DHAGEYSO:-Axmed Siilaanyo”Diyaar uma nihin inaan wada hadal la galno kuwa aan awoodin inay Banaadir hantaan”

25849629Axmed  Siilaanyo oo hadal ka jeediyay xaflad  maamulka Soomaliland ugu dabaal degayay sida ay sheegeen Maalintii ay ka go’een Soomaliya inteeda kale ayaa kuso hadal qaaday wadahadalada la doonayo in soomaliland iyo DF-ka ah dhexmaro Isagoona sheegay in madax banaanida Soomliland ay tahay mid lama taabtaan ah oo aysan jirin sida uu hadalka u dhigay cid ay kala Tashanayaan qaadashada madaxbanaanidooda.

Waxa uu sido kale Siilaanyo  intaa ku daray inaysan jirin wax wadahadal ah oo ay Soomliland diyaar u Tahay inay la sameeyso Dowlada tabartayar oo fadshigeedo yahay Villa Somalia!

Axmed  Siilaanyo”Diyaar uma nihin inaan wada  hadal la galno kuwa aan awoodin inay Banaadir hantaan”

25739582

Halkaan Ka Dhageyso Hadalka Madaxweynaha Soomaliland Axmed Siilaanyo.

25251825

Banaadir Post.

“Anaa diiday gaal daacufle ah, dabagalkiisiiye”Sayid Maxamed Cabdulle Xasan,Raxiimulaah.

25846808Gaalada dirayska leh anaan, daabadda u qabane

  • Anaa diiday dagal inaan la galo, daalin ii colehe
  • Dalka ma lihid anigaa ku idhi, doora weynaha e
  • Anaa diiday nabadiisa aan, daacad noqonayne
  • Anaa diiday deeqdiisa ay, naari dabataale
  • Dahabkii uu waday waanigii, daadiyee qubaye
  • Dagaalkiisa anigow xishoo, daalib ku ahaaye
  • Durdurada Fardowsaad anaa, doortay oo rabaye
  • Anaan labada daarood tan hore, darajo moodaynin
  • Anaa diiday gaal daacufle ah, dabagalkiisiiye
  • Doofaarka eyga ah anaan, daarihiis galine
  • Sida doxorka ?# anaan, duud xamaal noqone
  • Anigaan dariiqiyo waddada, dowga sii marine
  • Anigaan dillaalkiyo arliga, duubigaw xidhane
  • Anigaan dariiqada Alliyo, diinta cassiyine
  • Daliilkii rasuulkii anaa, doonayoo helaye
  • Diinkayga anigaan ku gadan, dabaqii naareede
  • Anaan labada daarood tan hore, darajo moodayne
  • Markay duusho gaaladu anaan, daabbaddu rarine
  • Goortay dareeraan anaan, diiradda u qabane
  • Dadow maqal dabuubtaan ku idhi, ama dan haw yeelan
  • Dunjigiinba waataad kufriga, daba ordayseene
  • Waataad iigu daranteen markaan, diiday oo nacaye
  • War waatow digayseen markaan, duulan soo waco e
  • Waataad colaadii dorraad, iigu daranteene
  • Markaan diirtay waataad dushiyo, doc iga boobteene
  • Waataad markii aan dafaray, daaha galiseene
  • Waataad dushiina u rarteen, duq iyo waayeele
  • Waatowla daristeen sidii, duul walaalo ahe
  • Markaan didiyey waataad warmaha, igula duusheene
  • Gortaan digniintiyo ergada, idinka deyn waayey
  • Waataad damiin igu qirteen, dawriyoo falane
  • Dikriga iyo eedaanka waataad, ka durugteene
  • Waataad inuu dawlad yahay, dood ku bixiseene
  • Dibnihiina waataad inuu, dego ka sheegteene
  • Waa taad dariiqyada barteen, noo dadnaan jiraye
  • Goortuu dantiisii helee, idin dubaaqeeyey
  • Waataad dacluuskii Berbera, ula dawaafteene
  • Diihaalka waataad Hindiga, daal ka barideene
  • Dagaagiina waatii xeryaha, deyran loo dhigaye
  • Waatuu dareersaday fircoon, diracyadiiniiye
  • Waatuu diyaar ugu laqimay, diinta gaalada e
  • Damac beena weeyaan waxaad, nagu dilayseene
  • Waa waxaad dariiqii sharciga, uga dullaanteene
  • Dawgii Rasuulkiina waad, dabamartayseene
  • Nin dardaran iblayskii dafaa, dow ka raaridaye
  • Dallacaad jaceylbaad kurtiin, noola dirirteene
  • Dubaaqii waxaa idinka galay, daaro buuxsade e
  • Dawo kama heshaan faranji aad, daawo dhigataane
  • Dabinbuu idiin qoolayaa, waydin dagayaaye
  • Dirhamkuu idiin qubahayaad, dib u go’aysaane
  • Doodna waxaan u leeyahay dadkeer, hadalka deyn waayey
  • Nimanyahow damiinnimada waa, lagu dulloobaaye
  • Dadku wuxuu jeclaystaa waxaan, duxi ka raacayne
  • Nin ragay dardaaran u tahaye, doqon waa mooge
  • Denbi weeye Kufriga, aad u dabcaysaane
  • Marka horre dabkuu idinka dhigi, dumar sidiisiiye
  • Mugga xiga dushuu idinka rari, sida dameeraha e
  • Mugga xiga dalkuu idinku odhan, duunyo dhaafsada e
  • Mugga xigana daabaqadda wuu, idin dareensiine
  • Dunjigeeda Soomaalibaan, deyrka ka ahaaye
  • Dhaaxaan Daraawiishta idhi, doonta gaalada e
  • Dhaaxay asgaro uu dalbaday, dabada taageene
  • Dhaaxaan dabkii iyo la hadhay, duunyaduu wadaye
  • Dhaaxaan intaan janano dilay, soo dabaaldageye
  • Dhaaxaan dekado uu camiray, dumiyoo rogaye
  • Ninkiisa dirirta geya maalinbay, dunidu ciishaaye
  • Maantaan dabaaldegga iyo, darajo eegaayey
  • Ragga haatan igu diimayow, duxi ha kaa raacdo.25794113

Banaadir Post.

25701270

HALGANKU WAA HALKII WELI:- Sannad Guuradii 70aad ee Halgankii Xisbigii S.Y.L 15 May 1943

25794113Waxaa maanta ii faraxad ah in marka hore aan hambalyo iyo boogaadin ba halkaani uga dirayaa dhamaan ummadda soomaaliyeed meel kast oo ay joogaan, maanta oo ah sannad guuradii 70aad ee ka soo wareegta xisbigii gobanima doonka ahaa ee S.Y.L 15 May 1943, taasoo ku soo begantay in maanta shacabka soomaaliyeed ay u dhaltay dawlad aan ku meel gaar ahayn , 70 sanno ka dib waxaan ilaahay ka baryeena in ay dib u soo noqoto heybaddii qaranimo iyo sharaftii calanka soomaaliyeed horay u lahaan jiray.

