DHAGEYSO:- Xijaabka Dumarka iyo Sheekh Boqolsoon,Raximahullah.

25667315Waxa mahad dhamaanteed iska leh, ALAH  abuuray samaawaadka, iyo arlooyinka, allahaasoo amray dhamaan khalqigu inay caabudaan, cibaado dhamaystiran, waxaan allaah ka baryayaa inuu ka amaano xaga sare NABIGA RASUULKA MUXAMED ah naxariista allaah iyo amaantiiso korkiisa ha ahaatee, saxaabadana  ALAH waxaan u waydiinayaa inuu raali ka noqdo, Intaa kadib.

Walaalayaal waxa dhamaanteen aan wada ognahay, inuu  ALAH ku waajibiyay dumarka islaamku, inay qariyaan cawradooda, si aan loo arag, ragga aan xalaasha u ahayna ayna u daawan cawradooda, sidaana allaah umuu doonin huurin, ama cuna qabatayne waa ilaalin, xaga allaah ka ahaatay subxaanahu,

Walaalayaal hadaba  hadaynu wada ogaanay taa waxa loo baahanyahay, in la ogaado faa,iidooyika ay ka helayaan dumarka iyo dadkuba waayo haday dumarku fasaadaan dadka iyo dalkuba waa fasaadayaa haday hagaagaana wa hagaaysaa inta kale

Hadaba hadalka, hadaan soo koobo waxa aad qabanayso, inta aanad qaban, ayaad iswaydiinaysaa, maxaad ka faa,iidaysaa, faa,iidooyinka ay ka helyaan dumarku, haday xijaabka qaataan waa sedan:-

1/5 Muxadaro – Xijaabka-Dumarka – Sheikh Maxamed Axmed Rooble Boqolsoon Raximahullah

1-Waa amarkii allaah oo ay fulinayso, allaahna waxa uu amaanay cid kasta oo amarkiisa waadata, oo wuxuu yidhi sameeyay oo wuxuu kadoonay fuliyay, ilaa allaah uu ka soo gaadhsiyay waxay liibaaneen liibaan waynnnnn,

2-Waxay ilaaliyeen sharaftooda, allaahna markuu waajibiayay xijaabka, waxa allaah uu yidhi, inay xijaabka qaataan ayaa u dhaw in la garto inay dhawrsoon yihiin oo a la dhibin,

3-Qalbigooda ayaa daahir noqonaya, oo nadiif noqonaya,

4-Akhlaaqdooda ayaa wanaagsanaanaysa, waayo islaamku waxa uu faray inay cawradooda asturan, waanay qaateen akhlaaqdaa fiican ,

5-Waxa xijaabku uu calaamad u yahay, inay gabdhaasi dhawrsoontahay,

6-Shaydaanka ayuu teed ka yahay, oo shaydaanku uma soo dhaafayo inta ay xijaabantahay halkaa waayo ilaalin alle ayay ku dul sugantahay,

7-Xishoodkuu ilaalinayaa, oo gabadha xijaabataa waa mid xihsootay,

8-Ragga ayay ka duwantahay, oo soo dhex gali mayso, oo way ka xihsoonayaan raguna,

9-Waxa uu ka ilaalinayaa zinada iyo qaawanaanta,

10-Waa asturri alle uu ku galadaystay dumarka,

Haku mahad naqeen dumarku.

Wabillaahi Towfiiq.

XIJAABKA GABAY

Banaadir Post.

VIDEO:-Tartanka Quruxda Dumarka ayaa kadhacay magaalada Jigjiga, waxaa goobjoog ahaa rag ka tirsan Ictisaam!!

25551965Soomaaliyeey fiirsada meesha Ibraahin Dheere iyo  Ictisaam ay dhigeen gabdhihii Soamliyeed ee sharafta iyo heybada udhashay!!

Youtube-ka waxaa ku jiray gabdhihii soomaaliyeed oo inta la soo qaawiyey la yiri u tartama quruxda si aad Meles Sanaawi u xustaan!.

Tartanka Quruxda Dumarka aya kadhacay magalaada Jigjiga!

lega.00

Banaadir Post.

Dhugasho (1972)” Ma dad dhoohan baan nahay, maxaan taa la dhugan weynay?” Macallin Dhoodaan.

25152193.

