Sidii aan horey u soo tilmaamnay caalamul islaam waxaa saldhigtay oo awood ku yeeshay awoodihii gumeystayaasha ee kusoo duulay dhamaadkii qarnigii 19aad ee miilaadiga, taariikhdeena waxey diiwaan galisay sida gaaaladu ay sharciyad iyo taagero ugu heleen in ay dhulalka muslimiinta dowlado ka dhisaan oo ku amar taagleeyaan
, taasoo ay u sahleen dad culimo sheeganaya oo si ben abuur ah sharciyad u siiyay ama si toos iyo si dadban intaba u taageeray qorshihii saliibiyiinta kusoo duulay caalamul islaam.
Haddaba iyadoo xaalku sidaas yahay ayaa horraantii bartimihii qarniga 20aad waxaa dadka muslimiintu ay billaabeen wax u eg hurdo ka toos iyo baraarug dhab ah, in kastoo aysan dhicin u istaagid jihaad dhab ah oo lala galo gaalada, aysanna jirin tayaar jihaadi ah oo si buuxda ugu dhawaaqay ama u iclaamiyay jihaad lal galo gaalada, haddana waxaa muslimiinta si tartiib tartiib ah ugu soo badanayay dib ugu laabashada diinta iyo is dareentiinta waajibka ka saaran diinta iyo dadka. Xukuumadaha ay gaalada gumeystayaasha ah kaga tageen dhulalka muslimiinta, awoodda millitari iyo dhaqaale ee gaalada, isku xirnaanshaha guud ee dunida ( globolization) iyo asbaabo kaloo badan ayaa masuul ka ahaa in dhaqdhaqaaqyada baraarugga muslimiinta ay la kulmaan cabburis, dil, dabargoyn xabsi iyo cunaqabateyn. Hadduu eebbe idmo warbixin gaar ah ayaan kaga hadli doonnaa taariikhdaas ku saabsan ka hortagga baraarugga iyo wax iska caabbinta xarakaatka islaamiga hase yeeshee waxaan dib ugu laabaneynaa mowduuceena hadda.
Tayaarka jihaadiga ah ee maanta jira waxa uu kusoo jiray dagaallo badan tan iyo markii uu soo shaac baxay muddo ka badan 30 sano, dagaalladaas waxa ay ahaayeen kuwo dhinacyo badan leh sida dagaal millitari, warbaahineed, fikri iyo manhaji… qofkii la socotay ama dib u baara wixii dhacay waxa u muuqaneysa in hardanka xooggiisa uu ka socday dhinaca fikirka iyo manhajka, dagaalka loogu jiray ku guuleysashada fikirka iyo manhajka marnaba kama uusan liidanin kan millitariga maxaa yeelay, sidii aan kuu sheegay qeybtii koowaad ee qoraalkan, gaaladu waxa ay marka koowaad xoogga sareen sidii ay u kasban lahaayeen culimada iyo fikirka guud ee dadweynaha, haddii ay intaas ku guuleystaanna waxa ay fursad u helayaan inaan dagaal lagala hortagin cidna juuq u dhihin, wayna dhacday. Muxuunan dagaalka fikirka iyo manhajka uga liidanin kan millitari? Sababtoo ah u jeeddadiisu waa in la sugo cidda uu raacayo xaqqa, sharciyaddana kasbaneysa.
Haddaba tayaarka jihaadiga oo muddadaas 3o-ka sano jiray wali waa mid jira kuna sii fidaya goobo hor leh, dadaal aad u dheer ka dib waxaa tayaarka jihaadigu awooday inuu ku guuleysto hardankii loogu jiray sharciyadda isagoo adeegsanaya culimadiisa, qoraayaashiisa, ducaaddiisa, hoggaamiyayaashiisa, ciidankiisa iyo taageerayaashiisa, kasbashada xaqqa iyo sharciga waxa uu qabo ayay kaga guuleysteen madaxda xukuma muslimiinta, waxa uu ku guuleystay inuu sugo xaqqa umaddana ka dhaadhiciyo sharciga iyo manhajka saxda ah tiiyoo ay jirto awoodda aadka u weyn ee dowladahaas, culimada u nacamlysa (wadaad xumayaasha) oo si xun u difaacaya dowladahaas, warbaahintooda, iyo ciidankooda.
Tayaarka jihaadiga waxaa kaloo uu awooday inuu ku guuleysto dagaalka intiisa badan, uuna sugo gaalnimada ay ku dhaceen dowladahaan, hiilka iyo taageerada ay siiyeen yuhuudda iyo nasaarada, iyo waajibnimada in lala dagaallo. Qeylo dhaanta ugu weyni waxa ay ka timid wadaad xumayaasha taageera dowladahaas oo isku dayay iney shariga uga qiil dayaan dowlahada riddoobay ee ku dhaqma qawaaniinta la dajiyay gaaladana ku taageeray dagaalkooda ka dhanka ah muslimiinta.
