BAYAAN:-Muslimiinta Oo Looga Digayo Dabinta Dhagar-wadayaasha (Bayaan Kasoo baxay Al-Kataaib)

25846775Bayaan kasoo baxay Mu’assasada Al-Kata’ib oo ah garabka warbaahineed ee  Xarakada Al-Shabaab Al Mujahideen oo nuqul ka mid ah lasoo gaarsiiyay Shabakada wararka ee SomaliMeMo ayaa markii ugu horreysay looga hadlay qoraallo dhowr ah oo maalmihii lasoo dhaafay mareegaha qaarkood lagusoo daabacayay kuwaasi  oo lagu sheegayay in Jihaadka Soomaaliya uu burbur halis ugu jiro sababo ku aadan dhibaatooyin ka taagan gudaha safka Mujaahidiinta.

Bayaankan oo oo ku qoran Luqada Carabiga  cinwaana looga dhigay “Muslimiinta oo looga digayo dabinta Dhagar-wadayaasha” ayaa lagu xusay ugu horeyn sunnada ALLAH iney tahay imtixaanada iyo kala sooca ka dhex dhaca Mu’miniinta, islamarkaana qofka u fiirsada masiirada Jihaadka Umadda uu arkayo caqabado badan, lug-gooyooyin, dabinno iyo shirqoollo loo maleegay, kuwaas oo dhamaantood halis gelin lahaa habsami usocodka Jihaadka  haddii aan la helin dad buuxiya thaqriga Iclaamka oo Umadda u sheega Xaqiiiqada jirta.

Dhawaanahan ayuu xusay Bayaanku in gudaha Mujaahidinta ay ka soo baxeen kooxo  ujeedkoodu tahay iney kala dhantaallaan safka Muslimiinta iyo kan Mujaahidiinta, kuwaas oo meel kaga dhacay hogaanka Jihaadka iyagoo tuhmaya xilkasnimada madaxda, siyaasaddooda iyo xittaa Islaamnimadooda  iyo  Jihaadkooda.

“Muddooyinkii u danbeeyay waxaa aragnay codka qaar ka mid ah fitnawadayaasha oo sare u soo baxay, kuwaas oo Umadda  khilaaf kala dhex dhigaya si midnimadoodii loo waayo, oo meesha uu ka baxo Jamacii iyo Jamaacadii, inagoo og in diinteedu ay reebtay  kala tagga iyo furqada.

ALLAH Cazza Wajalla wuxuu yiri:

﴿ وَأَطِيعُوا اللَّهَ وَرَسُولَهُ وَلَا تَنَازَعُوا فَتَفْشَلُوا وَتَذْهَبَ رِيحُكُمْ وَاصْبِرُوا إِنَّ اللَّهَ مَعَ الصَّابِرِينَ (46) ﴾، الأنفال

Shakina kuma jiro in tani ay tahay Sunnada kala sooca iyo imtixaanka oo ay u soo joogeen kuwii Iimaanka inagaga horeeyay, waana tijaabo soo martay masiirada Jihaadka, ayna la kulmeen dadkii sabqiga lahaa kuwaas oo markiiba wax ka qoray islamarkaana waddo la raaco u dajiyay si looga hortago fitantaas oo loo damiyo, asal ahaan qofka Muslimka ah marka arrimahan oo kale ay yimaadaan waxaa ku haboon inuu ula laabto hadalka ALLAH Cazza Wajalla ee ahaa:

﴿وَإِذَا جَاءهُمْ أَمْرٌ مِّنَ الأَمْنِ أَوِ الْخَوْفِ أَذَاعُواْ بِهِ وَلَوْ رَدُّوهُ إِلَى الرَّسُولِ وَإِلَى أُوْلِي الأَمْرِ مِنْهُمْ لَعَلِمَهُ الَّذِينَ يَسْتَنبِطُونَهُ مِنْهُمْ وَلَوْلاَ فَضْلُ اللّهِ عَلَيْكُمْ وَرَحْمَتُهُ لاَتَّبَعْتُمُ الشَّيْطَانَ إِلاَّ قَلِيلاً (83)﴾، النساء.

