“Anaa diiday gaal daacufle ah, dabagalkiisiiye”Sayid Maxamed Cabdulle Xasan,Raxiimulaah.

25846808Gaalada dirayska leh anaan, daabadda u qabane

  • Anaa diiday dagal inaan la galo, daalin ii colehe
  • Dalka ma lihid anigaa ku idhi, doora weynaha e
  • Anaa diiday nabadiisa aan, daacad noqonayne
  • Anaa diiday deeqdiisa ay, naari dabataale
  • Dahabkii uu waday waanigii, daadiyee qubaye
  • Dagaalkiisa anigow xishoo, daalib ku ahaaye
  • Durdurada Fardowsaad anaa, doortay oo rabaye
  • Anaan labada daarood tan hore, darajo moodaynin
  • Anaa diiday gaal daacufle ah, dabagalkiisiiye
  • Doofaarka eyga ah anaan, daarihiis galine
  • Sida doxorka ?# anaan, duud xamaal noqone
  • Anigaan dariiqiyo waddada, dowga sii marine
  • Anigaan dillaalkiyo arliga, duubigaw xidhane
  • Anigaan dariiqada Alliyo, diinta cassiyine
  • Daliilkii rasuulkii anaa, doonayoo helaye
  • Diinkayga anigaan ku gadan, dabaqii naareede
  • Anaan labada daarood tan hore, darajo moodayne
  • Markay duusho gaaladu anaan, daabbaddu rarine
  • Goortay dareeraan anaan, diiradda u qabane
  • Dadow maqal dabuubtaan ku idhi, ama dan haw yeelan
  • Dunjigiinba waataad kufriga, daba ordayseene
  • Waataad iigu daranteen markaan, diiday oo nacaye
  • War waatow digayseen markaan, duulan soo waco e
  • Waataad colaadii dorraad, iigu daranteene
  • Markaan diirtay waataad dushiyo, doc iga boobteene
  • Waataad markii aan dafaray, daaha galiseene
  • Waataad dushiina u rarteen, duq iyo waayeele
  • Waatowla daristeen sidii, duul walaalo ahe
  • Markaan didiyey waataad warmaha, igula duusheene
  • Gortaan digniintiyo ergada, idinka deyn waayey
  • Waataad damiin igu qirteen, dawriyoo falane
  • Dikriga iyo eedaanka waataad, ka durugteene
  • Waataad inuu dawlad yahay, dood ku bixiseene
  • Dibnihiina waataad inuu, dego ka sheegteene
  • Waa taad dariiqyada barteen, noo dadnaan jiraye
  • Goortuu dantiisii helee, idin dubaaqeeyey
  • Waataad dacluuskii Berbera, ula dawaafteene
  • Diihaalka waataad Hindiga, daal ka barideene
  • Dagaagiina waatii xeryaha, deyran loo dhigaye
  • Waatuu dareersaday fircoon, diracyadiiniiye
  • Waatuu diyaar ugu laqimay, diinta gaalada e
  • Damac beena weeyaan waxaad, nagu dilayseene
  • Waa waxaad dariiqii sharciga, uga dullaanteene
  • Dawgii Rasuulkiina waad, dabamartayseene
  • Nin dardaran iblayskii dafaa, dow ka raaridaye
  • Dallacaad jaceylbaad kurtiin, noola dirirteene
  • Dubaaqii waxaa idinka galay, daaro buuxsade e
  • Dawo kama heshaan faranji aad, daawo dhigataane
  • Dabinbuu idiin qoolayaa, waydin dagayaaye
  • Dirhamkuu idiin qubahayaad, dib u go’aysaane
  • Doodna waxaan u leeyahay dadkeer, hadalka deyn waayey
  • Nimanyahow damiinnimada waa, lagu dulloobaaye
  • Dadku wuxuu jeclaystaa waxaan, duxi ka raacayne
  • Nin ragay dardaaran u tahaye, doqon waa mooge
  • Denbi weeye Kufriga, aad u dabcaysaane
  • Marka horre dabkuu idinka dhigi, dumar sidiisiiye
  • Mugga xiga dushuu idinka rari, sida dameeraha e
  • Mugga xiga dalkuu idinku odhan, duunyo dhaafsada e
  • Mugga xigana daabaqadda wuu, idin dareensiine
  • Dunjigeeda Soomaalibaan, deyrka ka ahaaye
  • Dhaaxaan Daraawiishta idhi, doonta gaalada e
  • Dhaaxay asgaro uu dalbaday, dabada taageene
  • Dhaaxaan dabkii iyo la hadhay, duunyaduu wadaye
  • Dhaaxaan intaan janano dilay, soo dabaaldageye
  • Dhaaxaan dekado uu camiray, dumiyoo rogaye
  • Ninkiisa dirirta geya maalinbay, dunidu ciishaaye
  • Maantaan dabaaldegga iyo, darajo eegaayey
  • Ragga haatan igu diimayow, duxi ha kaa raacdo.25794113

Banaadir Post.

