WARBIXIN:-Muddo Laba Bil Gudahooda waxaa Dowladda ka goostay 210 Askari.

25902368“Marka Tusbax Afka laga Furo waxay natiijadu noqonaysaa in tusbaxu uu kala firdhado sidaasi ayay noqdeen Maleeshiyo beeleedkii  ee u hiilinayay ciidamada  Xabashida ee ku sugan Bay iyo Bakool”Sidaa waxaa yiri Suxufi  ah oo la socday xaalada ay ku sugan yihiin Maleeshiyaadka Dowlada federaalka oo iska kala tagaya!.

Tan iyo Markii Dowladda Itoobiya ay ku dhawaaqday in Ciidamadeeda ay kala baxayso gudaha Soomaaliya waxaa shaqada Ciidan ka tagay in ka badan 200 oo Askari kuwaasi oo ay soo tababartay Dowladda Itoobiya.

Maleeshiyaadka goostay ayaa ka baxsaday Gobalada Gedo, Bay iyo Bakool oo ciidanka Itoobiya ay bilaabeen inay si tartiib ah kaga baxaan.

Sababaha Maleeshiyaadku  ay ubaxsanayaan ayaa lagu macneeyay rasaasta oo ku kululaatay iyo Ciidamada Xabashido  ay ka barbar dagaalamayeen oo ku wargaliyay inay is difaacaan maadaama ay ka baxayaan Bay iyo Bakool.

Ciidanka  Itoobiya markii ay ka tageen Xudur ayaa waxaa la sheegay wixii xiligaasi ka danbeeyay in ay  Shabaabku isku dhiibeen Maleeshiyo Beeleed  ka badan 60 Askari oo lasoo xariiray Eheladooda.

Shalay oo ugu danbeysay Lix askari oo kasoo goostay Dowladda ayaa lagu soo bandhigay iyagoo sheegay in Todobo Askari oo Asxaabtooda kamid ahaa ay usheegeen inay kasoo daba tagayaan.

Maalmo ka hor Diinsoor ayaa waxaa lagu soo bandhigay 10 Askari oo Qoryahooda wata kuwaasi oo kasoo goostay Dowladda Federaalka.

Isku celcelis ahaan xogta iyo macluumaadka la helayo  ayaa xaqiijinaya Maleeshiyaadka  Dowladda ka goosatay ee Bay iyo Bakool xiligaan gaarayaan 210 Askari kuwa kalana la sheegayo inay raadinayaan wadiiqadii ay ku baxsan lahaayeen.

25767155

Banaadir Post.

BAYDHABO:-Maleeshiyo Beeleedka Dowlada oo isku horfadhiya duleedka Baydhabo.

25891380Markii ay ku fashilmeen Maleeshiyo  beeleedka  Dowlada Xamar degan  ee  la dagaalka  kula jirta  Shabaabka waxaa sii kordhay kala shigiga iyo is Aaminaad la’aanta dhexdooda ah!.

Dhanka bari ee magaalada Baydhabo waxaa lagu soo waramayaa inay isku horfadhiyaan Maleeshiyo Beeleedyo kawada tirsan DF-ka ee Soomaaliya kuwaa oo maalmihii danbe xiisada u dhaxeysay si aad ah looga dareemayay magaalada Baydhabo iyo Duleedka magaalada .

Mid ka mid ah maleeshiyaadka isku horfadhiya duleedka magaalada waxay ka amar qaataan dagaal ooge Xaabsade   oo Xamar jira, halka kuwa kale aan si dhab ah loo shaacin cida ay ka amar qaataan hase yeeshe sida wararka la helayo tilmaamayaan waa kuwo wata Magaca beesha Hariin ee ka mid ah beelaha dega gobolada Bay iyo Bakool.

Warar kala duwan ayaa laga helayaa waxyaabaha dhaliyay in maleeshiyaadka Ka tirsan Df-ka ee qaab beel ahaanta u Abaabulan ay isku horfadhiyaan duleedka magaalada Baydhabo wararka qaar ee sida hordhac ahaanta ah loo helayo ayaa ku Waramaya Inay jiraan dhul labada dhinac kala tabanayaan oo ay xiisadooda salka ku hayso.

