Xuseen Caraale Cadaan oo horey Xildhibaan u ahaa kana Mid ah Xubno dhawaan u dhawaaqay Urur ay mideysan yihiin dad dhamaantood Xildhibaano ahaan jiray ayaa Wareysi ay la yeelatay Idaacadda Islaamiga ah ee Alfurqaan ku sheegay in ay u baahan yihiin in Shacabka Soomaalidu Abaal Marin siiyaan Maadaaba la gaaray buu yiri sida uu hadalka u dhigay Guul iyo Barwaaqo ay iyagu horseed u ahayeen.
Xuseen oo aanu weydiinay sida ay isu qabanayaan Xasuuqa dhalinyarada Muslimiinta ka dhanka ah, Xariga, Cabsi gelinta, Handadaada iyo dhibaatooyinka kale ee ay Geysanayaan Ciidamada Dowladda Federaalka ah kana jira muqdisho iyo warkiisa ah in Guul lagu tilaabsaday ayaa ka meermeeray in uu Su’aashaas si rasmi ah uga jawaabo.
Waxa uu iska indha tiray dhiigga qubanaya ee Dowladda Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha ka yahay ka bixineyso dadka Muqdisho iyo hooyooyinka oohinta iyo Murugada Martida u noqday ee Wiilashoodii askarta Dowladda Federaalkaa ahi Xasuuqday.
Xuseen Caraale Cadaan iyo kooxda kale ee ay isku ururka yihiin ee dhamaantood dalbanaya in Garab iyo Gacan la siiyo dadka Soomaalida ahina in ay wanaag u qiraan doonaya waxa ay ahaayeen Xubnihii ansixiyay in Dalka Soomaaliya ay yimaadaan Ciidamada Itoobiya oo 2006-di Duulaan ku soo galay iyo Ciidamada Uganda iyo Burundi oo 2007-di soo galay.
Dhamaan Ciidamadaasi waxa ay Xasuuq u geysteen kumanaan ka mid ahaa dad Muslimiinta Soomaalida ah waxaanay Gumeystaan Soomaalida intii Markii hore Xoriyadda haystay qaarkood.

Halkan ka dhagayso Xildhibaan Xuseen Caraale.
Waxa ay Mushaar ka qaadan jireen Xildhibaanadu waxa loogu yeero Qaramadda Midoobay iyo Hay’ado iyo Dowlado kale oo Shisheeye bedelka Lacagtaasna waxa ay ansixi jireen wixii Cadawga Umadda Muslimiinta ah ee Soomaaliyeed doonayo sida askarta Gumeystayaasha ah ee iminkaba jooga wadankeena wadana Dilka, dhaca Kufsiga, Boobka Hantida, Dhaqan rogga, faafinta Kirishtaanimada iyo wax yaabo intaas ka badan oo hagardaamo iyo Diin la dirir isugu jira.
Xuseen Caraale Cadaan waxa uu ka mid ahaa 2008 Markii Ciimada Itoobiya Xasuuqa daran ka geysanayeen Masaajidka Al hidaaya ee ku yaala Deegaanka Waxara Cadde Degmada Heli waa ee Muqdisho xildhibaano Baydhabo ku shiriyay kana doodayay kororsiga Mushaarkooda iska daa in ay ka xanuunsadaan Xasuuqa Culuamda iyo ardayda Diinta Islaamka baraneysay dharaartaas lagu hayee.
Sidaas oo ay tahay asiga iyo kooxda kale ee ay wada socdaan waxa ay sheegayaan in ay Abaal gud wanaagsan ka doonayaan dadka Soomaaliyeed.
Kooxdaan waxaa Madax u ah Haweeney la yirhaado Caasho Axmed Cabdalle waxaanay tiradooda ku sheegeen shan boqol oo ruux waxaanay dhamaantood ku guul dareysteen in Dowladda Iminka jirto ay xubno ka noqdaan.
Gaaladii Markii hore ogolaatay in ay Xildhibaano noqdaan ayaa Maanta diiday oo Magacaabatay Xubno kale.
Waxaa xubnahaan ku jira kuwo Wasiiro ahaa jiray oo Dagaalka ansixntiisa ka sokow si toos ah uga qeyb qaada jiray iyo xildhibaano iyaga qudhoodu dagaalada wax ka hogaami jiray.
Inkastoo Dowladda Xasan Sheekh Maxamuud hogaamiyo ee Federaalka ah ay Markii hore xubnahaanu ka dalbadeen in ay daryeesho hadana iminka waxa ay u muuqdaan in ay shacabkii ay Shalay Xasuuqeen intii ka hartay ka sugayaan dhaqaale ay noloshooda ku maareeyaan kuna galaan ol ole Siyaasadeed.
XOGTA WAR WAA RADIO ALFURQAAN.COM

Banaadir Post.
Like this:
Like Loading...