25701270

DHAGEYSO:-Aqoonyahanno iyo xildhibaanno falanqeeyay qorshaha badda Soomaaliya loogu soo koobayo 12 Mile.

25659901Idaacada islaamiga ah Alfurqaan ayaa falanqeyn ku wajahan boobka lagu hayo Badda Soomaaliya u qabatay Injineer Idiris Xasan Faarax oo Finland ku sugan Qamar Haashim oo Joogta Franca iyo Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa oo jooga Muqdisho.

Injineer Idiris Xasan Faarax ayaa sheegay Badda Soomaaliya inaysan ahayn 12 Mayl oo xitaa ay ka badantahay 200 oo Mayl.

Injineerka ayaa tibaaxay in Umadda Soomaaliyeed laga doonayo inay difaacaan una istaagaan qorshaha guracan ee ka dhanka ah Badda Soomaaliya.

Qamar Haashim ayaa dhankeeda sheegtay Dowladdaha Norway,Ingariiska,Fransiiska iyo Turkiga inay kaalin weyn ku leeyihiin boobka lala damacsanyahay badda Soomaaliya.

Qamar Haashim ayaa Tusaale usoo qaadatay Shirkado shisheeye ah oo qaar kamid ah leeyihiin dalalka ay xustay inay haddaba faraha kula jiraan qeyraadka Dalka Soomaaliya.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa oo kamid ah xubnaha Baarlamanka Federaalka oo isna qeyb ka ahaa Falanqeynta ayaa sheegay inay ka warheleen qorshaha socda laakin baarlmanku aysan ogolaan doonin Badda Soomaaliya in lagu soo kobo 12 Mayl.

25219531

Halkan Ka Dhageyso falanqeynta badda Soomaaliya

ISHA WARKA RADIO ALFURQAAN.COM

25331174

Banaadir Post.

MAQAAL:-Safaarad Mase Saldhig Sirdoon? Qore:-Aqoonyahan Saciid Islaam.

25557970Tan iyo waxii ka danbeyay  Burburkii  Dowladii dhaxe ee  Soomaliya waxa uu dalka soo maray heerar kala duwan o midba mid ka sii xumaa  haba ugu darnaado heerka aan manta ku suganahay.

Horaantii Isbuucaani ayey eheed safar an la sii shaacin markii uu ku tagay  Magalada Muqdisho  Xogeyaha Arrimaha dibada  e Dowladda Ingiriiska William Hague kasoo  kulan u ku qabtay  Garoonka  diyaaradaha Aadan Adde kuna  sheegay in si toos ah loo furay wax loogu yeeray  safaarad

Waxaan  jecleestay in an wax yar is dul taago oo an  wax ka qoro  anoo ugu magac daray Safaraad Mase Saldhig Sirdoon
inbadan oo  aqristayaasha ayaa laga yabaa durba marka aan ka dhawaajiyo magaca ah  Safarad ama Saldhig Sirdoon in ay maskaxdooda ku soo dibaaxdo  maxuu kaga danleyayay balasa waan sii  faah fahin

Soomaaliya oo noqotay  Bahala galeen tan iyo waxii ka dabeyay  soo galitaankii ciidamada Xabashida  oo aaqriki sababtay in kuwa walalahooda ah oo loo soo huwiyay magaca  Nabad Illaalin lagu badlo si mesha looga saaro  xasuuqii ay ciidamadii xabashida Geysteen

Markii ay ciidamada  loogu magac daray nabad ilaalinta ee gaalada afrikaanta yimadeen  hadaba waxa sii badanayay  sirdoonka soo galayo dalka walow ay hada maree heerkii ugu xuma oo gaaladii  cadaanka eheed qarashka badan la daba joogtay  kuwa afrikaanta ay si toos u soo caga dhigteen dalka ayagoo ku soo galaa  wax loogu yeeray taageero caalami ah

William Hague  oo magalada muqdisho   ku sugan qasatan madaarka  diyaaradaha ayaa  waxa uu halkaasi ka tagay calanka  calamada is dhaafka ku taal ee dowladda ingiriiska asoo sheegay in si toos ay u furan tahay  hada kadib safaraadii Uk

Isweydiinta  dad badani durba  ku soo dibaaxee ayaa ah  maxa xilkaan keenay in safraad laga furo  Gudaha garoon diyaaraded  ama xero  ciidan  degan yahay  hadii ay tahay safaraad  dhab ah oo u adeege dadka  ka soo jeedo  dalka Uk ama heesto jinsiyada Uk

Sida caadiyanka ah marka safaarada ama xarun dublumaasiyeed ay kala furanayaan laba dal oo cilaaqaad wanaagsan ka dhaxeyo waxa dhacdo in xarunta laga furaa safaarada ay ahaato inta badan  meel kaga taal caasimada  Halbowlaha ama meel ka ag dhaw inta badan xarumaha dowaldda sidoo kale waxa marka la furaa xarun dublumaasiyeed goob joog ka noqdo  safiirka u matlaa  dalka furanaa

