Xasan Gurguurte waa nin ka arradan siyaasadda! Waaba nin jecel inuow cadow isu sameeyo! Wuxuu keenay in Shakuul ,Gaandi iyo tartamayaal kale u daayaan Axmed-madoobe sheegashadiisa madaxweynaha Jubbaland!
Waxaa soo dadejiyey markii Xasan Gurguurte ka adeejiyey wasiirka arrimaha gudaha, C/Kariim inuu ku hadlo haddalo qabiil ka dhadhamayo! Waxaa intaas dheer waxaa hadlay Xaad iyo Diiriye! Waxaa Jubbaland ka soo horjeestay Galmudug iyo Ximan & Xeeb! Intaas markay arkeen nimankii ku qabiilka ahaa Axmed-madoobe baa yiri oo hadday gobolladaas iyo qabiillooyinkaas ka soo horjeesteen Axmed-madoobe; ma isagaa geed ka dhashay!
Waxaa intaas dheer, Xasan Gurguurte markuu u baahnaa taageero buu Somaliland madaxa ku diiray, weliba waqti ay Somaliland ku jirto dabbaaldeg!
Waxaana dhinaca kale isku saf ka soo wada jeestay Faroole,Gaas,Cumar Sharma’arke iyo Ina Ileeyga Xabashida.
Faroole ayaa Shir Jaraa’id ku qabtay xuruntiisaa cusub ee Garoowe, Faroole ayaa yiri, Axmed Madoobe iyo ku xigeenkiisa Fartaag waan u hanbalyeynaynaa, wuxuuna intaas raaciyey Dadkii diidanaa Maamulada in ay dhibayso doorashada Axmed Madoobe.
“kuwii doonayey in Somaliya iska dabawareega ka bixin Guuldaro ayaa u soo hoyatay Maanta”
Siilaanyo, Faroole iyo Cabdi Ilay oo Itoobiyaan ka Amar qaata ayaan maaro u weynay iyo Xassan Gurguurte oo Uganda iyo Burundi ay waardiye ka hayaan, hadda Kenya ayaa ku soo biirtay in Soomaaliya qayb kamida ay ka taliso oo horjooge u samaysato.
Hogaamiyihii hore ee Puntland Gen.Cadde Muuse Xirsi ayaa afka furtay kadib markii shan bil ka dib shir jaraaid ku qabtay Magaalada Qardho.
Cadde Muuse ayaa sheegay in Muddo uu ka aamusnaa kahadalka Xaalada Puntland laakin haatan ay dantu ku qasabtay inuu hadlo.
Wuxuu sheegay xisbiyadda uu ku dhawaaqay Faroole inaysan udhameestirneyn sharcigooda islamarkaana ay jiraan kuwa ka kooban sadex ama laba qof.
Cadde Muuse ayaa tilmaamay inay xaalada Puntland maalin kasta ay sii xumaanayso wixii uu kadigayana ay dhaceeen.
“Arinka maalin kasta way sii xumaanaysaa wixii aan ka digaynay waa tan ay dhaceen oo ciidamdii gadoodeen oo magaaladii Boosaaso iyo meel kasta ka guuxayaan waana wixii aan mar kasta dhahaynay halaga wada hadlo”ayuu yiri Cadde Muuse.
“mudo shan bilood ah oo aan kormeer ku marayay deegaanada kala duwan, Shacbigu waxay ilahaayeen Cade Muxuu la aamusanyahay oo uu u hadli waayay, waxaan u sheegayaa in aan la aamusnaa wadanka in ay qalaaso ka dhacdo marabin, Isimadii baan arkay, Dowladii baan arkay oon ku noq noqday anigoo danteyda aheyd in la wada hadlo oo dadka la isku keeno” sidaasi waxaa yiri Gen Cade.
“Puntland kuma socanayso anagaa niri sidaasi hala yeelo”ayuu yiri isagoo ula jeeday Faroolaha xooga ku haysta shacabka uu utaliyo.
“Waxa hada laga shaqeynayo ma ahan nidaaam saxan, waxaa ka maqan shuruudihii la rabay oo dhan, dimuq raadiyad waan rabnaa laakin sidaan ay wax u socdaan ma ahan kuwo saxan” ayuu ka yiri Cade Muuse.
Cadde Muuse ayaa si kulul u weeraray Baarlamanka Puntland oo uu ku tilmaamay inay wax badan oo danbi ah galeen.
