Umadu markay dulowdo waxaa ka dhamaanaya damiirka & dadnimadda, wixii xumaa ayaa wanaag loo arkaa wixii wanaagsan ahaana xumaan ayaa loo arki, umadda Soomaaliyeed ee uu Allaah ku abuuray Geeska Afrika ayaa waxay lahaan jireen taariikh aad u dheer oo laga soo bilaabo Hijradii Saxaabadda waxay umadda Soomaaliyeed lahaayeen dhaqan & isla weyni ay iska weysiin jiree umaddaha kale ee aan Islaamka ahayd.
Itoobiya & dhamaan umada Soomaaliya waxaa waligood ka dhexeeyay taariikh dheer dagaalo badan way soo dhex mareen, waxay Itoobiya haysataa oo ay gumaysataa dal & dad Soomaaliyeed oo wali uu ka socdo dagaal gobanimo doon oo lagu xoreynayo umadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Ogaadeenya.
Mudadii ay Itoobiya haysatay Ogaadeenya waxaa xukuumadihii soo maray dhamaantood lagu xasuustaa isir tir-tirid & baabinta dadka Soomaaliyeed ee Ogaadeenya ku dhaqan ayagoon u aaba yeelin waxaana ugu darnaa markii uu Meles Zanaawi qabsaday xukunka wuxuu bilaabay in uu gumaado shacabka Soomaalida Ogaadeenya isaga oo askarta Itoobiya ku amray in loo xoog sheegto dadka nugulka ah ee aan is difaaci karin.

Ciidamada uu Meles Zanaawi amray waxay laayeen kumanaan shacab ah, kumanaan kale ayaan meel ay ku dambeyeen la ogayn oo habeen madow lagala baxay guryahooda, waxaa jeelasha ku jira kumanaan masaakiin ah oo aan wax dambi ahgalin.

Meles waxaa lagu xasuutaa taariikh aad u foolxun, wuxuun umadda Soomaaliyeed ee Ogaadeenya ku dhaqan ku abuuray dhibaatooyin kaladuwan oo ay kamitd tahay in uu isku diro oo uu samaysto kuwo aan damiir & dadnimo midna lahayn oo aan dhiig dad ku jirin dhiig xolaad moyaane oo walaaladood xabsiga u taxaaba kuna bahdila, kuwaas oo qaarkood hooyadood & aabohood xidheen.

Dhiigyacab Zenawi waxaa lagu xasuustaa xadgudubyada kala duwan ee uu dhulka Ogaadeenya kagaystay waxaa dhulka Ogaadeenya dhex jooga kumaanaan shacab ah oo waayay qaybihii jidhkooda ugu mihiimsanaa ama laxaadkii nolosha aas aaskau ahaa, sawiradan qoraalka ka dhex muuqdaa waxay ka midyihiin waxyeelooyinka ay Zenawi askartii uu amarka siiyay geysteen waana xanuun joogta ah oo shacabka Soomaalida Ogaadeenya aysan marnaba iloobikarin waxaa kale ood arkaysaa deegaanno ama tuulooyin qadiimi ahaa oo ay ciidamada Itoobiya gubeen galangalna isu badal.

