa laguu adeegsaday adiguna ma aadan arkayn! Adigaa qalab u noqday, xaabadii la shidanayey iyo qorigii wax lagu gubayey intaba adigaa noqday. Adigaana noqday sidii aad ku maahmaahaysay |Eey is cunaysa waraabe iskama celiso|, laguma jebinoo xabashiyi kuma jebin adigaa is jebiyey, adigaa isu gowracay, adigaa caloosha isaga soo riday, taasna waxay ku dhacday diidid aad diiday in aad hoos wax u daydo, war u fiirsada, war sidan ma ahan, war sidan ma ahan! Hadaan reer hebel nahay!!! Hadaan reer hebel nahay!
  1. IV.            Intaas hadii aan ka soo gudubno, taariikhdu waxay ina baraysaa caasimad la galo oo cadowgu galo Soomaali gaadh uma ahan, guuldaraduna aadanuhu waa ka simanyahay, guushuna waa meerto ninba waa maalin, maanta waa adiga berina waa kan kale, Moosko iyo Baarliin intaba waa la galay, maantana waa wada xor, adisna waa la galay ninkii aan ogaynoow,  lana geli doonee malaha, Tan kale duruuf iyo shuruudihii keenay guuldaradda isla kuwaas oo kale un baa lagu gadhaa gacan sarayn iyo liibaan kama dambayn ah oo lagu waaro.
  1. V.            Maanta waxaa ku soo maray ee aad aragtay Soomaaliyeed lacala in uu dhaayuhu kuugu furmo, in ay aragtidu kuugu miiranto, in aad wax ku kala soocda hada kadib, samaan iyo xumaan in aad kala soocdo, run iyo been in aad kala garato, tuug iyo aamin in aad kala ogaato, lacala in ay wax kuu tarto, lacala markuu ilaahay ku haleeshiiyo taa oo aad qaado dariiq nololeed cusub oo heer sare iyo dadnimo sare aad ku gaadho, in aad ka gudubto silica iyo dhibaatada aad ku soo jirtay 20 sanadood, kagana gaashaamato dhibaatadda joogtada ah ee cadowga iyo inta uu gaashaan buuraysto ee qarniyo soo socotay, laakiin lagugu kari waayey in aad hoos u eegto oo aad aragto.
  1. VI.            Waxaan kaga hadlayaa khaa’imiinta, kuwa cadowga gaashaan buuraystay ee cadowga ku soo hogaamiyey dalkoodii hooyo, dadkiina laayey, damiir la’aan iyo been xirribaha soo xiirtay, oo xumaan iyo qas iyagga oo ku jira iska dhigaya sida in ay dadka wax tarayaan, oo nabadii yarayd ee timid burburiyey, oo cadow ku soo hogaamiyey, oo ay gaalo guul ku sheeganayso in ay baabi’iyeen dadkii Soomaaliyeed iyo mashaayikhdoodii iyo dadkodii baabi’isay, kuwaasi in aan waxba laga dhagaysan! Waayo xeer uma leh, xurmayna uma leh, xikmadna uma hayaan, awoodna uma leh in ay ummadda Soomaaliyeed u taliyaan, oo ay aayahooda dambe sugaan, khaladadii ay markii horeba ku jireen ee silsilada ahaa, badda khaladadooda iyo dunuubtooda ayaa ceeyoon dib u liqi doonta waad arki doontaan! Ummadda Soomaaliyeedna nac iyo nacalad ayeey ka mutaysteen. Waxayna ka galeen jariimado waa wayn oo aan xad lahayn oo lagula xisaabtami doono markii nolol lagu gaadho. Waxay dhag xumo ka mutaysteen aadanaha is xurmeeya ee sharafta leh ee gobanimadda jecel, oo ilaahooda yaqaana, kuwaas ayeey magac xumo ka qaadeen. Waa kuwii Jarmalka soo raacayey ee faransiiska ahaa, kuwii ruushka ee Hitler raacay, kuwa aan waxba ahayn ee lagu adeegto ee uur dooxa ee aan damiirna lahayn! Waayo ninkii hooyadii