Qabiiladii Soomaaliyeed ee Xarakada Al shabaab Almujaahidiin ay ku Walaaleeyeen Shareecada Islaamka ayaa ee Nabadda iyo Walaaltinimada Islaamka kuwada noolaa ayaa Wadaaddo Ictisaama oo xukun doon ah Madaxa isku galinayaan, Maxamed Ibraahim Shakuul gacan yarihii Sheekh Maxamed Umal iyo Sheekh Maxamuud Shibile waa kaas Odayaasha Absame iyo Adeerkood inta Kismaayo ku shiriyey yiri, Beelaha Hawiye Odayaashooda u sheega Kismaayo Daarood in uu leeyahay.
Musharax Sh Shakuul Qasnajiga Ictisaam ayaa kismaayo kulan kula qaatay Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka beesha Harti oo ka rabo inay gacanta Kismaayo loo galiyo isaga oo wakiil ka ah Kenya oo xoog ku joogta magaalo xeebeedka Somaliyeed ee Kismaayo.
Waa Kuma Sheekh Maxamed Ibraahim Shakuul?.
Shakuul, waa Nin Maraykanka Gobalka Tennessee Imaam Masaajid ka ahaan jiray, wuxuu Muddo 10 Sano kudhow joogaa Kenya, waxay ganacsi, Hoteello, Suuqyo iyo Guryo ganacsi wadaagaan Sheekh Maxamed Cabdi Umal iyo Sheekh Maxamuud Shibile, dhinaca kale haddii laga eego Shakuul, Sh, Umal iyo Shibile waa isku Qabiil, waa isku Urur waana Saaxiibo, waxaa Muslimiin badan noo xaqiijiyeen in Shakuul Markii uu Maraykanka katagayey uusan lacag haysan, Wadaaddadaas waxaa la leeyahay Asagaa sabab u ahaa Isdhiibitaankooda, waxaa naloo sheegay in uu ushaqeeyo Sirdoonka Reer Galbeedka, waa Ninka xattaa Itoobiya u dhiibay Jamhaddii Soomaali Galbeed.
Waxaa laga yaabaa in aad tiraahdaan maxaad hadda kahor noogu sheegi weydeen?, inta aanan ka jawaabin su’aasha Akhristayaasha, haddii aan idin weydiino ka warama oo oga jawaabno soo ma wanaagsana in aad Afkiisa ka maqashaan Asaga oo leh, Jaajuus ayaan u ahay Reer Galbeedka?. Shaki kuma jiro Qofkii dhagaysta in uu si deg deg ah u fahmayo cidda Shakuul u shaqeeyo, xattaa wuxuu Ninkaas Afkiisa ka leeyahay waxaa ka xishooda Barre Hiiraale, Cabdi Qaybdiid, Yuusuf Badageed iyo Faroole.
Muxuu yiri Sheekh Maxamed Ibraahim Shakuul?.
Wuxuu yiri,
1- Itoobiya iyo Kenya Xaq ayey u leedahay Arimaha Jubbooyinka in ay ka hadlaan,, waayo Dad ayaa oga dhintay!, Dhaqaalo ayaa oga baxay, Ninkii yiraahda kama hadli karaan Kenya iyo Itoobiya Arimaha Jubbooyinka waa Nin doqon ah oo aanan waxba kala ogayn”, Tolow Itoobiya iyo Kenya goormay Xaq u yeesheen in ay noo taliyaan ama talada nala wadaagaan?.
2- Wuxuu yiri, “Waxaan u mahadcelinaynaa da’daalka ay wadaan iyo sida ay u taageerayaan Soomaalida”, Tolow Kenya iyo Itoobiya raashin nama siine ma waxaa looga mahad celinayaa xasuuqqii ay noo gaysteen?.
3- Wuxuu yiri, “Kenya Xaq ayey u leedahay in ay hubiso waxa ka jira Jubbooyinka, waayo bahalagaleen ayey noqonaysaa, marka waa in ay hubiyaan si aan looga soo weerarin oo dalxiiskooda aan dhib loogaysan”, Tolow Jubbooyinka Shareecada Islaamka waxaan ahayn miyuu rabaa Shakuul in laga hubiyo oo laga baaro?.
4- Shacabka Jubbooyinka waxay xaq u leeyihiin Dastuurka la isku raacay ee dowladda Federaalka xaqqa uu siinayo in ay qaataan oo maamul dhistaan, cidna uma diidi karto!” Tolow yaa isku raacay Dastuurkaas?,
5- :Caalamka la’aantiis lama noolaankaro, waayo waxaa loo baahan yahay Baasaboor, Diyaarado iyo isdhexgal, Ninkii yiraahdo Dad ayaan meel ku xaraysanayaa Dunida kale waxba laqabsan maayo waa wax aan suurta gal ahayn”, Tolow gaalo iyo Shareecada Islaamka kee laga maarmaa ?, Yaa Caalamka iska leh waa Asaga gaalada siinaya Caalamkee?, yaa waaye Rabul Caalamiin?.
