DHAGEYSO-DAL IIB AH:-Aqoonyahan sharaxaad ka bixiyay Shirkad Ajnabi ah oo Xasan Gurguurte Qandaraas ku siiyay Raashinka Quutul Daruuriga ah iyo dhul beereed loo saxiixay!

25876362Wargayska Financial Times ayaa qoray Shirkad La yiraahdo DVK oo xarunteedu tahay Wadanka Britain inay heshiis maalgashi ah la gaartay Dowladda Federaalka ee madaxda u yahay Xasan Sheekh.

Qandaraaska Shirkada Heshay ayaa dhigaya in raashin qutul daruuri ah soo galiso Dalka iyadoo lagu wareejinayo dhul beereed baaxad leh si ay ugu abuurto dalag kala duwan.

Qandaraaska Shirkadu gashay ayaa lagu maalgalinayaa Aduun Lacageed oo gaaray Hal Bilyan Doolarka Maraykankja.

Qandaraaska ayaa Xasan iyo shirkadu waxay ku kala saxiixdeen Magaalada London oo uu ka socday shir ay soo agaasintay Dowladda Ingariiska.

Waxay ka ganacsan doontaa Dhismaha Buundooyinka,Iskuullo iyo Xamuulka Hawada oo aan si buuxda loo qeexin.

Aqooyahan Cabdullaahi Cali Yirid oo ku sugan Dalka Ingariiska Aqristayna Taariikhda Shirkada ayaanu kala sheekaysanay waxa lagu garanayo shirka iyo Heshiiskaan waxa uu ka dhiganyahay.

25739582

Dhageyso Aqoonyahan Cabdullaahi Yirid oo sharaxay Qandaraaska Shirkadda DVK

XIGASHO RADIO ALFURQAAN.COM

25681555

Banaadir Post.

“Anaa diiday gaal daacufle ah, dabagalkiisiiye”Sayid Maxamed Cabdulle Xasan,Raxiimulaah.

25846808Gaalada dirayska leh anaan, daabadda u qabane

  • Anaa diiday dagal inaan la galo, daalin ii colehe
  • Dalka ma lihid anigaa ku idhi, doora weynaha e
  • Anaa diiday nabadiisa aan, daacad noqonayne
  • Anaa diiday deeqdiisa ay, naari dabataale
  • Dahabkii uu waday waanigii, daadiyee qubaye
  • Dagaalkiisa anigow xishoo, daalib ku ahaaye
  • Durdurada Fardowsaad anaa, doortay oo rabaye
  • Anaan labada daarood tan hore, darajo moodaynin
  • Anaa diiday gaal daacufle ah, dabagalkiisiiye
  • Doofaarka eyga ah anaan, daarihiis galine
  • Sida doxorka ?# anaan, duud xamaal noqone
  • Anigaan dariiqiyo waddada, dowga sii marine
  • Anigaan dillaalkiyo arliga, duubigaw xidhane
  • Anigaan dariiqada Alliyo, diinta cassiyine
  • Daliilkii rasuulkii anaa, doonayoo helaye
  • Diinkayga anigaan ku gadan, dabaqii naareede
  • Anaan labada daarood tan hore, darajo moodayne
  • Markay duusho gaaladu anaan, daabbaddu rarine
  • Goortay dareeraan anaan, diiradda u qabane
  • Dadow maqal dabuubtaan ku idhi, ama dan haw yeelan
  • Dunjigiinba waataad kufriga, daba ordayseene
  • Waataad iigu daranteen markaan, diiday oo nacaye
  • War waatow digayseen markaan, duulan soo waco e
  • Waataad colaadii dorraad, iigu daranteene
  • Markaan diirtay waataad dushiyo, doc iga boobteene
  • Waataad markii aan dafaray, daaha galiseene
  • Waataad dushiina u rarteen, duq iyo waayeele
  • Waatowla daristeen sidii, duul walaalo ahe
  • Markaan didiyey waataad warmaha, igula duusheene
  • Gortaan digniintiyo ergada, idinka deyn waayey
  • Waataad damiin igu qirteen, dawriyoo falane
  • Dikriga iyo eedaanka waataad, ka durugteene
  • Waataad inuu dawlad yahay, dood ku bixiseene
  • Dibnihiina waataad inuu, dego ka sheegteene
  • Waa taad dariiqyada barteen, noo dadnaan jiraye
  • Goortuu dantiisii helee, idin dubaaqeeyey
  • Waataad dacluuskii Berbera, ula dawaafteene
  • Diihaalka waataad Hindiga, daal ka barideene
  • Dagaagiina waatii xeryaha, deyran loo dhigaye
  • Waatuu dareersaday fircoon, diracyadiiniiye
  • Waatuu diyaar ugu laqimay, diinta gaalada e
  • Damac beena weeyaan waxaad, nagu dilayseene
  • Waa waxaad dariiqii sharciga, uga dullaanteene
  • Dawgii Rasuulkiina waad, dabamartayseene
  • Nin dardaran iblayskii dafaa, dow ka raaridaye
  • Dallacaad jaceylbaad kurtiin, noola dirirteene
  • Dubaaqii waxaa idinka galay, daaro buuxsade e
  • Dawo kama heshaan faranji aad, daawo dhigataane
  • Dabinbuu idiin qoolayaa, waydin dagayaaye
  • Dirhamkuu idiin qubahayaad, dib u go’aysaane
  • Doodna waxaan u leeyahay dadkeer, hadalka deyn waayey
  • Nimanyahow damiinnimada waa, lagu dulloobaaye
  • Dadku wuxuu jeclaystaa waxaan, duxi ka raacayne
  • Nin ragay dardaaran u tahaye, doqon waa mooge
  • Denbi weeye Kufriga, aad u dabcaysaane
  • Marka horre dabkuu idinka dhigi, dumar sidiisiiye
  • Mugga xiga dushuu idinka rari, sida dameeraha e
  • Mugga xiga dalkuu idinku odhan, duunyo dhaafsada e
  • Mugga xigana daabaqadda wuu, idin dareensiine
  • Dunjigeeda Soomaalibaan, deyrka ka ahaaye
  • Dhaaxaan Daraawiishta idhi, doonta gaalada e
  • Dhaaxay asgaro uu dalbaday, dabada taageene
  • Dhaaxaan dabkii iyo la hadhay, duunyaduu wadaye
  • Dhaaxaan intaan janano dilay, soo dabaaldageye
  • Dhaaxaan dekado uu camiray, dumiyoo rogaye
  • Ninkiisa dirirta geya maalinbay, dunidu ciishaaye
  • Maantaan dabaaldegga iyo, darajo eegaayey
  • Ragga haatan igu diimayow, duxi ha kaa raacdo.25794113