khiyaanay ee midida caloosha ka geliyey, cid doonaysa ma jirto waa adinkaa arkaya oo London lagu sumaynayo, ifka cawaaqib xumaa sugaysa, aakhirana cadaabtii ilaahay baa lala sugayaa! Iyagu halkaas ayeey ku dhamaanayaan, inta ay sii muuqdaan waa inta ay danta laga leeyahay dhamaanayso, hadhowna waxay u tuurayaan sidii kab xun oo go’day oo lagu maray safarkii bay u tuuri doonaan! Ama iyagaa god ku ridi doona waayo waxa ay og yihiin wax yaabo badan sidaa awgeedna ma sii dayn doonaan!
  1. Waxaan ummadda Soomaaliyeed leeyahay yaan la is dhiibin, dalka gudihiisa, geeska Soomaalida degan iyo dibadaha intaba yaan la is dhiibin, sidaan soo sheegnay dariiqa mustaqbalka iyo guusha labaduba waa ay furan yihiin, hal haynteenuna ha ahaato |Allah waaxid Soomaali waa mid|.
  1. Hadii ay noqoto dhaqdhaqaaqina aad Dunida oo dhan ka qabanaysaan gaadh ahaan Minnesota, oo aan idiin kugu soo habalyaynayo! Waa in aad ogaataan in ay tahay bilowgii, talaabadii ugu horaysay socodkii dheeraa, ee aan dib ugu hantinaynay dowladnimadeena iyo ummaddnimadeena, maanta labadiiba way lumen waa la waayey, intaad saluugnayd ee sida bisaaska iyo eeyda isu cunaysay baa kubadii gobonimadda, garaadka, iyo madax banaanida wixii oo dhan waa lagaa dhex qaaday, qofna waad dhagaysan wayday, cid aan reer hebel ahayn ma fahmaysid wax kale oo aad maqlaysaa ma jiraan, kuwaasina xaabay noqonayaan, illaahay qiil ah u bixiyo ummadda Soomaaliyeed baaqiga Baraka leh, illaahay ha u bixiyo cid wax kala garanaysa, oo ilaahooda taqaana, oo xumaan iyo wanaag u kala soocan yihiin, oo xagga loo socdo iyo tan lagu dhimanayo kala garanaya oo ilaahay iftiin siiyay!
  1. IX.   Waxa aan ku soo murtiyeynayaa, Soomaaliyeed wax ka dhagayso hadii aad doonayso in aad noolaato, hadii aad doonaysid in aad is dabaqabato, hadii aad doonayso in ay wax kaa hadhaan, hadii aad doonayso in aad cidhibtir ka baxsato, in lagu cidhib tiro oo dowladnimadaada la baabi’yo ummaddaada la xasuuqo, si alaale iyo sidii la karaba laguu xasuuqo! Hadaba wax ka dhagayso inta alle kaa dhaliyey, waa Soomaali adigaa dhalay, adigaa soo dhaqay, adiga ayuu kaa naxayaa, waa ilmahaagii, inta illaahay garaad iyo aqoon gaadh ah u siiyey arimahaas, iyo sidaad ku noolaan lahayd, hadii aad doonayso in aad noolaato, wax ka dhagayso kuwaa! Intuu ilaahay garaadkaa iyo aqoontaa gaadhka ah siiyey, oo misana uu geesinimo iyo kalgacal ma guuraan ah kuu geliyey ee ummaddooda jecel! Oo u socda |Sawiyan calaa siraadin mustaqiim|, labadooda lugood ku socda oo dariiqii saxa ahaa ku socda, wax kala arkaya xagay u jeedaana garanhaya, intaad kan madaxa ku socda ee jarka ka laalaada ee aad reer hebel intaad tidhaahdo daba socota indho la’aan iyo dhago la’aan! Anigu ummadda Soomaaliyeed maanta ahaan intaas ayaan odhanayaa! Halkan hadal kama dhamayn karo, ummaddana talo ay leedahay kuma aysan noolayn, illaahay isagaa ku cilmi leh, isagaana jeclaa! Anigana iisoo duceeya meel walba oo aad joogtaan! Waxaan filayaa in dadaalka aad ku jirtaan ay dadka oo dhami idinku daydaan!