             Ujeedka xero ciidan looga furay 

Laga soo bilaabo Isgoyska KM4 ilaa xeebta jaziira oo caan ku ah degnaashaha ay degan yahiin sirdoonka galaaada afrikaanka iyo Kuwa cadaankaba  ayaa qeyb weyn ka ah in maanta laga furo  xarun loogu magac daray safaarad  aygoo u argo in ay ku nabad galayaan

Waxaa is weyn diintu tahay  caasimadii soomaaliya o idil  ma inta ka dhaxeeso baa Isgoyska KM4 ilaa xeebta jazeero
Aaway  madaxtooyadii Dalka? Aaway  xarumihi ku caanka aha in laga furo xeryo dublumaasi?

Su’aalahaasi o dhan wax ay kugu soo dhacayan marka aad fiirso qaabka manta loo furay waxa loogu yeeray safarada Uk

Waa Maxay  Xogta dhabta ah e ka danbeeso in xiligaan la furo  xarun ay ku yeelato  hay’ada IM6 oo 

ah Hay’ad sirdoonka Uk u qaabilsan  dibada.

  
 
Waxaa hubaal ah in xaruntaan ay qeyb ka tahay dagaalka  galada  ay kula jiraan  shacbiga muslimiinta somaalida ayagoo u soo maraa  dad sheeganaa magacii dowladnimo somaliyeed si ay ugu ugaarsadaan waxii ay u argaan in ay ka horimaan karaan danahooda ku aadan qabsashada dalka soomaliya iyo ummada musliminta ee ku nool

 
         Gunaanad  Iyo fariin ku aadan shacabka Muslimka ee soomaaliyeed

Walaalaheyga   Muslimiinta soomaaliyeed ogaada waxa maanta loogu yeeray safaarad  in ay tahay qeyb ka mid ah IM6  Uk oo ahi hay’ad sirdoon oo  ka howl gasho  dunada  oo idil si ay xogta  qarsoodiga ama dhagaraha lala damacsan yahay gaalada Ingiriiska u heso waana waxa maanta ku soo aadiyay in soomaaliyana ay ka furato xarun

Hadaba anoo soo gabagabeyna hadalkeyga waxan ku soo jaraa  soomaliya oo idil ama caasimadii oo idil ma waxa ay ku soo idlaatay in  in ta ciidanka  shisheeyaha xooga ku heesto laga sameeyo xeryo  sirdoon

Hadaba hallkaasi waxaa ka cad hadalkii meel walba lala marayay ee ahaa in caasimada nabad tahay ay beenoowday  hadiiba xero ciidan dhaxeeda laga furaa  xarun sirdoonka  Ingiriiska leeyahay

W/Q : Aqoonyahan Saciid Islaam.

245303271

Banaadir Post.

MINNASOTA:-Soomaalida Minnesota oo kaalinta Shanaad ka gashay dadka ugu badan ee qaba cudurka Aids-ka.

25557894Dadka Soomaalida ah ee ku dhaqan qurbaha ayaa la sheegay inay yihiin  kuwo dhaqan door soomay oo inta badan aqlaaqda wadaangsan ka tegey marka laga reebo tiro yar oo Allaah bad baadiyay.

Dhalinyarada aan diinta Islaamka lagu barbaarin ee la saaxiibay dhigooda gaalada iyo dadka waaweyn gaar ahaan kuwo muqaadaraatka isticmaala ayaa la soo sheegayaa inay yihiin kuwa ugu daran ee ay saamaynta ku yeesheen dhaqanka gaalada.

Cudurro ayaa la sheegay inay dadkaasi la ildaranyihiin siiba kuwa halista ahh ee wax gumaada sida Aids-ka.

Soomaalida ku dhaqan Minnesota ayaa la sheegay inay xilligan la ildaranyihiin Cudurka dilaaga ah ee Aids-ka iyadoo la sheegay in kaalinta shanaad ay kaga jiraan dadka ugu badan ee qaba cudurkaasi.

Baaritaan ay samaysay waaxda caafimaadka ee gobolkaasi ayaa sheegtay in Soomaalidu ay kaalinta shanaad ka galeen dadka soo galootiga ah ee qaba cudurkaasi.

Ilaa 90 qof oo Soomaali ah oo baaritaanno u tagay isbitaallada ayaa la sheegay in laga helay cudurkaasi iyadoo la soo sheegato sidoo kale in laga yaabo in tiradu intaasi ka badantahay!

Banaadir Post.

DHAGEYSO:-Tarsan oo Sheegay in Kismaayo Gumaysi haysto isaga oo saaran Kaaraha Amisom!

25509279Maxamuud Nuur Tarsan oo xafalad muqdisho ka dhacday ka hadlayay ayaa sheegay in maamul usameynta Jubbooyinka ay tahay qaab beeleed ku socota islamarkaana aan u daneynayn midnimada Soomaaliya.