Banaadir Post.

25701270

DHAGEYSO:-Amiirka Mujaahidiinta Alshabaab oo la hadlay Somali meel walba ay joogto kana warbixiyay Shirka London Mujaahidiintana ugu baaqay inay gilgilaan xarumaha cadowga.

25659581Sheekh Muqtaar Cabdiraxmaan Abuu Zubayr Amiirka Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ayaa ugu horeyn utahniyeeyay Mujaahidiinta  muddo saacado ah la wareegay gacan ku hayntii  xarunta Maxkamada Gobalka Banaadir isagoo allaah ugu baryay in darajadooda uu koryeelo, shahaadadoodana ka aqbalo.

“Waa dhiiga shuhadada waxa fashiliyay duulaankii Mareykanku dalkeena  ku soo qaaday,waa dhiiga shuhadada waxa Itoobiya u diiday inay qabsadaan dalkeena,waa dhiiga shuhadada waxa dumiyay shirqooladii gaallo raacyada ay kamid ahaayeen Cabduulaahi Yuusuf iyo Shariif Murtad,waa dhiiga shuhadada  waxa burburin doona dabinnada Yugaandhayska iyo dabadhilifyadooda”ayuu Yiri Amiirka xarakada Shabaabul Mujaahidiin Sheekh Mukhtaar Cabdiraxmaan Abuu Zubayr.

Amiirka Shabaabul Mujaahidiin ayaa intaasi ka dib fariintiisa  is dul istaag ku sameeyay laba  arimood oo kala ah dhibaatooyinka Nidaamka Dowladda Xasan Sheekh ugaystay umadda Muslimka  Soomaaliyeed iyo shirka ka dhacaya Dalka Britain.

“Waxay soo waarideen destuur ka dhan ah umadda Diinteeda,dhaqankeeda iyo danaheedaba  la guna saleeyay rabitaanka dad shisheeya ah oo diin iyo dhaqan midna wadaagin,kitaabkii allana waa la tuuray”ayuu hadalkiisa raaciyay Sheekh Mukhtaar Cabdiraxmaan Abuu Zubayr.

25219531

HALKAN KALA DAG KALIMADA ABUU ZUBAYR AMA KU DHAGAYSO FLASH PLAYER

Abuu Zubayr oo looga bartay in fariimaha  uu ku soo qaato gabayo ka hadlaya arimaha uu ugud binayo shacabka Soomaaliyeed ayaa yiri.

25659630

Ma lahase Diintu waxay tahay dadku waannu  garaninee.

Dibnaha ka ashahaadiye ma aha dabarka goosee.

Horta  diintu waa dhaqan,destuur iyo axkaamba leh

Dowladoo Cadaalada ,maadada daliilo leh

Dagsan oo la kala qoray.

Aadniga Dantiisuye ilaahay udoorbiday.

Ninka daayacee Nacay.

Mid Ibliis udaabacay desutur kale ka yeeshee  hawadiisa door bida.