Runtii taariikhdu ma duugowdo, waxaana loo baahan yahay in laga faaiideysto maanta oo ah sannad guuradii 70aad xisbigii S.Y.L. ee koonfurta soomaaliya halgankaasi oo bar bar socoday xisbigii gobanimadoonka SNL ee waqooyiga soomaaliya waana maalin weyn oo aan la ilaabi Karin.

Haddii aan si kooban u xuso, marka hore waxaa la sameeyey urur ay ku kulman dhallinyarada oo la magic baxay SYC (Somali Youth Club) kaasoo ahaa urur aan siyaasi ahayn Halkaasoo ay ku kulmi jireen dhallinyaradda iyo wax garadka soomaliyeed.

Ururka SYC muddo ka dib wuxuu noqday urur siyaasi ah oo la magac baxay S.Y.L waxaa na dhidhibadda loo dhigay taariikhda marka ay ahayd 15.05.1943kii oo ay ku kulmeen dhallin yaro ka kooban 13 ah , kuwaasoo ahaa dhallinyaraddii fahmay dhibaatooyinka iyo hagar daamadda gumeysiga.

Ururkaani hadafkiisii ugu weyn wuxuu ahaa in shacabka soomaaliyeed la gaarsiyo xornimo taam ah la na mideeyo goboladda soomaaliyeed ee gacanta gumeysiga ku jira. Ururkani waxaa salka u dhigay dhallinyaradda oo kala ah :-

1. Yaasiin Xaaji Cusmaan
2. Cabdulqaadir Sheekh Saqaawaddiin
3. Xaaji Maxamed Xuseen
4. Daahir Xaaji Cusmaan
5. Maxamed Cali Nuur
6. Maxamed Cusmaan Baarbe
7. Khaliif Huudow Macallin
8. Sayiddiin Xersi Nuur
9. Cusmaan Geeddi Raage
10. Dheere Xaaji Dheere
11. Cali Xasan Maslax
12. Xaaji Maxamed Cabdulle Xayeesi
13. Maxamed Faarax Hilowle

Ururka SYL wuxuu ummadda soomaaliyeed u soo bandhigay dastuurkii uu ku hogaamin lahaa, qodobada ugu weyn waxaa ka mid ahaa in diinta islaamka dalka lagu hogaamiyo, in la radiyo midnimadda ummadda soomaaliyeed, in la cirib tiro dhaqamadda xun xun oo ay ka mid yihiim qabiilka iyo qabyaaladda iyo is quursiga , in la horumariyo aqoonta, hidaha iyo dhaqanka suuban iyo in la qoro afka soomaaliyeed, sidaasi darted xisbigu waxaa u ku guuleystay in si fudud ujeedooyinkiisa u gaarsiyo gobollada dalka oo idil , sidaasi darted xisbiga SYL waxaa u suurta gashay in uu xafiisyo ka furo gobolada dalka taasoo kordhisay caraddii gumeysiga uu u qabay shacabka soomaaliyeed.

Waxaa xusid muddan Odayaasha waqooyi iyaga oo ka shaqeynaaya mideynta soomaaliya waxay markii ay taariikh ahayd 17/07/1947kii baaq qoraal ah u direen xafiiska {The war Office – London}taasoo loo mariyey maamulkii gumeysiga xiligaasi ka talin jiray gobolada waqooyi. Baaqaasi oo ay u dhamaayeen suldhaanada, caaqiladda, odayaasha dhaqameedka iyo waxgaradka dadka reer Somaliland kuwaasoo kala ah :-

1. Suldaan Maxamed Cali Shire
2. Suldaan Ali Muuse
3. Suldaan Maxamed Faarax
4. Suldaan Xersi Cabdillahi
5. Suldaan Saciid Cabdi Abbi Guddoomiyaha ururka SNS
6. Suldhaan Maxamuud Jaamac Xoghayaha Guud SNS
7. Suldaan Cumar Hurreh Guddoomiyaha SNS – Cergaabo
8. Suldhaan Xaaji Jaamac Maxamed Xoghayaha Maaliyadda SNS
9. Suldhaan Ibraahim Cali SNS
10. Suldhaan Axmed Suleymaan Guddoomiyaha SNS – Burco
11. Suldhaan Cabdi Ciise SNS
12. Suldhaan Axmed Maxamoud SNS
13. Suldhaan Yuusuf Haji Adan
14. Suldhaan Maxamed Ciise Daraawiish SNS – Laas caano
15. Suldhaan Maxamed Ibraahim SNS
16. Suldhaan Adan Cali SNS
17. Suldhaan Adan Saciid SNS
18. Suldhaan Xaaji Adan Axmed SNS
19. Suldhaan Caydiid Maxamed SNS
20. Suldhaan Xaaji Xasan Geele SNS
21. Suldhaan Maxamed Kaahin SNS
22. Caaqil Xaaji Yaasiin Maxamed Burco Nadi
23. Caaqil Jaamac Cali Shire
24. Caaqil Maxamed Ula Joog
25. Caaqil Xaaji Faarax Goodah
26. Caaqil Xaaji Diiriye Cabdi
27. Caaqil Cawad Guuleed
28. Caaqil Yuusuf Imaan
29. Caaqil Suleymaan Yuusuf
30. Caaqil Axmed Xaaji Cabdullahi
31. Caaqil Cabdiraxmaan Xaaji Cali
32. Caaqil Ducaale Cabdi
33. Caaqil Abokar Xaaji Faarax
34. Caaqil Xayd Diiriye
35. Caaqil Maxamud Cabdi Caraale
36. Caaqil Adan Cabdi SNS Berbera
37. Caaqil Sayid Cabdiraxmaan Laas Caano
38. Caaqil Sheekh Cabdillahi Geele
39. Caaqil Maxamed Axmed SNS Burco
40. Caaqil Cismaan Xaaji Muuse
41. Caaqil Yuusuf Sh. Cismaan Nuur – Qaadiryah
42. Caaqil Axmed Sh. Cismaan Nuur
43. Caaqil Sheekh Xussen Axmed Daraawiish
44. Caaqil Yuusuf Xersi

Waxaan dareensanahay in xaquuqda dadkeena lagu tuntay taasoo horey na soomaaliya si arxan daro ah loo qayb qaybiyey maadaama dalka iyo dadka soomaaliyeed ay kala qaybsadeen British, Fraance, Italia iyo Ethiopian, qaybintaasi oo dhibaatooyin fara badan ay ka soo gaareen dadka soomaaliyeed taasoo caqab culus ku noqotay horumarka dalka ee dhinaca dhaqaalaha , sidaasi darteed kala qaybsanaan xagga siyaasadda waxay ummadda soomaaliyeed ay dhaxal siisay horumar la’aan oo sababtay dib u dhac dhinaca dhaqaalaha iyo aqoonta.

Waxaan rumeysanahay in dawladda Ingriiska dano fara badan ka leeyahay gobolka geeska Afrika sidaasi darteed waxaan ka codsnayenaa boqorka dawladda ingriiska xafiiskiisa inuu dalkeena ka difaaco haddii dibadda laga soo weeraro iyo guud ahaan danaha ummadda soomaaliyeed maadaama dawladda ingriiska guul weyn ka soo hooyey dagaalkii labaad ee adduunka guushaasi oo ay qayb ka ahayd ciidankii soomaaliyeed ay ka qayb ahayd isla markaasi na la barbar dagaalamay dagaladdii lagu jibiyey dawladda Japanese iyo dawladda talyaaniga.

