HALGANKU WAA HALKII WELI:- Sannad Guuradii 70aad ee Halgankii Xisbigii S.Y.L 15 May 1943

25794113Waxaa maanta ii faraxad ah in marka hore aan hambalyo iyo boogaadin ba halkaani uga dirayaa dhamaan ummadda soomaaliyeed meel kast oo ay joogaan, maanta oo ah sannad guuradii 70aad ee ka soo wareegta xisbigii gobanima doonka ahaa ee S.Y.L 15 May 1943, taasoo ku soo begantay in maanta shacabka soomaaliyeed ay u dhaltay dawlad aan ku meel gaar ahayn , 70 sanno ka dib waxaan ilaahay ka baryeena in ay dib u soo noqoto heybaddii qaranimo iyo sharaftii calanka soomaaliyeed horay u lahaan jiray.

Runtii taariikhdu ma duugowdo, waxaana loo baahan yahay in laga faaiideysto maanta oo ah sannad guuradii 70aad xisbigii S.Y.L. ee koonfurta soomaaliya halgankaasi oo bar bar socoday xisbigii gobanimadoonka SNL ee waqooyiga soomaaliya waana maalin weyn oo aan la ilaabi Karin.

Haddii aan si kooban u xuso, marka hore waxaa la sameeyey urur ay ku kulman dhallinyarada oo la magic baxay SYC (Somali Youth Club) kaasoo ahaa urur aan siyaasi ahayn Halkaasoo ay ku kulmi jireen dhallinyaradda iyo wax garadka soomaliyeed.

Ururka SYC muddo ka dib wuxuu noqday urur siyaasi ah oo la magac baxay S.Y.L waxaa na dhidhibadda loo dhigay taariikhda marka ay ahayd 15.05.1943kii oo ay ku kulmeen dhallin yaro ka kooban 13 ah , kuwaasoo ahaa dhallinyaraddii fahmay dhibaatooyinka iyo hagar daamadda gumeysiga.

Ururkaani hadafkiisii ugu weyn wuxuu ahaa in shacabka soomaaliyeed la gaarsiyo xornimo taam ah la na mideeyo goboladda soomaaliyeed ee gacanta gumeysiga ku jira. Ururkani waxaa salka u dhigay dhallinyaradda oo kala ah :-

1. Yaasiin Xaaji Cusmaan
2. Cabdulqaadir Sheekh Saqaawaddiin
3. Xaaji Maxamed Xuseen
4. Daahir Xaaji Cusmaan
5. Maxamed Cali Nuur
6. Maxamed Cusmaan Baarbe
7. Khaliif Huudow Macallin
8. Sayiddiin Xersi Nuur
9. Cusmaan Geeddi Raage
10. Dheere Xaaji Dheere
11. Cali Xasan Maslax
12. Xaaji Maxamed Cabdulle Xayeesi
13. Maxamed Faarax Hilowle

Ururka SYL wuxuu ummadda soomaaliyeed u soo bandhigay dastuurkii uu ku hogaamin lahaa, qodobada ugu weyn waxaa ka mid ahaa in diinta islaamka dalka lagu hogaamiyo, in la radiyo midnimadda ummadda soomaaliyeed, in la cirib tiro dhaqamadda xun xun oo ay ka mid yihiim qabiilka iyo qabyaaladda iyo is quursiga , in la horumariyo aqoonta, hidaha iyo dhaqanka suuban iyo in la qoro afka soomaaliyeed, sidaasi darted xisbigu waxaa u ku guuleystay in si fudud ujeedooyinkiisa u gaarsiyo gobollada dalka oo idil , sidaasi darted xisbiga SYL waxaa u suurta gashay in uu xafiisyo ka furo gobolada dalka taasoo kordhisay caraddii gumeysiga uu u qabay shacabka soomaaliyeed.

Waxaa xusid muddan Odayaasha waqooyi iyaga oo ka shaqeynaaya mideynta soomaaliya waxay markii ay taariikh ahayd 17/07/1947kii baaq qoraal ah u direen xafiiska {The war Office – London}taasoo loo mariyey maamulkii gumeysiga xiligaasi ka talin jiray gobolada waqooyi. Baaqaasi oo ay u dhamaayeen suldhaanada, caaqiladda, odayaasha dhaqameedka iyo waxgaradka dadka reer Somaliland kuwaasoo kala ah :-

1. Suldaan Maxamed Cali Shire
2. Suldaan Ali Muuse
3. Suldaan Maxamed Faarax
4. Suldaan Xersi Cabdillahi
5. Suldaan Saciid Cabdi Abbi Guddoomiyaha ururka SNS
6. Suldhaan Maxamuud Jaamac Xoghayaha Guud SNS
7. Suldaan Cumar Hurreh Guddoomiyaha SNS – Cergaabo
8. Suldhaan Xaaji Jaamac Maxamed Xoghayaha Maaliyadda SNS
9. Suldhaan Ibraahim Cali SNS
10. Suldhaan Axmed Suleymaan Guddoomiyaha SNS – Burco
11. Suldhaan Cabdi Ciise SNS
12. Suldhaan Axmed Maxamoud SNS
13. Suldhaan Yuusuf Haji Adan
14. Suldhaan Maxamed Ciise Daraawiish SNS – Laas caano
15. Suldhaan Maxamed Ibraahim SNS
16. Suldhaan Adan Cali SNS
17. Suldhaan Adan Saciid SNS
18. Suldhaan Xaaji Adan Axmed SNS
19. Suldhaan Caydiid Maxamed SNS
20. Suldhaan Xaaji Xasan Geele SNS
21. Suldhaan Maxamed Kaahin SNS
22. Caaqil Xaaji Yaasiin Maxamed Burco Nadi
23. Caaqil Jaamac Cali Shire
24. Caaqil Maxamed Ula Joog
25. Caaqil Xaaji Faarax Goodah
26. Caaqil Xaaji Diiriye Cabdi
27. Caaqil Cawad Guuleed
28. Caaqil Yuusuf Imaan
29. Caaqil Suleymaan Yuusuf
30. Caaqil Axmed Xaaji Cabdullahi
31. Caaqil Cabdiraxmaan Xaaji Cali
32. Caaqil Ducaale Cabdi
33. Caaqil Abokar Xaaji Faarax
34. Caaqil Xayd Diiriye
35. Caaqil Maxamud Cabdi Caraale
36. Caaqil Adan Cabdi SNS Berbera
37. Caaqil Sayid Cabdiraxmaan Laas Caano
38. Caaqil Sheekh Cabdillahi Geele
39. Caaqil Maxamed Axmed SNS Burco
40. Caaqil Cismaan Xaaji Muuse
41. Caaqil Yuusuf Sh. Cismaan Nuur – Qaadiryah
42. Caaqil Axmed Sh. Cismaan Nuur
43. Caaqil Sheekh Xussen Axmed Daraawiish
44. Caaqil Yuusuf Xersi

Waxaan dareensanahay in xaquuqda dadkeena lagu tuntay taasoo horey na soomaaliya si arxan daro ah loo qayb qaybiyey maadaama dalka iyo dadka soomaaliyeed ay kala qaybsadeen British, Fraance, Italia iyo Ethiopian, qaybintaasi oo dhibaatooyin fara badan ay ka soo gaareen dadka soomaaliyeed taasoo caqab culus ku noqotay horumarka dalka ee dhinaca dhaqaalaha , sidaasi darteed kala qaybsanaan xagga siyaasadda waxay ummadda soomaaliyeed ay dhaxal siisay horumar la’aan oo sababtay dib u dhac dhinaca dhaqaalaha iyo aqoonta.

Waxaan rumeysanahay in dawladda Ingriiska dano fara badan ka leeyahay gobolka geeska Afrika sidaasi darteed waxaan ka codsnayenaa boqorka dawladda ingriiska xafiiskiisa inuu dalkeena ka difaaco haddii dibadda laga soo weeraro iyo guud ahaan danaha ummadda soomaaliyeed maadaama dawladda ingriiska guul weyn ka soo hooyey dagaalkii labaad ee adduunka guushaasi oo ay qayb ka ahayd ciidankii soomaaliyeed ay ka qayb ahayd isla markaasi na la barbar dagaalamay dagaladdii lagu jibiyey dawladda Japanese iyo dawladda talyaaniga.

