WARBIXIN:-“Mooshinka Joojiya, Marqaanku Waa Diyaare” Saacid Shirdoon.

25885490Ra’iisulwasaaraha xukuumadda Federalka ah ayaa ku guuleystay qorshe siyaasadeed oo ay usoo bandhigeen la taliyaashiisa, kaasoo lagu baajinayo mooshinkii maalmahanba socda ee la doonayay in xilka looga qaado.

Ra’iisulwasaare Saacid ayaa lasoo baxay qorshe cusub oo la yiraahdo “Mooshinka Joojiya, Marqaanku Waa Diyaare”. Qorshahan oo xildhibaanada lagu siinayo xoogaa laaluush ah oo ay isbuucyo ku marqaamaan ama ku qayilaan ayaa si toos ah u bilowday maalintii shalay, waxaana ka faa’iideystay xildhibaano aad u badan oo ka tirsan baarlamaanka Federalka ah.

Taleefanada Ra’iisulwasaaraha ayaa mashuul ahaa xalay oo dhan, sidoo kale waxaa aad ula shaqeynayay rag kamid ah wasiiradiisa oo ukala dab qaadaya isaga iyo xildhibaanada.

Wararkii ugu dambeeyay ee nasoo gaaray ayaa sheegaya in uu Fashilmay mooshinkii ka dhanka ah ra’iisulwasaare Saacid, iyadoo haatana uu soconayo isku soo bax isna qarash badan lagu bixiyay oo lagu dhaleeceynayo xubnihii ka dambeeyay abaabulka mooshinka.

Qore Maslax Ilka Case.

Xigasho Harar24.com

25877192

Banaadir Post.

MOQDISHO IYO MOOSHINO:-Mooshin ma lagu ridi karaa Xukuumada Tabarta Yar ee Xasan Gurguurte?

25782380Mooshin ka dhan ah Xukuumada Soomaaliya ayaa ka socda magaalada Muqdisho, iyadoo shirar gaar gaar ah iyo xod xodasho badan ay ka dhex socoto Baarlamaanka Mahiiga  gudihiisa, kaasoo lagu xoojinayo Mooshinka.

Sida ay sheegayaan wararka mooshinkan ayaa waxaa ilaa iyo hada saxiixay in ka badan 130 xildhibaanada Barlamaanka Mahiiga, kuwaasoo awood u siineysa inay Gudoonka baarlamaanka horgeeyaan mooshin miisaankiisa culus yahay.

Qaar ka mid ah Hotelada Muqdisho ayaa ka socda shirarka looga arrinsanayo mooshinada, waxaana wararka qaar sheegayaan inuu bar bar socdo mooshin kale oo ka dhan ah Gudoonka Baarlamaanka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in magaalada Nairobi ay si la mid ah uga socoto ololahan ka dhanka ah Xukuumada.

Mid ka mid ah Xildhibaanada baarlamaanka oo la hadlay Wariyayaasha ayaa sheegay in habeen iyo maalin hoteleada ay ka socdaan shirar ku saabsan arrintan, isla markaana ay bar bar socoto balan qaadyo Xildhibaanada loo sameynayo, laguna soo jiidanayo.

Ololahan ka dhanka ah Xukuumada ayaa waxaa horboodaya Xildhibaano ku caan baxay abaabulka barnaamijyada mooshinada, waxaana arrintan ay noqotay durba hadal heynta ugu badan ee ka taagan magaalada.

War shalay si wada jir ah uga soo baxay Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa waxay kaga digeen mooshinadan oo si xowli ku socda, isla markaana ku baaqay in aan baarlamaanka laga dhex abuurin kala qeybsanaan.

Waxaa maanta aad u qeyliayay kuwa lacagta shubto  waa odyaasha sheegta inay wakiil ka yihiin Beelaha Hawiye, oo mudooyinkan  danbe  dab ka hurinayay dadka Soomliyeed  dhexdooda,waxayna si toos u difaaceen saacid Shirdoon oo  Mooshin laga keenay.

Khilaaf xoogan ayaa soo kala dhaxgalay madaxda DF-ka kaasi oo ku aadan dhanka maamulka iyo dhaqaale lalunsaday,waxaa beenoobay balan qaad uu bilo ka hor bixiyay xasan sheekh oo ahaa “aniga iyo R/wasaaraha isma khilaafi doono”.

Khilaafka u dhexeeya Saacid iyo Xasan Sheekh ayaa maalmihii lasoo dhaafay sii xoogeysanayay,socdaal uu Saacid ku maray qaar katirsan gobolada dalka ayaa ka careysiisay xasan sheekh,madaxda DF-ka ayaa caan ku ah in ay iska geeyaan mooshinno.

24495966 (1)

Banaadir Post

MAQAAL-Fadeexadda Federalka Qore: -Maslax Ilkacase.

 

 25674254

بسم الله, الحمد لله الذي ارسل رسوله بالهدي ودين الحق ليظهره علي الدين كله ولو كره المشركون. اما بعد: ايها المسلون السلام عليكم ورحمة الله وبركاته

Aqristayaal maqaalkan ma ahan mid aan uga sheekeynayo dhammaan dhibaatooyinka federalku leeyahay iyo saameyntiisa, ha yeeshee oo kaliya waxaan ku eegi doonaa, hadal aan maalin walba ka maqalno afafka madaxda dowladda Federalka iyo gaalada ku shaqeysata kaasoo ah “Shacabka gobol kasta iyaga ayaa xaq u leh in ay doortaan hogaankooda”.

Runtii aad baan u yaabay marki igu horeysay ee aan madaxda dowladda iyo gaalada kale ka maqlay hadalkan, wuxuuna i dareensiiyay caqli darrida kufaarta iyo qafladda aan ku jirno.

Waxaa jirta qaacido oraneysa “dowladi waxa ay dooneyso in lagu dhaqmo waa in ay iyadu u bilowdaa shacabka”. Haddaba marka reer galbeed iyo Xassan Sheekh Maxamuud leeyihiin shacabka iyaga ayaa xaq u leh doorashada maamulkooda, horta, yaa iyaga doortay?.