Waxaan boqortooyadda dawladda Ingariiska ka codsaneynaa in la mideyo ummadda soomaaliyeed maadaama dawladda Ingriiska uu gacanta ku haaya dhamaan dhulka soomaaliyeed oo idil marka laga reebo Djbouti oo dawladda Fransiiska gacanta ku hayay sidii loo mideyn lahaa si loo helo somaali weyn oo madax banana “Bansomalisim” Waxaan boqortooyadda ka fileynaa in dadka iyo dalka soomaaliyeed ee maamulka dawladda ingriiska gacanta ku haya sidii loo mideyn lahaa isla markaasi na waxaan ka rajayneynaa in aysan mar kale dhicin sida foosha xun ee ummadda soomaaliyeed loo kala qayb qaybiyey taasoo aan hore uga dhicin qaaradda Afrika. Nuxurkii baaqaasi wuxuu ahaa in sidii loo heli lahaa soomaali mideysan oo xor, xiligaasi oo soomaalidu aaminsanaayeen in maalin la heli doono soomaali weyn oo xor ah.

Hase yeeshee nasiib daro 70 sanno kadib in himiladiisi ay burburtay maxaa yeelay jamhuuriyaddii soomaaliyeed ee 1960kii gacanta gumeysiga ka baxday ay maanta noqotay dhowr maamul goboleed taasoo ah arrin aan faraxad gelineynin inta damiirka leh ee ku abtirsata magaca soomaaliyeed laakiinse arrinta kala qaybsanaanta waxay faraxad gelinaynaa siyaasadda gumeysiga cusub oo sal u ah falsafadda Qeybi oo Xukun.

Bishii Oktoober 1947kii mar kale ayaa arrinaha soomaaliya la hor geeyey xoghayayaasha guud ee wassirada arrimaha dibadde ee dalalkii ku guuleystay dagaalkii labaad ee adduunka dood fara badan ka dib waxaa la isku waafaqay in Soomaaliya loo diro guddi xaqiiqa raadin ah oo soo oddorasa isla markaasina warbixin ku saabsan ka keenta rabitaanka shacabka Soomaaliyeed in ay diyaar u yihiin gobannimo iyo in kale.

Dagaalkii labaad ee adduun markii uu dhamaaday Markii u dhammaaday ayaa arrinta Soomaaliya la hordhigay jamciyadda qaramada midboobay ka dhaxeysa,United Nations shirkaasi oo ay ka soo qayb galeyn wadamadii ku guuleystay dagaalkii labaad ee adduunka oo uu hogaaminaayey dawladda Mareykanka, waxaana shirkaasi cod buuxa la isku waafay in soomaaliya wisaayada ay noqot, hase yeeshee dawladda Faransiiska ayaa arriintaasi wisaayadda si xoog leh uga biyo diiday. Sidaasi darted wuxuu shirkii ku dhammaaday fashil iyo guuldaro kaddib markii ay dawladihii ku heshiin waayeen siyaasadahooda ku wajahan Soomaaliya.

Bishii Janaayo 1948 waxaa magaaladda Muqdishu ka soo degay guddigii ay u soo xil saartay jamciyadda qaramada midboobay ka dhaxeysa, oo ka koobnaa dawladda Mareykanka, Ingiriiska, Faransiiska iyo Ruushka iyo Faransiiska kuwaa soo kormeer iyo xog raadin ah ku yimid soomaaliya ujeeddada ugu weyna ay ahayd in ay kala hubsadaan in dadweyna soomaaliyeed ay u bisil yihiin hanashadda xoriyada iyo in kale.

Guddigaasi afarta ah waxay durbadiiba ay bilaabeen in ay dhegeystaan fikraddahii iyo warbixinadii xisbigii SYL iyo Axsaabtii tiradda badaneyd ee dalka ka jiray oo kala ah sida tan ee hoos ku xusan :-

1. Somali Youth League (S.Y.L)
2. Hamar Youth Club (HYC)
3. Patriotic Beneficient Union
4. The Arab Community
5. The War Veterans
6. The Somali Young …. “Qabiil ku magacdarsaday”
7. Hindaitul Islam
8. Comitato Rappresentativo Italiano

Ururka la magac baxay patriotic Benefiecient Union ay isku bahaysteen 7 urur oo yar yar oo lagu tiriyo in ay gacan saar la leeyihiin talyaaniga (Pro-Italia) .

kuwaaso dhamaan ka soo horjeedday iraadii shacabka soomaaliyeed oo ahaa in la gaaro xornimo, iyaga oo ku andacoonaayey in ay shacabka soomaaliyeed maanta diyaar u ahayn in xornimo la gaarsiiyo loona baahan yahay in muddo 30 sannadood in lagu jiro gacanta Talyaaniga .

Taariikhdu markii ay ahayd 20 Janaayo 1948 guddigii ka socday 4tii dawladood oo wakiilka ka ahaa jamciyadda qaramada midboobay ka dhaxeysa, la kulmeen Guddigii matalaayey xisbigii SYL oo warbixintiisa xambarsaneyd himilooyinkii iyo rabitaankii shacabka soomaaliyeed siiyey guddigii xog raadinta u socday.

Guddiga Somali Youth Leage SYL :-
1. Xaaji Maxamed Xuseen Guddoomiye
2. Cabdullahi Ciise Moxamud Xoghaye
3. Maxamed Ahmed Xubin
4. Xaaji Faarax Cali Xubin
5. Sharif Maxamed C/raman Xubin
6. Xaaji Bashiir Ismaciil Xubin

Muddane Cabdullahi Ciise Maxamuud oo ka wakiil ah xubnaha SYL , guddiga jamciyadda qaramada midboobay ka dhaxeysa, hortiisa ka soo jeediyey warbixintii xisbiga SYL warbixintaasi oo lagu codsanayey jamciyadda qaramada midboobay ka dhaxeysa United Nations ka in si deg deg ah oo aan shuruud lahayn ummadda soomaaliyeed loo guddoonsiiyo madaxbanaanideedda iyo in inta himiladaasi laga gaarayo afarta dowladood oo xoogga waaweyni ay si wadajir u maamulaan dalka , iyagoo ka wakiil ah jamciyadda qaramada midboobay ka dhaxeysa.

Waxaa kale oo xusid muddan xisbigii Hamar Youth Club (HYC) oo ay isku mabaadii ahaayeen xisbigii SYL oo ay ka wada sinaayeen in shacabka soomaaliyeed la gaarsiiyo xornimo taam ah, xisbiga HYC hogaamiyaashiisu na waxay is bar bar taageen halganka gobanimadoonka waxaana warbixintiisa halkaasi ka soo jeediyey Muddane : Maxamed Abukar Abooke .