“In Juffo walba sameysato maamul goboleed waa wax aan laqaadan Karin oo madax banaanida wadanka dhibaata weyn ku ah,waxa Jubbooyinka iyo gobollo kale ka socda ma ahan wax la qaadan karo”ayuu yiri Tarsan.

Tarsan ayaa saaran  kaaraha Amisom, la,aantoodna  hal maalin ma joogi karo magaalada Moqddisho oo kaga sugan yahay Lixda xaafadood oo bada xiga, Tarsan ayaa iska dhex arkay maamul goboleedyo  beelo leeyihiin oo laga dhisayo dhulka Somaliyeed,isaga oo iska indhotiraya dhibka gumaysiga  soo duulay ku hayo Diinta iyo  dadka Somaliyeed.

Dowlado kabadan 8 oo Nasaaro Afrikaan ah ayaa Soomaliya duulaan kusoo qaaday iyagoo shacabka Soomaaliyeed kala dagaalamaya diinkooda iyo dalkooda mana jiro mas’uul katirsan DF-ka oo madax banaani sheegan kara.

Halkan ka dhagayso Eedaynta uu Tarsan Jeediyay MP3

25509279 (1)

Banaadir Post.

KENYA IYO GAYIGA SOMALIYEED:-Wargeyska Daily Nation oo kashifay in Kenya qorsheyneyso Shidaal Baaris in ay ka billowdo Gobollada Jubbooyinka Iyo Xeebaha Soomaaliya labada Bilood ee soo socota gudahood.

25502774Wargeyska Afka dheer ee Daily Nation ayaa Qarxiyey Qorshe ay dowladda Kenya ku damacsantahay in ay Shidaal Baaris uga Billowdo Deegaannada Jubbooyinka ee ay haatan Ciidamadeedu haystaan Iyo Xeebaha ku dherersan Xuduudda Somaliya ay Kenya la leedahay ee ay Kenya isku dayeyso in ay Muranka geliso.

Wargeyska ayaa shaaca ka qaaday Shirkado Reer Galbeed ah oo Arrinkaas kala shaqeynaya Dowladda Kenya, Iyadoo sidookalena Wargeysku uu soo hadal qaaday wax uu ku sheegay Muran ka taagan Xudduudda Badda ee labada Dal ee Somalia Iyo Kenya, Murankaasoo Wargeysku uu xusay in Dowladda Kenya ay kuguuldarreysatay in ay ka xalliso dowladdii Kumeelgaarka ahayd ee Sheekh Shariif, Kadib Markii Saxiixii ay Dowladdaas ka heshay uu kusoo diiday Baarlammaankii KMGka ahaa ee Xilligaas jiray.

HALKAN KA AQRI WARBIXINTA WARGEYSKA

Kenya ayaa Maadaama ay weysay Saxiixii ay ku xalaashan lahayd qeybo kamid ah Xuduudaha Baddeenna, Waxa ay haatan qorsheyneysaa in ay gebi’ahaanba qabsato Gobollada Jubbooyinka iyo Xeebaha halkaa ku yaalla oo ay hoosgeyso Maamulkeeda, Iyadoo qorsheyneysa in ay Halkaas si qasab ah uga sameyso wax ay ku sheegeyso Maamul-Jubbaland oo iyada hoostaga si ay qorshaheeda dhaqaale uga fushato gudaha Soomaaliya, Waxase aysan Kenya Xisaabta ku darsanin in waxa ay raadineyso ay yihiin Calaacal Timo kasoo baxeen, Waxana ay moogyihiin in Soomaalidu aaney wada ahayn Kuwa ay ku Gumeystaan NFD oo kale.

25331174

Banaadir Post.

DAAWO:-“Hawiye iyo Daarood ciddii aan ahayn waa Second Class citizens”Prof Axmed Ismaaciil Samatar.

25480085Prof. Axmed Ismaaciil Samatar wuxuu ka mid yahay aqoonyahanada soomaaliyeed ee fara ku tiriska ah ee ay ku dambeysay wadaniyad soomaalinimo. Prof Samatar ma rumeysan jirin qabyaalada XAMAR ka jirto heerka ay gaarsiisan tahay. Prof Samatar wuxuu ka soo jeedaa deegaanada Waqooyiga Somalia, wuxuu si weyn uga soo horjeedi jiray gooni isu taagga gobolada waqooyi ee Somalia ee uu isaga ka soo jeedo.

Prof Samatar isagoo waqti dheer qurbaha ku maqnaa  ayaa sanadkii tagay ee 2012 kii XAMAR ayuu ku soo laabtay. Profesoorka wuxuu soo taabtay weel guntiisa, wixii looga sheekeyn jiray ayuu soo arkay.

Xamar waxaan ku soo arkay “Qofkii aan ahayn qabiilka Hawiye ama qabiilka Daarood waa darajada labaad ee muwaadhinimada dalka somalia” ayuu yiri Professor Axmed Ismaaciil Samatar.