Waxaan boqortooyadda dawladda Ingariiska ka codsaneynaa in la mideyo ummadda soomaaliyeed maadaama dawladda Ingriiska uu gacanta ku haaya dhamaan dhulka soomaaliyeed oo idil marka laga reebo Djbouti oo dawladda Fransiiska gacanta ku hayay sidii loo mideyn lahaa si loo helo somaali weyn oo madax banana “Bansomalisim” Waxaan boqortooyadda ka fileynaa in dadka iyo dalka soomaaliyeed ee maamulka dawladda ingriiska gacanta ku haya sidii loo mideyn lahaa isla markaasi na waxaan ka rajayneynaa in aysan mar kale dhicin sida foosha xun ee ummadda soomaaliyeed loo kala qayb qaybiyey taasoo aan hore uga dhicin qaaradda Afrika. Nuxurkii baaqaasi wuxuu ahaa in sidii loo heli lahaa soomaali mideysan oo xor, xiligaasi oo soomaalidu aaminsanaayeen in maalin la heli doono soomaali weyn oo xor ah.

Hase yeeshee nasiib daro 70 sanno kadib in himiladiisi ay burburtay maxaa yeelay jamhuuriyaddii soomaaliyeed ee 1960kii gacanta gumeysiga ka baxday ay maanta noqotay dhowr maamul goboleed taasoo ah arrin aan faraxad gelineynin inta damiirka leh ee ku abtirsata magaca soomaaliyeed laakiinse arrinta kala qaybsanaanta waxay faraxad gelinaynaa siyaasadda gumeysiga cusub oo sal u ah falsafadda Qeybi oo Xukun.

Bishii Oktoober 1947kii mar kale ayaa arrinaha soomaaliya la hor geeyey xoghayayaasha guud ee wassirada arrimaha dibadde ee dalalkii ku guuleystay dagaalkii labaad ee adduunka dood fara badan ka dib waxaa la isku waafaqay in Soomaaliya loo diro guddi xaqiiqa raadin ah oo soo oddorasa isla markaasina warbixin ku saabsan ka keenta rabitaanka shacabka Soomaaliyeed in ay diyaar u yihiin gobannimo iyo in kale.

Dagaalkii labaad ee adduun markii uu dhamaaday Markii u dhammaaday ayaa arrinta Soomaaliya la hordhigay jamciyadda qaramada midboobay ka dhaxeysa,United Nations shirkaasi oo ay ka soo qayb galeyn wadamadii ku guuleystay dagaalkii labaad ee adduunka oo uu hogaaminaayey dawladda Mareykanka, waxaana shirkaasi cod buuxa la isku waafay in soomaaliya wisaayada ay noqot, hase yeeshee dawladda Faransiiska ayaa arriintaasi wisaayadda si xoog leh uga biyo diiday. Sidaasi darted wuxuu shirkii ku dhammaaday fashil iyo guuldaro kaddib markii ay dawladihii ku heshiin waayeen siyaasadahooda ku wajahan Soomaaliya.

Bishii Janaayo 1948 waxaa magaaladda Muqdishu ka soo degay guddigii ay u soo xil saartay jamciyadda qaramada midboobay ka dhaxeysa, oo ka koobnaa dawladda Mareykanka, Ingiriiska, Faransiiska iyo Ruushka iyo Faransiiska kuwaa soo kormeer iyo xog raadin ah ku yimid soomaaliya ujeeddada ugu weyna ay ahayd in ay kala hubsadaan in dadweyna soomaaliyeed ay u bisil yihiin hanashadda xoriyada iyo in kale.

Guddigaasi afarta ah waxay durbadiiba ay bilaabeen in ay dhegeystaan fikraddahii iyo warbixinadii xisbigii SYL iyo Axsaabtii tiradda badaneyd ee dalka ka jiray oo kala ah sida tan ee hoos ku xusan :-

1. Somali Youth League (S.Y.L)
2. Hamar Youth Club (HYC)
3. Patriotic Beneficient Union
4. The Arab Community
5. The War Veterans
6. The Somali Young …. “Qabiil ku magacdarsaday”
7. Hindaitul Islam
8. Comitato Rappresentativo Italiano

Ururka la magac baxay patriotic Benefiecient Union ay isku bahaysteen 7 urur oo yar yar oo lagu tiriyo in ay gacan saar la leeyihiin talyaaniga (Pro-Italia) .

kuwaaso dhamaan ka soo horjeedday iraadii shacabka soomaaliyeed oo ahaa in la gaaro xornimo, iyaga oo ku andacoonaayey in ay shacabka soomaaliyeed maanta diyaar u ahayn in xornimo la gaarsiiyo loona baahan yahay in muddo 30 sannadood in lagu jiro gacanta Talyaaniga .

Taariikhdu markii ay ahayd 20 Janaayo 1948 guddigii ka socday 4tii dawladood oo wakiilka ka ahaa jamciyadda qaramada midboobay ka dhaxeysa, la kulmeen Guddigii matalaayey xisbigii SYL oo warbixintiisa xambarsaneyd himilooyinkii iyo rabitaankii shacabka soomaaliyeed siiyey guddigii xog raadinta u socday.

Guddiga Somali Youth Leage SYL :-
1. Xaaji Maxamed Xuseen Guddoomiye
2. Cabdullahi Ciise Moxamud Xoghaye
3. Maxamed Ahmed Xubin
4. Xaaji Faarax Cali Xubin
5. Sharif Maxamed C/raman Xubin
6. Xaaji Bashiir Ismaciil Xubin

Muddane Cabdullahi Ciise Maxamuud oo ka wakiil ah xubnaha SYL , guddiga jamciyadda qaramada midboobay ka dhaxeysa, hortiisa ka soo jeediyey warbixintii xisbiga SYL warbixintaasi oo lagu codsanayey jamciyadda qaramada midboobay ka dhaxeysa United Nations ka in si deg deg ah oo aan shuruud lahayn ummadda soomaaliyeed loo guddoonsiiyo madaxbanaanideedda iyo in inta himiladaasi laga gaarayo afarta dowladood oo xoogga waaweyni ay si wadajir u maamulaan dalka , iyagoo ka wakiil ah jamciyadda qaramada midboobay ka dhaxeysa.

Waxaa kale oo xusid muddan xisbigii Hamar Youth Club (HYC) oo ay isku mabaadii ahaayeen xisbigii SYL oo ay ka wada sinaayeen in shacabka soomaaliyeed la gaarsiiyo xornimo taam ah, xisbiga HYC hogaamiyaashiisu na waxay is bar bar taageen halganka gobanimadoonka waxaana warbixintiisa halkaasi ka soo jeediyey Muddane : Maxamed Abukar Abooke .

Guddiga Hamar Youth Club H.Y.C :-
1. Xaaji Muxyadiin Xaaji Cali Guddoomiye
2. Sheekh Cumar Xaaji Yusur Xoghaye
3. Aweys Dheere Diinle Xubin
4. Dheere Xaaji Dheere Xubin
5. Maxamed Cumarey Maxamed Xubin
6. Maxamed Abukar Abooke Xubin
7. Axmed Shariif Cali Fakhradiin Xubin
8. Xaaji Mungaani Mursal Xubin
9. Abukar Xamuud Sokorow Xubin
10. Mahamed Macalin Cali (Aamac) Xubin
11. Amiin Cismaan Nuur Xubin
12. Amiin Cadde Cismaan Xubin
13. Amiin Axmed Cumar Xubin
14. Xaaji Macow Yuusuf Xubin
15. Xaaji Cumar Muqadam Xubin
16. Cabdi Abooke Sheekh Xubin
17. Iikar Harkow Sheekh Xubin
18. Aweys Sheekh Ahmed Xaaji Xubin
19. Maye Xaaji Xusseen Xubin
20. Abuukar Abooke Axmed Xubin
21. Maxamed Mahamud Maaxi Xubin
22. Cabdiraxman Sh. Axmed Xubin
23. Maxamed Abati Xubin
24. Maxamed Cismaan Xubin

23472863 (1)

Hase yeeshee guddigii afarta ahaa markii ay la kulmeen xisbiyadii dalka ka jiray waxay noqdeen kala aragti,wakiilkii Ingiriiska iyo kii Mareykanka waxay u arkeen xisbigii S.Y.L. in uu yahay dhaqdhaqaaq waddani ah oo taageero adag ka heysta shacabka soomaaliyeed.