Bayaanka ayaa intaas ka dib si toos ah lagula hadlay Umadda Muslimka ah guud ahaan iyo ansaarta Jihaadka gaar ahaan iyadoona loogu baaqay iney ka digtoonaadaan fitantaas,oo caqligooda ka shaqeysiiyaan, wixii ka qarsoomana ay weydiiyaan dadka Cilmiga u leh iyo madaxda Mujaahidiinta.

Waxaa sidoo kale bayaanka loogu sheegay Umadda Muslimka ah iyo guud ahaan Mujaahidiinta ka dagaallamaya Jabahaadka Jihaadka Caalamka in Mujaahidiinta Soomaaliya ay wadada ku taagan yihiin, ayna Umaddooda u adeegayaan,Shareecadana adkeynayaan, gaaladana dhabarka ka jabinayaan,sidoo kalena  ay ku dadaalayaan ilaalinta mideynta safka iyo xaqiijinta  cadaaladda.

“Waxba yaan la dhaawicin kalsoonida aad ku qabtaan hogaanadiina, ALLAH baan ku dhaaranee, waxna meysan badalin oo marna mey weecan, naf-hurkooduna wuu sii soconayaa oo cadowgooduna wuu sii badan, sidii aad kaga barateena dadaal ma reebanayaan ilaa raayaatka Towxiidku isu tagaan oo Khilaafadii Islaamka istaagto, waxaana inagu filan in ka hor dadka na jecel uu cadowgu u qirayo Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab horumarrada ay dhinacyo badan ka sameysay, haddii aaney taasi jiri laheyna,ciidamada intaas la eg reer galbeedku sooma dagaal geliyeen,oo lacagaha sidaa uma farraqeen, shirarka joogtada ahina ma qabteen” ayaa lagu yiri Bayaanka Mu’assasada Al-Kataaib.

Ugu danbeyn waxaa lagu sheegay bayaanka in markii shirqoolada dibadda ee cadowgu ay socon waayeen oo Mujaahidiintu ay ka hortageen in fitno laga bilaabay safka gudaha si loo kala dhantaallo quwadda Mujaahidiinta,waxaana laga digay wararka la soo dhigayay maalmahan baraha Internet-yada iyo website-yada ee aan tazkiyada ka heysan Mujaahidiinta Caalamka.

“Waxaan baraarujineynaa in qoraalladii lagu baahiyay bogagga qaar ee suurad xumeynaya Jihaadka Soomaaliya iney ahaayeen kuwo aad xaqiiqada uga fog,  oo been abuurro laga buuxiyay ka dibna loo adeegsaday xogaha qaar si aan xaqiiqada aheyn, waxey aheyd Xaqaa’iqda oo lagu daboolayo xiqdi, uur-ku qaad iyo wax jecleysi, waxaana wax laga xumaado ah in been abuuradaas ay yimaadeen waqti ay Mujaahidiintu safkooda hore u mideeyeen” ayaa lagu yiri bayaanka.

Waxaa lagu soo gunaanaaday in awoodda Mujaahidiinta ay maanta ka xooggan tahay sidii shalay, ayna khibrad u leeyihiin dhagaraha loo maleegayo, ballana ay ku galeen in Islaamka aan dhankooda looga imaan.

Bayaanka kasoo Baxay Al-Kataaib oo Carabi ah halkaas ka degso.

XIGASHO SOMALIMEMO.NET     DIB  UFAAFIN SABAAX.COM

25701270

Banaadir Post

DAAWO- Haweenay Soomaali ah oo Sheegtay inay Gaalowday ama Diinta Islaamka babaxday!!

25459040Rahmo mohamed waa 45jir waxeyna kasheekeyneysaa qaabkii aay u qaadatay masiixinimada , waxey sheegtay  iyada  17 jir ah  guursatay, waxaana Ninka isla nooleeynay 7 sano,isaga oo iska haystay.

Waxaa soo badanaya dad Somaliyeedd oo diintooda ka dhaqaajinay iyaga oo dhaqaalo doona  ah intooda badan.

Waxaa lagu waramaya inay  ku jiraan kuwo gaalo ah kuwa maanta somalida horboodaya,kuwaas oo horey loo ogaa,waana soo bixi dooonaan!