Yaa Mareykan iyo Yurub u doortay in ay baddeena xaalufiyaan, sun ku daadiyaan, barigana calooshood u shaqeystayaal usoo diraan?.

Qaramada midoobay iyo Mareykan ma annaga ayaa u dirsanay in ay dowlad noo sameeyaan, ma innaga ayey na matalaan?.

Xassan Qoorgaab marka uu leeyahay shacabka gobolada iyaga ayaa dooranaya maamulkooda, yaa doortay isaga, sideese ku helay xilka madaxweyne ee uu sheeganayo?.

Halkaas waxaa inooga cad in gaalada iyo gaala raacyadu inagu ciyaarayaan, marka ay arkeen in wax walba nalaku dayi karo.

Anigu waxaan oran lahaa Xassan Gurguurte iyo micigiisaba, haddii ay dhab idinka tahay in ummadu ay u madax bannaanaato maamulkeeda is casila oo gaalada ka saara wadanka si shacabku aayihiisa uga tashado una doorto cidda uu doonayo.

Haddii ay dhab idinka tahay in ummadu horumarto, ka hor wareega oo u madax bannaaneeya dinteeda iyo caqiidadeeda aad dagaalka ku heysaan.

25674408

Ummada Soomaaliyeed waxaan leeyahay, waxaa qootiina saran mididii la idinku gawrici lahaa, taasoo ah federal.

Annagu waxaan nahay ummad muslim ah, ehel iyo qaraabo isu wada ah oo xoolohoodu isla daaqaan, sidaa darteed waxa hadda la inoo soo wado, waa in qabiil walba loo sameeyo xuduud, taasoo keeneysa dagaal sokooye iyo tafaraaruq ku yimaada ummada muslimka ah si ay u fufudaato in nalooka soo taliyo magaalada Adis-ababa.

Xassan Sheekh Maxamuud ayaa aad ugu cel celiyay arinta xuduud u sameynta qabaa’ilka xilli uu khudbad u jeedinayay baarlamaaka federalka ah asbuucii tagay.

Ugu dambeyntii walaalayaal duulaanka dulmiga ah ee nalagu soo qaaday waxaan uga hor tagi karnaa in qof walba oo inaga mid ahi is xilqaamo kaalintiisana kasoo boxo.

Taariikh ayaa qormeysa wadankana wuxuu u baahanyahay difaac, haddii kale waxaa cadaabka Alle inoogu darsami doona in caruurteena aan gumeysi uga tagno, iyaguna nasoo habaaraan.

Nabigeena CSW wuxuu inoo sheegay inaaney ummadu ka baxayn dulliga illaa ay jihaado, jihaadku waa wadada dambi dhaafka, waa wadada jannada, waa wadada ciziga, waxaan ku heleynaa nasri ama shahaado, haddaan ikhlaas la nimaadno.

Qore: -Maslax Ilkacase.

245303271

Banaadir Post.

WARGALIN IYO CODSI:-Qoys gurigooda xoog lagu heysto oo codsi u diraya Xasan Guurguurte iyo guud ahaan Shacabka Soomaliyeed.

25591565Ugu horeyntii waxaan salaamayaa dhamaan umada Soomaaliyeed meelkastoo ay joogto, salaan kadib Waxan maanta halakaan ku soo gudbinayaa arin aan rabno in aan la wadagno umada Soomaliyeed ee jecel nabada iyo xaqa, anagoo weydiisaneena in ay gacan naga siiyaan arintan aan la dhibtoonay oo gurmadka u baahan.

Ugu horeyintii waxaan aad uga xunahay in nin magaciisa la yirahdo Yusuf Warsame Afrax oo mudo aad u dheer uu xoog ku heysto Gurigeena oo ku yaala maagada Muqdisho, ninkaas oo ah agasimaha xamaaliysha dekada Moqdishu, ayaa diidmo xoogana ka muujiyay inuu gurigeena aan anaga leenahay uu nasiiyo.

Waaxa nahay Ilmo Xuseen Farax Warsame (Xussein Baadi) oo aad looga yaqaan dhamaan Soomaaliya, Waaliddkeen waxay dhinteen anago aad u yaryar, waxan xamar ku leheen guri ku yala xafada Boondheere, waxa uu ka danbeeyey xarunti Ciidanka nabadsuguida(NSS) , oo loo yaqanay Godkii Jilacow.

Allaha unaxariistee Abaheen waxa uu ahaa sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidankii Bosliska Somaliyeed, waxaa loo yaqanay Xuseein dheere, waxan  guryaneena iyo dalka oo dhan ka cararanay waqtigi Soomali oo dhan ay qaxday, oo ay jireen dagaladi sokeeye 91-kii, waxan soo wakiilanay walaashen ay dhashay eedaden Xawo Farax Warsame (Xaawo Baadi), waxay u tagtay ninki gurigeeni haysta waxay tiri gurigan anaga leh ee nooga bax,

Ninkii ayaa ugu jawaaaby celiyay gurigan waxan ka gatay nin Murursade aha oo dhintay, waxay u tagtay nin walalkiis ah oo magaciisa la yiraahdo Muxyadin Warsame Afrax , oo ka mid ah ururada Bulshada  iyo labdi iiman ee qabiilkisa u sareeyey, waxay la qabteen ama ay isku dayeen haba yaraatee ma jirto , gurigi oo u dayctiraya oo weliba markuu dayac tiraayey aan dad usoo dirnay tiro ka 3 jeer oo uu diiday in uu joojiyo shaqada uu ka wado, markuu dhameyey dayactirkiina waxa degay niman Wasiiro ka ahaa dowladhi sheekh Shariif , waa dowladi  mida hada jirta ka horeeyey sida wasiir Goodax Bare, kadib waxa degay nin la yiraahdo Xoosh , oo waa dhaweyd ka guuray , hadana waxa degan oo kiro ugu jira nin naloogu sheegay in uu yahay Agasimah Madaxtooyada , magaciisana la dhoho Kamaal Guutale.

Walaashen waxay tagtay gurigii , waxa joogay oo la kulanatay xaaskii Kamaal , ooy ku tiri gurigaan agoon baa leh ee isga baxa ,una sheeg ninkaada hadusan ogeen, ilaa waa laga ijaartaye, Kamaal Guutale,  weli waa deganayahy oo kiro lacag badan ah ayuu ku bixiyaa kiradaaso nalooku sheegay ilaa $2500 doolar.