1.      Soomaalidaan dhiidhiyay, ugu dhamaynaayey

2.      Dhan kastaba ha joogtee dadkaan, dhiirigelinayaayey

3.      Dadkaan dhiiga hoosiyo qalbiga, wada dhalaalsiiyey

4.      Runtii aan u dhakaabiyo dadkaan, dhaabadda u sheegay

5.      Dharaar iyo habeen qayladaan, kor u dhawaaqayey

 

6.      Ujeedada dhankii loo wadee, layska dhaadhiciyey

7.      Inta dhinac marsani waa kuwaan, garasho dheereyne

8.      Caqligay ka dhaawacan yihiin, waana shay dhab ahe

9.      Oo dhaandhaamo baas waxa ka dhigay, dhuuni raacnimo’e

 

10.  Shaydaankay dheesha u tumaan, wuu dhakaandhabiye

11.  Umaddan dhabaalyeyn jiree, aan u dhawaaqaayey

12.  Dhabar dhabar hadday wax u fahmeen, yaa dhibaato ahee

13.  Dhaqankiyo asluubtaan macanaha, kugu dhansiiyaaye

14.  Raggiise aabbayaasheen dhalay baa, dhaafay hadal weyne

15.  Maahmaahyadey noo dhiseen, midaan ka soo dheegay

16.  Dhinacyada hadduu kaaga jiro, nacab ku dhaylyaaya

17.  Intaad sacabadow dhigan lahayn, nacab ku dhuudaaya

18.  Si uu dhoomo inaad buuxsatoo, dheregtay kuu moodo

19.  Dhafoor xumiyo cadawgaagu yuu, dhuubni kaa garane

20.  Waxaaba loogu soo dhaashadaa, dhuux sagaaro e

 25152372

21.  Markaad hadalku geestuu u dhacay, sii dhadhamisaanna

22.  Dhudhunkeeda taa lama lahayn, dheef ka raadsade e

23.  Macnuhu waa dhiggaa lama beryee, ceeb ka dhawrsade

 

24.  Dhirta iyo dabayshiyo dhulkiyo, dheefta iyo ciidda

25.  Wax dhulkeena lagu dheehay oo, dheeriyaa badane

26.  Inkastoo dhallaan iyo gabow, ciidda lagu dhaarto

27.  Dhaqdhaqaaqi meelaan casrigu, wali ku dheereynin

 

28.  Dhallinyaradii aan sheegaayiyo, taan dhegaabinayey

29.  Maskaxdaa dhan hadalkiina, way dhihi yaqaaniine

30.  Dhimir iyo garaad way qabaan, fiiro dhumuc weyne

31.  Oo qaarkood murtiday soo dhuftaan, waabad dheygagiye

32.  Dhabbahaan marayniyo libtuna, way isu dhaw dahaye

33.  Dhaqso horumarkoodiina way, dhagagsanaayaane

34.  Isxilqaanka noo dhimman maxaan, uga dhabcaalownay

 

35.  Dhurde ma laha dhuux iyo laf iyo, dhiibsanow muruqe

36.  Dhirtana waa ka miidduu ka dhuray, lala dhamaayaaye

37.  Intaan ubuxu dhadhin ee ku yaal, laanta dhaladeeda

38.  Ee uu mankuba dhaadan yuu, tacab dhitaystaaye

39.  Hadhow buuse wuxuu sii dhigtiyo, malabkii dhuuqaaye

 

40.  Haddaan eegno dhuunyaalihiyo, anigan Dhoodaana

41.  Billow aadmigii aan u dhashaan, yara ku dhaamaaye

42.  Geedihii dhulkiyo hawlkarnimo, igaga dheereeye

 

43.  Aboorkuna dhareer iyo wuxuu, ciid isugu dhoobay

44.  Ee uu dundumada uga dhigay, amuu u dheeraystay

45.  Waa jidhacuu dhiilada ka qabay, inuu ka dhuuntaaye

 

46.  Haddaan cadawga soo dheelmadka ah, la iska dhooroofin

47.  Dhexda maalintuu kaa galee, dhagarna kuu geysto

48.  Dhirif iyo cabaad sida runta ah, kaama dhiciyaane

49.  Dharbaaxadu intay kaa fogtee, soo dhabbacanayso

50.  Lama dhagabsadee waa inaad, dhab u dareentaaye

51.  Markaasaa dhangado loo gurtaa, dhaax la diriraaye

52.  Oo dhawrta lays kaga gudbaa, dhacamo waaweyne

 