Waxay buuxaan ama lagu arkaameelo badan oo qurbaha kuwa mar hore lugta Diintii ay dadnaimadii,waxaana meelaha lagu arkay ugu badan PALTALK iyo meelo kale sida Facebook iyo Twitterka.

Hoos Ka Daawo Waraysi Laga Qaaday Gabadhaasi  oo luqad kale ku baxay!!

Banaadir Post.

VIDEO:-Swedish cadaan ah oo khudbad Jimca ah Af Soomaali ku aqriyay!

25375472

Walaal kamida Caddaanka Wadanka Sweden oo dhawaan Islaamay Bjorn Ali Goransson ayaa Shareecada Islaamka iyo Luuqadda Soomaaligaa bartay, Masha Allah. Walaalku wuxuu Khudbo Jamce ku Akhriyey sida aad hoos ka daawan doontaan Insha Allah, Luuqadda Soomaaliga.

Swedish brother speaking Somali in Friday khudba!

Marka hore Ilaahay ayaa Mahad iska leh Walaalkaas Naarta ka badbaadiyey, Dadkii Diinta Islaamka gaarsiiyey Walaalkaas Ilaahay Miisaanka Xasanaadka ha u saaro. Aayaadda Quraankaa ee aan Ciwaanka kadhiganay ama hadalka ku bilownay Ilaahay wuxuu ku leeyahay,

“Yaa ka hadal Qurux badan Qof Dadka Ilaahay ugu yeeray oo camal wanaagsanna la yimid, isla markaana yiri, waxaan kamid ahay Muslimiinta!”. Jawaabto waa cidna kama wanaagsana.

25227381 (2)

Banaadir Post.

CULIMADA ISLAAMKA:- “Waxa loogu yeero xuquuqda dumarka waa qorshe lagu bur buriyanyo umadda Muslimiinta”

24954578Culimada Islaamka dalka Masar ayaa dood kulul ka yeeshay waxa loogu yeero xuquuqda dumarka taasi oo si aad ah looga hadal hayay maalmihii u dambeeyay dalka Masar.

Ururka la baxay Qaramada Midoobay ayaa dhowaan war ka soo baxay waxaa lagu sheegay in dalka Masar oo ka mid ah dalalka Muslimiinta aanay ka jirin wax xuquuq dumareed ah taasi oo si weyn bulshada qaybaheeda kala duwani uga hadleen.

Culimada dalkaasi oo dood kulul ka yeeshay arinkaasi ayaa gaashaanka u daruuray warka Qaramada Midoobay waxaana ay culimadu sheegeen in Allaah SWT uu dumarka goor hore u soo saaray xuquuq uu isagu u jideeyay iyadoo wixii intaasi ka badanna ay tahay dembi iyo kalsoonidarro Allaah laga qabo.

Waxaa ay culimadu sheegeen in Allaah kitaabkiisu si dhab ah uga hadlay xuquuqda dumarka iyo ragga waxaana ay sheegeen in wax aan kitaabka ka ahayn aanay ka qaadanayn waxa ay tahay xuquuqda dumarka.

“Qorshaha gacan ku samayska ah ee xuquuqda dumarka lagu sheego waa mid loogu talo galay in si dhab ah loogu dumiyo diinta iyo dadka Muslimiinta ah” ayaa lagu yiri war ay soo saareen culimada reer Masar.

Dalal ay Masar ka mid tahay oo Carbeed ayaa la sheegay inaanay dumarku ku haysan xuquuqdii ay lahaayeen, waxaana UN oo warkan soo saartay ay sheegtay in dumarka dalal dhowr ah oo ay ugu daranyihiin kuwa Islaamka ay ku jiraan caburin xoogan.

Culimada dalkaasi Masar waxaa ay sheegeen in waxa UN-ku wadaan ay yihiin wax aan la aqbali Karin waxaana ay sheegeen in hadii warkooda la tixgeliyo ay dumarku noqonayaan kuwo yeelanaya xaqqa ninka ragga ah oo kale sida inay gaari wado umadda hogaamiso, amaba furto ninkeeda hadii ay is fahmi waayaan.