Waxaana isku fikir noqday wakiiladdii dawladda Faransiiska iyo Midowgii Sofyeeti waxay u arkeen in xisbiga S.Y.L. uu yahay xisbi taageero ka hela Ingiriiska si uu u kala qaybiyo ra’yiga shacbaka Soomaaliyeed uga na dhex abuuri lahaa qalalaaso.
Guddigii 4ta dawladood markii uu arkay banana baxii weynaa ee ay soo qabanqaabisay xisbigii S.Y.L , S.N.L iyo wakiiladdii ka socoday Somali galbeed , NFD iyo Djabouti ee xiligaasi ku sugnaa Muqdisho kuwaasoo taageero ka heysta dadweynaha soomaaliyeed oo muujiyey in ay rabaan xornimo,waxaa guddigaasi u cadaatay in shacabka soomaaliyeed uu rabo madaxbanaani taasoo ay warbixitoodi na ay ku ayideen in shacabka soomaaliyeed inuu hanto xornimadiisa .

Bishii Oktoober 18, 1948 waxaa xusid muddan halyeeygii Maxamuud Jaamac warbintin dheer uu u qoray jamciyadda qaramada midboobay ka dhaxeysa, wuxuu qoraalkiisi ku caddeeyey 90% shacabka soomaaliyeed waxay diyaar u yihiin in ay helaan soomaali mideydsan oo xor ah .

Warbixintii 4ta dawladdood ay ka soo jeediyeen jamciyadda qaramada midboobay ku codsadeen in ummadda soomaaliyeed la gaarsiiyo xornimo buuxda muddo 10 sanno ka dib, mudadaasi oo looga dan lahaa in la diyaariyo hogaankii maamuli lahaa dawladda cusub ee dhalan doonta.

Himilooyinka ugu weyn ee xisbiga SYL wuxuu ahaa in la helo soomaali weyn oo mideysan hase yeeshee dhibaatada ugu weyn waxay dhacday markii SYL ay diideen in Ingariiska gacanta loo geliyo soomaaliya, taaso dawladda ingriiska ka careesisay.

Bishii Nov. 11, 1949kii Jamciyadda qaraamada midoobay ka dhaxeysa waxay aqlabiyad ku oggolaatay fadhigeedii 4aad in koofunta Soomaaliya gacanta loo geliyo dawladdii fashiitaha ahayd ee Talyaaniga muddo toban sannadood si shacabka soomaaliyeed loo gaarisiiyo xornimo iyo madax bannaani taam ah, go’aankaasi waaxaa dib waxaa la sameeyey guddi la talin ahaa oo ka howl gala magaalada Muqdisho.

Sidaasi darted jamciyada qaraamada midoobay ka dhaxeysa waxay soomaaliya u soo dirtay 4 dawladdoo dawladda Masar, Kolombiya, Liberia iyo Filibiin si ay u fuliyaan go’aanada qaramada midoobay si ay u kormeeraan howlaha maamulka iyo horumarinta dalka soomaaliya,lana socdo ilaa uu dalka ka gaarayo maalintii la go’aamiyay in uu gacanta ku dhigayo gobannimadiisa taasoo maamulkii fashiitaha talyaaniga oo si buuxda loo xil saaray wisaayadda soomaaliya.

Bishii Oktoober 5, 1949kii waxaa xusid muddan dhacdadii la magac baxday dhaxg tuur, waxaa magaalada Muqdishow ka dhacay dagaal oo ay shacabka Soomaaliyeed dhagxaan kaga hortageen gumeystihii Ingiriiska taasoo looga soo horjeeda wasiirada arrimaha dibedda Ingiriiska iyo Talyaaniga oo ay qaramada midoobay u gudbiyeen mashruuc laga damacsan yahay in dawladda Talyaanigu dib ugu soo laabato Soomaaliya shuruud la’aan.

Xisbigii S.Y.L. durbaddiiba markii uu soo ifbaxay arrintaasi wuxuu abaabulay bannaanbaxyo uu kaga hortagayo mashruucaasi, hase yeeshee gumeysigii Ingiriiskuna wuxuu shacabkii u adeegsaday rasaas,wuxuuna maalintaasi shacabka u geestay dil naxariis darro ahayd iyo xarigba, hase yeeshee geesiyaddii soomaaliyeed waxay kaga hortageen dhagxaan nasiib daro se waxaa goobtaasi lagu dilay 6 qof kuwa kale oo fara badan lagu dhaawacay.

Bishii April 1, 1950kii iyadoo la fulinaayo go’aankii ka soo baxay jamciyadda qaramaada midboobey ka dhaxeysa wuxuu gumeysigii Talyaaniga si rasmi ah gacanta loogu geliyey isla markaasi na ula wareegay wisaayadii Soomaaliya.

Runtii mirihii ay beereen dhallinayraddii nafta u huray dalkoodda iyo dadkoodda waxaa la gurtay June 26, 1960kii iyo July 1, 1960kii maalintii xornimada iyo mideynta labad gobol Waqooyi iyo Koonfur.

Halgankaasi adaga waxaa looga soo gudbay midnimo iyo waddaniya sidaasi darteed waxaa haboon in shacabka soomaaliyeed hal heeskoodii u noqdo axya wadani, qabiil qaran ma dhiso, {Midnimaddo waa xoog aan la jibin Karin , kala taguna waa Burbur}runtii wadd aniyadda ayaa aaminsanahay in lagu gaari kara horumar iyo midnimo ummadda soomaaliyeed , isla markaasi na loogana bixi karaa dhibaatooyinka maanta dalka ka jira, looma baahan dagaal sokeeye iyo in dhiig la daadiyo balse waxaa loo baahan yahay in laga qayb qaato dib u dhiska dalka.

Waxaan ummadda soomaaliyeed u rajaynayaa in sannadkaani sannadka xiga ay ku gaaraan guul horumar leh iyo barwaaqo dawladda maanta u dhalatay waxay shacabka soomaaliyeed ka filayaan in ay ka samata bixiyaan dhibaatadda muddada dheer dadka iyo dalka ba ku habsatay

Abdulkadir Ali Bolay
bollay @ hotmail.com

23510058

Banaadir Post

KISMAAYO:-Ismaaciil Haaruun: “ Fashil ayey ku Dhamaan Doonaan Qorshayaasha ay Gaaladu ka Wado Kismaayo”

25780708Ismaaciil Haaruun oo kamid ah wax garadka Jubooyinka ayaa sheegay in bulshadu u diyaarsantahay fashilinta iyo ka hor tagga nidaamka maqaar saarka ah ee ay gaalado ka sameynayaan magaalada Kismaayo.

Nabadoonka ayaa sheegay in wax ka socda Kismaayo yihiin wadiiqadii ay gaaladu u mari lahaayeen qabsashada wadanka, kala qeybinta ummada iyo gurashada kheyraadka dalka.

25739582

Halkan Ka Dhageyso Hadalka Ismaaciil Haaruun

24696953

Banaadir Post.

DHAGEYSO:-“Shabaabka ayaa Runtii naga Fiican Sababtoo ah ma Dhigan Jirin Isbaarooyinka Faraha Badan Ee Ciidankeenu Dhigteen”Cabdulaahi Muuse oo ah madaxa siyaasadda gobolka Sh/hoose ee dowladda Federalka!

