Haweenkan oo da’doodu u dhaxayso 15-25 ayaa intooda badan dhalasho ahaan kasoo jeeda wadamada Uganda, Itoobiya, Kenya iyo Koofur afrika sida ay inoo xaqiijiyeen qaar kamid ah saraakiisha dowladda Federalka ah.
Hoteelada iyo xarumaha dowladda ayaa ah kuwa ugu badan oo ay ka shaqeeyaan dumarka ajaanibta ah, iyadoo midda ugu mushaarka yarna la siiyo lacag gaareysa 200 doolar bil kasta.
Haweeney qaawan oo madow ah ayaa raashinka ka qeybineysan shirkii u dambeeyay ee ay madaxtooyada ku qaateen wafdigii Igad iyo madaxda dowladda Federalka ah sida laga dheehanayay masawirada goobta laga soo qaaday oo illaa iyo hadda ku jira Internetka.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ee dowladda Federalka ah ayaa ka carooday dowrka ay cayaarayaan dumarka gaalada ah, isagoona damiir xumo ku tilmaamay in duamr noocaas ah ay raashin ka qeybiyaan shirarka dowladda.
Haweenka gaalada ah ee ka shaqeeya hoteelada iyo xarumada dowladda ayaa sharci darro ku jooga wadanka iyadoo mid walbaahi ay ku doodeyso “waxaa ikeenay oo iga wakiil ah ciidamada Amisom”.
HALKAN KA DHAGEYSO WARBIXIN KU SAABSAN DUMARKA AJAANIIBTA AH EE MUQDISHO.
Todobaad ka hor ayey ahayd markii golaha wasiiradu ka hadleen arintan islamarkaana ciidamada shisheeye ugu baaqeen iney ka jawaabaan dadka ajaanibta ah ee ay wadanka kusoo qubayaan.
Ciidamada shisheeye ayaa quursaday hadalka golaha wasiirada mana jirto wax jawaab ah oo ay illaa iyo hadda ka siiyeen arimahan.
Shaqada dumarka gaalada ah kuma eka oo kaliya adeegto ama in ay ka shaqeeyaan xafiisyada iyo hoteelada, hase ahaatee waxaa kaloo ay ka ganacsadaan jirkooda.
Ciidamo aad u badan oo ka tirsan kuwa dowladda Federalka ah ayaa waardiyeeya hoteelada noocaas ah ee ay Zinadu la dagtay kuwaasoo mushaar lagu siiyo.
Sidoo kale dowladda Federalka ah ayaa canshuur ku leh lacagaha Zinada kasoo gala dumarkaasi gaalada ah iyo hoteelada ay ka shaqeeyaan.
Magaalada Hargeysa waa sidan oo kale, iyadoona hoteelada iyo guryahaba ay ka shaqeynayaan dumar nasaaro ah oo u dhashay dalka Itoobiya.
Sidoo kale magaalooyinka Boosaaso iyo Garowe ayaa iyaguna lamid ah Hargeysa, waxaana aad ugu badan dumarka xabashida Itoobiya.
Caruur aabe la’aan ah ayey dhalayaan haweenkan, dastuurka dowladda Federalka ahna waxaa ku qoran in uu Soomaali yahay qof kasta oo ku dhasha wadanka, xitaa Yahuud ha ahaado.
Sidaa darteed waxaa muuqanaya in wadanka loo qabsanayo si aan toos ahayn, kadib markii gaaladu ku daashay in ay ku qabsato awood milatari, waxaana taa mahadeeda Allaah kadib iskaleh mujaahidiinta oo u dhabar adeegay duulaanka gaalada.
Si kastaba ha ahaate’e waxaa kaloo iyana muhiimadeeda leh in ummadu ku baraarugto khatarta cudurka Aidiska ee kasoo foolka leh dumarka gaalada ee ka shaqeeya xarumaha dowladda iyo hoteelada Muqdisho.
XIGASHO RADIOALFURQAAN.COM
http://radioalfurqaan.com/?p=2259

Banaadir Post.
Like this:
Like Loading...