53.  Geedaha dhafmaa lagu yidhaa, waysku dhoon kaniye

54.  Dhig baan udub ku taagayoon ku xidhay, shay dhegaatiyahe

55.  Mana dhalleecsan hadalkii anoon, sii dhubqaaliyine

56.  Ruuxii i dhageystow macnihii, waan ku dhaadhicine

57.  Cudurada wax dhaawaca jirrada, lala dhukaamayo

58.  Ee sida dhinbiilaha dabka ah, kaga dhagsiinaysa

59.  Iyo gumaysi dhuug iyo ka daran, baalcaddii dhagaxa

60.  Oo inuu dharkaba kaa furtiyo, dooni dhaxalkaaga

61.  Labadaaba wixii kaa dhacshaa, ma aha dheeldheele

62.  Mid walba waa dagaal dhiif leh oo, dhuubka loo daro e

 

63.  Dhanka kale waxyaalahan dharaar nool idhaa, taaba maan dhuganno

64.  Dhakhtarnimo ka soo qaad bal waan, kuu dhildhilayaaye

65.  Caanaha dharkaynkiyo haddaan, dhirindhir soo hoorsho

66.  Oo aan dhammaajiyo ku daro, xabagta dhiigsaarka

67.  Oon dhiil xareediyo intaan dheri, ka soo buuxsho

68.  Oo daboolka aan u dhuujiyoon, dab u dhardhaarreeyo

69.  Kolay boogta dhaymo u noqdaan, lama dhalliileene

70.  Ma dad dhoohan baan nahay, maxaan taa la dhugan weynay?

 

71.  Haddaanse laamo dhaadheer ka qodo, dhuundhas xididkeeda

72.  Oon xadhig dhan kaga soo xidhoon, dhinac u laadlaadsho

73.  Oon weel u hoos dhigo biyaha, way dhidhibicdaaye

74.  Inuu dhibiq tifleeyaba qoryaha, waxa ka soo dhiiqa

75.  Haddaan waliba dheecaan Mawiyo, dhamstana u geeyo

76.  Oon dhaal ku wada shiilo oon dherilo, ka soo buuxsho

77.  Inay dhabarka daawo u noqdaan, way u dhawdahaye

78.  Ma dad dhoohan baan nahay, maxaan taa la dhugan weynay?

 

79.  Markay Uneexo rays dhaadhidee, dharabka doogowdo

80.  Dhawr geed haddaan soo rujoon, dhamac yar taabsiiyo

81.  Markay dhuudhi roortee humrigu, dhidid ka soo daayo

82.  Dhudhun lagu maroojiyo intaan, xoog isugu dhaabo

83.  War dhaydaan ka tuujiyo waxaan, dharaq ka soo miiro

84.  Kob dhawrsoon intaan sii dhigtoo, dhababo oon huursho

85.  Oon Jinow dhanaan iyo haddana, dhoon Tobboga keeno

86.  Oon tiina taa dhiil qarsha ah, kula dhadoobeeyo

87.  Dhuubaan kolkay soo baxdoo, dhiin casuus noqoto

88.  Qof dhilmaayo soo tuurtay oo, kaar u dhimanaayey

89.  Haddaan xidid sintaa kaga dhuftoon, dhash! kaga siiyo

90.  Dhaqso inuu bogsoodaaba way, dhici karaysaaye

91.  Ma dad dhoohan baan nahay, maxaan taa la dhugan weynay?

 

92.  Dhafaruur dhunkaal lagu qasiyo, Dhayga badhidiisa

93.  Dhiqle mayna reebteen waxbaba, yey dhurwaa diline

94.  Dhiidhiitiida kama liidateen, laygu dhacayaaye

95.  Ma dad dhoohan baa nahay, maxaan taa la dhugan weynay?

25152349

Banaadir Post.

CULIMADA ISLAAMKA:- “Waxa loogu yeero xuquuqda dumarka waa qorshe lagu bur buriyanyo umadda Muslimiinta”

24954578Culimada Islaamka dalka Masar ayaa dood kulul ka yeeshay waxa loogu yeero xuquuqda dumarka taasi oo si aad ah looga hadal hayay maalmihii u dambeeyay dalka Masar.

Ururka la baxay Qaramada Midoobay ayaa dhowaan war ka soo baxay waxaa lagu sheegay in dalka Masar oo ka mid ah dalalka Muslimiinta aanay ka jirin wax xuquuq dumareed ah taasi oo si weyn bulshada qaybaheeda kala duwani uga hadleen.