Dr.Osman Raabi

Nabad Allaha Idin Yeelo – Aamin

Baroor-diiqdii oo intaa inooga eg! Hadii eebbe yidhaahdo waxaa inoo balan ah qoraal goor dhow un iman doona oo aan oga waramayo Muslimiinta Itoobiya kuwa afka Soomaaliga ku hadla iyo kuwa kaleba iyo xaaladaha qadhaadh ee ay wajahaan habeen iyo maalinba.

MAQAALKAAN OO PDF AH HALKAAN KALA DEG

Sheriff Osman

Investagative Reports and Editors

webmaster@agabsame.com

(Maqaal) Barakacayaasha Muqdisho oo loo isticmaalo ololaha Doorashada!!

Bismilaahi Raxmaani Raxiim .

Maqaal Xiiso Leh:- Waxaan maqaalkaan ku soo qaadanayaa dhacadooyin xanuun badan oo markasta ka dhacda magaalada muqdisho dhacdadaas foosha xun waxaana lagula kacaa dadka aadka u nugul oo ku jira Kaamamka tirada badan ee ku teedsan magaalada Muqdisho.

SIdaan la socono waxaa si xowli ah uga socda magaalad Muqdisho Olole doorasho tii ugu yaabka badnayd waxaa 10 bari kadib la filayaa in ay dhacdo doorashadii madaxweynaha Soomaaliya taas oo ay u tartamayaan inta la ogyahay ku dhawaad 60 musharax, waana doorashadii madaxweyne Soomaaliyeed lagu doorto in kabadan 45 sano oo ka dhacda dalka gudihiisa.

Waxaa doorashadaan leedahay waxyaalo badan oo murugo ka muuqato waxaa socda dhacdooyin aan wanaagsanayn waxaa hoteelo lagu soo xirtay oday dhaqameedyo, waxaa laga saxiixay qaarkood dad aysan raali ka ahayn waxaa qaar kale loo jeediyey hanjabaadyo, waxaa qiimo ad u sareeya gaaray kala gadashada Xildhibaanada, waxaa dhaqaale badan la siiyey rag xildhibaano horay u ahaan jiray si ay ugu laaluushaan beelahooda sidii iyaga xildhibaano looga dhigi lahaa, dhamaan waxaas oo dhan waxay ku tusaysaa in xaalada doorashada madaxweynanimada Soomaaliya uu gaaray heerskii ugu sareeyey taas oo aysan wax lamid ah caalamka ka dhicin,  balse dhacdada aniga xanuunka igu beertay waxaa weeye in dadka Barakacayasha ah oo noloshii la daalaa-dhacaya kuna jira bisha Barakaysan ee Ramadaan loo isticmaalo inay ka qayb qaataan banaabaxyo lagu taageerayo musharixiin.

Sideed arrinkaan ku dhacaa? Yaase mas’uuliyadeeda qaadanaya?

Waxaa jira Kaamam aad u faro badan oo kuyaala magaalada Muqdisho waxaa Kaam kasta uu leeyahay horjeege gacanta ku haya maamulkiisa lagana yaabo in xoogaaga loogu dhiibo uu san si daacad ah u siin,  waxaa hada ku soo siyaaday in Musharaxiinta qaar ka mid ah ay lacago siiyaan horjoogayaasha Kaamamka si ay uga qayb qaataan dadka Barakacayaasha ah soo dhaweynta musharaxaas ama ka qayb qaataan  mudaaharaadyo aan sharci ahayn taas oo sababi karta in ay ka dhashaan iska hor imaadyo dhiig ku daato sida kii u danbeeyey oo 8 bishaan ka dhacay Fagaaraha Sayidka ayna ku nafwaayeen laba katirsan Barakacayaasha kadib markii rasaas laysku furay.

Dadka Barakacayasha malahan ikhtiyaar ay wax ku diidi karaan hadii ay ka dhago adaygaana amarada dhaqaalo doonka ah ee la dul dhigayo waxaa loo jeediyaa hanjabaadyo saamayn ku yeelan kara noloshooda sida in laga saarayo Kaamka lagana jarayo cuntada laga siiyo Kaamka, dadkaa masaakiinta ah waxaa la siiyaa lacag yar marka ay ka qayb qaadanayaan mudaaharaadka  ayadoo lacagta inteeda badana ay qaataan nimanka horjoogayaasha ka ah Kaamamka, sababtoo ah waa adag tahay in magaalada Muqdisho aad hesho dad faro badan oo diyaarsan oo ka qaybqaata mudaaharaad ama taageera fikirkaaga.