Nin dafiray quraankii bal inuu ka duwanyahay iyo inuu ka daranyahay.

Danbigiisu waxa uu yahay diintee ku taalaa dunna la guma dhaafine miyaa si hoosba loo dayay.

 

Arinta Labaad ee Dowladdu ku dhaqaaqday ayuu Sheekh Mutaar Abuu Subeyr ku sheegay inay Jideeyeen oo ay gabood u noqdeen qabsashada Dalka iyo kala qeybintiisa iyagoo ku magacaabay Ciidamada gumaystaha soo duulay inay yihiin ciidamo nabad ilaalin.

Sheekh Muqtaar Abuu Zubayr ayaa sheegay  in ficilka Dowladdu ku qaabishay Shisheeyaha soo duulay  ay keentay in Ciidamo ajaaniib ah  qabsadaan Magaalooyin ka tirsan koonfurta Soomaaliya islamarkaana iyagii gaboodka u ahaa aanan wax tallo ah looga ogolayn.

Amiirka Mujaahidiinta Alshabaab ayaa carabka ku dhuftay in ilihii dhaqaalaha  gaallo utaliyaan,boobna lagu hayo  khayraadkii dalka, iyagoo qalqal galiyay dhaqaalihii gudaha  islamarkaana horseeday  Sicir barar iyo qalalaaso sarif.

“Waxay horseedeen faafinta anshax xumada iyo duminta Aqlaaqda,amniga ay sugayaan iyo nabada ay wadaana waxay ku soo uruurtay in ciidamo shisheeye ku hogaamiyaan deegaamo aamin ah oo sharciga alle  hoos harsanaya dadkana ay ka dhigaan wax barakaca wax la laayo wax la xerxiro  iyo wax cabsada”ayuu yiri Sheekh Muqtaar Abuu Zubayr.

Amiirka Mujaahidiinta Soomaaliya Sheekh Muqtaar ayaa sheegay in xabsi  wadareedyo aan kala sooc la hayn si joogto kaga dhacaan Muqdisho,Kismaayo iyo Baydhabo isla markaana dadka madax furasho lagu daayo halka kuwa kalana xabsiyada in la gala baxo maydkooda jidadka la soo dhiga.

“Arimaahasi  aan sheegnay waa tan  keentay Mareykanka in Ictiraaf iyo soo dhaweyn ku qaabilo Madaxda ridada maxaa yeelay waxay uxaqiijiyeen ujeedooyinkii ay rabeen”ayuu hadalkiisa kusii dhidbay Sheekh Mukhtaar Abuu Subayr.

Amiirka Mujaahidiinta Alshabaab  oo hadlayay  qadar 10 daqiiqo ah ayaa sheegay in Nidaamka ridada fashilkiisu uu  soo  shaac baxay , wadiiqadii burburkana cagta saaray.

25659678

 

Waqtigii danaystuhu dhammaa,waana dhacayaanee.

Rag dhalaashadoo ciil qabaa dhuunta kala goynee.

Dhiig miirada waa la leyn , dhuuni raaca ah.

Dhagtaa dhiiga loo darri raggaa dhaafay samihiiyee.

Inshaa allaahu waa lagu dhugtami subaxaan dheereyn.

 

Sheekh Muqtaar Cabdiraxmaan Abuu Zubayr ayaa kalimadiisa sidoo kale kaga hadlay Shirka London ee dhacay Todoba Bishaan May.

Sheekha ayaa sheegay in sadex qodob saldhig u yihiin shirka London ee marti galinayso Dowladda Ingariiska.

1-ayuu ku  sheegay in la gula wareegayo ilaha dhaqaalaha iyo qeyraadka dalka wixii ka haray.

2– kala qeybinta dalka iyadoo lagu wajahayo waxa loogu yeeray Federaal.

3.in xukunka Allaah laga tago oo lagu bedasho xeerarka Ingariiska iyo Mareykanka.

“Ogsoonaada in dalka la qabsaday lana qaybsaday ,waxa idiin haystaa waa Itoobiya,Kenya iyo Uganda,dadka la adeegsananaya waa dad muuqa iyo magaca idinla wadaaga laakin Fekerka iyo Anshaxa la wadaaga gaalada soo duushay.

Ugu danbeyntii  Amiirka Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ayaa ugu baaqay shacabka inaysan ku kadsoomin balanqaadyada gaalada iyo gaala raacyada.

25659581 (1)

Banaadir Post.