Culimada dalkaasi oo dood kulul ka yeeshay arinkaasi ayaa gaashaanka u daruuray warka Qaramada Midoobay waxaana ay culimadu sheegeen in Allaah SWT uu dumarka goor hore u soo saaray xuquuq uu isagu u jideeyay iyadoo wixii intaasi ka badanna ay tahay dembi iyo kalsoonidarro Allaah laga qabo.

Waxaa ay culimadu sheegeen in Allaah kitaabkiisu si dhab ah uga hadlay xuquuqda dumarka iyo ragga waxaana ay sheegeen in wax aan kitaabka ka ahayn aanay ka qaadanayn waxa ay tahay xuquuqda dumarka.

“Qorshaha gacan ku samayska ah ee xuquuqda dumarka lagu sheego waa mid loogu talo galay in si dhab ah loogu dumiyo diinta iyo dadka Muslimiinta ah” ayaa lagu yiri war ay soo saareen culimada reer Masar.

Dalal ay Masar ka mid tahay oo Carbeed ayaa la sheegay inaanay dumarku ku haysan xuquuqdii ay lahaayeen, waxaana UN oo warkan soo saartay ay sheegtay in dumarka dalal dhowr ah oo ay ugu daranyihiin kuwa Islaamka ay ku jiraan caburin xoogan.

Culimada dalkaasi Masar waxaa ay sheegeen in waxa UN-ku wadaan ay yihiin wax aan la aqbali Karin waxaana ay sheegeen in hadii warkooda la tixgeliyo ay dumarku noqonayaan kuwo yeelanaya xaqqa ninka ragga ah oo kale sida inay gaari wado umadda hogaamiso, amaba furto ninkeeda hadii ay is fahmi waayaan.

Culimaa`udiinka reer Masar ayaa qorshahan si aad ah uga digay waxaana ay bulshada caalamka iyo dalalka Muslimiinta ah ugu baaqeen inay ka digtoonaadaan qaadashada wax aan ka ahayn waxa diinta Islaamku qabto.

62187_508497125834721_118372272_n

 

Xafiiska jinsiga ee AMISOM oo loo yaqaan [AMISOM Gender Office], waxaana ka qaybgalay haween ka kala socday ururrada bulshada rayidka ah, baarlamaanka iyo haween ka tirsan booliiska Soomaaliya waxaana goob joog ahaa oo haweenka geeyay Sheekh Cali Maxamuud (Sheekh Cali Wajiis)”Hadii la yaabo Yaasiinka “

https://newsfromsomalia.wordpress.com/2012/11/12/xafiiska-jinsiga-ee-amisom-oo-loo-yaqaan-amisom-gender-office-waxaana-ka-qaybgalay-haween-ka-kala-socday-ururrada-bulshada-rayidka-ah-baarlamaanka-iyo-haween-ka-tirsan-booliiska-soomaaliya-waxaana/

541299_374968639212330_1440731839_n

DHAGEYSO:-Fadliga Salaada Jamaacada iyo Sheekh Maxamed Axmed Rooble.AUN.

24873227Waa muxaadaro Islaami ah, waxaan soo jeediyey Rabi ha u naxariiste Sheekh Maxamed Axmed Rooble (Boqolsoon).

Walaalka Muslimka ahoow dhagayso Sheekhana u duceey.Rabbi ha ka aqbalee.

Banaadir Post.

VIDEO YAAB LEH”HADII LA YAABO YAASIINKA” Hoteel Moqdisho ku yaal oo Noqday Goob Ay Qurbo-Joogto “DANYUUSBARADO” Ku Tuntaan!!

226850_517622541613605_54592128_nHotel ku-yaal Muqdisho oo Qurbo-joogta Soomaaliyeed ee dibadda ka timaada ay kula tuntaan gabdho Soomaaliyeed oo Hotelka lagu iibiyo.

Raggan ayaa Khamri iyo Shiishad la caba gabdhahan oo xoogaa lacag ah ku bedesho inay la baashaalaan ka qaraabta Hoteeladda Muqdisho.

Filinkan ayaa waxaa ka soo muuqanaya Nin cabsan oo Foolxumo ku dhamaatay oo Cıyaarta Taangada iyo Niikada loo yaqaan la cayaaraya gabar dirac iyo dhar khafiif ah loo soo xiray,waxaadna arkeysaa gabdho kale oo Shiishad iyo khamri cabaya oo fadhiya goobtan lagu tumanayo.