25767410Cabdulaahi  Muuse oo ah madaxa siyaasadda gobolka Sh/hoose ee dowladda Federalka ah ayaa sheegay in isbaarooyin xad dhaaf ah ciidamadoodu u yaalaan wadada isku xirta Shalaambood iyo Muqdisho.

Cabdulaahi waxa uu sheegay in isbaarooyinka lagu dhaco dad weynaha madaxda dowladduna wax ka qaban waayeen kadib markii dhowr jeer looga ashtakooday.

Waxa uu xusay in isbaarooyinku u yaalaan ciidamo mooryaan ah oo shaar dowladeed loo galiyay isagoona muujiyay inuu jiro xifaaltan qabyaaladeed oo mooryaanta dhexdooda ah.

Hadalka  Cabdulaahi Muuse ayaa kusoo aaday xilli maalintii shalay uu bannaan bax ka dhacay degmada Afgooye kaasoo looga soo hor jeeday isbaarooyinka.

Mar aan C/lhi Muuse weydiinay su’aal la xiriirtay farqiga u dhaxeeya iyaga iyo Mujaahidiinta ayuu sheegay in uu mujaahidiinta u qirayo ammaantooda.

Wuxuu sheegay in markii mujaahidiintu joogeen wadadu nabdooneyd laakin markii iyagu yimaadeen wadadu noqotay mid fasaad ah.

25739582

Halkan Ka Dhageyso Hadalka C/laai Muuse

ISHA WARKA RADIO ALFURQAAN.COM

25618829

Banaadir Post.

MAQAAL:-Xassan Shiikh iyo Faroole Midna Uma Dhalan Jubooyinka ee Xagee Wax ka Khaldanyihiin?.