Taas waxaa weeye arin xadgudub ah marka loo eego qawaaniinta caalamiga ah in sixun loo adeegsado dadka jilicsan (Vulnerable) waxaase yaab ah in musharixiinta yimid magaalada uusan jirin musharax deeq gaarsiiyey  ama booqasho ku tagay xerooyinka Barakacayaashu ku jiraan, waxaa intaas sii dheer in doorashadaani aysan ahayn (one man one vote) balse cida wax dooranaysa ay yihiin  275 xildhibaan oo kaliya sidaas daraadeedna aanba loo baahnayn isu soo bax dadweyne.

Gabagabadii iyo gunaanadkii waxaan talo kusoo jeedin in la xaqdhowro dadka masaakiinta ah oo ku dhibaataysan magaalada Muqdisho kuwaas oo duruufo ay kamid yihiin nolol xumo, hoy la’aan, iyo caafimaad daro ay ku haysato Kaamamka ay ku jiraan, baaritaana dowladdu ku samayso cidii masuulka ka ahayd dhacdadaas.

Fiiro gaar ah: Kani waa fikirkayga maahan mid ka turjumaya koox ama siyaasad kale.

By- Ahmed Farah
dhoodi222@gmail.com  

Gaas oo Ku dhawaaqay in Tuulooyinka Shariif Magacaabay ay sharci darro yihiin iyo Khilaaf xoogan oo ka dhax jira.

Khilaafka u dhexeeya madaxda kooxda Ridada ayaa sii xoogeystay xilli muqdisho ay kusoo qulqulayaan siyaasiyiin qurba joog xilal doon ah kuwaasi oo laga yaabo in ay ka faa’iideystaan ismari waaga u dhexeeya hogaamiyaasha TFG.

Inkastoo uu sii idlaanayo waqtiga xukuumadda Gaas iyo Madaxtinimada shariif ayay hadane gorodda isla galeen, shirar isdaba joog ah oo ay muqdisho ku yeesheen golayaasha wasiirada Gaas ayay ku eedeeyeen qaabka uu shariif Sheekh Axmed u dhaqmayo.

Markii Labaad ayay wasiirada Gaas kasoo horjeesteen tuulooyin uu shariif Axmed u aqoonsaday degmooyin isagoo taageero uga raadsanaya Odayaal deegaanadaasi kasoo jeeda oo lafilayo in ay xildhibaanno noqdaan.

“Golaha Wasiirada waxay adkeeyeen lagama maarmaanimada in warbaahinta qaranka aanay cid gooni ah u adeegin in ay shirci darro yihiin tuulooyinka degmooyinka lagu magacaabay”ayaa lagu yiri war xafiiska Gaas Kasoo baxay.

Khilaafka ayaa si shakhsi ah ugu dhexeeyo Gaas iyo shariif oo labaduba loo heysto in ay lacago ka xadeen waxa loogu yeero beesha caalamka waxayna safka uga jiraan liiska Tuugada ee uu soo saaray guddiga Dabagalka Q.Midoobe.

Musharrixiinta u taagan Xilka Madaxtinnimada Soomaaliya ee Muqdisho kusugan kuwooda aan ahayn Madaxda DKMGka ah oo ay Cabsi weyni soo wajahday kadib markii lagu dhawaaqay in Ilaaladooda Hubka laga dhigayo!!.

Kadib markii ay soo baxeen Warar sheegaya in Hubka laga dhigayo Ciidamada sugaya Ammaanka Musharrixiinta Madaxtinnimada Dowladda Soomaaliya ee aan ahayn Madaxda DKMGka ah, Ayaa saakay magaalada Muqdisho waxa ka  jira  iskudhexyaac iyo Cabsi soo wajahday Musharrixiintaas, Iyagoo qaarkood u qeylodhaansaday Caalamka kana codsaday in Arrinta Muqdisho ka socota lasoo farageliyo.

Musharrixiinta qaarkood ayaa loo adeegsaday Ciidamada AMISOM, Iyadoo Maxamed C/llaahi Farmaajo Gurigiisa qasab looga kaxeeyay laguna soo handaday Xarunta Xalanee ee ay Ciidamada AMISOM ku leeyihiin magaalada Muqdisho.