Maadaama tayaarka jihaadiga uusoo maray dadaalkaas aadka u dheer ee ay ku xaqiijinayeen xaqa iyo manhajka saxda ah, waxaa uu alle u suuro galiyay in towxiida xaakimiyada iyo manhajka saxda ah uu aasaas u noqdo kuna beermo xarakaatka, ururrada iyo shakhsiyaadka umada islaamka intooda badan.
Taasi waxa ay keentay in isbeddello waaweyn ay ka dhacaan caalamul islaam, dadka muslimiintana ay soo qaabilaan qaadashada iyo fahanka towxiidka xaakimiyada, kana feejignaadaan ama ka dheeraadaan xaqiida dastuurka gaalnimada ah ee la isku xukumo, kuna baraarugaan xaqiiqda wadaad xumayaasha ka ag dhow dowladda oo umada islaamka ka fariisiyay jihaadka kana dhaga xiray fahamka saxda ah ee diinta.
Waxaa lasoo gaaray sanadihii sagaashameeyada, markaasoo dunida ay dhaceen isbeddello saameyn ku yeeshay dowlado iyo goballo dunida ku yaalla, waxaa dhashay “nidaamka caalamka cusub” oo isbaheysi yuhuud iyo nasaaro ay dunida u dajiyen qorshaal ay ku maamulayaan, waxaa mar kaliya is baddalay siyaasadaha dowlaadaha gaalada ay kula dhaqmaan caalamka islaamka, siyaasadahaas waxaa ka mid ahaa in awoodo dhaqaale, millitari, dacaayad iyo fikri intaba loo isticmaalo ka hortagga cid kasta oo carqaladeyn karta istaraatiijiyadda “nidaamka caalamka cusub” iyo “mashruuca weyn ee Bariga Dhexe”
Sida ay gaaladu dagaalkooda ka dhanka islaamka ugu adeegsadeen culumo xambaarsan diinta islaamka.
halkuu salka ku hayaa barnaamijka ka hortagga jihaadka iyo weerarada lagu hayo Mujaahidiinta ee ay wadaan kuwa sheegta culumada?
Haddaba si uu u dhameestirmo qorshaha isbaheysi ee gaalada iyo murtadiinta una xoogganaato awooddooda ka dhanka ah tayaarka jihaadiga iyo fikirkooda sii xoogysanaya waxaa la ogaaday in furaha guusha uu yahay laba arrimood:
1-mujaahidiinta iyo culimada rabbaaniyiinta oo laga fogeeyo shacabka taasoo loo marayo hanashada sharciyadda qorashaashooda iyo sidii dadka loogu xasilin lahaa oo looga dhaadhicin lahaa wax kasta oo danaha gaalada ah.
2- in sharciyadda laga qaado mujaahidiinta ka horjeedda gaalada laguna tilmaamo inysan xaq ku dirireynin.
Maadaama dagaalku uu markan yahay mid ku saleysan mabaadi’da, afkaarta, manhajka iyo sugidda xaqa, gaaladu waxa ay ka baaraandageen halka ay u sii marayaan ahdaaftaas gurracan ( ee ku dhisan in muslimiinta iyo ra’yul caamka laga dhaadhiciyo in gaalada waxa ay wataan a ay yihiin kuwo sharci ah halka mujaahidiinta iyo manhajka xaqa ah ee ay wataan uu yahay mi daan shaci aheyn). halka loo sii marayo hirgalinta waxa ay dhalisay in gaaladu ay dib ugu noqdaan siyaasaddoodii duugowday ee waxtarka u laheyd, waxaa saaxada lagusoo celiyay wadaad xumayaashaa (wadaad dowladeed), oo taageero ka helaya wadaaddo inxiraaf ku dhacay oo iyagana sheegta iney matalayaan baraarugga islaamka ee cusub.
Hadafka gaaladu wuxuu noqday in la hirgaliyo 5 arrimood oo muhiim ah looguna talagalay in mujaahidiinta iyo umadda lakala fogeeyo, hirgalinta arrimahaasna ay meelmariyaan wadaad xumayaasha iyo munaafiqiinta.
Shanta arrimood waxa ay kala yihiin:
1-Sharciyeynta madaxda dowladaha oo lagu tilmaamo iney yihiin madaxweynayaal sharci ah oo waajib ay tahay in la adeeco, in lagu baxo ama la caasiyana ay reebban tahay.
2-Sharciyeynta joogitaanka gaaalada ay joogaan dhulalka muslimiinta oo ay ku leeyihiin saldhigyo millitari oo muslimiinta laga weeraro, shirkado dhaqaale, hey’ado sirdoon, iwm. Laguna tilmaamo iney yihiin kuwo uu ammaan galiyay madaxweynaha (musta’min), marti, taageere, difaace, iwm.