Culimaa`udiinka reer Masar ayaa qorshahan si aad ah uga digay waxaana ay bulshada caalamka iyo dalalka Muslimiinta ah ugu baaqeen inay ka digtoonaadaan qaadashada wax aan ka ahayn waxa diinta Islaamku qabto.

62187_508497125834721_118372272_n

 

Xafiiska jinsiga ee AMISOM oo loo yaqaan [AMISOM Gender Office], waxaana ka qaybgalay haween ka kala socday ururrada bulshada rayidka ah, baarlamaanka iyo haween ka tirsan booliiska Soomaaliya waxaana goob joog ahaa oo haweenka geeyay Sheekh Cali Maxamuud (Sheekh Cali Wajiis)”Hadii la yaabo Yaasiinka “

https://newsfromsomalia.wordpress.com/2012/11/12/xafiiska-jinsiga-ee-amisom-oo-loo-yaqaan-amisom-gender-office-waxaana-ka-qaybgalay-haween-ka-kala-socday-ururrada-bulshada-rayidka-ah-baarlamaanka-iyo-haween-ka-tirsan-booliiska-soomaaliya-waxaana/

541299_374968639212330_1440731839_n

SAWIRO:-Shariif oo Shaatigo Deeqi waayay iyo Xerada Badbaado Moqdisho oo weli ay buuxaan dad macluulaya iyo caruur qaawan.

23804302Shariif ayaa laga helay sawir dhawaan ay soo qaadeen ganacsato  ay qaraabo yihiin oo Ugandha oo qaxooti ku yahay ku booqday.

Shariif ayaa ku nool,guri aan weyneyn oo ku yaal buuraha Ugandha,waxaana guriga kula nool Sadexdiisa xaas iyo kow & toban caruur oo dhalay.

Shariif ayaa lagu tabaya lacag aad u badan oo dadkii lahaa ama loo soo dhiibay weli Qaxooti ku yihiin xeryihii la geeyay,oo ay ku dhiban yihiin.

23804730

SAWIRKA HOOSE WAA XERADA BADBAADO EE XAMAR.

Waa xeradii la geeyay kuwii la yiri deeq ayay keeneen dalka,sida Turkida ninka la yiraahdo Erdogab iyo xaaskiisa,laguna  cunay lacag aad u badan oo la kala qaatay,waxayna maanta ku noolyihiin nolosha aad sawirka aka aragtaan.

23804747

“Nin agoon  ka xaday qarash NAAR kama fogaado”

Waa xeradii la geeyay kuwii la yiri deeq ayay keeneen dalka,sida Turkida ninka la yiraahdo Erdogab iyo xaaskiisa,laguna  cunay lacag aad u badan oo la kala qaatay,waxayna maanta ku noolyihiin nolosha aad sawirka aka aragtaan.

“Nin agoon  ka xaday qarash NAAR kama fogaado”

23734232

 

23780070

DHAGEYSO:-Waxaa Amniga iyo Canshuuraha Moqdisho hortaagan Maleeshiyaadka Dowlada iyo Xisbiga DAMMUL JADIID”Waxaa yiri Tarsan oo Muuqda nin london ku sii jeeda!!

23756366Waxaa wax laga qaban waayay ama   aysan ka qabin karin amniga Moqdisho kuwa  loo shegay inay dowlad Somliyeed yihiin,waana iska caadi maxaa yeelay waxaa ciidan u ah maleeshiyo Beeleed mooryaan ah iyo ciidamo shisheeye oo aan kala jeclayn inay dowlad  helaan iyo in kale, loona keenay inay xasuuqaan shacabka Somaliyeed,kana ilaalshaan inay nabad helaan.

Tarsan ninka  ku magacaan Moqdisho ayaa hada ogaaday inow ka socdo kursiga kuna sii jeedo maqaayadihii London oo laga sugayo isaga asxaabtii duulaankii Xamar aaday,wuxuuna furtay afka,wuxuu eed kala kor dhacay Maleeshiyaadka oo aad u yaqaan waxa uu yahay Tarsan”Laba Wajiile.wuxuu eed aan lala gaban u jeediyay Xisbiga  talada fuulay DAMMUL JADIID  oo aan ahayn kii hore oo Tarsan ka tirsanaa ALAA SHEEKH  oo meesha ka baxay oo hada intooda badan qaxooti  cusub ku noqonaya dibadaha.