Ugu danbeentiina maamulka Df-ka ugu magacaaban magaalada Baydhabo oo isku dayay inow  kala dhexgalo labada dhinac ayaa ku fashilmay inow xaliyo waxyaabaha ay kala tabanayaan.

Odayaal colooshood u shaqeytayaal ah oo tira ahaana gaarayay 14 oo maamulka Df-ka ee magaalada Baydhabo u xilsaaray  Inay xaliyaan colaada labbada maleeshiyo ayaa maalintii shalay ahayd xabsiga magaalada Baydhabo la dhigay kadib markii ay Ka dhego Adeegeen awaamiir maamulka Df-ka ee Baydhabo uu dul dhigay taas oo fareysay inay so qiimeeyaan dhulalka Labada dhinac ay isku hayaan.

By:-25766986Yuusuf Caato.

Banaadir Post.

DHAGEYSO:-Malaaq Showri iyo Shacabka Muqdisho oo ka Cabanaya Raafka Ciidamada Shisheeye Iyo Maleeshiyo Beeleedka Moqdisho.

25889396Waatii aan Idin soo gudbinay Dhalinyaradii Magaalada Muqdisho oo sidii Awrtii la isku xiriirsaday, hadda waxaa qaylo Afka ku shubtay oo yiri Anigaa Qori Wiil yar igu fiiqay oo dariiqa mari waayey, Malaaqa Xamar iyo Xamar Daye Malaaq Cali Malaaq Coloow Malaaq Showri, sidoo kale Shacabkii ayaa ka warbixiyey xattaa in Diintii Islaamka laga cararayo, Oday Macalin Dugsi ahaa ayey Murtadiintu gurigiisa Albaabkiisa ka qabteen markaas ayuu yiri, “Anigu Macalin ma ahi Dugsina waligay ma dhigin”.

Macalin kaas wuxuu maqlay Macalimiinta Dugsiyada ayaa Madaxa laga tooganayaa, xaggee joognaa Maantay Qofkii Ilaahay Quraankii dhigayey markii sidaas yiraahdo?, waa maxay dulinimada kaweyn oo Shacabka Soomaaliyeed ku habsatay?. Dad badan waxay ku leeyihiin Xassan Gurguurte ayaa Nabadkeenaya iyo kuwa duliga  la shaqeeya.

Qofkii Diin iyo Caqli leh waa garan garaa sida Nabadda iyo Hormarka lagu gaaro, Magaalada Muqdisho wakhtigii Maxkamadaha Islaamigaa waa la ogaa 6dii Bilood Nabadda iyo Macaanka Walaaltinimada Islaamkaa sida Qofkasta u Arkay, xattaa gaalada ayaa ka sheekaysa oo Buugaag ka qoray, markii gaaladii ogaatay Diinta Islaamka oo aan hirgalino ayey noosoo dureen Wiilal Masiixiyeena oo Baybalkooda Xerada Xalane ka Akhrinaya.

Cali Xaamud Ninka Afhayeenka Ciidamada Shisheeye u ah Qofkii aan ogayn ha ogaado waa Masiixi Afsoomaali ku hadlaya, markaan gacan kadhiganay kaas oo kale ayaa Ilaahay duleeyey Dad badan, Soomaaliyey Waligeen Naxariis Ilaahay Arki mayno inta aan diidan nahay hirgalinta Shareecada Islaamka kudhaqan keeda.

25739582

Dhagayso MP3 Halkaan Riix Ama Guji

Isha Maqalka Alfurqaan.

25889396 (1)

Abwaan Raage:- “Caadil mooye cid kale laga cabsooneynin”

https://i1.sndcdn.com/avatars-000022136995-n5w431-large.jpg?d9dc656

Banaadir Post.

DHAGEYSO TARSAN OO KA NAXAY:-Dumar Shisheeye ah oo la Wareegay Shaqooyinka Hoose ee Madaxtooyada iyo Hoteelada Moqdisho!

25883865Haweenkan oo da’doodu u dhaxayso 15-25 ayaa intooda badan dhalasho ahaan kasoo jeeda wadamada Uganda, Itoobiya, Kenya iyo Koofur afrika sida ay inoo xaqiijiyeen qaar kamid ah saraakiisha dowladda Federalka ah.