ن الحمد لله نحمده ونستعينه ، ونعوذ بالله من شرور أنفسنا ومن سيئات أعمالنا من يهده الله فلا مضل ومن يضلل فلا هادي له ، وأشهد أن لا إله إلا الله وحده لا شريك له وأشهد أن محمدا عبده ورسوله صلى الله عليه وعلى آله وأصحابه وسلم تسليما كثيرا أما بعد
Bacdal salaanta iyo iftitaaxa kadib waxan kaloo salaan khusuus ah udirayaa dhamaan Mujaahidiinta qori iyo qalinlaydaba.
25767246
Hordhac gaaban:
Xaalada Soomaaliya waayadan waxay noqotay margi hadba dhankii loo jiido ujiidma, dalku wuxuu soo maray marxalado iyo xaalado kala duwan, balse waxan jeclahay inaan taabto xaalada raahinka ah ee hada taagan taas oo qofwalba oo garaad leh uu ujeedo balse dadku qaar ay garan la’yihiin meesha ay ujiidi lahaayeen.
Aafada koobaad ee Soomaaliya ku habsatay waxay noqotay qabyaalad quruntay oo marba waji yeelanaysa qubxigeeduna uu kasii darayo, qabyaalada soomaalidu waa mid aan sal lahayn meelay usocotona aysan garanayn dadka wada, xalkeedana in badan waa la sheegay balse waxad umoodaa in dhagaha laga furaysanayo.
Intii ay soomaali jirtay waxaa la isku dayey kumanaan nidaam kuwaas oo la islahaa waa lagu liibaanaya waxayna xal unoqonayaan ka hortag qabiil balse midkasta waxay ku dambeysaa ama ka soo ifbaxda afaafkeeda hore qabyaalad quruntay kadibna wayba duntaa, nidaamyadaas waxay isugu jireen kuwa la dhisay xiliyadii jaahiliga ee hore iyo kuwa ladhisay hada oo xiligan xaadirka ah intaas oo dhami way ka sal gaari waayeen inay ka dhigaan nidaam alle iyo rasuulkiisa raali galiya dariiqii saxda ahaana ku dhaca akhiirana waxay ku dambeeyaan inay burburaan.
Hadaba waayadii dambe gaar ahaan 2006 wixii ka dambeeyay waxaa la isku dayey nidaam umadan mideeya kana saara qabyaalada kana jeediya cadaawada ay isku hayaan dhexdooda una jeediya cadowga ka baxsan ee beera oo baxnaaniya qabyaalada, nidaamkaasna maaha nidaam kale ee waa nidaamkii islaamiga ahaa ee dhamaystirnaa ee calankiisa iyo nidaamkiisa dawladeed watay ee caalamku markuu arkay inuu malab saafi ah yahay uqayla dhaantay in lala diriro.
Dulucda Ujeedkayga:
Hadaba aan usoo dhaadhaco dulucda hadalkayga, dagaalka qabiil ee soomaalidu ay ku jirtay waa mid facwayn xili horana soo bilaabanaya marxalada kala duwana soo maray balse qabyaaladaas xiliga kaliya ee laga waayey saaxada Soomaaliya waxay ahayd 2006 ilaa 2013 oo ah sanadkan bilowgiisa, waxaana ugu wacan qofkastaana uu dareemi karaa nidaamkii islaamiga ahaa ee ka hana qaaday koonfurta soomaaliya kaas oo tusay waxyaalo badan oo ay ka caajiseen cuquul badan oo sheegtay qimmo iyo rifco, nidaamkaas islaamiga ah wuxuu umada ka mashquuliyay wax la dhaho qabyaalad wuxuuno usoo jeediyay inay ku mashquulaan 30 jus ee quraanka iyo kumanaanta xadiis ee rasuulkeena  صلى الله عليه وسلم, iyadoo markii la arkay nidaamkaas saafi nimadiisa iyo macaankiisa loogu dhaqaaqay waji xumayn iyo dagaal af iyo adin ah si mar uun saaxada looga saaro, waxan dhihi karaa xiligaas aan sheegay afka soomaalida wax kale waa laga waayey aan ka ahayn nidaamkaas islaamiga ah.
Nidaamkii islaamiga ahaa meelaha qaar markuu ka baxay maxaa dhacay?
Markii nidaamka islaamiga ah lagala dagaalay cir dhul iyo bad sidoo kalena lagula dagaalamay af iyo adin waxay walaaluhu uga baxee gobolada qaar kadiban waxaa bilowday inay soo noqoto tii la ilaaway ee qurmuunayd waana taa aad maanta ujeedaan inay marayso meeshii ugu xumayd qofkastana makhraati ka yahay.
Dulucdayda hadalku hada waxay udhacaysaa Jubooyinka oo noqotay (?) calaamatu su’aal meel loo jiido lagaran la’yahay waxaa isku hardinayo beelo mudo kala maqnaa oo aan afka isku taagin waxaadna ogaataan in walaalaha mujaahidiintu ku kala dhex jireen la’aantoodna ay soo noqotay iyadoo ka qurmuun tii hore.
Si kasta oo loo caayey walaalaha mujaahidiinta si kasta oo loola diriray walaalaha mujaahidiinta wili waa kuwo ay tabayaan quluubta dadka mustadcafiinta ah ayna necebyihiin quluubta dadka kibray ee ubaahan in kibirka laga jabiyo, wili mujaahidiintu waa kuwa xayiray quluubta munaafaq kasta iyo gaal kasta wilina waa kuwa ay sugayaan walaalo badan oo dhiban.
Kismaayo waa meesha qabyaaladii 1991 soo celisay hada oo ah 2013 waxaana isku hardinaya dad aan lahayn waligoodna arkin balse aad dareemayso sababta ay isugu hardinayaan inaysan ahayn dhalasho ee ay tahay tii qurmuunayd, xassan shiikh uma dhalan kismaayo lagana yaabaa inuusan waligiis cag dhigin faroolana sidoo kale uma dhalan kismaayo lagana yaabaa inuusan cag soo dhigin hadana ay isku dagaalayaan sidii in mandheertooda ay ku duugantahay.
Qofkasta ha ogaado arinta jubooyinka la isku haysto maaha deegaan ee waa qabyaalad wiliba tii ugu xumayd, waxaana is waydiin leh ilaa hada inta shaashadaha kasoo muuqda ee leh maya iyo haa midna umaysan dhalan markii dhab ahaan laga hadlo ee mid kasta wuxuu udifaacanayaa reer hebel nasiib muxuu ugu yeelan waayey iyo anagaa kismaayo leh iyo anagaa jubooyinka dagna.
Dhamaan inta isku hardinaysa jubooyinka iyo kismaayo waxaa dhabarka kasoo taabanaya gaalo iyo reer galbeedka waxaana la doonayaa in la isku jabiyo ayna soomaaliya markale gasho dagaal qabiileed oo la faarujiyo dalka kadibna lala wareego, balse in badan oo soomaalida ah waxay dhahaan “maxaa gaalada iyo dariska iyo reer galbeedka eeda loo saaraa waxay eed leeyihiin majirto ee anagaa is dulminay oo dhexdeena ma dhaafsiisna” dadka fikradaas aaminsan oo ay ku jiraan kuwo culimo sheeganaya waxan leeyahay bal waa taa taagane fariisiya oo xal ka gaara, hadaan indhaha iska xirno dhaguhu indha noo noqon mayaan.
Dad badan waxay is waydiinayaan waagii ay walaaluhu joogeen koonfurta arintaan majirin ee xagee ka timi balse jawaabta hadaan isku dayo waxan leeyahay xal kale oo umadan ay ku nasan karto kuna nadoonaan karto majiro aan ka ahayn nidaamkaas islaamiga ah ee kitaabka iyo sunada inaan ku dhagno badiilna udiidno.
Waxaa layaab leh in culimadii sheeganaysa islaaxa iyo xalka umadan ay maanta hor boodayaan qabyaaladii ay guryaha iyo misaajida la fadhiyaan reer hebel hadaynan iska dhicin sharaf nooma harin culimadaas waxan leeyahay والله خبتم وخسرتم wajigiina baa baas beelay wajigii baa idin ka gubtay hadaad garan la’dihiin meel aad wax udhaqaajisaan, balse ilaahay haduu idmo wad ka sii fadeexoobaysaan intaan in ka badan umaduna waxay idinku jiid jiidi doontaa wadooyinka, inta xoolaha umada luuq ugashaaan oo ku safartaan hadhow waxad ka hadashaan dhiig baa ladaadiyay anigu waxan idin leeyahay dhiiga ladaadiyay idinkaa caba oo faleembayaal ku xirta, Ictisaam maanta waxay ka badin waayeen in nin walbaa qabiilkiisa inta utago uu ka baryo inuu jago helo, shakuul ilaa hada guryo qabyo ah iyo qaar lacagtii uu ka qaaday oo uusan bilaabin ayuu Kismaayo iska xaadiriyay  oo lacagtii dadka uu kasoo dhacay buu maalinkasta boqol kun oo shilling somali ah qaybinayaa uuna rabaa inuu isku soo sharaxo, isaga kaliyana maaha waxan dhihi karaa inta hoosta ka cunta baa ka badan inta calaniga usoo bandhigta. umadii waad khasaariseen sunno foolxun baad u horseedeen wana la idin ka jaasayn doonaa waxad gaysateen oo dhan waxana ugu daran suurad xumaynta culimada iyo diinta iyo cizigii umadan ay lahayd.
Maanta wax qarsoon maleh lakin mar ayaan waydiiyay qof lasocday arimahaan jubooyinka oo aad ugu tacaluqay ilaa maalintii ay mujaahidiintu ka insixaabeen waxana ku iri Jubbaland kawaran wuxuuna iigu jawaabay xal maleh waxan ku iri xagee bay ku dambaynaysaa wuxuu yiri walaahay meel ay usocoto maba aqaan waa la sitaa cid sidatana magaranayo.
Balse xaqiiqdu waxay tahay umadan xal kale maleh aan ka ahayn xalka islaamiga ah oo shafaaf ah kaas oo ay umadu ka wada qayb qaadato una istaagto difaacideeda iyo ku dhaqankeeda aana ka dayno dulduleelka iyo cayda iyo aflagaagadada markasta allaan ka barina inuu sawaabka na waafajiyo, waxaana ku taaganahay cahdiga iyo balantan alle lagalnay oo ah inaan xarigiisa ka bixin diintaana aan difaacno alle dartiisna aan udifaacno waana tan aan gaal kasta iyo munaafaq kasta aan ku noqonay “?”.
Maanta fadhi ku dirir kasta waa haysta magacyo qabiilo oo waa hore la iloobay kuwaas oo aad uqayaxan oo aan waxba laqarinaynin HAWIYE DAAROOD ISAAQ DIGIL IYO MIRIFLE iyo QABAA’ILO kale kuwaas oo aan afkaba laga qaadayn, xitaa arinta jubooyinku waxay saamayn ku yeelatay Muqdisho oo la yiri beel gaara ayaaba leh sidoo kale qabyaaladii ayaa xitaa waxay gaartay in shirar la isku raaci jiray hada lagu kala haro iyo xaflado la wada imaan jiran in la isku baneeyo.
Xalka hadii aan indhaha la isku tuurayn waa nidaam islaami ah oo matiin ah kitaabka alle iyo sunnada nabiga صلى الله عليه وسلم taas oo lagu salaynayo jihaadka ay diinteenu nafartay kaas oo aan ku ilaashanayno diinteena dalkeena iyo jiritaankeena la’aantiisana ukumaheenu ay dayacanyihiin.
Walaalayaal dhamaanteen aan ogaano hadana aad aragtaan mujaahidiintu markay baxeen in ay bilaabatay xifaltan dhoocileed aad u qurmuun taas oo raganimadii xitaa ay ka tagtay oo saxaafada lala hor yimi qabyaaladii oo qaawan oo qurmuun, walaalayaal xalku wuxuu ku jiraa kitaabka iyo qoriga, meel kalena hadaan ka raadino waan ku cirraysanaynaa xalna ka gaari mayno.
Walaalayaal mawaydan arkin in xitaa maamuladii noqdeen qabyaalad oo maanta maamul magacii hadaad sheegato aan ku leeyahay reer hebel miyaa tahay,  walaalayaal xalku wuxuu jiraa cadowga dibada ee gaalka ah iyo kan gudaha ee munaafaqa ah inaan iska dhicino oo shanteena farood iyo calaacal isaga qabano anagoo kitaabka alle midigta ku haysana korna utaagayna.
Alle waxan waydiisanayaa inuu na waafajiyo meeshii khayr noogu jiro naguna toosiyo wadada toosan Aamiin Amiin Aamiin.

W/ Qoray:  Abu-Sayaaf.
245303271
25766986
Banaadir Post.Delegation from  Somali capital Mogadishu consisting of 40 politicians & elders  has refused entry to Kismayo airport .They were turned back  by Kenya  military who is guarding the airport. The delegation was the have no permission to land.
25767410 (2)
Banaadir Post.

MAQAAL:-KUWA HAWADOODA BEENTA AH KA DHIGTAY ILAAHAY CAABUDAAN . Qalinkii Cumar Sulaymaan.

25740062KUWA HAWADOODA BEENTA AH KA DHIGTAY ILAAHA

أَرَأَيْتَ مَنِ اتَّخَذَ إِلَهَهُ هَوَاهُ أَفَأَنْتَ تَكُونُ عَلَيْهِ وَكِيلًا(الفرقان 43).

Haddii aan aayadda cinwaanka ah si kooban u sheego macnaheeda waa sidatan:

Miyaadan arkayn midka ay hawadiisa beenta ahi u tahay Ilaahiisa uu caabudo, marka ma adiga ayaa u noqonaya qareen difaaca oo u hadla.

Culumadu siyaabo kala duwan ayay u kala macneeyeen aayaddan. Waxay u kala qaadeen labo qaybood oo kala ah أَرَأَيْتَ مَنِ اتَّخَذَ إِلَهَهُ هَوَاهُ iyo أَفَأَنْتَ تَكُونُ عَلَيْهِ وَكِيلًا qaybta hore waxay culumadu ku macneeyeen qofka hadba wixii uu jeclaysto ee la qorxoonaada caabuda oo Ilaah ka dhigta; qaybta kalena waxaa lagu macneeyey ma adiga ayaa madax xukunta ama qareen difaaca u ah.

