BAYDHABO:-Ganacsatada Baydhabo oo lagu Qasbay inay Bixiyaan Lacago Baad ah.

25782705Saraakiil katirsan  Xabashida iyo  Maleeshiyaadka Somalida aah  ayaa ku amar   ku bixiyay in  ganacsatada ku sugan magaalada Baydhabo inay bixiyaan lacago baad ah si loogu Maalgaliyo ciidmada Afrikaanta ah ee ku sugan qaybo kamdi ah gobolka Bay.

Lacagaha la dul dhigay Ganacsatada in si qasab ah ku bixiyaan ayaa gaaraya qiima lacageed oo dhan 200,000 laba baqol oo kun doolarka Mareykanka ah.

Saraakiisha katirsan DF-ka ah ee ku sugnaa goobta ganacsatada lagu qasbay in lacagahaasu sida ugu dhaqsiyaha badan ugu bixiyaan ayaa Waxaa kamid ahaa Gudoomiyaha Gobolka Bay iyo xubno kale  oo Xabashada xooga ku jooga  Gobolka Bay.

Ganacsatada oo ahaa kuwo si qasab ah la’isugu so aruuriyay ayaa arinkaasi u cuntami weysay isla mar ahantaana ay sheegeen Inaysan ka bixi Karin lacagaha lagu qasbay balse loogu hanjabay in hadii ay bixin waayaan laga qadi doono talaabo adag.

Gobolka bay ayaa waxaa jira  dhibaato balaaran oo ay ku hayaan Maleeshiyaadka is haysta oo Xbashido ku hayso gobolka oo  dhan, waxaana maalin kasta is haysta  iyaga dhexdooda.

25251825

Banaadir Post.

Ciidamadii Itoobiya oo isaga baxay Degmada Ufuroow ee gobalka Bay oo ay isku dayeen inay qabsadaan.

25345429Warar la helay  ayaa ku waramaya Ciidamadii Itoobiya maanta qabsaday Degmada Ufuroow inay isaga baxeen degmada kuwaasi oo qabtay wadadii ay ku yimaadeen.

Boqolaal ciidamada Shabaabka  ayaa ayaa  gudaha u galay magaalada, dagaal dheer oo saacado qaatay ciidankii soo duulay wexey dantu ku kaliftay in magaalda ay isaga baxaan.

Ciidamada ayaa maanta dagaal xoogan uu ku qabsaday Duleedka Degmada Ufuroow ee Gobalka Bay iyadoo ay jiraan qasaaro xoogan oo soo gaaray Ciidamada huwanta gudaha ugalay Degmada Ufuroow.

Xaalada Ufuroow ayaa maanta kacsanayd wacaana ciidamada duulaanka kusoo qaaday degmada ay goobta ka gaysteen dhac iyo handadaad.

25343167

Duulaanada ceenkani oo kale ah ayaa kusoo batay degmada mana ahan markii ugu horreysay oo ay soo gaaraan degmada tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay soo galeen qeybo kamida gobolka.

Xabashida ayaa shalay xasuuq ka gaystay magaalada ay  xooga ku haystaan Baladweyne waxayna ku xasuuqeen dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Waxaa dhiigbax ku socdaa gaaladii soo duushay  walba ay  oo ka  joogaan gayiga Somaliyeed.

25345551

Banaadir Post.

GEERI:-Xasan Maxamed Nuur “Shaati Guduud” oo Jarmalka ku geeriyooday.

25207840

Xasan Maxamed Nuur Shaati Guduud ayaa muddo sanado ah waxa uu la daalaa dhacayay xanuunka dhiig karka iyo kaadi macaanka, waxaana sida ay xaqiijiyeen qaar ka tirsan eheladiisa uu  ku geeiryooday Isbitaalkii lagu baxnaaninayay oo dalka jarmalka ku yaal.

Shaati Guduud oo ka mid ahaa dagaal oogayaashii gobollada Baay iyo Bakool ayaa waxa uu xilal kala duwan kasoo qabtay Dowladdii Carta ee ee Madaxweynaha uu ka ahaa C/qaasim Salaad Xasan iyo Dowladdii C/llaahi Yuuusuf Axmed.

25179851

Banaadir Post

Cunto Nafaqeysan iyo Dawooyin Lacag La’aan ah oo la gaarsiiyay Shacabka Magaalada Xudur.