Hoteelada iyo xarumaha dowladda ayaa ah kuwa ugu badan oo ay ka shaqeeyaan dumarka ajaanibta ah, iyadoo midda ugu mushaarka yarna la siiyo lacag gaareysa 200 doolar bil kasta.

Haweeney qaawan oo madow ah ayaa raashinka ka qeybineysan shirkii u dambeeyay ee ay madaxtooyada ku qaateen wafdigii Igad iyo madaxda dowladda Federalka ah sida laga dheehanayay masawirada goobta laga soo qaaday oo illaa iyo hadda ku jira Internetka.

25883904

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ee dowladda Federalka ah ayaa ka carooday dowrka ay cayaarayaan dumarka gaalada ah, isagoona damiir xumo ku tilmaamay in duamr noocaas ah ay raashin ka qeybiyaan shirarka dowladda.

Haweenka gaalada ah ee ka shaqeeya hoteelada iyo xarumada dowladda ayaa sharci darro ku jooga wadanka iyadoo mid walbaahi ay ku doodeyso “waxaa ikeenay oo iga wakiil ah ciidamada Amisom”.

 

25739582 HALKAN KA DHAGEYSO WARBIXIN KU SAABSAN DUMARKA AJAANIIBTA AH EE MUQDISHO.

Todobaad ka hor ayey ahayd markii golaha wasiiradu ka hadleen arintan islamarkaana ciidamada shisheeye ugu baaqeen iney ka jawaabaan dadka ajaanibta ah ee ay wadanka kusoo qubayaan.

Ciidamada shisheeye ayaa quursaday hadalka golaha wasiirada mana jirto wax jawaab ah oo ay illaa iyo hadda ka siiyeen arimahan.

Shaqada dumarka gaalada ah kuma eka oo kaliya adeegto ama in ay ka shaqeeyaan xafiisyada iyo hoteelada, hase ahaatee waxaa kaloo ay ka ganacsadaan jirkooda.

Ciidamo aad u badan oo ka tirsan kuwa dowladda Federalka ah ayaa waardiyeeya hoteelada noocaas ah ee ay Zinadu la dagtay kuwaasoo mushaar lagu siiyo.

Sidoo kale dowladda Federalka ah ayaa canshuur ku leh lacagaha Zinada kasoo gala dumarkaasi gaalada ah iyo hoteelada ay ka shaqeeyaan.

Magaalada Hargeysa waa sidan oo kale, iyadoona hoteelada iyo guryahaba ay ka shaqeynayaan dumar nasaaro ah oo u dhashay dalka Itoobiya.

Sidoo kale magaalooyinka Boosaaso iyo Garowe ayaa iyaguna lamid ah Hargeysa, waxaana aad ugu badan dumarka xabashida Itoobiya.

Caruur aabe la’aan ah ayey dhalayaan haweenkan, dastuurka dowladda Federalka ahna waxaa ku qoran in uu Soomaali yahay qof kasta oo ku dhasha wadanka, xitaa Yahuud ha ahaado.

Sidaa darteed waxaa muuqanaya in wadanka loo qabsanayo si aan toos ahayn, kadib markii gaaladu ku daashay in ay ku qabsato awood milatari, waxaana taa mahadeeda Allaah kadib iskaleh mujaahidiinta oo u dhabar adeegay duulaanka gaalada.

Si kastaba ha ahaate’e waxaa kaloo iyana muhiimadeeda leh in ummadu ku baraarugto khatarta cudurka Aidiska ee kasoo foolka leh dumarka gaalada ee ka shaqeeya xarumaha dowladda iyo hoteelada Muqdisho.

XIGASHO  RADIOALFURQAAN.COM

http://radioalfurqaan.com/?p=2259

25883900

Banaadir Post.

DHAGEYSO-DAL IIB AH:-Aqoonyahan sharaxaad ka bixiyay Shirkad Ajnabi ah oo Xasan Gurguurte Qandaraas ku siiyay Raashinka Quutul Daruuriga ah iyo dhul beereed loo saxiixay!