Guddiga Hamar Youth Club H.Y.C :-
1. Xaaji Muxyadiin Xaaji Cali Guddoomiye
2. Sheekh Cumar Xaaji Yusur Xoghaye
3. Aweys Dheere Diinle Xubin
4. Dheere Xaaji Dheere Xubin
5. Maxamed Cumarey Maxamed Xubin
6. Maxamed Abukar Abooke Xubin
7. Axmed Shariif Cali Fakhradiin Xubin
8. Xaaji Mungaani Mursal Xubin
9. Abukar Xamuud Sokorow Xubin
10. Mahamed Macalin Cali (Aamac) Xubin
11. Amiin Cismaan Nuur Xubin
12. Amiin Cadde Cismaan Xubin
13. Amiin Axmed Cumar Xubin
14. Xaaji Macow Yuusuf Xubin
15. Xaaji Cumar Muqadam Xubin
16. Cabdi Abooke Sheekh Xubin
17. Iikar Harkow Sheekh Xubin
18. Aweys Sheekh Ahmed Xaaji Xubin
19. Maye Xaaji Xusseen Xubin
20. Abuukar Abooke Axmed Xubin
21. Maxamed Mahamud Maaxi Xubin
22. Cabdiraxman Sh. Axmed Xubin
23. Maxamed Abati Xubin
24. Maxamed Cismaan Xubin

23472863 (1)

Hase yeeshee guddigii afarta ahaa markii ay la kulmeen xisbiyadii dalka ka jiray waxay noqdeen kala aragti,wakiilkii Ingiriiska iyo kii Mareykanka waxay u arkeen xisbigii S.Y.L. in uu yahay dhaqdhaqaaq waddani ah oo taageero adag ka heysta shacabka soomaaliyeed.

Waxaana isku fikir noqday wakiiladdii dawladda Faransiiska iyo Midowgii Sofyeeti waxay u arkeen in xisbiga S.Y.L. uu yahay xisbi taageero ka hela Ingiriiska si uu u kala qaybiyo ra’yiga shacbaka Soomaaliyeed uga na dhex abuuri lahaa qalalaaso.
Guddigii 4ta dawladood markii uu arkay banana baxii weynaa ee ay soo qabanqaabisay xisbigii S.Y.L , S.N.L iyo wakiiladdii ka socoday Somali galbeed , NFD iyo Djabouti ee xiligaasi ku sugnaa Muqdisho kuwaasoo taageero ka heysta dadweynaha soomaaliyeed oo muujiyey in ay rabaan xornimo,waxaa guddigaasi u cadaatay in shacabka soomaaliyeed uu rabo madaxbanaani taasoo ay warbixitoodi na ay ku ayideen in shacabka soomaaliyeed inuu hanto xornimadiisa .

Bishii Oktoober 18, 1948 waxaa xusid muddan halyeeygii Maxamuud Jaamac warbintin dheer uu u qoray jamciyadda qaramada midboobay ka dhaxeysa, wuxuu qoraalkiisi ku caddeeyey 90% shacabka soomaaliyeed waxay diyaar u yihiin in ay helaan soomaali mideydsan oo xor ah .

Warbixintii 4ta dawladdood ay ka soo jeediyeen jamciyadda qaramada midboobay ku codsadeen in ummadda soomaaliyeed la gaarsiiyo xornimo buuxda muddo 10 sanno ka dib, mudadaasi oo looga dan lahaa in la diyaariyo hogaankii maamuli lahaa dawladda cusub ee dhalan doonta.

Himilooyinka ugu weyn ee xisbiga SYL wuxuu ahaa in la helo soomaali weyn oo mideysan hase yeeshee dhibaatada ugu weyn waxay dhacday markii SYL ay diideen in Ingariiska gacanta loo geliyo soomaaliya, taaso dawladda ingriiska ka careesisay.

Bishii Nov. 11, 1949kii Jamciyadda qaraamada midoobay ka dhaxeysa waxay aqlabiyad ku oggolaatay fadhigeedii 4aad in koofunta Soomaaliya gacanta loo geliyo dawladdii fashiitaha ahayd ee Talyaaniga muddo toban sannadood si shacabka soomaaliyeed loo gaarisiiyo xornimo iyo madax bannaani taam ah, go’aankaasi waaxaa dib waxaa la sameeyey guddi la talin ahaa oo ka howl gala magaalada Muqdisho.

Sidaasi darted jamciyada qaraamada midoobay ka dhaxeysa waxay soomaaliya u soo dirtay 4 dawladdoo dawladda Masar, Kolombiya, Liberia iyo Filibiin si ay u fuliyaan go’aanada qaramada midoobay si ay u kormeeraan howlaha maamulka iyo horumarinta dalka soomaaliya,lana socdo ilaa uu dalka ka gaarayo maalintii la go’aamiyay in uu gacanta ku dhigayo gobannimadiisa taasoo maamulkii fashiitaha talyaaniga oo si buuxda loo xil saaray wisaayadda soomaaliya.

Bishii Oktoober 5, 1949kii waxaa xusid muddan dhacdadii la magac baxday dhaxg tuur, waxaa magaalada Muqdishow ka dhacay dagaal oo ay shacabka Soomaaliyeed dhagxaan kaga hortageen gumeystihii Ingiriiska taasoo looga soo horjeeda wasiirada arrimaha dibedda Ingiriiska iyo Talyaaniga oo ay qaramada midoobay u gudbiyeen mashruuc laga damacsan yahay in dawladda Talyaanigu dib ugu soo laabato Soomaaliya shuruud la’aan.

Xisbigii S.Y.L. durbaddiiba markii uu soo ifbaxay arrintaasi wuxuu abaabulay bannaanbaxyo uu kaga hortagayo mashruucaasi, hase yeeshee gumeysigii Ingiriiskuna wuxuu shacabkii u adeegsaday rasaas,wuxuuna maalintaasi shacabka u geestay dil naxariis darro ahayd iyo xarigba, hase yeeshee geesiyaddii soomaaliyeed waxay kaga hortageen dhagxaan nasiib daro se waxaa goobtaasi lagu dilay 6 qof kuwa kale oo fara badan lagu dhaawacay.

Bishii April 1, 1950kii iyadoo la fulinaayo go’aankii ka soo baxay jamciyadda qaramaada midboobey ka dhaxeysa wuxuu gumeysigii Talyaaniga si rasmi ah gacanta loogu geliyey isla markaasi na ula wareegay wisaayadii Soomaaliya.

Runtii mirihii ay beereen dhallinayraddii nafta u huray dalkoodda iyo dadkoodda waxaa la gurtay June 26, 1960kii iyo July 1, 1960kii maalintii xornimada iyo mideynta labad gobol Waqooyi iyo Koonfur.

Halgankaasi adaga waxaa looga soo gudbay midnimo iyo waddaniya sidaasi darteed waxaa haboon in shacabka soomaaliyeed hal heeskoodii u noqdo axya wadani, qabiil qaran ma dhiso, {Midnimaddo waa xoog aan la jibin Karin , kala taguna waa Burbur}runtii wadd aniyadda ayaa aaminsanahay in lagu gaari kara horumar iyo midnimo ummadda soomaaliyeed , isla markaasi na loogana bixi karaa dhibaatooyinka maanta dalka ka jira, looma baahan dagaal sokeeye iyo in dhiig la daadiyo balse waxaa loo baahan yahay in laga qayb qaato dib u dhiska dalka.

