JOWHAR:-Ciidanka Amisom ee ku sugan Jowhar oo la ildaran Cuduradda Duumada Iyo Beerxanuunka.

25864538ciidanka ku shaqeeya calooshooda ee  Amisom duulaankana lagu keenay gayiga Somaliyeed kuwooda ku sugan    Jowhar ayaa iminka la’ildaran cuduro isugu jira Duumada iyo beerxanuunka kadib Markii ay kaneeco kucuntay difaacyada ay kadagan yihiin magaaladaasi.

Fatahadii wabiga ayaa Kontrolka looga baxo degmada Jowhar  Dhanka bari oo ay   Amisom difaacyo ku leeyihiin waxaa  helay daadad xoogan  iyo nadaafad daro baahsan oo is kaashaday ayaa sababtay in askarta Amisom  culays badan helo waxaa jira  soojeed  badan  iyo dhiubaatooyin badan ooiskaashday ayaa keenay  in ay kufaafaan Cuduradaas halista ah taas oo dadka deegaanka ay tilmaamayaan dhibaatada ciidamadaasi inay tahay mid iska muuqata  oo laqari waayay!.

Waa kuwo iloobay nadaafada jirkooda mana heystaan xitaa maro kaneeco ay ka galaan kaneecada waxaa sidaa inoogu sheegay qof ka mid ah dadka magaaladda Jowhar ku sugan.

Marka laga yimaado cuduradaan so shaac baxay ee iminka ay la ildaranyihiin Askarta Amisom ee ku sugan magaaladda Jowhar ayaa hadana suuragal ah inay qabaan cudurada  dhimirka iyo  kuwa  kale ee faafa sida HIV/AIDS maadama wadamada ay ka yimaadeen ay ka mid yihiin kuwo ugu daran wadamada afrika ee dadkoodu cudurkaas la ildranyihiin.

Ma ahan wa xlagu arkayo Somalia oo kaliya waxaa horey loogu arkay  meel walba oo   ciidamo duulaan lagu geeyo inay   la soo noqdaan cuduro kala duwan, kuwa ugu badana waa kuwa laga qaado dagaal lagula jiro Islaamka ,waxaana tirooyin aad u badan  dib  loogu celshay dalalka Ciraaq iyo Afghanistan oo dagaal aan dhamaaan weli ka taagan yahay.

25766986

 

25864473

“Gaalkii dhoof ku yimidbaa geerida dhibsanaya”

Banaadir Post.

SHABEELADA HOOSE:-Amisom oo lacag ka qaadata Isbaaro taala Sh.Hoose(waa tumaa isbaradaas immisa ayaana ka soo gasha maalin walba?)

25769292Iyadoo maalmahanba ay cabasho ka soo yeereysay Isbaarooyinka tirada badan ee daadsan wadada u dhexeysa Afgooye iyo Marka ayaa wararku sheegayaan in Ciidamada Amisom ay qeyb ku leyihiin Isbaarooyinkaas.

Wararka ay markanews heleyso ayaa sheegaya in Isbaarada Maleeshiyada Dowladda u taala deegaanada Shalambood iyo Buufow ay qeyb ku leeyihiin Ciidamada Amisom ee ku sugan labadaasi Tuuloooyinkaas!.

Sarkaalka madaxda ka ah Ciidamada Amisom ee Buufow ayaa Isbaarada halkaas u taala laga siiyaa maalin walba 100$ ama ka badan  oo marna loogu gado Neef Ari ah, mararka kalena kaararka telefoonada.

Sidoo kale, Saraakiisha Ciidamada Amisom ee Shalambood ayaa Isbaarada Shalambood ku leh 100$ maalintii.

Labdan Isbaaro ee Buufow iyo Shalambood ayaa waxay u taala maleeshiyo beeleed ka amar qaadata gudoomiyaha Gobolka Shabellada Hoose Cabdulqaadir Siidi.