25876362Wargayska Financial Times ayaa qoray Shirkad La yiraahdo DVK oo xarunteedu tahay Wadanka Britain inay heshiis maalgashi ah la gaartay Dowladda Federaalka ee madaxda u yahay Xasan Sheekh.

Qandaraaska Shirkada Heshay ayaa dhigaya in raashin qutul daruuri ah soo galiso Dalka iyadoo lagu wareejinayo dhul beereed baaxad leh si ay ugu abuurto dalag kala duwan.

Qandaraaska Shirkadu gashay ayaa lagu maalgalinayaa Aduun Lacageed oo gaaray Hal Bilyan Doolarka Maraykankja.

Qandaraaska ayaa Xasan iyo shirkadu waxay ku kala saxiixdeen Magaalada London oo uu ka socday shir ay soo agaasintay Dowladda Ingariiska.

Waxay ka ganacsan doontaa Dhismaha Buundooyinka,Iskuullo iyo Xamuulka Hawada oo aan si buuxda loo qeexin.

Aqooyahan Cabdullaahi Cali Yirid oo ku sugan Dalka Ingariiska Aqristayna Taariikhda Shirkada ayaanu kala sheekaysanay waxa lagu garanayo shirka iyo Heshiiskaan waxa uu ka dhiganyahay.

25739582

Dhageyso Aqoonyahan Cabdullaahi Yirid oo sharaxay Qandaraaska Shirkadda DVK

XIGASHO RADIO ALFURQAAN.COM

25681555

Banaadir Post.

DHAGEYSO:- Abuu Muscab “shan kufaarta Afrikaanta ah ayaan ku dilnay Madaafiic aan Madaxtooyada ku garaacnay”

25876181Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa sheegtay in ay toban gantaal ku dhufatay aqalka Madaxtooyada ee Magaalada Muqdisho Villa Somalia.

Wuxuu intaas ku daray in ay qaar kale oo shisheeyaha ka mid ah  halkaas ku dhaawaceen.

Duqeynta Madaxtooyada ayaa saameyn ku yeelatay Madaxda Dowladda federaalka ah oo qaarkood  sariiraha ka carareen.

Waxay tani muujineysaa in Shabaabku Caasimadda ku xoogan yihiin taasoo dhabar jab ku ah warkii shisheeyaha iyo Dowladda federaalka ah ee ahaa in ay Caasimadda keligood Maamulaan.

Abuu Muscab wuxuu sidoo kale ka hadlay dagaalo ka dhacay gobalada Shabeelaha hoose iyo Gedo.

Wuxuu hoosta ka xariiqay in ay xalay weerareen Ciidamada Shisheeye ee jooga Deegaanka Jannaale ee Gobalka Shabeelaha hoose.

25739582


Halkan Ka dhagayso Shirka Jaraa’id ee Abuu Muscab MP3

25864473

Banaadir Post.

KISMAAYO:-Siyaasad Xumada Xasan Gurguurte iyo C/Kariim Guuleed oo Sababtay in Shakuul iyo Gaandi ku dabo feylaan Axmed-madoobe

25862578Xasan Gurguurte waa nin ka arradan siyaasadda! Waaba nin jecel inuow cadow isu sameeyo! Wuxuu keenay in  Shakuul ,Gaandi iyo tartamayaal kale u daayaan Axmed-madoobe sheegashadiisa madaxweynaha Jubbaland!

Waxaa soo dadejiyey markii Xasan Gurguurte ka adeejiyey wasiirka arrimaha gudaha, C/Kariim inuu ku hadlo haddalo qabiil ka dhadhamayo! Waxaa intaas dheer waxaa hadlay Xaad iyo Diiriye! Waxaa Jubbaland ka soo horjeestay Galmudug iyo Ximan & Xeeb! Intaas markay arkeen nimankii ku qabiilka ahaa Axmed-madoobe baa yiri oo hadday gobolladaas iyo qabiillooyinkaas ka soo horjeesteen Axmed-madoobe; ma isagaa geed ka dhashay!

Waxaa intaas dheer, Xasan Gurguurte markuu u baahnaa taageero buu Somaliland madaxa ku diiray, weliba waqti ay Somaliland ku jirto dabbaaldeg!