25152004

Wararka ka imaanaya Xudur ayaa sheegaya in gaadiid waday dawooyin iyo raashin nafaqeysan uu maanta gaaray magaalada Xudur,boqolaal qoys ayaa lafilayaa in ay ka faa’iideystaan gargaarka caafimaad ee mujaahidiinta Soomaaliya ay magaalada gaarsiiyeen.

Saraakiil katirsan maktabka caafimaadka wilaayada Bay iyo Bakool ayaa warbaahinta u sheegay in dhaqaatiirta ay dawooyin iyo baaritaanno lacag la’aan ah ufidiyeen shacabka.

Mas’uuliyiin katirsan maamulka islaamiga degmada Xudur oo iyana warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in dawooyinka dadka si siman loogu qeybin doono.

Saraakiisha Maktabka caafimaadka Wilaayada Bay iyo Bakool waxay sheegeen in Buskut nafaqeysan ay uqeybiyeen carrur iyo haween nafaqa darro ka sheeganayay,ciidankii Xabashida Itoobiya ee mudada sanadka ah gumeysiga ku joogay ayaa kadeed dhan walba ah ku hayay shacabka muslimiinta magaaladaasi.

25146724

Banaadir Post.

DHAGEYSO:-Ciidanka Itoobiya oo baxaya, Saraakiisha Itoobiya iyo Uganda oo indhaha farah iska galiyey iyo ceebta Xassan Gurguurte haysata.

25069488

Itoobiyaanku waxay shir la qaateen Saraakiil Uganda iyo saraakiisha maleeshiyo Beleedka Baydhabo jooga ,waxay dheheen waan baxaynaa, waxaa la sheegay in Saraakiisha Uganda ay aad oga caroodeen bixitaanka Ciidanka Itoobiya kadibna ay Faraha Indhaha iska galiyeen.

Itoobiyaanku waxay si cad u sheegeen in aysan wax Lacag ah ka helin Reer Galbeedka, marka Itoobiya waxay rabtay in ay baxar galiso ciidamada Uganda iyo Burundi ee laga soo saari waayey Magaalada Muqdisho, hadda waxaa la keenay Magaalooyin ay aad u sahlan tahay in lagu xasuuqo ciidamada shisheeye.

Waxaa hubaal ah Ciidanka Kenya, Uganda iyo Burundi in barqadii Mujaahidiintu cayrsanayaan. Dhinaca kale Xassan Gurguurte  oo aanan ka hadlin bixitaanka Ciidanka Itoobiya ayaa waxaa ka hadlay Xoghayaha Maraykanka u qaabilsan Wadamo Afrika kamid ah Johnnie Carson, waxaa si wanaagsan oga hadlay Saxafi C/fitaax Maxamed Qaasim oo sharaxaad dheer ka bixiyey bixitaanka Ciidanka Itoobiya iyo Warbaahinta Caalamku waxay ka qortay.

24790479

Dhagayso MP3 Halkaan Riix Ama Guji

Isha Maqalka Idaacadda Islaamigaa ee Alfurqaan.

25069488 (1)

Banaadir Post.

DHULKU MA GUURO:- Ciidanka Itoobiya oo faarujiyay Degmada Ceel-Barde iyo Maleeshiyaadkii oo kala fakanaya hubkooduna iibyahay.

25029543

Ciidamadii Itoobiya ee dhawaan isaga baxay magaalada Xudur ee gobolka Bakool ayaa ugu dbay gudaha Ethiopia  arrinkaasi oo ka dhigan in Itoobiyaanku si buuxda uga bexeen Bakool.

Ciidamada Itoobiyaanka ay ka guuray  saldhigyo ay ku lahaayeen gudaha iyo daafaha magaalada,in kabadan 56 gaadiidka dagaalka ah iyo kuwa xamuulka oo ay ciidanka Itoobiya wateen ayaa gudaha u galay dhulka Soomaalida ee lagumeysto.

Maleeshiyaadkii  Soomaalida  ahaa oo muddo sanad ah halkaasi ku sugnaa ayaa kala fakanaya cararaya hubkooduna iib u yahay,waxayna u  fakanayaan meelihii markii hore laga keenay,waxayna jid mar ka sii dhigaynayaan hubkii ay haysteen,taaso caado u ah.

Ceelbarde oo 95 KM Xudur dhanka waqooyi kaga beegan Xudur  22-ka sano oo ay Soomaaliya dowlad la’aanta tahay waxay ku jirtaa gacan gumeysi waxayna naqatay marin ay ciidanka Itoobiya u maraan dhanka Xudur iyo Bakool inteeda kale.