Madaxda DKMGka ah ee iyagu u sharraxan Xilka Madaxweynenimada Soomaaliya ayaa Ammaankooda waxa sugaya Ciidamada Shisheeye, Halka Musharrixiinta Soomaaliyeed ee xilkaas kula tartameysa Ilaaladooda la doonayo in Hubka laga dhigo, Si markaa loo argagax geliyo oo ay uga cararaan magaalada Muqdisho, Taas oo ay Musharrixiintaas qaarkood saakay durbadiiba ay ku dhalatay in ay isaga tanasulaan Utartanka jagada Madaxweynenimada Soomaaliya dabadeedna ay isaga laabtaan Qurbahii ay ka yimaadeen.

Qilaaf ba’an oo soo kala dhexgalay Madaxweyne Shariif iyo Ra’isulwasaare Gaas, Iyo Tuulooyin uu Madaxweynuhu Degmooyin ka dhigay oo Ra’isulwasaaruhu ku gacanseyray.

R/wasaaraha DKMG ah Cabdi Wali Maxamed Gaas ayaa kasoo horjeestay wareegtooyin isdaba joog ah oo shalay iyo maanta kasoo baxayay xafiiska Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, Waxana Cabdi Weli Gaas oo kulan deg deg ah kula qaatay golaha wasiirada ee DKMG ah Xaruntiisa uu sheegay in wareegtooyinka soo baxay ay yihiin kuwo fowda ah oo ladoonayo in sumcad looga raadsado Beelaha Somaaliyeed.

“Golaha wasiiradu waxay isku raaceen in aanay sharci aheyn Degmooyinka lamagacaabay wixii ka dambeeyay bishii July waxaana u aragnaa fowdo iyo khalkhal gelin qaran”Ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Xafiiska Cabdi Wali Gaas.

Arrintan ayaa kusoo aadeysa kadib markii Madaxweynaha DKMG ah uu shalay degmooyin u magacaabay tuulooyin dhaca gobolka Shabeelaha dhexe oo Beeshiisu ay degto isagoona maanta tuulooyin kale oo ka tirsan Gobollada Bay iyo Bakool degmooyin u aqoonsaday.

Haddaba Qilaafkan iyo Dabaaqtankan cusub ee u dhexeeya Shariif iyo Gaas ayaa waxa laga yaabaa inuu sii fogaado oo uu gaaro heer aad u xun, Iyadoo labadooduba ay haatan iska dhisayaan dhanka Beelahooda Maadaama uu Mugdi sii galayo soo noqodkooda.

Faroole”Madaxweyne Shariif iyo Wax Lamidaa loo Istaajin Maayo qorsha Road-Mapka, waana la saxiixay isaga oo maqan”


C/raxmaan Sh. Maxamuud Faroole oo kamidaa masuuliyiinta ka qeyb qadaneesa qorsha lagu ansaxinayo Road-mapka ayaa sheegay in uusan u Xayrmeynin Shariif Sheekh Arimaha rood Mo

p-ka, ka dib markii uu iskaga soo baxay shirkii oo dhex maryay.
Faroole ayaa sheegay in aysan saxiixayaasha u xayrmeenin Shariif oo shirka iskaga soo baxay markii ay qilaaf soo kala Dhex galeen saxiixayaasha Rood mop-ka.
“Waana saxiixnay waa sii socon doonaa” ayuu yiri Faroole.Hadalka Faroole ayaa ku soo aadaya Xilli ay Saxiixayaasha Rood Mop-ka ay Ajande ka soo saareen shirka, iyadoo shariif Sheekh ka mid aheyn.

“Dastuurka in la hirgeliyo waxaa ku baxay 50 million, waana dastuur ka mid ah 25-ka dastuur ee ugu horeeya adduunka,,Shariif “Murtad”

Shariif oo  oo ka hadlayey dastuurka cusub ee sida Kumeel Gaarka ah loo ansixiyey ayaa sheegay in shirkii ugu dambeeyey ee uu Nairobi ku tegey loogu sheegay in “Dastuurka in la qoro oo meeshaan la soo gaarsiiyo ay ku baxday 50 malyan”, waxana uu intaas raaciyey “50-ka malyan anigu ma arkin laakiin waa la ii sheegay.” Hadalkaas oo meel ka dhac ku ah caqliga 10 million oo Soomaaliyeed, maadaama  isagu madaxweyne ka yahay dalka dastuurka  loo qorayo uusan gebi ahaanba ka war hayn waxa ku baxay dastuurkaas.