Haddba waxaa is weydiin leh sidee lagu garan karaa ruuxa ay hawadiisa beenta ahi u tahay Ilaahiisa uu caabudo? Qofka Ilaahiisu waa waxa uu caabudo. Wuxuuna qofku caabudaa cidda uu amaradeeda u hoggaansamo. Marka haddii uu qofku Alle u hoggaansan yahay oo uu ku socdo hilinka toosan ee Eebbe noo jeexay shaki ma laha in uu Alle caabudo Ilaahiisuna yahay isaga. Hase yeeshee qofkii ku socdo cid kale amarkeeda waxaa uu caabudaa Ilaahna u ah waxaa uu ka amarka qaato.

Marka sidee lagu garnayaa in uu qofku Alle ka amar qaato ama uu cid kale ka amar qaato? Qofka Alle ka amar qaata ee uu Ilaahiisa yahay waa kan camalmiisa iyo hadalkiisba waafajiya manhajka Alle iyo sunnada rasuulka scw. Haddaba kan aan wax tix gelin ah siinin diinta Alle ee cid kale ka amar qaata ama caabuda waa qofka aan ku socon manhanjka Alle.

Waxaa kale oo is weydiin mudan qofka laga hadlayo ee hawadiisa beenta ah ka Ilaah yeeshay ma qof gaal ah baa mase waa qof muslim ah? Sida la wada garan karo kitaabka waxaa loo soo dejiyey dadka muslimiinta ah ee Alle iyo Rasuulka iyo maalinka xisaabka qiyaame rumeeya. Waxaan arrinkaas Alle noogu sheegayaa dhawrkan aaydood ee suuradda Al-Baqarah ka bilaabanto.

ذَلِكَ الْكِتَابُ لَا رَيْبَ فِيهِ هُدًى لِلْمُتَّقِينَ(2)الَّذِينَ يُؤْمِنُونَ بِالْغَيْبِ وَيُقِيمُونَ الصَّلَاةَ وَمِمَّا رَزَقْنَاهُمْ يُنْفِقُونَ(3)وَالَّذِينَ يُؤْمِنُونَ بِمَا أُنْزِلَ إِلَيْكَ وَمَا أُنْزِلَ مِنْ قَبْلِكَ وَبِالْآخِرَةِ هُمْ يُوقِنُونَ(4)أُولَئِكَ عَلَى هُدًى مِنْ رَبِّهِمْ وَأُولَئِكَ هُمُ الْمُفْلِحُونَ(5).

Sidaas darteed wuxuu kitaabku la hadlayaa dadka muslimiinta ah, waana iyaga kuwa looga digayo in ay hawadooda beenta ah ka dhigtaan Ilaahooda ay caabudaan.

Haddaba sidee ruux muslim ahi uu hawadiisa beenta ah uga dhigan karaa Ilaahiisa uu caabudo?

Laba nin oo walaalo ah ayaa waxay isku dayeen nin u yimid oo la jooga in ay ugu aaraan nin ciddooda ahaa oo loo haysto ninkan u yimid ciddiisa. Hase yeeshee Alle agtiisa waxaa u dhigan ninka la rabo in ay labada nin dilaan in uusan dhimanayn waxna gaadhsiinayn uuna noolaanayo intii uu Alle ugu talada galay oo isaga Alle ah mooyee cid kale aqoonin. Ninkii ma aanay dilin wax dhaawac ahna haba yaraatee ma gaadhsiinin wuuna ka fakaday.

Marka way muuqataa in aanay labadaas nin ku talo gelin ayna rumaysnayn wax qorshe Alle ahba. Nimankaas caqligooda ayaa wuxuu tusay in ninku dagan yahay cid ka celinaysaana jirin ayna dili karaan, mana iska saar hoodh cadaab Alle wax Alle ka cabsi ah oo ku soo dhacay madaxoodana ma jiro. Marka ninankaasi waxay ku socdaan hawadooda beenta ah wax xaq ahna kuma socdaan. Waxay nimankaasi ku socdaan hawadooda ee wax Alle shaqo ku lee yahay kuma socdaan. Sidaas ayay aayaddani u haysataan una yihiin kuwo hawadooda caabuda oo ay Ilaah u tahay.

Matal waxaad arkaysaan dawlad dejisay qorshe ay ku horumariso shacabkeeda iyo dalkeeda oo aan waafaqsanayn sidii uu Alle u jaan gooyey in lagu gaadho horumar iyo barwaaqo. Dawladdaas waxaa u ah Ilaaha ay caabuddo cidda ay qorshaha harumarinta ka soo xigatay. Markaas haddii aanay Alle ka soo xigan hawadeeda beenta ah ayay ku socotaa oo u ah Ilaaha ay caabudaan.

Tusaale kale qabiil ayaa wuxuu isku xidhayaa xadhko fara badan si uu qabiil kale ugaga hor maro xag dhaqaale, tacliin iyo maskabba. Wuxuuna arrinkaas la kaashanaayaa Alle mooyee cid kale. Qabiilkaasi wuxuu caabudayaa oo Ilaah u ah ciddaas uu tubteeda ku socdo. Sidaas darteed qabiilkaas hawadiisa ayaa u ah Ilaahiisa uu caabudo.

Waxaa tusaalooyinkaas aan soo qaatay ka muuqata in uu qofku u dhaqmayo sidii uu isagu wax kasta gacantiisa ku fushan karo oo si alla sidii uu doono yeeli karo. Hase yeeshee wuxuu Alle si cad noogu sheegay in aanay wax awood ah lahayn ee uu nooogu talo galay in aynu caabudno oo kaliya. Markii aynu isaga caabudno ayuu wax alla wixii aynu doonayno na siinayaa dhibaato oo dhanna isagu naga badbaadinayaa waayo innagu ma lihin awood aynu dhibaato isaga badbaadinno.

Wuxuu Alle aayaddiisan kariimka ah noogu sheegayaa in kuwa ay dadku meeshii Alle ka caabudayaan si kasta oo ay isu kaashadaan aanay abuurin duqsi, wax kale iska dhaaf eh haddii uu duqsigu wax ka dafo kama soo ridan karaan….

يَاأَيُّهَا النَّاسُ ضُرِبَ مَثَلٌ فَاسْتَمِعُوا لَهُ إِنَّ الَّذِينَ تَدْعُونَ مِنْ دُونِ اللَّهِ لَنْ يَخْلُقُوا ذُبَابًا وَلَوِ اجْتَمَعُوا لَهُ وَإِنْ يَسْلُبْهُمُ الذُّبَابُ شَيْئًا لَا يَسْتَنْقِذُوهُ مِنْهُ ضَعُفَ الطَّالِبُ وَالْمَطْلُوبُ(الحج 73).

Marka qofka Alle sidaas noogu sheegay in uusan awood lahayn ayaa meel kasta la taagan wax baan jac iyo mac ka soo siinayaa. Qofkaas iska dhiga in uu awood lee yahay ayaa hawadiisu u tahay Ilaaha uu caabudo.

Wuxuu kale oo Ilaah si cad noogu sheegay in uu noo abuurtay in aynu caabudno oo keliya, marka haddii aynu ka dhabaynno cibaadada wuxuu noo ballan qaaday in wax alla wixii aynu doonaynno ee khayr noo ah uu farta naga saaro.

وَيَا قَوْمِ اسْتَغْفِرُوا رَبَّكُمْ ثُمَّ تُوبُوا إِلَيْهِ يُرْسِلِ السَّمَاءَ عَلَيْكُمْ مِدْرَارًا وَيَزِدْكُمْ قُوَّةً إِلَى قُوَّتِكُمْ وَلَا تَتَوَلَّوْا مُجْرِمِينَ(هود 52).

