DAAWO Sawirada xasuuqii Ciidanka Xabshido ka gaysteen Masaajidka ku yaala Baladweyne.

25335320 (1)
Waxgarad ku sugan B/weyne ayaa sheegay in Itoobiyaanku Masjidka ku dhax dileen Nin lagu magacaabi jiray Cabdi Guute oo xilli kamid ahaan jiray maamulkii Cabdi Fataax Gaal Hoose,Guute wuxuu caan ku ahaa in uu dhaleeceeyo ciidanka Xabashida Itoobiya oo uu ku eedayn jiray in ay sabab u yihiin dib udhaca dhan walba ah ee magaalada ku habsaday tan iyo markii ay ka baxday gacanta Xarakada Al Shabaab.
Dadkii Masaajidka ku jiray ayaa dareemay cabsi iyagoo indhahooda ku arkaya ka dib  hortooda  toogtay ninka geeriyooday, ficilka ciidankani ay ku kaceen ayaa dad badan dib usoo xasuusinaya xasuuqii indha la’aanta ahaa oo  ay ka geysteen magaalooyinka dhaca koonfurta Somaliya.

Dabayaaqadii sanaddii lasoo dhaafay ayay Itoobiyaanku Kaniisad u bedeleen Masjid jaamaca xarunta gobolka illaa iyo haddana waa Kaniisad ay maalinta axadda cibaado gaaleed ku sameeyaan saraakiisha Itoobiyaanka.

25343167

Banaadir Post

BELADWEYNE:-Duqa magaalada Beladweyne oo weli u xiran ciidanka Amisom iyo dad qaraabo la ah oo sheegay in la jirdilay!!

24743883Ciidamada  AMISOM oo xooga ku  jooga magaalada B/weyne ayaa xabsiga dhigay duqii magaaladaas Maxamed Xasan Nuuriye, dad  qaraabo ah  la ah ayaa sheegaya in la jirdilay,

Waxaana la sheegayaa inow jabay heshiis ka dhaxeeyay beelaha  ku dhaqan Belaweyne iyo ciidamda Jabuutiyaanka oo xooga lagu keenay gayiga Somaliyeed, heshiiskaas oo ahaa mid ay hoos u galeen ka beelo Somaliyeed  ahaan,laakin aysan ogayn Taliska guud ee Amisom,waxaana la sheegaya in hada la ogaaday.

Kuwa quwanada ah ee la shaqeeya gumaysiga soo gaaray gayiga Somaliyeed ayaa mar kasta la xiraa ka dibna la jirdilaa shaqadana laga qaada,waxaana wax aan ka soo baranay taariikhda taxana ah ee Somaliyeed.

Banaadir Post.

24736818 (2)

Ciidamada reer Jabuuti oo xalay weeraray Beladweyn”Kuwii soo duulay ayaa weli ku dhiig baxaya gayiga Somaliyeed”

23732812Waxaa xalay weerar la helay Ciidamada reer Jabuuti ee loo keenay gayiga Somaliyeed inay nabada ka ilaaliyaan qeybna ka ah waxa loo yaqaan Amisom oo Somalido inteeda badan ugu yeeraan Gumaadsom.

Ma ahan markii ugi horeysey oo ay  ku dhiig baxaaan  dhulka Somaliyeed,waxaana hada ka dib wajihi doonaan culays maadama ay bixi doonaan ciidamada Itoobiya oo Beladweyn ku sugan,kuwaas oo hada difaac u ah,kana awood badan.

Ina Cumar Geele ayaa Qamaar dhigtay dhiiga wiilasha reer Jabuuti lacag badana ku helay,laakiin waxaa la gaari doonaa inay gzlaan xili adag oo reer Jabuuti la kulmaan sida ay ula kelmeen kawa iyaga wehelka u ah sida Itoobiya,Burundi iyo Uganda, oo horey ugu jabay  gayiga Somaliyeed.

Banaadir Post.

23452848

Jabuuti oo ka walaacsan in Ciidankeeda lagu Xasuuqo B/weyne marka ay Ciidanka Itoobiya baxaan.

23470299Dowladda Jabuuti ayaa walaaca ka muujinaysa in khatar dhanka ammaanka ah lakulmaan ciidamadeeda ku sugan gudaha Somaaliya.

Afhayeen u hadlay wasaaradda difaaca Jabuuti ayaa sheegay in dalkiisu ka cabsi qabo in weeraro culus uga yimaadaan ciidamada Xarakada Al Shabaab marka ay ciidanka Itoobiya ku cidleeyaan magaalada  Beled Weyne.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa dhiggiisa Somaliya Xasan Sheekh u yeeray si layskula afgarto yareynta weerarada dagaalyahanada mujaahidiinta uga yimaad.

Wararka qaar waxay sheegayaan in Jabuuti ay Xasan Sheekh uga cudur daaratay sii joogidda B/weyne haddii ay baxaan ciidanka Jabuuti.

Jabuuti ayaa DF-ka ku amartay in ay ciidan xoogan geyso B/weyne si ay isku weheshadaan ciidamada Jabuutiyaanka ah, ugu yaraan 400 oo Askar Jabuutiyaan ah ayaa ku sugan garoonka diyuuradaha Ugaas Khaliif ee duleedka B/weyne waxayna ka walaacsanyihiin weeraro uga yimaad mujaahidiinta

” Iska Qayishay  bal qaraxana baro”

Banaadir Post.