Waxaan ummadda soomaaliyeed u rajaynayaa in sannadkaani sannadka xiga ay ku gaaraan guul horumar leh iyo barwaaqo dawladda maanta u dhalatay waxay shacabka soomaaliyeed ka filayaan in ay ka samata bixiyaan dhibaatadda muddada dheer dadka iyo dalka ba ku habsatay

Abdulkadir Ali Bolay
bollay @ hotmail.com

23510058

Banaadir Post

JUG JUG OO MEESHAADII JOOG:-Banaanbax oo Ka Bilowday Goobta Shirka london kasocdo. Maanta oo Shalay weli u eg!

Kuwa Maanta Hor Boodaya  Xassan Gurguurte  Waa Kuwii Shalay Ku Banaanbaxayey  C/llahi Yusuf.
Kuwa Maanta Banaanbaxayana Waa Kuwii Shalay Difaacaya   C/llahi Yuusuf.

25687993 (1)

Dadkan ayaa ka cadhaysay maamul xumada Xasan Gurguurte  iyo waliba shirkii dhawaan u dhacay magaalada Ankara ee dalka Turkig akasoo dawlada federaalka ah la qaataday maamulka la magac baxay Somaliland.

Mudaharaadkan ayaa waxaa soo qaban qaabiyey jaaliyadaha maamulo badan oo Somalia ka jira sida Khaatumo State, Awdal State, Jubbaland, Maakhir State iyo Puntland kuwaasoo kasoo jorjeeda kala qaybinta iyo qabka xun ee Xassan Gurguurte  u wado dawlada Soomaaliya!!

25687993

Maxaa haray oo la  isku haystaa?

 

25690090Banaadir Post

 

DAAWO NASIIB DARADAN:-Maydkii Abwaan Dhoodaan oo lagu daboolay Calanka Xabashida!!

25576082Abwaan Dhoodaan ayaa  Lagu Aasay Magaalada Jigjiga waxaana maydkiisalagu hogiyay Calanka Xabashida waxaana goobjoog kaahaa dad  badan ooSomali ah!

Aaskan  Dhoodaan ayaa waxa kasoo qayb-galay Dadweyne aad u tiro badan oo ka kala yimid  meelo kala di=uwan, waxa ka qayb-galay Wafti Uu Abwaan Hadraawi oo goobjoog  ahaa!!

25576221

Banaadir Post

VIDEOS-TAXANAHA TAARIIKHDA:-Gumaysiga iyo Gayiga Somaliyeed.

25502774 (1)Wadan walba waxa uu leeyahay taariikh u gaar uuna ku faano, hadaba dalkeena Soomaaliya waxa uu leeyahay taariikh dhinac walba leh, waxaana ka mid ah dagaaladii lala galay Gumeystiyaashii talyaaniga iyo Ingiriiska.

Waa dagaalkii Beelaha Biimaal ay uga soo horjeedeen Gumeystihii Talyaaniga(Italian colonialists)

Dr. Saadiq Eenoow oo ah aqoonyahan qora taariikhda Soomaaliya kana sheekeeya ayaa carabka ku dhuftay in dagaaladii talyaaniga lala galay ay hormuud ka ahaayeen reerka la yiraahdo Biimaal oo uuna ku sheegay weliba in ay yihiin dad geesiyaal ah, Dr saadiq ayaa yiri waxaan la sheekeestay qoraaga weyn ee Aw-jaamac ayaa ii sheegay buu yiri in waagii dowlada leyga diiday in manhajka soomaliya lagu daro taariikhda Reerka Biimaal dagaaladii ay lagaleen gumeystihii Talyaaniga, iyadoo leygu xujeeyay buu yiri in aan lagu qori karin taariikhda qabiil iyo Dowlad dagaalamay anigana waan ka gaabsay buu yiri maxaa yeelay reerkaas kaliya ayaa la dagaalamay talyaaniga ayuu yiri Daawo muuqaal-ka taariikhda oo kooban.

W JAAMAC CUMAR CIISE: DHINBIIL DIB U NOOLAYSAY HALGANKII DARAAWIISHTA – Q.1aad

http://www.somalitalk.com/lafoole/index.html

sawir2

Banaadir Post

MAQAAL:-Ma xaq baa mase waa baadil goosashada Somaliland Qore:-Cornel Cumar Sulaymaan

25487212DADKA LA BAXAY SOMALILAND WAA NALA XASUUQAY MA UGU BANAANAYSAA IN AY GOOSTAAN.

Marka ummad aan Islaam ahayn dhibaato ku habsato iyaga ayaa wixi ya taag iyo tamar hayaan isku tashada oo isku daya in ay xal u helaan. Waxayna ku roon yihiin in dhibaato kastaoo soo marta ay waxyaabaha dhaliyey diiwaan gashadaan sidii ay u xalliyeennna buugaag ku dhigtaan oo ay ubadkooda baraan.

Wuxuu Alle in badan noogu sheegay Quraanka in kuwa aan xaqa rumaysnayn markii uu arko in aanay soo socon ayuu u dhaafaa in ay ku sii socdaan baadinimadooda sidii wax indho la ’ .
إِنَّ الَّذِينَ لَا يُؤْمِنُونَ بِالْآخِرَةِ زَيَّنَّا لَهُمْ أَعْمَالَهُمْ فَهُمْ يَعْمَهُونَ ) النمل 4) .

Macnaha aayaddan:Waxaanu kuwa aan aakhiro rumaysnayn u qurxinnaa waxyaabaha ay samaynayaan oo ay si indho la ’ a an oo kale ah ugu sii socdaan .

Aayad kale wuxuu Alle noogu sheegay in haddii ay dadku markii ay arkaan nolosha wanaagsan ee ay gaaladu adduunka ku haystaan ay la geli lahaayeen si ay noloshaas oo kale u gaadhaan waxaanu markaas u suurto gelin lahayn in ay dhistaan guryo uu saqafkoodu yahay dahab oo leh jaran jarooyin dahab iyo qalin ah. Taas oo ku tusaysa in dhalanteedka adduunyo uusan wax laga daba dhinto ahayn.

وَلَوْلَا أَنْ يَكُونَ النَّاسُ أُمَّةً وَاحِدَةً لَجَعَلْنَا لِمَنْ يَكْفُرُ بِالرَّحْمَنِ لِبُيُوتِهِمْ سُقُفًا مِنْ فَضَّةٍ وَمَعَارِجَ عَلَيْهَا يَظْهَرُونَ ) الزخرف 33) .

Si kasta oo ay u dadaalaan gaalada dhibaatooyinkooda xal waara kama gaadhaan cabsi badanna way ku haysaa.
وَإِذَا رَأَيْتَهُمْ تُعْجِبُكَ أَجْسَامُهُمْ وَإِنْ يَقُولُوا تَسْمَعْ لِقَوْلِهِمْ كَأَنَّهُمْ خُشُبٌ مُسَنَّدَةٌ يَحْسَبُونَ كُلَّ صَيْحَةٍ عَلَيْهِمْ هُمُ الْعَدُوُّ فَاحْذَرْهُمْ قَاتَلَهُمُ اللَّهُ أَنَّى يُؤْفَكُونَ ) المنفقون 4) .Markii aad muuqaalkooda fiirisid quxudiisa aad ayaad uga helaysaa laakiin markii aad dhegaysatid hadalkooda waxaad arkaysaa in ay yihiin dogobyo taag taagan, fulaynimana qaylo yar oo kasta waxay moodayaan cadaw gumaadaya oo aan hal ka reegayn ee ka feejignaada

Marka gaalada waxaa muuqata in marba haddii ay ku dhammaanayaan cadaabta uu Alle adduunka ugu raaxaynayo.