25015192

Banaadir Post.

GABAY:-Gabay ku saabsan Xorreyntii Xudur (W/T Cabdullaahi Soomaali)

25029272

Mahad oo Idil Allaah ayay u sugnaatay, Nabad gelyo iyo Naxariis Nabi Muxamed korkiis ha ahaato.

Sidahaddii qofka Aadmiga ah Xubin jirkiisa ka mid ahi Xanuunto jirka intiisa kale ula xanuunsado ayay Markii qolo Muslimiinta ka tirsan dhibaato gaarto kuwa kale ula xanuunsadaan ulana qeybsadaan Murugada iyo Uur ku taalada gaarta.

Maalinta Muslimiintu farxaan oo ay dhacaan guulo ay waqti naawilayeen kuwa kale wey la qeybsadaan oo sidooda oo kale ayay u farxaan.

Ciddii farxadda Muslimiinta ka naxda dhibaatada Muslimiintana ku raaxeysata ha isweydiiso qolada ay ka tirsan tahay.

17 03 2013 ee Taariikda Milaadiga waa Maalintii Magaalada Xudur ee Xarunta Gobalka Bakool ay ka baxeen askarta Itoobiya oo Muddo Sanad ah joogay dhibaatooyinna ku hayay Muslimiinta walaalaheeen ah ee halkaas ku dhaqan.

Xorriyadi Baryo kuma timaado ee Dagaal dheer, dhimasho iyo dhaawac badan, isu gudbinta saadka oo ku adkaaday iyo dhibaatooyin kale oo soo wajahay ayaa sabab u noqday in askarta Itoobiya naftooda kala cararaan Xudur.

Gudcur iyo koley tahay dharaar gaabis laga roone,

Guluf iyo waxaa lagu helaa Geeri iyo dhiige,

gacmohoo la laabtaan Xorriyad Cidi ku gaareyne,

erayadaas waxa ay ka mid ahaayeen Maansadeydii Gowrac dhega dhaafa ah ee aan tiriyay dhamaadkii Sanadkii tegay waxaanay na tusayaan in aan Nin gaabiyaa Gobanimo soo dhicineyn.

Mujaahidiinta ayaa Muddo dheer Xabad ku waday Cadawga Xudur qabsaday dadkeeduna Allaha ka abaalmariyee intii tabartood ah waa dadaaleen.

Gabaygaan oo la yiraahdo Xudur waxaan ugu tala galay in jiilka Maanta iyo kuwa naga dambeeyaba ku xasuustaan wixii Xudur ka dhacay.

Sidoo kale Maansadu waxa ay ka hadleysaa in dhulkeenna Cadawgu in badan oo ka mid ah haysto qorshayaal in uu qeybsado ahna uu horay u degsaday gaar ahaanna Kenya iyo Itoobiya Muhiimadduna ay tahay in aan iska dhicino.

Mansadu waxa ay ku bilaabanaysaa

Xaasidnimo kuwii looga yaqiin xumaan iyo hoogga,

Xabashiyo Tigreegi na dhibay iyo xigaalkoodi,

Xabbadaha markii lala dhacee xinjir laga dhoobay,

Xabaaluhu markii ay bateen lagu xareynaayo,

Xagaa iyo xaggaa kale markii lagaga soo xoomay,

Xaniinyaha Markii ay qabteen niman xaq doonaaya,

Xulalkii Islaamkaa heloo wey Xaskuliyeene,

Weerarada xad dhaafkiyo kolkii xaqiiqadu gaartay,

Xulufada Saliibigu jabtoo xamaamadi qaate,

Xudur waa ka guuroo kufrigi Xalay ka guureeye,

Kuwi Gaalka Xiisuhuu qabaa Xanuunsanayaane,

Xididdu dhaqaaqo wadnuhu dhab u xawaareeye,

Xangulaha iyo Neerfahu xiimoo ololeene

Xubnahaa jareeyoo hurdadi kala xaluusheene,

Xiqdigii ka buuxiyo qubxigi xumad ka qaadeene,

annagana Xogteena ayaan idiin xaqiijaaye

xaggaya Farxadbaa jirtoo Xabadka noo taale,

Towxiidka Calan lagu xardhaa xariga loo taagee,

Xaggaaygaa babaayoo luloo Cadaw xajiimooye,

Xijaabka Hablahow ka dhigay xiran dharaartaane,

Dugsiyadii xagoodii la aad uu xanibay waaye,

Xoorta iyo Dhaydiisiyo Jihaadka Xooxdiise,

Xigtiisa annagaa dhannoo Xorriyad joognaaye,

Xagsooraha na kaabaye annagu xoog malihin weyne,

asigaa Xisaabtiyo na baray Xeeeladiyo Diinta,

Guushow noo ximbaariyay ayaan ku xamdineynaaye.

