Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa sheegtay in ay toban gantaal ku dhufatay aqalka Madaxtooyada ee Magaalada Muqdisho Villa Somalia.
Wuxuu intaas ku daray in ay qaar kale oo shisheeyaha ka mid ah halkaas ku dhaawaceen.
Duqeynta Madaxtooyada ayaa saameyn ku yeelatay Madaxda Dowladda federaalka ah oo qaarkood sariiraha ka carareen.
Waxay tani muujineysaa in Shabaabku Caasimadda ku xoogan yihiin taasoo dhabar jab ku ah warkii shisheeyaha iyo Dowladda federaalka ah ee ahaa in ay Caasimadda keligood Maamulaan.
Abuu Muscab wuxuu sidoo kale ka hadlay dagaalo ka dhacay gobalada Shabeelaha hoose iyo Gedo.
Wuxuu hoosta ka xariiqay in ay xalay weerareen Ciidamada Shisheeye ee jooga Deegaanka Jannaale ee Gobalka Shabeelaha hoose.
Dowladda Chad oo ciidankeedu qeybta ka ahaayeen duulaanka dulmiga ah ee ciidanka Fransiisku ku qaadeen wadanka Maali ayaa si rasmi ah u sheegtay inay ciidankeeda kala bexeyso guud ahaanba wadankaasi kadib dagaallo la isku riiqmay oo ay dhowrkii bilood la galayeen Mujaahidiinta Alqaacidda ee Dhulka Maqreb.
Wararka ka imaanaya magaalada Anjimeena ee caasimadda u ah Jaad ayaa sheegaya in kumanaan katirsan ciidanka Jaad ay ka degeen garoonka diyuuradaha magaaladaasi kuwaasi oo kasoo laabtay waqooyiga Maali oo ay dagaallo culus kasoo galeen.
“Ciidankeennu uma babac dhigi karaan nuuca dagaal ee ka soo muuqanaya Maali, waxaa ay ku laabanayaan wadankooda Chad howshoodiina wey dhamaysteen” ayuu yiri Idris Deby madaxweynaha Chad isagoo si cad u qirtay in ciidankiisu dagaalka ku jabeen.
Idris Deby iyo ciidankiisa Chad waxaa ay bilowgii dagaalka ku sagxeen Saxaraha iyagoo balan ku qaaday inaanay istaagi doonin ilaa ay keenaan Mujaahidiinta oo silsilado ku xiran islamarkaana ay soo afjarayaan iyagoo isku tilmaamay “Sahara Master” oo ah marka afka Soomaaliga lagu tarjamo si aan toos ahayn Culimadii Saxaraha.
Hoggaanka Mujaahidiinta jamaacaadka ansaarudiin iyo Towxiid Waljihaad ee Maali ayaa bishii Febaraayo ee lasoo dhaafay sheegay in kuwa soo duulay iyagoo jabay ay wadanka isaga carari doonaan guushuna u dambeyn doonto muslimiinta.
Chad pulls its troops from Mali
President Idriss Deby’s decision to withdraw follows France’s drawdown plan and raises concerns about future of the war
Waxgaradka aya asku raacay in Axmed Madoobe iyo Kenya ay yihiin Camiiliin u adeega reer galbeedka kuwaasi oo iyago aanan rabin in dalka Soomaaliya laga hirgaliyo dowlad islaamka dadka ku xukunta.
Shalay ayay ahayd markii laba doorasho oo ka dhacday Kismaayo lagu kala doortay Barre Aadan Shire iyo Axmed Madoobe.
Riwaayaddii Xorriyio bey ku jirtay Xorriyo (Soomaaliya) oo afar gumeyste/waddan qabaan! Dabadeedna Xorriyo la weydiinayo: maxay ku dhahaan? Iyaduna leedahay: waxay dhahaan: ha hadlin! Hadda waxaa la hayaa Maandeeq (Soomaaliya) oo dhowr iyo toban shirkadood la soo baxeen shati ay ku sheegteen in loo saxiixay inay shidaal ka baaraan Soomaaliya! Shatiyadaas intooda badan waxaa la saxiixay intay dhacday dowladdii Kacaanka ahayd! Waxaa saxiixaas qaarkiis dhacay intay joogeen Cumar C/Rashiid, Farmaajo, iyo Gaas! Qaar waxaa saxiixay madaxda Puntland iyo Somaliland! Laakiin arrinta aan horay loo ogayn waxay ahayd in xitaa Galmudug siiyeen qaar ka mid ah shirkadaha in shidaal ka qotaan Soomaaliya!
