“Qiimaha Qofka Bini’aadamka ah waxa uu la mid yahay eber, waxa keliya ee ay qiimeeyaan waa lacag iyo weliba lacag siyaado ah, ma jiro wax ay kala jecel yihiin” Sidaas waxaa yiri nin lagu magaacaabo Giampiero Sebri oo ahaa kuwii Sunta Halista ah keeni-jirey Soomaaliya… Waxana uu intaas ku daray “Halkaas uma tegin in aan jokolaato iyo nacnac u qaybiyo carruurta, waxaan halkaas u tagey in aan geeyo Haraadiga Sunta halista ah iyo Sunta nooca loo yaqaanRadioactive….”
- Hordhac: Cali Mahdi Maxamed oo ka mid ahaa madaxweynayaashii soo maray magaalada Muqdisho kaddib burburkii Soomaaliya ee 1991, ayaa warbaahinta iyo shacabka Soomaaliyeed waxa uu u diidey in uu wax uga sheego waxa uu ka ogyahay sunta lagu duugey Soomaaliya xilligii uu madaxweynaha ka ahaa Muqdisho. Haddaba waxaa hadda soo shaac baxay qoraal rasmi ah (WAREEGTO / digreeto) uu Cali Mahdi ku saxiixan yahay, taas oo uu ku ogolaaday in Haraadiga Sunta Halista ah lagu aaso Soomaaliya… Sida la ogyahayna Sunta lagu duugey Soomaaliya intii u dhaxaaysay 1992 ilaa 1998 waxay sababtay dhibaatooyin caafimaad darro oo soo wajahay mujtamaca Soomaaliyeed iyo xoolahoodaba…. Haddaba warqadda uu sida muuqata ugu saxiixan yahay Cali Mahdi Maxamed waxaa soo bandhigay barnaamij laga soo daayey Telefishanka Aljazeera oo loogu magac daray “Runta Sumaysan“. Barnaamijkaas oo ay SomaliTalk.com soo dhegeysatay tarjumadiisii waatan:
- FG: Warbixintu waxay marka hore si qoto dheer uga hadlaysaa Laba Weriye oo Talyaani ah oo lagu diley Soomaaliya, iyaga oo daba joogey arrimaha Sunta Lagu Duugey Soomaaliya…
Ilaria Alpi oo ahayd weriye u dhalatay dalka Talyaaniga iyo sawir-qaadaheedii Miran Hrovatin ayaa ka soo degey magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari bishii Maarso 1994. Waxayna uga sii gudbeen Muqdisho halkaas oo labadoodiiba lagu diley (Maarso 20, 1994). Alpi oo 32-jir ahayd, si wanaagsanna u taqaaney luqadda Carabiga, waxay u shaqayneysey Telefishanka RAI ee dawladda Talyaaniga. Markii la dilay waxaa la sheegay in ay daba joogtey sidii ay wax uga ogaan lahayd arrimo la xiriirta Haraadiga Sunta Halista ah ee sida Sharci darrada ah loogu duugo Soomaaliya iyo sida Soomaaliya loo soo geliyo hubka sharci darrada ah.
“Soomaaliya xilligan waa Qaran Burbursan, laakiin mustaqbalka waxay Soomaaliya Qaan Ku Sheegan kartaa in si Caalami ah loogu adeegsadey in lagu duugo Haraadiga Sunta Halista ah…”
Sida aan kusoo aragnay Qaybtii Koowaad ee qormadan, Sannadkii 1994, weriye Talyaani ah, Ilaria Alpi iyo sawir-qaadaheedii Miran Hrovatin ayaa waxay aadeen Soomaaliya si ay baaritaan ugu soo sameeyaan mashruuca mucaawinada Talyaaniga oo loo adeeg sanayey in Haraadiga Sunta Halista ah lagu duugo Soomaaliya iyo in mashruucaas dalka Soomaaliya lagu soo geliyo hub sharci darro ah. Laakiin waxaa jirey dad doonayey in aan arrintaas wax laga ogaan, sidaas daraadeed labadii weriye waa la diley. Sikastaba ha ahaatee sheekadii halkaas kuma dhammaan. Toban sano kaddib caddaymo muujinaya Haraadiga Sunta Halista ah oo lagu duugey xeebta ku dherersan Soomaaliya ayaa waxaa bannaanka soo dhigay Badgariirkii (Tsunami) dhacay 2004, ayey sheegtay warbixintii TV-ga Aljazeera.
KA AQRI HOOS SOMALITALK