Dhacdadan ayaa ah tii ugu horeysay ee ka dhacda Soomaliya ee ay ciidamo Amisom qeyb ku yeeshaan lacag laga soo qaday Isbaaro lagu dhibaateeynayo Ummadda Soomaliyeed.

Tani ayaa daliil u ah in Ciidamada Amisom ay la sii qabsanayaan dabeecada Ciidamada iyo maleeshiyaadka Soomalida ee ay la shaqeeyaan tan iyo markii ay Soomaliya yimaadeen 2007.

XIGASHO MARKANEWS.-http://markanews.net/?p=5712

25768741

 

Saraakiisha DKMG ah ayuu ugu baaqay in ay bartaan habka siyaasadda iyo maamulka iyagoo adeecaya macalinkooda A.Mahiiga.

“kkk waa in aan wax ka baranaa macalinkeena Mudane Mahiiga oo aan uga mahad celineyno sida uu TFG u gacansiiyo” ayuu yiri shariif Sheekh Axmed oo u muuqday in u raali gelinayay Agostina Mahiiga.

Madaxda DKMG ah ayaa ku caan baxay dabadhilifnimo, Musuqmaasuq iyo in ay u hiiliyaan kuwa Nasaarada ah iyagoo ka hiilinaya Muslimiinta inta macooda ah.

Banaadir Post.

DHAGEYSO:-“Shabaabka ayaa Runtii naga Fiican Sababtoo ah ma Dhigan Jirin Isbaarooyinka Faraha Badan Ee Ciidankeenu Dhigteen”Cabdulaahi Muuse oo ah madaxa siyaasadda gobolka Sh/hoose ee dowladda Federalka!

25767410Cabdulaahi  Muuse oo ah madaxa siyaasadda gobolka Sh/hoose ee dowladda Federalka ah ayaa sheegay in isbaarooyin xad dhaaf ah ciidamadoodu u yaalaan wadada isku xirta Shalaambood iyo Muqdisho.

Cabdulaahi waxa uu sheegay in isbaarooyinka lagu dhaco dad weynaha madaxda dowladduna wax ka qaban waayeen kadib markii dhowr jeer looga ashtakooday.

Waxa uu xusay in isbaarooyinku u yaalaan ciidamo mooryaan ah oo shaar dowladeed loo galiyay isagoona muujiyay inuu jiro xifaaltan qabyaaladeed oo mooryaanta dhexdooda ah.

Hadalka  Cabdulaahi Muuse ayaa kusoo aaday xilli maalintii shalay uu bannaan bax ka dhacay degmada Afgooye kaasoo looga soo hor jeeday isbaarooyinka.

Mar aan C/lhi Muuse weydiinay su’aal la xiriirtay farqiga u dhaxeeya iyaga iyo Mujaahidiinta ayuu sheegay in uu mujaahidiinta u qirayo ammaantooda.

Wuxuu sheegay in markii mujaahidiintu joogeen wadadu nabdooneyd laakin markii iyagu yimaadeen wadadu noqotay mid fasaad ah.

25739582

Halkan Ka Dhageyso Hadalka C/laai Muuse

ISHA WARKA RADIO ALFURQAAN.COM

25618829

Banaadir Post.

VIDEO XUSUUSIN AH:-Abwaan Xabeeb oo Sanooyin ka hor ka hadlay xaalada maanta ka taagan Gobolka Banaadir iyo Shabeelooyinka oo Cakiran!

25755468Isbaarooyiin xad dhaaf ah oo maleeshiyaad katirsan Dowlada ama nidaamka kaaraha Amisom  saran ay soo dhigteen maalmahan Gobolka Banaadir iyo  Shabeelooyinka  Gaar ahaan wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye iyo wadada isku xirta magaalada Marka iyo degmada Afgooye  iyo tan isku xirta Xamar iyo Jowhar oo caqabdo adag ka taagan yihiin iyo sido kale  dhaca kufsiga iyo dilalka ku sii baahya degmada Afgooye,Marka Wanlaweyn ,Balcad,Jowhar iyo Tuulooyinka hoos taga inta jidadka laamiga ah maraan.