Waxaa nagu kalifay in aan qoralakaan soo bandhigno oo aan kaalmo iyo gacan weydiisano umada Somaliyeed si aan xaqeeni iyo gurigeeni u helno , gaar ahaanMadaxweynaha iyo raisulwasarah iyo gudoomiyah barlamanka , anago ka codsaneeno in ninkaas naloka qaado gurigeeni uu xooga nooga qaatay, ninka gurigeena heysta waxa magaciisa la yiraahda Yusuf  Warsame Afrax, waa agsimaha xamaaliyaasha dekada maqdishu.

Waxan umada  islaamka ah ee Soomaliyeed  iyo doowlada Soomaliyeed  ka sugeynaa jawaab iyo waxqabasho, iyagoo xaqa u hiilinaaya in ay gurigena ninkaas xooga iyo xaqdarada nooga heysta naloka qaado.
Mahadsanidin.
Ilmo Xussen Farxa warsame (Xusein Baadi).

16_MAR_2013-copy

 

VIDEO:-Hantida lakala heysato iyo Cagmadhige!!

Banaadir Post.

Faroole iyo Ina Ileey oo Kismaayo ku sii jeeda iyo Xasan Gurguurte oo Xamar xasili waayay!!

25194551

Magaalada Kismaayo waxaa  gaaray Cumar C/rashiid Cali Sharmaake Raisalwasaarihii Xukuumaddii Sharif Sheekh Axmed iyo Xildhibaano isku beel kore yihiin . Xassan Gurguurte dagaal Siyaasadaysan la galay wuxuuna ku keeni doonaa inow Banaadir ka dhamaan waayo.

1- Ina Ilay,

2- Faroole,

3- Gaandi,

4- Axmed Madoobe,

5- Afhayeenka Kenya Faarax Macalin,

6- C/naasir Seeraar

7- Wasiirka Gaashaandhigga Kenya Maxamed Xaaji Yuusuf,

8- Al-Ictisaam Daarood ee Kenya jooga,

Soomaaliya waa la kala boobayaa, Soomaali xattaa haddii ay 4.5 la yiri waa iska daayeen si kale ayaa loo qorayaa, Faroole waatii uu yiri, Xisbiyo ayaan samaynayaa, hadda Puntland waxaa ka socda Qabiilkasta in uu samaysanayo Xisbi, marka waxaa dhacaysa Qabiilkasta oo Soomaaliya in uu Dowlad ku dhawaaqo oo gaalo soo ka xaysto.
Xassan Gurguurte iyo Saacid Shirdoon waa horay ku fashilmeen Siyaasaddii ay Soomaaliya ku hogaamin lahaayeen, waa kaas Saacid Shirdoon xattaa Odayaashii Gedo soo cayriyeen oo dheheen maxaad noo haysaa oo badal ah, aan ka harnee Axmed Madoobe iyo C/naasir Seeraar?, Soomaaliya waxaa ka socda in Qabiilada waa weyn ay ku habsadaan Qabiilada kale, waxaa dhaqaalaha iyo gaalada wata waa Qabiilada sheegta in ay ka tira badan yihiin Qabiilada kale.

Waxaa Soomaaliya Reer Galbeedku kadhigayaan, Gobolo Qabiilo ka taliyaan, Imaarado yar yar oo Kenya iyo Itoobiya hoos taga oo Qabiillo haystaan.  Markaas ayaa Xassan Gurguurte iyo Saacid Shirdoon waxay u qabaan in Caalamku aqoonsan yahay, maxay u joojin waayeen Shirka Kismaayo?, maxaa Ciidamada Kenya oga amar qaadanayaan Axmed Madoobe iyo C/naasir Seeraar oo Saacid Shirdoon iyo Xassan Gurguurte oga amar qaadan waayeen oo Shirka Kismaayo u joojin waayeen?, Waayo Wasiirka Gaashaandhigga Kenya?.

Waa iska caddahay in aysan Soomaaliya ka talin Xassan Gurguurte iyo Saacid Shirdoon, Qabiilada Soomaaliya waxaa hogaanka u haya Hay’ado gaalaa oo Nairobi jooga, kuwaas oo leh dano gaara. Dastuurka Jubbaland la yiri waa loo dajinayaa waxaa Puntland kasoo qaaday Hay’ad Wadanka Norway laga leeyahay, Wadanka Norway ayaa doonaya in Shirkadahoodu ay Shidaal iyo Macdan kala baxaan Dhulka Soomaaliyeed oo Kenya ayaa deegaanka Fax’faxdhuun iyo deegaan kale ka qodanaysa Shidaal.

Dhagayso Ninka sheegtay Guddoomiyaha Shirka Kismaayo Macalin Maxamed Ibraahim MP3 Halkaan Riix Ama Guji

Dhagayso Xildhibaan leh Dastuurka Anigaa Akhriyey Sharci ayaad ku shiraysan cidna sugi mayno ee shirku waa sharci MP3 Halkaan Riix Ama Guji

Dhagayso Cumar C/rashid oo Qabyaalad Shirka Kismaayo u tagay MP3 Halkaan Riix Ama Guji

24735965

Banaadir Post

AKHRI QODOBADA HESHIISKA:-Madhaqan geli doonnaa Heshiiska ay wada gaareen Saacid iyo Faroole?

24943247Khilaafaad soo jireen ah ayaa u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedka Puntland isku magacaabay,khilaafkaasi oo salka ku haya arrimo dhaqaale iyo mid qabiil.

10,October,2004 markii dowladii Cabdullaahi Yuusuf lagu caleema saaray Gegidda kubadda Cagta Kasaraani magaalada Nairobi ayuu Cali Maxamed Geedi dhanka magaalada Jowhar usoo guuray waxuuna kulan laqaatay wasiirro katirsan maamulkii Cadde Cadde Muuse ee Puntland  xiligaasi labada dhinac waxay wada saxiixdeen heshiis ay kamid ahaayeen arrimaha Batroolka,Canshuuraha,ganacsiga,Dekadaha iyo in lakala qeybsado safiirada dibadda!!.