MUSLIMKA
Haddaba dadka muslimiinta ha iyaga laftoodu dhibaato way ku dhacdaa sida midda aynu hadda ka hadlayno oo ah in dad ka mid ah dadka dega waqooyiga Somalia ay dhibaato u geysatay dawladdii Mohamed Siyaad darteed ay doonayaan in ay ka go ’ aan Somalia oo noqdaan dawlad gaar ah oo la dhaho Somaliland.

Haddii aan arrinkaas ka hadlo waxaan lee yahay waa arrin baadil ah mana aha arrin lagu gaadhi doono waxa ay jecel yihiin.

Ugu horrayn innagu ma nihin ilaah wax alla wixii ay doonaan samaysan kara ee waxaynu nahay kuwo la abuuray oo aad u taag daran wax ay qabasan karaanna jirin sida ka muuqata aayaddan.
يَاأَيُّهَا النَّاسُ ضُرِبَ مَثَلٌ فَاسْتَمِعُوا لَهُ إِنَّ الَّذِينَ تَدْعُونَ مِنْ دُونِ اللَّهِ لَنْ يَخْلُقُوا ذُبَابًا وَلَوِ اجْتَمَعُوا لَهُ وَإِنْ يَسْلُبْهُمُ الذُّبَابُ شَيْئًا لَا يَسْتَنْقِذُوهُ مِنْهُ ضَعُفَ الطَّالِبُ وَالْمَطْلُوبُ ) الحج 73) .
Macnaha aayadda:
Waan idiin soo maah maahayaa ee dadkaw i dhegaysta; kuwa aad meeshii Alle ka caabudaysaan haddii ay isu kaashadaan duqsi ma abuuri karaan, haddii uu duqsi wax ka dafana kama soo ridan karaan waayo kan wax dafay iyo kan laga dafay isma tamar dhaamaan .

Midda kale oo aan idinku baraarujinayaa waxay tahay wuxuu Alle noo abuurtay in aynu caabudnoee wax kale nooma abuuran, sidaas darteed ciddii noo diidda in aynu Ilaah caabudno ayay tahay in aynu la dagaalno, haddii wax isugu keenjireenna kala guurno hase yeeshee wax kale oo dhan lagu kala go ’ i maayo وَمَا خَلَقْتُ الْجِنَّ وَالْإِنْسَ إِلَّا لِيَعْبُدُونِ ( الداريات 56) .

Haddii ruux muslim ah ay dhibaato ku dhacdo waa imtixaan lagu eegayo iimaankiisa ama waa dhibaato ka dhalatay dhibaato uu geystey. Allena nooma xilsaarin in aynu dhibaatada innagu xal ka gaadhno ee isaga ayaa noo ballan qaaday in uu dhibaatada naga qaadayo haddii aynu nahay kuwo isaga xadhigiisa haysta oo kitaabkiisa ku dhaqma. Wuxuuna Alle sidaas noogu sheegay:
وَيَا قَوْمِ اسْتَغْفِرُوا رَبَّكُمْ ثُمَّ تُوبُوا إِلَيْهِ يُرْسِلِ السَّمَاءَ عَلَيْكُمْ مِدْرَارًا وَيَزِدْكُمْ قُوَّةً إِلَى قُوَّتِكُمْ وَلَا تَتَوَلَّوْا مُجْرِمِينَ ) هود 52) .
Oo macnaheedu yahay:
Wuxuu kale oo ku dhahay dadkaygiiyaw Eebihiindembi dhaaf weydiista una toobad keena markaas ayuu cirka roob biyo badan idiinka soo da ’ s iinayaa, xooggiiniina xoog kale idiinku kordhinayaa eh hana abaansanina dembiilayaasha ,
Dhawrkan aayadoodna waxaan ka soo qaatay suuradd Nuux macnahooduna waa sidatan.
فَقُلْتُ اسْتَغْفِرُوا رَبَّكُمْ إِنَّهُ كَانَ غَفَّارًا (10) يُرْسِلِ السَّمَاءَ عَلَيْكُمْ مِدْرَارًا (11) وَيُمْدِدْكُمْ بِأَمْوَالٍ وَبَنِينَ وَيَجْعَلْ لَكُمْ جَنَّاتٍ وَيَجْعَلْ لَكُمْ أَنْهَارًا (12) مَا لَكُمْ لَا تَرْجُونَ لِلَّهِ وَقَارًا (13)
Markaas ayaan ku dhahay Eebihiin lagama dembi dhaafid badna ee dembi dhaaf weydiista. Markaas ayuu cirka roob biyo badan idiinka soo da ’ siinayaa. Idiinna tarminayaa maalka iyo ubadkaba idiinna samaynayaa beero iyo webiyo isku qoofalan.

Maxaa idinka si ah oo aydaan Alle waxba uga sugaynin ugana doonay .
Marka waad garan kartaan in roobka, maalka, ubadka iyo waxyaabaha wanaagasan oo dhammi ay yihiin naxariis looga baxayo dhibaatada.
Sidaas darteed waxaan u arkaa fikirka ah waa nala xumeeyey awgeed ayaanu uga dhex baxaynaa ummadayadii islaamka ahay ee aannu si walba walaalaha u ahayn .

Midda kale dhibaatadii iyaga ku dhacday waxaan u arkaa in ay ahayd dhibaato Soomaali oo dhan ku dhacday ee maxaa keenay in ay qolo gaar ahi u dhahdo annaga ayaa nala dhibaateeyey oo la isugu kaayo tegey. Waayo ruux kasta oo muslim ahi dhibaatadaas wuu la qaybsaday hase yeeshee dadka muslimiinta ah i isuma hiiliyaan . In kasta oo uu Alle Quraanka noogu sheegay in ay gaaladu isu hiiliyaan marka haddii ay muslimiintu sidooda oo kale isugu hiilinwaayaan in dhibaato xoog lihi adduunka ka dhacayso.
وَالَّذِينَ كَفَرُوا بَعْضُهُمْ أَوْلِيَاءُ بَعْضٍ إِلَّا تَفْعَلُوهُ تَكُنْ فِتْنَةٌ فِي الْأَرْضِ وَفَسَادٌ كَبِيرٌ ) الأنفال 73) .
Macnaha:
Gaalada midiba mid ayuu u hiiliyaa marka haddii aydaan sidooda oo kale yeelin waxay dhulka ku noqonaysaa cadaab iyo dhibaato culus .

Wuxuu kale oo Alle Quraankiisa noogu sheegay in aynaan is khilaafin oo aynu xadhigga Alle wada qabsanno
وَأَطِيعُوا اللَّهَ وَرَسُولَهُ وَلَا تَنَازَعُوا فَتَفْشَلُوا وَتَذْهَبَ رِيحُكُمْ وَاصْبِرُوا إِنَّ اللَّهَ مَعَ الصَّابِرِينَ ) الأنفال 46) .
Alle iyo rasuulka maqla hana dagaalina waad jabaysaan eh awoodiinuna way wiiqmaysaa una dhabar adayga wuxuu Alle u la jiraa kuwa dhabar adayga eh .