Anagoo ilaalinaya Sumacada Hoteelkan ayaan go,aansanay inaan magaciisa halkan ku soo daabacin,balse hadii Hotelka uusan joojin fisqiga iyo munkarka ay Mudisho ka wadaan magacooda ayaan soo daabacaynaa iyo Aflaan kale oo laga duubay Hotelkan ay furteen Qurbo-Joog Muqdisho looga yaqaan (Somali Diyuusparo)

Daawo:Qurbo-Joog Hoteel ka mid ah Muqdisho kula Tunta Gabdhaha

23925990

24683573

SAWIRO+DHAGEYSO:-Banaanbax lagu taageerayo dagaalka lagula jiro Amisom iyo Maleeshiyaadka la socda oo maanta ka dhacay gobolka Shebaalada hoose oo dhan.

24716580

Dadka ayaa ku dhawaaqayay Allaahu akhbar, waxaaana wejiyadooda ka muuqday  sida ay uga xun yihiin Gumeysiga qabsaday Meelo ka mid ah Soomaaliya ee dhibaateynaya dadka Muslimiinta ah kuna xadgudbay Diinta Islaamka sidaas oo ay tahayna ku haminaya in Dalka inta ka hartay uu Gacanta ku dhigo.


waxa ay Cod sare ku sheegeen in ay ka go’an tahay u gar gaaridda Diinta Islaamka oo ay gudanayaan waajibka Alle saaray ee ah in ay Jihaadaan.

Saraakiil ka tirsan Maamulka Gobalka ee Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab, Culumada Diinta Islaamka qaarkood, iyo odayaal dhaqameedyo halkaas ka hadlay ayaa shaaciyay in Gaalo iyo kheyrkeed isu soo baheysteen Daminta Nuurka Allaah sidaa aawgeedna ay tahay in Guntiga loo dhuuqsado iska dhicintooda iyo Sidii Towxiidku kor u ahaa lahaa.


Waaliga Gobalka ee ee Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla ayaa oo isu soo baxayaasha la hadlay waxa uu ku dhiiri geliyay in ay Cadawga Alle iyo Cadawgooda (Gaalada) ay Afka Ciidda u daraan.

Dhageyso Sh Abuu Cabdallah.

“in aan Gaalada la Dagaalno oo Meel walba aan u fariisano, Meel walba aan ku dilno, Nolosha aan u diidno, Kelemedda Ilaahay in aan kor yeelno ayuu Allaah (SWT) na amray” sidaas waxaa yiri Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla Waaliga Gobalka Shabeelaha hoose ee Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab.


“iyagu (Gaalada) waxa ay doonayaan fasaad, Munkarka in ay soo Celshaan, waxay doonayaan Kalimadda Kufrigu in ay kor ahaato, annaguna (Muslimiinta) waxaan dooneynaa in ay Kalimada Ilaahay kor noqoto, in Dhulkaan Diinta Alle lagu xukumo, in Allaah (SWC) lagu raali geliyo in Munkar, Bidcada iyo Kufri oo dhanna Caalamka laga waayo  iyo In Kalimada Ilaahay (Raayada Towxiidku) Meel Walba ka babato”. Ayuu hadalkiisa raaciyay Abuu Cabdalla.

Sheekh abuu Cabdalla oo la hadlayay Muslimiinta Goobta joogtay iyo kuwa kale ee Caalamka ku nool ayaa sheegay in qof waliba ay tahay in uu qorigiis qaato oo furumaha Jihaadka iska xaadiriyo.


Waaliga ayaa yiri “qof walba oo Maanta Halkaan fadhiya waa in uu Shahaado in uu helo ama in uu Cizi helo ku tala galo”.

Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla ayaa hoosta ak xariiqay in Maanta wixii ka dambeeya ay tahay in Gaalada soo duushay aan laga ogolaan ina y tilaabo dambe soo qaadaan looguna tago dhufeysyadana laga saaro lana burburiyo Cadawgaas lagana shaqeeyo Hubka iyo qalabka ay wataan in ay noqdaan khanimo Muslimiinta u Gacan gashay.

Waxa uu is weydiiyay haddii Galada laga cararo oo qof waliba yiraahdo “ilmaha ayaan qaxinayaa” yaa Gaalada iska dhicinaya?