Waxa kale oo uu sheegay in “Dublomaasiyiin/hay’ado ay u sheegeen in dastuurkaan maanta loo sameeyey Soomaaliya in uu ku jiro 25-ka dastuur ee ugu horeeya adduunka.” Shariif  Murtad ma uusin xusin hay’adahaasi cidda ay yihiin ama dalalka ay matalayaan, waxaase cad in aysan Soomaali matalin.

Waayo, Dastuurka sidaas loo amaanay, Shariifkuna ku raacsan yahay, Qodobkiisa 7aad oo ku saabsan “Dhulka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya”, waxa uu dhigayaa sidan: “Dhulka Jamhuuriyada Federaalka Somaliya ee khilaafaadka soohdimaha caalamiga ka dhasha in xallintooda loo maro tub nabadeed iyo iskaashi waafaqsan qawaaniinta Dalka u degsan iyo kuwa Caalamiga ah.” Malaha qodobkaa Shariifka sacabka ayaa laga saaray.

Meel kamid ah hadalkiisa Shariifku waxa uu ku xusay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay ayagu dareemaan oo ilaashadaan xuquuqdooda waddan. Laakiin ma uusan xusin in dastuurkaas aan shacabka Soomaaliyeed laga talo gelin, culimada Soomaaliyeedna ay si qayaxan uga soo hor jeesteen, kana soo saareen bayaano oo aan waxba laga soo qaadin, ayadoo sida qodobka sare cadaynayo WADANKA amam dhulka jamhuuriyadda lagu qabsan karo ama muran la gelin karo.

Sidaas daraadeed hadalka Shariifku wuxuu u muuqanayaa mid jees-jees ku ah caqliga shacabka Soomaaliyeed, maadaama uusanba war u ahayn waxa ku baxay hirgelinta dastuurkaas, isagoo madaxweyne u ah xukuumadda dhaqan gelineysa.

Dastuurka oo Si Kumeel Gaar ah loo ansixiyey ayadoo ay madasha ka maqnaayeen 180 xubnood oo kamid ah Ergeydii 825 ahayd

Waxaa maanta (Arbaca Agoosto 1, 2012) magaalada Muqdisho si kumeel gaar ah (KMG) lagu ansixiyey Dastuurka Soomaaliya.

Goobka Dastuurka KMG lagu ansixiyey waxaa soo xaadiray 645 ergey oo kamid ah 825 ergey ee la donayey in ay Dastuurka u ansixiyaan si KMG.

Waxaa markaas, ayadoo goobta ay ka maqnaayeen 180 ergey, cod loo qaaday ansixinta Dastuurka KMG. Waxaana 645 ergey ee soo xaadiray madasha ay u codeeyeen sidan:

  • “HAA”: 621 ergey
  • “MAYA”: 13 ergey
  • “KA AAMUSAY”: 11 ergey
  • “Ka Maqnaa”: 180 ergey

Sidaas ayaa markaas waxaa madasha looga dhawaaqay in Dastuurka loo ansxiyey si kumeel gaar ah (Dastuurka KMG), taas oo macnaheedu yahay in dastuurkan KMG lagu sii dhaqmi doono ilaa inta ay wax ka bedelayaan Baarlamaanka cusub ee la soo xuli doono, kadibna afti dadweyne loogu codayn doono.

Sidaas ayaa markale Soomaaliya waxay ku yeelatay Dastuur Kumeel Gaar ah (Dastuur KMG).

Dastuurkan ayaa waxaa ku jira qodobo badan oo ay culimada Soomaaliyeed ka hadleen oo aan u cuntamayn mujtamaca Soomaaliyeed. Sidoo kale waxaa ku jira qodob muran gelin kara dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

DFKMG ee hadda jirta ayaa horaanntii 2009 waxaa lagu soo dhisay magaalada Jabuuti. Bilo kaddib, ayaa Fadhi ay Golaha baarlamaanka DFKMG Sabti April 18, 2009 ku yeesheen xaruntii hore ee Gaadiidka Booliska ee magaalada Muqdisho oo uu shir guddoominayey guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha baarlamaanka DFKMG, Cismaan Cilmi Boqorre ayaa lagu ansixiyay in Dalka Soomaaliya lagu dhaqo shareecada Islaamka.