Aayaddan kalena waxay lee dahay haddii aad is qabataan oo khilaaf dhexdiinna yimaado xalkeeda ula laabta kitaabka Alle iyo sunnadii rasuulka.
يَاأَيُّهَا الَّذِينَ ءَامَنُوا أَطِيعُوا اللَّهَ وَأَطِيعُوا الرَّسُولَ وَأُولِي الْأَمْرِ مِنْكُمْ فَإِنْ تَنَازَعْتُمْ فِي شَيْءٍ فَرُدُّوهُ إِلَى اللَّهِ وَالرَّسُولِ إِنْ كُنْتُمْ تُؤْمِنُونَ بِاللَّهِ وَالْيَوْمِ الْآخِرِ ذَلِكَ خَيْرٌ وَأَحْسَنُ تَأْوِيلًا ) النساء 59) .
Intaas oo aayadood wuxuu Alle noogu sheegayaa in aynaan sinnaba ku kala tegin, ee aynu is ceshanno.

DHIBAATADA MAXAA KEENAY.
Wuxuu Alle Quraanka noogu sheegay wixii dhdibaato nagu dhaca annaga ayaa ka ah mas ’ u ul oo gacamaheenna ku keensanay sidaas darteed in aynu innagu is eedno mooyee ma aha in aynu cid kale eed saarno.
وَمَا أَصَابَكُمْ مِنْ مُصِيبَةٍ فَبِمَا كَسَبَتْ أَيْدِيكُمْ وَيَعْفُو عَنْ كَثِيرٍ ) الشورى 30) .

Marka waxaan u arkaa in dhibaatadu ka dhalatay tuuristii aynu tuurnay kitaabkii Alle iyo sunnadii rasuulka csw ee dhibaatadu ma aha ka mid noqoshada Somalia . Sidaas darteed haddii ay Somaliland sideedii uga tirsanaato Somalia ama ay gaar u istaagto oo aanay ku dhaqan kitaabkii Alle dhibaatadii hore iyo mid ka daraniba way ku dhici karaan, sidoo kalena haddii ay ku dhaqmaan kitaabka iyo sunnada rasuulka dhibaato oo dhan way ka badbaadayaan.
Marka go ’ i dda ay doonayaan ma waxay soo ogaadeen in ay ku badbaadayaan kitaabka Alle la ’ a antiis.

SIDAAS DARTEED GO ’ I TAANKA AY WADDO SOMALILAND WAA BAADIL DHEGA MADAW. WAXAANA KARKARINAYA KOOX DOONAYSA IN AY SOMALILAND IYAGA U AFDUUNAATO OO AY IYAGA IYO EEBAHOOD KALA FOGEEYAAN.

Midda kale Somaliland lama wada layn koox gaar ah ayaa idanka Alle ay dhibaatadu ku dhacday. Kuwii Somalilandta ahaa ee ka qayb qaatay dagaalkaas way saamaxeen dad aan waxdhibaato ah u geysan una damqanayeyna waa haraasayaan.

Waxaan lee yahay timir laf ayaa ku jirta waxaanse walaalahayga marna dadkaygii ah marna Islaamka ah kula talinayaa in ay toobad keenaan.

WAXAAN EEDDA UGU XUN U SOO JEEDINAYAA CULUAMDA SOMALILAND , KUWA PUNTLAND IYO KUWA MUQDISHO EE UMAMADDA KITAABKA KA SII SOCOTA EEGANAYA , EE LA GAALAYN RABO EEGANAYSA KANA HADLAYN DHIBAATADA JIRTA,

OMER
SULEIMAN ALI 23/04/13.

24696953

Banaadir Post.

HAYBSOOC:-Qaar ka Mid ah Beelaha Gabooyo oo Cabasho ka Muujiyay Meherado ay Ka Burburisay Dawladda Hoose ee Burco.

25085927

Qaar ka mid ah beelaha la hayb-sooco ee Gabooye ee gobolka Togdheer ayaa cabasho ka soo saaray Meherad ay la haayeen dad dan-yar ahi oo ay Dawladda Hoose ee Burco Burburisay isla markaana ay gar iyo garawshiiyo-toona marin wayday.

Cabashadan oo ay warbaahinta  uga warameen  qaar ka mid ah Cuqaasha beeshani iyo Mulkilihii la haa Meheradani Shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Burco ayaa ugu baaqay Hay’adaha Xuquuqu Insaanka iyo Umadda kale ee reer Somaliland in ay wax ka qabtaan ,tacadiyadaa ay sheegeen in ay Dawladda Hoose ee Burco u gaysatay ,taasi oo saameyn xoogan oo nololeed ku yeelatay Qoysaskii Meheradan nolol-maalmeedkooda ka heli-jiray .

“  Waxaanu ka cabanaynaa oo aanu umadda reer Somaliland u bandhigaynaa Meherad Rayiis ah oo ay Dawladda Hoose ee Burco xiligii kala wareega golahii hore iyo golahan  cusub ay naga burburisay meheradii iyo agabkii yaalayba ,taasi oo uu Xog-hayaha Dawladda Hoose inta uu Cagaf ka xaystay uu gacantiisa ku burburiyay ,uu waliba xadhig iigu daray .

Xadhigii ka dib-na markaanu cabashadayadii iyo dhibtii ay Dawladda Hoose noo gaysatay usoo bandhignayna masuuliyiinta deegaanka ,wax alaale wax ay ka qabteen ma jirto ,waaney naga hoos-qaadiwaayeen ,Meheradaana waxa nolol maal-meedkooda kala soo bixi jiray Afar Qoys oo maanta noloshoodu khatar ku jirto oo danyar ahaa . “ Sidaasi waxa yidhi Cabdiraxmaan Axmed Shide oo ahaa mulkilaha meheradan lahaa waxaanu intaasi ku daray oo uu ugu baaqay Hay’adaha Xuquuqu Insaanka ,umadda reer Somaliland iyo Jaaliyadda beelaha Gabooye-ba in ay dhibaatadaa  Dawladda Hoose kula kacday hoos u eegaan si wax looga qabto.

Sidoo kale Caaqil .Maxamed Xirsi Samatar oo ka mid ah cuqaasha Gabooye ee gobolka Togdheer oo isna shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa yidhi . “ Dawladda Hoose cadaalad darada ay noo gaysatay beeshayadda Gabooye waxa ka mid ah boqol meheradood oo meheradayada ay isku meel ku yaaleen ,gaar’ahaan meel aan wadoba ahayn oo ku jeeda Laamiga Dawladda Hoose dhinaca bari ka xiga ,taayadii oo qudha ayay ka dumiyeen ,kuwii kale-na way iska daayeen gar iyo garawshiyo toona namay marin ,maayirkuna markaanu cabashadayadii iyo dhibtii na gaadhay u gudbinay wuu naga hoos-qaadiwaayay ,markaa waxaanu ugu baaqaynaa Salaadiinta ,Cuqaasha reer Togdheer iyo umadda kale ee Somaliland in ay wax nagala qabtaan dhibaatadaa ay Dawladda Hoose ee Burco noo gaysatay  “ Sidaasi ayuu caaqilku hadalkiisa kaga baxay

Waxa kale oo iyana halkaasi ka hadlay Caaqil Saleebaan Maxamed Aadan ,Maxamed Jaamac Xanbaas,Cabdilaahi Axmed Saxar iyo Cabdi Cismaan Xuseen ,waxaaney dhamaantood hoosta ka xariiqeen saameynta nololeed ee ay  Qoysaskan danyarta ah ku yeelatay meheradan Rayiiska ahayd ee Dawladda Hoose ee Burco Burburisay .