Waxaana dhinaca  kale isku saf ka soo wada jeestay Faroole,Gaas,Cumar Sharma’arke iyo Ina Ileeyga Xabashida.

25681555

Banaadir Post.

MOQDISHO:-Madaafiic xalay lala helay Xarunta Villa Soomaaliya iyo Federaalkii oo fadhiid ah!

25860654Guutada Madaafiicda Xanbaara ee xarakada Shabaabul Mujaahiin ayaa xalay dhowr gantaal u diray Xarunta Madaxtooyada Muqdisho ee Villa Soomaaliya oo saldhig ah Madaxda Dowladda Federaalka.

Madafiicda ayaa ku hoobatay qeyb kamid ah Madaxtooyada xili shir uu usocday Xasan Gurguurteiyo Saraakiil Cadaan ah.

Lama oga qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay madaafiicda oo hoobiyayaal ahaa kuwaasi oo sidii roobkii ugu hoobtay Villa Somalia.

Saraakiil ka tirsan Dowladda ayaa Aaminsan in Muqdisho xalay laga dhex duqeeyay xarunta Madaxtooyada iyagoo saaka ku yaacay qeybo kamid ah Degmada Wardhiiglay ee Muqdisho.

Ciidamada xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ayaa dhowr mar horay hoobiyayaal ugu garaacay  Villa Soomaaliya.

Dhanka Dowladda iyo shabaabku wax war ah kama aysan soo saarin madaafiicda xalay ku hoobatay Aqalka Madaxtooyada.

In Muqdisho dhexdeeda laga duqeeyo Madaxtooyo oo si weyn loo waardiyeeyo ayaa ka dhigan in amaan ka  ahayn, shabaabkuna qeybo kamid ah ay la maamulaan,taaso si iska cad dadka Moqdisho ku nool.

Banaadir Post.

“Anaa diiday gaal daacufle ah, dabagalkiisiiye”Sayid Maxamed Cabdulle Xasan,Raxiimulaah.