Somalia waxaa ka jirto dowlad magaca soomaalida ku shaqeysato ama ku meel marto. Xaqiiqada waxay tahay inaysan ka jirin somalia wax dowlad lagu tilmaami karo. Dowladda haatan jirto ee caalamka uu ku qaldamay aqoonsigeeda waxay u shaqeysaa habdhaqankii labadii jabhadood  USC iyo SSDF ee dalka burburka u horseeday .

Dowladda Somalia siyaasadeeda iyo sida uu xaqiiqadeeda u soo bandhigay Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo muuqaal ah hoos ka daawo:

24735965

Banaadir Post.

WARBIXIN:-Baadari wadahadal kula jira sidii uu Kirshtimaynta toos uga bilaabi lahaa Muqdisho.

25459640Waxaa dhowaan magaalada Muqdisho ku bixiyay  socdaal Baadari lagu magacaabo Giorgio Bertin oo ah nin qaabilsan ka war haynta dadka Kirishtaanka ee ku nool Jabuuti iyo Soomaaliya.safarkan uu ku bixiyay dhowaan magaalada muqdisho ayuu baadarigan ku sheegay inuu ku soo arkay waxyaabo badan oo yididiilo geliyay oo la taaban karo.

Wadaadkan Kirishtaanka ah ayaa yiri “ anigoo ka maqnaa mudo lix sano ah ayaan magaalada Muqdisho dib ugu laabtay, waxaana booqday faras magaalihii hore,xaafada Madiina iyo meel kale oo masaafo ahaan u jirta ilaa 7 kilometer, waxaana la cajabay waxay ahayd isbaarooyinkii badnaa oo aan ku ogaa oo aanan iminka ku arag”.

“ waxaa kaloo i soo jiitay in magaaladu aysan iminka kala qaybsanyn oo ay midaysan tahay. Intaan joogayna dhagahaygu maysan maqal dhawaqa rasaastii badnayd ee aan maqli jiray lix sano ka hor. Waxaan arkay dad dhowr ah oo isku dayay inay ganacsi abuuraan, dhismayaal dib loo dhisay iyo kuwa tayactir lagu sameeyay. Intaan oo dhan waa calaamad muujinaysa in rajo fiican”.

Ujeeadada socdaalka Bishop Giorgio Bertin.

Wadaadkan ayaa ujeedkiisa socdaalka ku sheegay laba arimood.

1.     Bani’aadnimo

“ Inaan hubiyo howlgalo ban’iaadnimo ah oo aan ka wadnay Soomaliya iyo halkay marayaan qaasatan xeryaha ay ku sugan yihiin dadka barakacayaasha ee magaalada Muqdisho”.

“Dadkan oo isugu jira dad reer Muqdisho ah oo guryahooda kuwaayay dagaaladii, iyo kuwa ka soo barakacay abaarihii dhacay”.

Wadaadkan kirishtaanka ah waxaa safarkiisa ku wehliyay haweeney lagu magacaabo Sara Fumagalli oo ah agaasimaha  “Humanitarian Padania”, taasoo hore uga howlgalaysay Soomaaliya ayadoo isku dayaysa qaab ay ku soo gaarsiyaan dalka qalabka Cusbitaalada.

“ inkastoo ay jirto ka soo rayn xaga cimilada ah hadana way nagu adag tahay inaan gaarsiino dhulka miyiga ah howlagaladan bani’aadnimo waayo waxaa ka taliya Alshabaab”. Ayuu yiri Bishop Bertin.

Ujeedada kale

2.     Dib u furid Kaniisad.

Bishop Bertin oo ka hadlaya rajada uu ka qabo dib u furida Kaniisada oo ahayd ujeedkiisa labaad  waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidatan;

“waxaan kaloo u soo gaaray Muqdisho inaan hubiyo xaalada ay ku sugan tahay Kaniisadii weyneyd  oo ay hada degan yihiin dad barakcayaal ah. Waxaana ku dadaalaynaa sidii ay dib gacantanada ugu soo laaban lahayd” .

“ugu dambayntii waxaan la kulanay wasaarada arimaha dibada iyo wasaarada arimaha bulshada, anagoo bilownay wadahadalo horudhac oo lagu gaarayo heshiis ah inaan howlaheena si toos ah aaan uga bilowno Soomaaliya, iyo dib u furashada goob aan ku cibaadaysano”. “waxaan filayaa inaan si dhaqso leh ugu laabto magaalada Muqdisho si aan ula kulmo  Xassan Sheekh, Saacid ama wasiirada Arimaha dibada si loo dhamaystiro wadahadaladan” ayuu ku soo afjaray warbixintiisii Bishop Bertin.


Faalo kooban

Wadaadkan warbixinta socdaalkiisa wuxuu ku bilaabay is bedelka ku yimid amniga magaalada Muqdisho marka uu la barbardhigay lix sano ka hor siday ahayd iyo maanta asagoo ku tilmaamay calaamad rajo wanaag ah. Muxuu sidaas u yiri “ ma inuu ku faraxsan yahay nabadaas ay heleen dadka reer Muqdisho?.