VLUU L310W L313 M310W / Samsung L310W L313 M310W

Oodweynenews.com/Burco

Abwaan Raage:- “Caadil mooye cid kale laga cabsooneynin”

http://soundcloud.com/bana-4/abwaan-raage-caadil-mooye-cid

DHAGEYSO:Hargeysa oo lagu arkay dad Somali ah wata beybalada Kirishtanka,diintana laga saaray iyo Culimada Rabaaniyiinta oo is hayn waayay!!

24985790

Sheekh Suni oo ka mid ah culimada Rabaaniyiinta ee ku nool waqooyiga Somaliya ayaa  ka istaagay masjid kuyaalla Hargaysa  wuxuuna  ka digay in dadka ay ka baxaan diinta islaamka.

Sheekha ayaa waxa uu ka digay dad Yuhuud ah oo Hargeysa jooga dadkana ugu baaqaya inay ku biiraan Diinta Masiixiyada iyagoo dad badan wadadii wanaagsaneyd ee islaanmka ka leexiyey.

Waxa uu si caro ay ku jirto uga hadlay damiir xumada ay sameeyeen dadka qaatay Bible Christian ah oo gacmaha iyagoo ku wata la arkay waxaana uu ku sheegay dadkaasi in dhiigooda banaan yahay in la dilo maadama diinta islaamka ka baxeen.

Sheekh Sunni waxa uu ka sheekeeyey haweyney cunug ay dhashay oo xanuunsanaa ay utagtay dhaqtar yuhuudi ah oo hargeysa kusugnaa isagoo si cad uyiri diinta islaamka miyaa heysataa haweyneyda haa bay ku tiri markaas buu yiri wiilkaaga dibada ayaa caafimaad loogu qaadaa hadii diinta masiixiyada aad soo galeyso.

Haweyneydii ayaa iska diiday arintaasi iyadoo sheegtay inay diinta islaamka aysan ka laabaneyn ayna ku dhimaneyso sidaa waxaa jameecadii masaajidka usheegay Shiikh C/qaadir Sunni oo ka hadlayey masjid kuyaalla Hargeysa

Sheekh C/raxmaan wuxuu si cad u sheegay Wiilasha Tababarka gaaladu siisay Mid kamida Asaga oo maraya Makhaayadaha Shaaha laga cabo in lagu yiri, Dadka Makhaayadaha Fadhiya waa cadowga aad la dagaalami doontaan markii Tababarka aad dhamaysataan!, wuxuu sheegay Sheekh C/raxmaan in Wiilashaas ay yihiin Asha-haado ladirir gaalada u shaqaynaya isla markaana aanan la oran karin Waa Wiilasheena, wuxuu yiri waa Cadowga Ilaahay ma’ahan Wiilasheena, wuxuuna ka bixiyey Tusaalooyin, waxaana kamid ahaa oo uu yiri Sheekh C/raxmaan Aadan Sunna, “Ninka Geela raaca Dhaqanka Geelayda ayuu yeeshaa, Marka Ninka gaalada la socda Dhaqan gaalo ayuu Xanbaarsan yahay!”..

Sheekh C/raxmaan Aadan Sunna Khudbadiisa Jamce ka hadlin iyo Wadaaddada ku faanaya PIS iyo Faderaalka, waxaa sida aad hoos ka daawan doontaan Masawiro, Codka Madaxweyne ku xigeenka Somalilandna  aad hoos kadhagaysan doontaan Insha Allah, waxaa Maalintii Khamiistii 14/3/2012, Tababar deegaanka Mandheera loogu soo xiray Ciidamo gaaraya Boqol Askari oo lagu sheegay Magacooda RRU. Ciidankaan ayaa waxaa Tababarka ay qaateen iyo Dhaqaalahooda bixiyey Wadanka Ingariiska (U,K), waa Asha-haado ladirirka Puntland iyo Muqdisho oo kale, waxaa goobta ka hadlay, Saraakiisha kala ah,

Dhagayso Khudbada Sheekh C/raxmaan Aadan Sunna sida uu Tolkiisa ugu Naseexaynayo.

24790479

Dhagayso MP3 Halkaan Riix Ama Guji

24819801

 

Christianpost oo daabacday in nin Somali Christian ah Kismaayo lagu dilay,kaaso mar dhow ka soo noqday Kenya oo diintan loo dilay ka faafin jirey.Islamic Extremists Suspected in Killing of Christian Father of 4 in Somalia.

https://newsfromsomalia.wordpress.com/2013/03/07/christianpost-oo-daabacday-in-nin-somali-christian-ah-kismaayo-lagu-dilaykaaso-mar-dhow-ka-soo-noqday-kenya-oo-diintan-loo-dilay-ka-faafin-jirey-islamic-extremists-suspected-in-killing-of-christian/

 

 

Banaadir Post.

Christianpost oo daabacday in nin Somali Christian ah Kismaayo lagu dilay,kaaso mar dhow ka soo noqday Kenya oo diintan loo dilay ka faafin jirey.Islamic Extremists Suspected in Killing of Christian Father of 4 in Somalia.

24819801Shabakad ka hadasha arrimaha Masiixiga laguna magacaabo Christianpost ayaa ku daabacday boggeeda hore in nin soomaali ah oo sida ay sheegtay ka baxay diintiisa islaamka galayna kirishtaanimo lagu toogtay gudaha magaalada Kismaayo xili uu ku sugnaa meel aan ka fogeyn gurigiisa.


Ninka la dilay oo magaciisa lagu sheegay Ahmed  Ali Jimale ayaa la sheegay inuu da,ahaa uu jiray 42-sano jir waxayna shabakadda Christianpost ku sheegtay sidoo kale inuu ahaa Macallin dhinaca Caafimaadka isla markaana ay dilkiisa geysteen Labo nin oo wajiyada soo qarsaday.,wuxuu mudo  dheer diinta oo galay la faafin jirey  Xeryaha Qaxiitiga ee ku yaal gudaha Keny
a,waxaana  gudaha Somaliya ku soo badanay dadka somalida oo ka baxay diintoodii,kuwaas oo intooda badan la socda waxa loogu yeero NGO-yada lagu wado kaaraha Amisom.


Warbixinta waxay kaloo daaha ka rogtay in shaqsiyaad kale oo Somali Christian ah lagu kala dilay magaalooyinka Baladweyne, Baraawe,Moqdisho iyo meelo kale.

HOOS KA AQRI  ENGLISH VERSION.

Islamic Extremists Suspected in Killing of Christian Father of 4 in Somalia
Read more at http://global.christianpost.com/news/islamic-extremists-suspected-in-killing-of-christian-father-of-4-in-somalia-91157/#5yi4BCZLtXc0AMqm.99

2341286523170845