Qoraalkii hore waa taan ku lahayn shacabka Soomaalidaa ka liita nimankaas gatay bad iyo berri; sun halis ahna ku duugay waddanka! Saasooy tahay wataas Cumar C/Rashiidna shirka Jubbooyinka hor boodayo, sidoo kalana waad aragteen sida Gaas iyo Farmaajo loo maamuuso! Soow taas macnaheedu maaha in shacabka Soomaalidu madaxa saartaan dadka khiyaamada ka gala diintooda, dalkooda, iyo dadkooda! See u liibaaneynnaa haddaan maalin kasta waxaas dabo orodnno!
Dadka ammaanaya nimankaas waxaa ka mid ah wadaaddo caan ka ah Soomaalida dhexdeeda! Mid Imaamyada Waqooyiga Ameerika ku jira wuxuu yiri: haddaan cid dooranayo, Farmaajaan dooran lahaa! Mid kale oo isla Maraykan jooga baa masaajid ka dhex ammaanay Xasan Gurguurte! Bilo kaddib Xasan Gurguurte baa ammaanayey Zenawi isagoo leh: wuxuu Zenawi ahaa horyaalka iyo taageeraha nabadda Afrika guud ahaan iyo gaar ahaan Geeska Afrika! Haddii ninkii wadaadku ammaanay sii ammaanay Zenawi; micnaheedu waa in Zenawi ahaa waxa lagu sheegay!
Maxaa Maraykun u lahaa waxaan aqoonsaday dowladda Xasan Gurguurte?
Waxay u dhowdahay in qashinka lagu shubo heshiisyadii shirkadaha la siiyey intii ka dambeysay dowladda Kacaanka ah. Taas macnaheedu waa in la laalo wixii Geeddi, Sharmaake, Farmaajo, iyo Gaas bixiyeen! Haddeernna Xasan Gurguurte saxiixo shirkado ka socda Maraykan iyo Ingiriis ama cidday wataan!
Khatar Maraykanku wajahayo waa iyadoo lacagaha Amisom ay bixiyaan inteeda badan Midowga Yurub? See Maraykanku u rabaa inuu tiisa marsado; Yurubna lacag siiso Amisom iyadoo shirkadahooda loo diido in wax boobka wax laga siiyo?
Si kastaba ha ahaatee wataas intaas oo nin (shirkadood) saf u soo galeen hal gabar (Soomaaliya) iyadoo nin kasta sheeganayo inuu heysto warqadduu ku mehersaday (Shati shidaal-baaris)! Yaa kala saaraya?
MUQDISHO:- Soomaaliya NGO ayaa xaaraan ku haysta, Nairobi ayey iska fadhiyaan waxayna lacag ka qaataan UN, markaas ayaa Ninkas wuxuu jecel yahay intuu qoro wuxuu yiraahdaa Soomaalidu sidaas ayey doonayaan ama sidaas ayey hormar ku gaarayaan, maantay Soomaaliya waa Nin Buka boqol u taliseye la sheegi jiray.
Horta Ninkaan Aqoon u la hayn Matt Bryden iyo Abdi Aynte Annaga hanaga barto, Matt Bryden Wadanka Canada ayuu kasoo jeeda, waa Nin la yiraahdo Gabar Soomaaliya ayuu qabaa garan mayno Diinta uu ku qabo iyo Gabadhaas Diinta ay haysato, waxaa la sheegaa Gabadhu in ay kasoo jeedo Gobolada Waqooyiga Soomaaliya ee hadda Somaliland loogu yeero.
Wuxuu aad u difaacaa in Somaliland ay Soomaaliya ka goosato, waa Nin kamid ahaan jiray inta aan shaqada looga cayrin isku dirka Soomaalida qoladii UN,ka ee la oran jiray Contact Group, waa Nimankii Sheekh Maxamed Cabdi Umal xiniiyaha kudhagay ee ku dari jiray warbixin ay kasoo saareen Murtadiinta Soomaaliyeed ee sheegta Siyaasiyiinta.
Abdi Aynte waa Wariyihii VOA qaybta Soomaaliga ka shaqayn jiray kadibna u wareegay Aljazeera qaybta English ka, waa Nin Soomaaliya oo Beesha Hawiye . Wuxuu kamid noqday NGO’yada Soomaaliya qasaya wuxuuna sameeyey NGO la yiraahdo,http://www.heritageinstitute.org/
Qoraal Mareegta Economist lagu qoray ayaa lagu sheegay Xassan Gurguurte in uu Siyaasaddii Soomaaliya ku fashilmay oo uusan haysan Barnaamij Siyaasadeed oo Shacabka Soomaaliyeed ka gadmi kara.