Jawaabtu waa maya wuxuu ku faraxsan yahay inuu helay nabad uu ku guto howlihii Soomaaliya ka wadi jiray ee ahaa Kirishtaamaynta sida ka muuqata warbixintiisa oo ah inuu beri horena joogi jiray balse aysan u saamixin xaaladii amni daro ee ka jirtay magaalada Muqdisho xiligaas.

Maantana uu jaanis weyn u arko dowlad camiil ah iyo dabaabaadka Amisom in howlihiisii ay dar dar gelinkaraan.

Waxaa halakan laga dheehan karaa sida waxbadana ay hore uga dhawaajiyeen Xarkatul Shabaabul Mujaahihidiin, Culumo, Indheergarad iyo Warbaahinta Islaamigaba inay jiraan hay’ado huwan magaca ban’iaadnimo oo ka wada soomaaliya howlgalo Kirishtaamayn ah.

Marka uu ka hadlayay wada hadalada u bilowday xukuumada federaalka ee Xassan sheekh waxaa uu yiri waxaan ka wada hadalnay sidii aan howlaheena iyo joogitaankeena uu u noqon lahaa mid toos ah isagoo isticmaalay  ereyga ah “direct way” waddo toos ah yacnii  inaan u soo marno taasoo muujinaysa markii hore inay wax ku wadeen “indirect way” waddo aan toos ahayn ama siyaabo kale oo aanan muuqan.

Waxaa yaab leh waxaa haawanaya Kaniisadihii ku yiilay London, Roma, Paris,New York iyo magaalooyin badan oo wadamada reer Galbeedka ah, yaa waaye cida loo dhisayo Kaniisada magaalada Muqdisho ee ku cibaadaysan doonta?. Waa su’aal aan jawaabteeda u daayay aqristayaasha.

Isha Warka: http://allafrica.com/stories/201304161315.html?utm_source=dlvr.it&utm_medium=twitter

25408399 (1)

Somalia: “I Found Signs of Hope in Somalia”, Says Bishop Bertin

https://newsfromsomalia.wordpress.com/2013/04/17/somalia-i-found-signs-of-hope-in-somalia-says-bishop-bertin/

24819801

Banaadir Post

US Bank to Open Somali Money Transfer Account.

25400663U.S. Bank has agreed to open an account that will allow Somalis living in Minnesota to send money to their homeland, reopening a lifeline to relatives living in the war-torn East African country, an advocacy group said Tuesday.

Minnesotans for a Fair Economy said U.S. Bank has agreed to open an account with Dahab-shil, a Minneapolis money service business. A spokeswoman for the Minneapolis-based bank confirmed the agreement.

That account will allow Somalis to send money to their families living in Somalia, 16 months after the last Minnesota bank stopped conducting the transactions, Minnesotans for a Fair Economy said. Many big banks have stopped handling the transfers in recent years, saying the federal requirements designed to crack down on terrorism financing are too complex and not worth the risk. Sunrise Community Banks, a group of independently managed banks, stepped in to fill the need. But in late 2011, Sunrise Community Banks announced it would stop processing the transactions.

In an email, U.S. Bank spokeswoman Teri Charest said over the past year the bank has worked closely with money transfer businesses seeking to send money to Somalia, which lacks a structured banking system. The bank already partners with Western Union, which has outlets in Somalia, but that network does not have as broad a distribution as the Somali community wishes, she said.

“We recognize the need and want to be able to help families send money to their relatives outside of the United States,” Charest said.

Somalis in Minnesota, which is home to the largest U.S. Somali community, say their families in Africa might not survive without the monthly remittances they send them. The country was hit hard by drought and famine in 2011, and in January, the U.S. formally recognized the Somali government for the first time since the country fell into anarchy in 1991. The Somali militant group al-Shabab once controlled almost all of Mogadishu. African Union and Somali forces pushed the militants out of the city in 2011, but the fighters have continued to carry out bomb attacks.

“We are pleased that we may have recently found a solution with one remitter in Minneapolis. Although it has taken us some time to get through this process given the complexity of the issues and regulations, we expedited our approval and monitoring to the full extent possible,” Charest said.

“This is a very exciting day, not only for my business and me, but also for our entire community,” Mohamed Nor of Dahab-shil said in a news release. “I would like to thank U.S. Bank for continuing this conversation over the last year and for taking this important step today. Somali Minnesotans and our families look forward to beginning to restore our lifeline.”

The bank hopes to start the transfers soon, Charest said.

Resource AP/ ABC

http://abcnews.go.com/US/wireStory/us-bancorp-open-somali-money-transfer-account-18973049#.UW51vbWKKSo

25345730

Banaadir Post

MAQAAL XAQIIQ SHEEG AH:-SOOMAALIYA IYO ’SYKES- PICOTKA’ CUSUB. Qore:- Suldaan Maxamed Garyare.