Bilo kadib ayuu Cadde Muuse ku dhawaaqay in heshiiskii uu saxiixay ka baxay halka Cali Geedi uu isna sheegay in Puntland tahay gobol kamid ah dalka Soomaaliya sidaasina ay khilaafyadu kusoo jiitamayeen.

Xukuumadihii Nuur Cadde iyo Cumar Cabdi Rashiid ayaa iyana Puntland qalinka ugu jiiday heshiisyo balse waxba kamasoo naasa caddaan oo waa fashilmeen.

Hadaba R/wasaaraha DF-ka Cabdi Saacid ayaa magaalada Garowe Heshiis dhinacyo badan taabanaya kula saxiixday Cabdi Raxmaan Faroole hogaamiyaha Puntland,su’aasha taagan ayaa ah Qodobada Heshiiskan maka gadmi doonaa Xasan Sheekh Maxamuud iyadoo lawada ogyahay heerka qabyaaladu ka joogto madaxda DF-ka??.

Hoos ka Akhri Heshiiskii ay labada Dhinac Maanta kala saxiixdeen.

Garowe, 11 Maarso, 2013

Horudhac: Waxaa booqasho qaadatay 9-11 Maarso, 2013 ku yimid Puntland wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) oo uu hogaaminayo raiisul wasaaraha Mudane Cabdi Faarax Shirdoon.Wadahadal dhinacyo badan taabtay oo ay isla yeesheen labada dhinac  kadib, waxaa lagu heshiiyey qodobada soo socda:

1. KOR UQAADISTA KALSOONIDA IYO XIRIIRKA DFS IYO DOWLADDA PUNTLAND:

Labada dhinac waxay ku heshiiyeen:

1.1: In la wanaajiyo xiriirka iyo wadahadalka madaxda sare ee labada dowladood la isna dhaafsado booqashooyin, lana ilaaliyo Protocol ka dowliga ah.

1.2: In la dhiirigaliyo  wada shaqeynta hay,adaha kala duwan ee Puntland iyo Dowladadda Federaalka.

1.3: In la dhaqan gelliyo dhammaan  heshiisyadii  dhexmaray Puntland iyo dowladihii KMG ahaa wixii aan ka hor imaanayn dastuurka.

1.4: Ilaalinta iyo ku dhaqanka Dastuurka Federaalka.

1.5: In la joojiyo lagana hortago wax kasta  oo wax u dhimi kara xiriirka iyo wadashaqaynta labada dhinac wixii tabasho ahna lagu xaliyo wadahadal.

2. 0: ISKAASHIGA AMNIGA:

2.1: Isdhaafsiga Xogta, khibradaha iyo isku xirista hayadaha Nabadgalyada.

2.2: Waxaa la isla gartay soo dhawaynta qaadista cunaqabataynta hubka  ayadoo la iska kaashanayo xaga hubka iyo saanadda ciidamada.

2.3: Dhisidda ciidan qaran oo isu dheelitiran iskuna dhafan, lagana soo qoro dhammaan gobalada iyo degmooyinka  dalka.
2.4: In si wadjir ah looga wada shaqeeyo la dagaalanka argagaxisada iyo burcad badeedka.

2.5: In dowladda federaalka ay dayactirto  maamushana  xeryaha loo aqoonsado inay yihiin xeryo heer qaran.

2.6: Waxaa lagu heshiiyey in ciidamada Nabadgelyada Puntland laga caawiyo gunooyinka, isgaarsiinta, Gaadiidka, tababarada iyo agabka(logistics).

3. 0: DHAQAALAHA IYO HOUMARINTA:

3.1: Waxaa la isku raacay inay jirto baahi deg deg ah oo ku saabsan sidii loo helli lahaa Shillin Soomaali cusub.

3.2: Waxaa la isku raacay  baahida loo qabo jaangoynta iyo midaynta canshuuraha (Tarifs) dalka oo dhan.

3.3: In la iska kaashado hurumarinta iyo kobcinta maamulka maaliyadeed ee dalka.

3.4: In DFS dadajiyo shirciga maalgashiga  shisheeye lagana faa,iideysto  khibradda Punland.

3.5: In Puntland saamigeeda ay ka hesho dhammaan mashaariicda horumarineed iyo banii,aadanimo ee heer qaran ayadoo DFS soo dhawaynayso una fududaynayso  ciddii caawinaysa  Puntland.

3.6: In loo hawlgalo  wadashaqaynta iyo midaynta hayadaha socdaalka (immigrations) .

3.7: Waxaa la isla gartay in DFS ay saami ku yeelato dakhliga dekedaha iyo garoomada diyaaradaha  si waafaqsan dastuurka.

4. 0: SAMAYNTA DOWLADAHA FEDERAALKA KA MIDNOQONAYA:

4.1: Waxaa  labada dhinac  isla garteen  in Dowladda Federaalku ay dardar geliso nidaamka federaaleynta dalka si waafaqsan dastuurka isla markaana ka hortagto wax kasta oo wax u dhimi kara taaba gellinta dhismaha dowlad gobaleedyada.

5.0: HANAANKA GEEDI SOCODKA DIMUQRAADIYADA PUNTLAND

5.1: Waxaa labada dhinac isla qaateen in la bogaandiyo lana dhiiro gelliyo hannaanka geedi socodka Dimuqraadiyeynta Puntland, isla markaasna la dhowro  shuruucda iyo xasiloonida Puntland.

5.2: DFS waxay taageeraysaa  lana soconaysaa geedisocodka dimuqraadiyadda Puntland.

6.0: ISU CELLINTA HANTIDA LA HAYSTO:

6.1: Waxaa  labada dhinac  ku heshiiyeen in DFS  dadajiso isu cellinta hantida gaar ahaaneed si loo hello dib u heshiisiin dhab ah, ayadoo la magacaabayo Guddi heer qaran oo madax banaaan go,aamadiisuna yeeshaan awood fulineed.

6.2: Waxaa  labada dhinac  ku heshiiyeen in DFS  dadajiso  dib u soo cellinta hantidii qaran gudaha iyo debada.