6- Wuxuu yiri, “Caalamku waa State Holder, lagama maarmo, taladana waxbay ku leeyihiin, waxa laga hadlayana ma ahan, Biyo, Bad, waa Arimo la xiriira Amniga waa (Security Issue) xaqbayna u leeyihiin in ay ogaadaan”, Tolow Shakuul ma og yahay, Wadamo aanan UN hoos tagin in ay nool yihiin?, Tolow Shakuul ma og yahay Ilaahay Caalamka oo dhan in uu ka maarmo?.
Warar aan ka helayno Siyaasiyiin ku sugan Wadanka Kenya gaar ahaan Magaalada Nairobi ayaa xaqiijinaya in Xassan Gurguurte iyo Uhuru Kenyatta ay isku fahmi waayeen Siyaasadda Jubbooyinka, Xassan Gurguurte ayaa jawaabtii la siiyey noqotay,
(The Head of State noted that the decision by Kenya to move into Somalia and be part of the AMISOM peace keeping force of the African Union)
“Waxaa Madaxtooyada Kenya cadaysay, go’aanka Kenya ay ku joogaan gudaha Soomaaliya in uu qayb ka yahay Ciidamada Amisom ee ah Africaanka Midoobay ee Nabadda Ilaaliya”.
Wararka aan Siyaasiyiinta Kenya ku sugan ka helayno, ayaa sheegay in Uhuru Xassan Gurguurte ku yiri, “Aniga haddaa Kenya la ii caleema saaray, waxba Siyaasadda kalama socdo, Wasiirkii Gaanshaandhiggana lama kulmin, marka waad ku mahad san tahay sida aad oga soo qayb gashay caleemasaarkayga, Ciidanka Kenya waxay kamid yihiin ciidamada Amisom”.
Xassan Gurguurte ayaanan hadalkaas jeclaysan, wuxuuna sheegay in Magaalada Kismaayo xoog ay ku haystaan ciidamada Axmed Madoobe ee Raaskanbooniga loogu yeero. Siyaasadda Soomaaliya ayaa waxaa isku hardinaya Baadari Yoweri Museveni oo Uganda Madaxweyne ka ah, Kenya iyo Itoobiya.
Wakhtigaan waxaa Dalka Itoobiya iyo Uganda ku sugan Wafti Xassan Gurguurte u diray oo ay kala hogaaminayaan Wasiirro iyo Ra’isalwasaaraha xukuumadda Ri’dada ah Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.
Magalada Kismaayo oo dabayaqadii sanadii 2012 kii ay duulaan cir iyo dhul ku soo qaadeen ciidamada shisheye ee kenya tasoo suura galisay in si toos ah ay u qabsato magalada Kismayo oo ay maamulayeen 5 sano la soo dhaafay ciidanka Mujaahidiinta Xaraktul shabab Mujaahidiin.
Aragtidii ugu badneed ee laga bixiyay soo galistii ciidamada kenya ayaa ehayd in ciidanka kenya in ay qabsadeen magalada kismayo iyo dhamaan goblada Koofurta somalia walow ay jireen dad qabay fikrad ka duwan taas oo ehayd in uun mesha laga saraa mamulkii xukumayay 5 sano ugu danbeesay magaaladaasi walow markii danbe xaalku seey filayeen u noqon wayay oo si toos kenya u qabstay magalada ayadoo garab ka helee koox ay saxiib la tahay.
Kismaayo oo markii ay qabsaden ciidamada shisheeye ee kenya waxaa soo ifbaxyeen wajiyo fara badan oo kala duwan haba ugu horeyaan kooxo doonaa in mar ay ka noqdaan gobalada jubooyinka madaxweyne Gobaleed iyo kooxo dane qarsoon wato tasoo midba dantiisa qaaska uu doonaa in u ka dhax argo maamulka lagu wado in laga dhiso jubbooyinka.
Waxii ka danbeyay markii lagu dhawaaqay in la sameynaa mamul gobleed la doonaa in loogu magac daro Jubbaland kasoo durba qeylladhan badan xooga ay ka soo baxday qeyba badan o shalay aaminsana in looga xoreynaa magalada Xarakadii Shababul Mujahidiin walow xaalku sida noqon wayay oo ay cadaatay in kenya rabto in koox gooni ah ay siiso maamulka jubbooyinka
Kismayo Ma Noqon Kartaa Magaalo u Ka Hirgali Karo Nidaamka Jubboyinka Loogu Magac daray.
