Iyadoo maalmahanba ay cabasho ka soo yeereysay Isbaarooyinka tirada badan ee daadsan wadada u dhexeysa Afgooye iyo Marka ayaa wararku sheegayaan in Ciidamada Amisom ay qeyb ku leyihiin Isbaarooyinkaas.
Wararka ay markanews heleyso ayaa sheegaya in Isbaarada Maleeshiyada Dowladda u taala deegaanada Shalambood iyo Buufow ay qeyb ku leeyihiin Ciidamada Amisom ee ku sugan labadaasi Tuuloooyinkaas!.
Sarkaalka madaxda ka ah Ciidamada Amisom ee Buufow ayaa Isbaarada halkaas u taala laga siiyaa maalin walba 100$ ama ka badan oo marna loogu gado Neef Ari ah, mararka kalena kaararka telefoonada.
Sidoo kale, Saraakiisha Ciidamada Amisom ee Shalambood ayaa Isbaarada Shalambood ku leh 100$ maalintii.
Labdan Isbaaro ee Buufow iyo Shalambood ayaa waxay u taala maleeshiyo beeleed ka amar qaadata gudoomiyaha Gobolka Shabellada Hoose Cabdulqaadir Siidi.
Dhacdadan ayaa ah tii ugu horeysay ee ka dhacda Soomaliya ee ay ciidamo Amisom qeyb ku yeeshaan lacag laga soo qaday Isbaaro lagu dhibaateeynayo Ummadda Soomaliyeed.
Tani ayaa daliil u ah in Ciidamada Amisom ay la sii qabsanayaan dabeecada Ciidamada iyo maleeshiyaadka Soomalida ee ay la shaqeeyaan tan iyo markii ay Soomaliya yimaadeen 2007.
XIGASHO MARKANEWS.-http://markanews.net/?p=5712
Saraakiisha DKMG ah ayuu ugu baaqay in ay bartaan habka siyaasadda iyo maamulka iyagoo adeecaya macalinkooda A.Mahiiga.
“kkk waa in aan wax ka baranaa macalinkeena Mudane Mahiiga oo aan uga mahad celineyno sida uu TFG u gacansiiyo” ayuu yiri shariif Sheekh Axmed oo u muuqday in u raali gelinayay Agostina Mahiiga.
Madaxda DKMG ah ayaa ku caan baxay dabadhilifnimo, Musuqmaasuq iyo in ay u hiiliyaan kuwa Nasaarada ah iyagoo ka hiilinaya Muslimiinta inta macooda ah.
Banaadir Post.