Matt Bryden, a Canadian who runs Sahan Research, a Somali-oriented think-tank in Nairobi, notes that “none of the work has been done towards federalism,” letting critics allege that the government is more centralist than it admits. They fret that the new security forces and police will be dominated by Mr Mohamud’s powerful Hawiye clan.
Abdi Aynte, the head of the Heritage Institute, a think-tank based in Somalia, complains that too many conspiracy theories abound. The president has no hidden agenda, he says, and “an incredibly hard job”.
“Matt Bryden oo hadda ka shaqeeya NGO baaritaanka Shacabka Soomaaliyeed ku haya, ayaa sheegay in Arinta Soomaaliya lagu dhameeyey Faderaalnimo, balse waa ku adag tahay dowladda inkastoo ay tahay dowlad dhexe sida ay sheegtaan”, Xassan Gurguurtana iyo Qabiilkiisa Hawiye waxaa gacanta ugu jira Awoodda Ciidanka cusub iyo Booliiska, Ayuu yiri, Matt Bryden”.
Sidoo kale Abdi Aynte oo madax u ah, Heritage ayaa qaba dhaliishaas in ay jirto, Xassan Gurguurtana mahayo Barnaamij Siyaasaddiisa uu kusii hogaamiyo, waxaana sugaysa howl aad u Adag ayuu yiri Abdi Aynte “.
Qormada waxaa lagu sheegay u jeedooyinka Somaliland iyo Puntland ay Xassan Gurguurte mucaaradka ugu noqdeen, Qabyaaladdii Soomaaliya ayuu Xassan Gurguurte soo celiyey, sidaan horay u sheegnay, waxaana ka socda Magaalada London Shirar Qabiilada Soomaaliyeed ay isku Afla gaadaynayaan, waxaana baraha Soomaalida qaarkood la soo dhigay Dumar si foolxun u caayaya Xassan Gurguurte oo guubaabinaya Beesha Jaalle Daarood.
Shacabka ku dhaqan Deegaanka Suuqa Xoolaha Degmada Heli waa ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ay isi soo tarayaan dhibaatooyinka ay kala kulmaan askarta Dowladda Federaalka ah ee halkaas jooga.
dil, dhac, kufsi, handadaad iyo ganacsigoo cariiri la gelshay ayaa ka jira Suuqa Xoolaha.
sidaas oo ay tahay Ciidamadu waxa ay la kulmaan dilal kaga imaanaya rag ka tirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo Muqdisho howlgalo ka fuliya.
Markasta oo iyaga dhibaato soo gaarto Cidda ay ka aarsanayaan waa shacabka sida dadka Deegaanku u sheegeen Idaacadda Islaamiga ah ee Alfurqaan.
geesta kale askarta Uganda ee jooga Xerada Maslax ee Suuqa xoolaha ayaa kufsi baahsan kula kacaya Dumarka xaafadaha u dhaw degan.
haweeney ka mid ah dadka ku ganacsada Deegaanka Suuqa Xoolaha oo Xalay u warantay Idaacadda Islaamiga ah ee Alfurqaan ayaa sheegtay in ka sokow kufsiga ay gabdhaha xafadahaasi degan kula kacaan askarta Dowladda Federaalka ah ugandheysku xoojiyeen Dumarka ay Kufsanayaan kadibna jidadka la soo dhigayo iyagoo Miir daboolmay.