Amisom oo Unisom loo Bedelay iyo Sirta ka Dambaysa

25647316

Magaacabidda Diblomaasiga Ingiriiska ee lagu bedelay Ambassador Mahiga ayaa shaki laga muujiyay sirta ka dambaysa  inay tahay in Soomaaliya daaha gadaashiisa ay ka maamulaan Qaramadda Midooobay loona diiday inay ka tashadaan Diintooda iyo dalkooda.
Ergayga gaarka ah ee Qaramadda Midoobay u magacawday Soomaaliya Nicholas Kay ayaa si toos ah  u maamuli dooona  dhaqaalaha iyo siyaasadda Soomaaliya,waana Dayaaqilad qarsoon ama dadban iyo dadka oo lasirayo.
Qaramadda Midoobay ayaa Xafiiska Siyaasadda Soomaaliya u qaabilsan ee  (UNIPOS)  u bedeshay Unisom  hadda kunturaad ku siisay sida aan xogta lagu  heleyno,maadaama Soomaali loo diiday inay heshiiso  lana soo dhoobay ciidamo calooshooda ku shaqeeya iyo Maleeshiyo Beeleed  dhaqan xun,Waxaana Unisom hogaami doontaa shirka London iyo   in la dhiso 2-sanno gudahood  3-Maamul Goboleed oo kala ah:
1-Jubbaland:oo ka kooban Jubadda-Hoose,Jubada-dhexe iyo Gedo,caasimadna looga dhigo Bu’aale.
2-South-western-State:oo ka kooban:Bay.Bakool iyo Sh/hoose:Caasimadna looga dhigo:Baydhabo.Baardheere-Afgooye.
3-Middland:oo ka kooban:Hiiraan,Sh/dhexe iyo Galgaduud:Caasimadna looga dhigo Beledweyne.Gaalkacyo-Balcad.

Waxaana maamulka Banaadir ku soo hari doona  Moqdisho waxaana taasi  dhib ku tahay Xasan Gurguurte iyo maamulkiisa degan Villa Somalia laguna ilaalsho kaaraha Amisom.

Waxaana sidaas ahaa qorshihii mudada soo socday ee loogu magac daray Road Map-ka salkiisuna yahay waxa loo yaqaan Dastuurka oo  maanta Somali  isku haysato.

Sidaas ayaa  la rabaa in lagu qaato deeqda Somaliyeed iyadaoo la adegsanayo Dabadhilif Somali ah iyo ciidan calooshooda ku shaqeeya oo Afrikaan ah.

Dad la socda xaaladaha Somalia ayaa aamisan in arinku kashif ku dhamaan doono,sida kuwii ka horeeyay, shirkii  London oo sanadka hor la qabtay iyo Road mapkii oo soo dhaafi waayay  dhowr xaafadood oo Moqdisho ah.

25235126

Dagaal-ooge caan ahaa oo ay ciidamadii gumaysiga Ingiriisku ku dhaaran jireen oo la odhan jiray Richard Corfield, Soomaaliduse ku naanaystay Koofil oo ay Daraawiishi ku makashay dagaalkii Dulmadoobe ee 1913kii ayuu Sayidku gabaygan ka tiriyey.

Koofil wuxuu ka mid ahaa madaxda sare ee gumaysiga Ingiriiska dalka Soomaaliya wakiilada uga ah, wuxuuna gaar ahaan hoggaamin jiray col la odhan jiray (Camel Corps) Soomaaliduna u taqaanay Rakuubley.  Col afar-lugood u badan oo awrta ku duula, sidaasna Rakuubley kula baxay ayuu ciidankaasi ahaa.

  • Adaa Koofilow jiitayoon, dunida joogeyne
  • Adigaa jidkii lagugu wadi, jimic la’aaneede
  • Jahannamo la geeyow haddaad, aakhirow jihato
  • Nimankii jannow kacay war bay, jirin inshaalleeye
  • Jameecooyinkii iyo haddaad, jawhartii aragto
  • Sida Eebbahey kuu jirrabay, mari jawaabteeda

Banaadir Post.

KISMAAYO IYO KENYA:-Xasan Gurguurte oo Kenya ugu yeertay inow aqbalo Maamulka Kenya ku dhiseyso Kismaayo.

25546675Xasan sheekh Culusoow  ayaa looga yeeray Dalka Kenya isagoo maantana gaaray Mombasa dalka kenya.

Xasan  Culusoow ayaa gaaray  Magaalada Mombasa oo uu kula  kulmay  Uhuru Kenyata,waxaana safarka ugu weynaa arinka Kismaayo oo meel xun  maraya, welina la isku af garan waayay in maamul loo sameeyo,halisna ugu jira in dagaal beeleed ka qarxo.

Axmed Madoobe ayaa isna ka dhoofay Kismaayo si uu ugu biiro wada hadalka Xasan Culusoow ugu yeertay Kenya.

lama oga sida uu u hirgalayo danaha Kenya ay ka leedahay Jubbooyinka iyadoo geed dheer iyo mid gaabanba u koreysa gumaysiga dhaqaale oo ay la damacsantahay Gobalada Jubbooyinka.

Waxaa qarash badan ku bixinaya in  Kismaayo loo helo  maamul gaar ah dowlada Norway oo dhawaan ka howl gali doonta qeybo ka mid badaha koofureed ee Somalia, walow ay hor yaalaan caqabado adag oo lama gudbaan iyo dagaalo aan dhamaad lahayn oo weli ka jira gayiga Somaliyeed.