Abwaan oo sanooyin ka hor xaalada goboladaBanaadir  iyo Shabeelooyinka oo tan maanta taaganka sii xun tahay!

“Salaaada Subax ayaa ka soo baxnay Siinka dheer waxaana Afasiiyooni taganay Sagaal saac oo galabti ah, iyada oo dayn nagula leeyahay”Abwaan Xabeeb.

Xirnaashiyaha wadooyiinka ayaa darawalada gaadiidelyda ku sifeeyeen inaysan awoodin bixinta lacagaha baada ah ee looga Qaado Goobaha isbaarooyiinka ah  isla mar haatana ay go’aan sadeen in shaqo joojin ku dhawaaqaan inta guud ahaanba isbaaooyiinkasi laga qaadayo oo ALAH WEYN keenayo nasri xagiisa ka yimaada.

25681555

Banaadir Post.

DHAGEYSO:-Balcad oo Balaayo”Mooryaan Beeleed” Loo soo diray!

25560406Maxamuud Xasan Rooble Gudoomiyaha ku xigeenka dhinaca Amniga Balcad  ayaa sheegay  In Gudaha  Degmada  iyo wadada isku xirta Balcad iyo Muqdisho xiligaan yaalaan isbaarooyin Maleeshiyo beeleedka  Dowladda ay  ku qaataan lacago baad ah.

“Gudoomiyaha ugu sareeya maamulku tan iyo markii la magacaabay wuxuu ku sifoobay in lacago baad ah uu ka qaado shacabka ku dhaqan Balcad, Anigana shaqo kuma lihi xad gudubka lagu hayo shacabka”ayuu yiri Gudoomiye ku xigeenka Balcad.

Dowladda ayuu ugu danbeyntii ugu baaqay inay soo faragaliso dhibaatada maamul ee ka jirta Degmada Balcad ee shabeelaha Dhexe.

25219531

Halkan Ka Dhageyso Wareysiga Gudoomiye ku xigeenka Balcad

Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise kabakutukade ayaa wacad ku maray in wilaayadu u hiilin doonto shacabka ku dhaqan degmada Balcad oo dhibaatooyin kala duwan kala kulmay maamulka iyo Maleeshiyo beeleedka  dowladda ee kusugan Balcad.

25219531

Halkan Ka Dhageyso Hadalka Waaliga Shabeelaha Dhexe Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise Sheekh Axmed

ISHA WARKA RADIO ALFURQAAN.

25544844

Banaadir Post.

BALCAD:-Dagaal u dhaxeeya Maleeshiyo beeleedka Dowlada Xasan Gurguurte ayaa goordhow kaqarxay Degmada Balcad.

25544844Dagaal xooggan ayaa waxa uu xilligaan dhex maraya Maleeshiyaadka  Soomaalida oo kaaba kuwa soo duulay”maryo calasta” wuxuuna dagaalku ka qarxay  degmada Balcad ee gobalka Sh/dhexe.

Dagaalkaan oo ka bilaawday goob ay jid gooyo”Isbaaro”u taallo maamulka Balcad ayaa wararka hor dhaca ah waxa ay sheegayaan in uu ka socdo xilligaan xarunta degmada iyada oo qasaaraha ka dhashay lagu sheegayo inta la’ogyahay hal askari oo geeriyooday.

Dagaalka ayaa waxa uu sababay barakac magaalada ka bilaawday iyada  mudo dheer Balcad nabad ahaan jirtay intaan ka gayn maleeshiyo beleedkan  ay horkacayaan kuwa soo duulay Amisom ama “Gumaadsom”

23638853

Banaadir Post.

Maamul goboleedyada cusub iyo dastuurka oo sidan u ogol!!

25235126

Somaliya iyo sida loo rabo,ogow ama  ha ogaan!!

1-Jubadahoose+Jubada dhexe+Gedo

2-Shabeelada hoose+Bay +Bakool.