Xalqo kale ayaa mudan in aan galno xisaabteede.

Nin Hashiisi Xiis laga dhacoo aan Xaglaha nuuxin,

iyadoo Xagar daaqdiyo Xayay Caleemeystay,

oo Candhudu sidii xaarin tahay Xaadda lagu dheehay,

Xag inuu ka maaloo dhakal Xilif ka soo siiyo,

Xidigahay ka dheertahay inuu xidid ku sooraaye,

Xiligii gumeystaha dhulkii xoogga laga qaatay,

Xabashidu intey boobtayoo u xaniban waaga,

Xukuumadda Kenya midkey gelisay xeyndaabka,

asigoo xagoodii jiroon laga xoreyn waaga

Ninki xananka jiiraa dhir kale xeel u helayaaye,

Xaarwalwaal ugandheys iyo Xamaaligisiiba,

Xuub madoobe reer Burundiyoo na xag xaganaaya

Iyagoo xukaam kale watoo weliba soo xoojay,

Xamar iyo Kismaayiyo ,Balcad, xaafadaha Jowhar,

Beledweynihii Xilli ahaa Xarun daraawiishti,

Xayo iyo Badhaadhe iyo dhulal ku sii xeeran,

Xamlo iyo dagaal adag.

24988865 (1)

Banaadir Post.

GUMAYSIGA CUSUB IYO GAYIGA SOOMALIYEED:- Gaari Tow ah oo Amisom Lagu Gubay Duleedka Buurhakabo.

24776283Wararka laga helayo  degmada Buurhakabo  ayaa sheegaya in gaari Tow ah duhurnimadii maanta lagu gubay waxaana dhibaato weyn ka soo  gaartay kuwii maalmo ka hor duulaanka ku yimid degamadaas oo dhowr sano nabad ahayd,waxaana la sheegaya in dhimasho iyo dhaawac badan soo gaaray ciidanka Amisom.

Ciidamada Afrikaanta oo ka soo ambabaxay dhanka deegaanka Leego kuna sii jeeday degmada Buurhakabo islamarkaana hal gaari  kaga gubtay jidgal loo dhigay,waxaa soo badanaya dhibka   gaaraya markasta oo ay kala dheeraadan,taaso horey loo sheegay inow dhowyahay inay ka guuraan gayiga Somaliyeed.

23856108

Banaadir Post.

Ciidamada Xabashida ayaa weli ka fakanaya Baydhabo oo ay xoog ku joogeen,waxaa la arkay iyaga oo dulaysan oo madafiic jiidaya,waxay mudo ku dhiigbaxayeen gayiga Somaliyeed.

23691907Ciidamada Itoobiya ee xooga ku joogay Gobalada Bay iyo Bakool ayaa bilaabay dhaqdhaqaaq ay kaga baxayaan deegaanada ayaa ka socda maalintii labaad.

60 Gawaarida ciidanka xanbaara,kuwa Madaafiicda jiida,dabaabaad oo ay lasocdaan ciidamada Itoobiya Kuwaasi oo kabaxay Magaalada Baydhabo,waxaana ka  muuqanayay niyad jab iyo ciil ay u qabaan dadka Somaliyeed oo dagaal kala hor yimid kuwan soo duulay.

Colaada ka dhaxaysa Somali iyo xabasho ayaa ah  mid soo jireen ah  siina jiri doonta inta aduun la joogo.Ma ahan markii ugu horeysey oo kabo la,aan iyo lug uga baxayaan meelo badan oo ay horey u tageen,sida Ceelbuur iyo Wabxo oo ku jabeen.

Shacabka ku dhaqan magaalada Baydhabo oo wajiyadooda laga dareemayo farxad ,ayaa Sheegaya in ay indhahooda ay saareen ciidamada Itoobiya oo wata  Computer-ro iyo agab kale oo ay ka dhaceen Shacabka Muslimiinta ah in ay isaga baxeen gudaha magaalada.

Waa wax la wada ogyahay in kuwa duulaa ay  jabaan,waana markii labaad  oo mudooyinka danbe xabasho ku jabto gayiga Somaliyeed.