7.0: SAMAYNTA AQALKA SARE EE BAARLAMANKA FEDERAALKA:

7.1: Waxaa la isla qaatay in DFS dedejiso dhismaha aqalka sare ee baarlamaanka si  waafaqsan Dastuurka Federaalka.

……………………………………DHAMMAAD…………………… ……….

Saxiixayaasha Heshiiska:

1. Raiisulwasaaraha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya

Mudane Dr. Cabdi Faarax Shirdoon(Saacid)

2.   Madaxweynaha Dowladda Puntlan

Mudane Dr. Cabdiraxmaan Sh. Maxamed Maxamuud.

24696953

Banaadir Post

SAACID SHIRDOON MAXAA KA QABSADAY GAROOWE:!Faroole Muxuu u quursaday Saacid Shirdoon?

24858026Saacid Shirdoon  iyo wafdigiisa ayaa waxaa  soo dhoweeyey Faroole xigeenkiisa  C/samad Shire,ka dib waxaa loogu geeyay gurigiisa,ma ahan markii ugu horeysey maamulada Xamar lagu  bahdilo safaro ay tageen,waxaa horey u dhacay In Shariif Sheekh  oo meelo badan kala kulamay  wax uusan   filayn sida Madaxweynaha Ruwanda u soo diray xaaskiisa iyo meelo kale oo badan!

Siyaasiyiin mucaaradka Puntland katirsan ayaa sheegay in socdaalka Saacid uu salka ku hayo isbaheysi siyaasadeed  uu la sameysanayo Faroole.

Warar maalmihii lasoo dhaafay laysla dhaxmarayay ayaa sheegayay in khilaaf xoogan u dhexeeyo Saacid iyo Xasan Sheekh wuxuuna khilaafkaasi soo shaac baxay markii Saacid socdaallo uu ku tegay gobolada dhexe uu maamul gobaleedyo ku aqoonsaday.

Faroole iyo Saacid ayaan ku heshiindoonin arrinta maamul usameynta Kismaayo oo labadan siyaasi qaab beeleed ula kala safanyihiin Axmed Madoobe iyo maleeshiya beeleedka kale ee gacan ku heynta magaalada kula loolamaya.

19762114

QANDARAASLEEY IYO QARANKII SOMALIYEED:-Saacid Shirdoon oo furay Qandaraas Wariyaasha lagu dili karo W/Q Cabdullaahi Yaasiin Jaamac.

24568836Midka mid ah arrimaha ay wariyaashu Muqdisho jeclaa lahaayeen in ay Xal u helaan waa dilalka iyaga ka dhanka ah.

waxaa jira Walaac ay qabaan Amaankooda waxayna xasuusan yihiin qaar iyaga ka tirsanaa oo Saandihii la soo dhaafay la qaarijiyay kuwaasoo dhinacyo kala duwan lagu eedeeyay.

16 02 2013 ee Taariikhda Milaadiga Muqdisho waxaa ka dhacay Kulan ay wada qaateen Ra’’iisalwaasre Cabdi faarax Shirdoon (Saacid) iyo Xubno wariyaasha ka wakiil ahaa, waxaana la isla soo qaaday arimo ay ku jireen in Warbaahinta iyo Dowladdu wada shaqeeyaan iyo sidii looga hor tegi lahaa Dilalka Shaqaalaha warfaafintu la kulmaan.

Cabdi Faarax ShirDoon (Saacid) iyo Wasiirkiisa Warfaafinta Cabdulaahi Ciil Mooge Xersi waxa Wakiilada Saxafiyiinta u sheegeen in dhaqaale badan la siinayo Cidii soo sheegta Qofkii Wariya Dila.

Ra’iisalwasaare Saacid waxa uu yiri “Cidii soo sheegta Qof Wariye Dilay waxaan siinaynaa Konton kun oo Doolar”.

Kelmadaas ka qeybgalayaasha Saxaafaddu waxa ay u muuqdeen in ay ku qanceen maxaa yeelay ma jirin dood ay ka kaneen laakiin waxaa ii muuqda Qatar weyn oo halkaas ka soo wajahan.

Muqdisho waa Meel aanay ka jirin Sharci iyo kala dambeyn, in la soo sheego ama la arko dad la dilayna waxa ay ka mid yihiin wax Waxyaabaha waagii soo beryaba la fisho.

waxaa jira Shirqoolo qaarijin ah oo qarsoodi oo hab maldahan loo fuliyo dabadeedna Cidda ka dambeysa in la fahmaa adkaa karto ama ay waqti qaado karto .

waxaa kaloo jira Dilal ay ku kacaan Askarta Dowladda Federaalka ah oo si bareer ah dadka u laaya mana jirto cid ka daba hadasha.

si aan gambasho iyo dhuumaaleysi ahayn Askar dad u dilay ayaa Magaalada iska Mushaaxaya oo aanay Cidi la hadleyn, taasna waxaa laga dhadhanso karaa in aanay qolyaha Kuraasta ku fadhiya ee Saacid ka mid yahay dadku agtooda qeymo ka lahayn, wararka ah in Muwaadiinta danahooda ay ka shaqeynayaanna ay yihiin hudhuu hadhaa iyo waxba kama jiraan.

24569040 (1)

Kulankii R/wasaaraha iyo Saxaafadda Ku dhaxmaray Magaalada Muqdisho

Warka ra’iisalwasaare Saacid waxa uu abuurayaa hami dhaqaale, sidaa aawgeed waxaa laga yaabaa in shaqsiyaad ama kooxo ku fikiraan sidii ay qarashkaas fara badan ku hano lahaayeen.

dabadeed wax ay abaabuli karaan Shirqool ka dhan ah hal Warfaafiye ama in ka badan si uu Jeeb kooda u galo Doolarka la balanqaaday.

1991 ilaa 2006-dii Dagaaladii qabiilka ee ka dhacayay Muqdisho ka sokow waxaa ka jiray dilal ay ka dambeeyeen, Siyaasiyiin, Dad hay’ado Shisheeye u shaqeeya iyo kuwa kale oo ay Fuli jireen shaqsiyaad lacag ku qaada jiray in ay qof ama koox soo qaarijiyaan.