Nebi Huud ayaa dadkiisii ku leh dadkaygiiyaw Eebihiin dembi dhaaf weydiista  ka dibna xumaha ka soo laabta oo isaga u toobad keena, wuxuu idiinku abaal gudayaa in uu cirka idiinka soo da’siiyo roob kadabkii aad ku noolaan lahaydeen idiin soo saara arrimihiinna oo dhanna wuu idiin fududaynayaa meel aydaan ka filayn ayuuna idinka kadbayaa.

Saddexdan aayadoodna waxaa ka muuqata in uu nebi Nuux uu dadkiisa u sheegay in haddii ay soo islaamaan markii ay dembi galaanna ka toobad keenaan uu Alle wax alla wixii khayr ah oo dhan siinayo.

Marka dadka hawadoodu Ilaaha ay caabudaan u tahay kuwa hadalkooda iyo ficilkoodaba ay ka muuqato in uu isagu isku tashanayo iskana dhigaya in uu adduunku ku lee yahay tasaruf ee la moodo markii aad u fiirsato sida uu u hadlayo iyo sida uu u dhaqmayaba in uu isagu Ilaah isu yahay.

يُرْسِلِ السَّمَاءَ عَلَيْكُمْ مِدْرَارًا(نوح 11). وَيُمْدِدْكُمْ بِأَمْوَالٍ وَبَنِينَ وَيَجْعَلْ لَكُمْ جَنَّاتٍ وَيَجْعَلْ لَكُمْ أَنْهَارًا(نوح 12). مَا لَكُمْ لَا تَرْجُونَ لِلَّهِ وَقَارًا(نوح 13).

GUNAANAD.

Ruux waliba mar kasta oo uu dembi gelayo rabitaankeeda naftiisa, qoyskiisa, qabiilkiisa, dawladiisa ama saaxibadiisa ayuu u hamraday iyagaas ayaana markaasna u noqonaya Ilaaha uu caabudayo.

Walaalayaal Allena Ilaahnimadiisa u dhaafa idinkuna addoon u ahaanshaha Alle ha idin deeqdo. Waxa aydaan shaqo ku lahaynna ha ku toobad seegina. Qofna qof wax ma yeeli karo idanka Alle ka sokow,

Haddii dadku sidaas garto dhibaatada ummad ahaan nahaysa Alle ayaa suulin kara ee innagu Soomaali ahaan waxba kama qaban karno. Markii aynu qaadanno kitaabka kuna dhaqanno wanaagna samaynno ayuu Alle wax kasta oo aynu u dhaqaaqno iyo ka badanba na siinayaa. Omersul04@gmail.com.

OMER SULEIMAN ALI                                                     10/05/13.

245303271

Banaadir Post.

DHAGEYSO:-General Cadde Muuse”Xaaladda Puntland way sii xumaatay waxaana dhacay wixii aan kadigay”

25732263Hogaamiyihii  hore ee Puntland Gen.Cadde Muuse Xirsi ayaa afka furtay kadib markii shan bil ka dib shir jaraaid  ku qabtay Magaalada Qardho.

Cadde Muuse ayaa sheegay in Muddo uu ka aamusnaa kahadalka Xaalada Puntland laakin haatan ay dantu ku qasabtay inuu hadlo.

Wuxuu sheegay xisbiyadda uu ku dhawaaqay Faroole inaysan udhameestirneyn sharcigooda islamarkaana ay jiraan kuwa ka kooban sadex ama laba qof.

Cadde Muuse  ayaa tilmaamay inay xaalada Puntland maalin kasta ay sii xumaanayso wixii uu kadigayana ay dhaceeen.

“Arinka maalin kasta way sii xumaanaysaa wixii aan ka digaynay waa tan ay dhaceen oo ciidamdii gadoodeen oo magaaladii Boosaaso iyo meel kasta ka guuxayaan waana wixii aan mar kasta dhahaynay halaga wada hadlo”ayuu yiri Cadde Muuse.

“mudo shan bilood ah oo aan kormeer ku marayay deegaanada kala duwan, Shacbigu waxay ilahaayeen Cade Muxuu la aamusanyahay oo uu u hadli waayay, waxaan u sheegayaa in aan la aamusnaa wadanka in ay qalaaso ka dhacdo marabin, Isimadii baan arkay, Dowladii baan arkay oon ku noq noqday anigoo danteyda aheyd in la wada hadlo oo dadka la isku keeno” sidaasi waxaa yiri Gen Cade.

“Puntland kuma socanayso anagaa niri sidaasi hala yeelo”ayuu yiri isagoo ula jeeday Faroolaha xooga ku haysta shacabka uu utaliyo.

“Waxa hada laga shaqeynayo ma ahan nidaaam saxan, waxaa ka maqan shuruudihii la rabay oo dhan, dimuq raadiyad waan rabnaa laakin sidaan ay wax u socdaan ma ahan kuwo saxan” ayuu ka yiri  Cade Muuse.

Cadde Muuse ayaa si kulul u weeraray Baarlamanka Puntland oo uu ku tilmaamay inay wax badan oo danbi ah galeen.

25219531

DHAGAYSO SHIRKA JARAAID CADDE MUUSE

25727988

Banaadir Post

SAWIRO:-Madaxii Sirdoonka Qadar oo Muqdisho Lagu dilay

25714039Wakaalada wararka Arabnews qeybteeda afka Carabiga ayaa baahisay in Muqdisho Lagu dilay Madaxii Sirdoonka Dowladda Qadar oo dhawaan socdaal ku yimid Magaalada Muqdisho.

Warbaahinta Arabnews ayaa ku warantay in  Madaxa Sirdoonka Qadar Muqdisho u yimid si uu u qorto Ciidamo Dowladda Qadar ku xoojiso mucaaradka ku kacsan Maamulka Calawiga Bishaar Al-asad.

Wakaalada ayaa sheegtay in Madaxi Sirdoonka Qadar uu ku dhintay qarax dhawaan lagula eegtay kolonyo uu la socday oo marayay Number 4 ee Muqdisho.

Dowladda qadar ilaa iyo haatan kama  hadlin warka ka soo baxa Wakaalada Arabnews.

25714087

Dowladda qadar ayaa gacan weyn siisa Sirdoonka Dowladda Federaalka.

Madaxiii sirdoonka dowladda qadar ayaa la sheegay inuu dhaawac u geeriyooday.

Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ayaa dhawaan sheegatay Masuuliyada weerar ka dhacay Muqdisho iyagoo sheegay inay ku bartilmaameed sadeen wasiirka Arimaha Gudaha iyo wafdi la socday.

XIGASHO  SABAAX.COM

25660838

25128833

 

 

Banaadir Post.

Ina Xaaji Fiqi”Shabaabku joogto ayay usoo weeraraan Ciidamada, inaguna Hub mahaysano”

25713407Cabdiakriin Maxamuud Xaaji Fiqi oo ah wasiirka Gaashaandhiga Dowladda Federaalka ayaa ku hor kufay kuna calaacalay Saraakiil iyo Ciidamo Ingiriis ah xili uu ku booqday goob lagu  macahad tababara ciidamada calooshooda ku shaqeeya oo dibadaha  loo diro.

Muddo Afar bil ah wax dagaal ah may aysan qaadin dowladu maxaa yeelay hub mahaysano,ciidamada shabaabku joogto ayay usoo weeraraan Askarteena hubna mahaysano’ayuu ku calaacalay  Ina Xaaji Fiqi.

Fiqi ayaa tilmaamay in Beesha Caalamka cunoqabataynta hubka ka qaaday Dowladda laakin iyagu aysan haysan dhaqaallo ay hub kusoo iibsadaan.

“Ciidan dhisan oo dagaalama waynu haysanaa laakin difaacyada kama bixi karaan maxaa yeelay mahaystaan hub marka waxay sugto uy ihiin dagaallo lagu soo qaado islamarkaana iyagu naftooda ay difaacdaan”ayuu sii raaciyay Ina Xaaji Fiqi”

Warka kasoo baxay Dowladda Federaalka gaar ahaan wasiirka gaashaandhiga ayaa ku soo aaday xili shirkii Ingiriiska loogu yaboohay in ku dhaw 300 oo milyan Doolarka Maraykanka ah.