Kenya ayaa wakiil ka ah kuwa iska leh dagaalada ka socda  gayiga Somaliyeed,kuwaas oo ciidankeeda ku biila magaalada Kismaayo iyo Afmadow oo ka jogaan Jubooyinka,waxaana ka socda dagaalo,waxaana la sugayaa inay ka qarxaan dagaal beeleedyo ay caan ku yihiin ku howsha horboodaya.

25543761

Banaadir Post.

KENYA IYO GAYIGA SOMALIYEED:-Wargeyska Daily Nation oo kashifay in Kenya qorsheyneyso Shidaal Baaris in ay ka billowdo Gobollada Jubbooyinka Iyo Xeebaha Soomaaliya labada Bilood ee soo socota gudahood.

25502774Wargeyska Afka dheer ee Daily Nation ayaa Qarxiyey Qorshe ay dowladda Kenya ku damacsantahay in ay Shidaal Baaris uga Billowdo Deegaannada Jubbooyinka ee ay haatan Ciidamadeedu haystaan Iyo Xeebaha ku dherersan Xuduudda Somaliya ay Kenya la leedahay ee ay Kenya isku dayeyso in ay Muranka geliso.

Wargeyska ayaa shaaca ka qaaday Shirkado Reer Galbeed ah oo Arrinkaas kala shaqeynaya Dowladda Kenya, Iyadoo sidookalena Wargeysku uu soo hadal qaaday wax uu ku sheegay Muran ka taagan Xudduudda Badda ee labada Dal ee Somalia Iyo Kenya, Murankaasoo Wargeysku uu xusay in Dowladda Kenya ay kuguuldarreysatay in ay ka xalliso dowladdii Kumeelgaarka ahayd ee Sheekh Shariif, Kadib Markii Saxiixii ay Dowladdaas ka heshay uu kusoo diiday Baarlammaankii KMGka ahaa ee Xilligaas jiray.

HALKAN KA AQRI WARBIXINTA WARGEYSKA

Kenya ayaa Maadaama ay weysay Saxiixii ay ku xalaashan lahayd qeybo kamid ah Xuduudaha Baddeenna, Waxa ay haatan qorsheyneysaa in ay gebi’ahaanba qabsato Gobollada Jubbooyinka iyo Xeebaha halkaa ku yaalla oo ay hoosgeyso Maamulkeeda, Iyadoo qorsheyneysa in ay Halkaas si qasab ah uga sameyso wax ay ku sheegeyso Maamul-Jubbaland oo iyada hoostaga si ay qorshaheeda dhaqaale uga fushato gudaha Soomaaliya, Waxase aysan Kenya Xisaabta ku darsanin in waxa ay raadineyso ay yihiin Calaacal Timo kasoo baxeen, Waxana ay moogyihiin in Soomaalidu aaney wada ahayn Kuwa ay ku Gumeystaan NFD oo kale.

25331174

Banaadir Post.

Turkida oo ka guuraya Moqdisho ka dib markii dhiigoodo gaaray dhulka Somaliyeed.

25400466Waxaa guuraya Turkidii soo  gaaray Moqdisho,cabsi iyo amaan xumo ka jirta magaalada Moqdisho awgeed ayay isagu tageen meelo cayiman.

Turkida ayaa og ama hada ogaaday in moqdisho tahay magaalo dagaalo ka jiraan la iskuna haysto,qeybna ay ka yihiin dagaalkaas ka socda Moqdisho,shiishkuna saaran yahay, maxaa yeelay maalmo ka hor ayaa lagu qarxiyay Moqdisho kuna waayeen dhowr ka tirsan shaqalahooda.

Waxaa iska arkay ganacsatada iyo dadka danyarta ah oo ku nool Moqdisho waana meesha colaado uga bilaabatay,waxaana inta badan la shaqeeya NGO-yada Maxaliga ee Moqdisho ka howlgala waana meesha dhibku uga bilowday.

Turkiga ayaa Moqdisho ku yimid Mucaawino iyo mashaariic qarsoon,laakin maalmahan danbe la arkayay wajigiisa runta ah.

23251719

MAQAAL XAQIIQ SHEEG AH:-SOOMAALIYA IYO ’SYKES- PICOTKA’ CUSUB. Qore:- Suldaan Maxamed Garyare.

25350628بسم الله الرحمن الرحيم

  وبعد الحمد لله رب العالمين والصلاة والسلام على أشرف الأنبياء والمرسلين نبينا محمد وعلى آله وصحبه أجمعين

 

SOOMAALIYA IYO ’SYKES- PICOTKA’ CUSUB

Allaah baa mahad leh. Ammaan iyo nabadgelyo Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato!