Barnaamijkaas qolayaha fuliyaa weli Caasimadda waa ay ku badan yihiin, sidoo kalena waxaa joogta Caasimadda askarta iminkaba sida lacag la’aanta ah Duhurki dadka ku dila.

marka waxaa dhici karta iyadoo hababkaas la isticmaalayo in ugaarsiga Wariyaashu sii kordho.

Qaabka la sameyn karo.

kooxda wax dili rabtaa waxa ay la soo heshii karaan Howl fuliye waxa ayna siinayaan ama u balanqaadayaan wax xoogaa qarash ah sidii muddo dheer la arki jiray oo kale.

marka uu ficilka ku dhaqaaqo isla iyagii iyo kuwa kale oo wada shaqeyni kala dhaxeyso ayaa soo qaba kara ama soo sheegi kara dilaaga.

waxa ugu badan ee Dilaagu ku doodi karaa waxa ay noqo karaan in qolada soo qabatayi howsha ku lug lahayd taasina uma socaneyso, maxaa yeelay laga yaabee in soo qabtaha howsha abaabulay ka tirsan yahay Laamaha Dowladda Federaalka ah oo aan Cadaalad looga baran.

“qolo ayaa dilka fulineysa kadibna waxa ay isu qeybinayaan dhowr qeybood, kuwo kiiska ayay Nin aan waxba geysan ku oogayaan kuwo kalena waa ku Marqaati furayaan, taas ayaa la samey karaa si dhaqaalaha Ra’iisalwasaaruhu balanqaaday loo hanto” ayuu yiri midka mida h wariyaasha Muqdisho ka howl gala oo Sababo Amaan aawgii magaciisa u qariyay.

wuxuu sheegay in Kontonka kun ee Doolar noqo karto mid loo tartamo iyadoo dhabbaha loo marayaa yahay qaarijinta wariye howlihiisa shaqo gudanahaya oo war moog ah.

“waxay nagu soo jeedinayaan indho aan markii hore na arkeyn, arinta wax ay gaarsiiyeen Meel aan wanaagsanyan ayuu hadalkiisa ku daray”.

24568859

Xukuumaddda miyaa wariyaal dili rabta?

waxaa jira shaki wariyaasha qaar ka qabaan in Xukuumadda Federaalka ahi rabto in si qarsoodi ah u qaarijiso warkaan lagu muujinayo in Wariyaashu agteeda qaali ka yihiin ee ay iminka wadaana uu yahay mid lagu sii gaashaamanayo.

waxa aad u badan Teleefanada Ciidamada Sirdoonka iyo saraakiisha kale ee Dowladda xubno ka mid ahu diraan Saxafiyiinta iyagoo handada marka la baahiyo warar ay u arkaan in ay lidku yihiin.

Wariye C/caziiz Koronto oo Dowladda u xiran

“Maal mahaan wariye lama dilin, arintana waa Toosh la ifinayo oo ah in Wariyaal la dilo, Wariye Cabdi-caziiz Koronto Dowladda ayaa Xabsi hal sano ah oo gardarro ah ku Xukuntay, sababtu waxa ay tahay wareysi uu ka qaaday Haweeney baliisku kufsaday oo xattaa aan la baahin, Dowladdu waxa ay rabtaa wariyihii la shaqey waaya ama wax aanay rabin sheega in ay shirqool ku disho si aan ficilkaas gurracan ee ay damacsan tahay loo fahmin ayay beer jileec Been ah wariyaasha u sii Muujineysaa” ayuu yiri Wariye Idaacad Muqdisho ku taal ka tebiya Barnaamij Siyaasadda Dalka iyo dhacdooyinka lagu faaqido.

Intii aan warfidiyeenadaan la sheekeysanayay waxay iga codsadeen in aanan magacyadooda soo daabicin, markii aan weydiiyay hadii ay ka baqayaan in la xiro, waxay igu yirhaadeen “taa kama baqeyno ee’ in nala dilo umbaan ka baqeynaa”.

Qatarta kale ee ka imaan karta balan qaadka ra’iisalwasaaraha waxa ay tahay in Wariyaasha dhan loo qaato in ay ka tirsan yihiin Dowladda Federaalka ah oo la og yahay in Colaadu kala dhaxeyso Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab iyadoo sidoo kalena ay jiraan xubno Siyaasiyiin ah oo quud dareynaya in ay Madax noqdaan Magaaladana ay dhici karto in ay howlo qorsheysan ka fuliyaan.

ma jirin kala saarid ee waxa uu Saacid sheegay in wariye kasta oo la dilaa Ciddii soo sheegta Lacagtaas kontonka kun oo doolar ah la siinayo.

taas ayaa waxa ay abuuri kartaa shaki ah in dadka warfidiyeenada ah ee Muqdisho ku nooli yihiin Saraakiil aad Muhiim u ah kana sareeya intii markii hore loo maleynayay.

arintaan waxaa loo baahan yahay in Wariyaasha aan Wasaaradda Warfaafinta xubna tooska ah ka ahaynu fiiro dheer u yeeshaan.

“dhaqaalaha ra’iisalwasaaruhu balan qaaday waxa uu keeni karaa in uu sii kordho Bar tilmaameedsiga Wariyaasha ka dhan ah maxaa yeelay waxaa naloo arki kara Shaqaale Dowladda ka tirsan ama in aanu taageer siino, anagu waa ka Madax Banaanahay Dowladda, arintaana dhibaato ayay horseedi kartaa ” sidaas waxaa yiri ka mid ah wariyaasha wax ku qoraha Baraha enternet indheerna Xirfadda Saxaafadda ku jiray kana howl gelayay Muqdisho.

Runta ma tahay in lacagta la sheegay la bixinayo mise faruuryaha war ku eg weeye.

iyadoo uu Socdo Kulanka Saxafiyiinta Ra’iisalwasaaruhu la lahaa ayaa Wasiirka Warfaafinta Cabdulaahi Ciil Mooge sheegay in labaatan iyo shan kun oo doolar la siinayo Ciddii soo sheegta Qofki wariye dila.