Odey Dhaqameeed aan isbar Garaneyno ayaa markii uu Saakey Waagu baryey hadal hayanta ugu badana ay tahay Shrkii Magaalada London ayaa iska hor nimid waxaan weydiiyey sida uu arko Qaaraan loogu yaboohay Dowlada Soomaaliya ee Shirka London waxaana uu yiri “Saaxiib Weliga Qaaraan Tolkaada ma ka aruurisey” markaas baa iri maya weligeey Qaaraan kama aruurin waan maqli jirey” inta Qosley buu yiri” Shirka London Maandhow waxba kama Duwana Qaaraanka aad Maqli jirtey”markaas baan iri” Maxaa ku jaban waa Howl aad u sahlan” waxaa uu yri” Shirweyne Qaaraan lagu ururinayo Tolkaada isugu yeer adiga ayaa ogaan doono in uu ka Duwan yahay Kan London iyo in kale.wuxuuna ii Sharaxay sida Tolka Qaaraanka u ururiyo. Inta uu Tolka fadhiyo nin weliba gacanta intuu taago ayuu Lacagtii yabooha ku dhawaaqaa halkii baa Faataxada lagu marayaa, markii uu dhamaado Liiska Magacyada Qaaraanka isku darka Lacagta la yaboohay ayaa halkii baa lagu kala dareeraa, maalin ama laba ka dib waxaa bilaabanaya aruurintii Qaaraanka oo markii hore si istus Tus ah la isugu Qorey Tusaale markii aad u tagto kii ugu Tunka weynaa waxaa uu ku leeyahay Beri ii soo laabo maanta wax ma hayo , markii aad maalin kale ku laabato waxaa uu ku leeyahay weli lacag ima soo gelin maalin kale hala ii yimaado markii ay Kabaha kaa Dhamaadaanayuu marka u dambeysa ku leeyahay Saaxiib intaan baa hayaa ee iga qaata , markii aad weydiiso war intaa kuuguma Qorneyn ee sidaa wax u jiraa buu kuugu soo koobayaa war maalmahan Shiid baa la ahaa ee intaa ma qaadaneysaan, Aniga Tolkaan Lacag kaala qaadayey ee meesha wax kale uma tagin Odeygii Qaaraanka ururinayey waxaa uu ku qasbanaanayaa in uu intii ka qaado , maxaa moodeysaa kuwii kale ee iyana liiska ku jirey ee sidaan oo kale loogu Dhibtoodey waxaa Xaqiiqo in markii Sadex Meelood lacagtii Qaaraanka looqaybiya Xitaa ma soo Xaroon Hal meel ,marka Shirka London waa uun Qaraankaas Tolkaada ka aruuri lagu yiri .mar mar waa jirtaa in si deg deg loo ururiyo Qaaraanka Tolka waa markii Dano Beeleed ay jirto , sidaa darteed maanta ma jirto Dowlad Dano kaa leh waana mid aad u yar. Nin baa hadda Kor Magaalo u soo safrey markaasayaa waxaa dhacdey in markii uu laabanayey la siiyey Xoogaa Timir ah , halkii buu ka Caraabey waxa uu sii socdo waxaa ku degey reer , waxaa Derin loo dhigey Ardaaga hore halkii buu cabaar ku Nastey , markuu Cabaar fadhiyey ayaa reerkii uu martida u ahaa waxay u keenaan Timir aad buu u yaabey waayo ninku ma aqoon Timrta oo in sideeda loo Cunno oo ma garaneyn , inta ka jafjaftey Buu yiri “TIMIRTII HOREBA DAB LOO WAA” Hadalkaan ka soo yeerey Ninkaan wuxuu NoqdeyMurti ma hadho ah,marka Shirka London waa Timirtii hore dab loo waa , waxaa Dalka Belgaumlagu qabtey Xiligii uu Madaxweynaha ahaa Shiikh Shariif Shiikh Axmed Shir Soomaaliya Qaaraan loogu ururinayey oo Xiligaas ku jirtey Colaad, Abaar iyo Cuduro, waxaana Qaaraankas Gacan taagiisii hore uu noqdey in lagu Yabooho lacag gaareysa 260 Milyan oo Doolar ,waxaa dadka Soomaaliyeed isla dhexmareen in Soomaaliya markaan uu Caalamka u soo jeestey. Shiikh Shariif oo wax laga weydiiyey in Qaaraankaas uu hirgelay iyo in kale ayaa ku jawaabey “Waxaa gacanta Dowlada Qaaraankaas ka Soo gaarey 3 Milyan oo Doolar mana garan karo iyadoo Soomaaliya ku jirto Xili adag ay lacagtaa Dowladda heli weyso” marka waa Qaaraan Afka Baarkii ah. Qaaraanka hadda Dowladda loogu yaboohay ee Shirka London waxaa uu la mid yahay mid aan kaduwaneyn kuwii ka horeeyey ama reer Galbeed haBbalan qaadeen, ama