 

Suxufiga caanka ah ee wax ku qora shaashadda caalamiga ah ee Al-Jazeera, lana yiraahdo Xamdi Cabduraxmaan ayaa dhawaan daabacay qoraal dheer oo uu ugu magac darey Soomaaliya iyo ’Sykes-Picotka cusub’. Taariikhahaan hawraarta ama kelmadda Sykes-Picot, waxa ay ka timi heshiis dhexmarey Ingiriiska iyo Faransiiskaintii uu socday waxa reer Galbeedku ugu yeeraan dagaalkii koowaad ee adduunka, ee lagaga soo horjeeday dowladdii Islaamiga ahayd ee Cismaaniyiintii iyo Jarmalka oo gacansaar la lahaa.

Waxa dhacday in labadan dal ee aan soo xusay ay heshiis qarsoodi ah la galeen Mashaa’ikhdii Carabta horjoogaha u ahayd iyaga oo ka dhadhaadhicinaya in ay gooni isu taagaan, kana hoos baxaan maamulka Kahallifada Cismaaniyiinta, si ay suurtagal u noqoto in danaha labadan dal uu u hirgalo.

Heshiiskaa waxa laga qarsanayey oo la diiddanaa in uu qayb ka noqdo dalka Ruushka oo isna ahaa awood soo baxaysa oo markaa Yurub ka jirtay. Hishiiskaan waxaa Mashaa’ikhdaa la saxiixday Wasiirkii arrimaha dibadda ee Ingiriiska, lana oran jirey Sir Mark Sykes iyo kii Faransiiska oo isna la oran jirey Farncois Georges-Picot.

Ingiriiska waxaa loo oggolaaday in uu muraaqabo ama ilaalin ku sameeyo, inta u dhexeysaWabiga Urdun, koonfurta Ciraaq iyo meelo yar-yar oo ay ku jiraan magaalada dekedda ah ee Xayfa iyo Cagra, oo ay Yuhuuddu dhulboobka ku qabsatay 1940kii. Ingiriisku qorshahaa wuxuu uga danlahaa in uu marwalba la socdo wixii dhaqdhaqaaq ah ee ka jira badda Midetereniyanka. Meesha Faransiiskana loo qoondeeyey in uu isna sooryo u qaato, Koonfurta Bari ee Turkiga, Waqooyiga Ciraaq, Suuriya iyo Lubnaan, meesha Ruushka lagu sasabay in uu isna galo Istambuul.

Qoraagu howraartiisa wuxuu ku bilaabay; shaki kuma jiro in dawladaha ka taliya dalalka Carabtu ay dhumiyeen dhul baaxad weyn oo Islaamku wujuud ku lahaa, kadib markii ay ku mashquuleen, qalcadihii dhaadheeraa iyo jidadkii waaweynaa ee reer Galbeedku ugu beddelay khayraadkii dalalkooda. Waxayna meesha soo dhigtay in dowlado fakhri ah ay la wareegaan dhul badan oo lagu tirin jirey dalalka Carabta, dhulkaa waxaa ka mid ahSoomaaliya, oo aad mooddo in laba dal oo gacanta u hoorsada madaxda Carabtu uu u gacan galay iyaga oo qol ku xirtay kuwa ku magacaaban dowlad ku sheegga Soomaalida.

Qoraagu wuxuu tilmaamay dalalkaas, isaga oo ku sheegay Itoobiya iyo Kenya, wuxuuna carrabaabay in ay heshiish qarsoodi ah lagaleen nimanka ugu sarreeya dowlad ku sheegga Soomaalida, lana gaarey is afgarad aan sharciyad iyo qoraal taam ah midna lahayn lana yiraahdo ”Memorandum of understanding”. Isfahamkaani wuxuu dhigayaa in dhulka Soomaalida wixii khayraad ah ee ku jira ay heshiis ku yihiin saddexdan qaybood oo midi tahay tan loo heshiiyey kheyaraadkeeda, waa Soomaaliyee, laakiin labada kale ay yihiin kuwo koobkooda wata oo qaadanaya wax aysan iyagu lahayn oo cid kale leedahay.

Heshiiskan ujeedooyin badan baa ka dambeeya oo ku salaysan xagga siyaasadda dhulka(Geo-politics), waxaana kamid ah in ay meesha laga saaro hammigii ahaa in dhulka Soomaalidu yahay dhul kamid ah dhulalka Carabta, waxaana dhibaatada uga badani la soo dersaysaa ayaa qoraagu sii raacshay dalka Suudaan oo isagu ah dal Muslim ah haddana Carab ah.

Tuhunka arrintani wuxuu soo baxay markii ay Qol mugdi ah oo albaabadu u laaban yihiin ay wada galeen saddexda qolo oo aan soo xusay, iyada oo laga qariyey dalalkii kale ee xubnaha ka ahaa waxaa loogu yeero IGAD oo ay ku midaysanyihiin dalal dhowr ah oo Suudaani ka mid tahay. Kulankaa qarsoodiga ahna waxa loogu magacdarey; Nabad ku soo dabbaalidda Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ”Stability Plan great for Southern and central Somalia, wuxuuna dhacay  6dii December 2012kii.