25846808Gaalada dirayska leh anaan, daabadda u qabane

  • Anaa diiday dagal inaan la galo, daalin ii colehe
  • Dalka ma lihid anigaa ku idhi, doora weynaha e
  • Anaa diiday nabadiisa aan, daacad noqonayne
  • Anaa diiday deeqdiisa ay, naari dabataale
  • Dahabkii uu waday waanigii, daadiyee qubaye
  • Dagaalkiisa anigow xishoo, daalib ku ahaaye
  • Durdurada Fardowsaad anaa, doortay oo rabaye
  • Anaan labada daarood tan hore, darajo moodaynin
  • Anaa diiday gaal daacufle ah, dabagalkiisiiye
  • Doofaarka eyga ah anaan, daarihiis galine
  • Sida doxorka ?# anaan, duud xamaal noqone
  • Anigaan dariiqiyo waddada, dowga sii marine
  • Anigaan dillaalkiyo arliga, duubigaw xidhane
  • Anigaan dariiqada Alliyo, diinta cassiyine
  • Daliilkii rasuulkii anaa, doonayoo helaye
  • Diinkayga anigaan ku gadan, dabaqii naareede
  • Anaan labada daarood tan hore, darajo moodayne
  • Markay duusho gaaladu anaan, daabbaddu rarine
  • Goortay dareeraan anaan, diiradda u qabane
  • Dadow maqal dabuubtaan ku idhi, ama dan haw yeelan
  • Dunjigiinba waataad kufriga, daba ordayseene
  • Waataad iigu daranteen markaan, diiday oo nacaye
  • War waatow digayseen markaan, duulan soo waco e
  • Waataad colaadii dorraad, iigu daranteene
  • Markaan diirtay waataad dushiyo, doc iga boobteene
  • Waataad markii aan dafaray, daaha galiseene
  • Waataad dushiina u rarteen, duq iyo waayeele
  • Waatowla daristeen sidii, duul walaalo ahe
  • Markaan didiyey waataad warmaha, igula duusheene
  • Gortaan digniintiyo ergada, idinka deyn waayey
  • Waataad damiin igu qirteen, dawriyoo falane
  • Dikriga iyo eedaanka waataad, ka durugteene
  • Waataad inuu dawlad yahay, dood ku bixiseene
  • Dibnihiina waataad inuu, dego ka sheegteene
  • Waa taad dariiqyada barteen, noo dadnaan jiraye
  • Goortuu dantiisii helee, idin dubaaqeeyey
  • Waataad dacluuskii Berbera, ula dawaafteene
  • Diihaalka waataad Hindiga, daal ka barideene
  • Dagaagiina waatii xeryaha, deyran loo dhigaye
  • Waatuu dareersaday fircoon, diracyadiiniiye
  • Waatuu diyaar ugu laqimay, diinta gaalada e
  • Damac beena weeyaan waxaad, nagu dilayseene
  • Waa waxaad dariiqii sharciga, uga dullaanteene
  • Dawgii Rasuulkiina waad, dabamartayseene
  • Nin dardaran iblayskii dafaa, dow ka raaridaye
  • Dallacaad jaceylbaad kurtiin, noola dirirteene
  • Dubaaqii waxaa idinka galay, daaro buuxsade e
  • Dawo kama heshaan faranji aad, daawo dhigataane
  • Dabinbuu idiin qoolayaa, waydin dagayaaye
  • Dirhamkuu idiin qubahayaad, dib u go’aysaane
  • Doodna waxaan u leeyahay dadkeer, hadalka deyn waayey
  • Nimanyahow damiinnimada waa, lagu dulloobaaye
  • Dadku wuxuu jeclaystaa waxaan, duxi ka raacayne
  • Nin ragay dardaaran u tahaye, doqon waa mooge
  • Denbi weeye Kufriga, aad u dabcaysaane
  • Marka horre dabkuu idinka dhigi, dumar sidiisiiye
  • Mugga xiga dushuu idinka rari, sida dameeraha e
  • Mugga xiga dalkuu idinku odhan, duunyo dhaafsada e
  • Mugga xigana daabaqadda wuu, idin dareensiine
  • Dunjigeeda Soomaalibaan, deyrka ka ahaaye
  • Dhaaxaan Daraawiishta idhi, doonta gaalada e
  • Dhaaxay asgaro uu dalbaday, dabada taageene
  • Dhaaxaan dabkii iyo la hadhay, duunyaduu wadaye
  • Dhaaxaan intaan janano dilay, soo dabaaldageye
  • Dhaaxaan dekado uu camiray, dumiyoo rogaye
  • Ninkiisa dirirta geya maalinbay, dunidu ciishaaye
  • Maantaan dabaaldegga iyo, darajo eegaayey
  • Ragga haatan igu diimayow, duxi ha kaa raacdo.25794113

Banaadir Post.

25701270

VIDEO:-Inta Xildhibaano Mooshin ka horistaagayaan Mey Al-shabaab Qaraxyada ka hor istaagaan!

25840657Waxaa la yaab leh in Ciidamada Nabadsugida Dowladda oo u xilsaaran ammaanka iyo nabada muwaadiniita Soomaliyeed ay howshooda ku soo ekaatay in ay xildhibaano ka hor istaagaan in ay kulmaan.

Haddaba, su’aasha is weydiinta mudan ayaa ah yaa fariin loogu dirayaa ka hor istaagida maanta laga hor istaagay xildhibaano 110 gaaraya in ay kulan qado ah isugu yimaadaan Hoteel ku yaala Muqdisho?.

“Hotelka City Plaza ayaan ka dalbanay inuu noo diyaariyo qado ay ka qeyb galayaan 110 xildhibaan oo halkaas ku yeelan lahaa kulan ay uga hadlayaan danaha ummada, markii duhurkii la gaaray intaanan gaarin hotelka ka hor ayaa mamulka hotelka waxaa uu nagu soo wargeliyey in ciidamo ka tirsan nabad sugida ay yimaadeen ayna amar ku bixiyeen inaan kulankaas la qaban Karin” sidaa waxa yiri xildhibaan Cali khaliif Galeyr oo ka mid ah xildhibaanadii ka qeyb geli lahaa kulankaas qadada ah horeyna RW uga soo noqday xukuumadihii KMG ahaa ee dalka soo maray.

25807264

Banaadir Post.