Carab ha Balan qaadeen ama Afrikaan , marka waxaa la dhihi karaa waa Qowda Ma Qashii waxna ha u Qaban waayo Soomaaliya oo Xaaladda Hada ay ku jrto mid ka sii daran ku jirto ayaa waxa loo qaban waayey , waxaana wax ka weydiiyey Arrimaha Qaaraankaee Beesha Caalama Siyaasi ku xeel dheer arrimahaas waxaana uu yiri” Waagii Dagaalkii Qaboobaa ee ay jireen Isbahaysiyada DowladahaCaalamka Balan qaadkoodu wuxuu ahaa mid ku dhisan loolan loogu tartamayo sidii loo heli lahaa ama loo kasban lahaa Dalalka Caalamka , haddi taasi ay maanta jiri lahayd waa laga yaabaa in inta badan uu soo Xarooda Qaaraanka ,marka maanta taasi meesha waa ka baxdey oo Cid la Isbahaysanayo ma jirto marka Qaarankii wuxuu ku soo ururey Afka Baarkii , waxaa laga yaabaa in Xoogaa ay soo Xarooto oo Sandareerto ah taas oo lagu bixinayao Siyaasada wax reer Galbeedka ugu yeereen La Dagaalanka Argagixisada,markii ay jirtey Dowladii Milatariga uuna jirey Dagaalkii Qaboobaa Dowladaas Kaalmada ay heli jirto waa Tartankii Xodxodashada is Garabeysiga waana mida ay ku heshey Mashaariic sida Wadooyin Isbitaalo , Qalabeyn Ciidan iyo Mashaariic Ciidaa ka badan,Marka ninkii is lahow Lacag baa soo socota Candhuufta Dib u liq Isku soo duuboo Shirkii Londan waxaa lagu tilmaami karaa Qaraankii Tolka laga aruurinayeyoo Aakhirkii ay soo Xarootey Lacag aad u yar markii ragii Tolka ugu Tunka weynaa ayey ka baxeen balantii ay qaadeen oo markii hore u jeedkiisu ahaa Tolka iska tiiri oo yeysan Dul duleelo kaa heli Ragga kale ee Tolka ku jira , waxaana maanta Ceeb ah adiga oo maanta Allla isku kaaga darey Beero, Xoolo,Bad iyo Macaadiin in Qaaraan laguu Ururiyo ayna kuugu Yaboohayaan kuwa aad kaa Liita oo aan haysan waxa Alle kuugu Maneystey oo welibana ay u sii dheer tahay Muslinimada .
Maalintii shalay waxaa xarunta madaxtooyada laga taagay calanka wadanka Ingiriiska iyadoo gacalo walaaltinimo loogu muujinayo dowladda gaalada ah ee dalkaasi maadaama ay madaxdeedo daadihinayeen shir ku saabsan arimaha Soomaaliya.
Daahir Ciiro oo kamid ah siyaasiyiinta dowladda Federalka ah, horeyna uga tirsanaa Baarlamaanka ayaa mas’uuliyad darro ku tilmaamay in calanka Ingiriiska laga taago madaxtooyada.
Ciiro oo ka careysan ficilkaasi ayaa madaxda dowladda Federalka ah u isticmaalay maahmaahyo la yaab leh oo muujineysa halka ay joogaan madaxda dowladda Federalka ah.
Shirka London oo ah mid lagu uruurinayo dhaqaalo lagu xoojiyo shisheeyaha soo duulay si ay usii wadaan xasuuqa ka socda Soomaalia ayaa waxaa ka soo qeybgalaya in ku dhaw 50 Dowladood oo faragalin ku haya Soomaaliya.
Qadar,kuweyt,iyo Turkiga ayaa bixin doona dhaqaalo hub iyo mushaar lagu siin doono ciidamada kufaarta Amisom kuwaasi oo ah calooshood ushaqaystayaal duulaan gardarro ku jooga Soomaaliya.
Shirka London saddex saac ayuu socday aduun lacageed oo gaaraya…?…. ayaa loogu balan qaaday sidii kii kalhore isla meesha ka dhacay, ciidamada nabad ilaalinta Amisom iyo kuwa Dowladda waxaa laga wada hadlay dib udhiska Soomaaliya ,dib u habaynta iyo qalabaynta ciidamada dowladda,kufsiga haweenka in la joojiyo iyo howlgalada Qaramada midoobay ka fulin doonaan Soomaaliya, warqado dhowr iyo afartan bogg ka kooban waa la soo saaray” kalimadahaasi iyo kuwa la mid ah oo lasii qoray mudo hore,go’aano horey loo gaaray.
Dowladda Ingiriiska ayaa fara galin kuhaysa dalka Sooomaaliya iyadoo dhawaan Muqdisho ka furtay Safaarad,waxayna wakiil ka tahay dowlado iyo dad qarsoon oo dano gaarah dalka Somaliyeed oo la noqotay inow dayacanyahay.