Waxaa shirkaa gardaadinayey u qaybsanaha xagga arrimaha nabad ku soo dabbaalidda Soomaaliya ee IGAD, ahna wasiirka Arrimaha dibadda dalka Kenya Kiroto Arap Kirwa,wuxuuna howlwadeen ka yahay xafiis ka madaxbannaan IGAD, xaruntiisuna tahay magaalada Addis-Ababa ee dalka Itoobiya.

Waxaana dhacday in la yareystay dalalkii kale ee IGAD kamid ahaa, taas oo u ’eg in arrimahani ay yihiin arrimo u gaara Itoobiya iyo Kenya. Haddii ay dhacday in IGAD dhexdeedu ay u kala dhuumanayso arrimaha Soomaaliya, miyaan la oran karin isfahamkani wuxuu la mid yahay kii ay goonnida ula gaareen Sykes-Picot mashaa’ikhdii Carabta ee aan waxba kala ogeyn, qarni ka hor.

Qoraagu wuxuu muujinayaa dareen ah in Itoobiya iyo Kenya ay helayaan sharciyad u oggolaanaysa in markii ay doonaan faragelin ku sameyn karaan siyaasadda iyo amniga Soomaaliya, taas oo ka dhigan in uusan jirin wax ka xannibaya in ciidamadoodu hor iyo gadaal isu daba maraan iyaga oo aan u baahneyn oggolaansho caalami ah.

Heshiishkani wuxuu daba socdaa kadib markii Madaxa Wasiiradda ee cusub ee dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn uu bishii November ee kal hore booqasho ku tagay dalka Kenya, isaga oo Kenya ka dalbaya ama u sheegaya in ay Kenya tahay saaxiib weyn oo ay Itoobiya leedahay, lagama maarmaana u ah iska kaashiga arrimaha Soomaaliya.

Qorshaha ay ku talagaleen ayaa ah in ay faragelin joogta ah ku samaynayaan saddex qaybood oo Soomaaliya kamid ah.

  1. Deegaanka Koonfurta Soomaaliya, ayna kutaal magaalada dekedda ah ee Kismaayo, waxaa isfahamku dhigayaa in ciidammadda Kenya ay ka samaystaan waxaa loo yaqaan Buffer Zone, taas oo u dhigma kan Yuhuuddu ka samaysatay Koonfurta Lubnaan iyo Buuraha Golan-Height, si mar walba ay Kenya gacan ugu yeelato siyaasadda Soomaaliya.
  2. Gobolladda dhexe, oo ay Hiiraan kamid tahay, Itoobiya waxay ka ankumaysaa maamul goboleed iyada ka shidaal qaata si mar walba ay Itoobiya majaraha ugu hayso qaybo kamid ah siyaasadda Soomaaliya, taas oo meesha ka saareysa in dowlad xor oo Soomaalidu leedahay ay meesha timaaddo.
  3. Deegaanka saddexaad oo ay ku jirto Caasimaddii dalka, Muqdisho, waxa iyana hoggankiisa lagu wareejiyey ciidammadda nabad ilaalinta ee loo yaqaan AMISOM, kuwaas oo daamanka u haya Itoobiya iyo Kenya in aan waxyeello looga gaysan.

Qoraaga oo ah Nin ay hadaladiisa ka dhadhamayso waddaniyad ayaa madaxda Carabta kula talinaya in ay mudan yihiin in ay u gurmadaan walaalahooda Soomaaliyeed maaddaama ay muuqata in arrimahoodii la geliyey gacmo shisheeye oo aan Carab iyo Muslim midna ahayn. Wuxuuna ku soo gabagabeeyey in qaybsigan cusubi uu yahay mid meesha ka saarayo hammigii iyo riyaddii Soomaalaidu ay waligeedba ku taami jirtey taas oo ahayd in Soomaaliweyn ay soo noqoto gacanta cadowgana ka xorowda, laakiin taa waxa beddelay in kuwii ka badbaaday gumaysiga Itoobiya iyo Kenya ay maanta mindidu dulsaaran tahay, una muuqda kuwo la sii kala googoynayo.

وآخر دعوانا أَنِ الحمد لله رب العالمين

Wa Billahi Towfiiq

Suldaan Maxamed Suldaan Garyare (Abu-Cabduraxmaan).

245303271

Sykes–Picot Agreement

http://en.wikipedia.org/wiki/Sykes%E2%80%93Picot_Agreement

 

25345730

 

Banaadir Post.

 

 

JAWAARI JIDKEE HAYAA:- Jawaari oo bilad ku helay inow Dad iyo Dal muslim ah Dastuur loo dhiibay ka dhaqan galiyay!