Maleeshiyo Beeleedka oo u yaqaan ciidamoah kuwa dhaqan  xun oo Mooryaan dadkana dhaca dumarkana kufsada,waxaa kale caan ku yihiin inay sii iibsadaan hubka la siiyo si ugu8 iibsadaan qaad iyo Calaq ay cabaan.

Waxaa Maleeshiyaadkan hortiis ku wareeray kuwii ka horeeyay  sida Cabdulaahi Yuusuf iyo saraakiil dagaaleed oo aad u yaqaan dagaalada oo Ina Xaaji Fiqi” uusan waxba ka aqoon laakin loo keenay inow dadka sii wareersho.

23783794

Banaadir Post.

DHAGEYSO-GABAY:-Federaalku Waa Faquuq iyo Kala Fogeyn Weyne, Qore:- Cabdullaahi Soomaali.

25707402Assallaamu Caleykum. Mahad oo dhan Alle ayay u sugnaatay,Naxariis iyo Nabad gelyo Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.

Gabaygaan waxaa la yiraahdaa Federaal waxaanuu ka sheekeynayaa isku xukumadda Dastuur federal ee maanta caalamka kufriga Soomaaliya u sameeyeen.

Inkastoo ku dhaqan iyo isku xukumidda dastuurada aadmigu qoray oo dhan aanay Shareecada Islaamku ogoleyn hadana midkaan federaalka ahi khatartiisu aad ayay u badan tahay.

Waxaan la soconaa in Dowladda Federaalka ah ee iminka ka jirta Soomaaliya Meelo ka mid ah iyo Maamulada kale ee Dalka ka jira badankood ay ku dhaqmaan dastuurkaas ama kuwa kale oo ay ul iyo diirkeed yihiin.

Waxa Muuqda ee Federaalku xambaarsan yahay waxaa ka daran waxa kusii qarsoon ee mar ay Midduyu Calool ku tagtay indhaha la saari doono hadaan iminka laga hor tegin asiga iyo kuwa kale ee la midka ah.

Waxaan  rejeynayaa in Abwaanada kale sidaan oo kale Maansooyin ka tiri doonaan Federaalka si dadka looga digo halistiisa.

25219531

Halkan Ka dhagayso Gabayga oo Maqal ah MP3

Walaalkey Abuu faatima baan filiyaa haddii Alle yirhaado in aanu ka aamusi doonin oo uu qalinka iyo warqadda isi saari doono sidaas oo kalena inta kalena waa u furantay in ay Maskaxdooda dib ugu shaqeysiiyaan.

foorida shisheeyiyo ragbaa firimbigii raace,

iyagaa fanuuntii filmiga faaqiday orane,

wax kastaba in looga fadhay feyl ku qorayaane,

rabbigay wuxuu faray ayay feer ka marayaane,

fuduushiyo naxli iyo kibar la foohaarku,

kuwa uu faniinshee ka riday fiinta buur dhagaxa

qarnigaan fircoonada jiray fiid u lulayaane,

fuliya wixii ay dhahaan fiirimahayaane,

in faa’iido uu leeyahay fuufta la hayaane,

Maantana waxay soo faraqqi federaal weeyaane.

federaaku waa feex bugtiyo fidmo ololeeye,

federaalku waa ficilki gaal ferenjigaahaaye,

federaalku waa faquuq iyo kala fogeyn weyne,

federaalku waa filim qarbigu furaha haayaaye,

waa qabyaalad faafeysa oo feyrus wadataaye

qarax iyo fool kaano daran weeye federaalku,

Faashiistaha in aad barida oo lala faqaa weeye,

ferin ferin u qeybiye Dalkii farah weynaaye,

waxa ay fangareynayaan fiifti Madaxweyne,

fogaan aragga weydiiyaan fahmi karayaaye,

doqon feyla weynbey rabaan oo ku fila soore,

Fir iyo qabiilkaada iyo faraca sheeg weeye,

Faan iyo is qaad qaad iyo hebel fig sii weeye,

Inagaa ka fiicane iyagu foos ma lahan weeye.

waa fikir gumeystuhu watoo  nagu fidaayaaye,

waa in aan kala firirniyo kala fadduunkeene,

faayo leyska daadsho iyo furuuryahoo dhiiga,

cirid kala faliiqmay iyo gowso kala fiigay

waa feer iyo in leys laadiyo fowdo socataaye,

faaliyaha warkiisa iyo cadaw ku feyl gooyay,

faalaraha midkii kula dhaciyo Maarta iyo faaska,

waa wuxuu dano faafi iyo fuli hadafkiiye,

waa fasaad dharaar joogiyo faaxisho caadane,

waa fansaari shaydaan wixii uu ku faraxyaaaye

waa furundugladood  iyo gaalo fadalkeede.

Duunyada adoo foofsadoo faqrinimo tuuray,

Walaalka inuu fuud iyo feen ka heli waayo,

Kuna fiirsataa baahida weeye federaalku.

Xaqqa,in aad fogeysoo xumaan filixsataa weeye,

Shareecada in aad fellista oo fasaxda weeyaane

fag in aad Islaamka ka tiri kana falaagowday,

sidaana farxad kula tahay weeye federaalku.

fiidnaam kufaarteediyo sidii faransiiska,

Nimankaa is fuul fuula ee firaash wada jiifa,

Qooman luud falkoodi iyo foolxumadi waagi,

fikirkaad niyootaba samee weeye federaalku.

Joon inuu Filsan guursado weeye federaalku,

fursad in ay kaniisado helaan weeye federaalku,

Fartuun iyo in ay Cali dhigtaan weeye federaalku,

faadumo Ninkii qabay hadday fahmi kari weyso,

in furriinka ay leedahay weeye fedeaalku.

Dumarkii fadhiya la yiri femilka qaarkiisa,

faruuryaha iyagoo marsaday fiinto waxaad mooddo,

xijaabkii iyagoo furoo feyday timahooda,

feermadiyo in ay leeyihiin fulinta howl dowlo,

oo farta ragga ugu wacaan weeye federaalku.

wax kastoo facaj laga qaboo fiicni lagu sheego,

fadeexado la naash naasho oo la isugu faano,

federaal waa laga helaa foolxumiyo hooge

iska feydo weeyaan iyo faqlo iyo roore.

federaal iyo wixii kalooy farac wadaagaanba

fin calool ku yaalliyo dhigan furuqa laayaaye,

fariimaha Ilaahay iyo waa firdhiya Diine,

waa furqaanka tuuroo Ibliis fataawihii qaado.

waxaa tiriyay Cabdulaahi Yaasiin Jaamac (Cabdulaahi-soomaali)
W/D Cabdullaahi Yaasiin  Jaamac

cyaasiin10@hotmail.com

23412865

Banaadir Post.

DHAGEYSO:-Daahir Ciiro: “Waa Masuuliyad Darro In Calanka Ingiriiska Laga Taago Madaxtooyada”

25700016

Maalintii shalay waxaa xarunta madaxtooyada laga taagay calanka wadanka Ingiriiska iyadoo gacalo walaaltinimo loogu muujinayo dowladda gaalada ah ee dalkaasi maadaama ay madaxdeedo daadihinayeen shir ku saabsan arimaha Soomaaliya.

Daahir Ciiro oo kamid ah siyaasiyiinta dowladda Federalka ah, horeyna uga tirsanaa Baarlamaanka ayaa mas’uuliyad darro ku tilmaamay in calanka Ingiriiska laga taago madaxtooyada.

Ciiro oo ka careysan ficilkaasi ayaa madaxda dowladda Federalka ah u isticmaalay maahmaahyo la yaab leh oo muujineysa halka ay joogaan madaxda dowladda Federalka ah.

25219531

Halkan Ka Dhageyso Hadalka Daahir Ciiro

XIGASHO RADIO  ALFURQAAN.

25687993

Banaadir Post.