Anoo laba u kala qadaa marka hore shaqeynta maamul laga dhiso shirka kismayo waxan ku bilabaa .
1: Maamul ka soobaxo shirka kismayo waxuu shaqeyo wa inta ciidanka kenya ama taangiyada kenya jogaan jubooyinka waayo hadii ay ka baxaan ciidanka kenya waxa hubaal cad ah in kismaayo noqonee sidii Magalada Xudur o kale.
waxa kaloo hubaal ah hadii maamulkaasi lagu wado in laga dhisaayo jubbaland ay dhicikarto in siyaasiyiin badan ay durba ka kenan qeylla dhaan wa hadii ay dantooda ka wayaan.
2: dowladda uu madaxda ka yahay saacid ayaa si toos u shegtay in aysana marna aqoonsanen waxa ka socodo shirka kismaayo waxii ka soo baxana aysan aqoonsan doonin tasoo ku ah kooxda kismayo ku shiree dhibato kaga soo sokeeso inteysanba bixin ciidanka keyna oo hadey baxaan shabab ay si toos ah ula wareegi doonto magaalada kismayo
3:Hadase waxaa dhulkaasi Maamul loo sameeyo ku heshiin la’ qabaa’iladii, iyadoo sidoo kalana ay arrintaasi ku kala qeybsan yihiin dowladda Soomaaliya iyo Maamulka KMG ah ee Axmed Madoobe mid walibana waa uu isla saxsan yahay
Axmed madoobe aya asgoo qabo fikir ah in uu xaq u leeyahay in u meel marayo shirka kismaayo asoo ku andaconaa in loo wada dhanyahay o aysana ka maqneen rer gooni ah waloow ay jiraan dad badan oo qeylladhaan ka kenay in an loo dhameyn sharikaas tasoo keeni karto dagaalo horleh oo ka dhaco gobalka jubbooyinka.
Mala oran karaa qabsashadi kenya ee kismaayo kooxda Icti’saam Baa wax ka ogeed
shalay ayaa mar quraa waxa is badlay aragtida qeyba ka mid ah dadki aamisanaa in kooxda culumaa’usuu ka ah ay ahayen culuma fiican oo ka shaqeynaa maslaxada umuda somaliyeed tasoo ay in badan ku dhaleeceyeen ciidamada mujaahidiinta oo lagu sheegay in ay diideen in ay wax ka maqlaan kooxda leextay ee ictisaam walow waxii shalay shababul mujahidiin ka digeen soo baxeen
Waxba waxa ka daran shalay ayey aheed markii madaxii dhaqaalaha e kooxda ictisaam Shukul u si toos ah u tagay magalada kismaayo asoo leh waxaan ahay musharax u taagan jagada Jubbaland tasoo bananka soo dhgtay qeylladii kooxda ictisaam madama ay si toos ah ugu biireen maamulka daba dhilifka asoo ku andocooday in ay tahay wax wajib ka saran yahay in u noqdo madaxweyne jubbaland asoo amaanay dustuurka dhaaguutka ah e u yaal kooxda Fadaraalka.
Fariin Ku Socoto Kooxda Kismaayo ku Shiree iyo Ictisaamka Garab Taagan
Somalida waxa ay tiraah nin waxa tagan garanwayay ma garan karo waxa imaan doonana tasoo macanaheeda yahay waxa manta ka socodo kismaayo .
kismaayo shalay hadiii aad aaminsaneedeen shabab uun baa laga saraa kadib baa qabsaneesaan in fikirkaasi mesha ka baxay oo manta xaal faraha ka baxay o arintu u gashay gacanta ciidanka galada kenya oo marka ay baxaana aad la bixi doontaan ee inta waqtiga iyo tariikhda xuman iska hara
Maxamed Ibraahim Shakuul waxaa soo dhaweeyey Axmed Madoobe, waan ogayn Wadaaddada Al-Ictisaam ee Kenya jooga waligood in ay dhaqaalo ku bixin jireen in Xarakada Al shabaab laga saaro Magaalada Kismaayo. Shakuul wuxuu qabtay Shir jaraa’id wuxuuna shaaciyey in uu Musharax yahay.
Wadaadakan oo ka mid ah Ururka Al-Ictisaam ayaa waxa uu ganacsi ku leeyahay dalka Kenya, waxaana wareysi uu mar sii horeysay siisay mid ka mid ah Telefeshinada Soomaalida uu ku sheegay inuu gumeysi u arkin Ciidamada Kenya ee Soomaaliya ku sugan, isagoona tilmaamay in Ciidamada Kenya iyo kuwa la mid ah ay u yimaadeen inay dalka nabadeeyaan.