3-Sharciyeynta heysashada yuhuuddu ay heysato beytul maqdis oo ah xaramka saddexaad iyo qibladii koowaad ee muslimiinta, sharciyeyntaasoo ku timid aqoonsashada sharci ahaansha waxa loogu yeero wadahadalka nabadda ee lagula jiro yuhuudda, iyo sidoo kale in la wadaago isdhexgal iyo saaxiibtinimo lala yeesho yuhuudda.
4-In cid kasta oo waxyeello u geysata ama dagaal ku qaadda yuhuudda/nasaarada/murtadiinta lagu tilmaamo iney tahay mufsid dhulka fasaadinaya, dowladda kasoo horjeeda, khawaarij, takfiir, aan islaam aheyn, dil ama ciqaab muteystay, aan jannada carafteeda heli doonin, eeyaha ahlu naarka, iwm.
5-In ciddii dooneysa faafinta dacwada islaamka iyo oogidda sharciga alle looga baahan yahay inuu u maro waddo nabadeed ama wax lagu tilmaamay waddo (sharci ah), sida gelidda baarlamaannada, ka qeybgalka isku xukunka wax diinta ka baxsan, in diinta iyo dowladda la kala saaro, iwm.
Wadaad xumayaasha waxaa loo dhiibay shantaas qodob, waxa ayna ku dhaqaaqeen baahinteeda iyo iney ku afuufaan dhagaha shacabka muslimiinta, waxaana aad loo isticmaalay qalabka warbaahinta, marka la yaab ha u arkin inaad aragto wadaad aad is leedahay waa salafi ama waa athari ku dhaggan sunnada haddana lasoo taagan jihaad maanta ma jiro, jihaad imaam la’aan sax ma ahan, madaxda ridowday bari kama noqonayo, mujaahidiinta waa khwaarij, waa takfiir……. Iskaba daa wadaad xume diin laawe ah oo gaalada la safane.
Yaa is lahaa waxaa la gaari doonaa zamin uu wadaad diin sheeganayaa uu u fatwoon doono gaalada in loo hoggaansamo, fatwoon doono in jihaad uusan jirin maanta, fatwoon doono in gaalada xarbiga ah ay musta’miniin yihiin? Waxaa taariikhda lagu hayaa in wadankii hindiya uu gaalada ingiriiska ugu gacan galay fatwo loo fatwooday darteed. Sidaasoo kale ayay gaalada maanta joogta loo fatwooday iney xoog nagu heystaan. Ilaahey ayaan u sheeganeynaa, isagaa kaalmeeye ah oo awood badane.
Gabagabo:
Xaaladdu sidey tahay wey muuqataa, dagaalka millitari ee hadda socdana waxaa gundhig iyo baar u ah dagaalka sharciga iyo fikirka, waxaan la soconnaa sida ay xaaladuhu ahaayeen intii uu soo jiray halganka dhinacyada badan, lixdameeyadii ilaa siddeetameeyadii hardanka fikriga, manhajiga iyo caqiidada ee loogu jiray hanashada sharciyadda waxaa hormuud ka ahaa culimo iyo hoggaamiyaaal mujaahidiin ah oo taariikhda meel fiican ka galay, waxaa ka mid ah Sayid qudub, Cumar c/raxmaan, Marwaan xadiid, Mustafa buu cali, Abuu Al-aclaa Al-mowduudi iyo rag aad u tiro badan oo dunida daafaheeda ku noolaa.
Sidaasi darteed mujaahidiinta ama cid kasta oo u nisbo sheegata tayaarka jihaadiga oo ay ugu hooreeyaan culimada, qorayaasha, abwaannada waxaa laga rabaa iney gutaan waajibka saaran ayna dhowraan dhaxalkaan sharfta leh, waxaa looga baahan yahay iney la socdaan waaqica iyo isbeddelka, waxaa kaloo loo baahanyahay in fikirka iyo raayada aan ka dhaxalnay kuwii naga horreeyay ee soo billaabay dagaalkan inaan ilaalino una sii gudbinno kuwa naga dambeeya.
Dagaalka hadda socdaa ma ahan dagaal ay ku jiraan ama khuseeya tayaar hubeysan kaligiis, waa dagaalka umada islaamka la heystaha ah ee dhibka ku jirta, sidaasi darteed waa waajib ina saaran in la difaaco lagana soke maro diinta iyo mujaahidiinta, la raddiyo shubuhaatka beenaalayaasha, laga jawaabo oo dib loo celiyo hadallada daliisha la huwiyay ee wadaad xumayaasha (wadaad dowladeed) isku qariya diinta.
Halkan Ka Akhriso Qeybta Koowaad
Xigasho: Shabakadda Islaamiga ah Alqimmah
Walaalkiin Abuu xaamid.

Banaadir Post.

Like this:
Like Loading...