25350628بسم الله الرحمن الرحيم

  وبعد الحمد لله رب العالمين والصلاة والسلام على أشرف الأنبياء والمرسلين نبينا محمد وعلى آله وصحبه أجمعين

 

SOOMAALIYA IYO ’SYKES- PICOTKA’ CUSUB

Allaah baa mahad leh. Ammaan iyo nabadgelyo Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato!

 

Suxufiga caanka ah ee wax ku qora shaashadda caalamiga ah ee Al-Jazeera, lana yiraahdo Xamdi Cabduraxmaan ayaa dhawaan daabacay qoraal dheer oo uu ugu magac darey Soomaaliya iyo ’Sykes-Picotka cusub’. Taariikhahaan hawraarta ama kelmadda Sykes-Picot, waxa ay ka timi heshiis dhexmarey Ingiriiska iyo Faransiiskaintii uu socday waxa reer Galbeedku ugu yeeraan dagaalkii koowaad ee adduunka, ee lagaga soo horjeeday dowladdii Islaamiga ahayd ee Cismaaniyiintii iyo Jarmalka oo gacansaar la lahaa.

Waxa dhacday in labadan dal ee aan soo xusay ay heshiis qarsoodi ah la galeen Mashaa’ikhdii Carabta horjoogaha u ahayd iyaga oo ka dhadhaadhicinaya in ay gooni isu taagaan, kana hoos baxaan maamulka Kahallifada Cismaaniyiinta, si ay suurtagal u noqoto in danaha labadan dal uu u hirgalo.

Heshiiskaa waxa laga qarsanayey oo la diiddanaa in uu qayb ka noqdo dalka Ruushka oo isna ahaa awood soo baxaysa oo markaa Yurub ka jirtay. Hishiiskaan waxaa Mashaa’ikhdaa la saxiixday Wasiirkii arrimaha dibadda ee Ingiriiska, lana oran jirey Sir Mark Sykes iyo kii Faransiiska oo isna la oran jirey Farncois Georges-Picot.

Ingiriiska waxaa loo oggolaaday in uu muraaqabo ama ilaalin ku sameeyo, inta u dhexeysaWabiga Urdun, koonfurta Ciraaq iyo meelo yar-yar oo ay ku jiraan magaalada dekedda ah ee Xayfa iyo Cagra, oo ay Yuhuuddu dhulboobka ku qabsatay 1940kii. Ingiriisku qorshahaa wuxuu uga danlahaa in uu marwalba la socdo wixii dhaqdhaqaaq ah ee ka jira badda Midetereniyanka. Meesha Faransiiskana loo qoondeeyey in uu isna sooryo u qaato, Koonfurta Bari ee Turkiga, Waqooyiga Ciraaq, Suuriya iyo Lubnaan, meesha Ruushka lagu sasabay in uu isna galo Istambuul.

Qoraagu howraartiisa wuxuu ku bilaabay; shaki kuma jiro in dawladaha ka taliya dalalka Carabtu ay dhumiyeen dhul baaxad weyn oo Islaamku wujuud ku lahaa, kadib markii ay ku mashquuleen, qalcadihii dhaadheeraa iyo jidadkii waaweynaa ee reer Galbeedku ugu beddelay khayraadkii dalalkooda. Waxayna meesha soo dhigtay in dowlado fakhri ah ay la wareegaan dhul badan oo lagu tirin jirey dalalka Carabta, dhulkaa waxaa ka mid ahSoomaaliya, oo aad mooddo in laba dal oo gacanta u hoorsada madaxda Carabtu uu u gacan galay iyaga oo qol ku xirtay kuwa ku magacaaban dowlad ku sheegga Soomaalida.

Qoraagu wuxuu tilmaamay dalalkaas, isaga oo ku sheegay Itoobiya iyo Kenya, wuxuuna carrabaabay in ay heshiish qarsoodi ah lagaleen nimanka ugu sarreeya dowlad ku sheegga Soomaalida, lana gaarey is afgarad aan sharciyad iyo qoraal taam ah midna lahayn lana yiraahdo ”Memorandum of understanding”. Isfahamkaani wuxuu dhigayaa in dhulka Soomaalida wixii khayraad ah ee ku jira ay heshiis ku yihiin saddexdan qaybood oo midi tahay tan loo heshiiyey kheyaraadkeeda, waa Soomaaliyee, laakiin labada kale ay yihiin kuwo koobkooda wata oo qaadanaya wax aysan iyagu lahayn oo cid kale leedahay.

Heshiiskan ujeedooyin badan baa ka dambeeya oo ku salaysan xagga siyaasadda dhulka(Geo-politics), waxaana kamid ah in ay meesha laga saaro hammigii ahaa in dhulka Soomaalidu yahay dhul kamid ah dhulalka Carabta, waxaana dhibaatada uga badani la soo dersaysaa ayaa qoraagu sii raacshay dalka Suudaan oo isagu ah dal Muslim ah haddana Carab ah.