3-Galgaduud+Hiiraan+Shabeelada dhexe.

Waxaa soo dhamaaday ama  hada loo fadhiya maamulka loogu magac  daray Jubaland oo calan loo sameeyay,waxaana ku dhan sida la shegayo Kenya iyo Itoobiya,waxaana horboodaya dad  ku dhashay dhulka ay hore u haysteen.,kuwaas oo hab  qabiil loo keenay Kismaayo,waxaana Kismaayo maalin cad laga soo cayreshay dowladii la sheegay in beesha caaalamku aqoonsatay oo Maraykanka  la geeyay Maadaxweynaheeeda!

Waxaan dhawaan maamul loo samayn doona Bardheere ilaa Afgooye oo u muuqda magaalada Moqdisho,waana howl ay wadaan kuwa hada shiraya.

Waxaa  kale oo maamul kale loo samayn doonaa Gaalkacyo ilaa Balcad oo banaanka Xamar ah.waana howl faraha lagu hayo,sida ay sheegayaan dadka ku lug leh.

Maxaa u haray  Xasan Gurguurte  iyo maamul beeleedkiisa Banaadir oo fadhigiiso yahay Villa Somalia.

24696953

Banaadir Post.

MAQAAL:-Tigree Tagyee Yaa u Tol ah ? Qore:-Aqoonyahan Saciid Islaam.

25097894

MAQAAL:- Mahad walba waxa ay u sugnaatay Alle subxaana watacalaa ee  na makaniyay in aan dhulkaan ama arladiisa marqaatiyaal ka ahaano  waana waxii  uu ku yiri Rasuulka CSW Qaar kamid saxaabadiisa  waxad ka tahiin arlada  marqaati yaal  kala saari karo ama ogaan karo waxa qofka markaas camalkiisa ,, ku sugan yahay ama uu camalinayo.

Hordhacaasi anoo u adeegsanaa  ama u daliil sanaa( Hadalkii Nabiga CSW ku Yiri  Anagu waxan nahay Marqatiyaalki dhulkaan ) Hordhaca hadalkaasi waxan u soo qaatay  wa in an wax badan oo an marqaati ka ehen ay dhacen kuwa badana ayna dhici donan hadan noolnahay ishala allah. Maqaalka Ciwaankaan an u doortay  ee ah ” Tigree Tagyee Yaa u Tol ah ” waxa ay igu dhalatay in aan qoro ama aan ka hadlo   markii an argay  wax badan oo  ka dhacay ama ka ajiro  Somalia qaasatan dhulka Koofureed Ee dagaalka  Udhaxeeyo Xaqa Iyo Baadhilkaka oogan yahay

Dagaalkaan u dhaxeyo xaqa iyo baadilka  waligiisa waa soo jiray waan jiraa inta dhulkaan ama arlada  ilaahey laga oogo dhamaanteed ku dhaqanka kitaabka ALLE iyo Sunada Nabiga CSW taasoo ragg badan dhiigooda u baxay kuwa noolna u bixi doono Inta badan waxa caado ah hadii la helo Fi’a ama koox u istaagto in kitaabka alle la dhaqan galiyo in ay cadaadis kala kulmaan ama dagaal aan ganbasha laheen  Galada  Nasaarada ah kuwasoo  u argo wax ay ku daba go’o karaan

Hadaba wayadaan danbe waxa dhagaheena ku soo dhacayay  warar faraxad weyn galiyay  umada muslimiinta iyo dhamaan  mujaahidiinta  aduunka iyo kuwa soomaliya kadib markii  ciidamadii  galada kirishtaanka Xabashida ay iska cararen oo ay ku go’doomeen  qeyba ka mid ah  koofurta soomaliya taasoo aqirki keentay in ay iska baxeen  Magaalooyin dhaca Koofurta somalia.