Dhiigyacab Zenawi ma uusan mutaysanin intii uu noolaa wax aan ahayn in laga aar goosto waxaase abaalamriyay rabbigii abuurtay oo umadiii uu dhibaataynayay ka qabtay mar haduu rabbi cimrigiisa gooyayna mauusan mutaysanin in uu dhulka Ogaadeenya kadhex muuqdosanam isagii laga mataloyo waxayna arintani sii hurinaysaa quluubta shacabka Soomalida ee ay kabuuxdo colaada gaamurtay ee ay Itoobiya u qabaan.
Waxaan waligii ka istaagin Ogaadeenya dagaalka gobanimo doon ah oo lagu xoraynayo Ogaadeenya kaas oo hadda ay usha u hayso Jabahda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya (JWXO) oo markii ay u adkaysan weyday dhibaatadda dalkooda lagu hayo duurka gashay si ay u xoreyaan Ogaadeenya, JWXO sanadkii 1994 ilaa hadda halgan xoog badan xawaaresareena ku socda ayay wadaa.
Shacbka Soomaalida Ogaadeenya oo halgankaaskaalinweyn kaga jira wuxuu higsanaya xoriyad taam ah waxayna hayaan wadada guusha oo ay mudo dheer u soo dhabaradaygayeen, in kasoon la garanaynin xoriyadda xiliga dhabta ah ee lagaadhayo haddana yididiilada umadu ay higsanayso waa mid waafiah oo rajo wanaagsan muujinaysa.
Marka la bar-bar dhigo umadaha wadada xornimodoonka soo maray sida ANC oo u soo halgantay xorimo gaadhsiinta dalka Koonfur Afrika lana aas-aasay 1912 wuxuu dagaalkoodu soo socday mudo dheer, sanadkii 2012 ayaa loo dabaal dagayay 100 sano guuradodii ka soo wareegatay maalinkii laaasaas oo dadkii u soo dagaalamay ee baalka dahabka ah galay lagu xusayay.
Halgan markii lagu jiro waxaa jira dad kaydiya Taariikhda oo maalin maalmaha kamid ah soo saara wax kasata oo dhacana wuxuu leeyahay weel kaydiya oo xafida sidaas darteed ruuxkasta xumaan & wanaag wixii uu falay ayay umadu kuxasuusataa.
HaddabaJigJiga Taaladda laga taagay oo aan sii taagnaan doonin waxay bulshada Ogaadeenya & umadda Soomaaliyeedba ku tahay calool xanuun nimanka dubka Soomaalida leh ee ka qayb qaatayna waxay galeen taariikh madoow aakharo & aduunba, dambiile yaasha uu koow ka yahay Abdi Illey waxay sameeyeen jaliimad culus oo ay jawaabteeda jmar uun heli doonaan qofwalba oo maqla ama arkana Taaladaasi waxay ku noqonaysa wax yaab leh.
Meles in Taalo looga dhisay dhul Soomaaliyeed oo Muslim ah isaga oo lawada ogyahay wuxuu gaystay waa waxay muujinaysaa damaca fog ee gumaysiga & damiir xumada kuwa adeeagyaasha u ah ee umadooda in ay dulinimadaas kubooriyaan dadnimou haysta, waxaa kale oo iyana yaab leh in muuqaalka Taaladu wuxuu muujinayaa in loo goglo calanka Soomaaliya loo firaashay oo uu ku istaago sanamka Meleslagumatalayo.
Taasi waxay cadayn u tahay sida ay Itoobiya u bahdilayso umadii Soomaaliyeed waxaa kale oo yaababka ka mid ah qolyihii Ibrahin Dheere oo waxaas oo dhan raali ka ah waliba hormuuud u ah ayaga oo gacanta kobaad ee Ina Iley noqday, waxayaalaha qoladaassida gaarka ah loogu xasuustaan ayay Taaladani ka mid noqonaysaa waxaa kale oo ay ku astaamaysan yihiin madashii shir cebeedkii (Miyir-Dabool) ee ay Itoobiya umadda ku dhaqan doorinaysay kuna soioban dhigtay waxyaalo aan horay meelcaalmka ka mid ah oo ay ka dahceen loo maqal umadaSoomalida Ogaadeenyana aad uga fog.
Ugu dambayntii waxaan is weydiinayaa goormuu xaq u yeeshay Meles in JigJiga Taalo looga dhiso oo uu xaq ugu yeelan waayay Maqale & meelaha ay Tigreegu dagaan, waxaan jawaabta u daynayaa umadda Muslimka ah ee Ogaadeenya dagan in ay arintaas ka dhii-dhiyaan oo ay bur-buriyaan sanamka dhiigyacabka ah ee lagu dul taagay JigJiga waxayna shacabka Ogaadeenya & shacabka Soomaaliyeedba xasuusinaysaa dhibaatooyinka uu Meles u gaystay umadda Soomaaliyeed meel ay jogaanba, shakina kuma jiro in arintan laga dhiidhiyi oo dhulka lala simi taaladaas taariikhduna farta ku fiiqi doonto kuwa waxaas ka dambeeya.
Majaango
Editor Of Banaadir Post.

GABAY:- Rooda Afjano “Gamuunololi”
http://soundcloud.com/bana-4/gabay-rooda-afjano-gamuunololi
Banaadir Post.
Like this:
Like Loading...