Waaliga ayaa xusay in nagala rabo in aanu Gaalada ka difaacno Masaajidda, Gabdhaha Muslimaadka ah, Dugsiyda Qur’aanka kariimka ah iyo Odayaasha duqoobay.

Hablaha ayuu faray in ay ragga ku dhiiri geliyaan ina y Jihaadaan oo ay Gaalada Xididda siibaan.

Sheekh Maxamed xusay inMeelo badan Maanta oo Dunada ka mid ah dagaalo ka socdaan Gaalana la burburi doono ayna Soo socato (Khilaafo Islaami ah Insha Allaah.


Waxa uu tilamaamay in annaga oo kaliya Alle aan u baahanahay ee aanuu asigu noo baahneyn hadaan Jihaadi weynana cadaab Aaakhiro iyo mid Aduun aan kala kulmeyno Nagana Bedel qaadanayo (kuwa kale oo Jihaada keensanayo).

Siidunaa Xaajji Nuurkey oo ka mi ah Odayaasha Degmada Baraawe ayaa asna goobta ka sheeegay in ay reer Baraawe Diyaar u yihiin ina y Jihaadka u kacaan.

Sidoo kale Sheekh Xasan Takar oo ka mid ah Culumada Diinta islaamka ee Soomaalida ah ayaa dadka ku kula dardaarmay ina y Jihaadka Kaalin Muuqata ka qaataan Allana ka baqaan.


AskarMujaahidiinta ah qaarkood ayaa Magaalada gudaheeda iyo hareeraaheeda socod ku maray iyagoo watta Gaadiidka Dagaal iyo iyo Hub fara badan kuna lebbisan dharka Tuutaha ah.


Gobalka Shabeelah hoose waxa uu ka mid yahay Meelaha Ciidamada Shisheeye Duulaanka ku joogaan Gaar ahaana kuwa Uganda iyo Burundi oo qabsaday Magaalooyin ay ka mid yihiin Marka, Afgooye, iyo Wanlaweyn.

Isha Warka Radioalfurqaan 

VIDEO MAQAL:-17 Sifo oo Khawaarijta Lagu Garto.

24631213Waa Muxaadaro Qiimo badan o ku Iftiimineysa Khawaarijta Calaamadaha Lagu garto.
Waxaa Soo Jeedinaya Sheekh Cabdulqaadir Mumin حافظه الله oo ka Mid ah
Culumada Salafiyiinta ah ee Diinta ka run Sheega.

ALSHABAAB Ma Khawaarijbaa?

Sheekh Umal Ninkii Gaalo soo raaca oo Muslim kula dagaalama waa MURTAD

Banaadir Post

Qul Qulka qurba joogta Somalida ee Muqdisho Maxuu Salka ku hayaa?.

24580873Tan iyo waxii ka danbeyay markii ay si toos ah ay ciidamada shisheye ee afrikaanta galada ah yimaaden Somalia waxa hadba isoo tarayay  maalinba maalinta ka danbeeso dhibaatada  shacabka soo gaaraysa.

Walow ay muqdisho ay so martay marxalado kala duwan kuwasoo  ay dadka muqdisho marqati ka yahiin intii nidaam  ee so martay  hadana waxan la qarin karin waxa kow ka ah markii ay ka jirtay  magalada Muqdisho walayadii  gobalka Banaadir  in dadka  degaanka ku dhaqan ay ahayeen dad si nabad ah ku seexdo ama ku so tooso.

Markii ay ciidamada  shisheeye ee gaalada isku baahiyeen magaelada Muqdisho waxa ay ehel u noqotay  wax aan hore loo aqoon oo ah in dad  isku jiro cadaan iyo madow yimaadaan ayadoo aad arkee meelaha qaar markaa Muqdisho tagto Hoteello ay ka socdaan wax aan ehel ama munaasib u ehayn Diinta Islamka.

Hadaba  in muda ah waxaa dhagaheyga ku dhacayay  dhawaaq aad u qeylla dheer oo ka soo butaacayo Iclaamka ama Saxafada ku hadasho afka Somaliga oo dhamaantood ku hadaaqayay Muqdisho oo nabad ah iyo Muqdisho oo Hoteel hebel laga furay iyo Muqdisho oo fanaan hebel tagay.

24580850

Hadan is dul taago aniga  laba  u kala qadaaya.