Warkiisa waxaa mid ka duwan sheegay Ra’iisalwasaare Cabdi Faarax Shirdoon oo Carrabka ku adkeeyay in ay Konton kun oo Doolar dhiibayaan.

waxaa jira Dilal ka dhan ah Dowladda oo Idil waxaana la qaarijiyay wasiiro, Xildhibaano iyo Saraakiil Ciidan oo sare, tiradooduna badan tahay.

waxaa kale oo la dilay Xisaabna aan dhaqso lagu soo koobi Karin, askar iyo gudoomiyaal, ku Xigeenadoodii, xubno xaafado ka Madax ahaa iyo kuwo kale, waxaana dilalkoodu soo socdeen 2007 bilowgeedii ilaa xiligaan oo aanu joogno 2013 horaanteeda.

dadki dilalkaas geystay waxa ay wariyaashu sheegayaan in aanay ogeyn cid ka mid ah oo la soo qabtay intii Gacan ku soo dhigideeda ku lug lahaydna Abaal marin Dhaqaale la siiyay.

marka aanu isweydiinee ma dhici kartaa in Wiil ka shaqeeya Idaacad gaar loo leeyahay oo laga yaabo in ay xattaa ku adagtahay wariyaasheedu in ay Madaxda Dowladda Federaalka ah la kulmaan dil loo geystay si xog ku saabsan loo helo in qarash lagu bixinayo?.

Ra’iisalwasaaraha iyo Wasiirku hadaybayba qarash bixinayaan oo lacalla ay dhab ka tahay, Jeebkooda kama dhiibayaan ee waa in laga soo qaadaa Bangiga Dowladda, marka laamaha kale ee Dowladda ee aan ogolaashaha lacag ka qaadashada Bangiga looga maarmin, oo ay ku jiri karaan Madaxweynaha, Gudoomiyaha Banigiga, Wasiirka Maaliyadda Arintaan wax ka og yihiin mise sheekadu waa labadaan Nin mid ku kooban?.

waxaanu la socanaa Madaxda iminka Muqdisho joogta iyo kuwii ka horeeyayba in ay dhaqaalaha Dekedda iyo Garoonka Diyaaradaha ka soo gala oo ciidamada Shisheeye ee Uganda iyo Burundi ee iyaga ilaaliyaa qeyb ku leeyihiin mooyee Isha kale ee ugu weyn ee dhaqaale ka soo gala tahay lacago aan joogto ahayn oo waxa Beesha Caalamka loogu yeero bixiyaan, marka Maamul isagu tuugsi iyo taakuleyn Shisheeye ku taagan oo Wasiirkii Dibadda aadaba ciddii uu u tago wax bartood la dhowrayo, ma awoodaan in ay Konton kun oo doolar shaqsi la dilay Ninkii soo sheega qofka ka dambeeyay siinayaan?.

nimanka iyo haweenka imanka Madaxda ka ah Dowladdaan Shisheeyuhu yagleeyay ee Soomaaliya ka jirta waxa ay jagooyinkaas u qabteen oo ay dadkoodii ugu falaagoobeen Shisheeyana u hoos galeen Cadawga Diinta Islaamka ku soo duulayna u raaceen Sandareerto ama dhaqaale yar marka si loo ilaaliyo Muwaadiniinta Soomaaliyeed Dhiigooda miyay lacag ku dhiibayaan? Maxaa yeelay iyagaaba Muwaadiniinta u keenay Cadawga kumanaanka ka dilay, dhulkoodina haysta iaygana gumeysta.

kala hadlidda Xukuumadda

Warka ah lacag ayaanu siineynaa Ciddii wariye qofkii dila soo sheega waxaa jira arimo Muujinaya in aanuu ahayn mid laga sii Fikiray laakiin Gogosha markaas la fadhiyay korkeeda lagu curiyay.

sidaas waxaan u leeyahay kala hadlidda labada Nin ee wariyaasha la kulmay maxaa yeelay hadduu ahaa lahaa mid horay looga soo showray ama looga soo tashaday, hal war ayay ku hadli lahaayeen.

Wasiirkii ayaa kacay oo Cadadka Lacagta labaatan iyo shan kun oo Doolar ku sheegay.

Ra’iisalwasaaraha ayaa ka daba istaagay oo sheegay in ay Konton kun tahay.

Warkoodi waa la daba taagan yahay

Wax ka yar labaatan iyo Afar Saac markii ay ka soo wareegatay hadalkooda, waxaa hadlay ku XigeenakaWasiirka Warfaafinta Cabdi-shakuur Cali Mire waxaanuu sheegay in uu saxayo qalad ka dhacay Ra’iisalwasaaraha iyo Wasiirka Warfaafinta.

Waxa uu sheegay in Cidda Balanqaadka loo sameynayo ee qarashka loo ogol yahay tahay qoladii xog ka keenta wariyaashii horay loo dilay Cidda ka dambeysay.

Wararkaan ayaa ah kuwo dhamaantood is buruniya oo aan Meel u wada socon taasuna waxa ay noo cadeynaysaa in uu yahay qorshe aan Afka dhaafsiisneyn.

Cadaalad darada wariyaashu tirsanayaan.

18 December 2011 Muqdisho waxaa lagu dilay Cabdi Salaan Sheekh Xasan (Xiis) oo u shaqeynayay Telefeshinka Horn Cable ee xaruntiisa weyni tahay Hargeysa.

Nin ka tirsan Askarta Dowladda ayaa si bareer ah u toogtay .

Waxaa la dilay saacado kadib Markii Nin ka tirsan Madaxda Ilaalada Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Maxamuud Axmed-nuur (Tarsan) u hanjabay uguna goodiyay in uu dilayo.

Wariyaasha Muqdisho waxa ay bilaabeen Mudaaharaadyo iyo Cabashooyin joogto ah iyagoo dalbanaya in Gacan ku dhiiglihii iyo ciddii soo dirtayba Maxkamad la soo taago, kadibna Xukun Sharci ah lagu fuliyo.

Inkastoo Maalmo uu xirnaa Ninkii Cabdi-Salaan u goodiyay oo la aaminsan yahay in uu soo diray Dilaaga, hadana waa la sii daayay.