Maamulka cusub iyo xisbiga Dammul Jadiid ayaa la kulmaya dhaqaale  xumo iyo amni daro baahsan oo aysan xal  u heli karin,waxaa laga dareemay sida ay isku haystaan,waxaana arinkaas qiray Xasan Sheekh oo la hadlay Wargeyska AL XAYAAT.

Wareysi uu hogaamiyaha DF-ka siiyay jariiradda Al-Xayaat ee magaalada London kasoo baxda ayuu ku sheegay in beesha caalamka aysan dhaqaale ku filan siin xukuumaddiisa islamarkaana ay dowladaha caalamka khiyaamayaan xukuumaddiisa.

Dhaqaalaha xumada baahsan ee heysata Dowladda Federaalka ayaa saameyn ku yeelatay dhammaan xubnaha DF-ka kujira,Xasan Sheekh Maxamuud ayaa socdaal uu dhawaan ku tegay magaalada Nairobi ganacsatada kaga codsaday in ay lacago siiyaan arrinkaasi oo ay aqoonyahanada Soomaaliyeed ku tilmaameen gacan taagasho bareer ah.

Dhinaca kale maamulka Gobolka Banaadir ee DF-ka ayaa muujiyay in haddii lacago canshuura ah laga qaado Muqdisho uu sii kordhi karo musuq maasuqa saraakiisha gobalka ka dhax jira.

23612604

Halkan ka dhagayso Hadalka Tarsan MP3

Banaadir Post.

23734232

Kooxda Aala Sheekh iyo Shariif oo isla heshiis ku gaaray in ay khal khal galiyaan Xasiloonida Muqdisho haddii aan…

Kooxda Aala Sheekh iyo Shariif oo isla heshiis ku gaaray in ay khal khal galiyaan Xasiloonida Muqdisho haddii aan…
Kullan qarsoodi ah oo ay yeesheen hogaamiyihii hore TFG-da KMG Shariif Sheekh Axmed iyo kooxda ALAA SHEEKH Ex Xubnihii Maxkamadihii burburay ayaa la isku afgartay in haddii Shariif Sheekh Axmed uu dib u soo laaban waayo doorashada lagana guuleysto ay khal khal siyaasadeed oo dhanka

Amniga ah la galin doono magaalada Muqdisho.
Ilo wareed ku dhow Xubanaha Kooxda shar wadayaasha ALAA SHEEKH iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa kullankooda waxa uu ahaa mid qarsoodi ah oo aysan saxaafaddu ka warheyn, waxayna ka wada hadleen xaalada siyaasadeed iyo guuldarada ku soo wajahan hogaamiyihooda Shariif ee kursiga ku gaaray hogaankii Midowgii Maxkamadihii Islaamka ee burburay markii ay dalka soo galeen Xabashidii Itoobiya Sanadkii 2006-dii.
Warar ku dhow dhow xubnahaasi ayaa xaqiijinaya in ay isla garteen haddii xilka uu ku soo laaban waayo Shariif Sheekh Axmed in khal khal siyaasadeed oo dhanka Amniga ah la galiyo Xasiloonida Muqdisho sida ay yiraahdeen, iyagoo kaashanaya koox yar oo ka soo haray Hogaamiye kooxeedyadii dhibaatada ku hayey shacabka Soomaaliyeed mudadii 22 sano ahayd oo hadda Shariifka dabada ka riixay in lagu soo daro Liiska waxa loogu yeero Baarlamanka cusub.Waxaa muuqanaysa in Shariif diyaar u yahay haddii uu mar kale ku soo laaban waayo Saaxada Siyaasada Reer Galbeedku furaha u yahay inuu dib u galo dagaalo la mid ah dagaaladii hogaamiye kooxeedyadii dalka ka curtay markii ay dhacday Xukuumaddii Militariga Maxamad Siyaad Barre.