25313732Dubois Sculpture waa Ninka Muuqaalkiisa Sanamkaa uu inta badan Wadamada Galbeedka uu kudhagan yahay goobaha Qareennada, waa Nin Faransiis ah oo Sharciyada u sameeyey Wadamada Yurubta, sidoo kale waxaa Dubbaha isticmaala Wadamada Galbeedka intooda badan gaar ahaan Wadanka Maraykanka.

Wuxuu aad ugu amaanay  inow ummada somaliyeed u geeyay dastuurkii loo dhiibay,kaaso ay  horey ugu dhiiran waayeen dad isaga ka horeeyay,waxaana la wada cabay Qamro iyo waxyaabo kale oo xun.

25313732 (1)

Sayid Maxamed Cabdallah Xassan ayaa Magaalada Hargaysa Asaga oo Sacuudiga kayimid, wuxuu la kulmay Wiil yar, Silsilad qoorta ugu xiran tahay, markaas ayuu yiri, Adeer magacaa?, Wiilkii ayaa yiri, John Maxamed, markaas ayaa Sayidkii inta Qoslay yiri, Maxamed John Madhalo!, Sayid Maxamed waa Sheekh Saalixiya wuxuu la yaabay Wiil Aabbe Muslim ah dhalay in uu John labaxo.

Maxamed Cismaan Jawaari, su’aasha ayaa ah Maxamed Nin la yiraahdo oo Dastuur inta ku dhaarta haddana Sharci dajiyo, maku farxi karaa Dubbo la siiyey?. Ilaahay diintiisa maxaa lagu cayaaray!. Magac aan Caqiido saxiixa wadan macno badan samayn maayo.

25313655

“Dulli kama baxaysaan hadii DIINTA lagu laaban”

25313664

Banaadir Post.

WARBIXIN:-Idaacad ay ka shaqeyn doonaan Haween Kaliya oo laga furayo Muqdisho.

25278955Magaalada Muqdisho ayaa gashay marxalad ka duwan tii ay ku jirtay xiligii gacanta ku haysay xarakada Mujaahidiinta Alshabaab.

Magaalada Muqdisho oo ah Caasimada Soomaaliya waxay la ciirciireysaa qurba joog isaga timid Dunida dacaladeed.

Dadka qurbaha ka yimid  kuwa xun iyo kuwa wanaagsan wey leeyihiin.

Shabaabkii waa laga xureeyay Muqdisho waxa ay dhashay in Magaalada lagu dhex arko Haween Gawaari raaxo iyo kuwa BL- ku dhex kaxeeynaya(Subxaanallaah)

Baarlaman la yiri boqolkiiba sodan waa Haween,xukuumad la yiri waxaa wasiirka arimaha dibada u ah Haweenay dhex fadhiisanaya shirarka caalamka ma ahayn wax wanaag laga fili karayay.

Sumcad xumida Soomaalida ku dul habsatay ayaa si weyn caalamka looga dareemay.

Layaab iyo hadal heyn qof aysan ila wadaagin ayay ii ahayd markii aan maqlay wasiirada arimaha dibada Soomaaliya  waxay ka qeybgashay shirka wasiirada Dalalka carabta oo idilkood rag ahaa.

Haweenayda Wasiirka Arimaha dibada Soomaaliya ayaa xili saq dhexe  la kulmaysa Wasiirka Arimaha Dibada Kenya qarac kale ayay ii ahayd.

Beesha Caalamka xiligii ay dhidibada utaagayeen Dowladda Federaalka waxa ay damacsanaayeen in Wasiirka Koowaad Xukuumada laga dhigo Haweenay laakin Dalal badan ayaa soo jeediyay in marka hore Soomaalida lagu tijaabiyo Ficilka ay ka bixin karaan in  Wasiirka Arimaha Dibada laga dhigo Haweenay.

Waan Aqbalnay in Wasiir arime dibadeed laga dhigo haweenay ,waxa harsan waxa weeye in lasoo magacaabo qof haweenay ah oo raisulwasaare ka ah Dalka Soomaaliya.

Idaacadd loogu magac daray Aman radio ayaa dhawaan laga furi doonaa Magaalada Muqdisho gaar ahaan Degmada Howlwadaag,waxaana ka shaqeyn doona gebi ahaanba haween Soomaaliyeed.

Farxiya Faarax Rooble oo ah Agaasime ku xigeenka Idaacaddaan ayaa usheegtay Mareegta ku hadasha Afka Taliska Mareykanka Qaarada Afrika ee Sabahi in arinkaan ay ugu dan leeyihiin in lagu xoojiyo haweenka gaar ahaan dhanka warbaahinta.

bal aynu aragno sida ay ushaqeeyaan

W/Q Injineer  Axmed Cali  Suuxaaye.

24530327

Banaadir Post.

25278913