Laakiin isla bilo kaddib (Nov 2009) ayaa Madaxweynaah DFKMG waxa uu beesha caalamka u xaqiijiyey in Dawladdiisa oo uu markaas ugu yeeray “Dawladda Midnimo Qaran ee Soomaaliya waxa ay noqoneysaa Cilmaani (Secular),” Sidaas waxaa wakiilka AU u “xaqiijiyey” Sheikh Shariif Sh. Axmed…. Akhri (VOA). (Secular: waxaa lagu qeexaa aan diin iyo aakhiro toona shaqo ku lahayn). Midowga Afrika (AU) waxay Agoosto 1, 2012 soo saareen warsaxaafadeed ay ku muujinayaan hambalyo in la ansixiyey Dastuurka KMG , Provisional Constitution, (Akhri Hakan)

Baarlamaankii Ansixiyey in Shareecada Islaamka lagu dhaqo Soomaaliya waxaa laga dhigay hawl-gab ayadoo aysan jirin meel lagu kala diray, ayaa waxaa la soo xulay odayaal la isugu keenay Muqdisho, kuwaas oo la hor dhigay in ay ansixiyaan Dastuur kaduwan (kii xitaa guddigii madaxa bannaanaa soo diyaarinayeen muddada).

Lama dhegeysan shacabka Soomaaliyeed iyo culimadooda oo si weyn uga soo horjeestey dastuurkaas iyo weliba qodobo ay culimadu ku qeexeen in ay ka hor imanayaan Shareecada Islaamka iyo qodobo uu kamid yahay qodobka 7aad oo muran gelinaya dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya (Qodobkaas oo lagaga soo daray Nairobi, taas oo in badan indheer garadka Soomaaliyeed ay u fahamsan yihiin qodob daba socda heshiiskii Is-afgarad ee DFKMG iyo Kenya kaas baylahda gelinayey badda Soomaaliyeed, balse qodobkan 7aad uu dhulka Soomaaliyeed in muran la gelin karo. Waxaana xusid mudan in baarlamaankii diidey heshiiskaas uu yahay kan hawlgabka laga dhigay, si xeeladaysan.)

Banaadir Post.

DKMGka ah oo shaacisay in Dastuurkii la ansixiyey iyadoo ay jiraan warar sheegaya in Ergadii Ansixin lahayd intoodii badneyd ay ka kala carareen Hoolka Shirku uu ka socday kadib markii qarax ismiidaamin ah uu ka dhacay Afaafka hore ee Hoolka.

DKMGka ah ee Soomaaliya ayaa Maanta si rasmi ah u shaacisay in Dastuurkii buuqa badan keenay la ansixiyey Maanta, Iyadoo ay jiraan Warar sheegaya in Xilligii DKMGka ah ay ku dhawaaqeysay in Dastuurka la’ansixiyey ayba Hoolka Shirka ka maqnaayeen Ergadii ansixin lahayd Dastuurka intoodii badneyd oo ay ka kala firxadeen Hoolka maadaama uu qarax weyn ka dhacay Illinka hore ee Hoolkii Shirka lagu qabanayey, Waxana halkaa isku qarxiyey baa la leeyahay 2 qofood oo isasoomiidaamiyey, Iyadoo uu halkaa ka dhashay qasaaro dhimasho iyo dhaawacba isugu jirta.

Mahiga iyo Madaxda DMGka ah ayaa ka faa’iideystay kala yaaca iyo Anfariirka ku yimid Ergadii Dastuurka ku muransanaa ee loo sheegay in uusan Maanta la dhaafin Ansixintiisa, Wasiirka Dastuurka ayaa sheegay in Dastuurkii si aqlabiyad ah lagu ansixiyey, Iyadoo sidookalena Ra’isulwasaaraha DKMGka ah uu sheegay in Maanta ay Maalin farxadeed u tahay, Sida uu hadalka u dhigay.

Lama oga Go’aanka ay ka qaadan doonaan Odayaashii iyo Culimadii ka digay in Dastuurkaas qallafsan xoog lagu ansixiyo, Waxase muuqda in Mahiga iyo Horjoogayaasha DKMGka ah ay iska dhego-tireen Baaqyadii isdabajoogga ahaa ee ka imanayey Waxgaradka Soomaaliyeed.

Banaadir  Post.