Tuhunka arrintani wuxuu soo baxay markii ay Qol mugdi ah oo albaabadu u laaban yihiin ay wada galeen saddexda qolo oo aan soo xusay, iyada oo laga qariyey dalalkii kale ee xubnaha ka ahaa waxaa loogu yeero IGAD oo ay ku midaysanyihiin dalal dhowr ah oo Suudaani ka mid tahay. Kulankaa qarsoodiga ahna waxa loogu magacdarey; Nabad ku soo dabbaalidda Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ”Stability Plan great for Southern and central Somalia, wuxuuna dhacay  6dii December 2012kii.

Waxaa shirkaa gardaadinayey u qaybsanaha xagga arrimaha nabad ku soo dabbaalidda Soomaaliya ee IGAD, ahna wasiirka Arrimaha dibadda dalka Kenya Kiroto Arap Kirwa,wuxuuna howlwadeen ka yahay xafiis ka madaxbannaan IGAD, xaruntiisuna tahay magaalada Addis-Ababa ee dalka Itoobiya.

Waxaana dhacday in la yareystay dalalkii kale ee IGAD kamid ahaa, taas oo u ’eg in arrimahani ay yihiin arrimo u gaara Itoobiya iyo Kenya. Haddii ay dhacday in IGAD dhexdeedu ay u kala dhuumanayso arrimaha Soomaaliya, miyaan la oran karin isfahamkani wuxuu la mid yahay kii ay goonnida ula gaareen Sykes-Picot mashaa’ikhdii Carabta ee aan waxba kala ogeyn, qarni ka hor.

Qoraagu wuxuu muujinayaa dareen ah in Itoobiya iyo Kenya ay helayaan sharciyad u oggolaanaysa in markii ay doonaan faragelin ku sameyn karaan siyaasadda iyo amniga Soomaaliya, taas oo ka dhigan in uusan jirin wax ka xannibaya in ciidamadoodu hor iyo gadaal isu daba maraan iyaga oo aan u baahneyn oggolaansho caalami ah.

Heshiishkani wuxuu daba socdaa kadib markii Madaxa Wasiiradda ee cusub ee dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn uu bishii November ee kal hore booqasho ku tagay dalka Kenya, isaga oo Kenya ka dalbaya ama u sheegaya in ay Kenya tahay saaxiib weyn oo ay Itoobiya leedahay, lagama maarmaana u ah iska kaashiga arrimaha Soomaaliya.

Qorshaha ay ku talagaleen ayaa ah in ay faragelin joogta ah ku samaynayaan saddex qaybood oo Soomaaliya kamid ah.

  1. Deegaanka Koonfurta Soomaaliya, ayna kutaal magaalada dekedda ah ee Kismaayo, waxaa isfahamku dhigayaa in ciidammadda Kenya ay ka samaystaan waxaa loo yaqaan Buffer Zone, taas oo u dhigma kan Yuhuuddu ka samaysatay Koonfurta Lubnaan iyo Buuraha Golan-Height, si mar walba ay Kenya gacan ugu yeelato siyaasadda Soomaaliya.
  2. Gobolladda dhexe, oo ay Hiiraan kamid tahay, Itoobiya waxay ka ankumaysaa maamul goboleed iyada ka shidaal qaata si mar walba ay Itoobiya majaraha ugu hayso qaybo kamid ah siyaasadda Soomaaliya, taas oo meesha ka saareysa in dowlad xor oo Soomaalidu leedahay ay meesha timaaddo.
  3. Deegaanka saddexaad oo ay ku jirto Caasimaddii dalka, Muqdisho, waxa iyana hoggankiisa lagu wareejiyey ciidammadda nabad ilaalinta ee loo yaqaan AMISOM, kuwaas oo daamanka u haya Itoobiya iyo Kenya in aan waxyeello looga gaysan.

Qoraaga oo ah Nin ay hadaladiisa ka dhadhamayso waddaniyad ayaa madaxda Carabta kula talinaya in ay mudan yihiin in ay u gurmadaan walaalahooda Soomaaliyeed maaddaama ay muuqata in arrimahoodii la geliyey gacmo shisheeye oo aan Carab iyo Muslim midna ahayn. Wuxuuna ku soo gabagabeeyey in qaybsigan cusubi uu yahay mid meesha ka saarayo hammigii iyo riyaddii Soomaalaidu ay waligeedba ku taami jirtey taas oo ahayd in Soomaaliweyn ay soo noqoto gacanta cadowgana ka xorowda, laakiin taa waxa beddelay in kuwii ka badbaaday gumaysiga Itoobiya iyo Kenya ay maanta mindidu dulsaaran tahay, una muuqda kuwo la sii kala googoynayo.

وآخر دعوانا أَنِ الحمد لله رب العالمين

Wa Billahi Towfiiq

Suldaan Maxamed Suldaan Garyare (Abu-Cabduraxmaan).

245303271

Sykes–Picot Agreement

http://en.wikipedia.org/wiki/Sykes%E2%80%93Picot_Agreement

 

25345730

 

Banaadir Post.