Markii ay cadaaday in ciidamadii xabashida iska carareen baahi badan iyo dagaal badan iyo geeri badan kadib  magalada Xudur  oo ah caasimada Gobalka Bakool  ama walaayada Bakool , waxa uu waaga ku baryay  kooxdii Cara tuurka u eheed ciimada xabshida ee Dowlada Fadaraalka la baxday balsa ku caanka ah u adeega dowladdaha cadowga ku ah Umada Soomaaliyeed.

Markii ay ciidamada  xabshida  iska careren oo ay ka bexeen magaalada Xudur waxa   isoo tarayay qeylladhaan badan oo ka imaaneesay  kooxda  Uu hogaamiye  Xasan sheikh  ee ku sugan  Villa Soomaliya tasoo keentay in qeylladhaan lagu joogsan waayo ilaa heer la diro  wafuud garee ilaa 25 Xildhibaan oo ka mid ah  kooxda  golaha la magac baxay sharci dajinta ,,  waloow ALLE subxaana watacaalaa yahay Sharci dajiye  dhabta ah

Markii ay tageen kooxdaan  xildhibaanada   Magalada Beydhabo oo ah caasimada Bay’ oo ay wali ku sugan yahiin saraakiil  xabashi ah oo ayaga ruuxdood ah  naf la carar  ayana u shegeen in aysan daycin oo aysan ka bixin magalada Baydhaba inkastoo  saraakiishii xabashida si toos u dheheen anaga waxa nalaga amraa Xarunta Addis Abba oo uu ka soo baxay amarka an ku baxeyno

Intaas kadib markii la is dhaafsday waxaa durbo idaacadaha  ku hadlo afka soomaaliga  qeylladhaan Afka furtay  kooxdii xildhibaada ehed o shegay hadii Baydhaba ka baxaan ciidanka xabshida  in aysan jirin ciidan somali ah oo si toos ah u difaaci karo ama kaga hor tago karo Ciidamada Mujaahidiinta Somalia tasoo cadeyn u ah markii xudur  ka baxeyn  oo sababtay in ciidamdi  somalida ay ayagana sii cararan

                Hadaba hadii Sas uu  Yahay  Xaal Maxey  filan kartaa Magalada Baydhabo

Baydhabo oo ah caasimada gobalka Bay  Soona martay waqtiya  kala duwan  iyo maamula kala duwan haba ugu danbeyaan maamuladii ugu danbeyay  ee kala ahaa walayadii islaamka ee xarakadu shabab u magacaabeen magladaas oo iskaga inzixaabtay markii  ciidamada xabashida isoo balaariyeen  tasoo sababtay aaqrikii in ay ku noqoto meel ay ku harsan wayaan oo ay ku nasan wayaan

Iyo maamulka hada ka jiro ee tabarta yar  awoodiina  ka badin la’adahay qeylla dhaanta  ayagoo ku qeylinaa  war hooy hadii Baydhaba ka baxan ciidamda xabashida  ogaada ma jiro ciidan somaali ah oo ka difaaci karo mujaahidinta somalia in ay u qabsadaan sida magalada xudur   taaso ay u dirayaan fariin  kooxda  Xasan Sheikh ee ku sugan Villa Soomaaliya.

Hadaba hadey Saas u og Yahiin In Aan Tigeree Tol u Eheen Maxeey Ku Diideen Sharecada Islaamka

Ujeedka ugu weyn ay u diidayaan in dhulkaan laga oogo shreeco islaam ayaa ah in ay ku sii hayan umadan Muslimka ah dhibatada joogtada ah iyo kufisiga iyo gooraca oo ay mar walba gacan kaga heli jireen ciidamada xabashida ah oo ah hoyga ay ka heleen gacanta millitariga ugu weyn

hadaba hadey oga yihiin  in uusan jirin ciidan difaacan karo maxey u shegtaan dowladdnimo   wayo dowladdnimo waxa aas aas u ah dal iyo dad  iyo calan iyo ciidan  intaasna manta ma jirto oo ileen waxaa cad in mesha ay jogaan ciidan markey rabaan baxayaan markey rabaan  soo galo