Banaadir Post.

23670957

NIN AGOON AH NIN AABBE LEH KAMA NAXO!!!

23528684Tixdani waxay ka mid tahay gabay uu horey u tiriyey Cabdullahi Macallin Axmed (Dhoodaan)

Gardarooy waxbaad geysataa, goor iyo ayaan e
Gafkii aad samaysaa batiyo, godobahaagiiye
Gashi aan yarayn baad qabtaa, jeer lagaa gudo e
Waxaad goyso moyee lawaa, nimaad gargaartaaye

Gurigii barwaaqaysan baad, gubi taqaanaaye
Oo ruuxaad gadhqaadaa wallee, guul ma xoogsade ee

Waxa soo baxaysa in qayladii iyo calaacalkii ka dhammaaday madaxyo-weynta Kenya iyo kuwa la ooya, amase ladamqada. Waxay aad uga cataabaan in qalalaase iyo amni xumo la soo deristay dalka Kenya, oo miyeysan ogeyn inay dal dhan oo xor ah, ummad dhan oo Muslimiin ahna ku nool yihiin aay har cad ku duuleen dadkiisiina laayeen wixii toodii gashay, su’aasha aay hadda is weydiinayaan maxay tahay yayse ku cataabayaan?!

Alle (swt), markuu kufaarta ka hadlayey wuxuu Quraankiisa Kariimka ah ku sheegay inay yihiin kuwa garnaya nolosha daahirkeeda, laakiin aayan ahayn kuwo aakhiro wax ka og.

Halkaa waxaa laga fahmayaa adduunyo rog-rogitaankeeda iyo meesha dantoodu ku jirto maahan kuwa dhumiya oo waa aay ku dadaalaan, sidaa darteed maaha kuwa garan waayey wixii aay faleen, laakiin kuwan Biddaha ah ee Keenyaanku maaha kuwa xataa fahmaya wixii aay geysteen, waxaana muuqata inayan xataa dareensaneyn inay ummad ku duuleen.  Taasi waxay markhaati cad u tahay inta uu le’egyahay dulqaadkooda iyo xamilka aay xamili karaan dhib ku yimaada. Dadnimo xumada iyo jiljileecuna waa dhaqan gaalo, laakiin ragga Alle (swt) isu dhiibey ma mudna jiljileec markii aay is qaabilaan kufaar huuralay.“Keenyaay war moogey ma laguu waramay”.

Sida cinwaanka qoraalka ku cad, nin hadduu agoon yahay oo aabbihii tiiAlle (swt) u timaaddo, wax macno leh uguma fadhido nin nin aabbihii noolyahay oo uu Jimce walba gacanta qabto una sahlo wixii aabbe ubadkiisa u qaban lahaa, Kenya waxay ahayd dal muddo konton (50) sano ah ka badbaaday dagaalladdii ahliga ahaa (civil war), ee saameeyey dalal badan oo oo mandiqadda ku yaal, sida Uganda, Suudaan Itoobiya iyo Soomaaliya, oo aay intaba xuduud ku sheeg la wadaagto. Keenya waa dal aayImbiryaaliyadda Caalamiga ahi aay ilaashadaan iyagoo ku haystay dano badan oo siyaasadeed iyo mid istaraatiijiyadeedba(political and strategically wise), Kenya waxay saldhig maqaarsaar ah oo laga maamulo danaha dhowr dal u ahayd mandiqadda, howl kasta oo sahyuuniyadda caalamiga ah ka damacsaneyd Bariga Afrikana iyadaa gar wadeen u ahayd.

Nabadda iyo jiritaanka dalka Kenya wuxuu ahaa midaan muran la gelin karin, waxaa taariikhda ku cad markii aay isku yaaceen mindiyahana iska asleen 2007dii, markaas oo aay dhacday in muddo todobaad ka yar aay ku nafwaayeen kumanaan ka mid ah qowmiyadihii siyaasadda isku hayey, tobonaan kun oo kalena ku bara kaceen oo aay lumiyeen dhulkii aay muddaba deganaayeen, welibana aay yareyd dhibka uu geysan karo hubkii aay ku dagaalamayeen oo ahaa hub qadiim ah (primitive weapons), kaasoo ka koobnaa Mindiyo, Baangado iyo Seefo oo aad uga dhib yar markii aay noqoto in lagu daggaalamo hubka casriga (modern weapons) ah, ee meelo fog-fog wax ka gumaada, kaasoo macquul ka dhigi lahaa in la waayo boqolaal kun oo nafley Keenyaan ah, taasoo calaamad u ah cadaawadda dhextaal iyaga laakiin aay leeyihiin ehel Diimeed iyo mid Mabda’eed oo kala celiya markii aay isu xayd-xaaytaan. Damintii colaadooda waxaa ka soo qayb galay rag badan oo la aaminsanyahay inay magac siyaasadeed iyo mid hogaanba ku leeyihiin Qaaradda Afrika iyo dunida kaleba, si loo dejiyo xaaladooda.