Koow aan ku hor maro tan ah  dadka isku jiro  cadaanka iyo madowga ah ee tagayo magaalada Muqdisho ee aan indhaheyga ku arkay qaar ka mid ah waa kuwa u adegaa danaha  wadamada ay ka so jeedan ee shisheeyaha gaalada ah kuwaa  doonayo in ay ka fuliyaan dantooda  qaaska ah.

Labo  somalida qurba joogta ah ee in mudo ah ku nooleed wadamada Galbeedka ee gaalada oo ayagana si aad ah ugu qul qulaa magaalada Muqdisho markii qeyba ka mid ah uu meesha ka baxay nidaamkii ku saleysnaa  shareecada Islaamka oo ay u arkayeen wax caqabad  ku ah tagistooda Muqdisho.

Tan iyo markii ay tageen magalada Muqdisho maxa laga dhaxlay  qurba joogtii ku daashay  dibada

1: In ay la tageen dhaqan ay ku barteen qurbaha oo aan asal ama ehel u ehen Diinta Islaamka kana hor imanaa dhaqanka somaliada ee sharafta leh.

2: In ay ka fureen magalada Muqdisho hoteelo lagu caweeyo habeenkii.

3:In ay geyeen dhaqan ah wax loogu yeeray  is dhaxgalka  bulshada oo macnihiisa yahay ragga iyo dumarka oo is dhax boodo ama isla dego aqalada iyo Hoteelada ayagoo ciwaan ugu dhigay  is dhax galka nabada.

4:In lagu arko qeyba ka mid ah wadooyinka magalada Muqdisho dumar iyo ragg isla wada saaran gawarida nuuca raaxada ama shaqsiyaadka loo leeyahay kuwasoo  inta music la daaro cirka sare ku shareero ama u dalac6: Ragg iyo dumar wada dhar la’ oo iskula dabalanaa xeebaha Muqdisho iyadoo dumarkiina loo xiray marya aan jirka astureen    oo lagu sheegaa wax u qarinaa cowrada.


7: Iyo fanaaniin mudo fasahaad ka waday wadamada gaalada ee galbeedka  ah kuwasoo mudo ka maqnaa Muqdisho,
hadna  soo laabtay  durbana bilaabay wax loogu magac daray  Bandhig Faneed  ay ku sameynayaan Hotelada Muqdisho,dhaqaalaha ka soo xaroodana lagu cabo qashinka ay cabaan  dadka an ehelka u ehay
n Diinta.

24580873 (1)

8:Iyo in lagu arkaa  Magaladii Muqdisho ee caanka ku eheyd  intii ay ka hana qaaday ku dhaqanka sharecada Islaamka dumar xiran xijaabka islaamka   oo maanta lagu badalay  dumar wada xiran dhar aad u qafiif ah kasoo ka horimanaa diinta Islaamka.

Hadaba aniga  soo gunanadaa nuxurka hadalkeyga waxan is weydiyay in badan Muqdisho waa nabad, Muqdisho wa lagu laabtay,Muqdisho waxa dhisay qurba joogta,  oo an maqlayay ma waxa ay noqtay aaqirki in aan ka dhaxalno  fasahaad faafo iyo fisqi ragg iyo dumar is dhaxboodo oa isku yimaado wax loogu magac daray is dhax galka nabad ama bulshada oo ah in la isla dego aqalada Hoteelada.

Hadii ay saas tahay horumar waxaan filaa in halaag nagu soo fool leeyahay oo aan anaga isku deyneeno anago ka hor tago karno iyo in ay culumada  ay had iyo jeer ka hortagaan oo ka digan wa hadiiba culumada maanta la arkay ay ka hadlee waxaa Xamar maanta ka taagan.

W/Q:- Saciid Islam.

24530327Banaadir Post.

 

VIDEO HISTORY AH-JAWAARI OO JIGJIGA LA GEEYAY:-Jawaari ayaa noqonaya mas’uulkii ugu horeeyay ee Somaliyeed oo taga dhulka Xabishido xooga ugu haysato Somalida.

24533226Ninka loo sheegay inow yahay Gudoomiyaha baarlamanka Somalia Maxamed Cismaan Jawaari  oo maalmahan ku sugnaa magaalada Addis ababa ayaa maanta geeyay  Jigjiga oo ah magaalo Somaliyeed oo Xabishido xoog ku haysato.

WAA TAARIIKH KA HADLAYSA DAGAALKII SOMALIA IYO ITOOBIYA EE LOO YAQAANAY (OGADEN WAR)

24521542