Fariin Ku Socoto  Kooxda Villa Somaaliya Fadhiso 

Anoo hadalka soo gaba gabeynaa  kana qaadanaa  tixdiisa  ugu weyn ee ah in  daglkaan somaliya aan leenahay anaga ummada soomaaliyeed ah balsa aysan nala laheen ciidamadaan Shisheeye  ee dullakaanka ku soo galay somaliya

Hadad aminsaneedeen Ciidan shisheeye baad  dowladda ku noqonee  waxa cibra idiin kugu filan waxa maanta ka taagan Baay Iyo Bakool

Cid walboo aaminsan in dal iyo umadiisa lagu xukumi karo ciidan shisheye ama dowldd loogu ahaan karo  tanaa tusaale kuugu filan in aan tigree tol eheen somaalida waxa ay tiraah  Lo’o eey nin an ku aroori doonin yuusan ceel Ku geyn  waana wax manta tagan in aan ciidan aan umada ay leedahay o raali aysan ka ehen aan lagu xukumi karin

W/Q   Saciid Islaam.

25097934

Banaadir Post.

24530327

Roobaab iyo Raxmada ALAH ayaa ku hooray qeybo ka tirsan dhulka Somaliyeed.

24955267Deegaanada roobabkaasi ay kad’eena waxa kamid ah degmada Baar-Dheere iyo degaano u dhow iyadoona si aad ah ay u soo dhoweeyeen dadka halkaasi ku sugan, sheegayna in ay ka faa’idaysan doonaan wax soo saarka xiligan la gudagalay.

Waxaa kaloo ay roobabkani ka de’een qeybo ka mid ah  Hiiraan roob lagu diirsaday ayaana ka da’ay degmooyinka Buulo-Burte, degmada Jalalaqsi iyo tuulooyin kudhow degmooyinkaasi, iyadoona roobka degmada Buuloburte uu ahaa mid aad u xoogan oo socday saacado.

Sidoo kale   roobabka ay ka de’een waxaa ka mid ah Gal-Gaduud gaar ahaan degmooyinka Gal Hareeri, Galcad iyo deegaano ku dhow Ceebuur, waxana is badelay jawiga cimilada Galgaduud markii shalay  ay yimaadeen roobabkaasi, iyadoona qaar ka mid ah beeralayda halkaasi ku dhaqan ay sheegeen in la guda galay xiligii Guga ayna bilaabi doonaan tacbashada Beeraha gaar ahaan Digirta oo ay caan ku yihiin deegaanadaasi.

Sidoo kale meelaha ay roobaku ka curteen waxaa kamid ah gobolka Bay waxaana ay ka da’een magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay iyo deegaano hoostaga waxaana si weyn u soo dhaweeyay dadka deegaankaasi oo caanku ah wax soo saarka dagalaga noocayadiisa kala dowan sida Haruurka ama Misgada, Galayda, Digirta iyo wixii lamid ah.

24597296 (1)

Banaadir Post.

SAWIRO:-“Amisom is a War Criminals” Voice Of Somalia.

24681091“Amisom is a War Criminals”

24681051

“Amisom is a War Criminals”
Voice Of Somalia.

24681088

“Amisom is a War Criminals”
Voice Of Somalia.

24673467

“Amisom is a War Criminals”
Voice Of Somalia.

24673468

“Amisom is a War Criminals”
Voice Of Somalia.

24673484

“Amisom is a War Criminals”
Voice Of Somalia.

24673534

“Amisom is a War Criminals”
Voice Of Somalia.

24673536

“Amisom is a War Criminals”
Voice Of Somalia.

24673548

“Amisom is a War Criminals”
Voice Of Somalia.

24673555

“Amisom is a War Criminals”
Voice Of Somalia.

24673557

“Amisom is a War Criminals”
Voice Of Somalia.

1101931018_400

UNISOM -1993.MOGADISHO-SOMALIA.

Banaadir Post.