Waxaa difaacay oo Xabsiga kasii daayay Maxamuud Axmed-nuur (Tarsan).

tarsan ayaa sabata uu Ninkaan ugu dooday una Fasax loo arkay in uu asigu ahaa Maskaxda sare ee qorshaha abaabushay.

Arinta ayaa ku biyo shubatay in la joogiyo isu soo baxyada iyo soo saaridda Warsaxaafadeedyada dhacdadaas la xariira maadaama wariye kasta oo af adeyg iyo Il adeyg Muujiyay si gooni ah loogu goodiyay.

waxaa u cadaatay in aanay waxba ka duwaneyn kan la dilay Meeshana aanay wax Caddaalad la yiraahdo ka jirin oo sidii Mooryaantii shagaashamaadkii oo kale Maamulku u dhaqmayo.

Eedeysanaha Wariyaashu Maalin walba waa arkaan waxaanay Xasuustaan Cabdi-Salaan Xiis oo intaan ka aqiin ahaa Shaqsi dabeecad wanaagsan Bashaashna ahaa laguna aqoon cuqdad iyo dhib badan toona.

Wariyaashu hadday awoodaan daqiiqadna lalama sugeen Maxkamdeynta Ninka in uu Cabdi-salaan dilkiisa ku lug lahaa lagu tuhmayo kii rasaasta ku tirshayna waxaa la sheegay in Dibadda loo diray.

Haddii Ra’iisalwasaare Saacid ka naxayo dililka wariyaasha muxuu u soo xiri waayay eedeysanaha kadibna Maxkamad in la soo taago u dalbo waay? Waa Su’aasha Maskaxda wariyaasha ku weyn.

Waxaa xusid mudan in Cabdi-Caziiz Koronto oo wariyaasha Muqdisho ka mid ahaa dhawaan Xabsi la dhigay iyadoo lagu haysto Haweeney uu wareysi ka qaaday ka gadaal markii Baliiska xubno ka tirsan Kufsadeen.

Marka aaway Xoriyatul Qowlkii iyo Madax banaanidii Dowladdaan iyo tii ka horeysay buugaagta ku xariiqeen?

Ra’iisalwasaaruhu Muu soo daayo wariyaha Gardarada ku xiran? Waxa ay ka mid tahay Su’aalaha wariyaashu qabaan.

Talo.

Nabi Muxamed Naxariis iyo Nabad gelyo korkiisa ha ahaatee waxa uu yiri “qofkii rumeysan Ilaahay iyo Maalinta Aaakhiro ha ku hadlo kheyr haddii kale ha iska aamuso”.

Anagoo taas raaceyna waxa aan ku hadleyno aanu ka fiirsano, aanna ka digtoonaano Cadawgeena oo Gaalada iyo Gaala raacyadu ka mid yihiin.

aanu beri ka noqono oo ka fogaano intii Ilaahay iyo Rasuulkiisa (NNKH) iyo intiii raacsan Cadaw ku ah .

Amaankiinna ka taxadera oo ha Magangelina Cadawgiina iyo Cadawga ilaahay sida in Qaramada Midoobay Ururada Saxaafadda Gaalada iyo wixii la mid ah ha weydiisanina in ay Amaankiina Damaanad qaadaan.

Iyagaan Amaan haysan oo la dilaa laan afduubtaa had iyo goor.

Ilaahay Magan gala Dalkeena iyo dadkeena iyo Diinteena Islaamkana aan u shaqeyno intii naga mid hayd ee wax ka qaldameena Alle ha u soo laabato.

Wariye Cabdulaahi Yaasiin Jaamac (Cabdulaahi-soomaali)

Cabdulaahisomali@hotmail.com

24530327

SAWIRO:-Saacid Shirdoon oo diyaarad Malateri lagu geeyay Marka,Shabeelada hoose cabsi dhinaca dhulka oo jirta awgeed.

24248289Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta booqasho kedis ah ku tagay magaalada Marka ee Xarunta gobolka Shabeellaha hoose.

Diyuurad ay leedahay Q.Midoobe ayaa Saacid geysay Marka wuxuuna isku aamini waayay  taangiyada AMISOM oo dhowr mar wasiirro katirsan DF-ka u gelbiyay magaalada Marka kadibna weeraro halis geliyay kala kulmay ciidamada XSHM.

Safarkan ayaa waxa uu noqonayaa kii labaad ee Raysal Wasaaraha Dowladda Fedraalka Soomaaliya uu ku tago gobolka Shabeellaha Hoose tan iyo markii la doortay, iyadoona Safarka uu ku tagay magaalada Marka uu kusoo beegmayo xilli uu faraha kasii baxayo ammaanka Moqdisho iyo magaalooyinka ay tageen oo dhan.

24248450

 

Shabakadda BBCNews ayaa warbixin ay diyaarisay ku caddesay sida gobolada dalka Soomaaliya loo kala maamulo.

Sawir khariiradeed BBCNews daabacday ayaa lagusoo bandhigayay sida loo kala maamulo deegaanada Soomaalida iyadoona ay ka muuqanayso in aysan jirin meel ay DF-ka ay si xor ah u maamusho arrinkaasi oo muujinaya in waxa Soomaaliya isku haya ay yihiin shisheeyaha iyo muslimiinta Soomaaliya ee gumaysi diidka ah.

24245213

 

 

DHAGEYSO:-Hoos u dhac aad looga cawday oo ku yimid Sarifka Lacagaha Doolarka ee Suuqyada Dalka Soomaaliya.

24112100Iyadoo halki doolar lagu sarifi jiray 22 kun oo shilinka Soomaaliga ah ayaa waxaa Shalay aroortii laga war helay iyadoo lagu sarifayo 19000-20.000 (toban iyo sagaal kun illaa labaatan kun Sh.So.).

Sidee arintan looga dareemay magaalada Muqdisho?

Dhagayso Maxamuud Maxamad.

Injineer Maxamuud Xaaji oo kamid ah aqoonyahanada dhaqaalaha ayaa ka hadlay waxa keenay hoos u dhaca degdega ah ee ku yimid sarifka lacagta doolarka Mareykanka.

Dhagayso Aqoon yahan Injiner Maxamud.

XIGASHO RADIO ALFURQAAN.

24112154