Taa waxaa bedelkeed ah markii Soomaalida ilaa 1978kii lagu soo hubaynayey jabhado ka soo sahay qaatay cadowgii Soomaalida iyo Islaamkaba ee Itoobiya iyo Kenya oo siyaasiyan u qaabili jirtay ciddii diiddanayd nidaamkii markaa ka jirey Soomaaliya, oo aan isagu Islaami ahayn, laakiin ka qowmiyasanaa kuwa hadda jooga oo noocma dowlad u’akaa. Waxaa iska macruuf ahayd in mindiyo loo soo dhiibo hadba kooxdii la filayo inay u heellan tahay inay Soomaali dumiso amase qar ka tuurto, laakiin cadowga inagu xeerani marnaba ciidamadiisu suurto gal ma ahayn inay soo tallaabaan xad beenaadka aay inala wadaagaan, ilaa la gaarey in layska qabtay kuwii aay mindiyaha u soo dhiibi jireen, Jabhadihii iyo Qabqablayashii, ee iyaga cammiilada u ahaa.

Ummaddu markii aay kuwaa iska qabatay, oo aay fahmeen in Muslimiinta Soomaalida ahi in kuwani agoomeeyeen, oo aa aabbayaashood laayeen, maxaa dhacay?! Waxaa dhacay in kufaar oo dhammi isa soo bahaysato iyagoo dareensan in agoontii Soomaalida ahayd ogaatay kuwii agoontimeeyey, oo ah Mareykan, Ingiriis, Talyaani, Faransiis, Itoobiya, Uganda, Kenya, oo haddana  raba inay agoonnimmadii ku sii hayaan, laakiin xisaabta kuma an aay darsan in nin aabbihii noolyahay uusan waxba yeeli karin nin agoon ah.

Sidaan horey u xusayba, Kenya, waxay ka mid tahay kuwa aabbahood noolyahay, waxay daandaansi iyo khasiyad la soo doonatay nin agoon ah, Soomaaliya, laakiin Alle (swt), leh kuna kalsoon, waxaa dhegaha loo wada taagayay wixii ka soo baxa nin aabbe leh iyo nin agoon ah markii aay is qaabbilaan. Waxaa durba soo baxaya dhawaaq muujinaya dadnimo xumada Kenya iyo meesha tabari dhigtay, iyadoo weliba aay muuqato in dhaqaale badan lala garabtaagan yahay si aay u meelmariso xarbu wakaalaha (Proxy war), loo soo dhiibay.

Cadaaladda Raabi waxaa ka mid ah in maantadan la joogo aay isku mid yihiin magaalooyinka Kenya uga waaweyn, oo qaarna iyadu leedahay, sida Nairobi, qaarna aay gumaysi ku haysato sida, Mombasa iyo Garissa, iyo kuwii ku yaalla dhulka Soomaalida sida, Muqdisho, Kismaayo, Baydhabo, Beledweyne, markii laga eego xagga amniga, kullinna isku si baa cadowga loogu wax yeeleeyaa, qaraxyada iyo nidaamdarraduna uga socota, marka Keenyaaay ma is weydiisay wixii aad faa’iiday markii lagu farey inaad si indho la’aan ah xad beenaadka aad la wadaagto Soomaaliya aad ka tallowdo? Jawaabtu waa iska caddahay oo waad faa’iiday waxaadna faa’iiday in xisaab badan oo xaqdarro ah oo xaggaaga jirtay aay kaasoo noqoto, in qofku xaq baxo oo wax uusan lahayna laga soo ceshaa isagay u wanaagsan tahay, marka ogow waxaad horey u xalaaleysatay baad soo celinaysaa haddii Alle (swt) raalli ka noqdo.

وآخر دعوانا أَنِ الحمد لله رب العالمين

Suldaan Maxamed Suldaan Garyare (Abu-Cabduraxmaan).

Banaadir Post.